Taxane warbixinno ku saabsan "Safarkii Yurub ee"
Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac"Gaarriye"
Bilada Nabada iyo Gaarriye
Xarunta Cilmi baadhista Soomaaliyeed oo Gaariye
gudoonsiisey billadda nabada
Habeenimadii sabtidii waxaa Heathrow Gate Hotel oo ku yaala galbeedka
magaaladan London lagu qabtay xaflad si aad u heersareysa loo soo
agaasimay, oo ay soo qaban-qaabiyeen ururo ay hormood ka ahaa, ururka
Raad laguna maamuusayey abwaanka weyn ee Maxamed Xaashi Dhamac (
Gaariye)
Xafladan waxaa ka soo qaybgaley dadweyne aad u farabadan oo
soomaaliyeed kuwaas oo kala yimi goobo kala duwan, dadweynahaas oo
isugu jirey Siyaasiyiin, Culimaa’udiin, Saraakiil iyo xubno ka tirsan
dhamaan bahweynta afka soomaaliga ku hadasha ee ku filiqsan wadankan
Britain gaar ahaan inta danaysa aqoonta, afka iyo dhaqanka ummada, oo
uu hoddan ku yahay macallin Gaariye.
Fawzia Yuusuf X. Aden oo iyadu madax ka ah Xarunta Cilmi Baadhista
Soomaalida ayaa waxay si mug leh ugu mahadnaqday Abwaan Gaariye iyo
dhamaan marti sharaftii goobtaasi joogtay iyada oo ku hadlaysay magaca
Xarunta Cilmi baadhista iyo gudiyada qaban-qaabada.
Intaa kadib Fawzia waxay gudoonsiiyey Gaariye Billad sharafta nabada oo
ay bixisay Xarunta Cilmi Baadhistu, waxaanay xaruntu sheegtey in uu
Gaariye billada nabada ku mutaystay dhiiranaanta badheedhihiisa,
mabda’a adkaantiisa iyo isaga oo maalintay ay xaaladu meel adag
shanshada dhigto adeegsada maansada kuna suntan danta ummada iyo
himilada bulshada.
Xarunta Cilmi Baadhistu waxay kale oo Billad sharafta horumarinta
gudoonsiisay Ayaan Maxamuud Maxamed Cashuur oo iyana ku mutaysaty U
heegnaanta horumarinta ummadda Soomaaliyeed.
Intaa kadib waxaa hadalka la wareegay Maxamed Xaahi Dhamac Gaariye oo
saacadii ugu horeysay ka hadlaayey quruxda afka Soomaalida, Gaariye
waxaa uu si aan qadaf lahayn u tilmaamay anshaxa, asluubta, hufnaanta,
asadoodanka, hormeynta, gudboonaynta, astaamaynta, dhaabadaynta,
abaarka nuxurka iyo yool adeegsiyadii afmaalada Soomaaliyeed
dhinacayada maansada.
Waxaa uu Gaariye ku nuun-nuuxsadey siyabaaha kala duwan ee afmaaladu u
adeegsan jireen tixda kuwaas oo aynu ka milicsan karo. Collaada,
nabada, guusha, himilada, guuldarada, jacaylka, nacaybka, ducada,
habaarka, guhaanka, farxada, qoomamada, dhalsahada, dhimashada,
abaalka, abaal dhaca, quruxda, qayayaabka, gobanimada, faanka, hiifka,
haaraanka, ayaanka, ayaan darada, barwaaqada, abaarta, garta,
garadarada, godobta, xaq dhawrka Iwm.
Inkasta oo aan in badan lala wadaagin Gaariye hadalka, Dadweynaha
madasha ku sugnaa ayaa waxay ku muujinayeen falcelintooda qosal, sacab,
mashaxarad iyo qiiro laga akhrisanaayey foolashooda ama wejiyadooda.
Dhawr telifoonada gacanta ah ayaa ka qaylinaayey goobta, waxaanay
dadweynihii sitay ii sheegeen in ay tahliwaayeen in ay damiyaan,
sababtoo ah waxay ka cabsi qabeen in wax dhaafaan, sekenada ay ku
jeesanayaan daminta telifoonada.
Marti sharaftii goobtaa ku sugnaa waxaa ka mid ah Dr Martin Orwen oo ah
aqoonyahan u dhashay wadankan Britain kuna xeeldheer dhaqanka iyo afka
soomaaliga, halkaasna ka akhriyey labada maanso ee Madax Goodir iyo
Mandeela oo uu curiyey Gaariye, laguna turjumay afka Ingiriisiga,
Martin oo adeegsanaayey siiqad qiiro leh ayaa waxaa uu geysaysiiyey
dadkii afka ingiriisiga aan aqoonin in ay dareemaan nuxurka gabayga ka
hor, intii aan Gaariye ku akhriyin afsoomaali.
Intaa kadib waxaa la gaadhey waqtigii su’aalaha, waxaana su’aalaha ka
dhashay in uu Gaariye tiriyo raxan ka mid ah gabayadiisii, isla
markaana uu ka sheekeeyo qisooyinkii asalka u ahaa abyida gabayadaas.
Dadkii xafladaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa aqoonyahan Siciid Jaamac
oo hadal kooban oo soo dhaweyn iyo hogga tusaale isugu jira ka soo
jeediyey xafladaas, Siciid waxaa kale oo uu ka hadlay sida abwaan
Gaariye uu maskaxdiisa, muruqiisa iyo maansadiisaba ugu huro bulshada,
isla markaana uu uga dhex muuqdo halganada nolosha oo dhan.
Siciid waxaa kale uu si hufan u tilmaamay baddaha tixeed iyo
adeegsigooda sida Gabayada, Geeraarada, Masafada, Sal-Salka, Guurowga,
Buraanburka, Jacburka, Sitaadka iyo dhamaanba hees ciyaareeda iyo hees
hawleedada kala duwan. Siciid waxaa kale oo uu halkaas ka akhiryey
tiraab gaaban oo oo uu isagu abyey taas oo uu ku hantiyey dhegihii ka
soo qaybgalayaasha.
Gunaanadkii xafladaas waxaa markale dadweynihii mahadnaq ku sagootiday
Fawzia Yuusuf X. Aden.
Allaa Mahad leh
Qalinkii Cali Ahmed Raabi Seenyo
xigasho: Mareegta Qarannews
Soo Bandhige :Fu,aad
Bahda Mareegta Farshaxan
|