Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

BBC iyo Cali Samatar

    
    
    BBC iyo Cali Samatar
    W/Q: Shaafici Xassan Maxamed
    
    Waxaa bilihii la soo dhaafay idaacadda BBC laanteeda afka soomaaliga laga buufinayey guubaabooyin aan
    aayaha Afrikada bari u fiicnayn, oo jirro qabiil iyo cuqdad liidnimo ah salka ku haya. Muddadii hore oo
    aysan dagaallada beeluhu xoogga u bilaaban, ee uu ninka keli ahi ummadda ceejinayey waxaa Soomaaliya ka
    jirey warbaahin aan danaha shacabka loogu shaqayn ee qof gaar ah lagaga farxin jirey. Waxaa warbaahintii
    dalak ka jirtey goor danbe laga garab furay, oo soo kordhay, idaacado mucaarad oo lagaga nixin jirey
    jaalle Siyaad, oo ay u shaqaynayeen idaacado asaga ka qosliyaa. Taariikhda idaacadahaas iyo taariikhda
    BBC midna in aynu baarno qoraalkaani uma uu socdo, oo waxaynu taariikhahaas ku soo koobaynaa in markii
    uu kacaankii geeriyoodey ay soomaalidu si fiican qabyaaladdii laga cabburiyey uga dhergeen. Dalka kuwa
    isku laaya waxaa ka qabyaalad iyo cuqdad badan kuwa BBC ka shaqeeya iyo qaxootiga ku baahsan daafaha
    caalamka.
    
    Marba qabiil in ay BBC gaar ugu eexataa waxay ku xiran tahay hadba tirada qabiilka loo eexanayaa uu
    shaqaaleheeda ku leeyahay iyo in ay ku bataan shaqaale ka soo jeeda beelo uu iskaashi ka dhexeeyo
    colaadada Soomaaliya. Dabeecaddani yaab ma leh marka fakarka soomaalida la eego, oo janannadii iyo
    madaxdii sare ee dalka soo maray haddii ay beelohoodii kala aadeen ma wiil yar oo idaacad ka shaqeeya
    ayaa qabyaalad iyo eex ka dhawrsan kara?
    
    Labo arrimood baa waayadaan waxaa la moodaa in ay BBC si maddaalenimo ah ugu mabeen, oo ay ummadda
    inteeda xilkaska ah ku yaqyaqsadaan sida ay uga fuqi waayeen labadaan arrimood oo xinka qabyaaladda
    xiriirka la leh. Midda kowaad waa in lixdamaadkii beel Soomaalida ka mid ahi jagooyin ay lahaayeen la
    seejiyey, oo ay beelaha kale qabiilkaas eed ka galeen. Guubabadaasi waa xumad qabiil oo ka soo butaacda
    dhowr qof oo laanta BBC jooga ayna u oggol yihiin dhawr kale oo uu iskaashi xumadeed ka dhexeeyo.
    
    Midda labaad oo qabyaaladda cuskani waa in dib loo soo nooleeyo dagaalladii muddo fog dhexmaray
    Soomaaliya iyo Itoobiya si loogu qanciyo kooxaha uu Cabdiqaasim agoorka u yahay, oo la moodo in ay
    Itoobiya haddeer barteen.
    
    Inta aynaan arrintaan macaanka badan ku nuuxnuuxsan ayeynu xoogaa ku nasanaynaa qiso aynu ku faraxno oo
    uu noo soo sheegay nin qoraa ah oo dhawaan gaarey daarta Bush house. Wuxuu qoraagu meeshaas u aadey in
    uu su’aalo soo weydiiyo dadka raadiyahaas laga maqlo. Su’aalihii waxaa ka mid noqotay arrin ay la
    yaabaan dhammaan dadka soomaalida ahi. Arrintu waa in uu waa hore dhammaaday xilligii uu Ismaaciil Cumar
    Geelle Cabdiqaasim u qorsheeyey in uu sheegto madaxweyne, haddana ay BBC weli ku sheegaan madaxweyne.
    Haddaba su’aashaasi waxay ahayd ”Goorma ayey BBC joojin doontaa in ay Cabqaasim ka dabawadaan wax uu
    cimrigoodii go’ay?”.
    
    Qoraagii loogama jawaabin su’aashii, waxaana si qayaxan loogu sheegay in ay maqan yihiin qabiilkii u
    jawaabi lahaa! Qoraagii waa u qaadan waayey in su’aalaha BBC la weydiiyo hab beeleed lagu qaysado,
    wuxuuna soo xasuustay hadal aan dhawr sano ka hor oran jirey oo ahaa in aan anigu laba meelood weligay
    aadayn. Labadaasi waa BBC iyo Buurkaroolle. Qoraagii wuxuu asaga oo naxsan bilaabay dood uu ku sheegay
    in aysan macquul ahayn in jawaabaha BBC qabiil lagu saleeyo, waxaana loo arkay nin aan xaaladda
    soomaalida la socon oo qarwaya. Waxaa lagu yiri ”Inta uu qabiilkii kuu jawaabi lahaa imanayo waxaad ku
    sugi kartaa su’aalo Soomaaliland u saabsan”. Wuxuu qoraagu noogu dhaartay in ragga waxaas ku hadlaya uu
    ku yaraa nin aan bidaar iyo cirro madaxiisa kharribin.
    
    Dooddii qoraaga oo socota ayaa waxaa soo galay labo wiil oo af soomaali iyo sawaaxili midba mar ku
    hadlaya, waxaana qoraagii loo sheegay in ay wiilashu qabiilkii su’aasha xaqa u lahaa ka dhasheen, oo uu
    mawduuciisa wax ka weydiin karo. Wiilashii waxay qoraaga u sheegeen in uu qabiilku madax leeyahay
    wuxuuna mid jeebka kala soo baxay telefoonka la qaato, wuxuuna wacay wiil kale oo uu qoraagu wixii
    beesha ku saabsan weydiin karo.
    
    Jawaabtii qoraaga la siiyey waxay noqotay in uu Cabdiqaasim 21 sano madaxweyne ahaan doono, wuxuuna
    qoraagu u qaatay in ay soomaalida qaarkeed u qabaan in madaxweynenimada cimrigeedu uu yahay 21
    sannadood.
    
    Arrintaan waxaa la yaabi kara qof aan soomaali aqoon, laakiin waxaa ka sii yaab badan in dhawaan
    Cabdiqaasim la weydiiyey arrimo la xariira dagaalkii 1977. Muddadii dheerayd oo kacaanka wuxuu
    Cabdiqaasim taagnaan jirey guriga habar Khadiijo, ee goorma ayuu dagaal iyo xaajo rag ka qayb galay?
    Saraakiishii arrimahaas xog’ogaallada u ahaa oo jooga miyaa guryaha, xaasaska iyo carruurta wararkii
    ciidankii Jigjiga iyo Godey la weydiinayaa?
    
    Maqaalkaan xooggiisu wuxuu ku saabsan yahay waxyaalo aan jirin oo uu BBC u sheegay sarreeye guud Maxamed
    Cali Samatar. Waxyaalahaasi waxay u kala baxaan kuwo aan in laga dabo hadlaa macne weyn lahayn iyo kuwo
    in laga daba hadlaa ay xaq tahay, oo been xun ah. Arrimaha badan oo been ah, laakiin aan cidna wax
    yeelayn waxaa ka mid ah in uu Samatar ninka kowaad galay saraakiishii Talyaani wax ku soo bartay
    1954-1956. Runta haddii loo hadlo wuxuu Cali Samatar noqday ninka labaad, waxaana taas ka marag ah
    raggaas inta ka nool iyo wixii muslimiin ah arrimahaas wax ka ogaa.
    
    Arrintaani muhiim ma aha, waxaana sidaas oo kale aan culays weyn lahayn beentii ahayd in markii
    saraakiishii la shaqogeliyey Cabdullaahi Yuusuf Jawhar loo dhiibey. Runta haddii loo hadlo weligiis
    Cabdullaahi Jawhar looma dhiibin, ee wuxuu Samatar isku qalday Jawhar iyo Baydhabo.
    
    Waxaa kale oo beenaha aan muhiimka ahayn ka mid ahaa in uu Samatar ku dallacay dagaalkii lixdamaadkii
    dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya, oo uu billado ku qaatay! Haddii Rabbi laga baqayo qofna dagaalkaas
    kuma uu dallacin, oo dallacaad laguma helin dagaalkaas. Isla markaas waxaa billado helay saddex qof keli
    ah, kana mid ma ahayn Maxamed Cali. Ciidamada hal sarkaal baa billad ku qaatay dagaalkaas, hooballadana
    gabar, nin weriye ahina billad buu helay. Cali Samatar waxba ma uu helin, waan ka xumahay!
    
    Waxaynu intaas uga sii gudbaynaa arrimo uu Cali Samatar aad ugu qaldamay, oo ka waaweyn kuwaas aynu soo
    sheegnay. Wuxuu sheegay in maxaabbiistii Itoobiya laga qabtay ay 6000 oo ciidan ah ka badnaayeen, kuwa
    soomaalida laga qabtayna ay 70 ahaayeen. Waxaa la moodaa in uusan Samatar ku xisaabtamayn in ay
    maqlayaan saraakiishii ciidanka iyo dadkii arrimaha u dhuuldalooley. Horta waxaaba ceeb aan macquul
    ahayn ah in labo dal oo diriray mid 6000 laga qabto, midna 70. Runtii waa ay jirtey in ay maxaabbiista
    Itoobiya laga qabtay ka badnaayeen kuwa soomaalida laga qabtay, hase yeesho ee dadkii ay soomaalidu soo
    xarraaseen wax ciidan ahi waa ay ku yaraayeen.
    
    Magaalo kasta ama beer walba oo ay soomaaligu maraan waxay iska soo xaaqayeen dumarka iyo dhallaanka.
    Siiba ciidamadii xagga woqooyi ka hawlgalay ee soomaalidu waxay ku kaceen ceebo fuulaxun. Dad rayid ah
    baa xabsiyadii soomaaliya laga buuxiyey, waxaase intaas ka sii darnaa ciidamada dagaalka woqooyi lagu
    shubay oo u badnaa dad la soo qafaalay oo aan waxba kala aqoon. Waxaa soomaalida ka dhaadhacsanaa in qof
    kasta oo aan af soomaali ku hadlayni uu gaal yahay, uuna dhiiggiisu bannaan yahay, haddana in dumarkooda
    la kufsadaa ay bannaan tahay! Markaas ayaa qomiyado badan oo asahaata oo ku dhaqnaa dhulkii cagta la
    mariyey waxaa lagu sameeyey waxyaalo aannu ka xishoonaynu in aan halkaan ku qorno. Waa waagii uu baxay
    hadalkii ahaa ”Illaa dumarka gaaladu markii loo tegayo waa ay ashahaataan!”.
    
    Kufsigii ay ciidamada soomaalidu waagaas bilaabeen waa loo macaansadey oo wuxuu markiiba ku baahay
    gobollada Soomaaliya qaarkood, oo uu madaxweynu ku xanaaqey.
    
    Waxaa la hubaa in aysan soomaalidu kufsiga ku bilaabin dagaalkii Itoobiya ee uu weligiis kufsigu ka
    dhexsocdey geyiga ay soomaalidu degaan. Sida aannu odayaal badan ka maqalnay waxaa dagaalkaas ka hor
    dhacay saddex kusfi oo aad u caan baxay, muddo dheerna socdey. Kufsigii ugu foosha xumaa, uguna muddada
    dheeraa waxaa la sheegaa in uu ahaa kufsigii Daraawiish. Waxaa ciidankaas maskaxda lagaga shubay in ay
    dadka aan ayaga ahayni gaalo yihiin, oo dilkooda iyo dhacoodu ay jihaad islaami ah yihiin. Maxaabbiista
    dadkaas la gaaleeyey laga qabto waxaa bannaanaa in la laayo iyo in la kufsado.
    
    Kufsigii labaad waxaa bilaabay ciidamadii Cali Yuusuf oo wuxuu kufsigaas badankiisu ka dhacay Mudug.
    Waxaa la sheegaa in ay saddex kufsi oo kala darani soo mareen dadka reer Mudug. Saddexdaasi waa kufsigii
    Daraawiish, kufsigii Cali Yuusuf iyo kufsigii kacaanka.
    
    Waxaa jirey kufsi weyn oo midkii Daraawishta iyo midkii Cali Yuusuf ka waqti dheeraa, laakiin maalmo yar
    gudohood la kufsaday dumar aad u badnaa. Kufsigaasi wuxuu ka dhacay xagga woqooyi, wuxuuna dhacay intii
    uusan Cali-Dhuux bilaabin guubaabo dhanka woqooyi aad looga yaqaan oo magaceeda ”Guba” la oran jirey, oo
    ay dabadeed siddeetamaadkii Idaajaa iyo kacaankoodii faafiyeen si ay dagaal iyo kufsi cusubi u
    abuurmaan.
    
    Waxaa nasiib darro ah in aan gabayada soomaalida sida badan lagu darin arrimaha kufsiga. Sidaas darteed
    Cali-Dhuux iyo raggii la xilliga ahaa waxay muhimadda siyeen geerida ragga iyo dhaca geela, ee kufsigii
    meesha ka dhacay ma ay daakhilin. Waxaa in yar kufsigii badnaa ka taabtay ina Cabdulle Xassan oo la isla
    dhexmaro in uu ereyo sidaan u dhawaa yiri:
    
    Muxajabo daboolnayd wuxuu, gaal dukhuulaayey
    Caarkii dahaarnaa wuxuu, dubuq ku siinaayey
    Gabdhahay dillaacsheen wuxuu, dhiiggu dibiqleeyey.
    
    ”Gaal” wuxuu ka wadaa dadka aan asaga taageersanayn, waxaana dabeecaddaas kaga dayga kuwo hadda diinta
    Rabbi been ka sheega oo mooryaanta la xulufo ah. Waxaa yaab leh in uu Maxamed Cabdulle Xassan in uu
    kufsiga sheego bilaabay markii laga adkaaday, oo uusan kufsigii xad-dhaafka ahaa ee ay ciidamadiisu
    sameeyeen wax gabay ku soo qaadan. Waxaa halkaas ka cad in uu raggiisa keli ah kufsiga la rabey, oo
    uusan xagga kufsiga caaddil ahayn.
    
    Runtii in maansada waaqica sida uu yahay loogu cabbiro ayaa fiicnaan lahayd, laakiin waxaa nasiibdarro
    ah in uu dhaqanka soomaalidu ku salaysan yahay xishood aan macne weyn lahayn. Kufsigii kacaanka waxaa
    dhawr jeer carrabka ku dhuftay Khaliif shiikh Maxamuud, wuxuuna u kala saaray labo nooc.
    
    Midka kowaad waa kufsiga ciidanka oo waxaa jira dhawr tixood oo uu mid walba ku sheegay in ay ciidamadu
    aad wax u kufsadeen. Waxaynu ku kaaftoomaynaa labo meelood oo uu aad iyo aad Khaliif kufsiga uga
    naxsanaa oo kala ah:
    
    Nin waliba ka dhereg naagihii, dheegga Maxamuude
    Dhalandoorsan guurkood kuwuu, qaar idiin dhaxaye
    Ciddayada geyaan kuma dhawaan, loo dhaqmaad gudo’e
    Dhaddig iyo haddaad naga rabteen, xidid isdhaafdhaafsi
    Dhudub kama helaysaan aroos, dheelmatiin wacane.
    
    Waxaa laga yaabaa in uu ereyga ”dheeg” kula adag yahay, waase tuludda geela ah labadeeda dhinac midkood,
    wuxuuna kufsiga ciidamadii Maxamed Siyaad mar kale Khaliif ka yiri:
    
    Waataas dariiqyada hablaha, lagu dubaaqayne
    Waataas ilmada dililiq lihi, dulundulcaysaaye
    Waataas aan loo diirnaxayn, timodaliigleye
    
    Uurdigiso dalalbaabidey, dalankacaayaane
    Haddeeray intay wada dahdeen, silic la duukheene
    Dafir iyo waxaa loogu daray, jeel u daa’imise
    
    Intaas haddii aynu kaga gudubno gabayada ku saabsan kufsiga ciidamada qalabka sida, oo aynu u sii
    gudubno kufsigii golaha sare, saraakiisha iyo wasiirrada waxay dadkii bilowgii idaacadda Kulmis
    dhegaystey maqleen Khaliif oo cod dhiigga dhaqaajiyey ku leh.
    
    Ninkii xumaha diidaba hadday, digi ka yeerayso
    Asagoon denbi lahayn haddii, layska dabanaayo
    Oo dahabadiisii mid kale, daar u xiranaayo
    
    Intaas iyo waxyaale kale oo badani waxay ku saabsan yihiin kufsiga guud ee golaha sare ee kacaanka,
    wasiirrada iyo saraakiisha sarsare, laakiin ma jiraan ereyo toos u taabanaya kufsiga madaxweynaha oo
    Khaliif laga reebay? Haa oo wuxuu yiri
    
    Nin dumaashidiin ciilay oo, diiniyaa jira’e
    Hindi gabadhii laga doonay baan, qaran ku daabnayne
    Waxaan loogu soo daqaqamayn, waa damiirxumo’e
    
    Haween aan dalaaqnayn haddana, duley cidla ah taagan
    Oo aan duryaad kuu dhalayn, lana daryeelaynin
    Oo aqalka darintii u tiil, lagu dabayleeyey
    
    Allaaba waa dareen iyo in ay, dib uga yaabaane
    Haddii loo damaaciyo sidaa, Maxamed daaskiisa
    Dar ilaahay qoon kale waxaas, uma dulqaateene
    
    Dulucda maqaalku waxay ahayd in aynu saxno ereyo aan run ahayn oo ka soo yeeray sarreeyeguud Maxamed
    Cali Samatar, oo ay BBC u kaashadeen dano xin iyo cuqdad ah. Wuxuu askerigaas kacaanka ahaa aad ugu
    dheeraaday dagaalkii 1977 qaybtiisa woqooyi, oo dhanka Jigjiga iyo Harar abbaaray. Labo jeer ayuu
    Maxamed Siyaad dhankaas gaarey, Maxamed Cali Samatarna dhawr goor ayuu halkaas tegey. Haddaba ciidankii
    dhanka koofureed oo ilaa Godey socday muxuu marna wasiirka gaashaandhigga sarreeyeguud Maxamed Cali
    Samatar u soo booqan waayey, wuxuuse Maxamed Siyaad u soo booqan waayey? Muxuuse hadda oo dhawr iyo
    labaatan sano laga joogo Cali Samatar ugu dheeraaday Jigjiga oo uu Godey uga leexleexday? Jawaabtu waa
    ay iska qayaxan tahay oo wuxuu Maxamed Siyaad cuqdad caloosha ugu hayey gashaanle sare Cabdullaahi
    Yuusuf!
    
    BBC toorreydii lagu birayn lahaa ayada ayaa gacanteeda bidix ku wadata oo waxay waraysi ka qaadeen
    sarreeyeguuto Maxamed Nuur Galaal oo si cad u sheegay in uu Maxamed Siyaad cuqdad caloosha ugu hayey
    ciidankii uu hoggaaminayey Cabdullaahi Yuusuf.
    
    Wuxuu madaxweynihii dalka Soomaaliya Galaal u sheegay in uu ka baqayey in uu ciidankaasi guul gaaro oo
    Cabdullaahi Yuusuf macag ku helo. Cuqdaddaas daciifnimada ahi waa sababta dalkeennii heerkaas
    gaarsiisey, waana cuqdad uu Maxamed Siyaad qabey baheenkii uu Soomaaliya miray, waana isla cuqdadda BBC
    sharafta ka qaadday. Wax guul ah ummadda soomaaliyeed gaari mayaan ilaa ay cuqaddaddaasi ka baxdo, waan
    ay adag tahay in ay ka baxdo, waayo waa cuqdad gaamurtey.
    
    Ciidamada dhanka waqooyiga waxaa isu dabamarayey Maxamed Siyaad, Cali Samatar iyo Galaal oo kulligood
    isu calool fayoobaa, waxaana sarkaal sare oo dagaal ka ahaa Caarre. Haddaba wuxuu Cali Samatar aad ugu
    dheraaday in dhibaato daban laga mutay qabashadii magaalada Jigjiga, mana uu sheegin sarkaalkii qabtay,
    isla cuqaddii baynu dib ugu soo laabannay.
    
    Cuqdaddu taariikh ma aha ee waa jirro, waana cudur ku dhaca dadka aan isku kalsoonayn. Jigjiga wuxuu
    dagaalku ka socdey muddada uu Samatar sheegay oo ahayd 14 maalmood. Waxaa lix maalmood ciidanka haystey
    Caarre, oo waxba ka tari waayey in uu Jigjiga qabto. Galaal ayaa ciidankii la wareegey oo lix maalmood
    oo kale uu dhidid iyo dhacaan kaga dhammaaday in ay Jigjiga ka baxdo gacanta Itoobiya. Dadkii uu
    madaxeynuhu aamminey 12 maalmood oo dagaal ah bay caqli iyo cilmi waxii ay hayeen isugu geeyeen
    qabashadii Jigjiga, waana laga quustay. Haddaba yaa ciidankii meeshaan ka dagaallamayey lagu wareejirey
    markii ay arrinta Jigjiga cuslaatay. Ma Gurigii Khadiijo ayaa Cabdiqaasim looga yeeray! Ma Samatar baa
    howshii dagaalka farihiisa la galay? Galaal iyo Caarre quus bay la caga jiideen, Cali Samatar iyo
    Siyaadna cuqdad bay meel la fadhiyaan!
    
    Hadalka haddii la soo koobo waxaa in ciidanka lagu wareejiyo codsaday gaashaanledhexe Cukur Muuse Cali-
    Koor, oo ah ninka uu Cali Samatar afka kala meermeeray, laakiin aanan anigu xaasid ku ahayn. Cukur wuxuu
    ballanqaaday in uu labo maalmood kaga saarayo ciidamadii Mengisto haddii ciidanka loo dhiibo. Sidii uu
    Cukur ballanta ku qaaday bayna noqotay, oo waxaa la gaarey guusha uu Cali Samatar ku faanay, uuna ninkii
    soo hoyiyey qariyey.
    
    Haddaba hadda xaggee buu jiraa gaashaanledhexe Cukur Muuse Cali? Maxayse BBC wax uga weydiin waayeen
    sidii lama filaanka ahayd oo uu Jigjiga u qabtay? Meesha uu Cukur jiro waxaa inooka warramaya Khaliif
    shiikh Maxamuud, ee Cukur Muuse ka dhex baar hadalka hoos ku qoran:
    
    Xuseenow cadaabkii ma tage, caaqil baad tahaye
    Cindigaad u roon tahay sidii, caano saafi ahe
    Codka iyo afkaartaada waan, ka cokanaadaaye
    
    Cimrigiisu raagyow libaax, coof leh baad tahaye
    Cunto iyo waxsiin kuguma rabo, caaddilkay qaba’e
    Sidaad cadowga uga aarsataan, kugu ciseeyaaye
    
    Dumar ubadka caascaasa oo, ceebalaa jira’e
    Cubtan hooyadaa baa ahayd, aan cayaar barane
    Canbarkii adeerkay dhaloo, caan ah baa tahaye
    
    Cabbanaanta kaa muuqatiyo, caajis la’idaada
    Casar iyo dharaar dhiilladaad, la cartanlanaysid
    Caaqibo ninkii lihiba wuu, ku cibro qaataaye
    
    
    Waxay kugu canbaaraynayaan, waa ca’ aan jirine
    Adigoo custiin iyo gargaar, ugu ciraabaaya
    Citiqaadka xumi waa waxay, kugu colaadsheene
    
    Hayeeshee cibaarada adduun, haw ciyoon dudine
    Rasuulkiiba qaar caasiyoo, caaradaa jiraye
    Walaalow kelyaha ciirso waa, caynkii oo kale’e
    
    Cudud kula dhaqaaqdiyo Allaa, ciidan kuu fidinine
    Anna caafimaad talo qabtaan, ku callimayaaye
    Culuumtayda maqal waa mid aad, ka cabbi doontaaye
    
    Walaalow carriga baaba’iyo, cawska gubanaaya
    Carruuraha barooranahayoo, adiga kuu ciiqle
    Jeer cirirku naafaha beddelo, caato haw noqone
    
    Ragga lagu camiiqtoobey baa, kuu cashiira ahe
    Qabuuraha cusayb ahi waa, curaddadeenniiye
    Waalaalow waxay ciirsadaan, cuurka aan nahaye
    
    Walaalow inaan caawinnaan, kaa codsanayaaye
    Waalaalow sabcaallo cusub baan, ku cirfin doonnaaye
    Walaalow tub ciirsila’ ah oo, caaddan baad mariye
    
    Walaalow cirbaha kabaha karo, calafi waa liide
    Walaalow cagaag baa jiree, suumanka u ceeji
    Walaalow curuuqdiyo lafaha, caabbi waa socode
    
    Walaalow ciddii aakhiraa, kuu calaacaline
    Cukur qayladiisaa dhegaha, laga cufaystaaye
    Cali Shira-Farey baa godkii, ciidamow ka lehe
    
    Cabdullaahi Shiikh baa qabriga, nooga soo cabane
    Elji ciririqdiisaan nafluhu, ka carwasaadayne
    Cabdulqaaddir cirid meel ah bay, cagaf ku aaseene
    
    Walaalow cirradii Baajacoor, ceeskii laga qaadye
    Hadday jeer cimaamad u lahayd, Celi ka tuuryeeye
    Gablan buu wuxuu la cuskugaa, cimilkii Gaafow’e
    
    Afartii timaha cawlanayd, caawa waa labo’e
    Caalwaaga haystuu faraha, ku ciddijiidaaye
    Walaalow cidluu yuururaa, camal daraaddiise
    
    Curdankii Surweelle u kacay, kala ciniineene
    Nimankuu rag kaga caalladnaa, way carbariyeene
    Walaalow caq baa laysay iyo, caaraddhuub Seda’e
    
    
    Abbow Cali-Qod bay ku caddileen, caraqii Doolloode
    Cirifyada Wardheer bay ilmadu, camanka qoysaaye
    Waakaa sidii cawl la ganay, caalyo geyla lehe
    
    
    Asagoo cimri ah buu baroor, la cifanayaaye
    Cusri bayna haystee sidaas, kuma canaadneene
    Innagaa cawaan ahe hohey! codasho noo keenye
    
    Camalkulule wiilkii caddaa, Caanonuug dhimaye
    Cabdi Jaamac bay kula hareen, ceeri bana weyne
    Carowgii la dhigay Jaamac-Nayl, carunkii baa yaale
    
    Cawil jeenyihiisii ninkii, caarifaa garanane
    Cooddida jirkiisii lahaa, caalle loo legedye
    Kubab ceenadlow iilkii buu, ikana caayaaye
    
    Hurrow ina Cabbaas bay wadnaha, kaga cidaadeene
    Carriskuu ku go’ay buu tukuhu, weli ka cayshaaye
    Geesigii caadaawuhu necbaa, Daahir-Low cuna’e
    
    Cismaan Cabdi Cismaan iyo walaal, Caabbi baan tebaye
    Canbaluug la moodyow Sujuu, waa cadkay maqane
    Walaalow Curtii Cali-Yarey, kaga cuq siiyeen
    
    Cali Baaryareen jiifiyeen, Cagi raqdiisiiye
    Xassankii cabbaaryaha lahaa, cidi ma raacdayne
    Dhamuukey ku ciirsheen rasaas, dheeh casuura lehe
    
    Casow Maxamedow ina Saciid, mililki ceegaagye
    Caqli suubbanow Muuse wow, camal guhaadoone
    Cimil Cali siday ula hareen, ciide reer Dalale
    
    Curguggii Goldogob baa’ba’aan, kuu caddadayee
    Cosob bay ahaayeen dhammaan, keenay caarado’e
    Cishiriin jir buu wada ahaa, ciidankii go’aye
    
    Cardintii horeetey iskuul, ku cilmi qaateene
    Casharkay bareen waalidkood, ma calfan qoonkaase
    Sidii caw la jaray oo kalaa, loo callaal waraye
    
    Saddexda iyo tobankii cirjiir, lagu cardaaduuqye
    Dawacooyin cuucliyo dugaag, lagu cashaysiiye
    Car yaw dhiidhiyaa laga lahaa, ciribtirkoodiiye
    
    Magac kuma caddayn karo raggii, ciidda hoosgalaye
    Cuntubyaa ku lumay goobihii, Yeed ku caanbaxaye
    Galowguba cabaad geeridii, Goroyo-Cawleede
    
    Walaalow cibaarada dhacdoo, layna ku cadaadshey
    Calaan iyo nin liitey la tahay, inaan la coodayne
    Mar uun buu ilaah noo cawilin, culuq ka doorreene
    
    Inkastoon ciriir weyn qabnoo, layna ku caweertay
    Cirshigaa waxaynoogu qoran, guul calaamadane
    Casiis bayna kaalmaynayee, haw cabiidsamine
    
    Tixdu aad bay u sii burqanaysaa, waxaana lagu mala’awaalaa in ay tahay maansadii ugu danbaysey oo
    Khaliif laga maqlay, hase yeesho ee waxaa inoo caddaatay in uu Cukur Muuse Cali meel “aakhiro” la
    yiraahdo jiro. Woqooyiga Soomaaliya ayaa asaga iyo marxuumiinta uu Khaliif taxay qaarkooda iyo rag kale
    lagu laayey, mana uu sheegi karo Cali Samatar wax ay galabsadeen, waabase haddii aan weydiiyo!
    
    Dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya wuxuu joogsadey 1978, wuxuuse Cali Samatar sheegay in dagaalladii
    markaas ka gadaal dhacay ay dhexmareen soomaali iyo Itoobiyaan, oo ay dadkii kacaanka ka dhintay
    soomaali ahaayeen, halka ay kuwii dhanka kale ka geeriyoodey Itoobiyaan ahaayeen.
    
    Haddaba waxaa yaab leh in aanu 1979 idaacaddii kacaanka ka dhegaysanney khudbo uu jeediyey Maxamed
    Siyaad oo uu nuxurkeedu ahaa isla hadalka uu hadda Cali ku hadlay. Waxaa intii uu Cali Samatar sheegay
    weheliyey in ay jiraan dad gaaloobey oo magaalada Havanna, Itoobiya iyo Ruushka laga soo dirsado.
    
    Markii aannu khudbadii dhegaysanney ayaannu cabbaar ka dib waxaannu daarnay idaacad lagaga soo horjeedey
    kacaanka waxaana ka soo burqaday gabay lagaga jawaabey khudbadii. Waxaannu u qaadan weyney in uu qof
    aadami ahi gabay sidaas u sugan tiriyey, oo duubay saacaddii ka danbaysey khudbadii madaxweynaha. Weli
    dadkayaga gabya wuxuu shaki weyni nagaga jiraa in uu Khaliif shiikh Maxamuud jinni ahaa iyo uu insi
    ahaa. Kolleyse gabaygu wuxuu lid ku yahay aragtida ah uu Khaliif amxaar ahaa ama Kubba iyo Ruush u
    shaqaynayey, waana garnaqsi buuxa. Sidii khudbada xanaaaq uga muuqdey ayaa gabaygana caro uga muuqataa,
    wuxuuna yiri:
    
    Afweynow dubbaa kaaga dhacay, duudka araxdaahe
    Afartaada dacal ciidamaa, kaaga soo degaye
    Digo gubatey baad noqotay iyo, duur hulaaq galaye
    
    Danbaaburada qiiqiyo madfaca, dininiglaynaaya
    Dogob iyo dohdii Beyra iyo Mudug degaankiisa
    Waxa kugu dulheebayaa, waa diyaarado’e
    
    
    Efenteriga dalandoolayoo, kugu dabraynaaya
    Digta sumuca aakaha Siyaad, lagu durduursiiyey
    Kaaraha ku dawdabahayiyo, suuga dananaaya
    
    
    Agagaarka Doolow haddii, lagugu daaduunshey
    Oo Yeed dorraad lagugu helay, duubkii kaa furanye
    Deex iyo bad waxa kaaga iman, duul mariino ahe
    
    
    Waxa miig degmada Caabudwaaq, kugu duqaynaaya
    Dubaabaadka Havanna iyo, Ruush ma soo dirine
    Waxa kaa dareerinahayaa, duufka waannaga’e
    
    
    Dibirtiyo sinsaarooyinkuu, suxulku kuu diirmay
    Axadyohow dufaynani ajnabi, hawgu dawgeline
    Dafirka iska daa waxaannu nahay, qoon dalkooda lehe
    
    
    Dabcigaaga waa lagu yaqaan, beyn dakhawlan ahe
    Huwan kuguma soo duulin iyo, dalal shisheeyaade
    Derisyada ha ceebaysan waa, dururuqdaadiiye
    
    
    Dooddaada redyowga wow, dhego daloolaaye
    Dacaayadaha Waaberi haddaad, debbedda gaarsiisid
    Kulmis ma adigaa damin run baan, diirka ka caddayne
    
    
    Dacwaddaada way wada maqleen, dawladuhu debiye
    Dabaxiir inaad tahay Galbeed, wuu daliishadaye
    Dekaddii Berbera Rolan Reeg, degi awood waaye
    
    
    Dunidoo dhan baa kuu taqaan, diib cadaawe ahe
    Dugaaggii ku boobaaya waa, lala dagaalaaye
    Waxba ha isu dedin uumiyuhu, kaa digniin helane
    
    
    Dabaqaad koraysaa dhaqsuu, kuula dumayaaye
    Nin dadkiisa cuna ciiddu way, labodidlaysaaye
    Dugsiwaaga waxa kuugu wacan, daallin baad tahaye
    
    
    Dulmilowga hadalkiisu ways, dabamaryeeyaaye
    Waxaad noogu soo labadublayn, waannu daw garane
    Dacarta isku celi Eebbeheen, waysku keen diraye
    
    
    Ku dareenyey aadnigu inaad, tahay dullaalaye
    Denbiga aannu kuu haysanniyo, qaranka aad duugtey
    Dufantirasho yaa kaaga harin, deyn qabaad tahaye
    
    
    Ragga daamanharaglow ilmada, dibiq leh kaa keenay
    Dabool niman la saariyo ka weyn, daas qabiilo ahi
    Ka difaactan soomaaliyoo, duuban baan nahaye
    
    
    Diyadoodii niman kaa raboo, doonayaan nahaye
    Kuwaad danabyadoodii dharaar, duudsidaan nahaye
    Rabbi baa na daalacan inaan, daacaddii nahaye
    
    
    Dabodhilif inaan ahay haddaad, duni ku haasaawin
    Labadeena dacal ways naqiin, durey abiidkeene
    Dad ma caayi karo oday hadduu, doobileef yahaye
    
    
    Ma duqowdo taariikhdu oo, waa diwaan qorane
    Xorriyo u dadaalkii ninkii, daadufshaad tahaye
    Diricyadii es way el ninkii, dooxay baad tahaye
    
    
    Gobannimada Maandeeq ninkii, daayacaad tahaye
    Faranjiga dirayska leh ninkii, daa’intaad tahaye
    Ninkii Gaalka dooradu ku taal, doortay baad tahaye
    
    
    Ma dacaaman weligaa xalaal, duubi kay tahaye
    Dafow baad ku noolayd tan iyo, dahashadaadiiye
    Tuug dumarka xada ooy nacladi, daakhisaad tahaye
    
    
    Debnahaaga xaaraanta waad, ugu dadaashaaye
    Xoolaha dad weynaha haddaad, maymo mara eegtid
    Dumad doolli aragtaad sideed, ugula duushaaye
    
    
    Intaasoo dunuubaad gashoon, lagugu daynayne
    Arrintaa daraaddeed annaga, kuula dirirayna
    Iyo adiga keennii gardaran, daayinkaa gara’e
    
    
    Kufri inaan u meeldayo ilaah, iigaa deeq badane
    Digriga iyo aadaanka iyo, darab salaadeedka
    Adi uun baa darooryaye islaam, daakiraan ahaye
    
    
    Adiguba damiinyohow haddaad, daawan bedenkaaga
    Diintiyo Qur’aankkii ninkii, diidey baad tahaye
    Dastuurkii shareecada ninkii, dooriyaad tahaye
    
    
    Shaydaan nin uu daadahshoo, duufsadaad tahaye
    Nebigii la daahiray nin uu, dayriyaad tahaye
    Durdurrada cadaabeed nin loo, dawliyaad tahaye
    
    
    Rasuulkii dariiq buu na yiri, ”duul allow mara’e”
    Haddaad adigu daasado cabtoo, dawgii ka habawday
    Damiirkaaga haaraan jahaad, kaagu noo dagaye
    
    Rag isdiley dabaadiga qolaa, lagu dagaajaaye
    Dalanbaabigaagaan ka garan, inaadan doogayne
    Naga soo deg duumaad ahayd, daawo loo helaye
    
    Abwaan laga dalqaminaayo waa, laga dabqaataaye
    Rabbi waxaan ka doonaa waqay, igama daahaane
    Dakhal fooraraad noqotay iyo, doonni caaridaye
    
    Ninkii talada laga duugayaan, daaqo loo heline
    Waxaan kugu durraamanahayaa, waa danta dhab ahe
    Iska dulugso imaankii baa, kaa dabayshadaye
    
    Waxaa la moodaa in uu gabaygu ku dhammaaday saddex mir oo u eg in hadda loo tiriyey laanta afka
    soomaaliga ee BBC. Waxaa intaas weheliya roon tahay in aan taariikhda lagu soo koobin Cali Samatar,
    Cadqaasim, Idaajaa iyo hooyadood Khadiijo, ee bal dad dhaamaa la raadiyo.
    
    
    Shaafici Xassan Maxamed
    E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se
    
    Xigasho: http://www.mudugonline.com/2003/october/141003aragti.htm
    
    

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.