![]() |
![]() |
Mareegta Far-Shaxan |
![]() |
![]() |
ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha |
Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan |
Gobolnimda Gabilay iyo Isku Duubni la'aantooda |
Tusmada Bayaan Jaaliyada Reer Gabilay Forgotten Riegion Maxamed C/laahi Hamiga iyo Dareenka Aadan Y.Caalin Qaybi oo Xukun Axmed M. Carab One Step Forward Maxamed C/laahi |
Gobolnimada Gabilay
HAMIGA GOBOL EE GABILEY IYO ISKU DUUBNI LA'AANTOODA
Bayaan: Jaaliyada Reer GabilayAkhriste Bayaan kan waxa la qorey Mudo hore, haddana waa ku celis iyadoon waxba laga badalin iyadoo muhiimaddiisu tahey in la xasuusiyo qoraaladii hore waxii lagu yidhi iyo hawlaha ka socda Gobolka Gabiley hadda. Bayaan Ku : Madaxweynaha Jamhuuriyadda SomalilandMudane Maxamed Ibraahim Cigaal Ogeysiin: Dhammaan Xubnaha Golaha Wakiilada Ogeysiin: Dhammaan Xubnaha Golaha Guurtida Ogeysiin: Dhammaan Xubnaha Golaha Wasiirada Anagoo ah Jaaliyadda Reer Gabiley ee ku nool waqooyiga Ameerika gaar ahaan dalka Canada,Waxaannu Bayaankan ku soo gudbinaynaa dareekayga guud iyo waxa keeney in Ummadda faraha badan ee reer Gabiley oo isku duuban ka biyo diiddo siyaasadda Madaxweyne Cigaal ka wado Somaliland gaar ahaan Degmada Gabiley oo ah qeybqeybinta uu degmada qeybqeybinayo ee qeybba meel uu ku darayo ,arrintani waxay tusaale u tahay in dawladda Somaliland ee uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Maxamed Ibraahim Cigaal ay dhamaystirayso mashruuc ka mid ah mashaariicdii Mr Afweyne Qabyada kaga tagey oo ujeedadiisu ahayd in Degmada Gabiley la baabiiyo. Haddaba Anagoo ka wakiil ah Ummadda tirada badan ee reer Gabiley ee dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ku nool waxanu leenahay Mudune Madaxweyne waxay reer Gabiley dawladda somaliland ka sugayeen abaalgud weyn oon la qiyaasi karin oo ay ku muteysteen halgankii dalka lagu xoreeyey oo maanta midhihiisii la hoos hadhsanayo. Degmada Gabiley waxay ku fadhidaa dhul baaxaddisu aad u ballaadhantahay, dhinaca galbeed waxay gaadhaa farsoxidhka.illaa Gerisa,dhinaca waqooyina waxa dhammaan hoos timaadda degmada haatan loo yaqaan Lughaya ee xaq darrida looga jarey,dhinaca berina waxay ku eegtahay Harcadaad. Dareenka Guud ee Dadka Reer Gabiley Waxaannu nahay Muwaadiniin daacad ah oo reer Somaliland ah, Muwaadinimaduna ay dhab ka tahay, kana soo hor jeeda wax allaale wixii dhibaato ku keenaya jiritaanka Somaliland iyo midnimada dalka, waxaannu ka reeban nahay wax allaale wixii dhibaato ku keenaya dalka iyo dadka walaalaha ah ee reer Somaliland meel kastoo ay joojaan. Waxaannu nahay Ummad jecel walaaltinimada,nabad gelyada iyo wada noolaashaha iyo weliba horumarka dalkeenna hooyo. Waxaannu nahay Ummad ilbaxnimadu ku dheertahay meel sarana hiigsanaysa, waxaannu nahay Ummad macangegnimo iyo wax marooris ka dheeryahay. Waxaan murran ka taagneyn kaalintii laxaadka lahayd ee aannu ka soo qaadanay halgankii dalka lagaga xooreeyay dawladdi Milatariga ahayd ee uu Madaxweynaha ka ahaan jiray kalidii taliyihii Afweyne. Taariikhda ayaa qoraysa in ay Gabiley tahay Hooyadii halgankii hubaysaan ee uruukii Dhaqdhaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaanno S.N.M oo dagaal qadhaadh la galay dawladdii Milateriga ahayd dalkana ka xoreeyey.(Re: Afaarad’s history , S.N.M’s powerful military wing). Waxaan murran ka taagnayn awoodaha faraha badan ee kala duwan ee illaahay ku maneystay degmada oo ah kuwa Gobol looga baahnaa, awoodahaa oo ay ka mid yihiin: 1 Dhaqaalaha xad dhaafka ah ee degmada ka soo baxa 2 Baaxadda dhulka 3 Tirada dadka Waxay taariikhdu qoraysaa in dad hortiiba aannu Caddaalad xumadii iyo xasuuqii dawladdi Afweyne ka gilgilaney,maanta annaan u dulqaadan karin waxaa iyo wax la mid ah. Waxaannu ka xunnahay anagoon ku soo goobi karin deernkayaga oo dhan bayaanka maanta. Waxa keeney in reer Gabiley ka biyo diidaan Siyaasadda Madaxweyne Cigaal. Waxaannu weynay oo meesha ka baxay wixii aannu u soo dagaalanay oo Caddaalad kow ka tahay, run ahaantii dulmig iyo xaq darridii ayaa dib loo xalaashaday, halgankii wax la og yahay loo marayna wuxu ku danbeeyay hal bacaad lagu lisay. Dadka reer Gabiley yar iyo weynba ,intooda dalka gudihiisa ku nool iyo intooda dalka dibadiisa ku noolba waxay is Waydiinayaan waxa ku dhacay Gobolnimadii Gabiley oo Gabiley Gobol looga dhigi waayey,waxa kale oo dadku is weydiinayaan waxa Togwajaale , Allaybaday iyo Arabsiyo degmooyin cusub looga dhigi waayey. Dadka reer Gabiley waxay is weydiinayaan waxa dhul badan oo galgelin geel ah oon shilin ka soo bixin loogu magacaabay degmooyin cusub sanooyinkan danbe, halka degmada Gabiley oo xaq u lahayd Gobolnimo aanu Maamulka Madaxweynaha ka yahay Maxamed Ibraahim cigaal waxba ka qaban. Waxa Ummadda reer Gabiley is weydiinayaan waxayaabaha keenay in Xukuumadda uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Maxamed Ibraahim Cigaal ku kaliftay in ay kula dhaqanto siyaasadda Foosha xun ee ku salaysan dhul boobka ka dhacaya degmada Gabiley oo haatanna socda ( Lughaya 's Case Re: Afweyne’s land gift to certain people for certain purpose was a dream and also illegal). Xagga Siyaasadda Haddii aannu nahay dadka reer Gabiley oo isku duuban Waxannu la bahnahay urur siyaasaddeedka danaha Gobolkayga iyo tan guud ee dalkaba waxa ka qabta, mudnaantana siinaya 1.Caddaalada 2 Nabadgelyada 3 Ictiraaf raadinta dalka 4 Horumarka Dalka Waxaannu qoraalkan rasmiga ah ku soo gabogabaynaynaa Mudane Madaxweyne waxaan rabnaa waxaannu xaq u leenahay oonaan marnaba ka hadhayn oo ah Gabiley oo Gobol noqota (Gabiley Region) waxannu kuu sheegeynaa in ay ka mid tahay wixii aannu u soo dagaalanay, waxanad ogaataa in anaan ahayn duul caamiya ah oon cidi ka noolayn. 11/15/01 Jaaliyadda reer Gabiley Ottawa, Canada Maxamed Cabdillaahi Nuur Cidina Uma Maqna ,Ceelna Uma Qodna Dib u laabo
Posted-Dec-09-2003. Gabiley “ the forgotten Region.”This is a region that had been devastated by a war that was intended to destroy Somaliland’s infrastructure by the former Mogadishu based Somali government in mid 1960s. This is a region that half of its population became refugees in 1964.This is region that has been neglected by its own government and by its own people for long period of time. This is a region that the neighboring region of Awdal has taken half of its own land. Every one whose is at least 40 years of age can remember that there was a major war in 1964 between the failed state of Somalia and the Ethiopian government under King Haile Salase, where 75% of the major towns such as Gabiley and others were either destroyed or burned out completely .The history tells us that the town of Togwajale was bombarded and burned the same way that Hiroshima and Nagasaki in Japan were bombarded during the second world war. In 1977 Gabiley had been hit by another major disaster when the former dictator of Somalia Siad Barre openly declared a meaningless war against our neighbor the Ethiopian Government, again the same town and others were bombarded on daily for a period of time. Gabiley, Togwajale, Kalabaydh, Allaybady, and Arabisyo and many other smaller towns were became ghost towns after being destroyed by the Ethiopia’s powerful air force. On April 6, 1982 The Somali National movement known as SNM was formed in London, UK by a group of Somaliland intellectuals who could not resist the torture and the massacre that was going on in Somaliland. And historically the Afraad Movement or (Jabhad) from Gabiley region under the leadership of Mohamed Ali became the first and the most successful military wing of the SNM struggle for the six consecutive years of its struggle Against Said Barre’s Military Regime. There was no doubt that Gabiley became a battle ground between the SNM fighters and Siad Barre’s Military forces even before the SNM fighters overrun their enemy forces to liberate the whole Country in mid May 1988. Siad Barre’s famous formula for ethnic cleansings was first tested in Gabiley, and Military commander Tuke’s famous case of massacre and many other notorious NSS officers such as Son of Ali Duran are still very fresh in the minds of the local people from Lughaya to Harcadaad. There is no doubt that there are more problems in terms of human sufferings and economically than any other region in Somaliland during the struggle and after the struggle. Major areas such hospitals, water system, and schools are in very bad condition and really needs to be reconstructed; therefore I advise urgently to Honorable president Mr. Dahir Riyaale Kahin or the next president of Somaliland to do something about this urgent matter which really needs a solution without further delay. Generally I have an advice towards the local people of the region to elect good representatives in the parliament in the forthcoming election, and also who can represent for their own interest including from the local boundary problems or (Lughaya’s legal status under Gabiley) to economic growth such as job creation. We know that a presidential election in nation wide is around the corner, and this is very crucial moment for your future and for the prospects of the whole region as well as the country; therefore I advise the local people of Somaliland in general to feel free and make the right choice and not allow any party to dictate. Remember your vote is very important and can make a difference. Thank you Mohamed Abdillahi Ottawa, Canada. Hamiga iyo Dareenka Dib u laabo
. Posted-Dec-09-2003Faallo: Kala Qaybinta Gabiley Iyo Rajada Gobolnimo Ee Sii Daciifeysa AXMED MAXMED CARAB — HOLLAND Faallo: kala qaybinta gabiley iyo rajada gobolnimo ee sii daciifeysa qore:Axmed Maxamed carab -9-december- amsterdam-The netherlands. Anigoo tix raacaya maqaal ku soo baxey wargeyska haatuf oo uu kaga hadlaayey saldhig booliis oo uu wasiirka arimaha guduhu umagacaabey magaalada wajaale. hadaba akhrisow tan iyo intii aan loo magacaabin dagmada alleybadey degmno kaligeed gaar utaagan ,wax dawlada uu hogaanka u hayo xidbiga UDUB qorshaheeda ahaa in la la dagaalamo meel kasta oo dooneysa in gobol loo magacaabo, gobolka Saaxil dabadii.taasoo oo uu aad uga soo horjeedey madaxeweynihii geereiyoodey (allaha unaxariistee).hadaba meelaha aadka u doonayey gobolnima waxa ka mid aheyd degmada gabiley oo run ahaanti u qalnata gobol marka aad eegto xaga dhaqaalaha iyo cufnaanta dadkaba (population density).hadaba markii loo magacaabey degmada alleybadey dad badan baa soo dhaweeyey. inkasooney dagmadaasi wali lugaheeda si toosa iskugu taagin. Hadan akhristow waxaa dhacdey in wiigi in dhaafey loo magacaabey magaalada wajaale oo ku taal meel is taraataji ah kuna dherersan xadka Somaliland iyo Ethiopia,saldhig booliis oo madax banaan .taas waxa loo macneyn karaa in magaaladaa loo magacaabey degmo ka go'dey degmada gabiley.maadaama la sheegey in uu saldhigaasi ka madax banaan yahey maamulka degmada oo u hoos iman doono Hargeysa. Hadaba waxa is wey diin leh maxaa loo kala jarjaray dagmada gabiley.,dadka qaarbaa is weydiinkara hadii dagmooyin kale soo baxaan gobolnimdii baa soo dhawe. akhristow waxaan shaki ku jirin in ay arintan ka danbeeyaan rag siyaasiyiin waaweyn ah oo diidan ka na soo horjeeda gobolnima degmada gabiley.iyadoohortagaya in ay is kaashadaan bulsha weynta ku nool degmada oo ay koox yar oo kasta ku mashquuliyaan tuulooyin loo magacaabo degmooyin halkaana ay fadhiyaan oo aaney gaadhin rajadii ay in badan ku fakarayeen reer gabiley ee aheyd mar uun iney arkaan degmadas oo waliba lagu soo darey qaar kale oo gobol noqota. dadka reer gabiley may fileyn in dagmada lafteeda lasii kala jarjaro ee waxey filayeen in lagu soo daro dagmooyin kale oo ay sidaa gobol ku noqdaa, laakin dhab ahaantii waxa dhici doonta in tuulooyinkaa lakala jarajarey la dhex dhigo xumaan iyo qabyaalad oo loo kala qayb qaybiyo jilib jilub iyo ardaa ardaa. dadka reer gabiley waxey ku gaadhi karaan guul iyogoo mideysan ay ku doodaan in gobol loo magacaabo ka dib markaa ay dagmadu ku guuleysato gobolnimo la magcaabi karo dagmooyin kale oo isla gobolaka hoos yimaada,laakiin in laga hordagey oo rajadii sidaa ku lumeyso ayey saansaantu u eegtahey. waxa kaloo iyana layaab nagu noqotey qaab dhaqanka wasiirka gudaha oo aad is odhanaysaba malaha qaab dawaladeed ma uusan arag.waayo isagoon la tashan golayaashii dadku soo doorteen,odayaashii degmada,iyo dadkii ay arintani khuseyseyba ayuu amrey in saldhigaa la sameeyo oo uu magacaabey.isla markaana aanu xataa soo wargelin duqii magaalada. waxa iyana layaab igu noqodey nin sheegey inuu u dhashey dagmada oo ku qorey web sitekan maqaal arintan ku saabsanaa sida aan hadalkisa ka dhadhansadey ahaa dadka u dhashey wajaale oo aad moodo in ay kaliya qancisey magacaabid wajaale oo wax loo magacaabo laakin ilawsan dantii guud ee aheyd gobolnimo iyo horumar. waxa kaloom xasuusin lahaa dawaldeena inta ay kala qaybineyso dad isku dana waa iney wax ka qabataa goboalda uu kaldii taliye c/laahi yuusuf maalinba mid wax umagaacabayo si uu u soo jiito dadkaa,oo ay dawladnima Somaliland-na sidaa halis ku gasho,markaa waa in ay dawladu dhaaftaa qaska iyo iska horkeenka dadka deegaanka gabiley ee doortey cidii matali laheyd oo ay ka shaqeysaa sidii ku waa aan maamulku ka jirin loo gaadhsiin lahaa. guntii iyo gabagabdii waxaan ugu baaqayaa wasiirka daakhiliga iyo dhamaan xukuumda riyaale iney arintaa ka waantoobaan oo ay halkaa ku joojiyaan,hadii ay dadka wax u qabanayaana degmada u magcaabaan gobolnimada ay u qalanto.waxaan kaloon ugu baaqayaa raga ku doodaya in wasiirku degmada uu wax ku soo kordhiyey waxaan leeyahey indhihiina kor uqaada oo wax u fiirsada,hadii wax lasoo kordhinayo Degmadoo dhan baa lagu soo kordhin lahaaye.ugu danbeyntii waxan ku soo gababeynayaa . MA ANAA LA II QARSHAA MIDIYO LAYGU QALI DOONO. BY.AXMED MAXMED CARAB HOLLAND One step forward Dib u laabo Posted-Dec-09-2003. 2/24/02 It is one hundred percent satisfactory to the government of Somaliland in General, and in particular to the president of Somaliland Hon. Mohamed Ibrahim Egal that the current status of district Gabiley should be changed into full Region, after satisfying all the necessary conditions and after years and years in the waiting list. The government finally realized that the heavy weight district of Gabiley, which is the most populated Region, productive and the breadbasket of the country would develop into a full status region some time June 2002. The government’s current announcement of new district to Allaybaday is one step forward to the local people of Allaybaday and the people of Gabiley in general, who have been waiting this positive step for more than 26 years. There are reliable reports that a new region called Gabiley Region will soon be announced by senior government official from the Ministry of interior where Lughaya district, Faraweyne district, and the new district of Allaybaday will be under the new administration of Gabiley Region. I hope that the new Region will contribute the country in Education, farming productivity, trade and livestock development. Good luck for the people of Somaliland. Mohamed Abdillahi Ottawa, Canada. Dib u laabo Xigasho: Mareegta Somalilandcenter Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved. |