Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

Kaligiis Wiil

    
    
          KALIGIIS WIIL
    
    	  Sideedba shaqo waxaa horumar iyo tayo u yeelaa, waa wada shaqeyn , isfahan iyo shaqo-qaybsi dhex marta
    	  shaqaalaha hal goob ka shaqeeya, sifada wada shaqeeynta iyo wax isla curintu, waa hore ayey ka suushay
    	  idaacada. Qofka kaliya ee hor booda idaacadu waa Yusuf, isagaa ah mufekerka, wariyaha wareysiyada qaada,
    	  qoraha faalooyinka qora, wararka uu xiiseynaayo isagaa shaqsiyan akhriya, inta kale ee shaqaalaha ahina
    	  waa xerta subciska iyo aamiinta. Arintaas waxaan daliil uga dhigayaa, Yusuf isagaa kaligiis go'aamiya
    	  qadiyada iyo dhacdada la waaweyneynaayo, iyo mida la inkiraayo, tusaale, shirkii ka dhacay Jabuuti
    	  sannadkii 2000, waxa uu Yuusuf u soo bandhigay inuu yahay shirweyne guul iyo liibaan u horseedaya ummada
    	  soomaliyeed, isagaa shaqsiyan hor booday, soo jeediyey musalsalaad ka kooban warar, barnaamjiyo, doodo,
    	  heeso, wacdiyo diini ah, oo dhamaantood lagu quweynaayo qiimaha shirka, waxaan xusuustaa barnaamjiyo
    	  ahaa su'aalo live ah oo la weydiinayey madaxweynaha Jabuuti, oo si xiriir ah idaacada looga baahin
    	  jirey, isla markaan dhegeystayaasha idaacada lagu khasbay in ay si toos ah, ama si dadban u taageeraan
    	  natiijada shirka, oo aheyd in Yusuf Garaad adeerkii loo doorto xilka madaxweynenimo, iyadoo si guracan
    	  loo adeegsanaayo idaacada bbc, waxaa xarunta shirka Yusuf uu u wakiishay shaqsiyaad ay ehel yihiin, in
    	  ay waraka uga soo tabiyaan, waxaa hawshaa si shaqsiyan ah u soo fulin jiray Yusuf Xasan,oo jabuuti
    	  markaas fadhiyey.
    
    	  Okey midkan hadda dabada dheeraday ee Kenya ka socdaa, isweydii oo ma helay fursadii warbaahineed ee uu
    	  Yusuf Garaad siiyey midii Carta ee Jabuuti, jawaabti waa mid fudud, waana maya, sababtuna waa
    	  isbahaysiga siyaasadeed ee uu Yusuf Garaad ka tirsan yahay, ayaa shirkaa u argta mid iyaga dantoodu
    	  aaney ku jirin, markaa uma baahna in idaacada bbc ay shirkaa warkiisa soo gudbiso, waxaase u Yusuf
    	  Garaad mar kale u fasaxay in ardeygiisa isaga u adeega ee Xasan Bariise, uu ku tilmaamo in shirku yahay
    	  mid cadawga soomalidu maamulayaan, isla markaana Cabdiqaasim iyo Yusuf iyo bbc dani uguma jirto, waxay
    	  istimaaleen odhaahada ah Sheekhow findhicilku ma xaraanbaa, mise waa xalaal, sheekha oo kitaab gaab
    	  ahaa, oo aan jawaab cilmi ah u hayn su'aasha, ayaa ku gaabsaday, waar sheeg-sheegisaa ka liitee inaga
    	  daaya
    
    	  Yusuf lafta inta hilibka leh isagaa ka cuna, taas oo macnaheedu tahay, waa shaqsi wada shaqeynta ku
    	  liita, oo mar walba jecel in uu kaligii is muujiyo, wax walbna uu ka dhex muuqdo, taas oo calaamad u ah
    	  shaqsiga aan anftiisa kalsoonida fiican ku qabin. Tusaale waxaa kugu filan wareysyada mihiimka u ah
    	  dhacdo siyaasadeed, bulsho,dhaqaale, ee markaa taagan, isagaa Yusuf jecel in uu ku boodo oo makaroofanka
    	  uga hor maro shaqaalaha kale ee la shaqeeya, sababtoo ah wax uu fulinayaa dan siyaasadeed iyo ujeedooyin
    	  qabiil oo isaga iyo isbaheysigiisa siyaasadeed u gaar ah. Lakiin qadiyada qaarkood malagu aamini karaa,
    	  mise laga dhageysan karaa in shaqsi sifooyinkaas lihi ka faaloodo, ama barnaamji dood-wadaag ah ku
    	  daadihiyo iyo waxii la mid ah.( waxaan xusuustaa habeen Yusuf makarfoonka la booday, oo akhriyey faalo
    	  iyo taariikh nololeedkii mid ka mid ah hogaamiyayaasha kooxaha soomalida, oo wali nool, uu si aan
    	  cadaalad iyo akhlaaq suxfinmo midna aheyn ayuu wax uga sheegay, nasiib wanaag habeenkii ku xigay, ayuu
    	  isla ninkii wareystay, markaasu odaygii, wariye Yusuf weydiiyey, adeer anigoo nool, yaa kuu fasaxay in
    	  aad taariikh noololeydkeyga ka hadashid, anigoon kuu fasaxin, markaas idaacadii bbc waxay yeelatay
    	  dhaqankii Yoobsan
    
    	  Tusaale wararka, wareysiyada iyo doodaha siyaasdeed ee ku saabsan colaadaha iyo dagaalada xilligan ka
    	  socda gobalada Shabeelada hoose iyo Jubbooyinka, Yusuf dhexdhexaad ma ka noqon karaa, mise lagu
    	  kalsoonaan karaa warbixinaha iyo wareysiyada uu ka diyaariyo, jawaabta oo cad, isla maarkaana kooban waa
    	  maya, sababtoo ah,tusaale
    
    	  1- Dagaalka Shabeelada hoose iyo Jubooyinka waxaa wada, oo ku jira Yusuf Garaad jufadiisa hoose iyo
    	  eheladiis, tusaale cad aan ku siiyo, waxaa dagaalka qayb ka ah, oo degaanada haysta malashiyooyinka
    	  Cabdiqaasim, ina-daylaaf, sheekh indha-cade, sheekh xasan daahir aweys, ina-darmaan, galaal, goobaale,
    	  seraar, walaahay waa wada jufada Ceyr, ee uu ka dhashay madaxa idaacada bbc Yusuf Garaad. Qadiyadan oo
    	  kale dhexdhexaad kama noqon karo, shaqsi Yusuf oo kale ah, oo ku soo barbaary, isla markaan xubin ka
    	  ahaa ururkii dhalinyarda ee xisbigii hantiwadaagu, kadibna ay uga danbeeyeen dagaaladii qabiil ee dalka
    	  ka dhacay, isagana waa uu ceeb, inuu makaroofan u soo qaato dagaalkan, oo yiraa waa wareysi idaacada bbc
    	  ay la yeelanyso Morgan iyo Barre Hiiraale, waayo waxuu fidinayaa been raqiis ah, isagoo baal marya
    	  xaqiiqada iyo dhiibatada rasmiga ah ee ka jirta deeganadaasi, in ay tahay jufadiisa, balse waxa uu la
    	  wareegayaa su'aalo aad u tabar daran, oo aan aqoon iyo cilmi baarisi midna ka danbeyn oo ah, Morgan,
    	  oday maxaad Ceel-barde uga timid iyo habeenka ku xiga su'aal cusub oo ah Barre Hiraale, oday xildhibaan
    	  baad tahay, ee maxaad shirka uga timid kaliya, laakiin waxaa ilaah dhinac mariyey, aqoontii iyo
    	  dhexdhaxaadnimadii warbaahineed,oo aheyd inuu boogta taabto, oo dood iyo wareysiyo u qabto Cabdiqaasim,
    	  Galaal, Indha-cade, Ina-deylaaf, Sheekh Xasan Daahir Aweys, Ina-darmaan, Goobaale, Seeraar, iyo isaga
    	  laftiisu ka qayb galo, oo ay is weydiiyaan waqtiga ay soo afjaryaan dhac,kufsiga,dulmiga,barkicinta,
    	  xasuuqa ay ka wadaan gobolada Shabeelada hoose iyo Jubooyinka
    
    	  2- Waxaa kaloo yaab leh faalooyinka iyo warbixinaha mihiimka ah ee taabanya ummuuraha siyaasadeed iyo
    	  dhaqaale ee dalka, waxaa soo uruuriya, oo isku soo duba rida madaxa laanta, marar badna waxaa dhacda in
    	  Yusuf shaqsiyan uu noqdo khabiir isaga laga wareysto dhacdooyinka siyaasdeed, dhaqaale iyo bulsho ee
    	  dalka ka dhac, isagoo odorsa ama mala-awaala, waxa kooxdiisu markaa doonayso, isku soo duubo, waa cantra
    	  baqaash, ay aqoon, hufnaan iyo xilkasnimo maskaxeed ka maqan tahay
    
    
    
    
    

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.