Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Farshaxan Geerigo'an Farshaxan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

Wargeyska Haatuf
    
    
      
      (Haatuf)ODHAAHDA AKHRISTAHA:
      Gabiley Waxay Qarka U Saarran Tahay In Laga Guuro
    
       Magaalada Gebiley oo ah magaalo qadiimi ah magaceeduna ku fiday guud ahaan
       dhulka Soomaalidu degto,isla markaana kaalin muhiim ah kaga jirta dhaqaalaha
       dalkan Somaliland ayaa hadda u muuqata mid    ku jirta xaaladihii ugu xumaa
       ee abid soo mara, marka laga eego xagga adeegyadii bulshada sida:
    
       Biyaha, wadooyinka, caafimaadka, waxbarashada iyo guud ahaan bilicdii
       magaalada oo musalaftay,   Oo aanay ciddina ku samaynin dayactir hadday noqoto
       maamuladii hore iyo kuwa hadda     (golaha deegaanka) oo aad moodo inay
       ugaba ugasiidareen kuna shuraakoobeen hantida umada balse    aan waxba u qaban
       shacbigii soo doortay, hadaba arrimahaas aan kor ku soo sheegnay dartood ayaa
       Gebiley waxay u ekaatay meel laga guuray.!!!!!!!!
    
       Marka aad dadka kala sheekaysato sida wax u dhaceen waxay kuu muujinayaan oo
       ay ka siman yihiin sida ay uga rajo dhigeen maamulka iyo waxgaradka magaalada
       oo ay ku odhanyaan iyaga ayaaba ugu wacan dib u dhaca ku habsaday magaalada
       Gebiley.
    
       Hadaba ninka Gebiley muddo ka maqnaa ee hadda tagaa aad ayuu u dareemi karaa
       waxyaabo    badan oo ay Gebiley caan ku ahayd hadase aan jirin.
    
       Tusaale ahaan waxa magaalada dhexdeeda iyo garoomada kubadaha iyaga oo koox
       koox ah lafyoon jirtay dhalinyaro farabadan oo ciyaari jiray ciyaaro kala duwan
       taasi way ku yar yihiin ama maba jirto oo    lagamaba yaabo inaad aragto wax ka
       badan odayaal koofiyad baclayaal ah oo meel makhaayad ah BBC-da ku sugaya.
    
       Hadal iyo dhamaan Gebiley oo la ogyahay dhaqaalaha ka yimaada way ka qatan
       tahay waxayna qarka u  saarantahay sida kalabaydh goor ay soo kabataba.
    C/risaaq Xasan Warsame
    Hargeysa
    Wargeyska Haatuf Jan.01,2004.
Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.