Ku soo Dhowoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Farshaxan Fatax Farshaxan

kula xidhiidh qoraaga EMAIL ..

"Cabdi-Fataax Ibraahim "

DUDADDA BAHALLAA FADHIYA DHALAANKANA DAMAC YAQAAN
           Diin iyo dacawo, dhega dheer caws iyo biyo ku nool, iyo sheeko caruureedkii haalaasin jiray dhalaanka yar-yar kuna bari jireen dhaqankeena kaasoo kaalin weyn ka geli jiray xejinta dhaqanka iyo isku xidhka inta guri usoo wada hoyata. heesihii gaagaabnaa, maqaleey warlaay, shimbirayahow heesa, alla dheeriyaayeey iyo qaar kaloo badan oo caruurtu ku hadaaqi jirtay, way galbadeen. sababta ugu weynina waxa weeye macalimiintii oo is bedeshay, macalinkii hore oo ahaa AABAHA ama HOOYADA ama Walidiinta iyo dadka waaweyn ee xigtada u ah caruurta ee haasawin jiray oo aan iminka ku lahayn meel iyo maqaam toona dhalinta manta joogta. Waxa halkoodii calfaday oo si cad uga bara bixiyey dudada guriga bahalaha fadhiya oo dhalaankana aad u af yaqaan kuwaasoo ah Video, Radio dhagaha la sudho, TV-ga,Mobile cidkalle lagula xidhiidho, iyo internet oo caalam kale u fara geliyay.
Markii technology-gani horumarayeen cid waliba naruuro iyo farxad bay kusoo dhaweysay horumarka maanta aduunku gaadhay waxa ay noqotay in lagu tilmaamo inuu yahay tuulo, waxa uusoo koobay caalamkii, waxa uu fududeeyay iska war hayntii, waxa uu wax ka qabtay kobcinta caafimaadka waxa uu sahlay gudbinta war ama wacdi, isku soo wada duuboo waxa uu ku leeyahay mug weyn koradhka horumarka aduunka. Hada aynu yara digo rogano oon eegno wejigiisa kale ee uu leeyahay. Waxa markaba ku hor imanaysa in uu yahay mindi laba af leh, kaasoo sahlay in dhalaankii xadhka goostay halkii uu waalidka ka qaadan jiray casharada ah dhaqanka, edebta, wanaaga iyo xumaantuba sifayntooda ay noqotay in uu ka qaato technology-gan oo uu isagu xukumo taasoo uu ka door bido macalinkii hore waa walidiintee. Waxa technology-gani sababay in caruur iyo ciroolaba lugu haftay barnaamijyada kala duwan ee laga soo daayo idaacadaha oo dhaqan xumo aad u balaadhan ku lamaan tahay, mabay xumaateen haday yihiin barnaamijyadani kuwo aynu xakamayn karno ee waa bello aad ula saaxiibta dhalaanka, ayna kaa jecel yihiin. Hadaba ta is weydiinta lihi waxay tahay hadmaynu u heli awood aynu ku samaysano barnaamijyo ubadku xiiseeyaan oo ku qotoma dhaqankeena iyo diinteena suuban, mise isaga jeedinta aynu ku jeedinayno aafadan ayaynu ku nahay mabsuud.
Hadmaa kuugu danbaysay wiil ama ubad aad dhashay oo kaa waraysta dhaqanka soomaalida, ma xasuusan kartaa ubadkaaga oo xiiseeya sheekadaada waa hadii aad ku nooshahay dalalkan galbeedkee mise waxa ay kaa door bidaan filimada kartoonka ah, Musikada, Kubadah IWM. Ma ku faanaan dhaqankooda mise waa ka faanaan, ma xiiseeyaan ku hadalka afsoomaaliga mise todhotodho-da dalalka ay joogaan bay doorbidaan. Bal da’ yarta soo koraysa weydii erayadan inta uu ka garto, kadibna niyada gali facani ka ay dhalaan inta ay ka garan karaan.

Xarafkan S-da aan u doortay.

  • Sibraar..        Surmocaad..        Sooftaran_haboow..
  • Saryan..       Sardho..       Salsal..
  • Sagal..       Surmo_seegto..        Saami..       Sakati..

  • Gebogabadiina ma quman tahay in lala tacaalo sidii loo badbaadin lahaa ubadkan laysuguna dayi lahaa sidii loogu soo dabaali lahaa dhaqankii iyo diintii suubanayd ee aynu u lahayn asal iyo sinji, mise waxa yanu sugnaa inta aynu si aan soo noqosho lahayn ugu milmayno bulshooyinkan kale dhaqamadooda. Ma haboon tahay in waqtiyada farxadaha, sida labada ciidood, maalmaha xoriyada amaba fasaxyada dalalkan lagu dhaqan yahay in la kireeyo goobo lagu maweeliyo lagu wacyi geliyo laguna dhiirigaliyo da’yart. Si xigmadaysan maanka haloo geliyo lama kari waayin ileyn waa ta lagu qabsado xafladaha qoob ka ciyaarka, aroosyada futayska ah iyo waliba kulanada guno doonka ah. Maxaa loogu waayay kulan kaliya oo ka madhan siyaasad, dhac-dhac ku doon ama qoob ka ciyaar, kaasoo loo bixiyo BADBAADO lana sameeyo laba amaba hal mar sanadkii,…!!!!!!.
    Duddada bahalaa fadhiya
    Dardaaran adag bay qabaan
    Duruuso loo igmaday
    Duduuc iyo darxumaay fidshaan
    Garaadka dabar bay sudhaan
    Dareenka wacan bay dhibaan
    Da’yarta soo if baxay
    Duruufo adag bay bideen
    Daacuun iyo darxumay bideen
    Dafshaanimo sillan bay bideen
    Allow da,yarta noo astee
    Oo deggan noogu beer
    Aamiin…!!!!!!!!!!!

    Waxaa soo diyaariyey u fadhiyaha mareegta farshaxan London-England-
    Cabdi-Fataax Ibraahin Sh.Xasan

    Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.