Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

Taxane warbixinno ku saabsan Cilmi-Dhegoodka Geeska Afrika

Qaybta Afraad:
Aqoon yahan

    Sheekh Maxamed Yuusuf Axmed - Afrikaani
    Aqoonyahan ka baxay ummadda iyo wixii uu dhaxal ka tagay.
    
    
    Qoraa iga horreeyey ayaa yidhi "bulsho afrikaan ah marka uu odey ka geeriyoodo, waxay u dhigantaa
    laybereeri ka gubtay bulsho reer galbeed ah". Fikirkani ma aha mid u gaar ah afrikaanka iyo reer
    galbeedka (western society), balse waa xaalad ay ku sugan yihiin bulshooyinka aqoontoodu ku salaysan
    tahay cilmi-dhegoodka (oral society), sida ummadda qaaradda afrika badankeeda, iyo kuwa aqoontooda ku
    gudbiya qoraalka, sida reer galbeedka. Qiimaha uu laybereerigu ugu fadhiyo bulshada aqoonteedu ku
    salaysan tahay qoraal waa kaydinta iyo isu gubinta aqoonta ee jiilalka kala danbeeya. Cilmi-dhegoodka
    waxa jiilba jiilka ka danbeeya ugu gudbiyaa tiraab xay ah. Haddaan odayga laga reebin aqoontiisa, wuu la
    dhintaa oo way luntaa; haddii uu laybereeri gubto waxaa ku shuf-beela cilmigii ku kaydsaanaa.
    
    Waxaa dhawaan isoo gaadhay geeridii, Ilaahay (swt) ha u naxariistee, Sheekh Maxamed Yuusuf Axmed oo ahaa
    aqoonyahan bartay cilmiga xiddigiska. Waxaan ka akhriyey warsidaha haatuf, caddadkii 811aad, in uu “ku
    caanbaxay cilmiga xiddigiska, wuxuu soo saari jirey maqaalo uu ka waramayo Saadaasha Sannadka ee
    Cilmiga Xidigiska. Sheekha oo da'diisu ahayd 60 jir waxa uu ifka kaga tegay xaas iyo carruur, balse
    taariikh nololeedkiisii oo faahfaahsan waxaanu idiinku soo gudbin doonaa cadadda soo socda, haddii Alle
    yidhaahdo”. Waxay ahayd 15kii Bildhurro-hore (Safar) ee sannadkan. Waxaan aad uga naxay geerida ninkan
    aanan aqoonta u lahayn ee maqalkeedu igu soo gaadhay si kama’ ah anigoo ku dhex jira qorista warbixinno
    ku saabsan cilmi-dhegoodka geeska afrika. Taxana warbixinahaas oo maqaalkani ku yahay afar, waxay ku
    aroorayaan cilmiga uu marxuunku ku takhasusay. Waxaan si degdeg ah dib ugu baadhay maqaaladii uu
    sannadihii tagay marxuunku ku qorey haatuf, oo aan ka baadahay mareegta haatuf.net. Waxaan ka helay laba
    maqaal oo aa u qiimo badan, oo aanan midna hore u arag ([Haatuf 21, 241]). Waxaan sugi kari waayay in
    haatuf ay soo qoraan aqoonyahankan taariikh-nololeedkiisii oo dhammaystiran. Waxaan isku ciil-kaambiyey
    in safaradaydii u danbeeyey ee aan Soomaliland ku tagay aanan la kulmin aqoonyahankan. Ilaahay (swt)
    ayaan qorin in aan la kulmo.
    
    Caddadkii 813 ee haatuf waxaa kusoo baxay taaiikh-nololeedkiisii marxuunka. Haddaan soo koobo, Sheekh
    Maxamed Yuusuf Axmed wuxuu ahaa injineer bartay cilmiga farsamada gacanta (mechanical engineer). Wuxuu
    ahaa xilhaye soo qabtay maamullo kala duwan oo madani ah. Wuxuu soo noqdey sarkaal ciidamada xoogga
    dalka ah. Wuxuu aqoon badan u lahaa diinta islaamka. Intaas iyo howlo kale oo intuu noolaa soo qabtayba
    wuxuu u lahaa magac iyo tilmaan gaar ah (Ing. Maxamed; Mayor Maxamed; Taliye ciidan Maxamed; Sheekh
    Maxamed, iwm). Balse waxa aanay dad badani u aqoon, magac gaar ahna aanu ugu lahayn, wuxuu ahaa
    aqoonyahan cimli-dhegoodka geeska Afrika wax badan ka bartay.
    Markaan dib u akhriyey maqaaladiisii taxanaha ahaa ee "Odey ka sheekee", ee uu kaga hadli jirey
    dabshidka moorada iyo meeraha sannadka [Haatuf 21, 241, 243]; markaan arkay sida uu isu barbar dhigay
    aqoonta cilmi-dhegoodka ummaddeena iyo tan adduunyada kale; markaan arkay sida uu uga taxaddiray xadka
    diinta islaamka; waxaan aqoonsaday in Maxamed Yuusuf Axmed, oo ku magac-dheeraa Afrikaani, uu ahaa
    aqoonyahan ka baxay ummadda Soomaliland iyo dhammaan geeska Afrika. Geerida aqoonyahankani waxay la mid
    tahay laybereeri inaga gutay. Waxaanse aad ugu farxay in aan maqlay in ay jiraan dhallinyaro isku dayday
    inay dabaqabateeyaan lumista aqoontaas oo dhaxal kareebtay. Waxaan dhallinyaroy idinku dhiiri galinayaa
    inaad taladaa fiican eed ku kacdeen ka midha dhalisaan, waxaanaan idiinku ducayanayaa in Ilaahay (swt)
    idinku garab galo.
    
    Waxaan Ilaahay (swt) uga barayaa in Maxamed Yuusuf Axmed uu naxariistii janno ka waraabiyo. Waxaan tacsi
    u dirayaa carrurtii, qoyskii, asxaabtii iyo ardeydii uu ka baxay marxuunku, Ilaahayna (swt) uga baryayaa
    inuu samir iyo iimaan ka siiyo. Waxaan iyana tacsi u dirayaa aqoonyahanka Soomaliland, intii taqaanay
    marxuunka iyo inta aan aqoon u lahaynba. Waxaan baaq qaylo-dhaan ah usoo jeedinayaa in ciddii ah ama ka
    warhaysa aqoonyahanno marxuunkaas oo kale ah, in la is weheshado, la kala warhayo, oo aqoontan cilmi-
    dhegoodka ah ee si looma aayaan ah u lumaysa, una cidhib go’aysa, aynu isaga wada kaashan lahayn
    ururinteeda iyo madhxinteeda.
    
    Tixraac:
    •Haatuf, Cadadkii 21-aad, 9 Jan, 2002
    ODAY KA SHEEKEE! - Nayruuska Sannadka 2002, Moorada, Meeraha iyo Maalinta.
    Sh. Maxamed Yuusuf Axmed
    •Haatuf, Cadadkii 242-aad, 8 Jan 2003
    ODAY KA SHEEKEE - Saadaasha Sanadka Cusub 2003
    Sh. Maxamed Yuusuf Axmed
    •Haatuf, Cadadkii 243-aad, 10 Jan 2003
    ODAY KA SHEEKEE - Saadaasha Sannadka 2003 ee Nayruus Arbaca
    Sh. Maxamed Yuusuf Axmed
    
    
    Jama Musse Jama,
    jamamusse@tin.it
    18 Bil dhurrodanbe – 18 Rabii’ul awal 1426 – 26 April 2005
    Pisa, Italy
    
Soo Bandhige :Fu,aad
              Bahda Mareegta Farshaxan

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.