Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Farshaxan Amman Farshaxan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

  

“Bal eeg wejigaagan heeran, Maxaa haragii ka saaray”

    
    
     Muuse F. Jaambiir – Faaqidaad ku saabsan dhibaatada quruxda samayska ah
    
    
    
     Waayadan dambe waxa si xad-dhaaf ah u soo kor-dhaya dhaqamo iyo caadooyin
     aanay hore guud ahaan bulshada Soomaalidu u lahayn ama ugu abtirsan jirin,
     balse hadda si weyn uga dhex bidhaamaya geedi-socodka nololeed ee dadka
     Soomaalida.
    
     Dhaqamadaa iyo caadooyinkaa cusub ee soo kordhaya waxa ka mid ah:
     hab-dhaqan cusub oo ay haween badan oo da’kasta lihi ku dooriyaan
     midabkoodii iyo quruxdoodii dabiiciga ahayd ee illaahay u sameeyey
     ama u dhaliyey, iyaga oo jidhkooda u isticmaalaya waxyaalo kiimikalis
     la isku dar-daray ah oo khatar ah, iyadoo kiimikaliska ay oogadooda
     marinayaan aan looogu talo gelin haba yaratee in sidaa loo isticmaalo.
     Daawooyinka kiimikalka ah ee ay haweenku midabkooda ku dooriyaan waxa
     ka mid ah, uguna halisaysan Bet-novate iyo Der-movate, inkasta oo aanay
     ka dhicin wal-xaha kale ee kiimkada ah ee ku lamaaniba.
     Hase yeeshee sida ay dhakhaatiirtu marar badan cadeeyeen labada daawo
     ee Bet-novate iyo Der-movate waa kuwa ugu khatarsan alaabooyinka
     kiimikada ah ee ay haweenku ku suuliyaan ama ku tir-tiraan dunta sare
     ee midabkooda.
    
     Waa suuragal inay dadku siyaalo kala duwan u arkaan dhaqnkan, laakiin
     waxay xaqiiqdu tahay inuu dhaqankani noqday bal-wad si ba’an u saamaysay
     haween aad u badan oo marba marka ka dambaysa tiradoodu soo badanayso.
    
     Inkasta oo laga yaabo in haweenka daawooyinka kiimikalka isku cadeeya uu
     hankoodu siiyey ama ay u arkaan inay sidaa ku raadiyaan qurux saayid ah,
     haddana waxay xaqiiqdu tahay inaanay sidaa cidina ku helayn qurux iyo
     bilic ka duwan ama ka saraysa tii Illaahay qofka u abuuray.
     Ta kale waxa, iyadana marag ma doon ah in dheefta keliya ee ay haweenka
     sidaa yeelaa dhax-layaan ay tahay meel ka dhac diimeed, caafimaad daro
     soo waajahda naftooda, burbur dhaqaale, tamar daro shaqo IWM.
    
     Sida ay xaqiijiyeen war-bixino caafimaad oo ay dhakhaatiirta qaarkood ka
     soo saareen arintaa waxa la sheegay inay boqolaal haween ahi la soo
     xidhiidheen goobaha caafimaadka, taas oo ay dhakhaatiirta war-bixintaa
     soo saaray tibaaxeen inay haweenkaasi ka cabanayaan xanuuno badan oo ay
     ka dhaxleen isticmaalka daawooyinka kiimikalka ah ee isku qurxiyaan.
     Hase yeeshee iyadoo ay arintu sidaa tahay ayaa haddana waxa taa barbar
     taal inay jiraan haween badan oo u hammuumaya inay yeelaan sida ay
     qayrkood yeeleen, taas oo u muuqata inaanay ku xisaabtamin ama aanay
     dersin dhibaatada ay arintaa kala kulmeen haweenkii uga horeeyay.
    
     Si kastaba wax haw jireene war-bixinaha caafimaad ee ay soo saareen
     dhakhaatiirta qaarkood waxa lagu tibaaxay in haweenka goobaha caafimaadka
     la soo xidhiidhay ay qaarkood markii ay goobta yimaadeen ay wejiyadooda
     qarinayeen, iyadoo ay dhakhaatiirta warbixintaa soo saaray xuseen in
     sababta ay haweenkaasi wejiyadooda u qarinayaan ay tahay raadad caafimaad
     daro iyo boogo ay wejiyadooda ku reebeen daawooyinkii ay isticmaaleen,
     sida: dil-dilaacyo iyo nabaro caabuq ka muuqdo.
    
     Dhinaca caafimaadka ka sokow bal-waddan is-cadaynta dhinaca maqaarka oo
     agu naanayso (Buufis) waxay saamayn weyn oo dhaqaale ku yeelatay dhinaca
     nolosha mujtamaca guud ahaan, gaar ahaana geedi-socodka nololeed ee qoyska,
     sababta oo ah haweenka daawooyinkan isticmaalaa waxay had iyo goor u
     baahdaan dhaqaale ay ku daboolaan baahida bal-wadooda, taas oo haddii ay
     haweenaydii bal-wadaa lahayd ay waydo dhaqaalihii ay ku baahi bixi lahayd
     ay xaaladeeda nololeed la soo dersayso wer-wer iyo wal-bahaar, taasina
     waxay keentaa inay goor walba heegan u noqoto ama ay aad isugu mashquuliso
     sidii ay u heli lahayd dhaqaale kaafiya baahida bal-wadeeda, iyadoo had
     iyo jeer ku jirta baqe joogta ah , taas oo ay ka cabsi qabto inay daawadu
     ka kala go’do oo uu jidhku waayo xiligii uu u baahnaa.   Sidaa darteed
     waxay dadka arimahan u xog-ogaalka ahi sheegeen inay haweenada bal-wadaa
     leh baahidu ku kelifto inay bal-wadeeda qayb uga qoondayso dhaqaalaha
     nololeed ama mas-ruufka qoyskeeda, waxaana taa ku kelifaya baa la yidhi
     wer-wer ay ka qabto in xili uu bal-wadeeda kal-keedii taagan yahay ay waydo
    
     wixii ay kiimikada siisan lahayd, taasina waxay lagama maar-maan kaga
     dhigtay inay had iyo goor jeebka wax ku hayso oo aanay marnaba faro-madhnaan
     ku dhicin.
    
     Sida ay xaqiijiyeen dad badani waxay bal-wadda is-qurxintu sababtay
     burburka qoysas badan, ka dib markii ay ninka iyo ooridiisii ku negaadeen
     ama ay ka bixi waayeen muran iyo qalalaase cidhibta ku haya bal-wadda
     is-qurxinta.  Hase yeeshee waxaad moodaa inaanay xoogoodu ku baraarugsanayn
     ama aanay ogaynba dhumucda dhibaato ee ay bal-waddani leedahay dhaqan
     ahaan, caafimaad ahaan, nolol ahaan iyo dhaqaale ahaan-ba , laakiin way
     jiraan dad ku baraarugsan ama ay taabatay dhibaatada meesha taal, iyadoo
     ay weliba xataa jiraan haba yaraadeene dad u ololeeya sidii wax looga
     qaban lahaa arintan .
    
     Inkasta oo aad moodo inaan arintan dhibaatadeeda si ballaadhan diiradda
     loogu hayn Af iyo Adinba, haddana waxaynu xusi karnaa dhinacyo ka hadlay
     marar dhawr ah sida: Saxaafadda iyo Dhakhaatiirta, laakiin dhinaca kalena
     way jiraan dad badan oo wax garad ah oo dareenkooda ka muujiyey ama ka
     hadlay arintan ama ay taabatay.
    
     Tusaale ahaan Ibraahin Xirsi Hurre oo lagu naanayso Dayr-waa ayaa ka mid
     ah dadka dareenkooda ka muujiyey ama ay taabatay dhibaatada bal-wadda
     is-qurxintu, sidaa darteed Ibraahin-dayr-waa mar aan la sheekaystay waxa
     uu ii sheegay inuu goob joog ka ahaa dhawr dhacdo oo ku saabsan qoysas
     burburay, iyadoo ay sababt ay u burbureena la xidhiidho muran iyo
     qalalaase dabada ku haya bal-wadda is-qurxinta, taas oo waxyaalaha la
     isku qabtay ay ka mid yihiin: Hanaankii shaqo iyo hawl-maal-meedka guriga
     ee ooridda looga baahnaa, tashiilidii masaariifta qoyska , diidmo uu ninku
     diidan yahay ama ka soo horjeedo saamaynta muuqaal iyo caafimaad ee ay
     arintaasi ku yeelanayso samayska khaaliga ah ee jidhkeeda IWM.  Sidoo
     kale ragga qaarkood iyaga oo aan meel kaleba ka eegin ayey ka xumaadaan
     ama ay ra’yul-camkooda saamayn ku yeelataa marka ay hadal-haynta ama
     doodda bal-waddaasi timaado goobaha lagu kulmo, taas oo laga yaabo inay
     xifaalaynta iyo soo hadal-qaadka bal-wadaasi ragga qaarkii si dad-ban
     dareenkiisa u saamayso, ragga qaarkiina waxa laga yaabaa inay si toos ah
     dhafoorka ugaga dhacdo, waayo waxaaba dhici karta inay dadka aad u afka
     dhanaan lihi haddii ay doonaan ku yidhaahdaan: Xaaskaaga ama gabdhaha
     aad dhashay waa buufis, taasina ay ugu yaraan dhaqan ahaan u damaqdo,
     ka dibna uu hadhow xaaskiisa ama Inantiisa ku yidhaahdo”
     Waxan maalin-walba waa nalagu caayaaye iska daaya”, halkaana uu ka
     bilaabmo muran lagaba yaabo inuu keeno heer ilaa burbur ah.  Laakiin bal
     aynu dib ugu noqono Ibraahin-Dayr-waa iyo sida uu dareenkiisa uga muujiyey
     dhibaatada bal-wadda is-qurxinta.
    
     Ibraahin Xirsi Hurre (Dayr-waa) waa nin suugaan yahan ah, gaar ahaan
     dhinaca gabayada , sidaa darteed dhibaatada arintaa ka tiriyey tix gabay
     ah oo uu ku muujinayo saamaynta ay bal-wadda Is-cadayntu ku yeelatay
     dhinacyada : Dhaqaalaha , caafimaadka, shaqada, macaamilka nolosha,
     Hiddo-samida dhaqanka , akhlaaqiyaadka Ijtimaaciga ah IWM., hadaba
     iyadoo ay Dayr-waa curinta gabaygiisu ka dhalatay sida uu sheegay qoys
     (nin iyo ooridii) oo arintaa darteed ku kala dhaqaaqsay oo uu goob
     joog ka ahaa , waxa uu gabaygiisa ku bilaabay:
    
     “Aduunyadu waa habeen dhax, hir-doogliyo hadimo weeye.
     Hammaa dadka lagu abuuray, markuu hano-qaado ruuxu.
     Wuxuu qayrkiiba haysto, u hawl-gal inuu haleelo.
     Haweeyaay hadaladaydu, hareer bay kaa maraanoo.
     Hortaada markaan imaado, anuun baa kugu harraadee.
     Hir aan ii muuqanayn iyo hilaacyaa, kuu baxaaya.
     Hawada Somaliland-ba, horaad sow uga dhaqaaqday.
     Hargaysa adoon ka dhoofin, hoollan iyo yurub buu ku geeyey.
     Hoogtooy midabkaagi hooyo, hanaankii lagu abuuray.
     Habkaagiyo haybadaadii, illaahii hore kuu sameeyey.
     Isagaan waxba kuu hambayne, Dukaanada Reer-Hargaysa.
     Sun iyo waabay la huurshey, ayey qaarkood hayaane.
     Hadaad hubkii ku jaraayey, intaad wax hagaagsan moodey.
     Naftaadii miyaad halaagtay, bal eeg wejigaagan heerran.
     Maxaa haragii ka saaray, haweenku shaqay qabtaane.
     Mad-bakhii ku hagaagi maysid, dabkaad show ku hol-cataa.
     Hadhkiina qado dooni maysid, cad-ceedaad ku hafataa.
     Sidii haan guriga taal , halkaasaad yuururtaa.
     Markaad hilib noqotay heerran, haadkii samadaa lalaayey.
     Huryadii xoolaha cunaysay, bisaaskaan ka hortaagnay.
     Digaagaa ku hungureeyey, bal inanyahay hawlahaaga.
     Xagee baan kaga hagaagi, ma hiirtaan shaqo tagaa.
     Oo hantaan kuu raadiyaa, Ma dugaagga ku haybinaaya .
     Iyo jiirkaan kaa horjooga, Markaan la hadleen idhaahdo.
     Naa haweenka xinnaha u heellan, huruud baa la marsadaa.
     Cillaanku wax hawl yar weeye, adigoo indho-kuul helaaya.
     Walaal hadimadan ha iibsan, hayaay bay odhanaysaa.
     Kan yaa nagu soo habaaray , halkee buu nagala qaaday.
     Anigu hanjebaad ma doono, muxuu ii huruufayaa.
     Hadii heer sare la gaadhay, Maxaa hoos noo dhigaaya.
     Hablaha Somaliland-ba, waxay hore ugu mareen.
     Hadaad ka hadh saaka leeday, heshiin maynaan ku leeyay.
     Hadana saygii jawaabyey, wuxuu yidhi huunaday.
     Oo hadaa yaa ku haysanaaya, hadhowna ku aaminayaa,
     Halkaa ka bax baan, ku leeyay. ”
     Ayuu Dayr-waa ku soo gunaanaday tixdiisii gabayga ahayd.
     Laakiin haddii aynu sheekada halkaa ka sii wadno, ma aha arintu inay
     qoysasku ku burburaan keliya saamaynta arintani ku yeelato dhinaca
     dhaqaalaha ee sida aynu xagga horeba ku soo sheegnay surimo badan bay
     bal-waddani uga soo wareegtaa burburinta qoyska .  Tusaale ahaan rag
     badan ayey ooryahoodii kala dhaqaaqeen oo dalaaq u dedejiyey, ka dib
     markii ay suulisay midabkeedii Illaahay u abuuray ee uu markii uu
     guursanayey ku cal-maday. Laakiin si aynu u dhadhamino xaqiiqda ah in
     ay nin iyo Ooridii ku kala dhaqaaqeen keliya maxaad midabkaagii u bedeshay,
     bal aynu tusaale u soo qaadano qiso arintaa la xidhiidha oo ka dhacday
     magaalada Hargaysa.
    
     Raage waxa uu u dhashay Somaliland, wuxuuse ka mid yahay dadka ka xoogsada
     dalka boqortooyada Sucuudi-Arabia, halkaas oo uu ka shaqaysanayey muddo
     ilaa 20 sannadood ku siman , laakiin saddexdii sannadood-ba mar buu soo
     gaadhi jirey Reerkiisa (Xaaskiisa iyo Caruurtiisa) oo degan magaalada
     Hargaysa, mararka qaarkoodna waqti saddex bilood ka yar ayuuba maqnaan
     jirey.
    
     Raage waxa shaqada ka soo geli jirey dakhli aad u buurran , taas oo
     dhaqaale ahaan u saamaxday inuu ugu yaraan ilaa dhawr guri ka dhisto
     magaalada Hargaysa iyo weliba dhawr baabuur. Raage waxa u dhaxday Marwo
     uu aad u jeclaa, taas oo uu quruxdeeda ku il-doogsan jirey, waxa uu
     magaceedu yahay Khadiija waa gabadh joog iyo jamaal-ba rabbi qurux kun
     mannaystay, islamarkaana dabeecad sami iyo akhlaaaq wanaag eebe ugu deeqay.
     Khadiija runtii may ahayn qof aad u cas, laakiin waxa uu eebe ugu deeqay
     midab aad qaali u ah, waxaana weeye maariin dhalaal badan oo weliba casaan
     xiga, midabkaasina waa midabka uu Raage ugu jecel yahay midabada haweenka
     qurux ahaan, waana midabkii indhihiisa soo jiitay markii uu guurkeeda u
     geed fadhiisanayey, wuxuuna ilaa hadda ku qanacsan yahay midabka Ooridiisa
     oo uu u arko midabka dunida ugu quruxda badan, laakiin Khadiija oo hooyo
     u ah qoys dhaqaale ahaan aad u ladan, waxa dhegeheeda ku batay sheeoko
     dumar, taas oo lagu dacaayadaynayo inay tahay qof aan waqtiga la socon,
     iyadoo ay dumarku aad ugu diseen inay ka guurto midabkeeda, iyaga oo leh
     “Allaah , naa inan rag lama maleeyo ee waxba ha eegan waxan uu lacag iyo
     dahab kugu dal-dalayo’e waxa laga yaabaa inu ku naco haddii aaddan
     is-qurxin , waayo inan rag midab cas baa laga raacay ee Maxaa kuu diiday
     quruxdan agtaada taal, ileyn aduunna ka wer-weri mayside”.
     Sheekadu dhegeheeda ayey ka badatay oo maalin-ba xaawaley baa weedho
     cusub kula soo kaahimanaysa.
    
     “ Khadiija weligaaba gud-curkaagaa iska dhex gud, wallee beri baad arki
     doontaa isaga oo mid yar oo cas kula agyimi, naa heedhee doqoneey miyaadan
     arag heblaayo iyo heblaayaba shalay digsi dabadii ayey madowga u ekaayeen,
     maantana maan-sha’alaa shaydaanka ayaad ka naaraysaa quruxda iyo dhalaalka
     ka muuqda oo cadaanta waxaad moodaa Biritish”.
    
     Weedhahaa iyo kuwo kale oo badaniba waxay Khadiija kaga soo butaacayeen
     haweenka ay bal-wadda is-qurxintu meel dheer la tagtay, iyadoo laga yaabo
     inay sababo badan kala duwan Khadiija ugu riixayaan inay ku soo biirto,
     tusaale ahaan waxa laga yaabaa inay qaar badan cidhiidhi kala kulmaan
     halista kiimikada is-qurxinta, sidaa darteed ay doonayaan inay la bal-wad
     noqoto ka dibna ay dhaqaalaha la dhuuqaan.
    
     Khadiija Inkasta oo ay dumarku olole xoog leh ku qaadeen, haddana hore
     uguma ay deg-degin ee muddo ayey ka dhego adaygtay, laakiin markii ay
     dhashay da’dii shanaad ayey waxoogaa ka webisay midabkeedii oo ay isu
     aragtay inuu waxoogaa diirkeedu soo madoobaanayo, sidaa darteed waxay
     u soo debecday sheekadii haweenka, waxayna isku qancisay in si ay
     saykeeda u kasbato oo aanu gabaw iyo habarnimo ka dareemin inay
     isticmaasho daawooyinka la isku qurxiyo si ay u hesho midab cas.
    
    
    
          

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.