Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

Yuusuf-Hogaamiye Kooxeed

    
    
    Idaacadda BBC-da oo uu Afduub ku haysto Yuusuf Garaad Cumar oo ah hogaamiye kooxeed  u haysta in aan la
    ogeyn. Posted to the web 20-09-2004 Idaacadda BBC-da oo ah mida ugu caansan raadiyayaasha ku hadla afka
    soomaaliga ayaa gabtey howsheedii oo isu rogtey goob lagu xayaysiiyo qaar ka mid hogamiya kooxeedyadda
    ku hardamaya soomaaliya
    
    Sida aan ka heley ilo xog-ogaal ah oo ka warhaya qolka yar ee ay Idaacadda BBC-du ugu deeqdey kontomeeyo
    sanno ka hor dadka ku hadla afsoomaaliga, si ay ula socdaan isbadalka caalamka, ayaa baryahan danbe ku
    mashquushey in ay kala faquuqdo dadka soomaaliyeed oo ay ka tagto dhexdhexaadnimadii lagu ogaa intii
    usan Yuusuf Garaad Cumar u noqonin madaxda.
    
    Yuusuf Garaad oo ah madaxa tafa tiraha ee laanta afsoomaaliga ayaa si toos ah u cadeysatey inuu u
    maamusho siduu rabo nusa saacahaas loogu talagaley soomaalidda oo dhan in loogu faa`iideeyo. Wuxuu ka
    takhalisey dhamaanba dadkii khibradda u lahaa wariyaddanimada ee idaacadda uga soo horeeyey, isagoo
    keensadey dad ay isaga isu dhaw yihiin isku mabda`na yihiin.
    
    Sida dad badan oo aqoon dheeraad ah u leh kana warhaya maamulka qolkaas yar, ay shegeen, waxaa u dhiman
    oo kaliya Yuusuf Garaad inuu qaato qoriga oo uu dagaalka galo marka loo kuur galo qaabka uu wararka iyo
    barnaamijyadda idaacada u maamulo, balse waxayba leeyihiin hadii uu soomaaliya xiligan joogi lahaa wuxuu
    ka mid noqon laha kuwa ugu caansan ee wadda dagaalka.
    
    Yuusuf Garaad waxay isu xigaan oo ay jifo yihiin nimanka ay gacan saarka leeyihiin Col. Barre Hiiraale
    oo ay is hayaan Gen. Morgan, ee .dagaalka qaawan ku soo qaadey degmadda dhoobley, kuwaas gubay
    matooradii ceelasha ee ay dadku biyaha ka cabi jireen.
    
    Si aad maqasheen ama ay saxaafadu soo tabisey wuxuu Yuusuf Garaad is hor taagey inuu soo tabiyo baaq ay
    soo saareen dadka nabada jecel iyo qaar ka mid ah odayaasha dagaankooda lagu hardamayo oo aan lug ku
    lahayn dagaalka, isagoo ay ujeedadiisu tahay inuu caalamka ka qariyo nimankaas isku qarinaya boodhka ee
    ku gabanya diinta islaamka ee sharafka badan.
    
    Waxaa taas sii dheer inuu Yuusuf Garaad caadeystey in uu faaf reeb ku sameeyo wararka ay soo dirayaan
    wariyayaasha xog-ogaalka ah xaqiiqda jirta oo uu kaliya kala baxo inta uu is leeyahay waxay dani ugu
    jirtaa dadka aad isu dhaw yihiin ee ku faraxlanaya dhiiga islaamka.
    
    Yuusf Garaad oo uu adeer u yahay C/qaasim Salaad Xassan oo ah madaxweynaha dawladii lagu soo shuumey
    magaaladda Carta ee dalka Djabouti ayaa had iyo goor si ba`an u weerara cidii uu arko in ay ka soo
    haorjeedo maamulka odeygaas iyo waliba qaar kale oo badan.
    
    Maalinimadii ay Yuusuf ina dhaga cade iyo Axmed Warsame soo weerareen dhoobley, wuxuu tafatire Garaad si
    toos ah been uga sheegay cida weerarka ku soo qaadey Dhoobley oo uu ku sheegey in ay ahaayeen oo kaliya
    Dooxadda Jubba, halka inta badan Ciidankii Col. Barre Hiiraale ay ku sugnaayeen agagaarka Magaaladda
    Kismaayo oo doonayeen in ay ka difaacaan Gen. Morgan, ayna ahaayeen kuwii soo weeraray magaaladda
    ciidamo ka amar qaata labada nin Xassan Dahir Aweys iyo Yuusuf Indha cade oo labaduba ay jifo yihiin
    Yuusuf Garaad..
    
    Si kastaba ha ahaatee wuxuu si badheedha ah oo aan geed ku gabad lahayn tafatire Garaad u joojiyey baaq
    ay soo saareen qaar ka mid xubnaha Baarlamaanka iyo odayaasha Beesha Absame.
    
    Isku soo wada duuboo waxay idaacadaasi noqotey goob ka mid ah goobaha ay xooga ku haystaan hogaamiye
    kooxeedyadda soomaaliya; Yuusuf Garaadna waa mid ka mid ah hogaamiye kooxeedyadda soomaaliya.
    
    Xigasho: SomaliTirbune.com
    
    Kismayo.com
    
    http://kismayo.com/news/2004/sept/Yusuf%20garad.html
    
    

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.