Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

Isbedelka BB-ca

    
    Laanta Soomaaliga ee BBC-du waxa ay shaqadeeda bilawdey 18-kii Luuliyo, 1957-kii, waxaana lagu bilaabey
    in ay hadasho toddobaadkiiba laba jeer oo min 15 daqiiqo ah, hase ahaatee, si isdabajoog ah, ayaa marba
    loo kordhinayey muddada idaacadda ilaa ugu dambeyntii bishii Sebtember 1958-kii laga dhigey 15-kii
    daqiiqo ee idaacadda maalin walba.
    
    Markii ugu horreysay, subaxnimada waxa la sii deyn jirey wararka caalamka, gelinka dambena waxa la sii
    deyn jiray faallo ku saabsan wararka wakhtigaas taaganaa.
    
    1dii luulyo, 1961-kii (Sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay gobanimada Jamhuuriyadda Soomaaliya)
    ayaa labadii barnaamij ee ahaa warka iyo faallada ee labada wakhti kala bixi jirey la isku darey,
    waxaana la kordhiyey oo kale wakhtigii barnaamijka oo halkii uu 15-ka daqiiqo ka ahaa ayaa laga dhigay
    30 daqiiqadood (1430 - 1500 GMT oo ku beegan 530 - 600 pm wakhtiga Geeska Africa).
    
    Ugu dambayntii 25-kii Maarso ee 2000 ayaa la kordhiyay waqtiga Laanta Soomaaliga, ayadoo uu isku badalay
    sidan:
    
    Muddadii sanadaha ahayd ee u danbeysey ayaa Laanta waxaa u suurta gashey - markii ugu horreysey - in ay
    sameyso weriyeyaal wararka uga soo dira Mugdisho, Hargeysa, Boosaaso iyo Kismaayo. Taasina waxa ay
    keentay in Laantu xog-ogaal u ahaato arrimaha dhinaca siyaasadda iyo kuwa bulshadaba ee Soomaaliya.
    
    Weriyeyaashaas joogga meelaha kala gadisan waxa ay ku dadaalaan, oo mararka qaarkoodna ay naftoodaba
    khatar u geliyaan in ay wararka soo gaaraya soo xaqiijiyaan, isla markaana ay hubiyaan wixii run ah iyo
    wixii kale.
    
    Sabti-Arbaco waxaad dhagaysan kartaan Idaacadda 45-daqiiqadood galab kasta laga bilaabo 1415 GMT
    (Waqtiga Caalamiga ah) ayadoo Khamiista-Jimcaha laga dhigay hal Saac, idaacada habeenka oo ah 30
    Daqiiqadood waxba iskama badalin.
    
    Waxaa kaloo la soo kordhiyay Idaacadda 2-da duhurnimo saacadda geeska Afrika oo u dhiganta 11:00 GMT oo
    aanu ku soo qaadanno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka.
    
    Wakhtigaas ayaa noqday wakhti aad ugu habboon dhegeysiga BBC-da ee dalalka Geeska Africa ee dadka
    Soomaaliyeed ay ku nool yihiin.
    
    Waxaa haatan BBC-da xafiiska London ka shaqeeya:
    
    Aaden Nuux Dhuulle      Aamina Musa Weheliye   Axmed Xassan Cawke
    
    Cabdiraxmaan Maxamed Aaden (Koronto)   Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq
    
    Cabdisalam Ibraahim Hereri  Maxamed Cadow Aadan  Maxamed Maxamuud Cadde
    
    Siciid Cali Muusa  Yuusuf-Garaad Cumar Axmed Yoonis Cali Nuur
    
    Cabdirisaq Xaaji Maxamed (Siraad)  Cabdullaahi Xaaji
    
    Telefoonada London:
    
    +44(0)2075571631
    
    +44(0)2075571630
    
    +44(0)2075572568
    
    +44(0)2075571632
    
    Fax:+442074971374
    
    Xafiiska Nairobi
    
    Axmed Maxamed  Cabdiraxmaan Yabarow  Cabdirisaaq Catoosh   Yuusuf Xassan
    
    Muqdisho
    
    Xassan Bariise    Farxiya Cali Qaajo
    
    Hargeisa
    
    Axmed Siciid Cige
    
    Boosaaso
    
    Axmed Kismaayo
    
    Jabuuti
    
    Maxamed Daahir  Kaltuun Maxamed Cali
    
    
    http://www.bbc.co.uk/somali/institutional/aboutus.shtml
    
    
    

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.