Taxane warbixinno ku saabsan "Baro Abwaanka"
Abwaan Xasan X.Cabdilaahi "Xasan Ganay"
Taariikh Nololeedkii Abwaan Xasan X.Cabdilaahi "Xasan Ganay"
Jiritaanka ummad waxaa sal u ah koboca ama hoos u dhaca luqada , waxaana
tarmiya oo koriya luqada abwaanada iyagoo sugaya isticmaalka eray bixinteeda,
iyagoo ku adeegsanaya hab maanseed si qurux badan loo xardhay,kuna dhiirgaliya
ummada inay dib ugu hadaaqaan, imisaa jira eray aad isticmaalkiisa
gabaabsi yahay ay maansadu soo noolayso.Hadaba abwaanada u heelan hawshan
waxaa ka mid ah Abwaan Xasan X.Cabdilaahi "Xasan Ganay" oo aad looga dharagdsan
yahay halka uu ummada Soomaaliyeed kaga jiro.Waa aftahan ku xeel dheer
dhaqanka, deegaanka iyo cilmiga dhirta aadna u dhiirigaliya in mar walba loo
heelanaado ku sugnaanta ilaalinta hab dhaqameedka ummada , kana soo hor jeeda
in si qun yar ah loo sii daayo hase yeeshee raba in la sii gudbiyo sida ku
cad hakan:
Waqtigu wuu sunsumayaa
Midna waa la sugayaa
Soo jire ma noole'e
Qarni waliba wuu socon
Safna wuu ka daba dhalan
Hadba kooda sarakaca
Waxa sahayda uga taga
Kii horee sagootiyey
(Xasan Abdillahi Ganay)
Barnaamijkeenan "baro Abwaanka" qormadan waxaynu ku qaada dhigaynaa taariikh
nololeedkii iyo alifaadii abwaan Xasan X.Cabdilaahi "Xasan Ganay" ,inagoo ku
bilaabi doona hab nololeedkisa isagoo ka hadlaya wuxuu yidhi:
"Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka
Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 19644kii),
waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo
in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan
markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka
bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u
soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan
ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.
Waxaan ahaa Baayacmushtari oo waxaan ka shaqaynayay meherado aan lahaa oo ku
yaalay Xero Dhifta, laakiin sannadkii 1966, ayaan hadana u wareegay dhinaca
Geerash-yada oo waxaan ka shaqayn jiray Geerashkii Xaaji Dool iyo Cabdi
Giirshe ay wada lahaayeen, 1967kii, ayaan ku biiray Ciidamadii Xoogga Dalka,
markaas ilaa 1970kii waxaan ku jiray Ciidamadii Kamaandoosta ahaa oo aan ka
soo wareegay xilligaas oo aan ku soo biiray kooxdii Baamboyda iyo Kooxdii
Janan Daa’uud.
Hees uu sameeyo waxaa ugu horaysay,heesta la yidhaa "Caashaqu Shib Maygu riday"
oo ay qaaday Sacaada Alaale, Dhinaca ruwaayadaha haddi aynu jaleecno wuxuu
abwaanku alifay ruwaayado dhawr ah oo dhamaan ku salaysan dhaqanka toosan,
kana turjumaya heer masraxeedka abwaanka oo aad u sareeya ,waana kuwan
ruwaayadaha uu sameeyey :
-Sanandkii 1977kii Dumistii Aqalkayga iyo Arooskii Inankayga,
-Sannadkii 1978kii Galbeed waa la xoreeye Waarsaa Gaagixisay,
-Sannadkii 1980kii Bidaari Sibiq bay kugu Gashaa,
-Sannadkii 1983kii Masiibadu Aduunyada iyadaa u Macalin ah,
-Sannadkii 1988kii Doojiya,
waxaa ugu dambeeyay Riwaayad uu sameeyo Dhaqankeena iyo Dhalinta Casriga,
taas oo aan lagu soo bandhigin tiyatar ee uu hayo iyadoo cajalad ah”
iyo weliba riwaayado kale oo ay magacyadoodii iga maqanyihiin. Intaas
waxaa u sii dheer abwaanka Heeso badan,Gabayo waxaanu ku caanyahay jilista
ama hab masraxeedka riyaawadaha.
Abwaan Xasan Xaaji C/laahi Xasan Ganey, mar la weydiiyay wuxuu sheegay in
fanaanka uu ugu jacel yahay uu yahay Axmed Nuur Jaangoo, waxaanu yidhi "Axmed
Nuur Jaango waxaa uu codka u sameeyay heestii ugu horaysay ee aan sameeyay
iyo heeso badan oo aan leeyahay".
Abwaan Xasan X. Cabdillaahi (Xasan Ganey) heesaha aad loogu xasuusto
waxaa kamid ah heesta (Sayla oo Guyaal badan) oo ka mid ah Heesaha ugu
dhumucda weyn ee Soomaalida, kuna sar go’an dhaqanka iyo hiddaha bulshada,
heestaas oo ay codadkooda baxsan ku qaadaan fannaanka iyo fannaanada weyn ee
caanka ah Xasan Aadan Samatar iyo Sahra Axmed Jaamac oo labadooduba ah
shakhsiyaadka ugu haboonaa gudbinta heestaas marka loo eego dhinaca
Masraxiyada.
Heestaas oo beydkeeda hore oo ah kan uu qaadayo Xasan Aadan uu hal-abuurku
isaga oo isticmaalaya qaninimadiisa suugaaneed ku cabiray sawir muuqaal sax
ah una noqon kara qof kasta oo aan aqoon u lahayn marxaladaha kala duwan ee
nolosha degaanada xoolo dhaqatada, siiba Geel-jirka oo isagu ah kan ugu
dhibta iyo dheeftaba badan xoolaheena inta badana aanu haweenku ka qayb
qaadan dhaqaalayntiisa dhinaca (Jirista), halka baydka labaad oo ah kan ay
qaadayso Sahra Axmed Jaamac oo ku bilaabmaysa, “Sange Subag idaadiyo sumal
badhidii lagu shubay oo ay sabada ceelkiyo sohdu tahay agtiisee,” uu ahaa mid
ka tarjumaya meel ku siman halka uu gaadhsiisan yahay dareenka hawlkarnimo
iyo aragti ku sarjaran laakiin waxqabad ee Haweenku ka qaato dhinaca Xoolihii
aynu dhaqano, tusaale ahaan Geella, lo’da iyo Adhiga, waxaynu ognahay in aan
inta badan haweenka loo dirin geella iyo xataa lo’da lafteeda.
Inaga oo taa ka duulayna waxaynu odhan karnaa Abwaanku waxa uu si hufan ugu
kala xadeeyay fannaanka iyo fannaanada mid weliba beydkii uu qaadi lahaa.
Haddaba, waxa uu Xasan Ganey si ixtiraam leh u sheegay isaga oo ka hadlaya heesta
“Sayla” in markii uu heesta curiyay ee hoboladu ku luuqeeyeen cabasho kaga
timi dad reer Sanaag ah, kuwaas oo ka biya diiday bayt ku jira, heestaas oo ah
“Beel Sanaagiyo ku surmiday Saraar go’day, saadaalinaysoo bal halkuu ku sima
iyo sugayaan in uu helo…”. hase yeeshee abwaanka wuxuu xusay inuu u jeeday
Roobka oo gu'ga ka curta dhinaca Galbeed,dayrtana ka curata dhinaca Bari
suugaantiisuna ka turjumaysay kuna qotontay arintan ku salayasan hab-curashada
roobka:
Heestii oo dhamays tirana waa sidan:
Xasan Aadan Samater:
Sayloo guyaal badan
Soo baxa kaliishii
Seelseelna loo degay
Sannad geelu badi dhalay
Oo sidigtii Laalays
Nirguhu aanay socod baran
Reeraha sintoodiyo
Kaymo saar leh loo dhigay
Oo igadh mid yari sabo
Maqaar lagu salaaxay
Saameeshay gaawaha
Oo baarqab soohani
Isagoo ah laba-sabar
Soofeeyey micidoo
Ka sanqadhiyey doobtii
Salaaddiina roorsaday
Ugabkii u saniyo
Surmo dheer la tiigsaday
Saqdii dhexena roob helay
Subixii bariisada
Sidoodaan jalleecada
Saxansaxo udgoon badan
Sanka kuula raacaa
Sahra Axmed Jaamac:
Sange subag idaad iyo
Sumal baridii lagu shubay
Ooy sabada ceelkiyo
Sohdu tahay agtiisoo
Loogu dhaansho sacabada
Oo Sudiyo Howd sare
Seddex guure daaqoo
Weli aan sedyari arag
Oo seeto iyo dabar
Labadaba ka saahiday
Oo salow dagaal iyo
ninkii geyin saraayaha
Oo sararta naaxdiyo
Timuhu ay isku seexdeen
Oo seyn-gargorkii
Loo salaaxa guudkoo
Saxarkii ku duuliyo
Looga mayro siigada
Loo saaro kooraha
Cigalkiina loo suray
Sarajoogga iyo muuq
Sankuneefle kaligaa
Adaa suuraddiisa leh
Xasan Aadan Samater:
Sagal gaaxday roob subax
Seermaweydo ku onkodey
Waaguna ku sarakacay
Sarajoog nin dhererkii
Cadceedduna la siman tahay
Nuurkuna sagootiyey
Oo waqal sindadab iyo
Guulaamo socotiyo
Kala soocday dhibicii
Oo midab sibaaqiyo
cadaan wada siraatiyo
madoow suul-dhalaal xiga
Seddexdaa miduun yahay
Qof suureeyey kala garan
Oo beel Sanaagiyo
Ku surmiday saraar godan
Saadaalinaysoo
bal halkuu ku simo iyo
Sugayaan inuu helo
Subixii bariisada
Sidoodaan jalleecada
Saxansaxo udgoon badan
Sanka kuula raacaa
Sahra Axmed Jaamac:
Dhulku saacu wada gaadh
Waanu kala sed roonyee
Meel idaha seel u leh
Riyahana salool u leh
Oo geela saar u leh
Oo dirir sagaariyo
Sagaal gudcurkuna helay
Saga xareedaan
Biyuhuna sunsumayaan
Oo saawasaawiyo
Saxal cudur lahaynoo
Salka looga degay nabad
Oo saraarta dixidiyo
Simantahay dareemadu
Oo sebiga caanihii
Lagu siiyey golihii
Habluhuna sibraar iyo
Dhiilo saabka loo tolay
Sinta bidix ku qaadeen
Subixii bariisada
Sidoodaan jalleecada
Saxansaxo udgoon badan
Sanka kuula raacaa
Abwaan Xasan Ganey,mansooyinka ka turjumaya xeeldheeridiisa siyaasadeed
iyo indheer garadnimadiisa waxaa ka mid ah Maansada yaabka leh ee Gorgor
oo ku xidhiidh sanayd sheeko dhab ah oo ka dhacday Magaalada Hargeysa-xaafada
Goljano,taas oo ahayd Caruur agoon ah iyo hooyadood Riyo ay lahaayeen waxaa
ilaalin jiray Gorgor,meel uu ka yimid aan la garanayn kaas oo uu Abwaanku
sheegay in maalin maalmaha ka mid ah ay riyaha caruurtaasi u dhaceen Beer,ka
dibna ninkii beerta lahaa oo xaraystay riyihii,isla markaana uu gorgorkii
dhirbaaxo dhabanada kala dhacay ninkii oo uu ka soo xoreeyay Riyaha,Gorgorkaasi
waxaa uu dhirta ay gaadhi waayaan u googoyn jiray riyaha,waxaanu ku maydhan
jiray biyo saxni ku jira,subaxiina markaay tahay shanta aroornimo ayuu ku soo
wareegi jiray Hargeysa oo dhan,Gorgorkaas oo ay dadka qaar yidhaahdeen waa
caruurta aabahood oo weli ahaa,qaarna si kale ku sheegeen, ayuu abwaanku
cagihiisa ugu tagay si uu u hubiyo waxaana dhagahiisa ka batay oo ay dadkoo
dhan isla dhex marayeen ,markuu arkay siduu u dhaqmayo Gorgorku ayuu ka tiriyay
Maansadan Gorgor ,laakiin ujeedada maansadu waxay ahayd mid si farshaxanimo u
uga waramaysay hab dhaqameedkii foosha xumaa iyo siyaasadii guracnayd ee
maamulkii markaas talada hayay.
Abwaan xasan Ganay wuxuu aad u neceb yahay in laga been abuurto lana badalo
taariikhda maansooyinka,wuxuu aad uga biyo diidaa khiyaamada iyo run ku
gabashada iyadoo suugaanta la qaloocinayo waxaanu isagoo si tusaale ahaana
inoo tilmaamaya uu si aad ah u cambaareeyay Buuga uu qoray Axmed
Faraax Cali (Idaajaa) oo ka hadlaya maansooyinka deelayda,buugaasi oo
sida ka muuqata uu Idaajaa ku dhaleeceeyay si been abuur ahna ugu xusayo
inuu Abwaan Xasan Ganey weerar gaar ah ku qaaday Dr.Shareeco oo
ahaa Masuul uu maamulkiisa hoos imanayay Abwaan Xasan Ganey laakiin waxaa uu
Abwaan Xasan Ganey yidhi "Buugaas uu qoray Axmed Faraax Cali (Idaajaa) waa
ribo iyo been waayo waxaa uu meesha ku qoray gabayo uu badh ka bedelay iyo
qaar uu wax ku daray,waxaana uu ku soo daray rag aan laba maqal oo aan ku
jirin Maansooyinka Deelayda sida nin lagu magacaabo Mire,taasina waxay meel
ka dhac ku tahay qorista buugaagta suugaanta"
Abwaan Xasan Ganey waxaa uu ku yidhi Idaajaa "Inanku aabihii mar buu hiil uga
baahan yahay waa marka uu hooyadii guursanayo, Erayguna marbuu hiil kaaga
baahan yahay waa markaa run ka sheegto manta hiil kaagama baahna taliskii
wafaaday waxaanad dabada sii haysaa hiil aad siinayso taliskii aad eedayn ee
wafaaday"
Majaajilooyinka:
Layla Jeesto iyo Ninkeedii!
Nin ayaa u imanaya xaaskiisa oo la yidhaaho Layla Jeesto. Layli waa caasi afka, ciddiyaha iyo timahaba
casaysatey oo casriga la socota, diricii ugu danbeeyey iyo filimkii ugu danbeeyey ayey ku xisaabtantaa.
Jeesto waxay haysataa wiil yar oo ay maalmahaa dhashay!!!
Layla ninkeedu waa nin asal raaca oo dhaqanka, hiddaha iyo diintaba ku adag, dhinaca kale waa nin waayo
arag ah waxbarashana leh aduunyadana aad ula socda! Markaasuu ku odhanayaa:
Layla haye, yarkii ka waran? Markaasay ku odhanaysaa wuu wanaagsan yahaye, ii qabo bal naasihiibaa i
darareye aan iskasoo lisee (oops)!
Markaasuu odhanayaa:
oo miyuu diiday?
Markaasay odhanaysaa:
dee mayee anaa u diiday!
Markaasuu odhanayaa:
oo maxaad siinaysaa?
Markaasay odhanaysaa:
Caano-boodhaan siinayaa biyahan sonkorta lehna wuu kusii sugayaa!
Markaasuu odhanayaa:
oo naasahaagiina waad u diidaysaa caano-boodhana waad siinaysaa?
Markaasuu odhanayaa laguu waran:
Holland boodhahay keentay
ee daasadaa ku hilaan
ee lasii qaad yaroo hargawaynina
hareeraa kaga yaal
xayaysiinta afkooda
khudradbaa ku habaysan
hilibaa ku jira
xayaysiin hodhodhaa iyo
huuhaabaa la yidhaa!
Huluunbahaa la walaaqay ee
caagadaa xune huursan
hoosta loogu shubaayo
cudurka waa u horseedoo
caruurtaa ku hagaarta.
Naaskaagaa hodona
isagaa ka haboon
kanaad hooyo tidhaahdana
had u diidine sii.
Markaasay Jeesto odhanaysaa:
Halkanaad ka hadlaysiyo
halka aan ku hawoodey
hirwaynbaa u dhaxeeyoo
haawraareey waa lagu eed.
Oo inta wiilku i hiigoo
durba aan habarooboo
horaadkaygu dhacaayoo
hadhowna laygu nacaa?
Allahayaaaaaaaay!
Naayaadhaheen aniga yaa i habaaray dee?
Jeesto markaa sheekadii ayey bedelaysaa oo odhanaysaa:
Waar iska daa tanoo, alaabtii masoo dhamaysay?
Markaasuu odhanayaa: lacag aan helo dee lacag lama hayee!
Markaasay odhanaysaa:
sariirtaad keentay habtii iyo
kuraastoo wada hiigmay
haweenkiibaa igu caayey
oo anays geeyey halkaa!
hadaan huudha kusaaroo
kuu samaysto hogaanoo
hadhkayga aad ka baqayso
hadalkaan ku idhaahdaba
hayebaad odhan layde!
Allow aan hengel goosto
hadaanaad hadda keenin
belaayaa ka higloo
laysu soo hoyan maayo!
Naa i qabo dhacaye!!!
Markaasuu odhanayaa:
naa cidina ku qaban maysee
ninka loo hanjabayaa maanigaa?
Markaasay odhanaysaa:
waa adiga laftaada.
Markaasuu odhanayaa:
Sidii awr hayina
nin loo dirto hogaan
haatan anigu kawayniye
hawraar waano ah hoo!
Aduunku hooyo la'aan
wuu halaabi lahaayoo
hirkaa loo tartamaayo
lama haaban kareen!
.........
Hadii aanay u heesin
oo hadaaqsiinin caruurta
oo horaadkeeda jaqsiinnin
hiduhu wuu lumi laa
afkuna muu hirgaleenoo
oday geed ka hadlaayiyo
hoobal luuqda ku qaadiyo
hal-abuur ma jireen.
Hadii aanay heegan ahayna
hanti maan dhaqaneenoo
subag haamo ka buuxiyo
caano maynu helleen.
Hadii aanay u hiillina
dadku hoy magaleene
hooyo waa noloshiiye
hareeraa isu tuurkiyo
afkanaad ku hadlayso
soddoh looga haboone
maad wuxuun iskula hadhid?
Markaasaay odhanaysaa:
Halkaas ayaan kaaga dalacday!
Alla hayaaaaay Layla Jeestaanu aqoonba!!!
--------------
abwaanka caanka ah ee la yidhaa Xasan Ganay oo si la yaab leh u astaynaya qiimaha iyo qaayaha hiddaha &
dhaqanku u leeyihiin ummad kasta. Abwaan Xasan Ganay oo loo yaqaan hormoodka curinta suugaanta hiddaha
& dhaqanka isagoo marna tusmaynaya marna innagu guubaabinaya wuxu yidhi :
Dhabba waliba ceelkeed
Ummad waliba dhaqankeed
Dhalashana tixraaceed
Dhegtu sheeko doontaye
Dhar maxaan lahaan jiray
Maxaan xoolo dhaqan jiray
Maalintay dhannaantahay
Dhulka yaa u halgami jiray
Geesiga u dhiidhiyey
Yaa dhiiga kicin jiray
Dhinte yaa xogtiisa og
Taariikhda yaa dhiga
Dhidibkeedu waa kuma
Dhug u yeesha maansada
Hiddihiina dhaabane
Murtidiina dhuuxa ah
Suugaanta dhumucda leh
Hibadiina dhaladka ah
Dhaxalkiina weeyee
Dhawrta idinkaa lee
Soo Bandhige :Fu,aad
Bahda Mareegta Farshaxan
|