Shirkii Mingeste iyo Afweyne
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale
Sida laga wada war-qabo beryahan danbe oo dhan, waxa BBC-da ka
baxa barnaamajyo taxane ah oo loogu magac-daray “Taariikhda
Soomaaliyeed” kuwaas oo idaacaddaa laga baahiyo habeen kasta
oo Axad ah.
Barnaamajyadan waxa lagu wareystaa dad aanay dhegaystayaashu
garanayn sababaha ama siyaabaha lagu doorto. Dadkaa laga wareysto
Taariikhda Soomaaliyeed waxay u badan yihiin dad ka tirsanaan jiray
nidaamkii Siyaad Barre, kuwaas oo aan inta badan ka run-sheegin
dhacdooyinkii ay goob-joogga u ahaayeen ama dhagartii aan qiyaasta
lahayn ee laga galay dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
Bal mararka qaarkood waxaabay u muuqdaan ama iska dhigaan qaar nasteex
u ahaa shacbiga Soomaaliyeed, taas oo uu garan karo qof kasta oo
xogogaal u ahaa wixii Soomaaliya ka dhacay.
Iyada oo ay marka horeba mugdi ku jirto sida dadkaa lagu soo xushaa ama
waxa loogu xisho in ay helaan fursado ay ku baahiyaan wax aan u cuntamayn
dadka Soomaaliyeed in badan oo ka mid ah, ayay hadda na ka sii yaab badan
tahay in fursad la siin waayo dadkii ka soo hor jeeday ama fikirkooda
wax ka sheegi lahaa. Waxa laga hadlayaa waa Taariikh,waana mowduuc aad u
murugsan oo la isku khilaafi karo amaba la isku maan-dhaafi karo. Weliba
waa taariikh Soomaaliyeed.
Kaaga sii darane waa iyadii oo aan qornayn ee odhaah ah, marka ay sidaa
tahayna in lagu murmaa wax la yaab leh ma aha.
Tusaale haddaan soo qaato, 28/12/2003dii oo habeennimo Axadeed ahayd
ayay BBC-du wareysatay Cabdiraxmaan Jaamac Barre oo sheegay in ay SNM ku
gacan-saydhay Dawladdii Siyaad Barre oo u soo jeedisay in la wada hadlo.
Weriyuhu ma weydiin Cabdiraxmaan Jaamac Barre goorta ay ahayd? Meesha ay
ahayd? Iyo cidda ay SNM kala kulmeen. Waa su’aalaha aasaasiga ah ee
saxaafaddu ku socod-barato.
Toddobaad ka dib isla barnaamajkaa waxa habeennimadii lagu wareystay Axmed
Maxamed Siilaanyo oo ahaan jiray Guddoomiyihii SNM.Iyada oo uu Aadan Nuux
Dhuulle barnaamajkaa gadh-wadeen ka ahaa labadaa habeenba, Axmed Siilaanyo
muu weydiin in ay arrintaa wada-hadallada ee la sheegay in SNM ku
gacan-saydhay wax ka jireen iyo in kale. Ma barnaamajyada ayaan u taxnayn
weriyayaasha BBC-da? Ma iyaga oo aan waxba diyaarsan ayay dadka wareystaan?
Mise waxay ku talo-galeenba in ay sidaa wax u dhacaan? Waa arrimo
is-weydiintooda leh.
Saddex toddobaad (Axadood) oo is-xigay oo ka soo bilaabmayay 28/12/2003dii,
waxa Heshiiskii Siyaad Barre iyo Mengistu Xayle Mariam ee 1988kii laga kala
wareystay:
Cabdiraxmaan Jaamac Barre iyo Maxamed Cabdi Gabboose,
Axmed Maxamuud Siilaanyo iyo Axmed Mire,
Axmed Maxamed Aadan (Qaybe),
Aniga oo mowduuca laga hadlayo xiisaynayay xogogaalna u ahaa markaan dhinaca
SNM ka soo joogsado ama aan cuskado wararkii rasmiga ahaa ee ay na siiyeen
madaxdii Itoobiyaanka ee Heshiiskaa goob-joogga u ahayd, waxaan isku dayay
in aan BBC-da la xidhiidho. Aniga oo idiin soo koobaya, Aadan Nuux Dhuulle
ayaan E-mail u diray. Waxa ii xigay Axmed Xasan Cawke oo aan tilifoon kula
hadlay oo ii sheegay in uu arrintaa Aadan Nuux Dhuulle kala hadli doono.
Mar labaad ayaan Aadan Nuux Dhuulle E-mail u diray in kasta oo uu fasax ku
maqnaa. Waxba yaan hadalka idinku daallinne, aakhirkii Yuusuf Garaad ayaan
la hadlay waxna kama suuro-gelin in kasta oo uu tilifoonkaygii iga qortay
oo uu iga ballan-qaaday in uu ila soo hadli doono.
Marka hore inta aanan dulucda qormadaydan u gelin, laba halba aan idhaahdo:
Hal waxaan ka leeyahay wareysigii Cabdiraxmaan Jaamac Barre, halna waxaan
ugu marag-furayaa Maxamed Cabdi Gabboose oo si mowduuciya (objective) ah
arrimihii uu soo qaaday uga hadlay.
Cabdiraxmaan Jaamac Barre waxaan ku leeyahay: “Wada-hadallo ay SNM ku
gacan-saydhay ma jirin.” Intii aan SNM ka tirsanaa waxaan ku jiray
hay’adaheeda hoggaaminta, marka aanan hay’adaha hoggaaminta ee SNM ku
jirinna, waan ka ag dhawaa. Arrintaasi mid marna gole timid ma ahayn.
Cabdiraxmaan Jaamac Barre wuu is-moodsiiyay in uu SNM la xidhiidhaye,
waxay u badan tahay in uu arrintaa kala hadlay niman Isaaq ah oo Xamar
la joogay.
Cabdiraxmaan se wuxu mooggan yahay in aanu Isaaqu SNM wada ahayn. Ha u
bateene, SNM ma wada ahayn ayaa lagaa yidhi.
Dr. Gabboose wuxu wareysigiisii BBC-da ku sheegay in Siyaad Barre
gobolladii woqooyiga u soo ambo-baxay si uu indhihiisa ugu soo arko ka
dibna ku tallaabsado sidii uu maamulkiisa wax uga beddeli lahaa. Sidaa
ayuu Jabuuti ku yimid 1987kii. Mengistu Xayle Mariam ayay is-arkeen.
Kulankaa dabadii, Gabboose wuxu inoo sheegay in Siyaad Barre ciddiyo
libaax yeeshay oo aanu ahayn kii Xamar ka yimid, bal se talo kale
oo aar-goosi ahi ku dhalatay. Dr. Gabboose waxaan ugu marag-furayaa
warar ay I siiyeen odayaasha Reer Gebilay mar ay Siyaad Barre
oo jidka soo maray halkaa kula kulmeen.
Waxaan soo xiganayaa war-galeenkii looga-qaateenka ahaa ee Chief Caaqil
Maxamed Ibraahin Khaliif, naxariistii Janno Ilaahay ha siiyee. Maxamed
Ibraahin Khaliif wuxu ii sheegay in uu Siyaad Barre ku yidhi: “Waxaan
jeclaan lahaa in maanta cimrigayga labaatan sannadood dib la ii celiyo.
Markii ay sababta weydiiyeenna wuxu ugu jawaabay:Waxaan u joogi lahaa
waxaanu rag kala yeello.” SNM ayuu u jeeday. Siyaad Barre wuxu aamminay
haddii uu Mengistu la heshiiyo oo SNM meesha ka baxdo in uu cid walba ka
adkaanayo. Sidii uu Dr. Gabboose sheegayna Siyaad Barre waan-waantii uu
Muqdisho kala yimid wuu ka digo-rogtay oo aar-goosi iyo cadaawad ayuu u
beddeshay. Waa halkii Hadraawiye, arartan aan ku soo xidho:
“Aafrtaa xan durugtiyo,
Danni jira wax-sheeggii,”
Docda kale aan u soo noqdo qormadaydii aan qalinka u holladay. Intaasi haddii ay
dhacday ayay ila noqotay in aan si kooban wax uga qoro Heshiiskii aan
taabbo-galka noqon ee dhex maray Siyaad Barre iyo Mengistu Xayle Mariam
1988kii. Sida aan aamminsanahay ma ahayn Heshiis laba dal iyo laba dad
dhex maray, wuxu se ahaa Heshiis ay laba shakhsi oo taladii dalalkooda
xoog ku maroorsaday ay ku muraadsada is-yidhaahdeen, waxba se aanay uga
naaso-caddaan. Runtii waxay noqotay in ay labadoodiiba eedeen oo
dagaaleen. Waxaan dib u halacsaday Buug aan ku ururiyay
Xusuustayda Halgankii Hubeysnaa ee SNM oo la yidhaa: “Dharaaraa na soo
maray”, oo weli qabyo ah, in kasta oo aan is-leeyahay intiisii badnayd
way qorantay. Waxa laga yaabaa in aanay adkayn in qof xusuustiisa qoraa,
marka se laga hadlayo halgankii hubeysnaa ee SNM inta qof ahaan iigu
beegmaysa iyo inta la iga filayo ayaan is-lahayn. Inta qof uu qaban karo
ayaaba iska kooban. Waa hawl ay hay’adi qaban lahayd, fallaadhi se
gilgilasho kaagama go’do. Geeddi (Chapter) Buuggaa qabyada ah
ku jira ayaa ku saabsan Heshiiskaa hagaasay ee Siyaad Barre iyo Mengistu
aanu midkoodna midhihiisii goosan, bal se soo deddejiyay dhicistoodii.
Burkaba bahal kama ay filan, shakina kuma jiro in ay nimankaa odayaasha
ahaa tiradii ka gedmatay oo ay gudcur gudayeen ama ay lafba toobin ku
hayeen. Qalinkii ay saxeexaa ku duugeen way eedeen oo dagaaleen.
Aniga oo aan Geeddiga Buuggaa qabyada ah ku jira sidiisii u soo wada
qaadnayn oo uu badan yahay, bal aan wax idiin ka soo garooco. In aan
mowduucan ka hadlo markii aan goostay, waan ka maarmi waayay in aan raad-
raac ka dhigto. Waan idiin soo koobayaaye, dhareerka ceshada oo yaanu
hunguri idin qaadin. Aan maalin-qorkaa idiin qodobbeeyo, aniga oo meelaha
qaarkood ku yar hakan doona: Heshiiskii Siyaad Barre &
Mengistu Xayle Mariam: Siduu Axmed Maxamed Aadan “Qaybe” BBC-da
ka sheegay heshiiskaa waxa saxeexa lagu duugay 3/4/1988kii. Muqdisho ayaa
lagu saxeexay. Habeenkaa BBC-da lagu wareysanayay waxa jirtay su’aal
Qaybe la weydiiyay oo aanu ka jawaabin. Yuuusf Garaad wuxu weydiiyay
“Qaybe”: “Maxaa Heshiiskaa loogu saxeexi waayay Jabuuti ee la isku
diiday?” Qaybe wuxu ku jawaabay: “Wallaahi tafaasiishii ma xusuusni.”
Waxa kale oo uu Qaybe habeenkaa BBC-da ka sheegay in ay Siyaad Barre iyo
Mengistu oo laba turjubaan la joogeen ay shirsanaayeen muddo lix
saacadood ah. Maxaa haddaba arrimahan ka jiray? Maxaa Heshiiskaa
Jabuuti loogu saxeexi waayay? Maxaa se maalmo yar ka dib Muqdisho loogu
saxeexay? Haddii uu Axmed Maxamed Aadan “Qaybe” la socday
wefdigii Maxamed Siyaad Barre, aniga oo la socday wefdigii Guddoomiyaha
SNM ee 1988kii Adis-Ababa wada-hadallada u tegay, waxa noo warramay
madaxdii Itoobiyaanka ahayd ee wefdigii Mengistu Xayle Mariam la socday.
Waxaan soo xiganaya hadal-qorkii aan ka qaaday laba nin oo mas’uuliin
ahaa oo aanu berigaa kula kulannay Hudheelka Guennet ee Adis-Ababa.
Waxaan xiganayaa Ato Demise tafarre oo ahaa Jeneraal hawl-gab ah oo
Mengistu kala talin jiray arrimaha Soomaaliyeed iyo Ato Mogus Habte
Mariam . Si aad u qiimaysaan nimanka aan xiganayo aan ku yar
hakado
Xigasho:
M. Amiin Jibriil
|