Farshaxan
Farshaxan
kula xidhiidh Bahda Farshaxan
EMAIL
..
MILICSIGA DHAXAL-REEB:
BUUG XAMBAARSAN TAARIIKHDII HALYEYADA
Gorfeeye: Mustafe Maxamed Khayre
Maalintii uu buugga Dhaxal-reeb gacantayda soo galay, horraantii sannadkan 2007,
waxan akhriskiisa bilaabay goor ku beegnayd 2:30 duhurnimo. Sidii ay xaashiba
xaashida kale iigu dhiibaysay ayaan saq dhexe ku gaadhay; waxanan ku sigtay in
aan ku hurdo seego. Maalmihii xigay ayaan iyaguna iiga duwanayn. Wakhtigaygii oo
dhan waxa la wareegay Dhaxal-reeb marka laga reebo saacadaha aan shaqada ku
maqanahay. Intii aan akhriyayey waxan dareemay shucuur kala duwan oo isugu jiray
farxad iyo qosol, yaab iyo amakaag iyo dabcan naxdin iyo murugo. Waxan xusuus nahay
in ay si gaar ah ii taabteen qormooyinka ka hadlaya Sahra-yarey iyo Eed hooyo laga
galay. Markii aan dhammeystiray akhriska 517-ka bog ee uu buuggu ka kooban yahay
waxan jeclaysanayey in uu intaas ka fara badnaan lahaa. Laga soo bilaabo wakhtigaas
aan akhriyey waxa niyaddayda ku jirtay in aan qoraal ku soo gudbiyo sidii aan u arkay
iyo wixii aan kala kulmay buuggaas, haseyeeshee hadda ka hor iima ay suurto galin.
Dhaxal-reeb, oo uu qoray Boobe Yuusuf Ducaale, waa buug aan noociisa oo kale hore
loo qorin inta aan ogahay. Waxay sansaan wadaagaan buuggii “Profiles in Courage”
ee uu John F. Kennedy kaga warramayey taariikhda shakhsiyaad Maraykan ah oo uu ku
tilmaamay in ay ahaayeen geesiyaal wakhtigoodii ku dhammeystay dano guud iyo sidii
ay uga midho dhalin lahaayeen wixii ay aaminsanaayeen. Dhaxal-reeb wuxu si faahfaahsan,
qurux badan oo soo-jiidasho leh uga warramayaa taariikhda 22 halyey oo magac iyo
maamuusba leh oo isugu jira halgamaa naftood-hureyaal ah, hoggaamiyeyaal siyaasadeed,
hoggaamiyeyaal dhaqan, aqoon-yahanno, suugaan-yahanno iyo ganacsato; raggaas oo nin
mooyaane intooda kale aanay maanta dunida inala joogin. Alle ha u wada naxariisto.
Wuxu qaadaa dhigayaa maalmihii iyo marxaladihii ay soo mareen, mushkiladihii ay soo
maareeyeen, mabaadii’dii ay meel mariyeen iyo mahadhooyinkii ay ka tageen. Xool ilaa
xabaal waxba kama tagayo. Waxa xusid mudan in qoraagu uu aqoon dhaw u lahaa raggaas;
taasina ay tahay ta u suurto galisay in uu dhinacyo badan inaga tuso shakhsiyaddooda.
Dhaxal-reeb waxa kale uu werinayaa qaybo badan oo ka mid ah taariikhdii SNM oo aad
moodo in wax-ka-qoristeeda gacmaha laga wada laabtay. Waa taariikh dayacnayd oo buug
laga qoro iska daaye ay adag tahay in aad aragto maqaal laga qoray. Waxan is leeyahay
qofka buuggan akhriyaa si fiican buu u fahmayaa wixii ay shalay soo martay umadda
reer Somaliland, sababihii ururka SNM loo aasaasay, duruufihii qallafsanaa ee uu
ururku dadka kala soo dabaashay, guulihii uu soo hooyey iyo waliba ta ugu muhiimsan
oo ah abaalka ay SNM ku leedahay ummadda. Arrimaha uu qoraagu ku dheeraanayo waxa
ka mid ah Heshiiskii Itoobiya iyo Soomaaliya ee 1988kii. Wuxu ka sheekaynayaa sidii
ay wax u dhacayeen dhinaca SNM iyo Ethiopia, maalin kasta iyo saacad kasta kulamadii
dhinacyada kala duwan ay goobaha kala duwan ku yeelanayeen. Sidoo kale wuxu si
faahfaahsan u qorayaa ergooyinkii nabadda iyo shirweynihii u dambeeyey ee SNM.
Dhanka kale, waxa buugga qayb ka ah suugaan isugu jirta maansooyin, maahmaaho, murti
iyo masraxiyad uu qoraagu mid kasta halkii ay ku habboonayd ku hubsaday. Waxa iyaguna
xiise gaar ah leh qormooyinka gaagaaban ee cajiibka ah sida sheekada Damaq iyo Dareen,
xusuus-qorka maalmihii raadka kaga tagay qoraaga, aqoon-korodhsiga ku saabsan: ugaadha,
sida ay u dhaqanto, inta ay u kala baxdo, iyo magac-bixinteeda iyo waliba magacyadii
ay Soomaalidu u yaqaaneen maalmaha todobaadka. Dhacdooyinka, taariikhaha iyo mawduucyada
uu Dhaxal-reeb xambaarsan yahay waxa ka faa’iideysan kara mu’alifiinta ama hal-abuurada.
Waxay ka sameyn karaan filimo, riwaayado, buugaag, sawir-gacmeedyo iyo sheekooyin
mala-awaal ah oo aad loo xiiseeyo.
Umaan bogin oo kaliya dhexdhexaadnimada, kartida iyo xirfadda dhammeyska ah ee qoraaga,
balse waxan aad ugu qushuucay sida uu u ururiyey, u kaydiyey, isla markaana ugu
fara-adaygay taariikhaha muddada intaas leeg soo taxnaa. Runtii waa tacab dheeraad ah
oo aynaan dhaqan u lahaan jirin. Boobe waxan leeyahay Illaahay ha kaa abaal mariyo’e
halkaas ka sii wad. Qorayaasha kalena waxan ku boorinayaa oo aan ka baryayaa in ay
dedaal kaas la mid ah sameeyaan oo ay ubadkooda iyo ubadka ay sii dhali doonaan uga
tagaan waayo-aragnimo, aqoon iyo taariikh qoran. Haddii aan jiilka cusub lagu
barbaarin taariikhda, laga dhaadhicin wixii shalay jiray, waxaynu halis u nahay in
aynu raadkeenii dib u raacno oo aynu mar labaad marno dariiqii qodxaha badnaa ee ay
soo mareen geesiyaasha buuggani xusay iyo bulshadii barbar taagnayd.
Dhallinyaro iyo waayeel, rag iyo dumar, dhammaanteen waxa inala gudboon in aan
taariikhdeenna gaadh ka hayno si aanay inooga lumin amaba inooga marin-habaabin.
Waxa muhiim ah in aynu mar kasta niyadda ku hayno in sida kaliya ee aynu
qorayaasheenna u dhiiri galin karnaa ay tahay innagoo akhrisana qoraaladooda
buugaagtoodana lacagta u hurna.
Mustafe Maxamed Khayre
Xubin ka mid ah Hargeysa Readers’ Club
Khaire1@yahoo.com
Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved. |