Ku soo Dhowoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Farshaxan George Farshaxan

kula xidhiidh qoraaga email: "geedka@aha.ru". ..

George Kapchits ""

QORAAGA MAHADHADIISA
           Dr.George Kapchits wuxuu dhalasho ahaan ka soo jeedaa dalka Ruushka.Waxaanu dhashay 2.10.1939. Sannadkii 1967 wuxuu ka qalin-jebiyey Istituutka lagu barto afafka Aasiya iyo Afrika ee ka tirsan Jaamacadda Moosko. Takhasuskiisu waa af-yaqaan u go'ay af-amxaariga iyo af-soomaali-ga.1967kii ilaa 1994 wuxuu weriye ka ahaa laantii af-soomaaliga ee Raadiyow Moosko. Tan iyo 1994kii wuxuu faalliye ka yahay qaybta wararka ee Raadiyaha la yidhaahdo "Codka Ruushka". Wuxuu af-soomaaliga ka dhigi jirey jaamacadaha ka kala furan Moosko iyo Berliin. Laba jeer ayuu booqasho ku tegey Soomaaliya. Gu'gii 1989kii wuxuu ammin shan beri ah joogay Muqdisho, Gu'gii 2001diina wuxuu toddobaad joogay Hargeysa. Gugii 2000 wuxuu helay darajada loo yaqaano PhD, isagoo daafacay tiisihii uu magaca uga dhigay "Saxarrada waa, baa/ayaa iyo waxaa ee laga helo af-soomaaliga iyo sida loo isticmaalo maahmaahaha". Xaas buu leeyahay iyo laba hablood.
Buugaagta uu qoray:
1. Maamaahyada Soomaaliyeed (ee ku kala daabacan afka soomaaliga iyo afka ruushka oo ay weheliyaan maahmaahyada ruushka ee ay isu dhigmaan). Waxaa abaabulay, hal-tebiyey, ararta u qoray, kana faallooday qoraha. Moosko, 1983.
2. Waxaa la yidhi – sheekooyin hidde ah. Waxaa habeeyey, kana faallooday qoraha. Cologne, 1996.
3. Sheekooyin soomaaliyeed (oo ku qoran af-ruush). Waxaa abaabulay, hal-tebiyey, gogoldhigga u qoray, qaamuusna ku ladhay, kana faallooday qoraha. Moosko, 1997.
4. Qaamuuska maamaahyada soomaaliyeed – The Dictionary of Somali Proverbs (ee gogoldhiggiisu uu ku kala qoran yahay af-soomaali iyo af-ingriisi). Waxaa ururiyey oo abaabulay, iskuna dubbariday qoraha. Moosko, 1998
5. Hubsiimo hal baa la siistaa/To know something for sure, one would even part with a she-camel: Maahmahaha soomaaliyeed kuwa ugu caansan. Moosko, 2002.
Buugaagta uu quraaray:
1. G.L.Permyakov. Fundamentals of Structural Paremiology (Mabaddii'da cilmiga maahmaahaha). Waxaa abaabulay, arartana u qoray G.Kapchits. Moosko, 1988.
2. G.L.Permyakov. Proverbs and Sayings of Oriental Peoples (Maahmaahaha dadyawga bariga ah). Moosko, 2001.

Qoraallada uu qoray:
1. Somali Literature (Suugaanta Soomaaliyeed) - Literary Encyclopaedia. Moosko, 1987.
2. On Types of Somali Folktales (Sheekooyinka soomaaliyeed noocyada ay u kala baxaan) - Anthropologie Somalienne. Paris, 1993.
3. On Subjects and Motifs of Somali Folktales (Faleyaasha sheekooyinka soomaaliyeed) - Cushitic and Omotic Languages (Proceedings of the Third International Symposium. Berlin, 1994). Koln, 1996.
4. (with M. Kenadid) Oral Forms of Speech and the Problem of the Development of the Written Norm in the Somali Language (Hababka
hadalka iyo horumarinta hababka lagu qoro af-soomaaliga)
- The Literary Language and the Oral Spheres of Communication. Moosko, 1996.
5. War and Peace in Somali Paremias (Dagaalka iyo nabaddu siday uga muuqdaan maahmaahaha soomaaliyeed) - Africa: Societies, Cultures, Languages. Moosko, 1996.
6. Somali Folktales (Sheekooyin soomaaliyeed) - The Language of African Folklore (African Folktale). Moosko, 1997.
7. War and Peace in the Somali Oral Traditions (Dagaalka iyo nabaddu siday uga muuqdaan sheekooyinka iyo maahmaahaha soomaaliyeed) - Pour une Culture de la Paix en Somalie (Actes du Second Congres International des Etudes Somaliennes - Paris, 1995). Paris, 1997.
8. Logical Accent in Somali: Phrase Particle waa (Hogo-tusaalaha 'waa') - Africa in the mutable World. Moosko, 1997.
9. The Somali Oral Traditions: A Call for Salvation (Xikmadda aan qornayn ee dadka soomaaliyeed ee u baahan in la badbaadiyo) - The Present-Day Importance of Oral Traditions. Opladen-Wiesbaden, 1998.
10. Logical Accent in Somali: Phrase Particle baa (Hogo-tusaalaha 'baa') - Africa: Societies, Cultures, Languages. Moosko, 1998.
11. Logical Accent in Somali: Phrase Particle waxaa (Hogo-tusaalaha 'waxaa') - Africa: Societies, Cultures, Languages. Moosko, 1999.
12. On Somali Paremias (Maahmaaho soomaaliyeed) - Proverbium (Yearbook of International Proverb Scholarship). Vol.17. Burlington, 2000.
13. Towards the Somali Paremiological Minimum (Maahmaahaha soomaaliyeed kuwa ugu caansan) - Proceedings of the 8th
International Congress of Somali Studies (Hargeisa, 2001) - waa la daabacayaa.
Faallooyinkii uu qoray:
1. D.Stepanchenko, Mohamed Haji Osman. Short Somali-Russian and Russian-Somali Dictionary (Qaamuus kooban oo af-soomaali iyo af-ruush, af-ruush iyo af-soomaali) - Folia Orientalia, 16. Krakow, 1975.
2. Axmed Cali Abokar. The Camel in Somali Oral Traditions (Awrta iyo suugaanta soomaaliyeed) - Narodi Asii i Afriki, 5. Moosko, 1988.
3. Mohamed Mohamed-Abdi. Histoire des Croyances en Somalie (Taariikhda khuraafaadka soomaaliyeed) - Vostok/Oriens, 3. Moosko, 1993.
4. B.W.Andrzejewski with Sheila Andrzejewski. An Anthology of Somali Poetry (Diiwaanka gabayada soomaaliyeed) - Vostok/Oriens, 2. Moosko, 1994.
5. G.L.Permyakov (Mahaadhada G.L.Permyakov). Russian Jewish Encyclopaedia, Vol.2. Moosko, 1995.
6. Scholars in the Country of Poets - Notes on the 8th International Congress of Somali Studies. Hargeisa, 2001 (Aqoonyahaanno booqasho ku joogay dal gabayaayaal ah). Horn of Africa. Vol. IXX. Newark, 2001.

Waxaanu ka soo xiganay mareegta http://www.kapchits.narod.ru/
oo Dr. George hanaqaadkeega leeyahay

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.