Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Googaalaysi | 

Tusmada

Hordhac
                            Googaa

Cigale

Carab Jalqo

  Googaalaysi

"Waa la soo dhawaynayaa waxaad nagu soo kordhinayso iyo tii aad si ka duwan u maqashayba"

Googaalaysigu waa hadal murtiyeed ,dahsoon ,xambaarsana xikmad dheeraada oo lagu ladhay. Wuxuu yahay ciyaar leh madadaalo hor leh wadatana watrar fiicana u leh koritaanka luqada iyo caqligaba. Haddaba waxaa nasiib daro wayn ah , dagaaladii xaq u dirirka ahaa ka dib, luqada soomaaliyeed gaar ahaan suugaanta hadal iyo hawrarba lahayd sida gabayadii, buraanburkii, googaalaysigii, maahmaahyihii , sheekhooyinkii dhalaanka iwm in ay ka baxeen nolol maalmeedka ummada . Googaalaysigu waxay si aad ah uga muuqan jireen nolol maalmeedka bulshada ,oo had iyo jeer qurxin jireen haasaawaha, gogol fadhiga , iyo hadal maalmeedka joogtada ah eey umaddu is waydaarsanayso.Si loo daweeyo dhibaatadan waxaanu halkan ku soo bandhigaynaa googaalysiga inta aanu ka ururin karnay ilaa iminka, wixii kalee aanu ka ururinana waanu ku daraynaa
Googaa

1. Afar gamuun god ku yoontay
2. Awr madoobi abaar qooq
3. Dudumo yar hoosteed duumo kugu legeday
4. Wax so' leh,oo sar leh,oo suun leh,oo seedo leh,oo sanuun leh,oon nina sooryo ku deeqin
5. Ul qurux badan qaadan waa
6. Injir mara siddeeda qabta,oo mara sagaala huwan, oo wiyil daadihinaysa,oo maroodi dhegta haysa oo riyo daad ka eryaysa
7. Durguf durguf duul wada socda
8. Cigalee carmaanso
9. Hal madoobi hawd miratay
10. Habar belo ah,hadhuub buqul ah iyo riyo boqol ah
11. Isgaduudis,isgaruubis aan la guursan
12.Sii waf soo waf aabbow samatar saakana waa ikan
13.Wax fara fara leh fara shaydaan leh sanqorafan leh
14.So big si big saylan bililig abow samater sa kuna wa kaa
15.Gunti macan geed la fuul
16.Ban ban dhallay, ban ulo dhalay, ulo afeef dhaly, afeef uus dhalay
17.Wax cirka taar ku lehku leh,dhukla taar kunleh,tagoogo orgi leh,oo tunka shaash ku leh
18.Odey kacsaday kugu kexee
19.Gurigayagu waa wada ul oo ul laqaato maleh
20 siniin miniin soor aan ku deeqin?
siniin miniin socod aan ku dayn?
siniin miniin sabarad aasan?
1)Xaawa dheer cirka xaabo ka doontay
2)Dundumo yari duumo kaa xoortay
3)Awr madoobi abaar qooq
4) Geedka yaroow miro bucur
5) laba sac saantoodaa isleeg
6)Kelli faw tiri ,kabaal dabayaal,kacoo soo qabo
7)Waxdooxan oo dabran oo hadana daaqa
8)Wax dheer oo dheer oo haddii la dhereriyana naas riyaad gaadhayn
9)Afar nin oo gogol ku wada fadhiya oon hadana gacan qaad isla gaadhin
10) silsilad qubatay sidee loo guri karaa
11)Mulac mandheer jiid
12) Gurigaanu ka guurnaba wuxuun baa sii eegaya
13)Karin baan ka soo dhaxay,oo karin kalaan ka soo dhacay,
saa waa abtigay hagar oo hargo duubaya.
14) Wax boqol ilig leh oo aan baruur kala goyn.
15) Malakh malakh ma laqanyooto..
16) Wax cirka taar ku leh,dhulka taar ku leh,tagoog orgi leh,
oo tunka shaash ku leh...
17) Xagga gabi oo xagga gabi guntu walac.
18) Nin xun oo hun xun huwan
19) Nin cas oo ceel ku jira.
20) Ubadayda siti-siti ,sabar xariir, Ilaahay mooyee
aadmi ma furi karo.
21) Waxaan biri goyn oo af gooyo.
22) Qaalmo dgega laa dhudhub soo galay.
23) Wax kun baal leh oon bad ka boodin.
24) Meeshaan maroo muuqaa la waa.
25)Subax walba markaan adhiga sii daayo waxaan arkaa wankii adhiga u waynaa oo xerada galgalanaya.
26) Xerayadu waa wada uloo ul la qato ma leh..
27) Rukin rukin reerka ku meer..
28) Giraangir gabi ku taal.
29) Diilima cas dugsi fadhi.
30) Ayeyday daba yar dabaysha ma gaadho.
31) Carraba-shaalaa galool hoostii geel ka soo rogay.
32) Sac la qalay feedho qayax.
33) Sicii kal hore la qalay,saantiisii gugay orgootay..
34) Wax so' leh,oo sar leh,oo suun leh, oo seed leh,
oo aan rag sooryo loogu gaynin.
35) Habar belo ah,waxaro boqol ah,haruub buqul ah.
36) Arigeena baan la soo jiray oo miyirkaygii baan mus xaluushay..

Cigale

1. Waa afarta naas ee hasha
2. Waa dheriga karaya
3.Waa hurdada
4.Waa mijaha xoolaha
5. Waa maska
6. Waa beenta
7. waa daayeerada
8. Waa diin carmo cunaya
9.
10.
11.
12.
13.waa ibliis lacanatullaahi calayhi
14.
15.waa nafta
16.
17.waa dabaysha
18.
19.Geesaha riyaha.
20. 1) Waa dabaysha
2) Waa lulada
3) Waa dheriga karaya.
4) Waa madiga xoolaha leh.
5) Waa cirka iyo dhulka.
6) Waa dhuusada.
7) Waa makiinada gadhka .
8) Waa wadada..
9) Waa naasha geelaha..
10) Waa dhogorta adgiga..
11) Waa irbada iyo dunta ku lifaaqan
12) Waa gambada dumarka.
13) Waa xaar walwaalka.
14) Waa aloolka
15) Waa mindida.
16) Waa coomaadiga ama nooc ka mid ah gorgorka..
17) Waa doobiga caanaha..
18) Waa duqsiga..
19) Waa carabka..
20) Waa gabadha uurka leh.
21) Waa garta ama meherka..
22) Waa daadka..
23) Waa maroorada..
24) Waa raadkaaga oo roob ka daba da'o
25) Waa gafanaha.
26) Waa lisinka..
27) Waa hilqadaha..
28) Waa ugaarta..
29) Waa takarta..
30) Waa dhuuga..
31) Waa inta aan aqalka dadabta la saarin..
32) Waa geed cawaalo baxay..
33) Waa mijinta sakaarada..
34) Waa qoraxda, xidigaha, iyo dayaxa.
35) Waa usha..
Carab Jalqo(Tongue Twister)

1) Biciid barqo daaqay, jilbo baldhaq..
2) Abtigay kol i wad kol is wad..
3) Abtigay sangaduud,sabeentiisa sal gaduud,soofkii shalayto,
shalayto hadaaya,mar i wad mar is wad..
4) Diin god gal, god goray gal,goray god gal,god diin gal..


Soo bandhige: Fu,aad Sh. (Bahda Mareegta Farshaxan)
Xigasho: Wargeyska Hal-aqoon ,
     Buuga Kaydka Aqoonta,
     iyo Bahda Farshaxan.
Copyright �2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.
 
 |