Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Farshaxan Amman Farshaxan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

Nabi Muuse (CS)iyo Gabadh quraanka adeegsatay


Mudadii xukunka masar uu haystay Nabi Yuusuf (CS) dadka reer masar waxa ay noqdeen dad illaahay (CS) kalinimadiisa rumeeyey, waana waxa loo soo diray anbiyada oo dhan, dhimashadii Nabi Yuusuf ka dib Reer masar waxa ay ku noqdeen halaw iyo shirki, reer binu israa’ilna waxa ay dhex galeen mujtamicii masar, badhbaa halaabay oo diinta ka baxay badh kalena waxa ay ku soo hadheen tawxiidkii wayna farabateen reer binii Israa’iil waxana korodhay tiradooda.

 Masar waxa xukumi jiray boqor madax adag oo reer masar ay caabudi jireen boqorkani waxa uu u arkayey in reer Binii Israa’il sii faro badanayaan oo boqortooyadiisana ay qabsanayaan, waxaana uu maqli jirey sheekooyin odhanaya wiil reer binu israa’il ah ayaa dumin doona Fircoon boqortooyadiisa masar ka dhisan, Fircoon waxa uu soo saaray go’aan amraya in la dilo inankii reer binu israa’il ah ee dhashaba waxana la bilaabay nidaamkaa sii loo hirgelin lahaa, waxaana uu yidhi la taliyihii Fircoon kuwa gaboobay ee reer binu israa’il wey dhimanayaan kuwa yaryarna waa la gawracayaa sidaas ayeyna ku dhamaanayaan reer binu Israa’il.

Dadka reer masar waxa ay noqdeen umad taagdaran maamulkuna waxa uu doorbiday in la dilo inankasta oo dhasha, Inamada yar yar ee dhasha sanadna waa la dili jiray sanadna waa la deyn jiray, Fircoon waxa uu moodayay marka uu arinkaa samaynayay in uu xalkan ku nabad gelayo, Nabi Haaruun (CS) waxa uu dhashay sanadkii aan caruurta la dilayn hooyadii waxa ay dhashay iyadoo rumeysan in uu u nabad gelayo inankeedu, Sanadkii ku xigey ee inamada la laynayey waxa dhashay Nabi Muuse (CS) Muuse hooyadii waxa ku dhacay cabsi iyo argagax weyn iyadoo ka baqaysa in la dilo wayna la dhuumatay iyadoo ku naas nuujunaysay si qarsoodi ah, waxa la soo gaadhay habeenkii barakaysnaa ee illaahay u soo waxyooday Nabi Muuse hooyadii illaahay (SW).

“Waxaanu ugu waxyoonay Nabi Muuse hooyadii in ay naaska nuujiso marka ay u baqatana in ay ku tuurto biyaha dhexdooda iyadoo cabsi iyo murugo midna ayna ku jirin, waanu u soo celin doona xagaaga waxaana uu ka mid noqon doonaa kuwa rasuulada ah” Waxa la amray in ay Nabi Muuse hooyadii ay sameyso Sanduuq yar muusana ay ku dhex rido ayna la tagto wabiga dhinaciisa oo ay raaciso wabiga biyaha, waxa ay la ahayd nabi muuse hooyadii qalbiga hooyooyinka oo kale waa qalbiga ugu raxmada badan aduunyada, waxaana ka buuxsamay qalbigeeda warwar iyo murugo iyadoo weliba ilmaheeda raacinaysa biyaha wabiga laakiin way ogayd in illaahay uga naxariis badan yahay iyada oo illaahay yahay rabiga muuse iyo wabiga niilkaba, inkastoo markii hore biyaha niilku fara badnaayeen illaahay (SW) waxa uu ku amray mawjadihii biyaha niilka in ay si degan u socdaan inta ay sidaan ilmaha yar ee nabiga noqon doona sidii uu illaahay (SW) u amray naartii lagu riday nabi Ibraahim (CS) in ay noqoto Qabow iyo nabad gelyo sidaas oo kale illaahay waxa u faray wabiga niilka in uu qaado muuse si degana u wado ilaa inta uu gaadhayo qasriga fircoon, Biyihii niilka ayaa qaaday sanduuqan cisiga leh ee uu ku jiro muuse geeyeyna qasrigii fircoon halkaas oo mawjadihii siday ay ku wareejiyeen.

Markii uu waagu baryey waxa soo baxday gabadhii fircoon oo ku socota beertii qasriga, gabadha fircoon aad ayey uga duwaneyd fircoon isagu waxa uu ahaa kaafir iyaduna waxa ay ahayd mu’minad isagu waxa uu ahaa mid naxariis daran iyaduna waxa ay ahayd mid naxariis badan mar labaad waxa ay ahayd gabadh aad u murugaysan wax caruur ahna u may dhalin fircoon wana ay jeclayd in ay mar uun agteeda ay ku aragto ubad, markii ay ku dhawaatay biyihii niilka ayey heshay Sanduuqi wayna soo qaaday waana la furay sanduuqii waxana ay aragtay muuse oo ku jira sanduuqa oo inan yar ah markiiba waxa ay qalbigeeda ka dareentay jaceyl illaahaybaana qalbigeeda ku tuuray kalgacal waxaana ay soo qaaday sanduuqi, muuse waa uu soo baraarugay waxaana uu bilaabay in uu ooyo waxana uu u baahnaa naaskii uu jaqi jiray subaxnimada, fircoon ayey gabadhiisi ula timi iyadoo sidata ilma yar waxana uu weydiyay halkee ayaad ka keentay ilmaha yar waxayna uga warantay sanduuqi waxana uu ku yidhi hadal ka soo go’aya qalbi aan raxmad lahayn kolay waa inan yar oo reer binu israa’il ah oo sanadkani mayna ahayn sanadkii la leyn jiray? gabadhii fircoon inta ay ilmihii yaraa halkaa laabteeda ay ku qabtay ayey qaylisay illaahay (SW) isagoo inooga waramaya waxa ay tidhi gabadhii fircoon waxa uu inoogu sheegay ayaad quraan ah “Waxa ay tidhi gabadhii fircoon waxa uu ii yahay aniga mid indhuhu ay ku doogsadaan ee hadilin waxa laga yaabaa in uu ina anfaco oo aynu inan ka dhigano”.

Fircoon waxa uu xasuustay yaraanta awooda gabadhiisa waana uu ka aqbalay wixii ay doonaysay waxana uu u ogalaaday inankan yar in lagu koriyo qasrigiisa, muuse waxa uu bilaabay oohintii waxana la amray in loo yeedho gabadh naas nuujisa waxana la keenay gabadh muuse naaska nuujinaysa qasriga fircoon way qadan laakiin wuu diiday in uu naaskeeda jaqo waxaana la keenay ku labaad iyo su sadexaad iyo ku tobnaad intaba waa uu diiday muuse in uu jaqo naaska isagoo weliba ooyaya, gabadhii fircoon way ku ag warwareegtay iyadoo garan la wax ay samayso, gabadha fircoon oo kaliya may murugaysnayn oo may ooyeyn laakiin waxa ka darnayd oo iyana meel kale ku murugaysnayd muuse hooyadii, muuse hooyadii kumay dhawaan marka ay ku tuuraysay wabiga niilka ilaa ay mooday in ay qalbigeedi ku tuuraysay biyaha, biyihii niilkuna way ka qariyeen sanduuqii wax war oo danbena kamay helin.

Waagii danbe ayaa baryey iyadoo galbigeeda ay ku wareegayso murugadii ilmaheedu waxana ay ku dhawaatayba in ay tagto qasrigii fircoon oo ay ku sheegto in uu yahay inankeedi wixii dhacayaaba ha dhacaan illaahay ayaa soo qabtay qalbigeeda oo ka buuxiyey nabad wayna iska degtay oo ay sugnaatay, arintii oo dhamina waxa ay noqotay in ay tidhaahdo walaashii waxa aan tagayaa qasriga fircoon agtiisa si aan u soo ogaado muuse xaalkiisa, waxayna ay tagtay muuse walaashii qasriga fircoon agtiisa waxa ay meel durugsan ay ka maqashay oohintii muuse waxayna ay aragtay iyagoo garanla si ay yidhaahdaan waxaana ay maqashay in uu diiday in uu dumarka naaskooda jaqo, waxa ay ku tidhi shaqaalihii fircoon ma idin tusaa qoys naas nuujinaya oo kafaala qaadanaya oo u adeegaya laguna halaynayo hawsha inankan yar, gabadhii fircoona aad iyo aad ayey ugu faraxday arintan waxana ay muuse walaashii ay u sheegtay in ay u yeedho gabadhan muuse walaashiina way noqotay waxaana ay keentay hooyadeed, hooyadii ayaana naas nuujisay waxana ay tidhi gabadhii fircoon qaad ilaa inta uu naas jaqida uu dhamaysanayo oo nagu soo celi marka naasku ka gudho waxaana aanu ku siin doonaa abaal marin weyn sidaas buuna illaahay Nabi Muuse ugu soo celiyay hooyadii si indhaheedu ugu qabooban oo na ay u murugoon si ay u ogaato in balan qaadka illaahay uu xaq yahay.

La soco.

Waxa si wada jir ah u diyaariyey
Cabdifataax Xasan Aadan
Axmed Ismacil Xasan (Bucul)
Siciid Cumar Yuusuf
Email: Cabdifataax_96@hotmail.com

Top


Qisada Gabadh
Ku Hadlaysay Qur’aanka

Waxa uu yidhi Ninkii taabiciga ahaa ee Cabdilaahi binu mubaarik illaahay ha u naxariistee aniga oo tagaya xajka si aan u soo siyaarto qabriga rasuulka (CSW) kuna sii jira dariiqa ayaan waxa aan arkay qof dumar ah oo weyn oo gashan dhar suuf ah waxanu ku idhi Nabad gelyo dushuuna ha ahaato iyo naxariis illaahay waxa ay tidhi “Qawlbaa nabad leh ka yimi xag rabiga raxiimka ah” Waxa aan ku indhi illaahay hakuu naxariistee maxaad halkan ka qabanaysaa? Waxa ay tidhi “Qofka illaahay haleeyo cidna ma soo hanuuniso” waxa aan gartay in ay ka halowsan tahay dariiqii ay doonaysay in ay marto waxana aan ku idhi halkee ayaad doonaysaa, waxa ay tidhi “Illaahaybaa xumaan ka nasahan illaaha guura geliyay adoonkiisi habeen ee ka deelimiyay masjudul xaramka ilaa masjudul Aqsa” waxa aan gartay in ay soo gudatay xajkii oo ay doonayso in ay tagto baytul maqdas waxana aan ku idhi imisa ayaad halkan joogtay waxa ay tidhi “Sadex habeen mudo ku siman” waxana aan ku idhi waxa aan arkayaa in aanad haysanin cunto aad cunto waxa ay tidhi “Isagu waa kii u quudinayey ee I waraabinayey” waxa aan ku idhi maxaad ku weysaysanaysaa waxana ay tidhi “Hadii aydaan biyo haysanin ku gabagabaysta ciid daahir ah” waxa aan ku idhi waxa aan heystaa raashine maad cuni doontaa waxa ay tidhi “Dabadeedna dhamaystira soonka illaa habeenkii” waxa aan ku idhi imika kuma jirno bishii ramadaan waxa ay tidhi “Qofka sune la yimaada khayr ayey u tahay illaahayna waa mid la mahadiyey oo cilmi badan” waxa aan ku idhi waa ay noo banaantayahay in aynaan soomin marka aynu safar ku jirno.

Waxa ay tidhi “In aad soontaa ayaa idin khayr badan hadii aad garanaysaan” waxa aan ku idhi maxaad illaa hadli weyday sida aan kula hadlayo oo kale waxa ay tidhi “Qawl ma yidhaahdo hadii uu yidhaahdana raqiib iyo catiid ayaa qoraya” waxa aan ku idhi ayaad tahay waxa ay tidhi “Hafara gelinin wax aanad aqoon u lahayn ma qalka iyo araga iyo qalbiga dhamaan waa wax lagu wey diin doono” waxa aan ku idhi waan khaldamayee maxaa xal ah waxa ay tidhi “Danbi dushiina ma aha maanta illaahayna waa uu idin danbi dhaafi” waxa aan ku idhi ma kugu qaada hashaydan waxa ay tidhi “Wixii khayr ah ee qabtaan illaahayba idin og” waxana aan soo qabtay hawshii waxa ay tidhi “Ku dheh kuwa mu’mininta ah indhihiina hoos u roga” indhahaygi ayaan soo u ragay waxana ku idhi fuul markii ay doontay in ay hashii korto ayey hashii ay dhaqaaqday waxayn in yar ka dhacday maradii waxa ay tidhi “Wixii masiibo ah ee idinku dhaca waa waxa aad gacmihiina aad ku kasbateen”.

Waxa aan ku idhi yara sug aan hasha aan xidhee waxayna tidhi “Waanu fahansiinay saleebaan” waan xidhan hashii dabadeedna waxa aan ku idhi fuul waxa ay tidhi “Illaahay ayaa xumaan ka nasahan kii noo sikhiray kan” waxa aan qabtay hogaankii hasha aniga oo aad u talaabsanaya oo dhawaaqaya waxa ay tidhi “Si degan u soco oo hadalkaagana hoos u dhig” dabadeedna waxa aan u socday si degan aniga oo erayo gabay ah ku geeraraya waxa ay tidhi “Akhriya wixii quraanka idiin fududaaday” waxa aan ku idhi waxa lagu siiyey khayr faro badan waxa ay tidhi “Waxba kuma qaataan dadka caqliga leh mooyaane” markii aanu in yar soconay ayaan ku idhi miyaanad nin lahayn waxa ay tidhi “Kuwa muumininita ahow ha is weydiinina shay-yo hadii la bilaabo idin xumaynaya” waan aamusay oo lamaan hadal ilaa aanu soo gaadhnay awrtii kale waxana aan ku idhi qoladan awrta wadata cidi makaala socotaa waxayna tidhi “Maalka iyo inamadu waa quruxda nolosha aduunyada”.

Waxa aan ogaaday in ay inamo leedahay waxana aan ku idhi bal inamada xaga xajka ka waran waxa ay tidhi “Calaamado iyo xidigaha ayey ku soconayaan” waxa aan ogaaday in ay ku jiraan safarkan meesha degay waxana ku idhi yaa kaala socda waxa ay tidhi “Illaahay ibraahim khaliil ayuu ka dhigtay, illaahayna muuse waa uu la hadlay, yaxyow kitaabkan ku qaado quwad” waan dhawaaqay waxana aan idhi ibraahimow muusow yaxyow waxaba igu soo baxay niman shabaab ah oo aad moodo dayax soo baxay markii ay lala soo fadhiisteen ayey tidhi “Mid kii ha qaado lacagtan ilaa magalada oo ha inooga soo eego cunto fiican” mid ayaa tagay oo soo iibiyey cunto dabadeedna soo hordhigay waxayna tidhi “Cuna oo caba waa la idin haneeyee wixii aad hor marsateen ayaamihii tagay” waxa aan ku idhi cuntadiinu xaaran ayey iga tahay illaa arinkeeda aad iiga warantaan waxay yidhaahdeen inamadeedi tani waa hooyaday mudo 40 Sannadood ahna wax aan quraan ahayn kumay hadal iyadoo ka cabsanaysa in ay ilowdo quraanka oo illaahay u cadhoodo waxana aan idhi “Kaasi waa fadligii illaahay uu siiyo qofka uu doono illaahaybaa fadligiisu weyn yahay”.

Top


Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.