Farshaxan
Farshaxan
Bahda Farshaxan
EMAIL
..
AXKAANTA SOOMIDDA BISHA RAMADAAN
TACRIIF: Waa maxay soon?
Soonku luqad ahaan waa in wax laga reebtoonaado oo aan la sameyn. Sharciga
Islaamkana soonku waa in laga af haysto cunto iyo cabbid iyo in laga reebtoonaado
galmo (afooyinka oo xiriir galmo lala sameeyo) laga bilaabo waaberiga (fajarka
salaada subax) ilaa ay qorraxdu ka dhacayso iyadoo lala imaanayo niyo qalbiga ah, oo
ay tahay in laabta laga niyoodo fulinta awaamiirta Alle (S.W.) oo ah Soonka waajibka
ah.
Soonka Islaamiga ah waa nafta oo laga xabisayo cunto iyo cabbid iyo waxyaalaha ay
hawooto (shahawaat), iyo iyadoo laga goynayo wixii ay u caado yeelatay oo la
hagaajiyo awoodeeda shahwada si loogu diyaariyo in ay dalabto liibaan waarta iyo
ladnaan weyn, iyo barwaaqo ma guuraan ah, iyo in ay aqbasho waxa naftu ku
daahiroobeyso oo lagu janno tago. Ujeeddadu waa in ay gaajada iyo oonkuba ay
jebiyaan nafta hanqal taageeda iyo qooqeeda. Qofka sooman wuxuu xusuusanayaa
xaaladaha ay ku suganyihiin dadka gaajeysan ee masaakiinta ah.
Soonku waa tiir ka mid ah tiirarka Islaamku ku taaganyahay [eeg Tiirarka Islaamka
lifaaq # 1], qofkii diida in Soonku waajib yahay waa uu ku gaaloobayaa. Qofkii
rumeysan in Soonku waajib yahay laakiin aan soomin wuxuu ku caasiyay Allihii
abuurtay (S.W.). Soonka waxaa la waajibiyay sannadkii 2d ee Hijrada.
WAAJIBNIMADA SOONKA
Ilaahay (S.W.) wuxuu kitaabkiisa Kariimka ah ku yiri aayad micnaheedu ay sidaan
tahay: "Kuwa rumeeyayow! Soon baa laydinku waajibiyay, sidii loogu waajibiyay kuwii
idinka horreeyayba, si aad u noqotaan al-Muttaqiin (suubanayaasha)." Al Baqarah,
aayadda 183d
Ilaahay (S.W.) wuxuu addoomadiisa ugu yeeray magac laysugu yeero kan ugu wanaagsan
uguna qiimo badan oo ah KUWA RUMEEYAYOW! [Eeg Tiirarka Iimaanka Lifaaq # 2], waxaa
laydinku waajibiyay in aad soontaan (bisha Ramadaan). Ilaahay (S.W.) waxaa kale oo
uu noo caddeeyay in SOONKU aanu ahayn mid innaga nagu cusub balse ummadihii naga
horeeyay ay soomi jireen. Garan meyno qaabka ay u soomi jireen, (waxa ay ka soomi
jireen, maalmaha ay soomi jireen, tirada inta maalmood oo ay soomi jireen iwm.).
Caqiiddadu waxaa weeye in aan ogaanno soonku in aanu ahayn mid ummadda Nabi Muxamad
(S.C.W.) ku cusub.
TIIRARKA SOONKA
Soonku wuxuu ku ansaxayaa laba arrimood oo lagu tilmaamo in ay yihiin tiirarka
soonka. Waxayna kala yihiin:
(1) NIYADDA: Qofka soomaya waa in uu niyoodo soonka waajibka ah habeennimada (inta
ka horeysa waaberiga (fajarka salaadda subax). Qofku haddii uusan neyeysan soon uma
jiro. Sida Nabigu (S.C.W.) ku sheegay xadiis saxiix ah oo ah:
Xafsa, Hooyadii Mu’miniinta (A.K.R) waxay tiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Qofka
aan soonka (faralka ah) niyeysan intaan waagu baryin lagama aqbalo soon". W.W.
Alkhamsa ~ Shantii.
Sideedaba, niyaddu waxay kala soocdaa cibaadada iyo caadada. Arrin kasta oo cibaado
ahna waa in ay niyaddu ka horreyso. Niyaddu waa arrin qalbiga kasoo go’da oo aan u
baahnayn in afka lagaga dhawaaqo. Niyadda in afka lagaga dhawaaqaana waa bidco aan
sharci ahayn. Niyeysiga soonka waxaa lagu gaar yeelay soonka faralka ah oo kaliya.
Soonka sunnada ah uma baahna in habeenkii la neyeysto. Waxaana daliil u ah:
Caa’isha (A.K.R.) waxay tiri: Nabiga (S.C.W.) baa ii yimid maalin oo i weydiiyay:
"Wax ma haysaa (la cuno)? Waxaannu niri: Maya. Wuxuu yiri: Marka waan soomanahay,
"Dabeeto wuxuu noo yimid maalin kale markaasaan ku niri: Waxaa naloo keenay haddiyad
ahaan timir bur cad leh. Wuxuu yiri: Bal i tus, waayo waxaan ku billowday maalinta
soomanaan." markaasuu cunay. W.W. Muslim. Nabiguna (S.C.W.) wuxuu arrintaas ku
sameeyey soon sunne ah ee kuma samayn soon faral ah.
(2) In laga afhaysto oo laga joogo (reebtoonaado) dhamaan waxyaalaha soonka burriya
[Eeg Waxyaalaha Soonka Burriya].
Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebiga (S.C.W.) wuxuu yiri: "Qofkii aan ka harin
been iyo dhaqanka la xiriira iyo wixii ceebaal ah, Allaah waxba kuma falayo oo dan
kama leh in uu iska daayo cuntadiisa iyo cabbiddiisa (yacni dan kama leh soonkiisa)"
W.W. Al-Bukhaari iyo Abuu Daa’uud. Werintaanna waa tii Abuu Daa’uud.
YAA LAGU LEEYAHAY SOOMIDDA BISHA RAMADAAN
Soomidda Bisha Ramadaan waxaa lagu leeyahay, oo ay waajib ku tahay in uu soomo ama
ay soonto qof kasta oo ay ku kulmaan saddexda shardi oo kala ah:
(1) QOF MUSLIM AH: Qofka soomaya waa in uu ahaadaa ruux muslim ah. Qof gaal ah
haddii uu soomo lagama aqbalayo waayoo xayndaabkii Islaamka ayuuba ka baxsan yahay.
(2) QOF QAANGAAR AH: Qofka soomaya waa in uu ahaadaa qof baaluqay (hanaqaaday). Waxa
aan soon laga rabin caruurta, waxaase sunnada ku sugan in caruurta inta ay
yaryaryihiin la barro (lagu layliyo) soonka haddii ay awoodi karaan.
(3) IN UU CAQLI TAAM AH LEEYAHAY: Qofka soomaya waa in uu miyir qabaa. Qofka waalan
soon kama ansaxayo. Waxaa la doonayaa in uu soomo ruux miyirkiisu taam yahay.
DADKA LOO RUQSEEYSEY IN AY AFURAAN BISHA RAMADAAN
Naxariista Alle (S.W.) waxaa ka mid ah in dad gaar ah ay fasax u haystaan in ay
afuraan iyadoo lagu jiro bisha Ramadaan. Dadka loo ruqseeyay in ay afuraan waxay
kala yihiin:
(1) QOFKA SAFAR KU JIRA: Ilaahey (S.W.) wuxuu u ruqsiiyay dadka safarka ku jira in
ay afuraan oo ay dib kasoo qaleeyaan maalmihii ay afurnaayeen. Culimadu waxay
safarka lagu afuri karo ku qiyaaseen in uu dhanyahay 80 km ama 90 km. Laakiin
waqtigaan casriga ah iyo waayihii hore waxaa u dhexeeya farqi aad u weyn, maxaa
yeelay imminka waxaa lagu safraa gaadiid aad u dheereeya sida diyaaradaha,
tareennada, iwm. Haddaba su’aashu waa sidee loo qiyaasayaa safarka lagu afuri karo?
Habka ugu wanaagsan waxaa weeye: Qofku mar haddii uu musaafir yahay oo la dhihi karo
safar buu ku jiraa, kaas ayaa safar lagu qiyaasi karaa. Isla markaasna waxaa la
eegayaa dhibaatada qofka kasoo gaareysa safarka uu ku jiro – qofka haddii aysan wax
dhibaato ah kasoo gaaraynin safarkiisa wuxuu khiyaar u leeyahay in uu afuro ama uu
soomo (waayoo rukhsaddii Ilaahey (S.W.) siiyay ayuu haystaa, Ilaaheyna wuxuu
jecelyahay in rukhsaddiisa la qaato), haddiise ay dhibaato kasoo gaarayso safarkiisa
waa mamnuuc in uu soomo.
(2) QOFAKA XANUUNSAN: Qofka xanuunsan oo soonka ku dhibtoonaya waxaa loo rukhseeyay
in uu afuro oo dib kasoo qaleeyo maalmihii uu afuray.
(3) QOFKA KU DHIBTOON SOOMIDDA: kuwa soomi kara laakiin ay dhib ku tahay sida qofka
da’da ah iyo qofka qaba cudur aan dawadiisa la aqoon oo soomidduna dhib ku tahay,
ama dhakhtar lagu kalsoon yahay oo Muslim ah uu u sheegay in uusan soomi karin,
waxaa u banaan in ay afuraan oo dib kasoo qaleeyaan.
Allaah (S.W.) wuxuu yir: "Haddii uu midkiin xanuunsanyahay ama safar yahay isla
tiradii uu afuray waa in uu gudaa (qaleeyaa) maalmo kale; kuwa ku soomi karaa dhibka
(sida qof da’ ah, iwm) waxaa la siiyay (ikhtiyaar in ay soomaan ama) quudiyaan qof
sabool ah (bedelka maalin kasta oo ay ufuraan....... ". Al Baqara, aayadda 184d
Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "saddex qalinka waa laga qaaday (oo dembi looma qorayo)
(1) Qofka waalan inta uu ka miyirsado, (2) Qofka hurda jeer uu hurdada kasoo koco,
iyo (3) cunuga jeer uu baaluqo". Kuwaani mukalafiin maaha, dembina looma qorayo.
FADLIGA SOONKA
Qaybtaan waxaan jecelahay in aan ku soo qaato maqaanka Islaamku ku tilmaamay soonka
iyo ajarka & fadliga uu helayo qofka Ilaahey (S.W.) dartiis u sooma, taasoo laga
yaabo dadka qaar in ay ku kala duwanyihiin oo ajarka ay helayaan uu kala badan yahay
sababtuna ay tahay u dhawaanshaha ama ka fogaanshaha Sunnada Nabiga (S.C.W.), sidii
uu Nabiguba (S.C.W.) ku tilmaamay asagoo yiri: "Badanaa qof sooma oo aan soonkiisa
ka heleyn wax aan ahayn gaajo iyo oon". Soomiddu waa cibaadeysi heer sare ah oo
nafta ijtihaad iyo is-ilaalin ku nuuriya. Soomiddu waa sifayn iyo hagaajin nafta
looga dan leeyahay in la dareensiiyo daciifnimadeeda iyo in laga gooyo dhugashada
iyo daba-galka ceebaha dadka kale iyo waxa ka dhalanaya oo dhan, sida xanta, cayda,
beenta, iska horkeenka muslimiinta, muran iyo qaylo, dagaal iwm. Soonku nafta ayuu
daahiriyaa oo ka dhigaa naf Alle (S.W.) ka cabsata oo towbad keen badan, wuxuuna
nuuriyaa iimaanka qofka.
Fadliga iyo ajarka Soonka waxaa ka mid ah:
(1) SOONKU WAA GAASHAAN: Soonku waa gaashaan (la isaga gudbo xumaan falidda,
shahwada iyo naarta). Nabigu (S.C.W.) waxaa uu faray qofka aad ugu baahan in uu
guursado misna aan awoodin guur (daruufta oo aan u saamaxayn markaas in uu guursado
awgeed, hadday noqon lahayd dhinaca dhaqaalaha iyo dhinaca awooddiisa jirkaba) in uu
soomo si ay shahwada rabitaanka guurku uga jabto. Maxaa yeelay soonku wuxuu ka
reebaa nafta waxyaabaha ay jeceshahay oo ay shahwadu ka mid tahay.
Cabdullaahi ibn Mascuud (A.K.R.) wuxuu yiri: Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu nagu
yiri: "Dhalinyarooy! Kiinnii heli karaa raas (reer) waa in uu guursado, waayo
(guurku) wuxuu xakameeyaa indhataagga, sinadana gaashaan buu uga yahay, kii aan
guursan karinna ha soomo da’ fur (tunniin) buu leeyahaye (jebin buu u yahay
rabintaanka galmada)." Laysku raac ~ Muttafaqun Caleyhi).
Sidoo kale Nabigu (S.C.W.) wuxuu caddeeyey in naarta lagu galo waxyaabaha ay naftu
jeceshahay iyo in Jannada lagu galo waxyaabaha ay naftu necebtahay.
Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Naarta waxaa laga
helaa oo ay ku gabban tahay waxyaalaha ay naftu jeceshahay ee macmacaanka adduunka
ah gadaashooda, Jannadana waxaa lagu xayndaabay camal adag oo ay naftu necebtahay".
Bukhaari iyo Muslim.
(2) QOFKA SOOMAN WUXUU LEEYAHAY LABA (2) FARXADOOD: Qofka soommani wuxuu la kulmaa
laba farxadood sida ku cad xadiiska Nabiga (S.C.W.)
Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ".......Qofka
soommani wuxuu la kulmaa laba farxadood, tan hore waa farxaa markii uu afurayo, tan
labaadna waa uu ku farxi doonaa ajarka soonkiisa, markii uu la kulmo Rabbigiisa
(Allaah)." Bukhaari iyo Muslim.
(3) NEEFTA QOFKA SOOMAN OO MISKIGA KA UDGOON: Qofka sooman neefta afkiisa ka soo
baxaysa waxay ka udgoon tahay miskiga sida ku cad xadiiskan:
Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ".......Neefta
afkiisana (qofka sooman) ka udgoon Aragtida Alle udgoonka miskiga" Muslim.
(4) IRIDKA (ALBAABKA) AR-RRAYAAN OO JANNADA KU YAALLA: Waxaa jira Jannada gudaheeda
irid ama albaab magaciisa la yiraahdo Ar-Rayaan oo dadka sooma oo kaliya ay geli
doonaan Maalinta Qiyaame. Qofka ugu dambeeya oo ka mid ah dadkii soomi jiray marki
uu galo waala xirayaa iridka Ar-Rayaan. Qof kasta oo kamid ah dadka galay wuxuu
cabbayaa sharaab. Sharaabkaas qofkii cabbana weligiis ma oomayo.
Sahal bin Sacad (A.K.R.) wuxuu yiri: "Nabigu S.C.W. wuxuu yiri: "Waxaa jira Jannada
dhexdeeda irid la yiraahdo Ar-Rayaan oo keliya dadkii soomi jiray ay geli doonaan
Maalinta Qiyaame, qof kalena uusan ka gelin; waxaa la oran doonaa: Meeye ehlu
soonkii? Waa soo kici doonaan, cidina ma geli doonto iyaga maahee. Markii ay galaan,
iridkaa waa la xiri doonaa, cid kalena ma geli doonto iyaga dabadood." W.W. Bukhaari
iyo Muslim.
(5) SOONKA & QUR’AANKUBA QIYAAMAHA WAY SHAFEECAYAAN: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri:
"Soonka iyo Qur’aankuba addoonka ayey u shafeecayaan maalinta Qiyaame. Soonku wuxuu
oran doonaa: Rabbiyow! Waxaan ka reebay cuntadii (iyo cabbidii) iyo waxyaalihii ay
naftu jeclayd ee (Rabbiyow) shafeecadeyda u aqbal. Qur’aankiina wuxuu oran doonaa:
Rabbiyow! Waxaan ka reebay hurdo uu habeenkii jiifto ee (Rabbiyow) shafeecadeyda u
aqbal. Wuxuu yiri: Markaasaa shafeecadooda la aqbalaa." W.W. Axmed.
(6) SOONKU WUXUU KAFAARO U YAHAY DEMBIYADA QAAR: Soonka waxaa lagu dhaafaa dembiyada
yar yar sida ku cad xadiiskan:
Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Shanta salaadood (oo
si rigle iyo joogto ah jamaacad ahaan masjidka loogu tukado) waxay tiraan dambiyada
yar yar, haddii dambiyada kabaa’irta (halista) ah (sida shirkiga, sixirka, dilka
gardarrada ah, dhilleysiga, ribada, dhilleysi ku xamashada dumarka dhowrsoon, u
dhabar jeedinta cadowga maalinta dagaal dar Alle ah iwm.) la iska jiro markaa waa
loo dhaafaa dambiyada yaryar inta u dhexeysa laba Jimco iyo laba Ramadaan." W.W.
Muslim.
(7) SOONKA DEMBIYADII HOREY KAAGA DHACAY AYAA LAGU DHAAFAA: fadliga soonka waxaa
kale oo kamid ah in dhamaan dembiyadii yar-yaraa ee horay uga dhacay qofka muslimka
ah loogu dhaafayo soonka dartiis.
Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Qofkii u sooma bisha
Ramadaan iimaan qab iyo ajar dalab, waxaa laga dhaafi doonaa dembiyadii horay uga
dhacay (aan kabaa’irta ahayn)". Bukhaari iyo Muslim.
(8) IRDAHA JANNADA OO LA FURO - IRDAHA NAARTA OO LA XIRO - SHAYDAAMMADA OO LA
KATIINADEEYO: Fadliga weyn ee bisha Ramadaan u gaarka ah waxaa ka mid ah, in irdaha
Jannada oo dhan la furo, oo irdaha naartana la xiro, iyo in shayaadiintii ummadda
dhibi jirtay la xir-xirayo.
Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Markii ay bisha
Ramadaan soo gasho irdaha Jannada waa la furaa, irdaha naartana waa la xiraa,
Shaydaamadana waa la xiraa (la silsiladeeya)". Bukhaari iyo Muslim.
F.G. Bisha ramadaan marka ay bilato waxaad arkaysaa dad badan oo towbad keenaya oo
diyaar u ah in ay Rabbigood u noqdaan; dad badanna waxaa yaraanaya macaasidii iyo
xummaantii ay sameyn jireen. Haddana, waxaa laga yaabaa in la arko dad kale oo wali
macaasi iyo xummaan samaynaya, haddaba sidee baa taas lagu fasirayaa? Dadku waa laba
nooc: dad sheydaan baa daba taagnaa oo fasahaadinayey dadna iskood bay u fasahaadsan
yihiin (u khariban yihiin). Dadka iskood u khariban (fasahaadsan) xataa haddii
sheydaanku uusan raad weyn ku yeelan waxaad arkeysaa ayagoo xummaan iyo dembi dhex
dabaalanaya.
FADLIGA BISHA RAMADDAAN
Fadliga bisha ramadaan maaha wax qormo keliya lagu soo koobi karo: Ilaahay (S.W.)
ayaa u gartay bisha Ramadaan in ay toqoto bishii Qur’aanka Karrimka ah lagu soo
dejiyay dhexdeeda. Halkaas waxaa ka cad darajada iyo qiimaha ay dheer tahay bilaha
kale.
Allaah (S.W.) wuxuu yiri: "Bisha Ramadaan oo dhexdeeda la soo dejiyay Qur’aanka,
isagoo hanuun u ah dadka iyo xujooyin cad oo hanuunka ah, iyo kala saarid (xaqa iyo
baadilka)....". Al Baqara, aayadda 185d.
Allaah (S.W.) wuxuu yiri: "Xaqiiqdii, waxaan soo dejinnay Qur’aanka Habeenka
Qadarka". Al-Qadri, aayadda 1d
Allaah (S.W.) wuxuu yiri: "Xaqiiqdii, waxaan soo dejinnay Qur’aanka Habeen
barakaysan (Habeenka Qadarka)". Ad-Dukhaan, aayadda 3d
Fadliga iyo dheeraadka bisha Ramadaan waxaa ka mid ah in habeenadeeda ay ka mid
tahay habeen la yiraahdo LAYLATUL QADRI oo ka kheyr badan kun (1000) bilood.
Habeenkaas wuxuu ka mid yahay habeennada Ramadaanka. Waxaa loogu reja weyn yahay in
habeenkaas uu ku jiro tobanka ugu dambeeya bisha Ramadaan, gaar ahaan waxaa loogu
sii reja weyn yahay habeennada kinsiga ah (21, 23, 25, 27, 29), waxaa suura gal ah
in uu helo habeenkaas qofka bisha Ramadaan oo dhan ku dadaala cibaadada, baryada
Ilaahey, salaadda, dambi dhaaf dalabka, taraawiixda iyo tahajudka.
Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Qofkii u kaca in uu
tukado salaad taraawiix bisha Ramadaan, iimaan qab iyo ajar dalab dartood, waa loo
dhaafaa wixii dembiyo (yar yar ah) oo horay uga dhacay". Bukhaari iyo Muslim.
WAXYAABAHA SOONKA BURIYA (JEBIYA) INTA SUGAN OO LAYSKU RAACSANYAHAY
Qof kasta oo muslim ah waxaa waajib ku ah in uu ogaado WAXYAABAHA SOONKA BURIYA si
uu isaga ilaaliyo. Waxyaabaha Soonka buriya waa kuwan:
(1) IN LALA YIMAADO QOWL AMA FAL GAALNIMO AH ~ (murtadnimo) Alle (S.W.) baynu ka
magan galnaye. Qofkii Islaamka ka baxa waxaa buraya oo baaba’aya dhammaan
camalladiisii uu horay u sameeyay iyo camalka uu markaas ku dhex jiro, waxaana u
daliil ah Qowlkii Ilaahay (S.W.) "Oo dhabtii waxaa laguu waxyooday adiga (Muxammadow
S.C.W.) Sidii loogu waxyooday kuwii (Rusushii Alle) ee kaa horreeyayba; haddii aad u
shariig yeesho (yacni la wadaajiso) cid kale cibaadada Alle (S.W.) (markaa)
hubaashii (dhammaan) camalladaadu waxay ahaan doonaan wax aan waxba ku ool, oo
waxaad kamid ahaan doontaa khasaarayaasha" Az-Zumar, aayadda 65d.
(2) JIMAAC (GALMADA): Ninka sooman haddii uu u galmoodo afadiisa si bareer ah (si
bareer ah micnaheedu waxaa weeye isaga oo aan hilmaansanayn, ama si kama’ ah aan u
sameyn, ama aan lagu qasbin) soonkiisu waa burayaa. Qofkii soonkiisu ku buro galmo
waxaa korkiisa ah qalayn (gudid) iyo kafaaro wada jira, waxaana u daliil ah:
Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yiri: Nin baa u yimid Nebiga (S.C.W.) (Ninkaas waa Salma
bin Sakhar Al-Bayaadi) oo yiri: Waan hoogay Rasuul Alloow! Wuxuu yiri: Maxaa ku
hoojiyey? Wuxuu yiri: Waxaan la galmooday afadeyda iyadoo maalin Ramadaan ah. Wuxuu
markaas weydiiyey: Ma heli kartaa waxaad addoon ku xorayso? Wuxuu yiri: Maya; wuxuu
yiri: Haddaba ma soomi kartaa laba bilood oo xiriir ah? Wuxuu yiri: Maya; Wuxuu
yiri: Marka ma quudin kartaa lixdan (60) miskiin? Wuxuu yiri: Maya; markaasuu
fariistay! Markaasaa Nabiga (S.C.W.) waxaa loo keenay dambiil (ay ku jirto soddon
madaal oo) timir ah, oo yiri: Sadaqeyso, ninkii wuxuu yiri! Oo ma waxaa weeye inaan
siiyo cid naga saboolsan? (Madiina) labadeeda shiil madow dhexdooda qoys iga baahi
badani ma deggana, markaasuu Nabigu (S.C.W.) muusooday oo miciyihiisiina muuqdeen.
Dabadeedna yiri: "Orod oo reerkaaga u gee". W.W. As-Sabca (Todobadii) warintana waa
tii Muslim.
Qofka sooman haddii uu u galmoodo afadiisa waxaa ku waajib ah afar (4) arrimood:
(1) In uu san waxba cunin ama cabbin maalinta inta ka harsan (af-haysasho).
(2) In uu Ilaahay (S.W.) uu u towbad keeno, maxaa yeelay wuxuu galay dembi aad u
weyn.
(3) In uu qaleeyo maalintaas bedelkeeda.
(4) In uu kafaaro bixiyo: KAFAARADUNA waa in uu addoon xoreeyo, haddii uusan
heleyn, in uu 2 bilood oo isku xigta soomo, haddii uu awoodi waayana, in uu lixdan
(60) miskiin quudiyo (intaas oo dhan haddii uu awoodi waayo oo uu sidaas ku dhinto
kafaaradii waa ka dheceysaa).
(3) CUNID ama CABBID BAREER AH (oo si u kas ah loo sameeyay): Waxaa u daliil ah
Qowlkii Ilaahey (S.W.) "....Cuna oo cabba ilaa liilanka (dunta) cad (iftiinka
fajarka salaadda subax) idinkaga caddaado liilanka madow (mugdiga habeenka),
dabadeedna kaamila soonka ilaa gabbal dhaca......). Al-Baqarah, aayadd 187d.
Aayaddaan waxay caddeyneysaa in cunnidda iyo cabbidda ay soonka jebiyaan, waxaana
arrintaan lagu gaar yeelay qofka u sameeya si bareer ah (ula kac). Qofku haddii uu
wax cuno ama cabbo isaga oo hilmaansan ama uu si kama’ ah u sameeyay, ama lagu
qasbay soonkiisu waa u jiraa oo kama burayo. Waxaana u daliil ah Xadiiska soo socda:
Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) waxaa uu yiri: "Qofkii is illaawa
isaga oo soomman oo wax cuna ama cabba waa in uu dhamaystaa soonkiisa, waayoo waa
cunto iyo sharaab Alle (S.W.) siiyay". (Macnaha risiq Ilaahey (S.W.) siiyay bay
ahaayeen wixii uu illaw ku cunay ama ku cabbay). (Muttafaqun Caleyhi - Laysku raac).
Sidoo kale Nabigu (S.C.W) wuxuu yiri: "Illaahay waa ka cafiyay ummaddeyda wixii ay
gaf (si kama ah), ama hilmaan u sameeyeen ama lagu qasbay".
F.G. Qof muslim ah haddii uu arko qof sooman oo wax cunaya waa in uu baraarujiyaa oo
xusuusiyaa in uu sooman yahay. Arrintaasna waxay ka mid tahay "wanaaga (macruuf),
samafalka iyo Alle ka cabsiga oo lays faro iyo Munkarka oo layska reebo.
Qofka haddii uu si kas ah wax u cuno ama wax u cabbo waxaa ku waajib ah saddex (3)
arrimood:
(1) In uu soomo maalinta inta ka harsan (imsaak ~ af-haysto).
(2) In uu Ilaahey u towbad keeno maxaa yeelay dembi aad u weyn oo khatar ah ayuu
galay.
(3) In uu qaleeyo maalintaas bedelkeeda.
(4) IS-MATAJINTA: Qofka sooman haddii uu matag iskii isaga keeno (yacni farta ama
wax kale afka iska geliya, ama uu ursoodo wax uu ku matagi jiray) soonkiisu waa
burayaa. Waxaana u daliil ah:
Abuu Hureyra (A.K.R) wuxuu yiri: Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu yiri: "Qofkii uu soo
dhaafo matag (isagoo sooman) qalle laguma laha, qofkii is matajiyaase qalle baa
korkiisa ah" W.W. Al-Khamsa.
Qofka haddii uu si kas ah isu-matajiyo waxaa ku waajib ah saddex (3) arrimood:
(1) In uu soomo maalinta inta ka harsan (imsaak ~ af-haysto).
(2) In uu Ilaahey u towbad keeno maxaa yeelay dembi aad u weyn oo khatar ah ayuu
galay.
(3) In uu qaleeyo maalintaas bedelkeeda.
(5) DHIIGGA CAADADA IYO UMMUSHA (DHALMADA): Haweeneyda sooman haddii ay caadadii
hesho soonkeedii waa burrayaa, xataa haddii ay maalintii ka dhiman yihiin daqiiqado
yar, waa in ay afurtaa oo dib kasoo qalaysaa maalintii (ama maalmihii) ka tegay.
Haweenka caadada qaba waxaa ka xaaraan ah in ay soomaan; haddii haweeney aan daahir
ahayn (oo caadadii qabta) ay soonto soonkeedu ma ansaxayo, dhiigga dhalmadana waa la
mid. Laakiin haddii ay isku aragto calaamadihii ay ku tiqiin in uu yimaado dhiigga
caadada laakiin dhiiggii uusan farjigeeda kasoo bixin, soonkeedu waa saxiix waayoo
dhiiggu inta uu caloosha ku jiro xukun malaha, marka uu banaanka u soo baxo oo ay
isku aragto ayaa la xukumayaa.
(6) NIYADDA OO LAGU BURRIYO: Qofka sooman haddii uu qalbiga ka niyeysto in uu soonka
furro, soonkiisu waa burayaa, waayoo niyaddu waa saldhigga camalka qofka Muslimka
ah, waana miisaanka camalka lagu qiyaaso.
Waxaa laga wariyey Amiirkii Mu’miniinta Cumar ibn Al-khaddaab (A.K.R.) in uu yiri
waxaan maqlay Nabiga (S.C.W.) oo leh: "Camalka waxaa saldhig u ah niyadda, qof
kastaana wuxuu helaa niyaddiisa.......".
(7) CIRBADAHA NAFAQO SIDEENKA AH (Faleebo, iwm.) Qofka sooman haddii uu si bareer ah
u isticmaalo cirbadaha nafaqada ee xiddidka laga qaato, cirbadahaas oo booxin kara
kaalintii cunnidda ama cabidda, oo qofka ka bi’iya gaajada (baahida) ama oonka,
soonkiisu waa burayaa. Qaybaha kale ee cirbadaha-daawada oo aan lahayn nafaqo
baahida baabi’isa soonka ma jebiyaan.
(8) IN AY IBTA FARJIGA BIYO KAAGA YIMAADAAN SI IKHTIYAARKAAGA AH: Soonku waa ku
buraa haddii qofku manidiisa ku soo saaro taabasho, dhunkasho ama gacan (iyo wixii
la mid ah). Laakiin haddii ay manidu iskeed u soo baxdo oo qofku uusan sabab u ahayn
soo bixiddeeda, ama isaga oo hurda ay kasoo baxdo wax dhibaato ah malaha soonkiisuna
waa saxiix.
Caa’sha (A.K.R.) waxay tiri: Rauulkii Alle (S.C.W.) wuu i dhunkan jiray isagoo
soomman, wuxuuna laabta i saari jiray isagoo sooman, laakiin wuxuu ahaa midka keliya
ee idinku jira ee u hanan og (ka adag) naftiisa (yacni iska qaban kara inuu u
hunguriyoodo galmo). Laysku Raac ~ Muttafaqun Caleyhi.
F.G. Qofka sooman waxaa la doonayaa in uusan ku xeel-dheeraan luqluqashada ama
sandaarsiga marka uu weeseysanayo waayoo waxaa laga yaabaa in ay biyo ku cararaan.
Laqiid bin Sabira (A.K.R.) wuxuu yiri: Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu yiri: "U
weeseyso si dhan oo waafi ah (kaamil), oo nadiifi salka farahaaga halka ay laba
farood ku kulmaan adigoo ku masaxaya faraha soo jeedkooda ah (is-dhexgelin), aadna u
sandaarso, laakiinse haddii aad sooman tahay markaa iska jir sandaarsiga aadka ah
(si aysan wax biyaha ka mid ah uga gelin calooshaada xagga sanka)”. W.W. Abuu
Daa’uud iyo Tirmidi oo yiri waa xasan ah oo saxiix ah.
Qofka sooman waa in uu iska ilaaliyaa beenta, xanta isku diridda dadka, dhaqanka xun
iwm. Culimada qaar, waxa ay qabaan in ay beenta, xanta, isku diridda, dhaqanka xun
iwm. ay soonka jebiyaan. Culimada qaarna waxay qabaan in aysan soonka jebin balse ay
ajarka soonka nuqsaamiyaan. Si kastaba ha ahaatee, qof kasta oo muslim ah waa in uu
ku sifoobo dhaqan wanaagsan iyo muslinnimo khaalis ah, si soonkiisu u noqdo mid miro
dhal ah.
WAXYAABAHA AAN SOONKA BURIN
Waxaa jira waxyaabo badan oo aan soonka jebin balse dad badan oo aan cilmi u lahayn
ay rumeysan yihiin in ay soonka jebeyaan; waxyaabaas aan soonka burrin waxaa ka mid
ah:
(1) Dhamaan WAXYAABAHA SOONKA BURRIYA (JEBIYA) oo aan kor ku soo xusay haddii ay
dhacaan ama la sameeyo ayadoo la hilmaansanyahay (NISYAAN) ama gef ku dhacay
(KHADA’), ama jaahilnimo u geysay (JAHLI) ama lagu qasbay (IKRAAH) soonka waxba uma
dhimayaan.
Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) waxaa uu yiri: "Qofkii is illaawa
isagoo soomman oo wax cuna ama cabba waa in uu dhameystaa soonkiisa, waayoo waa
cunto iyo sharaab Alle (S.W.) siiyay". (Macnaha risiq Ilaahey siiyay bay ahaayeen
wixii uu illaw ku cunay ama ku cabbay). (Muttafaqun Caleyhi - Laysku raac).
Sidoo kale Nabigu wuxuu yiri: "Illaahey waa ka cafiyay ummaddeyda wixii ay gaf (si
kama ah), ama hilmaan u sameeyeen ama lagu qasbay"
(2) Qofka haddii uu isku janaabo ama isaga iyo haweeneydiisu ay wada cayaaraan
habeenka Ramadaanka ee uu waagu ku baryo iyagoon weli qubaysan soonkoodu waa u jiraa
(yacni maalintaas waa soomi karaan, haddii ay habeennimaddii niyeysteen in ay
soomayaan maalintaas). Waxaa daran in ay wax galmo ah sameeyaan kadib markuu waagu
baryo.
Caa’isha (A.K.R.) iyo Ummu Salama (A.K.R.) waxay yiraahdeen: Mar kasta oo Nabigu
(S.C.W.) waagu u beryo isagoo aan daahir ahayn (yacni la galmoodo xaas ka mid ah
xaasaskiisa iyadoo aysan aheyn riyo habeenkii ku biyo bax) waxuu (S.C.W.) la imaan
jiray qubeys oo soomi jirey. Bukhaari iyo Muslim
SIDOO KALE
Caa’isha (A.K.R.) waxay tiri: "haddii Nabigu (S.C.W.) waagu u beryo isaga oo la
galmooday Xaas ka mid ah xaasaskiisa, wuu qubeysan jiray sida caadiga ah". Bukhaari
iyo Muslim
(3) Dadka qaarkood waxay ka cabsadaan in ay subkadaan ama ay kareem is mariyaan, ama
in ay barafuunka la isku buufiyo ama bakhuurka la is mariyo ama fooxa la shito ay
isticmaalaan. Waxaas oo dhan soonka ma jebiyaan.
(4) Qofka haddii sankiisu dhiig ka yimaado (san-goror) ama uu ilig iska rido ee
sidaas dhiig uga yimaado, wax dhibaato ah malaha soonkiisuna waa saxiix waxaase laga
rabaa in uu san liqin ee iska tufo.
(5) Toobinka - Toobinka markii hore wuxuu kamid ahaa waxyaabaha soonka burriya
laakiin dib ayaa laga nasakhay. Nabiguna (S.C.W.) waxuu is toobay isagoo sooman.
Sidoo kale toobinka waxaa la mid ah oo aan soonka burin dhiigga yar oo
miikariskoobka lagu eego oo sheybaarradu ka qaadaan dadka.
Anas (A.K.R.) wuxuu yiri: Markii u horeysay oo toobidda qofka soomman loo diiday
waxay ahayd markii uu Jacfar bin Abii Daalib (A.K.R.) is toobay isagoo sooman, oo
Nabigu (S.C.W.) soo maray oo yiri: "Labadaaniba waxay buriyeen soonkoodii." Wixii
markaas ka dambeeyayna Nabigu (S.C.W.) wuu u fasaxay inuu is toobo qof kasta oo
sooman, Anasna wuxuu is toobi jiray isaga oo sooman. W.W. Ad-Daaraqudni oo sheegay
inuu yahay Qawi. Xadiiskuna waa saxiix.
(6) Xuqna : suufka daawada leh ama sumboosto farjiga ama dabada la iska geliyo.
(7) Taqdiir : goojo dhegaha ama sanka lagu dhibciyo.
(8) Indha kuusha indhaha la marsado.
(9) tisxi duulaya, boor, barafka cirka ka da’a oo dhuunta ku carara (gala).
(10) Cunto dhadhamin, waxaase shardi ah in aan cuntada la liqin, ama aysan gaarin
"xarafka X meesha uu kasoo boxo".
(11) cadayashada : rumeysashada iyo luqluqashada.
(12) biyo is marmarin (isku qaboojin) ama maro la qooyay oo la is mar mariyo.
(13) In dhegaha la dhukaydo ama ciddiyaha la iska jaro, ama ilkaha oo la iska
bix-bixiyo.
Gebagebadii, qoraalkan waxaan kusoo xirayaa nasteexo caam ah oo aan u gudbinayo
dhammaan muslimiinta iyo nafteydaba, waxaana leeyahay aan ka faa’iideysanno fadliga
bisha barakaysan ee Ramadaan. Lama oga in ay nasoo mari doonto bil kale oo Ramadaan;
haddaba, yaan laga dhoohnaan fadliga, ajarka iyo xasanaadka aan kasban karno haddii
aan si dhab ah oo iimaan leh ugu soo jeesanno bishan barakaysan ee Ramadaan.
Wixii talo iyo turxaan bixin ah ee la xiriira qoraalkan waan soo dhaweynayaa.
Walaalkiin:
Cabdulfataax Maxamed Cabdulle
Ottawa, Ont. Canada
abdulfatah@yahoo.com
---------------------------------
LIFAAQ # 1
TIIRARKA ISLAAMKA uu ku dhisan yahay waa shan (5), taasoo mid kamid ah haddii uu
qofku ka tago aysan muslinnimadiisu sax ahayn. Xadiis uu wariyey ibnu Cumar A.K.R.
Wuxuu yiri: "Islaamka waxa uu ku dhisan yahay shan: Shahaadada oo ah in la qiro in
uu Ilaahay mooyee ilaah kale uusan jirin, Nabi Muxammadna (S.C.W.) uu yahay
addoonkiisa iyo Rasuulkiisa; in Salaadda la oogo, in Sakada la bixiyo, in la soomo,
iyo in Xajka la tago".
(1) SHAHAADADU WAA: in la ictiqaadiyaa carrabkana laga sheegaa. Shahaadadu waa
aasaaska ansixitaanka acmaasha oo dhan, taasoo ah in lagu socdo jidkii uu Ilaahey na
faray, innagoo ay naga tahay ikhlaas (run), lana raaco sunnadii Nabiga (s.c.w.)
MIRAHA SHAHAADAD: Qalbiga oo nadiif noqda, nafta oo ka xurowda addoonsiga aadamiga
iyo raacidda qof aan rasuul Ilaahay ahayn. Marka diinta Islaamka la gelayo waa in si
ikhtiyaari ah loo qiro ASHAHAADADA - "inaan ilaah jirin xaq lugu caabudo Allaha
awooda sare leh ma ahee, iyo in Nebi Muxammadna Rasuulkii Alle yahay".
SALAADDA OO LA OOGO WAA: Ilaahey oo lagu caabudayo ficilka salaadda, iyadoo si toos
ah Rabbi loogu tukanayo iyo iyadoo la ilaalinayo waqtiga salaadda. Salaadu waa
tiirka 2-aad ee Islaamku ku taagan yahay, qofkii ka tagaana waa qof Alle ku
kufriyey. MIRAHA SALAADDA: Xabadka oo furma iyo ka dheeraashada dambiyada waaweyn
iyo kuwa yar yarba.
SAKADU WAA: Ilaahay oo lugu caabudo bixinta maalka ku waajibay qofka. Sakada waxaa
laga rabaa in uu bixiyo qofka leh xoolo ay ka waajibtay. MIRAHA SAKADA waa oo daahir
ka noqota akhlaaqda xun oo ay ka mid tahay bakhiilnimada iyo iyadoo la daboolay
baahida Muslimiin baahan.
SOONKA BISHA RAMADAAN WAA: Ilaahay oo lugu caabudo ayadoo laga af-qabsado wixii
soonka jebinaya oo laga reebtoomo galmada u dhexeysa ragga iyo haweenka, laga
bilaabo waaberiga ilaa qorraxdu ka dhacdo. MIRAHA SOONKA: Nafta oo la baro in laga
reebo waxa ay u baahan tahay, iyadoo Ilaahay dartiis loo sameynayo. Inaad soontid
bisha Ramadaan, oo laga reebtoomo cuntada, cabidda iyo galmada u dhexeysa ragga iyo
haweenka, laga bilaabo waaberiga ilaa qorraxdu ka dhacdo.
XAJKU WAA: Ilaahay oo lagu caabudo aadidda xajka, iyadoo la nooleynayo calaamadaha
Islaamka. MIRAHA XAJKA: Nafta oo lagu tarbiyeeyo in la bixiyo maal iyo iyadoo qofkii
guriga Ilaahay uu u qasdo in uu soo siyaarto, sidaas darteed ayuu xajku u noqday
nooc ka mid ah jihaadka. Inaad u xajidid Baydka Alle (S.W.) ee Makka ku yaalla
waxaana laga rabaa tiirkaan qofka awoodda u leh. Tiir kasta oo ka mid ah shanta tiir
ee kor ku xusan, wuxuu ku fadhiyaa saldhig weyn oo leh xididdo furuuc badan, haddaad
si faahfaahsan u rabto waxaad ka heli kartaa kutubta fiqiga.
LIFAAQ # 2
Arkaanta (Tiirarka) Iimaanka: Tiirarka IIMAANKU waa camal qalbiga ku xiran qofka iyo
Ilaahey uun baana og in uu run sheegay iyo in kale, mana laha furuuc badan oo
muuqaneysa sida tiirarka Islaamka. Tiirarka IIMAANKU waa lix (6) waxayna kala yihiin
sidan:
(1) Inaad rumeyso, oo si dhab ah u ictiqaadiso jirista iyo midnimada Allaah (S.W.)
(2) Inaad rumeyso jirista malaa’ikta oo ah khalqi Ilaahey ka uumay nuur oo innaga
duwan.
(3) Inaad rumeyso in Ilaahay kutub hanuun iyo iftiin gudcurka nolosha looga baxo ah
soo dejiyey ee uu u dambeeyay luguna khatimay kitaabka Qur’aanka Kariimka ah.
(4) Inaad rumeysid in Ilaahay rusul soo diray, ee uu u dambeeyey laguna khatimay
Nebigeennii suubanaa Muxammad (S.C.W.).
(5) Inaad rumeysid maalinta xisaabta, oo ah in ay jirto, maalin la xisaabi doono
dadka iyo jinka waxa ay faleen, dhimashada kaddib la soo saari doono lagana abaal
marin doono waxay geysteen samaan iyo xumaan.
(6) Inaad rumeysid dhacdooyinka ka dhacaya dunida in ay yihiin wax Ilaahey qaddaray
shar iyo khayrba.
|
|
Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved. |