Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

Somali/Somaliland Xal

     Abwaankii curinta maansada hibada dhabta ah u lahaa, Alle haw naxariistee,
     Cabdillaahi Suldaan Maxamed "Timocadde", ayaa wuxuu goor ku beegan bilowgii
     1970nadii innoo sheegay, in meel kasta oo uu gumaysi shisheeye ka tago ay ku hadho
     arami iyo ugxaan aan markaa muuqan, hase ahaatee xilliyo danbe dillaacda,
     dhibaatooyin hor lehna sababta. Tuducyadii arrintaas wax ka tilmaamayey waxaa ka mid
     ah, midhadhkan saddexda ah ee hoos ku xusan, kuwaas oo aan halkan isugu xigin sidii
     caadiga ahayd ee ay gabayga ugu jireen:
    
    
     Isticmaarku meeshuu ka tago, arami baa taalle
     Irbaddiisu waayada danbay , aano kicisaaye
     Waa waxa Afrikaba kharribay, ugax dillaacdaaye
    
    
     Haddii aan runta la inkirayn, waxaa arrin xaqiiqo ah oo aan dhabnimadeeda muran ka
     taagnayn ah: in dhibaatooyinka faraha badan ee dhawr iyo tobankan sanno ee u
     danbeeya Soomaaliya ka jiraa ay yihiin ugxaan-shareedyo 21 sanno la aasayay, kuwaas
     oo markii uu xilligoodii galay dillaacay, wax aafeeyay, maalinba maalinta ka
     danbaysana sii labo-qarxaya. Dhibaato kasta oo xilli cayimman dhacda, markaa ka hor
     baa laga sii shaqeeyay, lana sii qorsheeyay. Hoggaamiyihii kooxdii kacaanka (kooxdii
     Oktoobar)  Maxamed Siyaad Barre,,  ayaa isagoo arrintaa ugaxaanta faahfaahinaya
     waxaa laga hayaa inuu yidhi: "Dal waan ka tagi, laakiin wax kale oo aan ka tagayo
     lama arko." Waxa kale oo aad xusuusataa tix uu tiriyay nin Ismaaciil Mire la odhan
     jiray oo ay tuducyadeeda ka mid ahaayeen kuwani:
    
     Meel ay guuldarro joogto
     Gasabbaa u horeeyay.
    
    
     Mar kasta oo ay dhibaato dhacdo, waxaa la qaadaa tallaabooyin xalkeeda loogu
     dhowaanayo iyo kuwo inay xal kama-danbays ah noqonayaan loo malaynayo. Bulsho-weynta
     soomaaliyeed wax weynbaa kala gaadhay, waana la kala irdhoobay. 21 sanno oo awooddii
     qaranka qaybo qaranka laftiisa ka mid ah lagu tunjilicsanayay, denbiyo culculusna
     lagaga galay iyo sannado badan oo 21kaas sanno ka danbeeyay oo ugxaan hoog dhalisay
     la sii aasay ayaa loo soo joogay. In soomaalida xorriyadda iyo wanaagga jeceli isku
     waafaqdo in mashaakilkii dhacay oo idil ay masuuliyaddeeda leedahay kooxdii 21ka
     Oktoobar, iyo in la isla garto goor ay noqotoba in kooxdaas si shuruud la'aan ah
     caddaaladda loo hor keeno, dakannooyinkii ay qabeenna loo qabsado, ayaa ah
     tallaabooyin mudakar ah, oo xagga is-fahamka iyo xalka loogu dhowaan karo, haddii
     aanay noqonba tallaabooyin xalka laftiisa udub-dhexaad u noqon kara.
    
    
     Gabyaagii caanka ahaa ee Homer la odhan jiray, oo xilli qarniyo badan laga soo
     muddaystay noolaa ayaa waxa laga soo wariyey inuu yidhi hadal macnihiisu sidan u
     dhowaa: " Waxaa labo gef oo waaweyn oo isku mida ah,in marti kuu timid oo jecel inay
     kula sii joogto aad dedejiso, iyo in isla martidaas ama tu kale oo markii ay cabbaar
     ama in muddo ah kula joogtay ka dib, rabta inay sii socoto (tagto) aad joojiso."
     Innaga waxaa daw innoo ah in aynu xusno in ay labo danbi oo waaweyn yihiin in
     bulshada lagu amar-ku-taagleeyo oo la xasuuqo, iyo in haddana markay
     amar-ku-taaglayntaas iyo xasuuqaas  ka dhiidhido kana galiilyooto iyadii dib loo
     eedeeyo, denbigii ay cid kale sababtayna gurada loo saaro. Waa wax aan suurtagalba
     ahayn in  lala shir yimaado. Waa garasho liidata. Xaq  si nabadgelyo ah, tanaasul
     badan, wada-xaajood iyo
     wanaag lagu waayay in teerri lagu dayo mooyaane, ma si kale ayaa jirta. Ururradii
     xaq-raadiyeyaasha ahaa ee Maxamed Siyaad la dagaallamay waxay ka turjumayeen
     dareenkii dhabta ahaa ee bulshooyinkii cadaadisku hadheeyay. Inta arrimahaas aan
     caadku saarrayn ee garta ah lays diidsiinayo, kuwii burburka u sababta ahaana la
     taageerayo in isfaham iyo xal la helaa waxay la mid yihiin  baabbacooyin timo laga
     dayey.
    
    
     Goor kasta oo hawl loo guntado, waxaa loo baahdaa hab iyo qorshe fiican oo la raaco
     ama wax la iftiinsado. Arrinta 'caddaalaydeynta' ee aynu kor ku soo xusnay, ee in
     mar uun la hirgeliyo la rajaynayo waa in loo sameeyaa sidii hawshii dacwadda ahayd
     ee dhowaan eedeysanaha weyn ee Maxamed Cali Samatar  lagu oogay. Hawshaasi waxay
     ahayd hawl fiican oo lagu raadinayo xuquuq maqan.  Waxase falxumo weyn oo ceeba ah,
     in la arko soomaalida qaarkeed oo hawsha sidaas u fiican ee dawga ah is-hortaageysa,
     eedeysanahana garab siinaysa. Dadka eedeysanehaas taageeray  ayaa waxay u jeedaan in
     ay arrin heer shacbi taagan u beddellaan heer qabiil, ee daacadnimo iyo jacayl ay
     Maxamed Cali Samatar u qabaan kama aha  mana jirto. Waxay uga dan leeyihiin in ay
     dad badan oo denbiyo waaweyn ka galay ummadweynta soomaaliyeed
     gaashaan ugu noqdaan.  Haddii siday ku doodayaan uu  ka dhab yahay jacaylka ay
     sheegayaan inay Maxamed Cali Samatar u hayaan, hala xididaan  markaasaa la ogaan
     jacaylka iyo qaddarinta ay sheegayaane. Haddii aanay sidaas yeelaynna danohooda ha
     ku toosaan, oo ha inaga daayaan uurka daban iyo afka qoslaya.  Arrimaha noocan ah ee
     denbiileyaasha lagu taageerayaa waxay halis ku yihiin habdhaqanka fiican ee
     banii-aadanka. Waa arrimo dhaqanka soomaaliyeed iyo mid kastaba guuldarro ku ah. Waa
     arrimo keeni kara in cid kasta oo xaq raadsata xaqaas laga hor istaago, iyadoo lagu
     xumaynayo beel iyo wax la mid ah.  Dadka M.C.Samatar taageerayaa ha ogaadaan in
     haddii ay falalka jadkaas ahi  ummadda ku dhex faafaan aanay natiijadoodu cidna dan
     u ahayn, oo ay cid walba maalin uun si gaar ah u saamayn doonaan. Wax kastaaba ha
     sababaan falalka noocan ah ee maroorka ahe, inta fekerka soomaali badani sidaa
     yahay, wax badan baa si ah.
    
    
     Haddii aynu gees kale wax ka eegno,intii ka horreysay bishii Julaay, 1960kii
     soomaalidu waxay geyigeeda u kala degi jirtay tol-tol, noloshooduna waxay ku
     xidhnayd miyiga, xoolaha nool oo kolba halkii ay biyaha cirku haleelaan loo
     sahamiyo, beero-falashada, farsamotunka, kalluumaysiga iwm. Intii ay soomaalidii
     xilliyadaasi nabad iyo wanaag ku wada dhaqnaan jireen iyo intii loollan iyo collaado
     beeleed ay ka dhex dhici jireen sida ay ila tahay waxaa badan inta ay sidaa hore u
     wada noolaan jireen. Hase ahaatee, waxaa marar badan beelaha ka dhex-qarxi jiray
     dagaallo ka bilaabmi jiray xoolo la kala meersaday, dad la iska dilay, gabadh naaska
     la qabtay, dhul layska riixay iwm. Dagaalladaas waxaa ku naf waayi jiray dad badan,
     malaayiin xoollo ahina way ku baabi'i jireen ama waa la kala dhici jiray. Haddaba
     1dii Julaay, 1960kii markii qaran
     la noqday , calan soomaaliyeed hoostiina lagu midoobay, wixii soomaalida xilligaa ka
     hor kala gaadhay, waxaa loo garawsaday in ay ahaayeen loollan iyo legden toleed,
     waxaa loo aqoonsaday inay ahaayeen wax dhacay xilli aanay dawladi jirin, sidaa
     darteedna ay fiican tahay inaan la qiimayn ama ciddii ku lug lahaan jirtay aan la
     maxkamadayn. Maya, ee lamaba soo hadalqaadin, oo haddii ay cidi soo hadalqaadi
     lahayd waa lala yaabi lahaa, sababtoo ah dawlad baa dhalatay , oo waxa la doonayay
     in nolosha hore loo wado, dawladnimada dheefteedana lagu barwaaqoobo. Haddaba haddii
      dawladdan kiiniya lagu soo dhisay ay shaqayso amaba ay tu kale oo ka fiicani ay
     goor kale dhalato, xilliyadii aanu qaran jirin ee ka danbeeyay 1991kii ilaa waayadan
     wixii hoog ahaa ee dhacay ma sidii kuwii 1960 kii ka hor dhacay ayaa la dhaafi
     doonaa, mise la dhaafi maayo? Sideebaase xalka u dhow?
    
    
     Midnimadii 1960kii oo si sharci ah u hirgeli weydey ama sababo kaleba ha keeneene,
     guud ahaan soomaalidu  tan iyo waagaa waxyaalo badan ayey kala tabanaysaa.
     Dhibaatooyin badan, caddaaladxumo,sadbursi iwm., ayaa dhacay, kuwaasoo inqilaabyo
     keenay, u-codayntii dastuurradii dalka oo la qaaddacay keenay, mashaakil kalena
     udub-dhexaad u noqday. Haddaba si xal loo helo, burbur danbe looga feejignaado,
     soomaalidana loo kala bedbaadiyo, waxaa lagama-maarmaan ah arrimahan soo socda:
    
     1. in laysku hawlo dibuheshiisiinta beelaha kala fogaaday intii dad aan heshiin xoog
     dusha lagaga keeni lahaa;
    
     2.in wada-tashi iyo wada-xaajood wax lagu maamulo, mar danbena aanay maamulladu u
     dhaqmin qaab keli-talis, dawladdan iyadoon cago-dhigan kelitalisnimada bilowdayna
     arrintaa mar walba lala dabo joogo;
    
     3.in isfahamsiinta bulshada lagu dadaalo iyo in la  joojiyo nooc kasta oo ay
     yihiinba dalbashada cidammada shisheeye. Labadaa arrimood ta hore ayaa u baahan in
     xoogga la saaro, ta danbese welwel badan lagama qabo, waayo marka laga tago dadka
     Cabdillaahi Yuusuf la haybta ah, shacabka soomaaliyeed oo dhan  iyo baarlammaankuba
     ma oggola;
    
     4. dawladda Kiiniya lagu soo dhisay waa dawlad koonfureed (soomaaliyada maanta):
     Madaxweynaha, Ra'iisal-wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlammaanka, 4ta Wasiir ee ugu
     mudan, Caasimadda, Golaha Baarlammaanka laftiisa iyo jagooyin muhiim ah oo aan weli
     la magaabinba masuuliyiinta haysaa waxay giddigood ka soo wada jeedaan koonfur,
     taasoo caddaynaysa in dawladda lafteeduba ay dawlad koonfureed tahay!
    
    
     Haddaba si ay wax u hagaagaan, soomaaliduna qas iyo qalalaase danbe uga bedbaaddo,
     dawladdaa koonfur oo ah dalkii loo soo sameeyay halagu koobo. Soomaalilaanna
     dawladnimadeeda halagu taageero. Sidaas ayaa ah sida ugu macquulsan uguna fiican
     wakhtigan xaaddirka ah. Dhowr iyo tobanka dal ee Carabta ah kuna kala yaalla
     Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe waxay wadaagaan af, diin, iyo dhaqan. Sidoo kale
     waxa jira dalal ku yaalla Ameerikada Koonfureed oo  wadaaga af, diin, qowmiyad iwm.,
     hase ahaatee waxay ogaadeen in ay dantoodu ku jirto in aanay wax isku marduufin, ee
     ay ahaadaan maamullo kala madax bannaan.
    
     Axmed Iid Aadan
    
    
    
    
    
    
    

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.