Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Farshaxan Amman Farshaxan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

  

Baro Abwaankaaga

-C/raxmaan Barwaaqo-
    Bogumil Witalis Andrzejewski

    Bogumil Witalis Andrzejewski oo dadka badan kiisu u yiqiin Guush waxa uu ku dhashay Poznan oo ku taal dalka Boolaand (Poland) kowdii bishii labaad ee 1922kii. Wa-xaanu ku geeriyoodey carriga Ingiriiska 2dii bishii Diisambar ee 1994kii isaga oo 72 jira1. Bishii Sibtambar ee 1940kii ayuu Guush ka baxsaday dalkiisii hooyo. Markaasi oo da’diisa lagu qiyaasay inuu ahaa 18 jir ayaa ahayd kolkii ay ciidammadii Jarmalku qabsadeen Poland. Firxadkaasina waxa uu isaga dhex-gudbay dalalka kala ah: Islofaakiya, Hangaariya, Yugoslaafiya Giriigga iyo Turkiga. Waxaanu ugu dambayntii gaadhay dalka Falastiin. Halkaasi oo uu kaga biiray ciidammadii loo yiqiin ‘Free Polish Forces’. Intii uu Falastiin joogay waxa aad u soo jiitey oo uu daneeyey afka carabiga iyo dhaqanka Muslinka. Waxaanu kanshe u helay barashada afka Ingiriisiga. Ugu dambayntiina waxa uu ka helay urur loo yiqiin ‘Newman Association’ deeq waxbarasho oo uu afka Ingiriiska kaga bartay Jaamacadda Oxford ee carriga Ingiriiska. 1946kii ayuu la kulmay Sheila Weekes oo markii dambe noqotay marwadii uu la qaatay noloshiisa intii u hadhsanayd 2. 1948kii ayuu Guush Andrawiski bilaabay barashada af-soomaaliga. Waxaanu ka gaadhay heerka ugu sarreeya ee uu qof shisheeyihi ka gaadhi karo afka iyo suugaanta Soomaalida. Intii uu afka baranayey waxa aad u gacan qabtay Abwaankii weynaa ee Muuse X. Ismaaciil Galaal hawlo badan oo af soomaaliga ku saabsanna ay wada qabteen. Barashada afkana kamuu hadhin ilaa uu isagii bare ka noqday.3 1952kii tan iyo 1980kii waxa uu Borofisar af-soomaaliga dhiga ka ahaa dugsiga loo yaqaan SOASA ee ka tirsan Jaamacadda Landhan ( London University). Macallin Guush kuma dadaalin barashada afka oo qudha ee waxa uu xilweyn iska saaray qoriddiisa iyo horumarintiisaba. Intii uu hawshaa ku jireyna waxa uu qoray qoraallo iyo buugaag farabadan oon la koobi karin. Waxaanu aad isugu hawlay fidinta murtida Soomaaliyeed. Buugaagta uu qoray haddii aannu waxa ka tilmaanno waxa ka mid ah buugga la yidhaa ‘Somali poetry’ oo soo baxay 1964kii, kaasi oo ay wada qoreen isaga iyo Prof. I. M. Lewis. Waxa uu af-ingi-riisi u hal-tebiyey buugga la yidhaa ‘Aqoon-darro waa u nacab jacayl’4 ee uu qoray Faarax M. J. ‘Cawl’ soona baxay 1973kii. Waxa kale oo uu Af-ingiriisi u hal-tebiyey riwaayaddii caanka ahayd ee la odhanjirey ‘Shabeel naagood’5 ee uu sameeyey Abwaan Xasan Sheekh Muumin. 1993kii waxa ay isaga iyo marwadiisa Sheila Andrzejewski wada qoreen buugga la yidhaa ‘An Anthology of Somali poetry’, kaasi oo ay soo saartay Jaamacadda Indiyaana (Indiana University). Buuggaasi waxa uu ka kooban yahay maansooyin Soomaaliyeed oo Af-ingiriisi loo hal-tebiyey. Maansooyinkaasi oo ay kala tiriyeen abwaannada kala ah: Raage Ugaas, Xirsi Garaad Faarax ‘Wiil-waal’, Cali Bucul, Aadan-gurey Maxamed cabdille, Faarax Afcad, Qaw-dhan Ducaale, cali Jaamac Haabiil, Maxamed Cabdille Xasan, Xuseen Maxamuud Faarax‘Xuseen-Dhiqle’, Ismaaciil Mire, Saahid Qamaan, Qamaan Bulxan, Nuur Ugaas Rooble, Cilmi Boodhari, Faarax Shuuriye, Cumar X. Xuseen ‘Ustareeliya’ Muuse X. Ismaaciil Galaal, Axmed Muxummad Good ‘Shimbir’, Cali Sugulle Duncarbeed, Xasan Sheekh Muumin, Axmed Ismaaciil Diiriye ‘Qaasin’, iyo Maxamed Ibraahim Warsame ‘Hadraawi’.
    Guush oo laanta af-soomaaliga ee BBC-da Lagu waraysanayo

    Prof. Guush waxa uu aad uga hadlijirey hodannimada Af-soomaaliga iyo horjmarka uu gaadhay intii la qoray. Arrintaa isaga oo ka hadlaya waxa uu yidhi, “1948kii markii aan afka baranayey afku waxa uu ahaa af xoolo dhaqato, aad baanay u adkayd in af-soomali loogaga hadli karaa aqoonta dhaqaalaha, xisaabta, ama sayniska iwm.” Maantase buu yidhi, “Si hawlyar baa aqoon kasta loogaga hadlikaraa loogagana bogan karaa.”6 Dhanka ereybixinta isaga oo wax ka sheegaya waxa uu tilmaamay in af-soomaaligu ammin dhan toddoba gu’ oo qudha gudohood uu kaga gudbay ereybixintii ku qaadatay afafka reer Yurub qaarkood in ka badan laba boqol oo gu’.7 Intii aanu geeriyoon, waxa uu isku dubbariday wax alla wixii uu kayd hayey ee ku saabsanaa af-soomaaliga waxaanu ugu deeqay hoyga kaydka buugaagta Jaamacadda Indiyaana ( Indiana University library ). 8 Dadka Soomaaliyeed dhexdooda, Prof. Guush magac weyn ayuu ku lahaa. Prof. I. M. Lewis oo arrintaa ka war ramayeyna waxa uu sheegay in uu 1988kii Maamulkii Maxamed Siyaad Barre guddoonsiiyey Dr. Guush abaalmarinta la odhan jirey ‘Xiddigta Soomaaliyeed’ oo ah abaal- marintii ugu sarraysey ee qof shisheeye ah la siiyo. 9 Geeridiisa kolkii la soo sheegay, dadka soomaaliyeed aad bay uga xumaadeen. Marwo Anita Suleyman Aadan oo arrintaa ka warramaysayna waxay tidhi,“Dadka Soomaaliyeed meelkastay joogeenba, gudo iyo debedba, way ka xumaadeen geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Prof. Guush; waxaanay u soo direen Marwo Sheila Andrzejewski dhambaallo baroordiiqa. Dadkaasina waxa ka mid ahaa bay tidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliland Maxamed X. Ibraahim Cigaal.”10 Prof. Guush waxa uu ahaa aqoonyahan aan ku masuugin aqoontiisa una kalbaxa cid kasta oo jecel iney afka iyo suugaanta Soomaaliyeed wax ka qorto. Arrintaasi ayaana keentay in aqoonyahan kastaa doono ama ku dadaalo sidii uu hawshiisa taageero ugaga helilahaa Dr. Guush. Intii uu Prof. Guush mootanaa, waxa lagu maamuusay buugaag farabadan. Waxana ka mid ah buugga la yidhaa Qaamuuska Maahmaahaha Soomaaliyeed ee uu qoray Dr. Georgi L. Kapchits oo qudhiisu caan ku ah aqoonta afka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Ugu dambayn, in kasta oo uu Prof. Guush maanta innaga hooseeyo, haddana, magaciisu Soomaali dhexdeed kama dhiman. Cid kasta oo jecel afka iyo suugaanta Soomaaliyeedna way ku xishmayn kuna xasuusan hawsha weyn ee uu qabtay. Wixii qabyo ah ee uu ka tegeyna waa la dhammaystiri. Raadraac 1. I. M. Lewis. Prof. B.W. Andrzejewski. London:The independent Gazette, December 6,1994. 2. I. M. Lewis.Prof. B.W. Andrzejewski. London:The independent Gazette, December 6,1994. 3. Prof. B.W.Andrzejewsk. The modernization of the Somali language. Horn of Africa, vol.1, No.3, July/September. 4. Cawl, Faarax M.J. Aqoondarro waa u nacab jacayl= Ignorance is the enemy of love. B.W. Andrzejewski, tr.London:Zed Press, 1982. 5. Xasan Sh. Muumin. Shabeel naagood = Leopards among the Women. B.W. Andrzejewski, tr. London: Oxford University Press, 1974. 6. BBC Somali service. 7. Prof. B.W.Andrzejewski. The use of Somali in Mathematics and Science. Afrika und Überse, Band LXIII, 1980 8. I. M. Lewis. Prof. B.W. Andrzejewski. London:The independent Gazette, December 6,1994. 9. I. M. Lewis. Prof. B.W. Andrzejewski. London:The independent Gazette, December 6,1994. 10. Anita Suleiman adan. A wise Scholar in Somali. London:The Guardian,December 14, 1994. Qoraalkani wuxuu ku soo baxay tirsigii 3aad ee warsidaha Hal-aqoon oo ka soobaxa Ottawa, Kanada

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.