Qoraal caddilan
"Wax qoraal ku saabsan ama ummadeena akhris u horseedaya laanta BBC "
Dad soomaali ah baa waxay u qabaan in haddii uu qofku akhris badan yahay uu nacas noqdo, oo ay dadka u
fiican tahay in aysan waxba akhriyin si ay uga badbaadan in ay nacasoobaan. Aragtidaas waxaa malaha
keenay in dadku mar kasta oo ay waxyaalo kala duwan akhriyaan ay dabeecadohooda iyo fakradahoodu
beddelmaan, sidaas awgeedna uu qofkii akhris badani bulshada xoogaa ka soocmo marka la doodayo ama la
dhaqmayo. Haddaba in ruuxii wax faa’iidaysta ay kuwa kale liidaan oo ay bulshoweynta soomaalidu akhriska
cadaadis ku hayaan maxaa sababay?
Guud ahaan aadamiga “islafiici” ayaa qof walba ku abuuran, wuxuuna iskula fiican yahay xaaladda uu
markaas ku sugan yahay. “Qof kasta qummanihiisa ayaa qoorta ugu jira” waa maahmaah sheegaysa in ay dadka
badankoodu isu qabaan in ay fiican yihiin. Islafiicnidu dadka waa ay ku kala badan tahay, oo waxaa la
caddeeyey in haddii ay qofka aqoontiisa garashada ama cilmiga uu bartay hooseeyaan uu aad isula
weynaado. Taas waxaa keenay in uusan qofkaasi ogaan karin in ay jiraan dad ka aqoon iyo garaad
sarreeyaa, waayo haddii uusan caqli ahaan u dareemi karin qofka ka dadnimo miiggan, isla markaas uusan
ogayn cilmiga iyo sida loogu kala xeeldheer yahay wuxuu isu malaynayaa in uu asagu yahay qofkii dadka
adduunka ku nool ugu xariifsanaa.
Arrintaas waxaa lid ku ah qofka caqliga hibada ah leh oo dareemi kara in ay jiraan dad asaaggiis ah oo
ka fiirodheer, waxaa kale oo garawsho samayn kara dadka akhriska badan oo dadaalkooda ku ogaadey in ay
jiraan dad cilmi iyo caqliba ka badani. Marka dadka sidaas ah waxaa hoos u dhacaya qabkooda, waxayna u
socdaan tartiib ee santaag iyo qooq dartood afka lama ay taagaan.
Dhibaatada middaas ka daran oo in ay dadku jahliga ka baxaan kaga gudbani waa dhaqanka caamada oo ah wax
iska samaysmay ee aan waxyi soo degey iyo dadaal wax lagu salgaarey midna lagu helin. Dadka iyo
bahaayinku dabeecadaha ay iska shabbahaan waxaa ka mid ah in ay ka qaloodaan wixii ku cusub ayaga oo aan
ka baaraandegin in uu naftooda u roon yahay iyo in uu u daran yahay, ee dhaqankooda hore ku dhegaya.
Tusaale yar oo xoolaha ku saabsan baynu eegaynaa inta aynaan horay u sii daqaqamin. Idaha iyo riyaha
sida badan waxaa loo weeqaalaa xero weyn, ka dibna xeradaas mugga weyn ayaa waxaa la dhexmariyaa teed
gaaban oo magaciisa “qoqob” la yiraahdo. Habeenka ugu horreeya oo ay xooluhu xeradaas u hoydaan waa in
meesi kasta lagu khasbo qaybta uu ku xeroonayo. Markii uu hal toddobaad mid walbaa qaybtiisa ku xeroodo
haddii la damco in idaha lagu xereeyo meeshii riyaha laguma soo kari karo, riyuhuna kaba sii daran.
Sababta ay habeenkii hore xerada u diidayeen iyo sababta ay marka danbe in boosaska loo kala beddelo uga
qaloonayaan waxay la mid yihiin sababta ay dadku uga didaan wixii aysan horay aqoon, oo ay soomaalidu
qoraalka uga dibsan yihiin.
Haddii ay dadku qaabnololeed leeyihiin asaga ayey xaq u qabaan, waxayna isugu dhejiyaan si ka daran sida
ay xoolohu meesha ay barteen isugu nagiijiyaan. Xataa haddii ay aad u liitaan nolosha iyo dhaqanka ay
dadku ku sugan yihiin oo loogu yeero mid aad uga fiican waxay kaga jawaabaan dagaal iyo colaad. Sidaas
darteed halgan dheer ayaa loo galaa in dadka dhibaato nololeed laga saaro oo horumar la gaarsiiyo, maxaa
yeelay dadka badankoodu ma ay fakaraan ee waxay iska qaadaan waddadii ay ku garaadsadeen oo ay
facyaashoodii hore ka soo gaareen.
Waxaa laga yaabaa in uu boqollaalkii kun ama malyankii qofba ku jiro mid fakaraya, oo aan marmar ku
qanacsanayn in aan laga leexan jidkii horay loo hayey, ama wax dhaqankii uu haystey ka xiiso iyo nuxur
badan haddii uu helo markiiba fahmi kara, ee aan sida dadka badan dagaal kala hortegin, laakiin wuxuu
qofkaasi ka mid yahay boqollaal kun ama malyan jecel in ay cadaabka ay ku jiraan ku waaraan.
Nebiyaadii uu Alle soo diray waxay dadka ka muteen dhibaatooyin diimaha ku qoran oo yaab daban, waxaana
u sabab ahaa in aysan dadku rabin in ay ka leexdaan waddadii ay facyaashoodii tegey ka soo gaareen.
Falsafada iyo farsamada ay maanta dadku haystaan waxaa asalkeeda ogaadey dad fakarey oo ka leexday
noloshii ay aabbayaashood iyo madaxdoodu ku qanacsanaayeen.
Qof kasta oo waayadii hare adduunka wax ku soo kordhiyey waxaa dhibay dadkii la wakhtiga ahaa, oo
diiddanaa in la sheego wax aysan horay u maqal ama u arag. Badankoodu silic bay u dhinteen, qaarna si
xun baa loo diley markii ay diideen in ay ka noqdaan cilmigii iyo xikmaddii ay ogaadeen. In badan oo ka
mid ah waxaa laga qaxiyey degaankoodii, oo waxay u dalaabeen meelo kale si ay uga sabatabaxaan cadaabkii
iyo ciqaabihii ay marinayeen dadkii ay la dhasheen oo dhaqankooda ku fara’adaygayey.
Waxaa la hubaa in waxyaalaha ay dadkaas aynu sheegnay soo kordhinayeen ay dadku u baahnaayeen, laakiin
aadamiga badankoodu dantooda ma ay garan karaan, ee waxay raaci karaan wixii ay dadka oo samaynaya
arkeen. “Caado la gooyaa caro Alle ayey leedahay” waa maahmaah lagula dagaallamo horumarka ummadda
soomaaliyeed.
Waxaa laga yaabaa in fakarxumida ay dadku sidaas isu dabayaacayaan ay nolosha dani ugu jirto, oo haddii
ay kulligood fiilasoofiin noqdaan ay bulshadu si kale u dibdhici lahaayeen. Tusaale yar oo muujinaya in
ay dadku sida xoolaha yihiin in ay marmar faa’iido ku jirto ayeynu nafta iyo wadnaha ku qaboojinaynaa.
Qof fiilasoof ahi haddii uu baabuur iyo raadiye gadanayo wuxuu ku xisaabtamaa in ay shaqaynayaan oo
markii gaariga la kaxaysto meeshii la rabey lagu gaari karo, alaabtii loo baahnaana lagu qaadan karo,
raadyahana wuxuu fiilasoofku ka eegayaa in codkiisa faseex loo maqli karo. Alaabtaas uu gatay haddii
aysan ka kharaabin ilaa uu dhinto ayuu isticmaalayaa. Arrintaas waxaa keenay in uu nolosha oo dhan dan
keli ah ku salaynayo, oo uu fahmi karo in ay dantu ku jirto in gaadiidka meel lagu gaaro, idaacadahana
in wax laga maqlo keli ah loogu talogalay.
Dadka kale oo aadka u badani waxay ku xisaabtamaan waxyaalo kale oo ay metelan ka mid tahay in gaariga
ay wataan iyo raadiyaha ay dhegaysanyaan ay yihiin “Noocii ugu danbeeyey” oo ay warshaddu soo saartay.
Haddii gaarigii iyo raadiyihii oo weli cusub ay warshaddii nooc kale soo saarto lacag hor leh bay
dhiibayaan si aysan uga qadin nooca cusub oo soo baxay, waayo dadkii oo dhan baa wada iibsadey, oo waxaa
lagu ducaystaa “Ilaahow asaaggayo ha naga reebin”.
Halkaas waxaa inooka muuqata in haddii dadka intooda badani ay noloshooda falsafo iyo dhab ku salayn
lahaayeen aysan shirkaduhu waxba faa’iideen, waxaana laga yaabaa in sababta uu Rabbi dadka badankooda
indhakugaraadle xoolaha la mid ah uga dhigay ay faa’iidadaas iyo waxyaalo kale tahay. Qur’aanka
boqollaal jeer baa lagu soo celceliyey in aysan dadka badankoodu caqli iyo talo lahayn, oo weliba wuxuu
markii uu qur’aanku arrintaas ka hadlayo adeegsadaa ereyga “akthar” oo uu macnihiisu aad uga durugsan
yahay ereyga “kathiir” marka badni laga hadlayo.
Dadka badani dhibaato iyo xayiraad bay ku hayaan in ay nolosha wax cusubi ku soo kordhaan, oo inta wax
soo siyaadin kara ayaga ayaa dila, si ay u waardiyeystaan waxyaalihii ay u barteen. Dhanka kale marka
laga eego ayaga ayaa ku raaxaysta horumarkii ay markii hore la dirirayeen. Waxaa dooddaas tusaale u ah
horumarka farsamada iyo falsafada waxaa keenay dad yar oo markii ay soo bandhigeen la diley ama la
dhibay, laakiin markii ay ku adkaysteen, oo ay aragtidoodii muddo ka dib taabbaggal noqotay, waxaa ku
raaxaysta intii horay ula dirirtay kuwii la heerka ahaa, oo hadba noocii ugu danbeeyey ayey gataan,
nadaamkii maamul oo cusbaana ayaga ayaa ka faa’iidey.
Dhinaca kale falaasifadu waxay malaha ku raaxaystaan in ay aragti cusub nolosha ku soo kordhiyaan ee
baabuurka ay wataan iyo dharka ay qabaan nooca ay yihiin weli uma ay soo jeesan, oo waa dad mashquul ah.
Waxaa kale oo dhib ku ah caqliyarida wax kasta oo ay soo dhirindhiriyaan oo soo bandhigaan lagaga
jawaabo, oo malaayiinta maangaab oo maryaha “noocii ugu danbeeyey” ah ku tartamaya ayaa naftii ku
caddibay.
Kuwa aragtiyaha nolosha anfaca keena iyo hugunka weyn oo aynnu bahaayinka ku shabbahney marka laga soo
gudbo waxaa jira dad yar oo aan wax cusub soo kordhin, laakiin dadweynaha sida xoolihii u dhaqda.
Maqaalkii midkaan ka horreeyey ee ahaa “Afar gafane iyo gun gaajaysan” wuxuu ahaa karbuuno yar oo lagu
daaray dadka noocaan ah.
Ayada oo aan nolosha waxba lagu soo kordhin in dadka badankooda maskaxda laga qabsadaa malaha waa waxa
siyaasadda loo yaqaan nooh ka mid ah. Dhinac haddii laga eego tirada noocaan ahi wax weyn kama ay duwana
hugunka weyn oo aan fakarayn, waayo habka ay u raaxaystaan ama ay u hadlaan waa isku heer, laakiin waxaa
su’aalo keenaya in ay kuwaani leeyihiin xeel ay maskaxda kaga dhaqaan malaayiinta ay dhaqdaan. Kolley
falaasifo kuwaani ma ay aha, waayo falsafadu waxay u janjeertaa in nolosha iyo dabeecadda dhabteeda la
goobo oo markii la ogaado si qayaxan loo soo gudbiyo. Waxaa aad u cad in shakhsiyaadka dadweynaha madaxa
ka dhaqaa aysan runta sheegin ee ay xeelado kale adeegsadaan, waxaana la moodaa in ay meesha khiyaano ku
jirto oo markaas waxaa halkaas ka fogaanaysa falsafadii aynu sheegnay in ay tahay in dhabta la raadiyo
oo la qeexo. Ayada oo ay sidaas tahay baa waxaa dhici karta in ay khiyaanaha qudheedo tahay falsafo
kale, oo uu qofka ay ku duugan tahay la dhuumaalaysto.
Runtii siyaasadda dhabta ahi waxay ka farcantaa asalka nolosha oo waa laan falsafada ka mid ah. Sawirka
qaranka iyo jahaynta hay’adaha qaranka ama degmooyinka ama shirkadaha waxaa lagu magacaabaa siyaasad. In
siyaasadda noocaan ahi ay ka farcanto falsafada waxaan ka ogaan karnaa in aynu eegno falsafada lafteedu
waxa ay tahay. Arrin kasta oo nolosha ku saabsani murtida ay ku salaysan tahay in la isku hawlo oo la
xiiseeyo, dabadeedna nuxurka la soo bandhigo ayaa falsafo ah. Waxay u sii kala baxdaa qayb la macnayn
karo oo la is fahamsiin karo iyo qayb aan la fasiri karin. Qaybta la macnayn karaa waa waxyaalaha markii
laga shaqeeyo ama laga warramo xalka lagu qanci karo leh, sida xisaabta iyo falsafada taariikhda. Qaybta
aan la macnayn karini waa waxyaalaha fasir qeexan oo meel uu ku dhammaado leh aan lahayn sida ceebta,
xishoodka, diimaha iyo siyaasadaha qaarkood.
Dhibaatada laga yaabo in aan xal falsafaysan laga gaari karini sidii aynu horay u tibaaxnay waa in dadka
maskaxda laga beddelo ayada oo aan waxba nolosha lagu soo kordhinayn oo waa arrinta keentay in aynu
khayaanada u malayn karno laan falsafada ka mid ah, laakiin qoraalkaani hawshaas kuma uu saabsana ee
wuxuu ku kooban yahay “qoraal caddilan iyo qori cabbaysan”.
Soomaalida qoraalku dhaqankooda weligiis kuma uu jirin, waxaana hubaal ah in dhib laga mudanayo in la
helo dad soomaali ah oo intay buugaag waaweyn suuqa ka soo iibsataan ama maktabadaha ka soo amaahdaan
akhrintooda ku raaxaysanaya.
Markii ugu horraysey oo farteenna la qoray waxaa socdey kacaan rabey uu dooriyo dhammaan waxyaalihii ka
horreeyey, oo uu abuuro qaab uu asagu la yimid. Wax kasta oo dalka ka jirey wuxuu kacaanku rabey uu
dhalanrogo si ay waddanka iyo bulshadu u noqdaan weel uu kacaanku wixii ku jirey ka qubay, oo uu wax
cusub ku shubtay.
In uu kacaanku arrintaas ku guulaystaa waxay u baahnayd halgan weyn, waayo wuxuu ku khasbanaa in dadkii
horay afka iyo guud ahaan dalka ka soo shaqeeyey intooda firfircoon lagu beddelo dad cusub oo uu
kacaanku abaabuley. Intaas waxaa dheeraa in uu madaxweynuhu dabeecad ahaan u abuurnaa nin faan jecel, oo
rabey in wax kasta oo libin ah asaga lagu magacaabo.
Qoraalka afku wuxuu ka mid ahaa hawlo markii uu Maxamed-Afweyne madaxtooyada galay qabyo ahaa, waxaana
hawsha afka faraha kula jirey dad muddo dheer soo dadaaley. In afka la qoro iyo in dadkii ka soo
shaqeeyey intooda ugu roonroon la cabburiyo ama shaqada laga saaro oo kuwo kale tuulooyinka looga yeero
ayuu isku mar mudane Siyaad Barre ku tillaabsaday. Sidaas awgeed ayey ikhyaartii uu kacaanku dhalay
qoraalkii horumar gaarsiin kari waayeen, waayo waxay ahaayeen dad si degdeg ah loogu yeeray, oo aan
hawlaha ay qabanayeen u soo bislaan ee lagu guulguulayey kuwii uu kacaanku isdhaafiyey.
Dad badan ayaa waxay sheegaan in hufnaanla’aanta qoraalka ku jirta ay sabab u tahay in uu qoraalku cusub
yahay, oo aan weli la gaarin in si fiican looga shaqeeyo oo markaas bulshada wax bisil la gaarsiiyo.
Xaashaa lillaahi! ee 1972 ilaa 1990 waxaa u dhexaysey 18 sano iyo dheeraad ee maxaa muddadaas laga
qabtay farta oo aan ahayn in dhawaaqyadii afkeenna lagu aaddiyey alifbeetada laatiinka iyo in xoogaa
dadka ka mid ah fartaas higaaddeeda la baray?!
Dhalanroggii shaqaalaha afka iyo dhaqanka lagu sameeyey, waxaa lagu walaaqay maansadii iyo xalladdii
ummadda oo soo jireenka ahayd. Lama soo koobi karo hoogga iyo halaagga muddadaas ku dhacay murtida
soomaalida iyo sida loogu cayaaray oo bulshada maskaxdooda loo geliyey been ay in laga sifeeyaa qaadan
lahayd in 21 sano warbaahin kale dhegaha lagaga afuufo.
Siyaasadda kacaanka hal buug baa laga fiirin jirey, buuggaasina wuxuu ahaa qabyaalad iyo cuqdad.
Arrimaha guud ee dalka kuma uu saabsana maqaalkaani ee qoraalka ayuu khuseeyaa, sidaas awgeed waxaynu ku
mintidaynaa in aynu xoogaa ka sheegno sida qoraalka iyo maansada siyaasadda qabyaaladaysan loogu
shaandheeyey.
Qoraalku waa hawl weyn oo markii dadkii tayada lahaa badankoodii dalka laga saaray, qaarna xabsiyada
lagu qabbiray, qaarna silic iyo qarsoodi loo laayey wuxuu kacaanku waayey cid u bareeri karta in ay
diyaariyaan qoraallo miiggan oo miisaan culus leh. Markii dadweynaha qaarkood alifbeetada la baray waxaa
loo waayey dad kartida qoraalka leh, waayo dadkii hawshaas hanan lahaa waxaa lagu beddeley dadka aynu ka
sheekayn doonno.
Waxaan ka afeefanayaa in ay dadkii ayaga oo aan fakarayn kacaanka iska jeclaa ka naxaan maqaalkaan,
maxaa yeelay markii wax bulsho dhan laga xumeeyey laga hadlayo waxaa reebban in runta la qariyo. Haddii
aan arrimahaan oo kale xaqa laga sheegin waxaa la noqonayaa dad dalkooda hagranaya oo dadkooda aan uga
digi karin ama soo xasuusin karin dhibaato ku soo fool leh ama mid la soo dhaafay.
Sida qabiilooyinka hantida qaranka loogu kala laaluusho ayaa barnaamijyada idaacadaha qaranka ka baxa
iyo waxyaalaha masraxa qaranka lagu soo bandhigo loogu kala laaluushi jirey. Waxyaalihii laga siidaayey
raadiyeyaashii Soomaaliya iyo waxyaalihii lagu jilay tiyaatarka badankoodu waxay ahaayeen laaluush lagu
soo jiidanayey qabiilooyinka qaarkood. Gabay, hees iyo xallad kale wixii meelahaas laga sii daayey waxay
martigelin u ahaayeen qabaa’il uu kacaanku danihiisa khafiifka ah ku waardiyeysanayey.
Xataa qoraallada yaryar oo xilligii kacaanka madbacadda qaranka lagu daabacay waxay u badnaayeen
waxyaalo qabaa’il lagu soo jiidanayey ama lagu xagsanayey. Arrintaas waxaa daliileheeda ka mid ah in
ummadda hormuud taariikheed iyo hormuud maanso looga dhigay shakhsiyaadkii hal-abuureyaasha soomaalida
ugu hadal xumaa oo dadka loo soo bandhigay daabacaado ka kooban cay, dhac iyo dil, isla markaasna ciidda
hoosteeda lagu duugey ikhyaar ay taariikhdoodu facyaasha soo koraya ku hanuunin lahaayd akhlaaq
wanaagsan iyo fakar suubban, maansooyinkooduna ay ka koobnaayeen cilmi, diin iyo aragtiyo nadiif ah.
Qoraalka keli ah fidmadaas laguma dabbikhin ee sidii aynu sheegnay warbaahinta ayaa ugu darnayd meelihii
ummadda lagu madalhufiyey, oo dhaca iyo cayda lagu hanuuniyey.
Laaluushku sidiisaba waa wax xun oo xaaraan ah, wuxuuse ugu daran yahay markii uu qabyaalad dugsado.
Haddii qofkii fakara oo dalkiisa iyo dadkiisa aragti iyo murti suubban ku soo kordhiya, ma xumaan
sameeya, lagu fiiriyo indho qabiil waxaa dhimanaysa dadnimadii iyo qarannimadii, waana arrinta
waddankeenna dumisey, oo dadkeenna gadaal u celisey, dagaalka, cayda iyo dhacana carruurta jeclaysiiyey.
Madaxweyne jaalle Siyaad iyo dadkii uu korsaday waxay xagga maansada iyo xagga xalladda guudba u
gaysteen dhaawacyo waaweyn, waxaana taas keenay xukun jacayl la moodayey in ay jiraan qabiilooyin ugu
kaalmayn doona damacxumida siyaasadeed, asaguna uu lacag ku hurgufo, isla markaas uu ku soo jiito
raadiyaha iyo tiyaatarka, qoraallo yaryarna loo daabaco.
Buug yar oo ay dawlad dhammi u daabacday in qabiil lagu soo jiito iyo barnaamijyo raadiyaha looga
baahiyo in tol gooni ah lagaga farxiyo ayey isu beddeleen waxyaalihii ummadda guud lagu wacyigelin
lahaa. Maskaxdii dadka soomaalida ah sidaas ayaa loola diriray, taasina waa sababta dib u soo noolaysay
qabyaaladdii ay ummadu qaranka uga gudbi lahaayeen.
Marka qoraalka iyo xalladda afka soomaaliga la eego waxaa la dareemayaa uurkutaallo xun, sidaas darteed
ayey dantu inaku kalliftay in aynu gaar u magacawno jenneraal Maxamed Siyaad oo hormuud ka ahaa xumaanta
aynu sida kooban u soo dulmarnay. Runtii in ruux toos loo magacaabo waxaa ka qurxoon in si sarbeeban
looga hadlo, laakiin sida ay madaxweynaha iyo dadkii uu ku shaqaystay maansada iyo wacyiga soomaalida u
qalmaroojiyeen baa waxay keentay in aynnu shakhsiyad gaar ah ku eedaynno ceebta iyo ilxumada la baday
murtida iyo xalladda afkeenna.
“Nin qoyani biyo iskama dhawro” ayey soomaalidu ku maahmaahaan. Sidaas awgeed haddii Maxamed Siyaad oo
geeriyoodey la magacaabay waxaa bannaan Axmed-Idaajaa Faarax oo nool, welina dhibaatadii iyo laaluushkii
qabaa’ilka meeshooda ka sii wada in carrabka iyo qalinka lagu dhufto. Kolley xilligaan Idaajaa hanti
dhaqaale oo uu qabiillo ku laaluusho gacanta kuma uu hayo, hase yeesho ee idaacadda BBC ayuu galbaha
sabtida fandhaalkii jabnaa oo 1970-kii loo dhiibey maansada ku sii walaaqaa.
Inta aynaan arrimaha Idaajaa gudagelin ayeynu xoogaa ku nasanaynaa tusaale gaaban oo macaan. Dadka
miyiga ka ugaarsadaa waxay raacaan raadka ugaarta, oo sida ay u dabasocdaan bay markii ay u soo
dhawaadaan toogtaan. Haddii nin muddo dheer ugaar raadkeed raaci jirey uu dalkii uu ku noolaa ka dhoofo,
oo uu waddan kale asaga oo maraya ugaar raadkeed ku arko waa uu iska raacaa. Asaga oo aan qori wadan, oo
aan ciddii uu u ugaari jirey la joogin ayuu raadka iska badagalaa. Oo bal muxuu rabaa? Sababta uu
raadkaas u raacayaa waa in uu la soo qabsaday in uu raad ugaareed raaco, oo naftiisa ayaa ku raaxaysata
in uu raadka ugaarta iska xiiseeyo xataa haddii uusan qori iyo fallaar u ku dilo wadan, cid uu u
dilayaana aysan u dhaweyn.
Waxaa iska cad in uu Axmed-Idaajaa iska dabajoogo hawshii uu kacaankii oktober u qaban jirey, ee uusan
ku xisaabtamayn in ay shacabkii xabbadda dhafoorka lagaga hayey intii ka hartay qaarkood la yaabban
yihiin sida weli loogu gaboodfalayo maansada soomaalida iyo sida loogu sii tillaabsanayo gafafkii uu
horseedka ka ahaa jenneraal Maxamed Siyaad.
Taariikhda Idaajaa uu ku soo galay arrimahaan ayeynu wax yar ka taabanaynaa. Wuxuu Idaajaa ku soo
barbaaray gobolka ugu hadal faseexsan geyiga ay soomaalidu degaan, wuxuuna yaraantiisii ahaa wiil famho
fiican, oo uu hadalkiisu faseex yahay.
Xiisaha uu Idaajaa u qabey xalladda iyo afka soomaaliga ninkii ugu horreeyey oo ku baraarugey wuxuu ahaa
aw Jaamac Cumar Ciise, oo ah shiikh daacad ah oo uu Alle ku mannaystay jacaylka maansada iyo taariikhda
soomaalida. Aw Jaamac markii uu arkay in uu Idaajaa aftahan afka jecel yahay ayuu maalin duhurkii la
dhalandhoolay. Xaggee buu ula dhalandhoolay? Labada nin waxay isu raaceen guddoomiyihii guddiga afka
soomaaliga xafiiskiisa. Guddoomiyaha waxaa magaciisa la oran jirey Yaasiin Cismaan Yuusuf, wuxuuna ahaa
nin ku xeelhdeer afka iyo dhaqanka soomaalida oo sababtaas ayaa looga dhigay guddoomiyaha guddiga afka
soomaaliga. Ogow markaas waxaa dalka ka talinaysey dawlad aan ahayn middii xabbadda dhafoorka la iskaga
hayey! Aw Jaamac wuxuu ku faraxsanaa in uu soo helay wiil faseex ah, oo ka mid noqda dadka bulshada iyo
afka kobciya. Yaasiin Cismaan oo xafiiska dhexfadhiya ayaa waxaa illinka uga soo galay aw Jaamac Cumar
Ciise oo la wirwiraya wiil yar oo aan la aqoon, waana uu fahmey goddoomiyuhu in ay wax cusubi jiraan,
waayo shiikhu wuxuu xafiiska ku soo beegmay mar ay qorraxdu aad u kululayd, oo Idaajaa iyo odaygaba
dhidid baa dhafoorradooda qooyey.
Ballan adag ayey Yaasiin Cismaan iyo aw Jaamac Cumar duhurkaas wada galeen, waxayna ballantu ahayd sidii
Idaajaa loogu fududayn lahaa in uu wax barto, oo loogu gacanqaban lahaa in uu ka mid noqdo dadka afka
iyo hiddaha ka shaqeeya. Guddoomiyaha iyo shiikhu waxay isku gacanqaadeen in aan Idaajaa waxba laga
hagran, sidii bayna noqotay oo Yaasiin Cismaan Yuusuf dadaalkii hagarla’aanta ahaa oo uu Axmed-Idaajaa
Faarax wax kasta u huray wuxuu ahaa mid aan halkaan lagu soo koobi karin.
Guddigii af soomaaligu intii uu kacaanku jirey waa ay kala dhumeen. God aakhiro, xabsi, qax iyo
silickunool baa loo qaybsamay, laakiin Ilaahay mahaddiis Axmed-Idaajaa Faarax Cali ma uu dhumin, oo
waxaa sidii uu Yaasiin Cismaan Keenadiid gacanta ugu hayey si ka xannaano badan gacanta ugu qabtay
xoghaya guud ee xisbiga hantiwadaagga kacaanka soomaaliyeed, madaxweynaha jamhuuriyadda dimoqraadiga
soomaaliyeed jaalle Maxamed Siyaad Barre.
Kow iyo labaatan sano ayey mudane Idaajaa iyo xoghayaha guud ee xisbiga……. midba mid ka farxinayey.,
welina wuxuu u hadlaa qaab waafaqsan qorshihii uu madaxweyne Maxamed-Afweyne Siyaad-Garbaweyne maansada
ku doorinayey, oo aynu horay wax yar uga soo taabannay, oo waxaa la moodaa in ay adduunka iyo aakhiro
labada nin warar isaga tebinayaan.
Mudane Idaajaa waa nin codkarnimo fiican u dhashay, isla markaas muddo dheer buu iddaacad aan laga bada
hadlin oo aan hadal lagu soo celin karin ka warramayey. Halkaas ayuu si fiican ugu soo
doobodillaacsaday, oo ummad malyuumaad ah ayuu keligiis 21 sano in uu maansada ka hadlo xaq u lahaa.
Qofkii erey ka soo celiya hadalka iddaacaddaas laga sheegana qabri, qol ciriir ah ama qaxootinimo ayuu
mudan jirey.
Haddii waagii uu Idaajaa ilbaxayey ay dawlad rooni jiri lahayd nin wax ku’ool ah ayuu noqon lahaa, oo
maanta nin haybad leh ayuu mindhaa ahaan lahaa, laakiin labo dhibaato ayaa hadda barnaamijyadiisa
qaarkood nuxurkii iyo narsigii ka qaaday. Labada arrimood waxay sida badan khuseeyaan maansooyinka iyo
taariikhdooda.
Markii uu metelan cayaarta dhaantada ama sida awrta loo raro barnaamij ka diyaariyo wuxuu uga hadli
karaa qaab aad u qurxoon oo uu qofkii afka iyo xalladda jeceli aad u xiisayn karo, hase yeesho ee markii
uu soo qaato arrin gabay la xariirta wuxuu noqdaa nin cusub oo aan masuul ahayn, oo qofkii gabyaa ahi u
ku yasi karo waxyaalaha uu isku qarboobaynayo iyo hungada uu iska ammaanto. Sababtu waa in cayaaraha iyo
rarka awrtu ay yihiin wax aan siyaasad iyo qabyaalad khusayn, laakiin ay dadka maansoodaa ka dhashaan
qabiilooyin kala duwan, oo uu kacaanku indho kala duwan ku eegi jirey.
Labada arrimood oo Axmed-Idaajaa Faarah wiiqay waa siyaasad gurracan, oo uu muddo dheer ka hoos
shaqaynayey iyo in uusan maansada baxaalli ahaan aqoon u lahayn oo uusan ahayn nin “gabyaa” ah.
Arrinta hore waxay keentay daacadnimo la’aan, midda labaadna waxay sababtay aqoondarro. Waxaa markaas
inoo sawirmay in uu mudane Idaajaa yahay nin hawl uusan daacad ka ahayn, haddana uusan aqoon u lahayn
faraha kula jira.
In aynu faallo maansada ku saabsan ka boganno ama aynu gafafka iyo marinhabaabinta kacaanka iyo Idaajaa
xubinxubin u tilmaanno waa uu ka kooban yahay qoraalkaani. Gaabnida maqaalka darteed ayeynu arrimaha
Idaajaa kaga baxaynaa in uu xadgudub indho’adayg ah oo uusan cidna ka haybaysan marmar isaga
tillaabsado, oo uu metelan calanka maansada gacanta u geliyo qof waxyaalaha uu tiriyey oo dhan haddii la
ururiyo aysan 40 mir oo maanso ah dhammayn, isla markaas aysan murti weyn oo lala jahraa ka muuqan 40ka
mir ee ay yihiin ereyo tuurtuur ah, oo ulajeeddo sahlan xanbaarsan, haddana aan qaabin bilow iyo
dhammaystir lahayn.
Haddii arrimaha noocaan ah dad aan soomaali ahayn looga sheekeeyo waxay yasi lahaayeen ummadda
soomaaliyeed, waayo ummad uu calanka hal-abuurkooda sido qof 40 mir oo aysan xallad weyni ku jirin laga
hayaa waa ummad ku liidata allifaadda iyo murtida.
Runtii dadka soomaalida ahi kuma ay xuma hal-abuurka ee waxaa ceebtaas u soo jiidey kacaankii ay uu
Idaajaa xagga maansada afhayeenka uga ahaa, welina uga yahay. Haddii xikmadda bulshada ka timaadda lagu
cabbiro ficilo qabiil ama siyaasad gaar ah la eexaysto waxaa meesha ka baxaysa in guul kama danbays ah
laga gaaro xaqiiqada ku saabsan xalladda iyo hal-abuurka. Isla markaas haddii allifaado aan tiro iyo
tayo culus midna lahayn kor loo soo qaado, oo la buunbuuniyo ayada oo qabyaalad iyo xin looga jeedo ama
hal-abuurro nuxur leh suuqa laga saaro oo la cabburiyo ayada oo dad bulshada ka mid ah la riixayo, waxaa
ummadda ku dhacaya dibdhac iyo habsaan, waana arrinta ay bulshadeennu fakarka iyo dhaqanka uga barbaari
weydey.
Fakarka dadka iyo luqaddoodu waa labo wax oo isku xiran, oo waxay dadka aqoomaha bulshada ku xeeldheeri
sheegeen in ereyada iyo cabbiraaduhu qofkii ay maskaxdiisa ku badan yihiin uu ka caqli badan yahay midka
aan afka aad u aqoon. Arrintaas waxaa daliil u noqon kara in haddii uusan ruux metelan weligiis “shaah”
arag, oo uusan marna ka fakarin dareen shaah waxaa maran qaybtii ay maskaxdiisu ku dareemi lahayd
arrimaha shaaha la xariira. Sidaas awgeed haddii ay qofka ka maqan yihiin kumannaan erey oo noocaas ahi
waxaa ka maskax weyn midka ereyadaas yaqaan. Erey kasta ama oraah walba oo la maqlaa maskaxda ayey la
falgelayaan, laakiin haddii aan la aqoon maskaxdu ma horumarsana, oo waa in la barataa si uu caqligu u
xoogaysato oo u fakarto.
Guud ahaan cilmiga iyo khibraduhu caqliga waa ay kobciyaan, oo aqoondarrida iyo khashiinnidu waa wax uu
qofkii xishoonayaa ku dadaalo sidii uu uga bixi lahaa, waxaana jira mir gabay ah oo aragtidaas toos
loogu abbaaray oo ah:
“Caqli buu siyaadsadey ninkii, ceeb-ka-yaab ahiye”
Cismaan Keenadiid
Afka iyo murtidu haddii ay dadka caqliga u badiyaan waxaa siyaasiyiin iyo dadkii afka u xilsaaran la
gudboon in ay si daacad ah luqadda iyo xalladda u qiimeeyaan, laakiin haddii ay ayaga oo dano gurracan
ku doonaya ama caadifaysan bulshada dhuunta ka soo geliyaan waxyaalo tiro ahaan iyo tayo ahaanba u
hooseeya waxaa nuxuusaya garaadkii bulshada, isla markaas waxaa himadjabaya dadkii wax curin lahaa,
waayo waxay og yihiin in falsami kasta oo ay xardhaan caadifad iyo eex lagu qaabbili doono. Intaas waxaa
u dheer in ay u jeedaan in bulshada been laga buuxiyey, oo ay dalka iyo dadkaba ka xiisodhacaan.
Qoraallada iyo warbaahinta soomaalidu in ay aqoon kordhiyaan iska daa ee waxayba badankoodu dilayaan
garaadka iyo garashada dadka. Tusaale macaan baa jira oo ku saabsan ereyga loo yaqaan “Shaxguur”, oo uu
macnihiisu yahay in haddii uu qofku cayaarta jaraha ama shaxda loo yaqaan ku xeeldheer yahay uusan la
cayaarin qof aan u dhigmin ama dhaamin. Haddii kale waxaa hoos u dhacaya cilmigii uu u lahaa cayaarta.
Waxaa qorraxda ka cad in aynaan midmid uga hadli karin qoraallada iyo idaacadaha af soomaaliga ah.
Boqollaal bog oo internet ah iyo tobonnaan raadiye ayaa waxay baahiyaan waxyaalo afkeenna ah, isla
markaas waxaa jira xoogaa buugaag ah, laakiin xagga idaacadaha waxaa ugu magac dheer laanta BBC. Muddo
dheer bay laantaasi jirtey, waxaana ka soo shaqeeyey dad badan oo idaacadihii dalka ku soo ababay iyo
dhawr ruux oo ayada ka dhulbilaabay. Sidaas awgeed markii khibradda iyo tirada shaqaalaha laga eego
waxaa la hubaa in aysan jirin iddaacad laanta afka soomaaliga maanta u dhigantaa, isla markaas waxaa
maalgeliya dal weyn oo dano siyaasadeed adduunka oo dhan muddo dheer ka lahaa.
“Madax meel ka sarraysa oo la salaaxaa ma ay jirto” ayey soomaaligu ku maahmaahaan, oo waxaynu si kooban
uga hadlaynaa afka iyo wacyiga soomaalida saamaynta ay BBC ku leedahay. Xagga qoraalka waxaa xilliyadii
danbe jirey bog internet oo lagu baahiyo barnaamijyada laanta qaarkood. Sidaas darteed waxaynu tusaale
dhalliilaha warbaahinta iyo qoraallada guud oo dhan uga dhigan doonnaa laantaas oo qur ah, waxaase la
mid ah ama ka sii liita idaacadaha iyo qoraallada kale badankooda.
Dadka suuqa taagtaagan oo qayilaya haddii lagu soo hadalqaado in shaqaalaha laanta afka soomaaliga ee
BBC iyo idaacadihii hore ee dalku ay u baahan karaan in xagga afka laga saxo waxay moodi lahaayeen in ay
taasi la mid tahay Cabdi Bile Cabdi oo orodka laga saxayo, arrintaasna waxaa keenay in aysan suuqjoogtu
cilmi ahaan u fakarin, ee ay ku xisaabtamaan in ay mujtamac badani idaacadda ku xiran yihiin, dadka
badanna horay baynu uga soo hadalnay oo gurdanka ayey iska raacaan.
Tusaaleyaal ad’adag iyo naxwe madaxa daaliya isku aynu hawli mayano, ee waxaynu soo bandhigaynaa arrimo
ay carruurtu fahmi karaan, oo ay dad muddo dheer idaacado kala duwan ka hadlayey si joogto ah u
khaldaan.
“In uu shirka uu aado”, ”In ay diyuuradda ay raacdo”, “In ay dawladda ay mucaaradaan”, “In aad
madaxweyne aad noqotid” iyo “In aan beerta aan abuuro” haddii la barbardhigo “In shirka uu aado”, “In
dayuuradda ay raacdo”, “In ay dawladda mucaaradaan”, “In madaxweyne aad noqotid” iyo “In aan beerta
abuuro” waxaa hubaal ah in uu labadaas qaab mid khalad yahay.
“Uu”, “ay”, “aad”, iyo “aan” hal ficil ama hal fal oo keli ahi labo jeer uma uu baahdo, ee ama waa in ay
ereyadaasi falka ay cuskan yihiin ka horreeyaan ama ay ka danbeeyaan, laakii dadkii weligood iddaacadaha
afka soomaaliga ka shaqayn jirey badankooda waxaa la moodaa in mushaarka loo kordhinayo haddii ay “uu,
uu, ay, ay..” aad u badiyaan. Marka kuugu horraysa oo uu laanta afka soomaaliga Cuuke soo galo ama uu
Cige Soomaaliya war ka soo diro bal u bandhig naxwaha kor ku qoran oo dhegayso waxa meeshaas ”uu”, ”ay”,
”aad” iyo ”aan” aan booskooda lagu aaddin ka yeeraya.
Run ahaantii Cuuke waa nin codkar ah oo si darandoorri ah oo dhaqso badan ayuu u hadli karaa, isla
markaas wuxuu keeni karaa hadallo lagu qoslo oo uu mowduuca ciwaan uga dhigo, laakiin hadalka uu
duruurixinayo waxaa kharribaya ”In uu dagaalka uu galo, oo uu ciidanka uu jebiyo, oo uu cadowga uu
laayo, oo uu dhulka uu qabsado, oo uu maamulka uu la wareeg”. Tobankaas ”uu” oo uu habeen iyo maalin
mudane Cuuke ku xabeebsaday waxaa looga baahnaa shan qur ah, waayo mushaarku waa isku mid haddii toban
uu ka dhigo iyo haddii uu shanta saxda ah keli ah ku gaabsado.
Tusaale kale oo gaaban oo fudud waxaa ah farqiga u dhexeeya labadaan qaab oo uu hadalku u dhismo
”Xilligaasi wuxuu ahaa dayr”, ”Waagaasi ma uu dhaweyn”, ”Meeshaasi waa bannaan” iyo ”Goortaasi waa
maalin” iyo ”Xilligaas ayaa la ballamay”, ”Waagaas ayuu dhashay”, ”Meeshaas ayuu hurdey” iyo ”Goortaas
ii imow!”. Waxay labada qaab ku kala geddisan yihiin xarafka ”i” oo qaabka hore ugu danbeeya, waana
naxwe fudud oo ay habboon tahay in qofkii warbaahin caam ah ka shaqeeyaa uusan ku ceeboobin, hase ahaato
ee ikhyaar uu Saciid Cali Muuse ka mid yahay kulli waxay hadalkooda ku wadaan ”Markaasi”, ”Xilligaasi”,
”Waagaasi”, ”Meeshaasi” iyo ”Goortaasi” iwm.
Haddaba weriyeyaasha ”i” ereyadaas ku badiyaa haddii ay maqaalkaan akhriyaan ama ay cid kale oo warka
gaarsiin kartaaba jirto fadlan waxaannu ka codsanaynaa in ”i” kalmadaha caynkaan ah laga daayo markii ay
fal dhacdo ah cuskan yihiin, sida ballan, hurdo iwm. U fiirso kala duwanaanta ”Meeshaasi waa hungo” iyo
”Meeshaas dhig warqaadda!”.
Waxaynu tusaale u soo qaadanaynaa sida ereyadaas looga khaldo laanta BBC, waxaynuna calaamadinaynaa
falalka dhacdooyinka ah oo ay ereyadu cuskan yihiin iyo ”i” oo ah xaraf aan booskaas ku habboonayn marka
la khaldayo: ”Mire ayaa markaasi kubbaddii laaday, goortaasi ayuu Guuleed difaacey. Xilligaasi Calasow
ayaa goolka hayey, meeshaasi ayuu Cigaal banoonigii xoog ugu tuuray, markaasi ayuu goolkii dhashay”.
Haddii ”i” kalmadahaas laga tuuro waxaa laga tuuray khalad weyn oo ay laanta afka soomaaliga ee BBC ku
mabeen.
Qoraal iyo hadalba ceebahaasi maanta warbaahinta soomaalida waa ay ku badan yihiin, laakiin ugu
danbayntii waxaan u halbalyaynaynaa labo nin oo markii ay laanta ka hadlayaan uu laaxinkoodu xagga
naxwaha yar yahay, labadaas waxaa saddex ku ahaa mudane kale oo aannaan muddo codkiisa maqal oo la
yiraahdo Maxamuud Xassan. Labada meeshaas ku haray oo uu laaxinkoodu yar yahay waa Mudane Cabdisalaan
Harari iyo Mudane Cabdinuur shiikh Maxamed Isxaaq, oo la hubo in qofkii naxwaha in la saxo jecel ay uga
soocan yihiin saaxiibbadeenna kale, oo ay ugu afgaroocsan yihiin mudane Yuusuf Garaad iyo ikhyaarta
dhawaan iddaacadda ku soo biiray oo aanan magacyadooda xasuusan qaarkood.
Xagga dareenka iyo fakarka soomaalidu guud ahaan labo cudur bay ka siman yihiin. Weriye iyo wadaad
labadaas jirro ayaa caloosha u fadhiya, waana in uusan qofku waxba isweydiin ee uu iska hadlo ama uu
iska dhaqmo iyo in uu qabyaalad darteed bushunta hoose qaniino. Belaayada soomaalida asaaggood ka
reebtay waa maskaxdooda oo geeska qabyaaladda keli ah ka nool inta kalena ka dhimatay. Haddaba
shaqaalaha laanta BBC waa soomaali oo waa kuwa suuqa isku caaya walaalohood oo Bush Huose shaqo ka
helay.
Fakarka ummadda oo bohosha ku sii hoobanaya ayey laantu labo arrimood ku kordhisaa. Midda kowaad waa in
xamaasadda meesha ay ka kici karto hadba laga abbaaro, taaso oo looga jeedo in xumaanta ay dadka badani
xiisaynayaani ay ka fiican tahay wanaagga ay dadka yari danaynayaan. Midda kale waa in shaqaalaha iyo
tifaftiraha qudhoodu ay ku milan yihiin, oo ay u kala xuslinayaan firixtanka guud oo qabaa’ilka
soomaalida iyo boobka iyo halaagga gaarka ah oo koofurta ka jira, oo ay malaha ugu daran yihiin in
geedihii canbaha oo boqollaalka sano baxayey dhammaantood la gubey, oo ayaga oo dhuxul ah laga dhoofiyey
dekado ay ka mid yihiin Kismaanyo iyo Marka iyo in xoolihii badnaa oo Jubbada hoose ku dhaqnaa
dhammaantood dhaddig iyo lab badda la saaray, dadkii dhirtaas iyo xoolahaas lahaana la xasuuqay.
Tusaale fiican waxaa ficilaha shaqaalaha laanta u ah waraysigii malaha ugu danbeeyey oo ay BBC la
yeelatay Maxamed xaaji Ibraahim Cigaal, oo uu la yeeshay Yuunis Cali Nuur, waxaana su’aalihii uu
weydiiyey ka mid ahaa: ”Maxaa ugu weyn oo ka mid ah sababaha la inooku diidey in aynu Soomaaliya ka
go’no”. Waxaa halkaas ka cad in aysan weriyaha iyo siyaasiga uu wax weydiinayey dareemo kala duwan
lahayn, ee ay ahaayeen tol iska sheekaystay.
Midkii meel loo diray ka soo hadlayaa wuxuu sheegaa dareenkiisa ee war madaxbannaani laanta ma uu soo
gaaro. Mar haddii uu qofkii war soo tebinayaa xamaasadda uu la gubanayo shaaca ka qaado waxaa meesha soo
gelaysa in qofka dirayaa marka horeba halkaas uu geysto ruux uu og yahay in uu sidii uu rabey meeshaas
wax uga soo tebinayo. Sidaas awgeed ayey qabaa’ilka diriraya qaarkood meelaha ay joogaan u diideen in
FM-ta BBC laga dhegaysto, waayo iddaacaddii baa waxay noqotay mid aan lahayn astaamihii madaxbannaanida,
oo qabiilkii uusan nin sida Xassan Bariise Muqdusho aad u dadaalayaa BBC u joogini in laga adkaado ayuu
halis weyn ugu jiraa.
Ugu danbayntii waxay bulshada soomaaliyeed u baahan yihiin in ay wax wanaagsan akhriyaan ama
dhegaystaan. Waxaase su’aal ah: Oo ma ay jiraan waxyaalo afka soomaaliga ku qoran oo xiiso akhris yeelan
karaa, haddiise ay jiraan qofkii rabaa xaggee buu ka heli karaa? Kolley waxaa la hubaa in aysan xataa
shaqaalaha warbaahintu akhriska xiisayn, waayo waa soomaali oo afka ayey ka tororogleeyaan ama dhawr
sadar bay inta meel ku qoraan qayilaad iyo xan u fariistaan.
Wax qoraal ku saabsan ama ummadad akhris u horseedaya laanta BBC malaha weligeed lagama sheegin, waayo
dadka jooga ayaa soomaali ah, oo aan wax joornaal ka baxsan weligood akhriyin. Qofkii qori rabaa si
fudud buu asaga oo cabbaysan u heli karaa, laakiin qoraalka afkeennu waa uu caddilan yahay.
Shaafici Xassan Maxamed
E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se
Xigasho: http://www.mudugonline.com/2003/Jun/qoraal_cadilan.htm
|