XASUUQII CERIGAABO IYO CEELAFWEYN 1989
Maanta oo bishu tahay 16.3.2005, waxaa laga joogaa 16 sanno, markii xasuuq dad u badan
bir-magaydo oo caan ku ah Ceerigaabo lagu xasuuqay xarunta xaafadda Kulmiye ee Magaalada
Cerigaabo ka dib markii halkaa lagu soo ururiyey, iyo meelo kale oo Magaalada ka mid ahaa.
16 March 1989, waxaa Magaalada Cerigaabo soo weeraray ciidamadii SNM, markay saacaddu ahayd
06:00 aroornimo, ciidamadaasi waxay abaareen xeryihii ciidamada dawladda sida Dugsiga Sare
ee Ceerigaabo oo ay ciidamo madaafiicda goobtu joogeen, Xaruntii hore ee ADC iyo Wasaaradda
Ganacsiga oo xeryo ciidamo laga dhigay, Jeelka dhexe ee Cerigaabo oo maxaabiis badan ka sii
daayeen iyo Saldhigga Booliiska iyo xaruntii Nabad Sugidda ee Ceerigaabo. SNM, waxay
markiiba gacanta ku dhigeen magaaladii Ceerigaabo, iyadoo ciidamadii Magaalada difaacayey
intii badnayd ay cagaha wax ka dayeen oo ay iska bedeleen dirayskii ciidamada, shicibna
iska dhigeen.
Waxay xoogaggii SNM oo isugu jirey 3 qaybood oo kale duwan gacanta u galay qalab iyo
gaadiid dagaal oo farabadan iyo gaadiid caadi ahba, waxaana ciidamadii soo galay
magaaladu ku kala firdheen ururinta gaadiidkaasi iyo raridda saadka iyo rasaasta,
jiidid madafiic calculus,waxayna dib uga baxeen Magaaladiiba abaara 11:00 duhurnimo.
Waxaa Magaaladii qabsaday markay ka baxeen xoogaggii SNM, maleeshiyo daacad u ah dawladdii
Siyaad Barre oo isugu jira kuwo laga dhex qorey Cerigaabo lana hubeeyey,kuwa laga keenay
aagga Laascaanood iyo kuwo laga soo uruuriyey degmada Badhan iyo tuulooyinkeeda, waxay ku
soo dagaal galeen odhaahdii caanka noqotay ee"Iidoorka Ololliyaay", waxaa lagula soo
dardaarmay in haddii dagaal ka dhaco Ceerigaabo ay si isku mid ah ula dagaalamaan ciidamada
SNM iyo dadweynaha reer Sheekh Isaxaaq ee deggan Magaalada.
Waxay maleeshiyadaasi oo ka koobnaa qabiilooyinka Warsangeli, Dhulbahante, Gahayle,
Jibraahiil,markiiba gacanta ku dhigeen odoyaashii ka socon kari waayey Magaalada,
isla markaana filaynin in cidi wax u geysan doonto, runtiina badankoodu ka soo hor
jeedeen in SNM ay weerar ku soo qaado Magaalada, odoyaasha Bir-ma-geydada ah waxaa
lagu uruuriyey, xarunta xaafadda Kulmiye ee ku taal bariga Ceerigaabo, waxana isla
maalintaaba lagu dilay halkaa, iyadoo aan xabbad lagu wada dilin, balse mindiyo iyo
faashashka hilibka lagu jarjaro lala dhacay, waxaa rag goobjoog ah oo damcay inay
is sii daayaan odoyaashaasi sheegeen in rag xataa ay xidid iyo gacalba ahaayeen
odoyaasha la laayey ay maleegeen dilkooda, waxaan jecelahay odoyaasha iyo
dhallinyarada maalintaa la xasuuqay oo aan hubeysnayn tiradooduna ahayd inta la
garanayo 86 idiin soo gudbinayaa qaar ka mid ah magacyadooda:
Yuusuf Sh. Siciid Maydh - Muruudkii maqaamka sheekh Isaxaaq Cerigaabo- wadaad-
--------------------------------------------------------------------------------------
Xasan Nuur 100 jir Jiifay guryaha waqafka masjid jaamaca, dhalayna iimaanka masaajidka
--------------------------------------------------------------------------------------
Sh. Jaamac Cali Bilaal: Iimaamkii masaajidka Galbeedka Cerigaabo
-------------------------------------------------------------------------------------
Geelle Farah Bilaal Ganacsade - walaalna la ah Jaamac xagga hooyo
--------------------------------------------------------------------------------------
Ali Farah Kajar Dhakhtar-farmasii ku lahaa Cerigabo, waxa lagala baxay
Masaajid
-----------------------------------------------------------------------------------
Axmed Xaydh - Ganacsade caan ah - dukaanle ahaa
-------------------------------------------------------------------------------------
Ali Jibriil - Dukaanley - Dukaankii Doodi
---------------------------------------------------------------------------------
Cabdi Shire Beeralay-
--------------------------------------------------------------------------------------
Ciise Dheere Nabadoon iyo oday guud ee Magaalada Cerigaabo
-----------------------------------------------------------------------------------
Jigse Dillaal xoolaha Nool
----------------------------------------------------------------------------------
Faysal Hassan Cabsiiye Arday
---------------------------------------------------------------------------------
Ina Ibrahim Yahoodoo Arday
-----------------------------------------------------------------------------------
Nin lagu naanaysi jiray Hoo hooya - dharka iyo alaabta la wareegi jiray
------------------------------------------------------------------------------------
Iyo isna nin kale oo Garaafood la odhan jiray bakhaarle na ahaa
-----------------------------------------------------------------------------------
Nin Jannaale ah kana yimid maalmaha UAE oo la odhan jiray Ibraahim
-----------------------------------------------------------------------------------
Waxaan ku talo jira inaan dhammaan magacyada dadkaasi ku dhowaa boqolka soo uruurino,
iyaga oo dhammaystiran soo qori doono mustaqbalka, waxaa kale oo jiray oo lagu dilay
aagga Ceelafweyn iyo kalshiikh rag lagu qiyaasay 106 nin, oo aan iyaguna hubeysnayn,
kuwaasi oo lagu qaaday iskarogooyin lagana daadiyey iyadoo kii soo dhacaba la dilayo,
rag kalena waxaa lagu dilay gudaha iyo hareeraha Ceelafweyn iyo iyagoo ama safar ah
ama tuulooyinka iyo ceelasha laga uruuriyey:
waxaa ka mid ah magacyada raggaasi.
Xasuuqii tuulada kalshiikh ee tariikhdiisu ahayd bishii Oktoobar 1988 waxa dadka lagu
xasuuqay tiradoodu dhamayd 44 nin , dadkaas oo gaadhi iska roga lagaga ururiyey tuulada,
waxaa lagu u dhaxaysa Kalshiikh iyo Ceelaf-wayn oo la yiraahdo _Dhiska , markii dadkaas
la laynayey waxa lagu dalacay ama kor loogu qaaday gaadhigii iska rogada ahee ee ay dul
saarnaayeen,waxana lagu bilaabay tacshiirado rasaas ah .
Dadkaas oo markii hore tiradoodu dhamayd 46 qof waxa ka badbaaday labo qof oo mid cararay
midna markii danbe laga dhex helay maydkii . Hadaba dadkaas oo isugu jiray dad u dhashay
tuulada iyo dad socoto ah way ii suurta geli wayday in aan magacyadooda helo balse waxan
helay intan hoos ku qoran
.
1. C/laahi Cabdi Jibriil ( Sawaaxili). retired police officer
2. Salax Dhunkaal Xirsi .
3. Cabdi Cumar Maxamed .
4. Yusuf Xasan Ducaale.
5. Aadan Jamac Cabdi .
6. Cabdi Cabdilaahi Ducaale .
7. Saleebaan Dhunkaal Xirsi .
8. C/risaaq Maxamed Salax .
9. Maxamuud Cawil Axmed .
10. Maxamed Axmed Xaashi .
11. Maxamed Xasan Diiriye .
12. Cawil Axmed Xasan .
13. Cali Ibraahim Diiriye .
14. Siciid Axmed Xasan .
15. Cilmi Cabdi Diiriye .
16. Xuseen Farax Cabdi .
17. Muuse Xayir Ducaale .
18. Maxamed Shire Mire .
19. Cali Cabdi Ibraahim.
20. Muuse Abokor Xasan .
21. Ibraahim Xasan yusuf .
22. Salax Dhunkaal Dheere
23. Shiine Xasan Xuseen .
24. Abyan Diiriye Magan .
25. Faysal Bulaale Gabaydhe.
26. Mustafe Cabdi Jamac .
27. Saleebaan Dhega Cade .
28. Bakool ___ __ ______.
Labada nin ee ka badbaaday wali waa nool yihiin Waxaa Ceelafweyn iyo hareeraheeda lagu
dilay iyana odoyaal ay ka mid ahaayeen Dafac Fardood iyo shan qof oo familigiisa lana
socday Khaliif Dubbe iyo dad ehelkiisa ah Iyo tiro kale oo aan ka yaran 50 Waxaan ka
afeefanaynaa in daabacadda xasuuqyada ka dhacay dalku aanay ahayn dab hurin iyo colaad
cusub balse ay tahay in casharo laga qaato, lana illaabin maalmihii qadhaadhaa ee ina
soo maray. Waxaan doonayaa iyana inaan halkan ka xuso, in dad badan maalintaa
Ceerigaabo laga soo saaray oo dad ay soo badbaadiyeen, waxaana badnaa dada la soo
badbaadshay oo illaa 500 oo qof ku dhowaa. Waxaan anigu arkay 3 nin oo dhallinyaro ah
oo ii sheegay ninkii soo badbaadshay iyaga iyo nin kale oo imminka dhintay, in isla
ninkii soo badbaadshay oo ay isku school ahaayeen uu dilay 7 nin oo kale oo uu weji
garan waayey, waxan haynaa markhaatiyo badan oo goobjoog ahaa, waxaana mar uun la
horkeeni doonaa caddaaladda dadkii ka dambeeyey, dhiiri geliyey, ka qaybqaatay
tacadigaa waxshinimada ah ee ka baxsan bani-aadannimada. dadkaasi xasuuqoodu waa ku
duwan yahay kii ka dhacay Burco iyo Hargeysaba sababahan dartood:
Marka hore dadkan waxaa dilay, dad garanaya oo qaarkood 40 sano yaqaaneen, jiiraankii
xididkii,deriska ah ahaayeen.
Dadka Cerigaabo lagu dilay, ciidamo dawladeed ma dilin, balse waxa dilay shicib
dhamaantood. Dadka lagu dilay Cerigabo, haba yaraatee wax xidhiidh ah lama lahayn
SNM, isla markaana ma ahayn dad siyaasad ku shaqo lahaa.
Waxaa muhiim ah inaan isna halkan ka xusno Allaha u naxariistee nin ganacsade weyn ah
oo Ceerigaabo lagu dilay maalintaa 16.3.89 lana odhan jiray Wahaabi, kana soo jeeda
Beesha Warsangeli, waxaa hubaal ah in ninkaa shicibka ah dilkiisu uu la mid yahay kan
kuwa hore aan ku soo sheegnay. Waxaan tacsi u diraynaa dhammaan qoysaskii dadkii lagu
xasuuqay dhammaan Soomaliya meel kastaba ha noqotee, iyagoon hubeysnayn, loona dilay
qabiilka ay ka soo jeedaan, waxaan u sheegaynaa inaan taariikhdu illaabi doonin
maalmihii madoobaa iyo kuwii ka dambeeyey dilalkaa meel ay joogaanba. 16 March 1989
waa maalin aan dadweynaha reer Sanaag aanay abbidkood illaabi doonin.
Su'aasha is weydiinta lihi waxa weeye, Ina Riyaale, Qeybe iyo Ismail Faqash oo intuba
lug ku lahaa xasuuqyadii dalka ka dhacay si toos ah iyo si dadbanba maxay ugu maqan
yihiin agoontii dadkooda la laayahay???!!!! Geelle
Mustafa Farah
mahuran83@ntlworld.com
|