|
Taxane warbixinno ku saabsan Cilmi-Dhegoodka Geeska Afrika
Qaybtii 1aadHabeentiris:
Habeentiris: Islaamka ka hor, soomalidu miyey lahayd kaalendar dhaqameed soo jireen ah?
Hordhac
Soomaalidu waa dad dhaqan ahaan aan hidde u lahaan jirin inay wax qoraan. Taasi waxay had iyo jeer
sababtaa inay lumaan taariikhda asal-raaca ah ee ay leeyihiin bulshooyinka noocan oo kale ah “oral
society”. Gaar ahaan soomaalida oo ay u dheer tahay reer guuraanimo, ma laha wax hadhaa reeba oo loo
qaadan karo tixraac. Maqaalkan oo bar-bilow u ah taxane aan kaga hadli doono cilmi-dhaqameedka
xiddigiska ee soomaalida, waxaan si dulkaxaadis ah ugu eegi doonaa hababka tirsiimo xilli ama taariikh
ee saamayn ku yeeshay kaalendarka somalida. [ka eeg http://www.redsea-online.com/calendar barmaamij
isugu kaa beddelaya taariikh somali, Islam iyo Gregorian]
Qeexid
Erayada“Calendar” iyo “Leap year”
waxaan marmarka qaarkood u isticmaali doonaa sidooda iyagoo la af-soomaaliyeeyey dhawaq ahaan waayo ma
aqaano erayo afsoomaali ah oo u dhigma. Hayeeshee markaan ka hadlaayo kalenderka soomaaliga, gaar
ahaan maqaalada soo socda, waxaan marmarka qaarkood u isticmaali doonaa erayada “Habeentiris”,
“toomman” iyo “qun-dhalad” oo kala ah sidan:
Habeentiris: waa xirfadda ay lahaayeen dad aad u yar oo xiddigis ka ku wadi jirey bulshada reer
guuraaga ah. Waa hab dhaqameedka xisaabinta bilaha iyo xilliyada reer guuraaga. Sidaa darteed waxaan u
isticmaali doonaa “Habeentiris” macnaha erayga “Calendar”.
Toomman iyo Qun-dhalad: habka tirsiimo ee bilaha ee dhaqanka soomaalida, waxaa la xisaabin jirey
maalmaha dayaxa, iyadoo loo qaybin jirey bilaha dayaxa laba qaybood. Bilo qun- dhalad ah oo ku
dhamaada 30 habeen iyo bilo tooman ah oo dhamaada 29. Markaa erayga “leap year” waxaan u isticmaali
doonaa “sannad toomman” ah markaan ka hadlaayo kaalendarka soomaalida.
Habeentiriska Gregory (Gregorian Calendar)
Kaalendarka laga isticmaalo waddamada reer galbeedka iyo meelo kale oo
badan oo dunida ka mid ah waxaa la yidhaahdaa tirsiimada Gregory (Gregorian Calendar). Waxaa ku
dhawaaqay Pope Gregory XIII, waxaanuu ka dhaqan galay badiba waddamadii lagu xukumaayay diinta
kiristaanka, gaar ahaan Kaatoliga, markay taariikhdu ahayd 1582kii (julian calendar). Wixii xilligaa
ka horeeyay waxaa dalalkaa laga isticmaali jirey kaalendarkii "Julian Calendar" ee uu Giulio Cesare ku
dhawaaqay 46 dhalashadii Nebi Ciise (NKH) horteed.
Kaalendarkan cusub (Gregorian) waxaa lagu saleeyay tirsigii Giulio Cesare oo maalintaa Gregorian-ku
bilaabmaayay ay taariikhdu ahayd 4tii Oktoober 1582, isuna baddashay 15kii Oktoober 1582kii ee
kaalenderkan cusub (Gregorian Calendar). Farqiga u dhexeeya tirsiimada Giulio Cesare iyo tan Pope
Gregory XIII waa mid aad u yar. Gregory wuxuu saxayaa qalad yar oo ku jiray Giulio Cesare, kaasoo ah
sixitaanka bisha febarwari ee afartii sannadoodba: • afartii sanaddoodba Giulio Cesare
tirsiimadiisu waa "leap year", kaasoo ay bisha febarwari noqoto 29 cisho, halka ay sida caadiga ka
tahay 28. Macanaha sannad kasta oo u qaybsama 4 waa "leap year". • halka tirsiimada Gregory aanay
noqonayn "leap year" sannadaha u qaybsama 100, haddii aanay islamarkaana u qaybsamin 400. Macnaa
sannadaha soo afjara qarni ma aha “leap year” hadaanay u qaybsamin 400. Tusaale: 2000 waa “leap year”
waayo wuxuu u qaybsamaa 4, 100 iyo 400; halka 2100 uu ka yahay sannad caadi ah waayo inkasta oo uu u
qaybsamo 4 iyo 100, hadana uma qaybsamo 400. Tirsiimada Giulio Cesare iyo tan Gregory labaduba
maalintu waxay bilaabantaa habeenkii saqda dhexe 12.00 habeenimo. Celceliska sannadkii ee tirsiimada
Gregory waa 365.2425 maalmood, taasoo marka loo eego haddii ay qorraxdu marwalba dul mari lahay
dhulbadhaha (365.24219878 maalmood) ku qaadanaysa 3300 oo sannadood inuu maalin qaldamo kaalendarku.
Habeentiriska Islaamka (Islamic Calendar)
Calendarka islaamku wuxuu la kowsaday safarkii Nebi Maxammed
(NNKH) uu kaga haajiray Maka ee uu Madiina ku tagay oo ku beegnayd 19kii Julaay ee sannadkii 622
(Gregorian) amase 16kii Julaay ee sannadkii 622 (Julian). Tirsiimadan islaamku waxay ku salaysan tahay
dayaxa, waxaanuu sannadkeedu ka koobanyahay 12 bilood oo iswaydaaranaya oo midina tahay 30 midina 29,
oo sannadka "leap year"-ka ahi ay bisha u danbaysaa ay ku dhammaanayso 30 (xataa hadday ahaan lahayd
29). Sannadku si uu u noqodo "leap year" waxa uu raacaa kalgal soddon sannadoodle ah oo ay sannadaha
1, 5, 7, 10, 13, 16, 18, 21, 24, 26, iyo 29 yihiin "leap year". Macnaa 30kii sannadoodba 19 waa
sannado caadi ah oo ka kooban 354 maalmood, 11 sannadoodna waa "leap year" oo ah 355 maalmood. Sidaa
darteed celceliska sannadkii waa ((19 × 354) + (11 × 355)) / 30 = 354.366666666 maalmood. Haddii loo
qaybiyo 12, markaas bishiiba waxay noqonaysaa celcelis ahaan 29.530555555 maalmood, oo aad ugu siqaysa
celceliska faraqa u dhexeeya aragtida bil cusub (marka ugu horraysa ee dayaxa la arko) iyo bisha ku
xigta. Sidaa daraadeed marka dayaxa loo eego, 2525kii sannadoodba tirsiga islaamku wuxuu qaldamaa
maalin. Maadaama uu tirsiga islaamku ku salaysan yahay dayaxa oo aanu ku salaysnayn qorraxda sida
Gregory iyo Julian, biluhi waxay isla beddelaan xilliga, taasoo sababta in bil kastaa bilaabanto 11
cisho ka hor xilligii ay bilaabantay sannad ka hor tirsiimooyinka taariikheed ee ku salaysan qorraxda
(Gregorian, Julian, iwm.) Tusaale ahaan hadday bisha Ramadaan bilaabantay sannadkii 2004, bishii
oktober 15keedii (Gregory), sannadka 2005 waxay bilaabmaysaa Oktoober 4teeda.
Habeentiriska Soomaalida (Somali Calendar)
Dhulka Soomaalidu ku nooshahay badankiisa hadda waxaa laga isticmaalaa labada
tirsiimo ee Gregorian-ka iyo Islaamka. Halka had iyo jeer dowladuhu ka isticmaalaan habeentiriska
Gregorianka, dadwaynuhu waxay gooraynta ku xusan diinta islaamka (bilowga iyo dhammaadka ramadaanka,
bixinta sekada, xajka, ciidaha, iwm), iyo goobaha diinta (Masaajidka, Malcaamadaha, iwm) u
isticmaalaan habeentiriska islaamka. Waxay taasi in badan ku riddaa jaha wareer dadwaynaha, oo lagaba
yaabo inaanay da'yartu aqooninba tirsiimada kaalendarka islaamka. Waxaa kale oo jirta iyana in ay
soomaalidii hore lahaan jirtey tirsiimo u gaar ah. Habeentiriska soomaalida oo ka horeeyey intii aan
diinta islaamka soo gaadhin. Habeentiriskaas oo u baahan baadhitaan xooggan waxaa waxoogaa ka daah
furay Ilaahay ha u naxariistee Muuse X. Ismaaciil Galaal. Gooraynta soomaalidu ma lahayn bar bilow,
sidaa darteed ma laha tirsiimo sannadeed. Soomaalidu waxay tirsan jirtay xilli, dhererka xilligaasi
wuxuu ku xidhnaa dhacdo gaar ah. Waxaa inta badan lagu magaacaabi jirey xilli kasta dhacdooyinka
yimaadda (xilli barwaaqo ah, mid abaareed, mid colaadeed, dayax madoobaad, iwm.). Tusaale ahaan waxaad
maqlaysaa hebel wuxuu dhashay “xaaraame-cune” hortii yar, ama “abaartii daba-dheer” dabadeed. Somalidu
waxay lahayd habtiris qeexan marka loo eego bilaha iyo maalmaha. Marka ay soomaalidu iswaydiinayso
taariikhda waxaa sida caadi ah la iswaydiiyaa “waar maanta bishu waa imisa?” iyadoo loo jeedo
“taariikhdu waa imisa?”. Arrintanu waxay sal ku leedahay habdhaqameedka habeentiriska somalida oo ku
koobnaa bisha iyo maalmaha, ee aan tixgalin wayn siinin sannadka. Habeentirska bilaha ee soomaalidu
wuxuu ku salaysan yahay dayaxa, waxaanuu la bah wadaagaa kan islaamka. Magacyada loo yaqaano biluhu
waxay ku kala duwan yihiin degmooyinka ay somalidu degto. Tusaale ahaan Somaliland, gaar ahaan
magaalada Burco iyo agagaarkeeda, ilaa hawd, waxaa loo yaqaanaa:
Bilaha Soomalida iyo kuwa Carabiga:
Af Somali:
Tirsiga Soomlaida sida Burco looga yaqaan
| Af Carabi: Tirsiga Islaamka
| | Dako(Sako) | Muharam
| | Mowliid(Bil Dhure Hore) | Safar
| | Bil Dhure Danbe | Rabi'al-Awwal
| | Rajal Hore | Rabi'ath-Thani
| | Rajal Dhexe | Jumada l-Ula
| | Rajal Danbe | Jumada l-Tani
| | Sabbuux | Rajab
| | Waaberriis | Sha'ban
| | Soon | Rabadaan
| | Soon Fur | Shawal
| | Sidataal | Dul Qa'da
| | Carrafo | Dul Hijja
|
Maadaama ay hadaba bilaha soomaalida ku salaysan yihiin dayaxa, islamar-kaana aad ugu dhowyihiin kuwan
habeentiriska islaamka, waxaynu iswaydiinaynaa siday u xisaabin jireen kalgalka maalmaha ku salaysan
qorraxda ee ay caado-xusi jireen, ee aan diinta islaamka shaqo ku lahayn. Tusaale waxaynu usoo
qaadanaynaa “Dabshidka” ama “Nawriishka”. Dabshidku waa bilowga sannadka habeentiriska soomaalida.
Aqoonyahan dhaqameedka bulsho reer guura ah u go’aamiya habeenka dabshid-ka wuxuu isticmaali jirey,
sida uu xusay Muuse X. Ismaaciil Galaal, isugaynta bilaha qun- dhalad iyo kuwa toomman oo isku noqda
354 cisho, markaas buu ku dari jirey 11 cisho dhammaadka bisha Carrafo. Halkaas buu wuxuu si lama-
ilduufaan ah ugu simi jirey bilowga sannad qorrexeedka (xilliga roobka). Markaa, tusaale ahaan, bisha
dabshidku soo galayaa wuxuu is beddelaa saddexdii sannadoodba mar. Marka kowaad wuxuu dhacaa bisha
horraanteed, sannadka ku xigana bisha badhtankeeda, sannadka saddexaadna dhammaadka bisha. Sannadka
afraad buu u gudbaa bishaa bisha ku xigta kuna nagaadaa saddex sannadood.
John A. Hunt wuxuu leeyahay habeentiriska soomaalidu wuxuu ku salaysan yahay isku-dhaf ah:
1. habkii hore ee persian-ka (oo aanaynu halkan kaga hadal)
2. habeentirsiga islaamka
3. hab lagu saxo tirsiga dayaxa oo saddexdii sannadoodba ku sima tirsiga qorraxda si ay isu
waafaqaan xilliyada roobka.
Waxaa jirta aragtiyo kala duwan oo midkood odhanayso habeentiriska soomaalida ee sannadku waa mid
kalgal toddobaadle ah, oo toddobadii sannadoodba waxaa loo tiriyaa sannad. Maqaalada soo socda ayaynu
kaga hadli doonaa si qota dheer habeentiriska dhaqameed ee soomaalidu lahaan jirtay.
Tixraac: •
P. Kenneth Seidelmann (ed.) Explanatory Supplement to the Astronomical Almanac . Sausalito CA:
University Science Books, 1992. ISBN 0-935702-68-7.
Muuse X. Ismaaciil Galaal,
Qoraalo aan la daabicin oo uu ka tagay; •
Muuse X. Ismaaciil Galaal,
The terminology and practice of Somali Weather lore, Astronomy and Astrology. Published by the Author,
Mogadishu, May 1968.
www.redsea-online.com
Barmaamij isugu kaabaddalaya kaalanderada Gregorian, Islamic iyo Somali.
John A. Hunt A General
Servey of the Somaliland Protectorate, 1944-1950. Crewn Agents, London, 1951.
Jama 30 Dago – 30 Muharram 1426 – 10 Maarj 2005 Pisa, Italy Akhri Qaybtii Labaad
Soo Bandhige :Fu,aad
Bahda Mareegta Farshaxan
|