Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

Maxay BBC-du u dhalan rogtaa wararka Ogaadeenya ?

    
    
     Cabasho Furan : Maxay BBC-du u dhalan rogtaa wararka Ogaadeenya ?
    
    Waxaan jeclaystay inaan halkan ku soo gudbiyo cabasho ku saabsan sababta ay BBC-da laanteeda Af-Somaligu
    u soo tabin la’dahay wararka dalka Ogaadeenya. Cabashadan oo ah dareen ay wada qabaan dadka Somaliyeed
    ee ka soo jeeda dalka Ogaadeenya, waxaan ku soo gudbinaynnaa warqad furan, waxaana BBC-da laanteeda Af-
    Soomaliga uga dacwoonaynaa madaxdeeda, shaqaalaheeda iyo dadka Somaliyeed iyo waliba ruux walba oo
    damiir bini’aadamnimo ku jirto.
    
    Ujeeddadii loo aasaasay idaacadda BBC-da laanteeda Af-soomaliga waxay ahayd in wararka adduunka iyo kuwa
    Soomalidaba ay gaadhsiiso dadka af Soomaliga ku hadla. Haddaba, wuxuu caqliga fayow ina dareensiinayaa
    in BBC-da ay ahayd inay muhiimad isku mid ah siiso gobolada iyo aagagga ay degaan dadka Soomalida ah.
    Nasiib darro, BBC-da Laanteeda Af Soomaliga wax war ah oo la taaban karo kama soo wariso dalka
    Ogaadeenya.
    
    Sida la wada og yahay dhacdooyin aad u badan ayaa ka dhaca dhulkaas oo saameeya xag dhaqaale, siyaasad,
    nabadgalyo iyo arrimaha bulshada. Arrimahaas oo warar ahaan aan ka liidanin kuwa ay BBC-du ka soo tabiso
    aagagga kale ee Soomalidu degan tahay sida Waqooyi, Bari, Gobolada Dhexe, Gobolada Koonfureed iyo waliba
    NFD.
    
    Waxaa yaab leh in BBC-du wararka yar ee ay soo tabiso ay ka soo xigato wariyaha u jooga Adis Ababa, taas
    oo labo sababood dartoodba aan xaqiiqada ka turjumi karin :
    
    Waa marka hore, Adis Ababa oo aad uga fog dalka Ogaadeenya wax xidhiidh ah oo toos ahna aan la lahayn
    degmooyinka Ogaadeenya. Waa ta labaade, wariyaha halkaas jooga oo nabadgalyadiisa darteed aan soo tabin
    karin xaqiiqda wararka.
    
    Haddaba, iyadoo dad ku dhow lix milyan oo ree Ogaadenya ah ay BBC-da Af Soomaliga ka dhagaystaan gudaha
    Ogaadeenya iyo dibaddisaba, waxaan aaminsanahay in BBC-du ay ku khaldan tahay inay xaqirto wararka ay
    tirada intaa le’eg xiisaynayaan inay maqlaan.
    
    Waxaa jira ururo badan oo sheegtay inay taabacsan yihiin dawladda Itoobiya iyo kuwo mucaarad ku ah oo
    Itoobiya la dagaalama. Waxaa haddaba jirta in BBC-du aynan siinin shakhsiyaadka ka soo jeeda dalka
    Ogaadeenya saamiga ay xaqa u leeyihiin xagga waraysiyada iyo sheegista bayaanada ay soo saaraan.
    Haddaba, miyeynan ku habboonayn in la fahmo sida BBC-du ku xulato wararka ay sii dayso. Sidoo kale,
    lixda milyan ee Soomalida ah ee BBC-da Af Soomaliga ka dhagaysata dalka Ogaadeenya, waxay xaq u
    leeyihiin inay BBC-du u sharaxdo sababta wararka Ogaadeenya ay ugu yar yihiin BBC-da Af-Soomaliga.
    
    Waxaaba intaas ka sii daran iyadoo mararka dhifka ah ee ay BBC-du sii dayso wararka Ogaadeenya, ay
    dhalan rogto ayna ku xidhan tahay hadba sida uu rabo wariyaha markaa soo tabinaya. Dinaca kale, wararka
    ku saabsan xukuumadda Itoobiya, BBC-du way buunbuunisaa, waxayna badanaabana u sheegaan sida ay
    xukuumadda Itoobiya jeceshahay, waa YAAB!
    
    Waxaan kala garan la’ahay inay arrintu tahay siyaasad ka socota BBC-da nafteeda iyo inay tahay mid ka
    socota shakhsiyaadka ka shaqeeya. Dad bnadan waxay aaminsan yihiin inay tahay arrin ay ka dambeeyaan
    qaar ka mid ah wariyayaasha BBC-da, waxaana taa ay dadkaasi caddayn uga dhigayaan iyadoo wariyayaasha
    BBC-du uu ninba siduu doona wararka u soo tabiyo, xitaa magacyada dalka uu ninba waxa uu doono ugu
    yeedho.
    
    Waxaan dhagaystaayasha qaayaha leh ka codsanaynnaa bal inay hadda ka dib u fiirsadaan habka ay
    wariyayaasha BBC-du u soo tabiyaan wararka Ogaadeenya iyo kuwa dawladda Itoobiya, ka dibna ay iyagu
    caqligooda isticmaalaan. Arrimahan waxaa tusaale fiican u ah waraysigii uu wariye ka mid ah BBC-du la
    yeeshay Melez  Maarso 2002 iyo habkii uu isla wariyahas u soo tabiyey bannaanbax ay Jaalliyadda
    Ogaadeenya ee Ingriisku kaga hortageen booqasho uu Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Melez ku tagay
    Ingiriiska Febraayo 2003.
    
    Cabashadan waxaan u soo bandhigaynnaa dadka Soomaaliyeed oo sababtii doontaba ha keentee, nasiibka u
    helay inay wararka degaankooda sax loo soo tabiyo iyo kuwa kale ee iyaguna sidaananada oo kale la gacan
    bidixeeyey. Sidoo kale, cabashadan waxaan si toos ah ugu bandhigaynnaa maamulka iyo shaqaalaha laanta
    Af-Soomaliga ee BBC-da. Aniga iyo inta ila ra’yiga ahba, gartaanadii waan sheeganay, jawaabna waxay la
    jirtaa Laanta Af-Soomliga ee BBC-da.
    
    Waad Mahadsan tihiin
    
    Fadlan wixii faallo, su’aal ama taageero ah ku soo hagaaji qoraaga.
    
    Abdullahi Maxamed
    Abdullahi_mahamed@yahoo.com
    
    Xigasho: http://www.ogaden.com/Warqad_Furan_BBC_Somali.htm
    
    
    

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.