Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

Taxane warbixinno ku saabsan Cilmi-Dhegoodka Geeska Afrika

Qaybta labaad:
Nayruush iyo Meherajaan

    
      Saamaynta uu kaalenderkii hore ee Persia ku yeeshay habeentiriska soomaalida.
    
    
      Waxaynu hore u carrabownay saamaynta loo maleeyo in uu kaalendarkii hore ee Persia ku yeeshay
      habeentiriska soomaalida [Jama Musse Jama, 2005]. Waxaynu si gaar ah u eegi doonaa laba eray oo ku
      caan ah habeentiriska soomaalida iyo xilliyeyna roobka, oo aynu maqaalada soo socda si qoto dheer
      ugaga hadli doono. Waa erayada Nayruush iyo Meherajaan. Waxaynu qeexi doonaa labada eray ee afka
      Farsi-ga ee Persia, oo dhawaaq ahaan ay isku midka yihiin oo kala ah Nawruz iyo Mihrigan.
    
      Nawruz (Naw-ruz) afka Farsi-ga waa maalinta uu bilaabmo sannadka kaalendarkii hore ee Persia, waana
      bilowga bisha Frawadin ee tirsigaas; wuxuu ku beegan yahay qiyaastii 21(22) bisha maarch ee tirsiimada
      Gregorianka. Waa marka ay cadceeddu bilowdo inay dulmarto  Equinox1 -ka. Sannadku wuxuu ka
      kooban yahay 365 maalmood oo u qaybsana 12 bilood. Tirsiga kaalendarkani wuxuu ku salaysan yahay
      qorraxda, wuxuu la kowsaday habeentiriska islaamka ee ku beegan 622 C.D (oo ku beegan hijriyaddii nabi
      Maxammed NNKH). [S. H. Taqizadeh, 1938]
    
      Erayga Mihrwuxuu u taagan yahay, marka loo eego diimihii casru-jaahiliga ee laga isticmaali jirey
      Persia, macnayaasha “cadceed”, “heshiis’, ‘naxariis’. Bisha toddobaad ee Sannadka kaalendarkaa Persia
      iyo maalinta lixiyotobnaad ee bil kastana waxaa Persia laga yidhaahdaa Mihr. Markaa maalinkasta oo
      bishu tahay 16 waxaa loo dabbaaldegi jirey Mihr-ruz oo macneheedu yahay ‘Maalintii Cadceedda’. Erayga
      Mihrigan waxa uu asalkiisu kasoo jeedaa halkaas [eeg Warbixino online ah: http://www.persia.pdx.edu].
    
      Sannadka kaalenderkaa hore ee Persia wuxuu u qaybsamaa laba qaybood oo ku salaysan xilli roobeedka.
      Bilowga jiilaalka oo la yidhaahdo Mihrigan iyo bilowga gu’ga oo la yidhaahdo Nawruziyo
      bilawga gu'ga oo la yidhaahdo Nawruz, islamarkaana ah bilowga sannadka. Markii ay carabtu
      qabsatay, ee Persia uu ka dhaqan galay kaalendarkii islaamku, xafladdii Mihrigan way ka sii socotay
      Persia, waxaana loogu yeedhay afcarabi ahaan Mihrajan, halka xafalddii Nawruz oo ahayd mid ka dheer
      tan Mihrajan-ka oo cishooyin badan socota la mamnuucay waayo waxaa la samayn jirey caadooyin diinta
      islaamka kasoo horjeeda oo casri jaahiligii lagu dhiqmi jirey.
    
      Wali Iran xafladdaha ugu waawayn ayay ka mid tahay tan Nawruz-ku. Waxyaabaha wali kasii nool in
      xafladda Nawruz-ka la sameeyo, gaar ahaan maalinta Arabacada ee u danbaysa sannadka dhamaanaya, waxaa
      ka mid ah in dadku isugu soo baxaan debedda habeenkaas ilaa fiidka oo inta ay dab shidaan ay ka dul
      boodaan. Xafladdaas oo la yidhaahdo "Shabe Chahar Shanbeh Suri", waxay dadku ku heesaan,"Ololku waa
      wanaage ka dul bood dabka, oo iska fogee nasiibka xun", waxay kaloo ku celceliyaan "sorkhiyeh to az
      man, zardieh man az to" oo macneheedu yahay "(ololyohow) isii midabkaaga cas ee caafimaadka leh, oo
      iga qaado midabkayga  cawlaanka ah".
    
      Hadaba dabshidka, ama dabtuurka, ama nayruushka, carriga soomaalida laga isticmaali jirey [la soco
      qaybta saddexaad ee taxanahan], macnihiisa ah bilowga sannadka qorraxda iyo kala qaybinta xilliyada
      roobka, iyo waliba shidista dabkuba waxay caddaynayaan in xidhiidh wayn ay leeyihiin labada
      habeentiris, oo erayga Nayruush ee soomaligu uu kasoo jeedo Nawruz-ka  afka Farsiga ee Persia.
      Inkastoo aanay isku xilli ku beegnay labada xafladood, hadana waxay labada dhacdo ku beegan yihiin
      bilowga sannad ee labada carri.
    
      Waxaa kale oo iyana aad u xiisa badan isu ekaanshaha erayada Mehrajaan iyo Mihrigan (oo afcariba loogu
      dhawaaqo Mihrajan). Waxay taasi iyana xoojinaysaa fikradda ah in dhaqankii Persia uu taabasho xoogleh
      ku yeeshay cariga soomaalida, gaar ahaan Somaliland iyo xeebta badda casa.
    
      Note:
      1-Cilmiga xiddigisku wuxuu ku qeexaa Equinox bar cirka ka mid ah oo ay ku kulmaan khadka  qofka
    	dhulkaa joogaa moodo in ay cadceedu raacayso iyo hadhka uu dhul badhuhu ku sameeyo cirka. Si kale
    	marka loo dhigo waa maalinta qorraxdu dul joogto dhulbadhaha, waxaanay ku beegantaa 20-21 Maarj.
    
      Tixraac:
      •	S. H. Taqizadeh, 1938
      Old Iranian Calendars
      Study Report printed and published under the patronage of the Royal Asiatic Society.
      http://www.iranchamber.com/culture/articles/old_iranian_calendars1.php
    
      •	Jama Musse Jama, 2005
      Habeentiris: Islaamka ka hor, soomalidu miyey lahayd kaalendar dhaqameed soo jireen ah?
      http://www.redsea-online.com
    
      •	Warbixino online-ah
      Persian Studies and Persia House at Portland State University
      http://www.persia.pdx.edu
    
      Jama Musse Jama, jamamusse@tin.it
      10 Bil dhurrohore (Mawliid) – 10 Safar 1426 – 20 Maarj 2005                    Akhri Qaybtii Saddexaad
      Pisa, Italy
    
    
Soo Bandhige :Fu,aad
              Bahda Mareegta Farshaxan

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.