Taxane warbixinno ku saabsan Qaamuuska Cusub oo Af-Soomaali ah
Qaybtii 1aad
Gorfaynta Qaamuuska Cusub ee Af-soomaaliga
 |
Bilawgii 2004ta waxa qoraal lagu faafiyey degellada iyo ardaayada ay Soomaalidu ku leedahay internetka. Qoraalkaas waxa soosaaray Agaasimaha Machadka Afafka ee Xarunta Cilmibaadhista dalka Jabbuuti, waxaanu tibaaxay inuu Machadku soobandhigay Qaamuus cusub oo uu soo ururiyey Saalax Xaashi Carab. Qoraalkaasi waxa kale oo uu ku baaqay in wixii talo iyo toosina ee la hayo loo soo gudbiyo Machadkaa isaga ah si ay daabacaadda dambe u noqoto midaan turxaan lahayn. Buuggaasi wuxu haddaba gacantayda soo galay bishii toddobaad ee kal hore horraanteedii. Markii aan si wacan uga baaraan degey waxay ila noqotay inaan arrimo badan wax ka idhaa. Ugu horrayn waxan dhawr erey ka odhanayaa bilicda buugga. Ku talaxtegimaayee, waxan si kor xaadis ah uga hadlidoonaa mahadhadii Af-soomaaliga iyo heerarkii kala duwanaa ee uu kasoo gudbey iyo go'aannadii wax-ku-oolka ahaa ee ay guddiyadii Afsoomaaligu gaadheen. Waxan si aan turxaan lahayn u gorfayn aragtida uu buuggu ku salaysan yahay, waxa kaloon eegi wuxuu buuggu dhib iyo dheefba soo kordhiyey. Ugu dambaynta waxan ku soo gabagabayn dhibaatooyinka Afka ka jira ee u baahan in si cilmiyeysan wax looga qabto, lana filayey inuu qoruhu wax ka yidhaa.
Bilicda Qaamuuska:
Aan ku bilaabee, milicsigii u horreeyey isheydu way ku doogsatay bilicda iyo sida quruxda badan ee loo daabacay buugga. Laysma hagradee waxan runtii qirayaa in xoog iyo xoolo badanba loo hurey hirgelinta iyo soosaaridda buugga. Waxan filayaa iney hawshani hormood u noqoto kaalintii ay dawladda iyo dadka reer Jabbuuti ku lahaayeen kobcinta iyo hormarinta Af-soomaaliga.
Mahadhada Af-soomaaliga:
 |
Ka hor 21kii Oktoobar ee 1972kii, dad badan
oo Soomaali iyo shisheeyaba leh baa isku hawlay
sidii Af-soomaaliga loo qori lahaa. Ha ugu
horreeyo Sheekh Yuusuf Al-kawniin
oo ah ninkii bilaabay Alif la kordhabey
iyo kuwii faraha badnaa ee ka dambeeyey,
haddii aan qaar ka magacaabana, ay ka mid
ahaayeen Muuse X I. Galaal, Cismaan Keenaddiid,
B. W. Andrzejewski, Maxamed Cabdi Makaahiil,
Shire Jaamac Axmed, lbraahim Xaashi Maxammuud,
M.M.Moreno, C.R. V.Bell, L. E. Armstrong,
Cabdullaahi Xaaji Maxammuud, B.Panza, iyo
Cabd- raxmaan Sh. Nuur. Aqoonyahannadaasi
waxay dhammaan ka midaysnaayeen qoridda af-soomaaliga.
Hayeeshee, waxay ku kala tagsanaayeen farta
lagu qorayo iyo qaabka xarfaha qaarkood loo
qorayo. Tusaale ahaan, inta rabtay in xuruufta
laatiinka la qaataa meelo badan ayey ku kala
duwanaayeen sida tirada xarfaha iyo qaabka
xarfaha qaar loo qorayo. Kuwa far carabida
rabayna sidaasoo kalay ahayeen sida ka muuqata
shaxda aan halkan ku soo ladhay kana soo dheegtey
buugga la yidhaa: the modernization of
Somali Vocabulary,
ee uu qoray "Caney, John Charles
soonabaxay 1984kii ".
Go'aankii Guddidii La Qabtay 1961kii:
Sida dad badani ka warqabaan, 1961kii, kolkii Calanka la qaatay kadib, waxa la abuuray guddi uu
guddoomiye u ahaa Alla haw naxariistee Muuse X. Ismaaciil Galaal kana mid ahaayeen rag badan oo aqoon
yahanno ahaa. Guddidaasi oo hawsha loo diray ahayd iney ka soo baaraan degto Farahaas oo dhan, go'aanna
ka soo gaadho farta ugu habboon ee lagu qori karo Af-soomaaliga. Guddidu umay codeyneyn in afka
laatiinka lagu qoro ama carabi ee waxa ay eegayeen dhawr arrimood. Mar uu Muuse Galaal u
warramayey laanta Af-soomaaliga ee B.B.Cda wuxu sheegey iney ku xulanayeen Farta loo baahan yahay dhawr
arrimood oo ay ka mid ahaayeen dhaqaalaha, quruxda afka iyo fudeydka. Isaga oo arrimahaas sii
faahfaahinaya waxa uu yidhi, " Marka aannu dhaqaalaha ka eegeyno, waxaanu eegeynaa waxay dhibaato
dhaqaale keeni karto fartaasi." Tusaale ahaan buu yidhi, "Haddii la qaato farta Cismaaniyada
waxa lagama maarmaan noqonaysa in kolkiiba la wada beddelo makiinadaha wax lagu qorto, madbacadaha,
kuwa taararka lagu diro, iwm." Taasi waxay u baahan tahay buu yidhi dhaqaale farabadan oo aanay
dawladda Soomaaliyeed awood u lahayn. Inta hawshaa lagu fooganyahayna adduunka ayeynu ka hadhaynaa buu
raaciyey marxuunku. Fudeydka farta isaga oo ka hadlayana wuxu yidhi, "Dadka badankiisu laatiinka
wey wada yaqaannaan, barashadeeduna wakhti badan ka qaadanmayso." Halkaas waxa kaaga cad inaan la
eegeyn dan qof, dan reer, cid lagu ralligelinayeyna jirin ee mar kasta laga hormarinayey danta guud. In
kasta oo ay guddidu go'aankeedi soo saartay haddana dawladihii Soomaaliyeed ee dalka soo maamulay kumay
guuleysan iney yeeshaan kudhac lagu meel mariyo go'aankaasi.
--------------------
21kii Oktoobar iyo qoriddii Af-soomaaliga:
11 gu' kadib ayuu Maammulkii ciidammada
Soomaaliyeed go'aansaday in la hirgeliyo go'aankii
waagaa oo ahaa in af-soomaaliga lagu qoro
xuruufta laatiinka. Kudhacaa adagi wuxuu soo
af-jaray murankii iyo dhabbacashadii dhabarku
muuqdey ee layskula dhex meereysan jirey.
Waxana loo dhaqaaqay dhinac qudha. Ujeeddo
kastaa ha ka dambaysee, wuxu go'aankaasi meesha
ka saaray inuu qofba sheegto in fartiisii
la qaatay. Waayo waxaad arkaysaa iney mid
kasta meel uga egtahay meel kalana uga duwantahay.
Go'aankaasi waxa uu isku dubbariday aqoonyahannadii
midba meel ujeedey. Waxana loo wada dhaqaaqay
horumarintii afka.
Go'aannadii guddida Af-soomaaliga:
Guddidu waxay go'aamisey iney xuruufta af-soomaaligu
ka koobnaandoonaan 21 shibbane, 5 shaqal oo
gaaban iyo Firgin (').
A B C D DH E F G H I J K KH L M N O Q R
S SH T U W X Y'
Waxa kale oo jira shan (5) shaqal oo dhaadheer
oo kala ah AA EE II OO UU oo
ah shanta gaaggaaban oo la labanlaabay.
Guddidu waxa kale oo ay go'aamisey iney
toddobada xaraf ee kala ah b, d, g,
l, m, n, r ay laban laabmaan. Xarafka
'dh' way ogaayeen inuu laban
laabmo tusaale ahaan: gabadh = gabadhdha.
Hayeeshee ayaka oo ka eegaya dhinaca dhaqaalaha
iyo dhinaca quruxda afkaba waxay go'aansadeen
inaan la labanlaabin.
Markii qaamuuskii u horreeyey la dejinayey,
guddidu wey ka noqotay habkii kala horreysiinta
farsoomaalida ee ahayd "B,
T, J, X, ..." waxana la guddoonsadey
in la raaco fartana loo kala hormariyo sida
ay afafka kale ee laatiinka qaatayba u raaceen
(Keenadiid 1976). Xilligaa wixii ka dambeeyey,
qaamuusyadii soo baxay oo dhammi waxay ku
dhisaallanyihiin aragtidaa iyada ah. Tiraba
qaamuuska Saalax mooyee waxa qoraal-yaalkayga
laga helayaa sagaal kale dhammaantoodna waxay
ku salaysanyihiin habka aynu ka hadlayno.
Qorayaashu waxay tixgelin weyn siiyeen go'aannadii
aan sheegney. Waxa, haddaba, waxa aad loola
yaabo ah sida uu Saalax ku keenay arrintan,
ugana dhigayo aragti uu isagu leeyahay oon
hortii cidiba ka hadal.
Abdiraxmaan Faarax "Barwaaqo"
wuxuu horay u qoray dhawr Buug uu ka mid yahay:
"MAGAC BILAASH UMA BOXO"
Ottawa, Canada
E-mail: Hal_aqoon@yahoo.com
Akhri Qaybtii 2aad
Soo Bandhige :Fu,aad
Bahda Mareegta Farshaxan
|