|
Taxane warbixinno ku saabsan Cilmi-Dhegoodka Geeska Afrika
Qaybta Afraad:Aqoon yahan
Sheekh Maxamed Yuusuf Axmed - Afrikaani
Aqoonyahan ka baxay ummadda iyo wixii uu dhaxal ka tagay.
Qoraa iga horreeyey ayaa yidhi "bulsho afrikaan ah marka uu odey ka geeriyoodo, waxay u dhigantaa
laybereeri ka gubtay bulsho reer galbeed ah". Fikirkani ma aha mid u gaar ah afrikaanka iyo reer
galbeedka (western society), balse waa xaalad ay ku sugan yihiin bulshooyinka aqoontoodu ku salaysan
tahay cilmi-dhegoodka (oral society), sida ummadda qaaradda afrika badankeeda, iyo kuwa aqoontooda ku
gudbiya qoraalka, sida reer galbeedka. Qiimaha uu laybereerigu ugu fadhiyo bulshada aqoonteedu ku
salaysan tahay qoraal waa kaydinta iyo isu gubinta aqoonta ee jiilalka kala danbeeya. Cilmi-dhegoodka
waxa jiilba jiilka ka danbeeya ugu gudbiyaa tiraab xay ah. Haddaan odayga laga reebin aqoontiisa, wuu la
dhintaa oo way luntaa; haddii uu laybereeri gubto waxaa ku shuf-beela cilmigii ku kaydsaanaa.
Waxaa dhawaan isoo gaadhay geeridii, Ilaahay (swt) ha u naxariistee, Sheekh Maxamed Yuusuf Axmed oo ahaa
aqoonyahan bartay cilmiga xiddigiska. Waxaan ka akhriyey warsidaha haatuf, caddadkii 811aad, in uu “ku
caanbaxay cilmiga xiddigiska, wuxuu soo saari jirey maqaalo uu ka waramayo Saadaasha Sannadka ee
Cilmiga Xidigiska. Sheekha oo da'diisu ahayd 60 jir waxa uu ifka kaga tegay xaas iyo carruur, balse
taariikh nololeedkiisii oo faahfaahsan waxaanu idiinku soo gudbin doonaa cadadda soo socda, haddii Alle
yidhaahdo”. Waxay ahayd 15kii Bildhurro-hore (Safar) ee sannadkan. Waxaan aad uga naxay geerida ninkan
aanan aqoonta u lahayn ee maqalkeedu igu soo gaadhay si kama’ ah anigoo ku dhex jira qorista warbixinno
ku saabsan cilmi-dhegoodka geeska afrika. Taxana warbixinahaas oo maqaalkani ku yahay afar, waxay ku
aroorayaan cilmiga uu marxuunku ku takhasusay. Waxaan si degdeg ah dib ugu baadhay maqaaladii uu
sannadihii tagay marxuunku ku qorey haatuf, oo aan ka baadahay mareegta haatuf.net. Waxaan ka helay laba
maqaal oo aa u qiimo badan, oo aanan midna hore u arag ([Haatuf 21, 241]). Waxaan sugi kari waayay in
haatuf ay soo qoraan aqoonyahankan taariikh-nololeedkiisii oo dhammaystiran. Waxaan isku ciil-kaambiyey
in safaradaydii u danbeeyey ee aan Soomaliland ku tagay aanan la kulmin aqoonyahankan. Ilaahay (swt)
ayaan qorin in aan la kulmo.
Caddadkii 813 ee haatuf waxaa kusoo baxay taaiikh-nololeedkiisii marxuunka. Haddaan soo koobo, Sheekh
Maxamed Yuusuf Axmed wuxuu ahaa injineer bartay cilmiga farsamada gacanta (mechanical engineer). Wuxuu
ahaa xilhaye soo qabtay maamullo kala duwan oo madani ah. Wuxuu soo noqdey sarkaal ciidamada xoogga
dalka ah. Wuxuu aqoon badan u lahaa diinta islaamka. Intaas iyo howlo kale oo intuu noolaa soo qabtayba
wuxuu u lahaa magac iyo tilmaan gaar ah (Ing. Maxamed; Mayor Maxamed; Taliye ciidan Maxamed; Sheekh
Maxamed, iwm). Balse waxa aanay dad badani u aqoon, magac gaar ahna aanu ugu lahayn, wuxuu ahaa
aqoonyahan cimli-dhegoodka geeska Afrika wax badan ka bartay.
Markaan dib u akhriyey maqaaladiisii taxanaha ahaa ee "Odey ka sheekee", ee uu kaga hadli jirey
dabshidka moorada iyo meeraha sannadka [Haatuf 21, 241, 243]; markaan arkay sida uu isu barbar dhigay
aqoonta cilmi-dhegoodka ummaddeena iyo tan adduunyada kale; markaan arkay sida uu uga taxaddiray xadka
diinta islaamka; waxaan aqoonsaday in Maxamed Yuusuf Axmed, oo ku magac-dheeraa Afrikaani, uu ahaa
aqoonyahan ka baxay ummadda Soomaliland iyo dhammaan geeska Afrika. Geerida aqoonyahankani waxay la mid
tahay laybereeri inaga gutay. Waxaanse aad ugu farxay in aan maqlay in ay jiraan dhallinyaro isku dayday
inay dabaqabateeyaan lumista aqoontaas oo dhaxal kareebtay. Waxaan dhallinyaroy idinku dhiiri galinayaa
inaad taladaa fiican eed ku kacdeen ka midha dhalisaan, waxaanaan idiinku ducayanayaa in Ilaahay (swt)
idinku garab galo.
Waxaan Ilaahay (swt) uga barayaa in Maxamed Yuusuf Axmed uu naxariistii janno ka waraabiyo. Waxaan tacsi
u dirayaa carrurtii, qoyskii, asxaabtii iyo ardeydii uu ka baxay marxuunku, Ilaahayna (swt) uga baryayaa
inuu samir iyo iimaan ka siiyo. Waxaan iyana tacsi u dirayaa aqoonyahanka Soomaliland, intii taqaanay
marxuunka iyo inta aan aqoon u lahaynba. Waxaan baaq qaylo-dhaan ah usoo jeedinayaa in ciddii ah ama ka
warhaysa aqoonyahanno marxuunkaas oo kale ah, in la is weheshado, la kala warhayo, oo aqoontan cilmi-
dhegoodka ah ee si looma aayaan ah u lumaysa, una cidhib go’aysa, aynu isaga wada kaashan lahayn
ururinteeda iyo madhxinteeda.
Tixraac:
•Haatuf, Cadadkii 21-aad, 9 Jan, 2002
ODAY KA SHEEKEE! - Nayruuska Sannadka 2002, Moorada, Meeraha iyo Maalinta.
Sh. Maxamed Yuusuf Axmed
•Haatuf, Cadadkii 242-aad, 8 Jan 2003
ODAY KA SHEEKEE - Saadaasha Sanadka Cusub 2003
Sh. Maxamed Yuusuf Axmed
•Haatuf, Cadadkii 243-aad, 10 Jan 2003
ODAY KA SHEEKEE - Saadaasha Sannadka 2003 ee Nayruus Arbaca
Sh. Maxamed Yuusuf Axmed
Jama Musse Jama,
jamamusse@tin.it
18 Bil dhurrodanbe – 18 Rabii’ul awal 1426 – 26 April 2005
Pisa, Italy
Soo Bandhige :Fu,aad
Bahda Mareegta Farshaxan
|