Aadan-Carab iyo Axmed-Idaajaa |
Ibraahin Yuusuf Axmed (Ibraahin Hawd) |
July 26, 2005 |
Sannadkii 1980 ayaan markii u horraysey helay buuggii lagu ururiyey maansada Maxamed Cabdulle Xasan loona bixiyey "Diiwaanka Sayidka". Markiiba akhriskiisa ayaan ku suuxay, waayo maansadaasi waxay ka mid ahayd tii aan ku ababay. Waxaase yaab lahayd intii aan buuggaas ku dhex jirey mar kasta oo aan tix qabyaaladeed akhriyayo waxaa igu dhacayey dareen denbi iyo khajilaad leh, waxaanan moodayey in aan macsi galay. Waa berigii la inagu barbaarinayey qabyaaladdu in ay tahay xumaan iyo denbi aad u weyn, oo xataa magacyada tolalka afka laga dhawri jirey.
Berigaas waxaa kale oo la ina barayey Maxamed Cabdulle Xasan in aynu u aqoonsanno halyeyga koowaad ee umadda. Markaas in maansadiisa la daabaco caadi ayaan u arkayey, haddana wax baa qaldanaa aanan fahmin. Maankayga kuraynimo muxuu diiddanaa? Markii aan weynaadey ayaan weydiintaas jawaabteeda helay: waxay ahayd maansada Ina Cabdulle Xasan inteeda waddaniyadda, halganka iyo murtida ah in bulshada loo soo bandhigo, inteeda qabyaaladda, cayda iyo cadaawadda ahna dib loo kaydiyo.
Hordhaca buuggaas waxaa ku sheegnaa umaddu maanta qabyaaladda in ay ka bogsatey, sidaas darteed aanay waxba u arag gabayada qabyaaladda ah ee buugga ku qoran. Been ayeyse ahayde, haddii ay soomaalidu sannadkii 1972 qabyaalad ka bogsatey goorma ayey u buktay? Waxaa kale oo been ahayd buugga in laga reebay tixo ah "cay foolxun". Waxaa ku qorraa ereyada cayda loo adeegsado ee af soomaaliga kuwa ugu xun. Markaas maxay ahayd cayda hadhay?
Maalintii aan buuggaas akhriyey shan iyo labaatan sano ka dib ayaan dhowaan akhriyey buug kale oo isla dareenkii iyo isweydiintii igu soo celiyey. kaas oo aan uga welwelayo faca akhriskiisa ku barbaaraya. Waa buugga aan halkan kaga hadli doono ee lagu qoray gabaygii abwaan Aadan-Carab Yuusuf Axmed (Aadan-Carab, Maansoyahannadii hore kii u dambeeyey, waxaa qoray Axmed F. Cali "Idaajaa" 2002).
Suugaanta qabyaaladeed ma la qaramayn karaa?
Suugaanta soomaalida inteeda ugu badani waa qabyaalad dadka isku dirta ama kala dirta. Haddaba ma la qaramayn karaa? Bulsho-weynta ma lagu dhex faafin karaa, siiba faca soo koraya? Haddii sidaas la yeelo natiijo caynkee ah ayey dhali kartaa, raad sidee ah ayeyna bulshada ku yeelan kartaa? Suugaantaasi haddii ay cudurka qabyaaladda ku dhalatay oo aan laga furfuri karin, iyada iyo siyaasadda ma la kala furfuri karaa? Siyaadsadda qudheeda qabyaaladda ma laga fardaamin karaa?
Weydiimahaas marar badan baan isweydiiyey, jawaab kama dambays ahna uma helo. Haddii maansada noocaas ah la xayiro waxaa baaqanaya hidde, af iyo waayo'aragnimo aad u weyn, haddii la faafiyana waxay ka qayb qaadanaysaa sii socoshada colaadda iyo loollanka beelaha, ayaan maleeyaa.
Dhab waxaa ah heerka fekerka iyo hab-dhaqanka maantu inooma oggola in aynu dawladowno oo dunida inala casriga ah la jaanqaadno. Dhaqanka tolalka kuma qanacsanin, dawladnimana sida muuqata uma bislin, dabadeed waa innagaas ku jirra xaalad saddexaad oo yaab leh. Si aynu u sii jirro waxaynu u baahan nahay in innaga darteen dunida kale dib loo soo jiido oo heerkeenna la keeno, ama in innaga sheydaan dabada inaga harraatiyo oo hore inoo eryo. Suurtogal ma aha in aynu ku muranno geelayaga iyo kiinna ka ceelka ka hor cabbaya haddana ummadnimo iyo dawladnimo ka hadallo.
Waxaa si buuxda loogu guuldarraystay in hiiddaha iyo dhaqanka lakala sooco ama xataa lakala garto. Tix qabyaaladeed oo boqol sano hortood la tiriyey danta maanta laga raadiyo iyo xumaha laga tirsadaa kama duwana maalintii la curiyey.
Nolosha iyo maansadii Aadan-Carab
Tan oo kale waxaa lagu koobaa: dhidid, dhiig iyo illin. Aadan-Carab wuxuu si buuxda oo weliba dheeraad ku jiro u gutay waajibkii saarraa xilliga, degaanka iyo duruufaha uu ku noolaa. Waajibka nin rag ah oo xaaladdaas ku nool hor yaalley wuxuu ahaa in uu rag iska celiyo, in uu dalkiisa iyo duunyadiisa difaacdo, iyo in uu magaca tolka ilaaliyo wax walbana u huro. Intaas oo jeer ayuu qaddiyaddaas nafta u biimeeyey. Weligii wuxuu roorayey diillinta ay geerida iyo noloshu ku kulmaan. Balaayada isagu halkeeda ha ku doonto ama iyadu ha soo doonatee, goor walba wuxuu dalqada ugu jirey shooladda dhimashada. Nolosha sidaas u xanuunka badan ayuu ka doortay mid kale oo uu wax ka soo arkay muddo uu ka tirsanaa ciidankii gumaystaha Talyaaniga intii aan Dagaalkii Geeska Afrika lagaga adkaan. Halkaas ayuu ku noolaa afar iyo siddeetankii sano ee uu jirsadey (1917-2001), halkaas ayeyna maansadiisu ka dhalatay kuna dhalatay.
Waa maanso dhiig ka da'ayo, sida ninkeeda, oo dhiillosideen leh. In kasta oo ay kaftan iyo haasaawe ku jiraan, haddana badankeedu waa maanso kakan, kulul, oo faan, digasho iyo guubaabo ah. La yaabi mayno nolosha iyo halabuurka Aadan-Carab ee sidaas ah haddii aynu og nahay meeshu in ay tahay Hawd halkaas oo ay loollanka maanso iyo colaadeed ka dhigeen ”foorno” waxii ku jira ee aan bir ahayniba dhalaalayaan. Waa foorno ay muddo dheer hareeraha ka shidayeen dad ay nolosha iyo dhimashadu isugu mid u yihiin, iyo raggii soomaalida ugu caansanaa loollanka noocan ah af iyo addinba. Waa degaan iyo xilli aanay nin jilicsan waxba u ool, sidaas darteed wuu ku khasbanaa sida uu noqday.
Xaaladda nololeed iyo bey'adda sidaas u dhibka badan dadku waxay u qaybsan yihiin shisheeye iyo sokeeye, labadaas oo aan run ahaantii meel xaddidan oo lagu kala saaraa jirin. Cadow baa la isu wada yahay, geed walbana waa la isugu jiraa. Tusaale ahaan raggii degaankaas ee gabayga ku caan baxay Aadan-Carab waxay isugu xigeen Samatar Baxnaan, Axmed-Dirir iyo Cumar Cigaal, iyaga ayaana ugu darraa dadka halgaadda maanso weligii la daba taagnaa, toodu haba u badnaato kaftan iyo xifaale e. Kuwa dadka ugu xiga ayaa dhimashadiisa ugu jeclaa. Mar uu dhaawacmay dhimasho la hubona ka baxsaday waa kii lahaa:
Kalxantiyo marki gacanta midig keebku iga gaadhey
Kun qolaa jeclayd in aad xabaal igu kisaysaane
In kastoo kitaab iyo quraan la igu kaw siiyo
Anay kimisi ii nooshahaan laasan kadabkayga
Ha karaamo seegina habaar la igu kari waaye
Shaki la'aan Aadan-Carab wuxuu ka mid yahay hormuudka maansada soomaalida, siiba inteeda ka soo jeedda dhaqankii hore iyo xafiiltanka qabiilooyinka. Malaha waa taa sababta uu qoraagu ugu tilmaamay "maansoyahannadii hore kii u dambeeyey". Gabaygiisu qurux, af soomaali iyo murtiba wuu ka haqabla yahay. Wuxuu la socdey xilliga iyo duruufaha nololeed dal iyo degaanba. Beri fog isaga oo siyaasiga soomaaliyeed ee saaqiday hiifaya, baahida bulshadana tilmaamaya, calankii Jamhuuriyadda ee Buuhoodle ka taagnaa markii uu idlaaday ee la tuuray maro lagu beddelana loo waayey la yaabban, maanso aad u qurux badan oo uu curiyey wuxuu ku daray:
Marba waxaan maqlaa boqol malyuun waa mucaawino e
Maalkii arlada loo qabtiyo meeday lacagtiina
Mooskada ragga u duulayee maylka tirinaaya
Goormaa waxay muujiyaan lagu manaafiici
Sow riigna noogama mudaan madasha Buuhoodle
Bal intee muddo ahaan sugaa maaxda iman doonta
Bal maxaase hay muuqatee maradi loo qaatay
Mukhlis iyo haddaan lagu shaqayn orod maleegnaan ah
Ma xiniinyahay moodayaan muunad nala saaray
Ma naftiinna maaro u qabtaa nimankan loo miidhay
Maashiyo haddaan mililka saro malow miyay fuuli
Ma mucaarad baan ahay haddaan xaqa ku maansoodo?
Waxaa la yidhaahdaa ”Waqtigu waa macallinka ugu weyn ee wax ku bara”. Sidoo kale waxaa la yidhaahdaa ”Waqtigu waa macallin arxan daran, wax baadse ka barataa”. Aadan-Carab sida bani aadamka kale ayuu cimrigiisii dheeraa waayo'aragnimo aad u badan ka taransaday. Sidan buggan ku xusan, bilawgii sagaashannadii ayey koox isa soo abaabushay damacday in ay beesha uu gabyaagu ka dhashay colaad hor leh geliso. Markaas isaga oo waayo'aagnimadiisa dheer qoladiisa uga faa'iidaynaya, ugana digaya in aan dagaal aan dan ahayn lagu hooban, ayuu tiriyey tix talo iyo taariikhba ah oo ay beydadkani ku jiraan:
In wadaad dikriyayaa mar hore duub cad nagu jookhay
Uu nagu daraafsaday jannaa dagane ii raaca
Oo aan daraawiish ahayn diinta lagu xeelay
Uu nagu dambaabbidhay markuu darajo weyn gaadhay
Waa waxaan la dabandeebayaa diifta igu taale
Waa waxay dalkayga u arkeen tobanka duullaane
Mar baa la isdagaa waase ceeb haba digtoonaane
Maantana kuwaa damac watiyo dabargo'eenniiye
Dabkan soo gal dooyiyo rogaal daafac iyo weerar
Waa waxaan dariiqada ugu lumay aan ku daaddumaye
Hadba dunida waax ama intuu yahay degaankeennu
Lafta diiri waa taayadee debedda uun taale
Dangaraaradii baan qabaa oo ma daal tirane
Hadba wiil yar oo daadduf ahi ha idin duufsado e
Inamadan in aad daba gashaan idinka doonaaya
Intaad talada doordoorataan diida ama yeela
Aadan-Carab maxaa loo xidhi waayey?
Weydiinta kuma aan keenin in aan jeclaan lahaa odayga in xabsi la dhigo, waxaanse ina xasuusinayaa meelbaasta in aanu ka jirin sharci dadka ka dhexeeyey oo lagu wada dhaqnaa. Dalka waa la iska wada joogay mooyee isku sharci laguma ay hoos noolayn, isku xuuqna lama ahayn. Aadan-Carab isaga oo tiriyey maanso ciiddaas tiro la'eg oo fidmo iyo diradire qabyaaladeed ah, kuna faanay in uu dagaallo qabiil abbaanduule ka ahaa, isla markaas madaxdii iyo maamulkii cabbanaa aad u duray, sidee ayey haddana ku dhacday in uu caasimadda laafyoodo, oo weliba madaxtooyada looga xilqabo? In kasta oo la dhihi karo mucaaradnimadiisu waxay ku koobnayd in uu taliska ka soo tuujiyo nafciga ugu badan ee uu naftiisa iyo tolkiiba uga heli karo, haddana sida muuqata waxaa caawisay in ay Maxamed Siyaad Barre hayb fog wadaageen oo ay awowga afartanaad ku kulmeen.
Meerisyada aynu kor ku soo aragnay ka sokow bal hoos u eeg kuwan kale ee aan baqdinta iyo tudhidda lahayn:
Marreexaan ismood sida Rabbiga Maaliggeenna ahe
Mudduun bay kursiga haynayaan oo muraadsade e
Laandheere waa mawd u yimid madhinse maayaane
/../
Muftilaaye caammadana waa u malafsanaayaaye
Murtad iyo munaafaq iyo gaal mooyi kuu yahaye
Misna Maxamed baabay u baxsheen waana meleggaase
Iyo midda taas ka sii daran ee uu ku leh yahay:
Hadduu qaadka waa joojiyee qalinka leefsiiyey
oo boqol kun lagu qaarajoo qoorta lagu gooyey
Marreexaan markuu wada qayilay yaa qasiri waayey?
Tuduca kore beydkiisa dhexe ereyga "kursiga" buugga wuxuu ugu qoran yahay "waqtiga", taas oo qalad ah. Sidoo kale tuduca u hooseeya isagana meeriskiisa dhexe boqolka kun ee la qaarajiyey qoraagu wuxuu ku sharxay xeerkii mar Kacaanku dejistey ee ahaa qofka Qaranka ka xada lacag boqol kun gaadha in la dilo. Sidaase ma aha ee wuxuu ka wadaa qaadkan ay dadka qaar isku cunayaan dad badan baa dartii loo laayey. Mooyi sida uu qoraagu taas meesha ku keenay!
Aadan-Carab isaga oo waxaas ku hadlay in sidii qayrkii god lagu rido ha joogtee bal arag koolkoolintan uu Axmed-Idaajaa ka qoray:
”Gabaygaas aannu ”Laba wasiir” u bixinnay waxa uu Aadan-carab ka tiriyey magaalada Xamar, dabadeed markii la maqlay ayey dad badan oo xasaradda maansada jeceli aad u xiiseeyeen… In kasta oo suugaanta caynkaas ah aanay xukuumaddii Kacaanku u dulqaadan jirin, haddana sida muuqata, gabayaaga mooggan waa laga xishooday, xabsigana looma taxaabin. Isaga qudhiisu dareen isma gelin, markiibana dib iyo Buuhoodle uma caymadin… Weli isaga oo magaalada jooga ayaa madaxweynuhu socdaalkiisii caafimaad ka soo noqday. Maalmo ka dib, gabayaaga ayuu Madaxtooyada ku qaabbilay, wuxuuna weydiiyey in uu u mariyo gabay loo sheegay in uu tiryey oo uu xukuumadda kaga soo hor-jeedo, madaxda sare qaarkeedna ku maagayo.”
Maya, Aadan-Carab lama xidhin, keligiisna ma aha ee kuwo kale oo badan baa inta ay qabiilooyinka kale caayaan la abaal marin jirey oo Muqdisho madaxweynaha magan ugu ahaa, maamuusna ka mudnaa. Haddii iyaga laga xishooday amaba la jeclaana waxaa jirey rag badan oo aan laga xishoon, kuwaas oo hadal sidan u cad iska daaye tuhmo keliya eersaday, xabsiyadana ku abaaday ama qurbaha dayro ku ahaa.
Hakad yar
Buugga waxaa ku qoran tixo ay rag kale tiriyeen kuwaas oo xiriir toos ah ama dadban la leh gabayga Aadan-Carab, sida: Samatar Baxnaan, Cumar Cigaal iyo Axmed-Dirir, oo ay isku wada beel iyo isku degmo ahaayeen. Waa gabay maansada kale ee abwaankan ka nooc duwan oo u badan kaftan iyo xifaale aad u heer sarreeya. Waxaanse ku yar hakaday tix colaadeed taas oo uu Samatar Baxnaan u celiyey Maxamed-Yawle. Sababta i hakisay waa qaladaad aan ka dhex halacsaday.
Samatar isaga oo Yawle tix hore uga jawaabaya wuxuu tiisa ku darsaday:
Hadday dayrtu waa mudan Hartiye idinka soo meerto
Meeshaad taqaanneen haddii mayayga loo diido
Ay muusayaal nala dersaan nagama maarmaane
Xaggee maatadii reer Cismaan madaxa loo saari?
Taasi buuggan waxay ugu qoran tahay sidan:
Waa kugu martiye dayrtu waa midhaha Daaroode
Mudankayga weeyee hadday idinka soo meerto
Ay muusayaal nala dersaan nagama maarmaane
Xaggee maatadii reer Cismaan madaxa loo saari?
Haddaba beydka kowaad sida kore ayaan anigu weligay u aqaanney, dadkii aan ka maqlay oo dhamina u yaqaanneen. Murti ahaan iyo fan ahaanna sidaas ayaa sax ah marka loo eego labada beyd ee lagu beddelay ee jacburka u eg. Haddii ay sidaas tahay, malaha Axmed-Idaajaa ayaa labada magac ee labada tol ka dambe jeclaystay?
Samatar markii uu sidaas lahaa wuxuu ka jawaabayey tix ay ka mid ahaayeen:
Mataanaha la qoday ceelashii lagama maarmeene
Maryo dhiig leh baa lagu furtiyo mayd la gawracaye
Maatadu harraad Samatarow way ku madhataaye
Moqorraysta waa taad arlada madhax u diiddeene
Qaladka kale ee aan isla tixdaas Samatar Baxnaan ku arkay waa meeriska ah:
Adow marag ah oo shaacir waa inuu mushteegaaye
kaas oo loo qoray:
Adow u marag-furay oo shaacir waa in uu mushteegaaye
Shaki igagama jiro in sidaas ogaan loo yeelay. Danta taas laga lahaana waa xin doodda labada abwaan la dhex geliyey. Waxaase ceeb ah in aan meeriska la beddelin oo keliya ee xataa gabay ahaantiisa la jebiyey.
Halganka qabyaalad/siyaasad/suugaaneed ee Axmed-Idaajaa
Abwaan weyn oo Aadan-Carab oo kale ah in maansadiisa tirada- iyo quruxda badan buug lagu qoraa inta ay gabyaaga sharaf u tahay in aan ka yarayn ayey qofka qoray qudhiisa sharaf u tahay. Dhaqan ahaan dadkeenna maansada curiya badankoodu ma ahayn, mana aha, dad wax qori yaqaan, sidaas darteed dad kale ayey qoristu shaqo iyo baylah labadaba u tahay. Shaqo ayey u tahay waayo waxaa jira kuwo jecel in ay wax qoraan laakiin aan iyagu lahayn halabuur macno leh oo qorid mudan, sidaas darteed ta dadka kale shaqo ka dhigta. Waana u baylah oo waxa ay qorayaan sida ay doonaan ayey ugu danaysan karaan, ujeeddo kasta oo gurrcan ayeyna gashan karaan.
Gabayga qof kale laga qorayo in farogelin lagu sameeyo markeeda horeba waxaa loo haystaa qiil. Qiilkaasi waa in maansada soomaalida sideedaba marka la qorayo la raaciyo sharax iyo faallo. Taas waxaa keenay dhawr arrimood: 1) in aan af soomaaliga qoraalkiisu weli saldhigan oo aan ereyada gobollada ku filiqsan la isla wada aqoon, mar haddii aan qaamuus midaysan oo dhammaystiran gacan lagu hayn. 2) in maansada badankeeda laga tiriyey degaanka miyiga, isla marka dadka ugu badan ee akhristaa ay yihiin dadka magaalada. 3) in aanay marka horeba maansadeennu badanaa khayaali xor ah ka abuurmin, ee ay ka dhalato dhacdo iyo xaalad dhab ah taas oo u baahan in la ogaado.
Haddii ay taasi sidaas tahay, guud ahaan hawl noocan ah sida loo qabanayo doorashada loo haystaa ma yara, waxaana ka mid ah: 1) in maansada oo keliya la qoro ereyada adagna la macneeyo. 2) in tix walba la raaciyo faallo ku saabsan dhacdada iyo ujeeddada ay ku timid. 3) in maansada si cilmi ah maanso ahaanteeda loo baadho, loo lafoguro, nuxurkeedana laga bixiyo tarjumaad xor ah oo aan dan gaar ah ku jahaysnayn. 4) in waxa la qorayo laga dhigto marag-beenaad ujeeddo kale oo loo socdo loo maro ama loo sahaydo. Waa tan u dambaysa ta aan ka digayo ee ay dhagarta ugu badani ku jirtaa.
Qof aan wax qori karini haddii uu kaa oggolaado, amaba uu xataa kaa codsado, in aad maansadiisa u qortid, waxaa wanaagsan waajibna ah in si xilkasnimo iyo xaqdhawr leh loogu qabto. Haddaba Axmed-Idaajaa maansada Aadan-Carab ee uu buugga ku qoray faallaynteeda wuxuu u adeegsanayaa dantiisa siyaasadeed. Tusaale ahaan faallooyinka ka horreeya tixaha 48 iyo 54 wuxuu dusha kaga keenayaa dantaas siyaasadeed oo qaawan, taas oo ujeeddada tixaha u jirta inta ay lahjadda Caabudwaaq iyo ta Buuhoodle isu jiraan. Aragtida siyaasad/qabyaaladeed ee uu u dawarayaana mid cusub ma aha ee waa isla tii guuldarraysatay ee Kacaankii aan barakaysnayni ka dhintay.
Axmed-Idaajaa haddii uu hordhaca ku afeeftay “...akhristuhu waa in uu maanka ku hayaa waxa hor-yaalli in uu yahay buug-suugaaneed ee aanu ahayn buug-taariikheed”, isaga ayaa buugga taariikh ka dhigay. Sideedaba ma jiri karo gabay qabyaaladeed oo noqon kara taariikh dhab ah ama dhammaystiran. Si kasta oo ay tahay iyo wax kasta oo ay ku saabsan tahay dhinacyada is-haya mid waliba iyada ayaa xaqa iyo libta isa siisa, eedda iyo guuldarradana dhinaca kale dusha kaga tuurta. Xaqiiqadaas oo uu Axmed-Idaajaa qudhiisu bogga 87-aad ee buugga ku xusay ayey ahayd in uu ku ekaado. Mase yeelin ee wuxuu inagu asqeeyey faallooyin dhaadheer oo xadgudub ku ah taariikhda aynu wadaagno, faallooyinkaas oo buuggan oo ka kooban 382 bog haddii laba qaybood oo is la'eg loo qaybiyo in qayb ka badan noqonaya.
Sidii caadada u ahayd ayuu eed iyo colaadin la daba taagan yahay mucaaradkii ka soo hor jeedey maamulkii Maxamed Siyaad, maamulkaas oo aanu isaga erey keliya oo dhaliil ah ku tuurayn. Hadda erey keliya! Tusaale ahaan dagaalladii la ogaa in uu talisku qabiilooyinka ka dhex oogay ayuu ku sheegayaa mid ay mucaaradku qabiilooyin gaar ah ku qaadi jireen. Taas waxaa ka daran, ciidankii xukuumadda ee aynu wada ogayn sida uu tolalka ugu kala hiilin jirey ayuu inoo sheegayaa in uu u gurmaday kala celinta beelaha. Wax alla waxii maamulka iyo mucaaradka hoog soo kala maray Axmed-Idaajjaa wuxuu ku sheegayaa colaad qabiilooyin ka dhex taagnayd, taliskuna debedda ka ahaa! Bal haddaba dad allow gartaa naqa! Ninku ma sheeko-xariiro ayuu inoo sheegayaa mise taariikh inaga dhexaysa?!
Gabyaagan oo uu marag-beenaad ka dhiganayo qudhiisa ayaa taas beeninaya, oo inagu raacsan talisku in uu qabiilooyinka hub casriya isugu dhiibi jirey, dabadeed marka ay isku gumaadmaan iska dhigi jirey in uu ka xun yahay. Bal arag meerisyadan:
Ma qajilo Siyaad ceebna waa nimaan ka qiiroone
Intuu dawladdii qoys ka dhigay keligi qoondaystay
Uu qadiyey soomaaliyoo wada qamuunyaysan
Qaynuun darrada uu ku kaco qarad markuu yeesho
In qabyaaladdii laga tagaa lagu qadhaabtaaye
Intuu qaraf ku gubo meel markay qaraxdo baaruuddu
Yuu qoomamoodaa dabkuu qiiqiyee shidaye
Dadku waa iswada qoomi jirey taniyo Qaabiile
Qaartiyo dagaalkii warmuhu qiimi ma lahayne
Isagaa qasuumo u wadaye yaa isu qalabeeyey?
Afkaaga caano lagu qabey! Sidaas ayey ahayd. Taariikhda madow ee Kacaanka laguma hayo goob keliya oo ciidankiisu laba qabiilo oo isdilay kala dhex galay, in uu isku diro una kala hiiliyo mooyee. Xataa waxaa la arki jirey baabuur gaashaaman oo geel iyo geeljire dhex gurguuranaysa!
Mid faallooyinkaas ka mid ah wuxuu ku bilaabay: "Sannadkii 1991-kii markii ay Dawladdii Soomaalidu ku burburtay gacmaha jabhadihii qabiil-qabiilka ahaa..." Sida aan u hubo si la'eg ayuu Axmed-Idaajaa u hubaa waxii maalintaas burburay in aysan ahayn "Dawladdii Soomaalida" ee ay ahayd jabhad qabiil oo ay ku wada jireen isaga iyo adeerkii Maxamed Siyaad. Dawladdii Soomaalidu waxay burburtay beri fog oo maalintaas aad uga horreeyey.
Aragtida noocaas ah ee uu Axmed-Idaajaa buugga gashaday waxaa kale oo ka mid ah in uu inoo sheegay dilkii madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma'arke in uu ahaa aano qabiil. Ma jirto wax caddayn ah oo ilaa maanta loo hayo arrintu runtii in ay sidaas ahayd. Dadka badan ee dhacdadaas u kuurgalay, waxna ka qoray, waxay u badiyaan xabbadihii madaxweynaha diley in ay ka shisheeyeen askarigii ay gacantiisa ka soo dhaceen. Dadkaas waxay la tahay dilkii madaxweynaha iyo afgembigii talada dalka lagu boobay in isku meel lagu soo maleegay. In arrinta aano qabiil lagu sheegaa waa qayb ka mid ah dacaayaddii Kacaanka, waxayna fidmo ku tahay beelaha Gobolka Bari ku wada dhaqan.
Xadiis Nebiga laga weriyey ayuu macnihiisu ahaa: ”…Qofka dhaqan xun jideeyaana wuxuu leh yahay denbigeeda iyo denbiga cid kasta oo ku dhaqanta, ilaa dharaarta qiyaamaha.” Aadan-Carab ayaa isaguna Axmed-Dirir ku yidhi:
Dadkoo ehela uunkoo hurdoo kala asluubaysan
Sow belo ninkii ibobaxshaa ehelu naar maaha?
Haddaba qofka jideeya in suugaanta umadda loo adeegsado ujeeddo xun oo wadajirka iyo midnimada liddi ku ah, ha ogaado in ay noqonayso dhaqan ay dad badani kaga daydaan, taas oo aan cidna dan u ahayn.
Axmed-Idaajaa waxaa loo wada qirsan yahay in uu yahay nin hibo iyo aqoon u leh af soomaaliga, suugaanta iyo dhaqanka. Waxaanan hubaa haddii uu u adeegi lahaa oo keliya danta guud waxaa looga aayi lahaa wax aad u badan oo ay soomaali oo dhami sharaf ugu hayso kuna xasuusato. In uu wax badan oo wanaagsan qaban karo waxaad ku garataa inta erey aan maqli jirey laakiin aanan macnahooda dhabta ah aqoon aan buuggan ka bartay. Sidoo kale lama tirin karo inta dhacdo xiiso leh oo dhaqanka iyo hiddaha ku soo jirtey buuggan ku xusan (intooda uusan fadqalallayn). Sharaxa hoose ee uu buuggan u sameeyey oo keliya ayaan wax loo dhigaa jirin.
Waxayse ceebi dhacday markii uu siyaasad awelba qarribnayd imikana meeshaba ka baxday ku yoto'ay. Beri dhexdeer ah ayuu nin ku xifaaleeyey: "Fandhaalkii jabnaa ee beri hore Maxamed Siyaad u dhiibay ayuu weli suugaanta ku walwalaaqaa." Maansada Aadan-Carab ee quruxda badan haddii qof waliba jeclaan karo, faallooyinka Axmed-Idaajaa ee buugga ku jira waxaa jeclaan kara oo keliya qof isaga la aamminsan siyaasad/qabyaaladdii Kacaanka.
Laba lahjadood oo isku saxariiray!
Shakhsi ahaan waxaan qabaa marka abwaan gabay sidan u badan laga qorayo shaqadaas in loo daayo qof ay gabyaagaas isku lahjad yihiin. Haddii kale waxaa dhacaya qaladaad aan la dhaadayn oo macnaha iyo nuxurka maansada wax badan ka beddeli kara. Taas waxaa tusaale u ah kala duwanaanta labada lahjadood ee gabyaaga iyo qoraagu sida ay buuggan uga dhex muuqato, taas oo qof aan labadaba isla aqooni ku qaldami karo. Ereyo badan dhawaaqii lagu curiyey mid ka duwan lagu qoray ayaa bahdilmay oo xataa macne kale yeeshay. Kuwaas aan dhawr keliya inooga soo qaado:
Mudduun bay kursiga haynayaan oo muraadsade e
Laandheere waa mawd u yimid madhinse maayaane
Ereyga "madhin" waxaa loo qoray "marin" taas oo macnaha beddelaysa kana dhigaysa wax meel la marinayo.
Ma kammi'ine shiishkana sidii kaamil-koor ridaye
Anigana middii lay katibay la ila kulansiiyey
Ereyga “kaamil-koor” qoraagu wuxuu ka dhigay “kaamil-koodh”.
Buuhoodle weyniyo Shaxdii baabbullaa degaye
Isagoo balaayo u dhashay budhadh ku tuureene
Hadalkaas uu Samatar Baxnaan ku faaninayo Aadan-Carab ereyga “budhadh” oo ah budad ama garruunno buugga wuxuu ugu qoran yahay “burar” oo la moodayo dhawr bur oo caws ah.
Nimanka waraabaha mirtaa cunayo maydkooda
Misir lama dhigeen shalay hadday naga maqnaadaane
“Mirtaa” wuxuu u qoran yahay “mirdhaa”. Waraabuhuse ma mirdho ee wuu mirtaa.
Buurtiyo dhakhsuu uga onkodi labada baalloode
Balli Docol intuu kuu wadhmiyo bururka maad dhawrtid
Ereyga “wadhmiyo” oo ka dheegan wadhnaan (wadhmo iyo), wuxuu u qoran yahay “warmiyo”.
Hab-qoraalka buugga
In kasta oo dhalashadii far soomaalidu ay ahayd guul aan guul kale oo lagu dhererin karaa jirin, haddana nasiibdarro hawshaasi waxay ahayd qabyo, welina waa qabyo. Maalintii u horraysey sidii kala dhinnayd ee loo soo bandhigay ka dib haba yaraatee wax horumarin iyo turxaanbixin ah laguma samayn. Tusaale ahaan in dhawaaqyada kh, sh iyo dh loo qoro laba xaraf oo iswata, waxay ahayd foolxumo iyo macnodarro aan loo baahnayn. Xarfaha kale ee far laatiinka ku hadhay ayey ahayd in laga faa'iidaysto iyada oo aan dan laga gelin dhawaaqyada ay laatiinka ku leh yihiin (waxaa loo qori kari lahaa p (kh), z (sh) iyo v (dh).
Waxaa kale oo fulaynimo iyo xilkasnimodarro ahayd in la yidhaahdo “qof waliba af soomaaliga sida uu ugu dhawaaqo ha u qoro!”. Waxaa la yeeli kari lahaa in si dhiirran wax la isula falanqeeyo, la isu tanaasulo, dabadeed meel dhexe oo lagu midaysan yahay la guddoonsado, sidaasna la hirgeliyo. Dhibka ugu weyni maanta wuxuu ka taagan yahay labada dhawaaq ee dh iyo r. Sidoo kale la islama meel dhigin erey walba oo af soomaali ah sida loo qorayo.
Haddaba waxaynu og nahay Axmed-Idaajaa in uu ka mid yahay ruugcaddaaga far soomaalida gardaadiyey, kana mid yahay dadka ugu badan ee wax ku soo qoray. Sidaas darteed qaabaynta qoraalka iyo higgaadda si qurux badan ayuu u maamulay. Waxayse weli dhibaato ka taagan tahay arrimaha aynu tilmaannay iyo qaar kale oo uu isaguna dadka kala mid yahay. Dhaliilahaas waxaa ka mid ah xarriijimaha ciidda ka batay ee ereyada la isugu xidho. Markaan u fiirsaday buuggan celcelis ahaan bog walba waxaa ku jira qiyaastii ilaa siddeed xarriijimood. Run ahaantii caqligal ilama aha laba erey oo kasta oo marka la isu geeyo erey cusub noqonaya in xarriijin la isugu qabto, waayo waa foolxumo weyn. Waa ay jiraan ereyo dhaadheer ama si kale u qaabdaran oo mararka qaar xarriiqda lagu fududayn karo, laakiin ma aha in xeer looga dhigto laba kelmadood oo kasta oo mid sku noqday. Bal arag tusaalahan sida uu Axmed-Idaajaa yeelay:
Biyo-diid, anbo-bax, cod-bixin, qaan-gaar, war-qab, caano-waa, ciil-qab, weylo-raac…
sow kama fududa kamana qurux badna in xarriijimaha la iska daayo? Ma waxaa jira qof sidaas akhriskeeda ku dhibtoonaya?
Taas waxaa ka daran in sida Axmed-Idaajaa la qoro:
Reer-waqooyi, Reer-Nugaaleed, Reer-Miyi, Reer-Galbeed, Reer-Hawd…
Ereyada noocaas ah ee kala madaxa bannaan maxaa looga baahan yahay in la isku xidho?
Waxaa kale oo in la xuso mudan qorista lambarrada sannadaha, sida: qarnigii 20d, 19d iyo sannadkii 1960kii, 1992…
Haddii dhawaaqa la raaco waxaa ila saxan in la qoro: qarnigii 20-aad, 19-aad, iyo sannadkii 1960-kii, 1992-kii.
Weydiin kale waxay tahay, horta yaa bilaabay in marka gabayga la qorayo tixda meerisyadeeda mid walba lambar lagu hor qoro, sidii la qorayo liis magacyo uu Kacaankii dil ku xukumay? Runtii taas waxaan u arkaa caado aan hagaagsanayn oo foolxumo ah. Qaladkaas waxaa la mid ah in labada qaar ee meeriska gabayga hakad la kala dhex geliyo.
Buuggan lagu ururiyey maansada iyo taariikh-nololeedda Aadan-Carab waa dhaxal ummadeed oo af, murti, dhaqan, iyo taariikh intaba leh. Waxaa laga yaabaa faceenna maanta fidmo iyo ficilo qabyaaladeed mooyee in aanay khayr kale oo badan inoo kordhin, waxaanse hubaa jiilasha dambe in ay u aayayaan.
Email:Ibraahinhawd@hotmail.com
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews |