Ku soo Dhowoow Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Farshaxan Qays Farshaxan

Cabdi Aadan Xaad"Qays"


Aakhirooy iyo Cabdi Qays

Aakhiroooy Xaggee    baad naga Xigtaa

Maalinta xisaabtiyo     Xaqa mowdku soo galo

Xabaasha iyo iilkaan     Kugu soo xusuustaa

Xiddigaha cirkee sare    Inaad xubin ka mid ah tahay

Inaad hoos u xulan tahay    Dhulka xero ku leedahay

Maannu helin xogtaadee

Aakhirooy Xageebaad Naga xigtaa
Aakhirooy Xageebaad Naga xigtaa

In La xaabinaayoo    Adduunyadu xayiran tahay

oon xawd la reebayn     Waa xarafka Eebbee

Inaad xuural-cayn iyo    Janno iyo xareed tahay

Dhanna xoladdo naariyo    Dhamac iyo Xanuun uun tahay

Xejiyaay ku maqalnee

Aakhirooy Xageebaad Naga xigtaa
Aakhirooy Xageebaad Naga xigtaa

Inta Gabadh xishood liyo    nin xariif ah kugu maqan

Ama geesi kugu xidhan    Xaaddi way ka badatee

Inaad xaajo adag iyo    Xisaab leeday maqalnee

Xumo iyo samaataba     Xaalad ay ku noolyiin

Maannu helin xogtoodiye     Xejiyaay ku maqalnee

Aakhirooy Xageebaad Naga xigtaa
Aakhirooy Xageebaad Naga xigtaa
.