Taariikhda Aaskii Midnimada iyo Raja-gabka Somaliweyn
(Maqaalkanu waxa uu ku saabsanyahay taariikhda soo
ifbaxii Aragtida Somaliweyn, dhalashadii midnimada
labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur, iyo sidii Somalia
iyo Somali Galbeed midnimadaas u aaseen, yididiiladii
Somaliweyna uga dhigeen raja-gab)
Figradda Somaliweyn waxay xooggeedu soo ifbaxday
badhtamihii Dagaalkii Labaad ee Adduunka (1939-1945)
xilligaas oo ay bilaabmeen halgamadii siyaasiga ahaa
ee gobonimadoonka Somaliyeed oo socday intii u
dhaxaysay 1943-1960. Halgamadaas oo ay hormood ka
kala ahaayeen Xisbigii SYL oo la aasaasay 1943 una
halgamayey xornimada Gobolladii Koonfurta oo maanta
ah Somalia iyo Xisbigii SNL oo la aasaasay 1947 una
halgamayey xornimada Gobolladii Waqooyi oo maanta ah
Jamhuuriyadda Somaliland. Halgamadaasu waxay
dhammaantood ka midaysnaayeen aaminsanaanta Aragtida
Somaliweyn oo ahayd in la xoreeyo, mideeyo, hal calan
iyo hal dawladna la hooskeeno 5tii Somaliyeed ee
Gumeysiga Reer Yurub u kala qaybiyey geyigii
Somaliyeed, taas oo ahayd sidatan: Somaliland iyo
Gobolka Somaliyeed ee Kenya waxaa saami ahaan u helay
Ingiriiska (1884-85), dibna Ingiriisku ka siiyey Kenya
Gobolka Waqooyi Bari ee Somaliyeed (1963) , Koonfurta
waxaa qaatay Talyaaniga (1889), Jabuuti waxay gacanta
u gashay Faransiiska (1862-1885), Somali-Galbeedna
waxa ku tuun-tuunsatay Itoobiya (1889), dibna Dhulka
Hawd Ingiriisku ka siiyey Itoobiya (1954).
Somaliland waxay ahayd dalkii ugu horreeyey ee
Somaliyeed oo gobonimada qaatay 26kii June, 1960,
ummadda Somalilandna waxay ahayd dadkii ugu horreeyey
ee kaga dhabeeya hirgelinta Aragtida Somaliweyn markii
ay 1dii July 1960 la midoobeen Koonfurta (Somalia)
lana baxeen Jamhuuriyadda Somalia. Midowganu waxa uu
yididiilo weyn ku abuuray dhammaan dadyowgii 5ta
Somaliyeed waxaana rajo weyn laga qabay in dawladda
cusub ee Israaca ay horseed u noqondoonto xoraynta iyo
keenidda 3dii gobol ee kale si figradda Somaliweyn u
dhabowdo loona abuuro jamhuuriyad weyn oo Somaliyeed
kana dhalata Geeska Afrika.
Nasiibdarro, Aragtida Somaliweyn waxay figrad ahaan
iyo ficil ahaanba u jirtay intii u dhaxaysay
1943-1960. Burburka midnimadii dhalatay iyo
yididiiladii laga qabay Somaliweyn waxay la kowsatay
Israacii 1960 kadib markii ay Somalia diiday inay
ixtiraamto wadaagga dawladdii ka dhalatay midnimadii
cusbayd si toos ahna u boobtay. Somali Galbeed inta
Taliskii Siyaad Barre u oggolaaday ka qaybgalka
dawladnimadii Jamhuuriyaddii Somalia iyaga oo qaxooti
ah ayey qabiil ahaan ula safteen Taliskaas kana
qaybgaleen dagaalladii Somalia ku qaaday Reer
Waqooyiga. Bal aan eegno qaybta ay labadan (Somalia
iyo Somali Galbeed) mid kastaba ka qaadatay burburinta
midnimadii labada gobol iyo mijo-xaabinta Aragtida
Somaliweyn.
Israacii 1960 waxa uu dhexmaray laba dawladood oo
cusub oo siman kana kala dhashay Maxmiyaddii
Ingiriiska ee Somaliland iyo Mustacmaraddii Talyaaniga
ee Somalia kuwaas oo ay kala hoggaaminayeen Ra`iisal
Wasaare Moxamed Xaaji Ibrahim Cigaal (Waqooyiga) iyo
Ra`iisal Wasaare Cabdullahi Ciise Moxamuud
(Koonfurta). Waxa la filayey in marba qolada
madaxweynaha qaadata mooyee ay qolada kale qaadato
ra`iisal wasaaraha, jagooyinka kale ee muhiimka ah ee
dawladdana si caadil ah loo wada qaybsado.
Ayaandarro, Waqooyiga waxa loola dhaqmay sida gobol ka
tirsanaa Koonfur oo kale sida Mudug ama Banaadir,
dadkiisiina waxa si cad looga duudsiyey qaybtii ay ku
lahaayeen jamhuuriyaddii wadaagga ee cusbayd.
Sidaasna Koonfurtu waxay markiiba ku fashilantay inay
fahamto qiimaha midnimada. Markii Koonfurtu qaadatay
madaxweynihii ugu horreeyey oo ahaa Aden Cabdulle
Cosman (1960-1967), waxay ku darsatay ra`iisal
wasaarihii oo noqday Cabdirasheed Cali Sharma`arke
(1960-1964) iyo jagooyinkii ugu muhiimsanaa golaha
wasiirada iyo ciidamada sida Cabdirizaaq Xaaji Xuseen:
Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Cabdullahi Ciise Moxamuud:
Wasiirkii Arrimaha Dibedda, Cosmaan Axmed Rooble:
Wasiirkii Maaliyadda, General Daa`uud Xirsi: Taliyihii
Xoogga Dalka Somaliyeed, General Moxamed Abshir
Haamaan: Taliyihii Ciidanka Boliiska Qaranka iwm,
barlamaankiina si xaqdarro ah ayey u bursatay
Koonfurtu. Marlabaad ayaa koonfurtu qaadatay ra`iisal
wasaarihii oo noqday Cabdirizaaq xaaji Xuseen
(1964-1967) oo isla madaxweyne Aden Cabdulle Cosman
magacaabay xilligiisii labaad. Madaxweynihii labaad
waxaa noqday Cabdirashiid Cali Sharma`arke (1967-1969)
oo isna Koonfur ahaa.
Wacadfurka, inkiraadda, iyo cadaaladarrada ay
xukuumadihii rayidka ahaa ee Koonfurtu kula kaceen
dadka Waqooyi intii u dhaxaysay 1960-1969 waxay
muujisay sida dadka Koonfurtu jaahil uga ahaayeen
qiimaha midnimada iyo fahmidda dawlad-wadaag ah.
Duudsigaas foosha xumi waxa uu keenay in dadka
Waqooyigu isku-ciilkaambiyaan sidii fududayd ee ay
dawladnimadoodii cusbayd ugu loogeen Koonfurta,
waxayna kaga cadhaysiisay siyaasiyiinta
indheer-garatada, madax-dhaqameedka, ganacsatada iyo
saraakiisha ciidamada. Cadhadaasu waxay keentay in
qaar ka mid ah saraakiisha militariga ee Reer
Waqooyiga ahaa uuna hoggaaminayey Xasan Kayd ay
inqilaab dhicisoobay ka ridaan magaalada Hargeysa
bishii Diisambar 10dii, 1961 si ummadda Waqooyi loogu
soo cesho dawladnimadii laga duudsiyey iyo
madaxbanaanidiiba.
Halkii la dersilahaa sababta keentay gadoodka ciidanka
lana bilaabilahaa dib-u-heshiisiin qaran, ayaa waxa uu
madaxweyne Aden Cabdulle Cosman (1960-1967) ku
dhaqaaqay tallaabooyin lagu sii cadaadinayo Reer
Waqooyiga si loogu ciqaabo inqilaabka fashilmay
loolana dhaqmo sida mustacmarad ay haysato Koonfurtu.
Waxa uu isku-bedalay ciidamda, macallimiinta, iyo
shaqalaaha dawladda, isagoo kuwii Koonfurta keenay
Waqooyi, kuwii Waqooyigana geeyay Koonfur si
dhaqangeddin loogu sameeyo dadka Waqooyi.
Siyaad Barre oo sugayey fursad uu ku hanto xukunka
dalka kuna hammiyayey dhisid boqortooyo Daarood ayaa
si lama filaan ah afgebi-milatari ku qabsaday xukunkii
dalka bishii oktoobar 21dii, 1969 isaga oo ka
faa`iidaysanaya buuqii ka dhashay dilkii madaxweyne
Cabdirasheed cali Sharma`arke ee ka dhacay magaalada
Laas-caanood bishii Oktoobar 15dii, 1969. Si
keli-taliye Siyaad Barre u hirgesho hammigiisa una
helo cudud Daarood oo ilaalisa isla markaana difaacda
xukunka ayaa waxa uu markiiba u baaqay si sharcidarro
ahna dalka ku soo geshay Ogaadeenkii Somali Galbeed .
Wadanigii dalka u dhashay waxaa laga dhigay qaxooti,
qaxootigii Ogaadeenna waxaa laga dhigay wadani iyada
oo lagu taxay darajadii iyo jagooyinkii laga boobay
dadkii waddanka lahaa lagana dhigay xubno gole ,
wasiirro, danjirayaal, janano, guddoomiyayaal iwm
intii u dhaxaysay 1970-1990. Tusaale waxa loo soo
qaadankaraa: Col. Moxamed Cumar Jees (Reer DHagaxbuur)
oo xubin ka ahaa wixii lagu magacaabijiray Golihii
Sare ee Kacaanka, General Moxamed Cumar Cosman
(DHagaxbuur) oo ahaa taliyihii Ciidanka Badda, General
Bile Rafle Guuleed (Wardheer) oo guddoomiye ka kala
noqday Mudug, Togdheer, iyo gobolkii W/Galbeed,
Cabdiraxmaan Afar Jeeble (Qabridaharre) oo guddoomiye
ka ahaa gobolkii W/Galbeed marna ka ahaa danjire dalka
Imaaraadka, General Cabdiwahaab Moxamed Xuseen
(Qabridaharre) oo ahaa taliyihii Ciidanka
Guulwadayaasha, General Siyaad Daa`uud (DHagaxbuur)
oo ahaa taliyihii Qaybta 26 aad. Intaas iyo kuwo kale
oo badan waxay ka mid ahaayeen qaxootigii Ogaadeen ee
ka yimid Somali Galbeed. General Adan Gabyow
(Gaarisa) oo isna ahaa qaxooti Ogaadeen ah kana yimid
Gobolka Somaliyeed ee Kenya waxa uu noqday wasiirkii
Gashaandhigga dalka. Tirada jananada qaxootiga ahaa
ee Ogaadeenka kuna jiray ciidankii la odhanjiray
"Xoogga Dalka Somaliyeed” aad ayey uga badnayd marka
la isku geeyo tirada jananada Isaaqa iyo Hawiyaha ee
isla ciidankaas.
Madaxdaas iyo saraakiisha Ogaadeen waxa intooda badan
loo bedelijiray Goboladii Waqooyi, siiba kuwa Isaaqu
dego waxayna qaybweyn ka qaateen u cabbudhintii iyo u
sandullayntii Isaaqa Taliskii Siyaad Barre,isla
markaana qayb-laxaad leh ka qaateen siyaasaddii
Taliskaas ee dejintii boqolaalka kun ee qaxootigii
Absamaha Somali Galbeed ee Ogaadeenka u badnaa, kuwaas
oo la dejiyey duleedka Hargeysa iyo Berbera intii u
dhaxaysay 1978-1985 si tartiib-tartiib Isaaqa looga
qaado dhulkooda looguna dal-ballaadhiyo Daaroodka
mustaqbalka. Qayb ka mid ahayd qaxootigii Absamaha ee
Somali Galbeed waxaa isla sannadahaas la dejiyey
dhulka beeraha ku fiican (jalalaqsi) ee Gobolka
Hiiraan si Hawiyahana looga riixo gobolkaas. Haddaan
ujeeddo siyaasadeed laga lahayn, Dadkaas waxay xaq u
lahaayeen in si ku meel gaadh ah loo dejiyo laguna
masruufo xeryo qaxooti (Refugee Camps) looga sameeyo
dhinaca xuduudaha inta lagu celinayo dhulkoodii hooyo
ee ay ka soo qaxeen halka la dejiyey dalka gudihiisa
iyo magaalooyinka waaweyn duleedkooda.
Dadka Reer Waqooyigu markii ay arkeen sida loo
duudsiyey dawladnimadoodii, dhulkoodiina loo soo
dejiyey qaxooti laxaad leh si loo dhaxal-wareejiyo dad
iyo dalba, ayaa waxay 1981 go`aansadeen aasaaska
Ururkii Hubaysnaa ee SNM si dadka iyo dalkaba looga
samata-baxsho halistaa weyn ee soo food-saartay.
Kadib markii Ururka SNM weerar burburin ah ku hayey
ciidamada Koonfurta iyo Jabhaddii Somali Galbeed ee
Ogaadeenka muddo 5 sano ah (1982-1987), ayaa waxaa
ururkaasi duullaan weyn ku qaaday bishii May, 1988
magaalooyinka Hargeysa iyo Burco kaas oo si dhab ah u
burburiyey awooddii ciidan iyo siyaasadeed ee Talisku
ku lahaa Gobolladii Waqooyi, ugu dambayntiina kaga
xoreeyey geyigaas bishii January 1991.
Sannadihii u dhaxeeyey 1982-1987, ka hor intaan
Ururkii SNM duullaankii weynaa ku soo qaadin
magaalooyinka waaweyn, waxaa dadka Isaaqa loo gestay
dil joogto ah, silic-dil, xadhig, tuulooyin baabi`in,
berkado qarxin, wadooyin miinayn iwm. Xilligii
duullaanka weynaa ee SNM (1988-1990), waxay ciidamadii
Koonfurta, Jabhaddii Somali Galbeed (Ogaadeen),
Jamhaddii SSDF (DHafoor-qiiqii Majeerteen), Jabhaddii
Abowga, iyo Calooshood-u-shaqaystayaashii Koonfur
Afrika u geysteen dadka Isaaqa: gummaad, magaalooyin
burburin, qaxin, boob, xadhig, iyo macalluulin
dadweyne taas oo aan hore taariikhda u soo marin dadka
iyo dalka Somaliland. Magaalada Hargeysa xilligii
Moorgan waxa la shidanjiray daaqadaha iyo albaabada
markii lagu soo rogay bandoo lagana joojiyey
dhuxushii, xaabadii, caanihii, iyo hilibkii uga
imanjiray miyiga sannadihii 1986-1988. Waxaa la
xusuusanyahay in dad rayid ah oo gaadhaya ilaa 50,000
qof oo Isaaq ah lagu dilay Waqooyi siiba magaalooyinka
Hargeysa, Burco, iyo Berbera. Waxaa iyana xusid mudan
Gawracii Xeebta Gasiira ee Xamar halkaas oo bishii
July 17, 1989 goor saq-dhexe ah dhegta dhiigga loo
daray 46 rayid ah oo Isaaq ah, dadkaas oo isla
habeenkaas lagala baxay guryahoodii ku yiil
Buulo-Xuubey ee Degmada Madiina, Mogadiisho. Ujeedada
loo galay dembiyadaas culus waxay ahayd in dadka
Isaaqa la qaran-guuriyo lagana dhaxal-wareejiyo
dhulkooda hooyo si loo dejiyo Absamihii laga soo raray
Somali Galbeed iyo kuwo kale. Arrintaasu wax
qarsoodi ah ma ahayn oo si cad ayaa loogu dagaal
gelinjiray jabhadaha iyo maliishiyada hubaysan ee
Beelaha Daaroodka. Waxaa kale oo arrintan sii
xaqiijinaya warqaddii SIRTA CULUS ahayd ee taariikhdu
markii ay ahayd January 28, 1987 uu dembiile dagaal
Moxamed saciid Moorgan u kala diray soddogii
madaxweyne Siyaad Barre, General Aden Hirsi Gabyow,
Wasiirkii Gashaandhigga, iyo General Axmed Suleman
Cabdalla, Wasiirkii Arrimaha Gudaha, warqaddaas oo
Moorgan ku soo jeedinayo talo ah in dadka Isaaqa si
tartiib-tartiib ah looga dhaxal-wareejiyo dhulkooda
hooyo laguna bedelo waxa uu ku tilmaamay “Dadka ehelka
u ah Kacaanka”, kuwaas oo uu ulajeeday dadka Daaroodka
maadaama warqaddu ka timid madax Daarood kuna socotay
madax Daarood oo qudha.
Mudadii 30ka sano ahayd ee midnimada Waqooyi iyo
Koonfur (1960-1990) waxaa madaxweynanimada iyo
ra`iisal wasaarahaba isku haystay Koonfurta (Xilligii
Siyaad Barre isaga ayaa labadaba isku haystay nuxur
ahaan) marka laga reebo labadii sano ee uu Madaxweyne
Cabdirasheed Cali Sharma`arke ra`iisal wasaaraha u
magacaabay Moxamed Xaaji Ibrahim Cigaal (1967-1969).
Magacaabidda Moxamed Xaaji Ibrahim Cigaal waxay
dhalisay dilkii madaxweyne Cabdirasheed Cali
Sharma`arke oo uu shirqool siyaasadeed ku dilay nin la
odhanjiray Saciid Jahannama oo Majeerteen ahaa sababta
oo ah waxay Majeerteenku ka xumaayeen raii`sal
wasaaraha laga qaaday lana siiyey Reer Waqooyiga.
Madaxda Reer Waqooyiga waxaa lagu maaweelinjiray
jagooyin maqaar-saar ah oo dusha laga ilaasho, waxaana
xabsi dheer oo sharcidarro ah lagu tuuray madaxdii ugu
waaweyneyd Reer Waqooyiga oo kala ahaa Moxamed Xaaji
Ibrahim Cigaal (Alla ha u naxariisto), Ismaciil Cali
Abokar, Cumar Carte Qaalib, iyo saraakiil badan oo
rayid iyo ciidanba lahaa. 22kii sano ee ugu horreeyey
Israaca (1960-1982) waxaa dadka Waqooyiga lagu hayey
duudsi dawladnimo, cadaadis siyaasadeed, bulsheed,
dhaqaale, ciidameed, iyo horumar, 8dii sano ee ugu
dambeeyeyna (1982-1990) waxaa loo geystay
dhibaatooyinka iyo dembiyada culus ee kor ku xusan.
Taariikhdan marag-ma-doontada ah waxay caddaynaysaa in
Somalia (Koonfurta) iyo Somali Galbeed (Beesha
Ogaadeenka) ay si wadajir ah toos uga mas`uul ahaayeen
burburinta iyo aasidda midnimadii labada gobol
(Waqooyi iyo Koonfur) sidaasna ku mijo-xaabiyeen
yididiiladii laga qabay Somaliweyn kana dhigeen
raja-gab. Dawladda Jabuuti oo gobonimada ka qaadatay
Faransiiska bishii June 27, 1977, way ka caagtay inay
ku soo biirto midnimada ka dib markii ay aragtay
duudsigii iyo tacadigii lagu sameeyey Reer Waqooyiga
17kii sano ee ugu horreeyey midnimada, 1960-1977.
Waxaa kale oo figradda Somaliweyn sii wiiqday
siyaasaddii ku dhisnayd laab-la-kaca iyo caadifadda
wadaninimo ee ay ku kaceen xukuumadihii iskaga
dambeeyey maamulka dalkii la odhanjiray Jamhuuriyadda
Somalia kuwaas oo markiiba qori caaradiis ku raadiyey
gobolladii maqnaa ee N.F.D (waqooyi Bari, Kenya) iyo
Somali Galbeed halkii la adeegsan lahaa siyaasad
qunyar socod ah maadaama adduunku ka soo horjeeday in
xoog iyo xabbad wax lagu qabsado. Xabbad wax ku
raadintaasu waxay keentay dagaallo lagu hoobto oo lala
galo Itoobiya sannadihii 1964 iyo 1977, arrintaas oo
sii fogaysay rajadii laga qabay xoraynta gobolladaas
isla markaana keentay in Kenya iyo Itoobiya
isubahaystaan cadaawadda Somalia, awood ciidanna ku
muquuniyaan gobolladaas.
Maantana, waa yaabe, waxaa midnimo iyo Somaliweyn u
ololaynaya Somalia iyo Somali Galbeed oo ah labadii
godka dheer ku riday. Raadintanu dhab iyo daacadnimo
kama aha ee waa damaacinimo iyo hunguri ay rabaan
inay mar labaad degaan, xukumaan isla markaana boobaan
barwaaqada Somaliland. Somali Galbeed haddii aanay
dal xor ah gacanta ku hayn, waa maxay midnimada ay
raadinaysaa? Maxay dad kula midoobaysaa? Waxaa
halkaas ka cad in Beesha Ogaadeenka ee Somali Galbeed
oo ku waaliftay dalkii la odhanjiray Jamhuuriyadda
Somalia xilligii Taliskii Siyaad Barre aanay ku
iimaan-qabin qaybta ay beeshaasu ka degto dhulka
Somali Galbeed welina raadinayso Somaliweynimo ay ku
soo gabbato si ay u degaan, xukumaan, una boobaan dal
aanay u dhalan, sidaasna kaga tanaasulaan wax ka
xoraynta Somali Galbeed. Mar haddii ummadd Somaliland
lagu baaba`shay midnimo iyo Somaliweynimo ay horseed u
ahayd iyada oo la adeegsanayo gobolaysi, qabyaalad,
iyo keli-talisnimo, waxay aad uga digtoontahay maanta
in dib-dambe lagu beer-laxawsado laguna khiyaameeyo
midnimo iyo Somaliweyn dibnaha ku eg dhagarna huwan.
Marka la eego dawlad la`aanta mudada 14 ka sano ah ku
habsatay ummadda Somalia kuna haysa dilka joogtada ah,
qaxinta, cabsida, dhaca, iyo macalluusha waxa muuqata
in madax-ku-sheegga iyo dagaal-oogyaasha Somalia uu
weli garaadkoodu ku eg yahay heer qabiil iyo heer
degaan oo aanay weli fahmin qaran iyo waddan, sidaasna
waxaa caddaynaya sida Somalia loogu kala jarjaray
degaamo beeleed midkasta ka taliyo caaqil-dagaal kuna
adkaatay inay dawlad dhistaan. Dadka sidaas ah ma
istaahilaan inay u ololeeyaan midnimo iyo Somaliweyn
ama lala wadaago dawlad maadaama ay ku fashilmeen
gurigooda. Waxaa kale oo la yaab leh in weli dalka
Somalia ay wax ka xukumaan qaxootgii Somali Galbeed
iyo shakhsiyaad sheegta Jamhuuriyadda Somaliland oo
aan cidna matalin, arrintaasuna waxay ka dhigtay
Somalia dal aan la kala lahayn isla markaana sii
carqaladaysay xallinta dhibaatada dawlad la`aanta ka
jirta. Waxaa kale oo la yaab leh in siyaasiyiinta iyo
indheer-garatada Somalia, intooda badan, ay inkiraan
in Somalia ka gashay dadka iyo dalka Somaliland duudsi
dawladeed iyo dembiyo culus waxayna eedda dusha ka
saaraan Taliskii Siyaad Barre. Waxay illowsanyihiin
in Taliskii Siyaad Barre ahaa Reer Koonfur (Somalia)
eedduna tahay eed Koonfur iyo eed Somali Galbeed.
Dadka Waqooyigu markii ay arkeen duudsigii, dulmigii ,
iyo dembiyadii cuslaa ee laga galay mudadii 30ka sano
ahayd ee Israaca (1960-1990) si buuxdana uga xoroobeen
Koonfurta, ka dib guushii weyneyd ee SNM ee January
1991, ayaa waxay badhtamihii sannadkii 1991
shirweyne ummadeed ku qabteen magaalada Burco kuna
go`aansadeen inay gobonimadoodii la soo noqdaan kuna
dhawaaqaan dal madaxbannaan oo loo bixiyay:
Jamhuuriyadda Somaliland.
Dad badan oo Somaliyeed ayaa waxay aaminsanyihiin
figrad aad u khaldan taas oo ah in haddii qofku Somali
yahay aan laga xigin 5ta Somaliyeed (Somaliland,
Somalia, Jabuuti, Somali Galbeed, iyo Gobolka
Somaliyeed ee Waqooyi Bar Kenya) maadaama Somalidu
wadaagto dhaqan, diin, iyo af sidaas awgeedna qofka
“Somaliga” ah marba midka uu rabo degikaro, ka
shaqaysankaro, wax ka xukumikaro, barwaaqadiisana ka
qaybgelikaro. Figraddanu waa halis waayo waxay
horseedaysaa fawdo muujinaysa dal iyo dawladnimo aan
la kala lahayn iyo qaran aan summad lahayn. Arrintan
oo jirijirtay xilligii Taliskii Siyaad Barre waa tii u
suurtogelisay qaxootiyada Somali Galbeed iyo Waqooyi
Bari Kenya inay si sharcidarro ah ku soo galaan,
degaan, shaqaystaan, waxna ka xukumaan dalkii la
odhanjiray “Jamhuuriyadda Somalia” oo markii dambe ay
u geysteen dhibaatooyin laxaad leh. Somalidu haddii
ay ku fashilantay inay dawladnimo si caadil ah u
wadaagto waa inay kala madaxbanaanaato si ay u kala
badbaado. Somalidu kama duwana 18ka dal ee Carbeed oo
isku diin, dhaqan, iyo af ah, laakiin midkastaba gaar
u leeyahay qaranimadiisa iyo dawladnimadiisa, inta
kalena sharci ku soo galaan.
Jamhuuriyadda Somaliland waa dal xor ah oo leh qaran u
gaar ah iyo xuduud caalami ah waxaana leh dadka isir
ahaan iyo taariikh ahaan ka soo jeeda dhulka
Somaliland isla markaana deganaa xornimo-qaadashadii
1960. Xuquuqda muwaadinimada waxaa leh dadka
Somaliland oo qudha. Dadka ka yimaada Somalia,
Jabuuti, Somali Galbeed, Waqooyi Bari Kenya ama
adduunka kaleba waa inay sharci ku soo galaan,
joogaan, isla markaana kaga baxaan Somaliland hawl
kastaba haw yimaadeen marka laga reebo dadka deggan
Dhulka Hawdka ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Beelaha
dega Somaliland isla markaana aan dalka Somaliland ka
maarmikarin nolol ahaan. Shakhsiyaadka ama qoysaska
dawladda Somaliland u aqoonsato in naftoodu ku
badbaadayso joogista Somaliland, naxariis joogis waa
loo fidinkaraa sida insaaniyadu farayso dal kasta
(Asylum seekers). Sugidda nabadgelyada, deganaanshaha,
iyo madaxbanaanida Somaliland waxay faraysaa in si
joogto ah loola socdo dhaqdhaqaaqa shisheeyaha dalka
jooga, ciddii ku xad-gudubtana tallaabo sharci ah laga
qaado. Maamulka, matalaadda, xukunka, difaaca, iyo
dheefta Somaliland waxaa leh Ummadda Somaliland oo
qudha.
Qore: Ibrahim Hassan Gagale
Email: Ibrahim_hg@yahoo.com
March 24, 2004.
|