Sagal gaaxday roob subax Seerma weydo soo guday
Waaguna ku sara kacay Sara joog nindherekii
Cadceeduna la simantahay Nuurkuna sabootiyay
Oo waqal sindadabiyo Guulaamo socotiyo
Kala soocday dhibicdii Oo midab sibaaqiyo
Madow suul dhalaal xiga sadexdaa mid uun yahay
Qof suureeyay kala garan Oo beel sanaagiyo
Ku surmiday saraar gudhan saadaalinaysoo
Bal inuu ku sima iyo sugayaan inuu helo
Subaxii bariisada Sideedaan jaleecada
Saxansaxo udgoon badan Sanka kuula raaca
Gorgor Dib U laabo
Googaa wax muuqdow, gocashoy dheh cigalle
Maalmahanba guuxiyo, gaagaabsi baa jiray
Wax maanka gada iyo, garashoy ma muranteen
Maalmihii gudbaayoow, ma idinkaa gabaabsiyey
Gow iyo ma hurin baa, malaha waa guduutiyo
Gabbal dumayba muu hadhin, ma gilgilay guntiinii
Xaajadu gonda xumaa, ma adduun-geddoon baa?
Mise waa waa gedeedoo, iyada galgalatee
Guul baa uraysoo, nasri geeddiyaa yimid
Geshigeedu yaab lehe, godol iyo ma qooq baa?
Saadaashu meel godan, ha inoogu gorortee
Iyadaa gendaal dhalan, guntayoo haddana furay
Gorgor yimid Hargeysiyo, Geney weeye faalladu
Gacan-qaadna wuu dhacay, marka hore warkii guud
Inaad laba gu’ iyo dayr, gobolkan waqooyiga
Geestiisa bidixee, Goljano aad ku noolayd
Na soo gaadhay sheekadu, marka xiga warkii gaar
Fulayahow gabbanayaa, ma geyaan cadkaagee
Isgalluubintaadaa, gibilku xanuunoo
Waa qaran abaal gala, inaad gudeyso mooyaan
Marka xigana gacaltinimo, maalmahanba gaarridu
Gogoshaa xariirta ah, aday kuu guraysoo
Gaashaandhigeedaa, kuu gaardinaayayoo
Gabdhihii mashxaradaa, gaar kuu sugaayoo
Gurboodkiyo carruurtaa, ubax wada guduutiyo
Giraan kuu ruxaayoo, Garabsaar rag weeyoo
Gole aad ku hirataa, guddi loo xilsaaroo
Marti goor xun kuu timid, gabbaan laguma sooree
Wanan badhi gurguurtiyo, goolal baa la qalayoo
Midhihiyo gadhoodhbaa, kuu sudhan gedaankoo
Waa gole macsuum ahe, kaa guddoomayoo waa kane
Guntayoo haddana furay, gaajadii ku haysaan
U gaalgaalay hadalkee, kol hadduu raggu isgalo
Gar ma kala dhaqaaqee, maradii gondaha tiil
Waxaan geeyay lowgee, adiguna guntiga xidho
Ninka loo geb baxayoow, adiguna ha gooddiyin
Fardo goonni haysiyo, gacamo is hirdiyayoo
Leexo is galaashoo, tiix gabano wada iyo
Yaxne geed ku naban iyo, gowdyahan gufaaciyo
Galaa foolanaayee, iska giiji shaqalada
Gorgoryahow lugteenuna hal gariirtay maahee
Gudcur raacda socotiyo, waa guura bahallayn
Dhulku waa gabaahiir, giriyaadna wuu hadhay
Weli guurku waa bixid, giddi habar-dugaag baa
Goonyaha ka ciyayoo, mas gurguuranaayiyo
Good baa shanqadhayee, wadnuhu yaanu galow odhan
Nafta gaajo yay qaban, gowdiidsi kolay tahay
Gama’ iyo hurdana daa, nabarkaa gunaadka ah
Ceebaha ku gaaxdiyo, eel gudaha jiifiyo
Laxowgaa garaacayaa, halkuu gow ka leeyahay
Dhibka jeeroo la guro, gaaroodin maynee
Haloo geliyo dambaskuu, guntayoo haddana furay
Gorgor daayoo dirkaagii, haad lala’ iyo
Mid geed fuushan mooyee, awowgaaba muu gelin
Gurigan aad u hoyatee, maxaad uga gol-leedahay?
Gorgor xoolo raaca, geyiguu u kowyee
Ri’da geeska weynee, siday tahay gammaan faras
Guudka aad ka fuushaa, waadigan gargoortiyo
Geedaha ugbaadka ah, afka ugu guraayee
Guunyada ka sheenee, ganankiyo halgaaddada
Ku soo gedlanaayee, ma gantaal jacayl baa
Kaa gaadhay halistoo, halkuu kaaga ganay baad
Gaaddada ku haysaa? Su’aalihii gun iyo baar
Anigoo gunaanaday, gorgoryahow ku soo durug
Gedbax oo i deeqsii
Gorgorkiina wuxuu yidhi, marka hore abaalgudid
Qarankiinu waa gobe, waxaad iiga geysaa
Mahad aan gaboobayn, marka xiga Genayow
Aqoontaadii gabaydaye, shaxdan geedka taallee
Goob iyo barbaarkii, way kaa gunweyntee
Garashada cilmi u doon, sirta Gaarriye u dhiib
Gudbantii Hadraawiyo, Gees Cali ha loo dego
Gaadhsii raggeedii.
Soo gudbiye: C/Raxmaan Maxamed
Geediga Dib U laabo
geediga hayaankuba goor gaaban adigoo
guri waaya laga baxay iyo ood aad gurataaba
gabalkiina kuu dhacay dhirtaba geed aan la jirin
ogoow lama garaacaha go'i waayay inuu jiro
gar alee dadkuna qaar waa sidaa gadeeno
mar hadaynu nahay gacal marna ahay gayaankaa
gaar ahaana caashaqu guudkaaga igu furay
garashada xauuso isii gacan walaalnimo