Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

Taxane warbixinno ku saabsan "Safarkii Abwaan Gaarriye"

Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac"Gaarriye"

      

    Nin qabyaalad doojaw, Doqoniimo waa cudur

    Qormadan maanta waxaan ku soo qaadanayaa "Abwaan Gaarriye" Beryahan danbe waxaad moodaa in soomaalida ay ka gedmatay oo ka luntay sooyaalkii taariikheed ee la soo maray. Dadka qaar ayaad moodaa inay dhasheen 1991-kii waa markii xeedho iyo fandhaal kala dhaceen. Waa markii soomaalidu kaga maahmaahi jirtay "Belo daaman la qabto ayay leedahay ee dabo la qabto malaha." Tasoo macnaheedu yahay: "Dhibaatada waa laga hortagaa ee lagama daba tago". Kadaba taggeedu wuu raad dheeraadaa xalkana sida lagu gaadhaa wuu adkaadaa. waana ta maanta soomaalida haysata. Qormadan maanta waxaan ku soo qaadanayaa "Abwaan Gaarriye" iyo taxanihii suugaantiisa. Bal marka hore ila wadaaga dhawrkan bayd ee aan kasoo qaatay maansada "Hagarlaawe" oo soo baxday 1984. Akhristoow bal u fiirso sebenkii uu tiriyay abwaanku maansadaa iyo inta u dhaxaysay markii uu burburay taliskii macangaga ahaa ee uu ka talinayey Maxamed Siyaad Barre 1991. Haybtaydi baa is-cuneeysa; Garabkaygi bays wada heeray; Maradaydi baygu huraysa. Kugu-dhimayo-kaa-dhimay waa huq; Rati heeryadiisa cunaaya Hungo waa sidaan ahay maanta; Dhanna hee dheh iima fayooba. Anigaa colaadda ku hoobtay Wiil iyo walaalba ka hoogay; Anigaa hugaygu i diiday. Iminkana haddaan la heshiinin Hibashada haddaan la dawaynin Hebel-yaa-lahaa la illaawin, Himilooy wallee gabbalkaa dhac; Talo-faro-ka-haaddaay mooyi; Calanyahaw waxaad tahay loo-hadh. Anigana hadhaw iyo faallo Halistaa inaan ka afeeftay Oo weliba hiif iga gaadhay, HAGAR-LAAWE ii geli buugga Xilligaa uu abwaanku tiriyey maansada Hagarlaawe waxay ahayd xilli aad u adag oo taliskii xilligaa jirey uu si axmaqnimo ah u ugaadhsan jiray bulshadii danyarta ahayd ee ku hoos noolaa xukunkaas. Qofkasta oo garaadkiisu fayoobaa wuu sii saadaalin karayey mustaqbalka. Waxaase jiray dad badan oo iyagu ku jiray riyo; oo markay maqlaan qaylada dheer ee kasoo yeedhaysay Culimada, abwaanada, aqoonyahannada, odayaasha iyo qofkasta oo dareen wadaninimo leh--- Odhan jiray ama ugu jawaabi jiray "Haddii loo baaqoo loo sheego barwaaqo dadbay meeli buktaa" Maxamed Xaashi dhamac wuxuu ka mid ahaa abwaanaddii tirada yaraa ee sida tooska ah uga soo horjeestay dhibaatadii maamulkii keligii taliska ahaa. Mar uu tilmaamayay sida aanuu u ogolayn inuu ´tiriyo maanso aan kasoo go'in dareenkiisa-- waakii lahaa "Haddii ay qudhgooyiyo ay joogto qoorta soo dhigo, wallee gabay ma qurux tiro." Haddii aynu yara milicsanno maalmihii tilmaannaa ee soo maray sooyaalka taariikhda soomalida. Aan soo qaato silsilladdii "Deelleey". Silsiladdaas oo ka mid ah dareenkii ugu xoogga badnaa ee dhinaca suugaanta ee soo mara deegaanka soomaalida. Inkastoo beryahan danbe ay jiraan dad isku daya inay leexiyaan oo qalloociyaan ujeedadii silsilladdaasi lahayd. Balse way ka xoog badan tahay wax la majara habaabiyo. Ujeedadu waxay ahayd in si calool furan loo tilmaamo qalloocyada ama dhalliilaha ka dhexjiray maamulkii keligii taliska ahaa. Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye" oo ahaa abwaankii bilaabay Deelleey. Wuxuu ku bilaabay maanso lamagac baxday "Dugsi male Qabyaaladi". Waxaad magaca maansada ka dheehan kartaa ujeedada iyo dareenka ay maansadaasi xanbaarsanayd. Waxa maanta soomaalida u cad inaanay dugsi lahayn qabyaaladdu. Maansadaa yaabka leh ee xikmaddu ku dheehantahay aan badka soo dhigo qaybo ka mid ah: "Dig" dheh deelka maansada, Tixo dur iyo daabac ah, Isku-duubni wadareed, Ha ka dido shan-xuubluhu. Arrin waa la diga-rogay; Doonyihii la raran jirey Markab baa ka daba yimid; Cirka haadda duushaa ka duuduubte samadii; Waxa helay dayuurado Deja baalashii yidhi. Daacuunki firidhkiyo Daaniyii dhaqaalaha, Rag duraa ku soo baxay. Inta daafka fidisiyo, Dab-layaasha dhimanaw Digtoonaada way kane. Afartaa docdaa mari Dersigaygu waa meel. Taariikhda duugga leh Waxan ugu hor daabacay, Xil damiirku qaadiyo Waa faral dushayda ah. Qalinkiyo dawaadaa Inaan fuliyo ii direy. Waxan uga dan leeyahay, Nin qabyaalad doojaw, Doqoniimo waa cudur. Haddii aad dux leedahay, Bal docdaada uun eeg: Inta dumar agoomo ah!, Inta dhiig dad lagu qubay! Inta darib nin lagu cunay! Inta duul ku qaran-jabay! Debec-yaa-lahaayeey, Maxaa degel ku baaba'ay! Maxaa dhacay umulo-doox! Anigaa nin-dooriyo Anigaa wax dumin kara, Maxaa beel ku "dumug" tidhi! Imisaa dugaag qaday, Dubaaxdiina loo wadhay! Darka iyo xareeddiyo, Daaq laysu qoonsaday, Dirirtiyo colaaduhu, Maxay haad dibbiriyeen! Islaan wiilki laga dilay "Dugayeey" maxay tidhi! Dadab iyo aroos iyo, Aqal laba-deryaale ah Maxaa daaha loo rogay! Waxan uga dan leeyahay Summad iyo dir-sooc iyo, Qofkii duuf ku nooloow Alla-doori baad tahay. Soomaali waa duud; Dakan-qabe ha joogee, Waa ul iyo diirkeed; Deris iyo tol wada yaal, Nin dan laana kala gura. Qabiilkii dorraad yiil, Isticmaarki baa dumay; Shalay daba-ka-naax iyo, Dibitaati baa waday; Maantana dillaal iyo, Dibbir baa ku xoogsada. Waa dabin qarsoodi ah; Ummadday ku dagayaan; Boobkay ku dedayaan. Qolo-qoladan loo degey Kama iman dad-weynaha; Ragga dacarta huriyaa Waa kooxo duumo ah; Daadihiyeyaashiyo Maamulkay ku duran yiin. Qaar baa diktoorro ah Digriigoodu madhan yahay; Qaar baa durbaano leh Oo daacaddii jaray. Darna waa hagoogtaan, Waa deniyo waaweyn. Isku soo dabbaaloo, Waa dabaqad maal jecel; Waxa loo dig leeyey, Dhididkayga dahabka ah Sidii loo dudubin laa. Afartaa docdaa mari; Dugsi ma leh qabyaaladi; Waa dararta baahida; Waa astaanta dib-u-dhaca; Waa boog dalooshoo Dadka maanka kaga taal. Dirxi qudhun ku nool iyo Waxa fadha nin daalin ah; Damqa oo ku joogsada. Balse dira-diraaloow, Dabka yaad u sidataa? Yaad daafacaysaa? Haddii uunku kala dido Sidu yeey u daran tahay? Dib-jir iyo nin xoolo leh Dambi-laawe iyo tuug, Doc-doc weeye shicibkuye Yaa daawo leediin? Waxaan uga dan leeyahay Haddaad duulimaad tahay, Riddo waa u meel dayo. Doxor-yahaw ab-tiriyaa, Armaad dogobka qiiqa leh, Darintaad ku huruddiyo, Dushaaduun ku hurisaa! Afartaa docdaa mari; Tixdu way dagaal-timi; Waa daabbad aan biqin, Cilmi baa u diirad ah. Durba gumuci koowaad, Waxay daartay nabarkiyo Waxa doogta ugu wacan; Dawadiise may gelin. Kuwa ararta daajiyo, Rag baan ula dan leeyahay Deelleeydi waa koow. Maansadaa "Dugsi male qabyaaladi" waxay soo baxday 1979-kii. Akhristoow ujeedada maansadu maxay tahay? bal baydkan u fiirso: "Soomaali waa duud; Dakan-qabe ha joogee, Waa ul iyo diirkeed; Hadaba iyadoo ujeedadii silsiladdii Deelleey ay taa tahay. Maansadii uu Gaarriye ku bilaabay-na ay taa kor ku xusan tahay miyey innagu adkaan kartaa ujeedada iyo qaabkii loo bilaabay Deelleey? Waa maya!. Abwaan Maxamed Xaashi dhamac \"Gaarriye\" oo ah astaan u taagan bulshada danyarta ah sida saaxiibkii Hadraawi uu ugu caanbaxay u hiilinta dadkiisa iyo dalkiisa ayuu Gaarriyena ugu badheedhay inuu eraygiisa maanso ku difaaco, dalkiisa iyo dadkiisa. Silsiladdaa "Deelleey" waxay gashay taariikhda soomaalida. Ilaahay haw naxariistee Yuusuf Xaaji Adan oo ahaa tiirarkii waxbarashada casriga ah u horseeday geyiga soomaaliyeed. Dadka soomaaliyeed-na ka mudnaa billad dahab ah ayuu abwaan Gaarriye u adkaysan waayay dhibaatadii lagu hayey halyeygaa soomaaliyeed. Mar uu doonayey Yuusuf Xaaji Adam in loo bedelo Hargeysa oo loo diidey. Gaarriye oo ah astaan u taagan u hiilinta dadkiisa iyo dalkiisa wuxuu ka tiriyey gabay lamagac baxay "Gashi" 1980. "Gefka dhacay haddaad Yuusufoow gama' la diidayso. Ayax guuray baa kaaga tegey eelka gaamuraye Galabtuu baxaayeey ahayd dhab ugu googooye Nimankii ka gaashaaman laa waanay garanayne Gaadiid ayuu kaaga tegey laguma guuraane. Gadhwadeenna wuxuu kaaga dhigay garab ku daaqiiye Geeddigii dharaartii la raray gaadhi waa nolole Sidii bay u guud saarantahay gibishii awrtiiye Mugga waan gadoodee kolkaan gamasta dhiigeeyo Een geed ku xidho booli-doon goohu wuu damiye Ha degdegin gashaan kaa qabaa waanan gudayaaye." Waxa soo diyaariyey: Sayid M Yusuf "Dhegey" gacanlibaax2001@yahoo.se xigasho: Mareegta Qarannews
Soo Bandhige :Fu,aad
              Bahda Mareegta Farshaxan

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.