<

Post-Nov-17-03.

Maamulka Gebilay oo 300 hadhuudh ah ugu Deeqa
Gebilay(Jam)-Maamulka Golaha deegaanka Gebilay ayaa shaaca ka qaaday in deeq hadhuudh ah oo dhan 300 oo jawaab oo ay midkiiba ku jirto 50 Kgm ay ugu deeqeen dadka Abaaruhu waxyeeleeyeen ee gobolada Bari ee Somaliland.
Shir jaraa’id oo shalay Maayarka degmada Gebilay Cabdiqaadir Axmed Cumar ku qabtay xafiiskiisa waxa uu ku sheegay in deeqda hadhuudhka ah ee maamulka Gebilay ugu deeqay dadkaa Abaaruhu naafeeyeen inuu yahay dalagyadii wax soo saarka ee ay dadweynaha degmada Gebilay sannadkan beerteen.


Mr. Cabdiqaadir Axmed Cumar, oo ay shirkaa jaraa’id ku weheliyeen xubno ka mid ah golaha deegaanka Gebilay ay tahay dhiirigelin ay ku doonayaan in maamulada kale ee degmooyinka iyo gobolada aanay Abaartu saamayn ay ugu gurmadaan dadka daranyaysan ee ku dhaqan deegaanada Abaartu saamaysay. “Abaarta ka dhacday gobolada dalka Somaliland waa Abaar culus oo saamaysay dad iyo duunyaba waxaanay u baahantahay gurmad qaran oo ay ka qayb galaan ummadda Somaliland oo dhammi oo aan loo kala hadhin-dawladda dhexe, dawladaha hoose ee degmooyinka dalka, gobolada iyo dadweynaha sababtaa awgeed ayaa haddii aanu annagu nahay maamulka Degmada Gebilay ku go’aansanay inaanu ugu horeyno kaalmadan oo ah mid hor dhac ah si degmooyinka iyo gobolada kale ay ugu baraarugaan inay kaalintooda ka qaataan gurmadka walaalahooda Abaaruhu wax yeeleeyeen” ayuu yidhi Maayarka Gebilay.

Maayarku waxa uu u soo jeediyay “hay’adaha gargaarka caalamiga ah iyo xukuumadda Somaliland in kaalmada Raashin ee la qorshaynayo in loogu gurmado dadka ay Abaaruhu waxyeeleeyeen in aanay noqonin mid meel dheer looga doono balse deeqdaasi looga iibin karo dalka gudihiisa sida degmooyinka Gebilay, degmooyinka gobolka Awdal, degmada Oodweyne iyo Allaybaday oo dalagyadii xilli beereed ee sannadkan ay uga soo go’een wax soo saar badan oo dalagyo kala duwan ah, hadhuudh, galay iyo Qamadi tiro badan oo wax ka tari kara baahida u horaysa ee gurmadka Abaaraha ayaa deegaanadaa laga heli karaa. Sidaa daraadeed waxa haboon in raashinkaa cusub loo iibiyo kaas oo degdegna loo gaadhsiin karo dadkaa macaluusha qarka u saaran ee Abaaruhuna naafeeyeen intii Qamadi gabawday meel dheer looga dooni lahaa taas oo inta laga sugayo imaatinkeeda ay nafo badani macaluul u dhiman karaan, marka la eego xaaladda ba’an ee ka jirta deegaanada Abaartu ku habsatay” ayuu yidhi Maayarku.

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.