Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

Taxane warbixinno ku saabsan Cilmi-Dhegoodka Geeska Afrika

Qaybta Saddexaad:
Xiliyada

    Habeentiriska soomalida u gaarka ah ee laga isticmaalo miyiga
    
    Maqaaladii hore waxaynu kusoo carrabaabnay kaalenderada saameeyey habeentiriska laga isticmaali jirey
    dhulka soomaalida. Kuwaas oo kala ahaa Gregorian-ka reer galbeedka, kaalenderka Islaamka, iyo tirsiga
    laba-iyo-toban bilood oo raaca dayaxa, sidaa darteed aad ugu dhow kan Islaamka oo bilihiisa la
    afsoomaaliyeey. Waxaynu hadaba maqaalakan ku eegaynaa hab afraad oo ah habeentiriska gaarka u ah
    soomaalida, oo sida aynu ku aragnay maqaalkii hore [Jama Musse, J. 2005a], xidhiidh wayn la leh
    kaalenderkii hore ee Persia. Sida aynu arki doonose wuxuu ku salaysan yahay cimilada iyo roobabka ka
    da’a dhulka Soomaliland.
    
    Tirsigani wuxuu bilaabmaa habeenka Dabshidka  (Nawruushka) , oo ah habeenka kowaad ee xilliga la
    yidhaahdo  Seermowaydo . Waa hab tirsiimo oo waagii hore laga isticmaali jirey carriga soomaalidu dagto.
     Dabshidku  waa halka ay ka unkanto xisaabinta iyo kala xadaynta xilliyada sannad qorrexeedka, saadaalinta
    cimilada, hawada iyo roobka. Waa habkii reer guuraagu ku go’aamin jireen waxyaabo badan oo noloshooda ah
    (sida guuritaanka, hayaanka, in adhiga maqasha laga xidhxidho, in sumalka idaha lagu sii daayo, iyo in
    baarqabka geela lagu furo, ama habeenkaa looba tu’iyo, iwm.)
    
     Dabshidku  wuxuu had iyo jeer dhacaa dhammaadka xilliga Xagaaga, oo ah xilli qallalan oo ay degaanka
    Soomaaliland badankeeda ay daruuruhu dul joogaan. Inta badan wuxuu dhacaa dabshidku afarta cisho ee u
    horeeya bisha siddeedaad (Oogost) ee kaalendarka Gregorianka.
    
    Qaybinta Guud ee Sannadka:
    Soomaliland badankeeda, ilaa Jigjiga (Itoobia) agagaarkeeda, afartanka cisho ee ku xiga Dabshidka waxaa
    la yidhaahdaa Dayr-Xalalood, waxaana soo afjarma dabaysha mansoonka ah ee awoodda yar ee kasoo dhacda
    koonfur-galbeed. Labaatanka cisho ee ku xiga waxaa la yidhaahdaa Dayr Xabbis, waxaana da’a roob yar oo
    teel teel ah. Soddonka cisho ee ku xiga waxaa la yidhaahdaa Dayr Dirir, waana marka ay bilaabanto
    dabaysha mansoonka ee waqooyi-bari, oo keenta roobab badan. Halkaana waxaa ku ekaada saddexda Tus ee ay
    dayrtu ka kooban tahay. Dayrtu waa waax (1/4) sannadkii, waana 91 cisho.
    
    Waxaa markaa bilaabma waaxda (1/4) labaad ee sannadka oo ah Jiilaal, oo isna u qabysama saddex xilli
    hoosaad oo kala ah: Dayr-Dambasame, Wajiine iyo Xays. Jiilaalku wuxuu noqdaa qiyaastii guud ahaan 92
    maalmood.
    
    Qaybtaa kowaad ee sannadka (91+92=183 maalmood) iyo sannadka intiisa kale waxaa lagu kala qaybiyaa xilli
    kooban oo la yidhaahdo Mehrajaan (gap), oo u dhigma bil-dayaxeed dhalata ama ku beegan bisha Feebarwari
    ee kaalenderka Gregorianka. Maalmahaa buuxinaya xilliga jiilaalka oo qiyaastii noqda 25 cisho waxay soo
    afjaraan qaybta kowaad ee sannadka.
    
    Waaxda (1/4) saddexaad ee sannadka waxaa la yidhaahdaa Gu’, waxaana ay u kala qaybsanataa afar xilli
    hoosaad oo kala ah Toddob, Daydo, Seermawaydo iyo Cawl.
    
    Waaxda afraad waa Xagaa, waxaanay u kala baxdaa laba xilli hoosaad oo kala ah Dirir Sagaaro (ama dirir
    sagaalo) iyo Adhi caseeye.
    
    Markale si la isugu simo ayaamaha baaqiga ka noqon kara sannad qorrexeedka iyo qaybinta xilliyada kor ku
    xusan ee lagu saleeyay (sida aynu hoos ka arki doono) cimilada, xiddigis iyo sannad dayexeedka, waxaa
    lagusoo afjaraa sannadka mar kale xilli gaaban oo isna la yidhaahdo Mehrajaan (gap).
    
    Sannadka haddana waxaa loo kala qaybiyaa laba qaybood oo waawayn. Qaybta koowaad (Dayr + Jiilaal) ee
    sannadka waxaa laysku yidhaahdaa Jiilaalka, halka qaybta labaad ee (Gu’ + Xagaa) laysku yidhaahdo Gu’ga
    oo ah 182 habeen. Sidaasaana mar kale sannadka tirsiga soomaalida ee kusalaysan qorraxda iyo dayaxa uu
    hadana u noqda 365 maalmood.
    
    Markaanu hadaynu shax ahaan kusoo koobno qaybinta sannadka ee habeentiriska soomalida iyo xilli
    hoosaadyadiisa waxa uu noqonayaa sidan:
    
    

    Kalaqaybsanaanta xilliyada sannadka ee aag cimiladeedka Somaliland badankeeda(*)

    Jiilaal

    Dayr

    Dayr Xalalood

    Dayr Xabbis

    Dayr Dirir

    Jiilaal

    Dayr Dambasame

    Wajiine

    Xays

    Mehrajaan

    Gu’

    Gu’

    Toddob

    Daydo

    Seermowaydo

    Cawl

    Xagaa

    Diri Sagaaro

    Adhi Caseeye

    Mehrajaan

    (*) Kalaqaybsanaantan oo waxoogaa is bedbedesha kolba meesha laga joogo dalka, waxa ay ku salaysan tahay aaga Soomaliland ee Burco u tahay badhtamaha [min Berbera ilaa Oodwayne ilaa xuduudaha Awaare ilaa Wardheer], iyo aaga galbeedka ee Jigjiga (Itoobia) ay salka u tahay [min Bullahaar, Cadaadley, Oodwayne ilaa Xuduudaha Ethiopia ee Awaare iyo Dhagaxbuur ilaa Xuduuaha Jibuuti ee Ceel Foofle iyo Rabassa] oo cimiladoodu isku dhow yihiin. Waxaana uu shaxankani ku salaysan yahay isbarbardhig cimlibaadhistii ay sameeyeen Cerulli, Galaal iyo Hunt, iyo waraysi aan odayaal la yeeshay. Ka eeg faahfaahin dheeri ah Cerulli E., 1957, 1959; Galaal M.X. I, 1968; Hunt J. A. 1951; Jama Musse, J. 2005(a,b) iyo maqaalada soo socda ee taxanahan.

    Go’aaminta bilowga xilli hoosaadyada iyo dhaqanka reer guuraaga: Waxaynu soo aragnay in dayrta loogu qaybiyo si qeexan saddex Tus oo raaca maalmo tiro go’an ah oo lagu beddeli karo kaalenderka Gregorian-ka, haddaba waxaynu iswaydiinaynaa siday soomaalidu u goysaa bilowga xilliyada kale. Maqaalkan waxaynu ku eegaynaa Gu’ga xilli hoosaadyadiisa. Waxaynu kale oo ku eegi doonaa waxyaabaha ay sameeyaan reer guuraagu marka uu xilli cusubi soo galo, innaga oo tusaale u qaadan doona sida idaha sumalka loogusii daayo. Curashada Gu’ga Xilli hoosaadka kowaad ee gu’gu waa Toddob sidaynu hore usoo aragnay. Toddobku wuxuu bilaabmaa habeenka 200aad marka lagasoo tiriyo Dabshidka, waxaanuu kusoo beegmaa habeenka ay kulmaan dayaxa iyo xiddigaha la yidhaado Urrurku (Pleiades). Habeenkaasi waa bil-dayaxeedka 13keeda ama 14keeda. Waxaanuu socdaa qiyaastii ilaa 25 cisho. Inuu Toddobku dhaco bisha 13keeda ama 14keeda waxa ay u baahan tahay baadhitaan dheeri ah, inkasta oo Muuse X. Ismaaciil Galaal uu fikrad ka bixinaayo arrinkan isaga oo ku sharraxaaya dhalashada bil dayexeedku kolba godka1 ay ka dhalato [Galaal M.X. I, 1968]. Daydo waa bil dayexeedka curata Maarj dhexdeeda, waxaanay socotaa ilaa 25 cisho. Waxaana soo afjara bilowga dirirka Seermawydo. Seermawaydo waa bil dayaxeedka curata Abriil dhexdeeda, waxaana ay socotaa qiyaastii ilaa 25 cisho ugu badnaan. Ugu danbayn waxaa soo gebagabeeya Gu’ga xilli hoosaadka Dirir Cawl oo ah bil dayexeedka dhalata bisha May dhexdeeda. Xilli hoosaadkani wuxuu qiyaastii noqdaa ilaa 25 cisho. Goormaa Sumalka lagusii daayaa Idaha? Shan-iyo-labaatanka cisho ee Seermawaydada dabayaaqadoodu waa ayaamaha ugu wanaagsan si ay dhashaan nayluhu. Waayo roobkaa waxoogaa ka hor da’ay oo dhulku doog buu leeyahay xilligaas. Waana sababta sumalka loogusii daayo idaha habeenka Dambasamo oo ah dayrta gebagabadeeda iyo bilowga Jiilaalka. Iduhu waxay ilmaha ku qaadaan caloosha 147 habeen, laakiin mar haddii la gaadho habeenka 142aad waxaa la filaa inay naylaha ugu horeeyaa dhashaan. Markaa habeenka Dambasamo ee sumalka lagusii daynayo idaha, waxaa loo xisaabiyaa sidan: maadaama la doonayo inay nayluhu dhashaan dabayaaqada Abriil ilaa horraanta May (oo ku beegan 25ka cisho ee Dirir Seermawaydo), waa inay iduhu rimaan oo caloosha ku qaadaan ilmaha dabayaaqada Dayrta ilaa bilowga jiilaalka oo ku beegan horraanta xilliga Dayr Dambasme oo ku beegan dabayaaqada November ilaa horraanta Diisember ee tirsiga Greogrianka. Marka ay iduhu rimaan ayaa haddana laga soocaa wananka qoodha ah (sumalada), oo lagu daraa maqasha si aanay u dhicin in sabeenaha hanaqaaday iyo iduha ay seegtay markii hore amase dhiciyey, aanay si ka’ma ah u rimin, oo aanay u xagaa/jiilaal dhalin, oo aanay abaar kusoo beegmin. Halkaa waxaad ka fahmi kartaa muhiimadda ay leedahay go’aanka in sumalka idaha lagu sii daayaa iyo aqoonta ka danbaysa go’aankaas. Haddii tusaale ahaan uu odeyga beesha u aqoonyahanka ahi aanu ka fiirsan go’aankaas, waxaa laga yaabaa inuu xisaabtiisa qaldo waxaan wiig (toddoba cisho) ahayn, oo deedna ay iduhu dhalaan wiig kahor intaan gu’gu curanin, halkaan ay idaha iyo nayluhuba ku le’daan. Footnote: 1- Fikradda Godka uu ka dhasho dayax cusibi waa baadhitaan xoog leh oo ay sameeyeen aqoonyahano badani, taasoo gaar ahaan Enrico Cerulli iyo Muuse Ismaaciil Galaal aad u baadheen. Waxaanay la xidhiidhaa Xiddigiska (Astronomy). Maqaalkan kagama hadli doono baadhitaanadaas iyo wixii kasoo baxay. Tixraac: • Enrico Cerulli, 1957 Somalia, scritti vari editi ed inediti, Vol. 1. (Edited by) A Cura dell'Amministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia; Instituto poligrafico dello Stato P.V. • Enrico Cerulli, 1959 Somalia, scritti vari editi ed inediti, Vol. 2. (Edited by) A Cura dell'Amministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia; Instituto poligrafico dello Stato P.V. • Jama Musse Jama, 2005a Habeentiris: Islaamka ka hor, soomalidu miyey lahayd kaalendar dhaqameed soo jireen ah? http://www.redsea-online.com • Jama Musse Jama, 2005b Nayruush iyo Meherajaan: Saamaynta uu kaalenderkii hore ee Persia ku yeeshay habeentiriska soomaalida. http://www.redsea-online.com • John A. Hunt, 1951 A General Servey of the Somaliland Protectorate, 1944-1950. Crewn Agents, London. • Musse X. Ismaaciil Galaal, 1968 The terminology and practice of Somali Weather lore, Astronomy and Astrology. Published by the Author, Mogadishu, May 1968. Jama Musse Jama, jamamusse@tin.it 16 Bil dhurrohore (Mawliid) – 16 Safar 1426 – 26 Maarj 2005 Pisa, Italy
Soo Bandhige :Fu,aad
              Bahda Mareegta Farshaxan

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.