Farsamo-xumadu maxay tahay ?
Had iyo jeer dadku marka ay hawl qabanayaan isku si wax uma qabtaan, dadka
qaarbaa sidii ugu habboonayd uguna qurxoonayd uga soo dhalaala hawsha ay
hayaan, halka ay qaar kalena natiijadoodu noqoto hawshii oo ay marooriyaan,
tamartii oo ka dhamaata, qalabkii ay ku shaqaynayeen oo ay jajabiyaan iyo
dharkoodii oo wasakhooba haddii ay hawshu mid adag ahayd. Dadka marka ay
hawl qabanayaan goobta ay wax ku qabanayaan wada qashin ka dhiga,alaabta ay
ku shaqaynayaanna jajabiya ogaan haka ahaato ama yay ka ahaanee ayaa
layidhaahdaa way farsamo xun yihiin. Qofka farsamada xumi had iyo jeer waa
bilaa nidaam, haddii uu tusaale ahaan koob caano ah cabbaayo waxa laga
yaabaa inuu caanihii isku daadaadiyo, marka uu dhameeyana uu koobkii meel
dayacan sida dhulka oo kale dhigo, qadar yar kadib marka uu sii baxayo ee uu
xagga dibadda kusii socdana uu jiidho koobkii sidaana uu ku kala jabiyo,
dhanka kalena waxa laga yaabaa in walaxdii uu faraha saaraaba ay jabto oo
aad mararka qaarkood is tiraahdoba qofka farihiisu ma naarbaa siduu wax
leeyahay.? Qofka farsamada xumi haddii uu damco inuu raadiyow (Radio) meel
yaalla dhegaysto, waxa suurta gal ah inuu raadyihii si farsamo xumo ah u
daaro oo halkaas uu raadyihii ku kala jabiyo, khasaarana ka dhaco.
Inta badan bulshadu qofkii ay farsamo xumo ku barato hawshii uu doono haku
lug lahaadee way ka taxaddiraan, inay hawl ku halleeyaanna kuma dhiirradaan
ama kuma talo galaan, qofkii farsamo-xume la joogaana wuxuu had iyo jeer
dareemaa diiqad iyo kedeed sababtoo ah waxa u muuqda qaska iyo qalalaasaha
uu qofkan farsamada xumi goor iyo ayaan lasoo taagan yahay.Falalkaas iyo
kuwa kaleba wuxuu farsama xumuhu wado oo uu hoygiisa iyo meelaha uu ku sugan
yahay ka dhex sameeyaba wuxuu hantaaqaha ugu waaweyn uguna daran geystaa
markii uu xil awood ama qaddarin dheeraada bulshada dhexdeeda ku leh kusoo
baxsado, sida siyaasi, wadaad, bare, hogaamiye, iwm.
Madax meel ka saraysa oo la taabtaa ma jirto, waa maahmaah caan ah oo aynu
wada garanayno, macneheeduna inoo sheegayo in arrin kasta oo la gorfaynaayo
haddii halkeeda ugu mudan laga abbaaro ay lamid tahay sida iyadoo arrintii
madax ilaa mijo lawada xaalleeyay oo kale, inagoo murtidaas maanka ku hayna
ayaynu isku dayi doonnaa in aynu tilmaanno qalalaasaha ay aloosaan qaar
kamid ah dadka farsamada xumi marka ay siyaasiyiin isku tilmaamaan,
waxaanuna dhaafi doonnaa qaybaha kale ee aanu carrabka ku dhufannay ee ay
kamid yihiin wadaaddada, bareyaasha, hogaamiyeyaasha iwm, kuwaas oo aynaan
halkan kaga bogan karayn waxaannu haddii alle yidhaa kusoo gudbin doonnaa
qoraallo kale oo faahfaahsan.
Dadka farsamada xun oo inta badan aqoontoodu hooseysaa, haddii ay
siyaasiyiin mindida daabkeeda haya noqdaan si qalad ah haku qabteem ama si
qaynuun darro ah haw maroorsadaannee sidii ugu hufnayd ugama dabbaalan
karaan masuulliyaddaas culus ee ay tunka u riteen, waxay markiiba bulshada
dhexdeeda ka abuuraan guux iyo khilaaf hor leh, taas oo marka dambena keenta
in dalkii uu ku dhaco dayaw iyo jahwareer siyaasadeed, ugu dambayntana
waddanku ku sugnaado burbur iyo furimo colaadeed, qofka caynkan ahi awoodda
qaranka ee mugga weyn leh ayuu ku ururiyaa gacmo kooban oo aan ka fogayn
asaga si uu xukunka sharci darro ugu haysto inta uu nool yahay oo dhan,
hantida ummadda ee uu sida basarxumada ah u boolyanaayo iyo dambiyada
culculus ee uu shacabka wadaniga ah ka galaayo ka sokow waxay farsamo
xumadiisu geyaysiisaa mararka qaarkood inuu diinteenna islaamka wax ka
sheego, ciddii falxumadaas kala talisana uu rasaas hawda kaga saaro sidii
kun, sagaal boqol iyo dhawr iyo todobaatankii dhacday oo kale.
Shakhsiyaadka farsamo xumooyinka jaadkaas ah ku caan baxay waxaan tusaalle
usoo qaadan karnaa ninkii dabayaaqadii sanadkii 1969kii burburiyay qarankii
Soomaaliyeed ee xorta ahaa, waa Maxamed Siyaad Barre,e kaas oo taladii dalka
si aan sharciga waafaqsanayn gacan bir ah ugu haystay mudadii dheerayd ee 21
ka sanno ahayd.
Maxamed S. Barre wuxuu iska dhigdhigi jiray ama uu dabeecad ahaan isu
ekaysiin jiray ninkii la odhan jiray Maxamed Cabdulle Xasan oo horraantii
qarnigii hore sheegtay inuu waday dagaal gumaystayaashii xumaa ka dhan ah,
laakiin qorshihiisu ahaa xoolo la dhaco iyo dad la laayo. Maxamed Siyaad
wuxuu u haystay in asaga iyo Maxamed cabdulle aan habnololeedkoodii la kala
garan karayn oo ay gees walba iskaga mid ahaayeen,marka laga reebo xagga
maanso curinta oo aanu Maxamed Siyaad ab u lahaan jirin. Maxamed Siyaad si
loo moodo Maxamed Cabdulle Xasan oo halkaas taagan hab dhaqan ahaan iyo
ficil ahaanba wuxuu in badan ku dadaalay inuu noqdo nin dhagar qabe ah,
sababtoo ah ninka uu ku dayan jiray ayay Soomaalidu ku eedayn jirtay inuu
ahaa dhagar qabe halis ah oo ummaddii waagaas kaw ka dhigay. Maxamed Siyaad
isagoo sheeganayay madaxweyne Soomaaliyeed yuu hadana sida ay noo
xaqiijiyeen dad xogogaal ahaa uu dhegaysan jiray had iyo jeer markuu
xafiiskiisa joogo gabayadii Maxamed Cabdulle Xasan oo intooda badani
dhirfayeen beelihii Soomaaliyeed ee horraantiiba fahmay sirtii iyo
khayaamadii Ina cabdalle xasan, wuxuuna markiiba Maxamed Siyaad bilaabay
inuu la colloobo cid kasto oo Ina cabdalle xasan ay col ahaayeen , si uu u
noqdo waa siduu aaminsanaayee Maxamed Cabdulle Xasan oo kale.
Maxamed C. Xasan qofkii ka farxin waaya ama rayi kiisa ka duwan keena , ama
gef uu sameeyay ishaara wuxuu u arki jiray nin xujoobay ama gaaloobay oo ay
banaan tahay jahaadna ay tahay in la dilo,xoolihiisana la dhaco, marka aan
sidaas leenahay waxa laga yaabaa inay kacaankii ama bulshadii Soomaaliyeed
ee taariikhda Ina cabdulle xasan dhanka buunbuuninta laga tusay xilligii
kacaanku ay qalad moodaan weedhahan kooban ee aanu tusaaleha usoo qaadannay,
hayeeshee waxaannu soo gudbinaynaa meerisyadan uu tiriyay Maxamed Cabdulle
uuna ku qiranayo qaar kamid ah falalkaas maroorka ahaa, wuxuuna yidhi.
.Nin gungume ka daranbaan ahayoon, gabanna dhaafaynee.
.
.Geyiga oo dhan waxaan doonnayaa, inaan gummeeyaayee.
Maxamed Siyaad oo laystaannimadaas kaga dayanayaana wuxuu sheegay marka uu
hadal ama qudbad jeedinnayo, diinta wax haka sheego ama cid kale qadaf haku
miisee ciddii qosol, nacamlayn iyo ammaan laga waayaa inay tahay dambiile,
in la gumaado, hantidooda lala wareego, dhulkoodana laga dhaxal wareejiyo oo
cid kale oo kacaanka ka qoslisa lagu beero waxay beelihii xukunka xoogga ku
haystay u arkayeen inay bannaan tahay oo ay Soomaalinnimo iyo jahaad tahay
arrintaasu, Soomaalinnimada caynkaas ahina waa tii ina soo martay intii u
dhaxaysay 1969kii ilaa 1990, haddii aanu aragno kuwii dadnimadii iyo
wadajirkii bulshooyinkii Soomaalida ahaa burburshay oo xilligan
Soomaalinnimo, midnimo, iyo wixii lamid ah ku hadaaqa waxaannu leenahay dani
nagama hayso waxaad akhriyaysaan ee qalbigiina kasoo safeeya wararkii beenta
ahaa kacaanku idinku akhrin jiray xilligii ummadda la boobaayay.
Ujeedadeennu may ahayn inaan wakhti ku bixinno faallaynta gelelefkii Maxamed
Siyaad, ee waxaynu u gol lahayn inaynu waxaan saa usii badnayn ka tilmaanno
farsamo-xummooyinkii jaahilnimadu ku dheehnayd ee uu bulshooyinkii
Soomaalida ee ul iyo diirkeed ahaa ku kala irdheeyay,dadka hadda ogaadeenya
la baxayna la doonnayay in looga faa'iideeyo.
Farsamo xumadu haka timaado dhanka siyaasiyiinta,ama haka soo fusho qaybaha
kale ee bulshada ee waxay ka mid tahay waxyaalaha ilaa xilligan la joogo aan
laysku raacsanayn ,sida aan jacaylka laysugu waafaqsanayn oo kale. Jacaylka
dhex mara rag iyo dumar aan isu ehel ahayn Soomaalidu si weyn bay ugu kala
aragti duwan yihiin, bulshooyinkeenna qaarbaa aaminsan in jacaylka noocaas
ahi yahay qayb nolosha kamid ah oo ay la'aantiis waxyaalo badanu qabyo
noqonayaan, qofka uu hayaana hadduu ku guulaysto uu kamidho dhalin karayo
halka qayb kale oo bulshada kamid ah ahna kuwa ugu badanina ay aaminsan
yihiin in jacaylka jaadkaas ahi uu yahay aafo halis ah oo ruuxii uu haleelo
halkii loo badnaa iyo aakhiro ku hoynaaya, waxaa kaloo inta ra'yigan
aaminsani ay leeyihiinba maadaama aynu joogno casrigii tiknoolajiyadda oo
cilmi dibbigii uu taagan yahay heerkiisii ugu sarreeyay cudurkan wax soo
haligay maxaa loogu dari waayay xanuunada adduunka laga dabar goynayo ee
idaacadaha laga sheego, dooddoodana waxay ku xoojiyaan meerisyadan caanka ah
: Culimada adduunkee, caafimaadka baadhay, Cuduradaan la dabar goyn,
caashaqaa halagu daro.
Hadaba inagoo afka ka dhawrayna in aynu nidhaahno sida bulshadaas
farsamo-xumada cudurada dadban ee sida xadfan wax u saameeya halagu daro ,
ayaynu odhanaynaa farsamo-xumadu mar waa dabeecad qofku lasoo baxo oo la
doorin karo, waxaynuna tusaale ka dhigan karnaa in ay jiraan dad badan oo
markii farsamo-xumo laga waanshay iska daayay oo ka takhallusay, marna
waxaynu leennahay waa dhalan, dhalanna si kastoo loo holliyo wax ka
bedalkiisa waa lagu guul darraystaa waxaana tusaale inoo noqon kara in ay
jiraan dad waaweyn oo maankooda iyo miyirkooduba dhan yahay, hadana mar
kasta oo ay tallaabo qaadaan wax qasa oo aad is odhanayso qofka maxaa
haysta, Soomaaliduna markay arkeen inaan dhalan wax laga bedeli karin ayay
yidhaahdeen " Waano dhalanbaa ka adag. " ama " Dundumo ciid ka maydh , iyo
nin caadadii ka maydh labadaba waa lagu daallaa ".
Waxa Qoray : Ahmed Iid Aadan.
|