![]() |
![]() |
Mareegta Far-Shaxan |
![]() |
![]() |
ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha |
Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan |
Farshaxan kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..
Cabdi Aadan"Qays" oo Lagu Daray Diiwaanka Hal-Abuurada Tirada Gabayada oo ahayd 150 Gabay oo laga soo uruuriyey
Dunida oo dhan, laguna turjumay shan luqadood ayaa Gabay uu Curiyey
Abwaan Abdi Adan Qays uu ku soo baxay kaalinta koowaad. Gudoomiyihii Gudida Qiimaynta ee Barnaamijka Professor
Martin Himilton oo ah Ruug-caddaa Murti-ruug ah iyo Gabyaa Gabayga intiisa badan Dameerka ayaa kaga xog-waramaayey
Xadhgiisa iyo Cadaalad darida kaga timi Taliskii kaligii taliyihii
Siyaad Bare ee soo xidhay. Sababaha Gabayga loogu Qiimeeyey Kaalinta koobaad. 2-Gabayga oo ka turjumaayey, Qiraayeyna in Darxumadu,
Dulmigu, Dawlad xumidu, Dawlad la'aantu, Cadaalad daridu, Sharci
la'aantu iyo Sharci jabintu ay dhamaantoodba ku xuyihiin oo isku
si u saameeyaan Dadka iyo Duunyadaba. 3-Gabayga oo xaqsiiyey una garaabay Dameerkii oo isla
markaana metelaayey dhamaanba Duunyadii iyo Mayeedhaankii kale ee
ku xidhnaa Xabsiyadii Taliskii Dalka Haystay iyo waliba kuwii kale
ee ku noolaa Xaaladaha Qalafsan ee bilaa naxariista ah ee ku baahsanaa
dalka oo dhan. Professor Martin ayaa khudbadiisii ku soo afjaray
Abwaankan Murtidiisa ayaa ku Qiimaysan Heer Cilmiyeysan oo Caalami
ah, laga bilaabana maanta ku biiray Diiwaanka Abwaanada iyo Hal-abuurada
ee Caalamiga ah. Abwaanka oo aan Munaasibada joogin waxa ka wakiil
ahaa oo lagu soo casuumay xaflada, Turjumadii Gabaygana Qayb-libaax
ka qaatay Afhayeenka Xisbiga Udub ee Waqooyiga Europe Mudan: Osman
Abdillahi Sool. Wixii Faahfaahina ee ku saabsan Gabaygii oo Qoraala
waxaa kala xidhiidh kartaa Wargayska Maandeeq oo kugu xidhiidhin
kara Abwaan Abdi Adan Qays oo iminka jooga Hargaysa. Waxa soo diyaariyey: Somalia Radio Denmark Copenhagen. |