Eed Hooyo Laga Galay - Maxammed Xaashi Dhamac (Gaariye)
Eed Hooyo Laga Galay - Maxammed Xaashi Dhamac (Gaariye)
Maansadadan "Eed hooyo laga galay" waxaa tiriyey abwaankii weynaa Maxammed
Xaashi Dhamac (Gaariye),sannadkii 1978. Maansadu waxay ka hadlaysaa gabadh
yar oo sabool ah,ardayad ah, hooyadeed iyo reerkooduna aad iyo aad ugu
hanwaynaa islahaana markay wax idin barato ama nin wanaagsani idiin
guursado ayey wax idin tari doontaa ooy saboolka iyo dhibaatada isinka
saari doontaa.
Gabadhii rag aad iyo aad u badan ayaa soo hungereeyey mid kastana waay
eridaa oo dabada ayey kaga dhacdaa. Waxay socotaba maalintii danbe waxaa
helay mid axankeeda cunay.
Wuxuu ku beeray waxay ay jacayl moodaysay wuxuuna kaga dhaansaday inantii
miskiinta ahayd waan ku jeclahay waanan ku guursanayaa. Nasiib darose
markii uu caloosha u buuxiyey ee ay uuraysatey ayuu ka dhaqaajey oo yidhi
naad yaad la sheekaysanaysaa? Inantii oo murugo hadlaysaa
waxay tidhi:
Ubucdayda wadhaneey,
adhaxdayda liicdaay,
arinkayga laalmow,
taladaan ilduufaay.
Axdigaan rumaystiyo
ma arraday jacaylkii?
ma engegay darkiisii?
ma afbeelay xiisii?
ma ajowday laagtii?
ma abaaday geedkaan
ubaxiisa guran laa?
Afar qaadka socodkiyo
ma eersaday wareeggii.
Orgigii la naaxshee
adhi raacdo dhaqatee
ku asqaysay heestee
naxariis u jeedo leh
aaminee run moodee
dharaartii la gawracay
is ogaaday baan ahay.
Umal yuururaan ahay.
Cudur igu unkamay baa
iniintiisii biqishoo,
ayax berri i soo maray
eel uu ka tegay baa
uurkayga jiifoo,
aramaa i hurudoo,
anigoo arkayaan
axankayga daaqoo,
macaan jeceshii oon sun ah
loo ursiiyey malabkee
ku idlaatay baan ahay.
Iintii dadkaan ahay.
caku inan rageedow
waxa igadh ka beermaa
aarankiisa weeyee
ooryihiinii kici laa
aarankaad ku dubateen.
Urugadan i haysiyo
agoonkaa sedkii go'ay
aanadiinna weeyoo
uurkaygu waa godob
eed hooyo laga galay!!!!.
Sheekadii oo sidii u qasan ayaa gabadhii maalin danbe waxay aragtay gabadh
kale oo yar uu ninka laftiisii sidii oo kale ugu sheekaynayo oo doonayo
iyadana intuu ka danaysto dabeedna marka uurku u buuxsamo uu ka dhaqaajiyo.
Iyadoo gabadhii la u digaysa waxay tidhi:
Wayl yahay baxsane
bixisadu wadaa
bi'i waa warlaay
Adoon laacdan baran
oon weli bislaan
ha baraarshishiyin.
Is banbaani oo
ha ku ababin belo.
Laasbiira iyo
biyihii ajo ah
kuma ba'o haraad.
Dawac baadi helay
ma badbaadiyee
balan qaad af ka ah
ha u beer nuglaan.
Bilicdaadan ugub
dhayladaadan bilan
bahal qaba hamuun
ha u soo bandhigin.
Bi'i waa warlaay
maxaa bilis haween
oo baar fidhnayd
been lagu khatalay.
Maxaa bocor ildaran,
maxaa baylah wadhan
haad boobay oo
la bud dhigay hortaa.
Maxaa baydi shilis
burcad iyo labeen
la basaasay ciil.
Maxaa gabadh birlab ah
oo beegsi iyo
baxsan dhali lahayd
baydali makalay.
Bi'i waa warlaay
aniguba basraay berrigaan
yaraa waan boodi jiray
oon badhi caddaa.
Bartaad taal haddeer
annigaa ku ba'ay.
Baaxaa degiyo
beer laxowsigii
jeer aan ku baxay
waan beraad la'aa.
Ninkan kuu boqrani
waa xila bilaal.
Anigoo bed qaba
waa bukaan i helay.
Dhunkashada bishimihii
i beleeyey buu
adna kugu beweray.
Wuxuu kuu burqaday
beentiyo warkuu
igu badowsan jirey.
Bi'i waa warlaay
boggaan eeday buu
barko kugu yidhaa.
bi'i waa warlaay
baantaydan hoo
waad baahan tahay
bahal looma cuno.
Bur ha daaqin sun ah.
Gabadhii markii uurkii soo baxay ee la ogaaday ayaa la dayrshey oo
waalidkeed, ehelkeed, asxaabteedii iyo guud ahaanba bulshadii oo
dhami dayrisay. Iyadoon meelay u ciirsato haysan sedkeediina soo
dhow yahay ayey hees caruureedan murugada leh ugu heestay wiilkii
ay uurka ku siday!
Waxay tidhi:
Samow wa alla samow waa,
samow iyo samow waa
Samow wiil gaabsiyow waa
Samow guur baaqdayow waa
Samow geesi ciilanow waa
Habeen god la seexdayoow waa
wixii iga gaadhayow waa
Ma gocor baa aabahaaya?
ma gacalkaagaa ku dayrshey?
ma garab kaagan rag joogin?
maxaad ku gunaanad seegtay?
Martiyi waa goorxun socode
waxaad orod soo guclayso
waxaad soo maalin gaasho
ma giriyaad baad is keentay?
Guhaadow aynigaaga
garnayl baa loo ridaaye
adoon weli lagu gardaadin
maxaa fiintii gadoodshey?
maxaa kalgacaylkii maydhay?
maxaa gabawerey adoogay?
maxaa hooyaday gulaalay?
geyaanku muxuu ka fiigay?
Hoheey caku guuldaraanta!!!
Guhaadow wiilkayow waa,
kuwii gaasiray codkaaga
kuwii annigana i gooyay
kuwii gocashada abuuray
kolkii garta loo xilsaaray
Arbuhu gofanihii ku yiilay
ma guudkeenuu ka raadshey!
Fuluhu weligii ha goojo
wuxuu galabsaday ha diido
haduu raad gado yidhaahdo
halkuu gelayaa adduuunka
ma hoos kiisaa ka gaabin?
Wax saan gabanyohow ku leeyahay
wuxuu dadku kaaga giigay
hadaan guntii soo ogaadey
gantaal baad tahay bagooda
gunaad kaga yaal damqaaya
Hoheey caku guul daraanta!!
hadday garashadii sabooshay
hadduu gamashiyey wanaagii
haddii gees lay faquuqay
gefkii loo wada badheedhay
haddii gooni laygu qoolay
garsoore yaqaan saboolka
racfaan baan goobayaaye
halkaa geedigu ha joogo.
Xigasho: Mareegta Somalihome...
*************************
|