<bgsound src="Hoygaan_dhisaynaynaa.mp3" loop=infinite>
Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Farshaxan Gaarriye Farshaxan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

    Hambalyo aan la soo koobi karin ayaanu hawada u marinayanaa
    Mahadhada iyo Waxqabadka Maxamed Xaashi Dhamac 'Gaarriye'
    
    
    
    
    Buuggii beryahaaba
    
    la bilkeedinayaanu
    
    bandhigiisa wadnaaye
    
    bi'iwaaye ha seegin!
    
    Oo waa buuggee?
    
    Ee buuggii u horreeyey ee si cilmiyeysan looga qoro mahadhada iyo waxqabadka Maxamed Xaashi
    
    Dhamac "Gaarriye". Waxa haddaba iswey-diin leh: Muxuu buuggani kaga duwan yahay kuwii
    
    Abwaannada kale laga qoray? Waydiintaasi aqoonyahanno badan baa durba ka warceliyey.
    
    Bal dhawr ka mid ah aan soo qaadanno wixii ay ka  yidhaahdeen:
    
    A."Marka la eego sida ku-hadalka iyo ku-faanka afka Soomaaligu ugu sii yaraanayo Soomaalida
    
    qorbajoogga ah, iyo xataa sida Soomaalida ku nool dalalka Soomaaliga lagaga hadli jirey ay
    
    u doorbidayaan in ay afaf kale ku hadlaan ama wax ku qoraan, waxa cad in af Soomaaliga
    
    ay ka muuqato astaamihii afafka khatarta ku jira. Haddii aan loo gurmanna, af Soomaaligu
    
    waxa uu ku biiri doonaa afafka lumaya. Buuggan la magac baxay Mahadhada iyo Waxqabadka
    
    Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye" ee uu qoray Cabdiraxmaan Faarax "Barwaaqo" wax weyn
    
    ayuu ka tari doonaa sidii loo hakin lahaa khatarta ku soo socota afka Soomaaliga.
    
    Markii aan akhriyey miisaanka suugaanta ee "Gaarriye" iyo gabayadiisa, iyo faahfaahinta
    
    qoraha buugga, waxaaba markii ugu horraysay igu soo dhacday in aan baran karo sida loo
    
    gabyo oo aan weliba gabayaa noqon karo. Waxa aan filayaa in akhristayaasha buuggani ay
    
    iiga markhaatiniqi doonaan dareenkaas. Aad baan ugu mahadinayaa Cabdiraxmaan "Barwaaqo"
    
    qoridda buuggan faa'iidada badan leh."
    
    Dr. Hussein Ahmed Warsame
    
    Accounting Area Chairman
    
    Haskayne School of Business
    
    University of Calgary, Canada
    
    
    B."Buuggani waa mid si yaab leh u waydaaartay hab dhigaalkii iyo sargooyadii looga bartay
    
    buugaagtii hore. Wuxuu ka baydhay qaabkii buugga u qoondaynaysey inuu ku habboonaado qaamuus
    
    ahaan ama si raadraaceed  uun loogu adeegsanlahaa. Waa  buug furaya irrid cusub oo fursad
    
    kuu siinaya in aad si cilmiyeysan u  barankarto  maansooyinka Gaarriye  iyo kuwa kaleba.
    
    Qaabkan lafoguridda maansadu waa arrin hor leh, waana qaab doodeed habaysan. Waannu ku
    
    hanbalyeynaynaa Barwaaqo u heellanaanta dayactirka  af Soomaaliga iyo qorista buugganba."
    
    Fu'aad Sh. Abuubakar
    
    Bahda Mareegta Farshaxan
    
    USA
    
    C.  "Maxammad Xaashi Dhamac (Gaarriye) has the unique distinction in Somali literature of
    
    being both a poet and a scholar, which is a blessing for Somali literature. But it poses
    
    a challenge for anyone who tries to do justice to Gaarriye's works because that person
    
    is required to be able to handle both Gaarriye's poetry and scholarly output. In his
    
    insightful and multi-layered book "Mahadhada iyo Waxqabadka Maxamed Xaashi Dhamac"
    
    Mr. Barwaaqo has met the challenge. This book is an excellent introduction to
    
    Gaarriye's poetics. It is illuminating and a pleasure to read."
    
    Jamaal Cabdi Gaboobe,
    
    Seattle, Washington University, USA
    
    Maxay aqoonyahannadu ka yidhaahdeen "Gaarriye" laftiisa?
    
    A. "Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye" waa aabbaha miisaanka maansada Soomaaliyeed,
        waana Al- Khaliilka Soomaalida."
    
    Dr. Martin Orwin
    
    School of Oriental & African Studies,
    
    London, UK.
    
    
    B."Gaarriye waa labada gabayaa ee Soomaaliyeed ee ugu waaweyn kuwa hadda nool mid ka
    
    mid ah. Waa gabayaa wax weyn ka taray casriyeynta maansada Soomaaliyeed. Waana caalim
    
    qoto dheer leh oo ka sal gaadhay habka maansada Soomaaliyeed ay ku dhisan tahay."
    
    Dr. Georgi Kapchits
    
    Moscow University, Moscow
    
    Russia
    
    
    Qore: Cabdiraxmaan C. Faarax "Barwaaqo"
    
    Soosaare: Hal-aqoon publishers
    
    Afka: Soomaali
    
    Daabacaaddii: 1aad
    
    Gu'ga uu soobaxay: 2007da.
    
    Qiimaha:  US$22.71
    
    Inta bog ee uu yahay: 284 bog
    
    Jimidhka: 6x9 xubnood
    
    ISBN: 978-0-9699009-4-8
    
    
    Weydiintu waa sidee loo helayaa ama halkee laga helayaa?
    
    
    Qiimaha iyo sida aad u dalbanaysaba halkan ka eeg:
    
    
    www.lulu.com/content/1258375
    

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.