Taariikh Nololeedkii Abwaan Saxardiid Maxamed
Maamulayaasha ardaaga "Kaydka Suuagaanta Somaliland" ayaa la
yeeshay waraysi 'khaas ah" Abwaanka caanka ah Mudane Saxardiid Maxamad
Cilmi oo ku magacdheer [ Jabiye] bishii oktoobar sanadkii 2000kii
magaaladda Hargeysa. Su'aalihii iyo jawaabahoodi sidan ayay u dhaceen:
Sua'aal: Saxardiid, Halkee ayaad ku dhalatay kuna barbaartay?
Saxardiid: Waxaan ku dhashay magaaladan Hargeysa xaafadda la yidhaa
"Jameeca_weyn" kun iyo sagaal boqol iyo dhawr iyo sodankii.
Shaqooyin aad ukala duwan ayaan ka so qabtay, kol waxaan ahaa nin
farsamadda gacanta ku shaqeeya, kol waxaan ahaa ciyaartoo kubadda cagta
iyo xeegadaba ku fiicnaa qayb weyna ka soo qaatay. Waxaan kubadda cagta
u ciyaari jiray koox la odhan jiray "Hargeysa team" ama "kooxda Hargeysa".
1956kii ayaan ku jabbay halkaas ayaanan kaga fadhiistay. 1959kii ayaan
ka bilaabay shaqo idaacada Magaaladda Hargeysa, waxaanan ka shaqeeyay
ilaa habeenkii magaaldda Hargeysa ay SNM soo gashay ee xukunkii Afweynee
dhacay.
Su'aal: Goormaad hal-abuurnimada bilowday ogaatayna inaad hibadda
leedahay?
Saxardiid: Hal-abuurnimadu qofna wuxuu ku soo bilaabaa yaraantiisii,
qofna weynaanta ayuunbuu badhtanka kaga dhacaa. Anigoo aad
da'daydu u yartahay ayaan bilaabay, markaa ku dayasho,
markii dadkii wada heesay ayaan anna dhinac ka raacay.
Su'aal: Heestii kuuguu horaysay eed aliftay magaceedee muxuu ahaa?
Saxrdiid: Heasaha qaarna waa la tiriyaa uun, qaarna luuqayn ayaa lagu
daraa. Heesahaan ka qayb qaatay ama aan anigu curiyay intaanan
soo shaacbixin ilaa dhexdhexaadkii kuntomeeyadii wey badnaayeen.
Heestii ugu horaysay ee tisqaadaa waxay ahayd hees wadani ah oo
ka hadlaysay markii "Reserve Area" la bixiyay 1954kii. Heesta
waxaa la odhan jiray "Ka Sarakaca", Midhaheeda halkan ka akhriso,
Ka sara kaca , waxaana ku qaaday Maandeeq .
Su'aal: Ruwaayaddii kuugu horaysay eed samayso maxay ahayd?
Saxardiid: Waxaa magaceeda la odha jiray "Gardiid waa Alla diid",
waxaanan sameeyay 1959kii. Ruwaayaddu waxay ku saabsanayd
waqtigii ummadda Somaliyeed u bislaatay inay hanato
gobanimadeeda. Heesahii ruwaayadda ku jiray waxay u badnaayeen
wadani. Waxay ruwaayaddu ku socotay inan' xisbiyadda ku jirtay
iyo inan miyiga ka yimid. Waxa ka mid ahaa suugaantii ku jirtay
, "Geeskii Afrika", halkan ka akhriso midhahaas, Geeskii
afrika heesaha waxa ka mid ahaa, "Hasheena Maandeeq",halakan
ka akhriso midhaha heesta oo ila imika qiimo weyn leh. Maantay
curatooy mataanaysee aan maalo hasheena Mandeeq.
Su'aal: Habeenkii calanka la saarayay 26kii June 1960kii maxaad ka tirisay?
Saxardiid: wax tabaabusho ah oonu ku talagalay maalintaas horta may jirin,
caawoo kalana calankii ayaa la saarayaa. Cumar Carte Qaalib oo
markaa "Assistant DC" ka ahaa magaaladda Hargeysa ayaa noo
yimad anagoo "Walaalo Hargeysa" ahaan meel u fadhina. Wuxuu na
weydiiyay " maxaa ugu talagasheen calankii caawaa la saarayaaye?
"waxaanu ugu jawaabnay "waxba". Wuxuu intaa nogu daray, "
caawa waxaa goobtaa sharafta leh ka odhan lahaydeen ayaa la
rabaa, todobada fiidnimona gaadhi ayaan idiin soo dirayaa ee
hawl gala". Maxamud Xarbi " oo ahaa xornimo doonkii reer
Jabuuti" ayaa habeenkaa habeenkii ka horeeyay ka soo duulay
Xamar si uu noogala qayb qaato dabaaldegga calan saarka
Somaliland.
hees isaga aanu u tirinay midhaheeda waxa ka mid ahaa,
inaad magaceena muuji lahayd
intaad soo martaa markhaati furtaye
mudane Xarbiyow ma nabadbaa
Wuxuu noo qoray 3,000 oo shilin oo waqtigaa lacag badan joogay.
Barkhad-Cas Ilaahay haw naxariistee oo aanu meesha wada
fadhinay ayaan ku idhi " Maxamadow adna hees xafladan u samee
anna hees ayaan u samaynayaa". Waxaan isku dayay inaan
fadhigii ku sameeyo, hasayeeshe, waan helay waayay oo ereyo u
qalma ayaa igu soo dhici waayay. Intaan fadhigii ka sara kacay,
ayaan wadada laamidee Shantamaylka ka timaada ayaan afka saaray
oo dooxaan ka talaabay. Kolkaan baatroolaha "Total" marayo ayuun
baan samada kor u eegay, waxa igu soo dhacday kelmed la odhan jiray
markay abaari raagto cirkuna inuu hooro maagay. "Kadaba", halkaas
ayaan ku helay eraygii aan raadinayay midhihii kalee heestana
waxaan ku soo taxay intaan dib u soo socday. Cabdilaahi Qarshe
Ilaahay haw naxariistee, ayaa isna guriga fadiya oo kolkaa kamanka
heesta ku fadhiisiyay, Maxamad Yuusuf oo isna nala joogay ayaan
heesta u dhiibay. Midhihii "Kadabaa" halkan ka akhriso midhihii
heesta ku jiay Kadabaa Dhaha.
Habeenkii calanka labbadda heesood een midna anigu sameeyay
midna uu sameeyay Abwaankii Barkhad-cas, Ilaahay ha naxariistee
, halkan riix Soomaaloo Qaran ah
, "Qaran" ayaa wax hees ah goobtaa laga tiriyay, hees kaloo
habeenkaa la tiriyay may jirin.
Su'aal: Ruwaayaddii hanaan qurux wanaag maxay ulajeedadeedu ahayd?
Saxardiid: Waxaan sameeyay ruwaayadda 60kii, qol ayaanay iskaga xidhnayd.
Isla markiiba waxaan dareemay lababdeenii qaybood ee israacay
inaan waxSomaliland loo ogolyahay aanay jirin. Debadeed 64kii
ayaa markaan arkay inay wixii sii socdaan oonay waxba iska
bedelayn ayaan doonay inaan dadka baraarujiyo si aynu uga soo
goosano oo aynu inagu isu maamulo. Ruwaayaddu waxay ka socoto
lama qeexo oo maraa la huwiyaa ilaa lagugu garto. Heesaha ku
jiray Ruwaayadda waxa ka mid ahaa, hibooy hadal macaaneey,
midha geed ku yaal, iyo heeso kaloo badan. Halkan ka akhriso
midhaha heesha ku jiray
wixii ila garaadow gobanimo ha tuurina Shimbir
Hibooy Hadal macaaneey Shimbir
Guud Haldhaaleey shimbir
Ilwaad Quruxeey Shimbir iyo Magool
iyo heeso kaloo badan oo aanaan halkan ku haynin.
Su'aal: waligaa gabayo miyaad samaysay?
Saxardiid: Haayoo gabayo badan ayaan sameeyay, laakin imika qaar badan
ayaan ilaabay. Gabaygan waxaan tiriyay lixdankii oo aan kula
hadlayay xamar oon Aadan Cadde la hadlayay.
gabaygan oo aan kaga hadlayay xumaatooyinka inagu soo fool
lahaa oon islahaa dadka dareensii iyagoon u bislaan.
Suaal: Ruwaayaddii laguma dhaamee dhaqaaq siday ku soo baxday maxaanay
ku saabsanayd?
Saxardiid: Ruwaayaddani waxay matalaysay dawladdii waqtigaa 1965kii
wadanka ka talinaysay. Dawladdaas oo nin walbaaba lahaa anigay
igu gudhaa. Sarkaal kasta oo dawaladda ka mid ihina uu dadka
iskaga dhigo inuu yahay ka kaliya isagoo leh ciddi ima dhaanto.
Ruwaayadda waxay ku socotay afar nin iyo gabadh, nin tuurleh,
nin curyaanah, nin cawaran iyo nin xoog weyn. Heesaha ku jiray
halkan ka akhriso qaar ka midah :
Deeqa arramidaadii
Ogow Garina
Calaf duug ma yeeshee
kani waa hanadkii
iyo heeso kaloo badan oo wali naga maqan.
Suaal: Ruwaayaddii Booraamo Hadimo Ha Qodin ku Dhici Doontaana Mooyaane,
heesihii ku jiray maxaa ka mid ahaa?
Saxardiid: Heesihii ku jiray ruwaayadda waxa ka mid ahaa:
Saxariir cabdi qays
Waxa i helay huq raagtay
kas caano galeen Magool
ogow bal eeg Magool
. lad oo ha liicin gacanlow hibo, iyo heeso kaloo badan.
Sua'aal: Imisa Ruwaayadood ayaad samaysay?
Saxaridiid: Horta wey fara badnaayeen waqti horana wey ahayd,
waanan kala iloobay waqtigan aynu joogno, laakin waxaan
odhan karaa ilaa 10 ruwaayadood wey gaadhayeen. Waxaan
magacaabtoodii ka mid ahaa, iyagoon ku koobnayan:
Gardiid Waa Alla Diid
Malko
Wacad alloon kaa Cabbaa
Wanqal
Ismoodsiis
Fiiriyaa ma Fallo,
Booraamo Hadimo ha qodin ku dhici Doontaana Mooyaane
Hanaan Qourux Wanaag
Laguma Dhaamee Dhaqaaq
Su'aal: Imisaa fanaaniin caan imika ah oo lawada yawqaan ayaa ku soo
shaac baxay ruwaayadahaad samaysay?
Saxardid: Waa suaal wacan. waxay ila tahay inay aad u badan yihiin,
waxa qayb libaax ka qaatay, Cismaan gacanlow, Magool, Shimbir,
Cabdi Qays, Cabdi Tahliil, Faadumo cabdilaahi, Maandeeq,
Cali Bamfas, Shankaroon, Dacar, Maxamad Yusuf, Maxamad Axmad
iyo qaar kaloo badan.
Sua'aal : Kabba Caddii yaa ka mid ahaa, waqtigoodii se goormuu ahaa?
Saxardiid: waqtigoodi waxa lagu qiyaasaa 1936kii ilaa 1945kii, waxaana
ka mid ahaa rag aad u fara badan oo ay ka mid yihiin,
Yusuf Qudun, Mooge Baban, Sanyare, Ayban, Cadduur Cali Axmad,
Cumar Mushteeg, Farabadane, Yusuf Cadde iyo qaar kaloo badan.
Su'aal : Walaalo Hargeya yaa ka mid ahaa, waqtigoodiina goorma ayuu ahaa?
Saxardiid: Walaalo Hargeysa Waqtigoodii waxa lagu qiyaasaa
[1945kii ilaa 1960kii] Ina Axmad Guuleed, Ina Nuur Qabaas oo
ahaa ninka "Raaxeeye" alifay, Xuseen Aw Faarax, Maxamad Yusuf,
Cali Sugule, Ismaaciil Axmad [Cagaf], Tayuub Caamir,
Barkhad Cas, Cabdilaahi Qarshe, Maxamad Axmad, Baaniyaal,
Gidhin, Xasan Samatar, Maxamad Saciid, Cunaaye, Xasan Nahaari,
Cumar Dhuule, Guroon_Jire iyo qaar kaloo badan.
Su'aal: Maxaa u dhaxeeyay kabba-cadii iyo walaalo hargeysa?
Saxardiid: Horta fanku gabigiisaba wuxuu ka soo bilaabmay ciyaarihii
miyigeena. Kabba caddu waxay ahaayeen kuwii soo suuqeeyay ee
keenay magaalooyinka, ama gabay ha ahaato ama hees ha ahaato,
iyagaana ugu horeeyay wax ku tuma codad kuna yeedha.
walaalo hargeysana kuwii dhagaha dadka u macaaneeyay ayay
ahayeen ee maskaxda dadka ku beeray sida luuqda iyo muusigga
[ dananka] loo dhagaysto.
Sua'aal : Ma midhahaa codka hogaamiya mise muusigga [dananka]?
Saxrdiid: Midhaha ayaa hogaamiya, bari ayaanu niman aanu saaxiib ahayn ka
muranay arrintaa iayadda ah. waxaan sameetyay afar heesood,
saddex midhahooda si isku dhaw ayaan u sameey, tii ugu
dambaysayna si ka gooniya ayaan u sameeyay midhaheeda.
Saddexdii isku midka ahaa markiiba dananka way ku fadhiisiyeen,
tii kalena wey u taag waayeen. illaa aan u bedelay midhihii may
helin danankeeda. midhaha ayaa codka keenaa ee codku midhaha
ma sameeyo, codku wuxuun buu macaaneeya.
Suaal : Midhaha sidee baad u samaysaa?
Saxardiid: Horta waa inaad heshaa "topic" ama waa inay jirtaa ulajeedo
aad miidhaha u samaynayaa. Waa inaad halkudheg heshaa marka hore.
Wuxuu tusaale nagu siiyay , mar isagoo ruwaayad samaynaya uu
helay bayd kaliyaa oo ahaa sida tan intii kalena ay ka xidhantay
ama uu heli waayay.
waa guul hel ama waa is gawracaa',
geeri iyo nolol baa guboonaadee
somali Ilaahow garansii
Barkhad-cas, Ilaahay haw naxariistee, oo ruwaayadda ku jiray, ayaan ku
idhi dhammee wey iga xidhantee. Ilayn "topic"ga ayuu haystaaye, si hawl
yar ayuu ugu biiriyay baydkan kale:
waa gudhi ama waa hashaada godlee
gaajiyo dhereg baa gudboonaadee
Somali Ilaahow garansii
Suaal : "Music" iyo "musician" maxaa af-somalilga lagu yidhaahdaa?
Saxardiid: qofka wax tuma iyo waxa la tumayo horaan uga faalooday.
Barigii af-Somlaiga la qorayay ayay Xasan Maygaag, Muuse Galaal
iyo Cumar Usteeliye oo wada socda sua'aashaa i weydiiyeen iyagoo
markaa af-Somaliga ururinaya. Waxaan ugu jawaabay maansadan oon
ku eraybixinayo kuna fasilayo.
duunyada kaleetiyo haddii geel dar lagu horo
oon loo dunuunicin biyaha wa ku diidaa
ma durduurtee weys dul taaga
durbaan cidiisa ama dananka
ruuxii dareemee kolkaa dakaansan
wey daal tiraanoo waa dux iyo subag
Markaa af-somali wuxuu "music" noqonayaa "danan"
Qofka tumayaana "musician" in la yidhaa "dananshe" ayaa fiican ayaan
ku idhi.
Suaal: fanaaniitii hore iyo fanaaniinta imika jooga waa maxay faraqa u
dhaxeeyaa?
Saxardiid: Horta, fanaaniitii hore iyo kuwan maanta jooga waqtiga ayaa
kala kaxaynaya oo shalay iyo maanta isku mid aha. Dadkii
horana kuwii barigii hore tummi jiray ayay jecelyihiin kuwan
dambana kuway la jaan-qaadeen ayay la dhacsanyihiin.
saban waliba fanaaniintisuu leeyahay. Barigii hore qof
walbaaba heestiisa ayuu ku ekaan jiray, imikana waxaad arkaysa
qof 30 heesood oonu shaqu ku lahayn qaadaya. Waxay ila tahay
haddii fanaaniin badan uu midba mar isla heestii qaado,
inay macna guurto oo dhadhankii heesta ka lumo.
Suaal: Aduunyada kaloo dhammi qiimo ayay u yeeshaa fanaaniintooda,
maxay dadka reer Somaliland u qiimayn la'yihiin abwaaniintooda
iyo fanaaniintooda?
Saxardid: Waa suaal wanaagsan. Horta way qiimeeyaan, umadda Somlaliduna
fanka aad ayay u jeceshahay waanay qiimaysaa. Waxa jiri jirtay
in qofka is yidhaa si fiican u hadal uu ama ku hadli jiray
gabay ama geeraar ama maahmaah iwm. Waxay ila tahay fanaaniinta
qaarkood ayaan kor isku dhigin oon is qiimayn.
Suaal : Ruwaayaddo farabadan iyo suugaan aad u balaadhan ayaad mudo aad
u yar u soo bandhigtay umadda af-Somaliga ku hadasha dhammaan.
Maxaad fankii uga baxday kuna aamusiiyay 30kii sanadood ee ugu
dambeeyay?
Saxardiid: Waa suaal fiican, in wax laysa su'aalaana wa wax meesha ku
jira. Fanka in badan ayaan doonay inaan heerku taagan yahay ka
gudbiyo, oon halkuu taagnaa hore uga sii mariyo. Kolkaan
badhtanka soo gaadhsiiyay ayuu dib iila noqday oo halkii aan
is laha ka soo dhaqaaji ayuu igula noqday. Waayo markii horaba
maan donayn inaan fanka ka dhigto shaqo ee fanka naaxintiisa
ayay ahayd ulajeedadaan u soo galay. Markii ay iga gaabiyeen
een is idhi wax badan halkii ka soo riix ayaan goostay inaan
hawlo kale ku foofo oo aan fanka faraha kala baxo.
Markii uu jawaabtaa Saxardiid bixiyay ayuu Cali Bamfas oo isna goobtaa
nala fadhiyay kala wareegay oo uu noo shaagay inuu dareemay aamusnaanta
Saxardiid. waxa Cali uu halkaa ka yidhi "Waxa jiray gabay aan ku sameeyay
Mandheera 1981kii anigoo halkaa ku xidhan. Gabayaygan oon ku soo
wareejiyay fanaaniinta Somaliland oo dhan oo qofba uu baydad ku lahaa.
Sidan ayuu ahaa baydka ku socday Saxardiid.
"Saxardiid hagoog siduu u galay heesna tirin waaye
intii uu kadeedkani hirgalay muu halaanhaline
sababtuu fankii uga hadhgalay la hubsan doonee"
Dhamaad
|