Jahawareerka Idaajaa
Daba-galka Qoraalkii “Federaalnimada Soomaaliya: maxaa looga gol leeyahay?”
ee Axmed F. Cali “Idaajaa”:
Federaalka uu “Idaajaa” ka baqayo armuu noqdaa kurtinkii uu Cigaal
Shiddaad Libaaxa mooday?!
Maxamed Xaaji Caddoow
London, England
Email: mohamedadow@hotmail.com
Muddo haatan laga joogo dhowr bilood ayaa aniga iyo rag kale oo fuushan
(saaran) gaari (baabuur) ayaa waxaa si kedis ah uga soo hor baxay gaarigii
aan la soconnay calaamadda (astaanta) guduudan (cas ) ee ishaarada
(taraafikada) kala hagta gaadiidka. Waxaa sharci ahaan dirqi (khasab)
nagu noqotay in aannu istaagno. Intii aannu sugaynay is-bedelka midabka
nalka (laydhka) ayaa mid ka mid ah rakaabkii baabuurka milicsaday (dayay,
jalleecay) boor (tabeello) muujinayay in ay buqcadaas (goobtaas) tahay meel
soohdin (seere, xuduud) ah oo kala jarta (kala goysa, kala qaybisa) ) labo
xaafadood (degmo) oo ka mid ah xaafadaha (degmooyinka) maamul (idaaro)
ahaan xagga maamulka dawladaha hoose (baladiyada, minishiimbiyada) ay u
kala qaybsantahay magaalo-waynta London oo ah magaalo-madaxda (caasimadda,
xarunta) Briitaaniya oo loogu yeero af- Ingiriisiga “Borough), marakaasuu
ku hadaaqay “ Federaalka lagaga doodayo shirka Soomaalida uga socda
Mbgathi ee Kenya waxaa loola jeedaa Soomaaliya waxay noqonaysaa sidan oo
kale oo degmo waliba, gobol waliba xuduud xagga maamulka ah ayuu
yeelanayaa, wuuna isu talinayaa”.
Marka laga eego (fiiriyo) xagallo (geeso, dhinacyo) kala duwan hadalka
kasoo yeeray ninkaas waxaa la oran (dhihi) karaa mid wuu ku saxsanyahay
(toosanyahay, qummanyahay) maxaa yeelay qaybaha amaba deegaannada uu ka
koobanyahay dal federeeshin (federation ) ah sida dalka Maraykanka waxaa
kala qaybiya xuduud dhuleed. Tusaale ahaan dalka Maraykanka waxaa mararka
qaarkood war-baahinta laga maqlaa in dembiile baxsad ah oo la baacsanayo
(la cayrsanayo la eryayo) uu ka soo tallaabay soohdinta wilaayad (gobol)
Maraykanka ah uuna u soo gudbay dhanka (dhinaca) gobol kale. Hase yeeshee
(laakiin) wuxuu ninkan ku gefay hal qodob, kaasoo ah in uu tusaale (misaal
ahaan) usoo qaatay boor kala qaybiya labo degmo-hoosaad oo ka mid ah
degmooyinka caasimad dal (Briitaaniya) oo ah dal (wadan, geyi, carri) lagu
dhaqo hannaanka (nidaamka, habka) awoodda urursan oo ay xudduntu (dawladda
dhexe) ka sarrayso xubnaha (degmooyinka, gobollada, iwm) kale oo ay ayadu
u adegaan, kuna hawl fushato oo ay awoodaha iyo siyaadada (madax-bannaanida
ugu sarraysa) hal meel ku qulqulaan sida ay biyuhu ugu qulqulaan meesha
godan.Hadalka aan kor ku soo xigtay (weriyay) wuxuu tusaale iyo daliilba u
yahay fahamka iyo garashada kala dhiman ee aan buuxin oo ay Soomaalida
caammada ah (deedifo , caay, aflagaado, meel ka dhac qasdigu ma aha ee
waa dadka aan aqoonta gaarka ah u lahayn culuumta siyaasadda) badankooda
ka haystaan macnaha dhabta ah ee nidaamka federaaliga h.
Waa sabab iyo qiil la garawsan karo in dadka caadiga ah ay anfareer ama
dhaygag maskaxeed iyo dhakafaar ka qaadaan dhuuxidda macnaha iyo nuxurka
uu xambaarsanyahay nidaamkan oo uu fahamkoodu ku koobnaado oogada sare oo
keliya, balse waxaa amakaag iyo yaab ah in shakhsi (Axmed F Cali “Idaajaa
”) oo uu Ilaahay ku mannaystay (galladaystay) aqoon suugaaneed sida ayda
(jiqda, duurka, kaymaha, hawdka) u baxday oo sida dhud damal ah oo daruuraha
dhex joogta (damal waa geed qodaxeed; dhud waa wax toosan oo dhuuban ) uga
dhex muuqday xeel-dheerayaasha suugaanta (adabka) Soomaalida uu si qalloocan
oo ay eexasho ku jirto (waa eeexasho xagga macnaha federaaliga ah oo salka
ku hayn karta ku talo- gal amaba baaris aan qoto dheerayn) iyo welibana si
marin- habaabis ah uu u soo bandhigo afkaar sal- cilmiyeedkoodu aan loo
miidaan dayin.Wuxuu u micneeyay nidaamka federaaliga ah si qalloocan asagoon
haba yaraatee xusin marjac (tix-raac) daliil ah oo uu u cuskaday qeexitaanka
ama koobidda uu soo koobay waxa loola jeedo federaaliga.
Waxaa maankayga ku soo dhacay maahmaahdii Soomaalida ee oranaysay “ Maroodi
aan dhulkiisa joogin sanqadha sagaarada ayuu yeeshaa”. Malaha “Idaajaa”
suugaantuu maroodiga ku ahaa oo culuumta siyaasaddu dool buu ku yahay
wuuna ku sagaaroobay!!
Qoraalkan uu cinwaankiisu yahay Daba-galka Qoraalkii “Federaalnimada
Soomaaliya: maxaa looga gol leeyahay?” ee Axmed F. Cali “Idaajaa”:
Federaalka uu “Idaajaa” ka baqayo armuu noqdaa kurtinkii uu Cigaal
Shiddaad Libaaxa mooday? waxaa duluc iyo yoolba u ah in uu diiradda
saaro gefafka (khaladaadka) qoraalka “Idaajaa” ee la xiriira qeexidda
hannaanka federaaliga ah iyo weliba in uu faaqidaad (qaadaa-dhig,
taxliil) uu ku sameeyo haddii uu nidaamka federaaliga uu yahay nidaam
munaasib (ku haboon) qaab-dhismeedka bulshadeed (ijtimaaci) ee Soomaalida.
Waxaa iga afeef ah in aan si ulakac ah (kama ,kas ah) uga booday qaybaha
hore ee qoraalka “Idaajaa” oo aan u arko in aanay haba yaratee wax shuqul
ah ku lahayn mowduuca nidaamka federaaliga ah, balse ay yihiin oo keliya
qaybo uu asagu daliil ahaan u adeegsanayo dhacdooyin taariikhi ah si uu
ugu cuskado dooddiisa ama uu u xoojiyo dooddiisa ayna ka baxsanyihiin
bu’da iyo nuxurka mowduuca federaaliga ah. Sidaa aawadeed (daraadeed)
wuxuu qoraalkan naqdinta ah (ha u fasirannin naqdintayda mid cambaarayn,
iyo dhaleecayn ah ee waa naqdin ku aaddan qooraalka oo keliya) yoolkiisa
(ujeeddadiisa, hadafkiisa) ku gaarayaa qaabkan: wuxuu iftiin iyo ilays ku
meerinayaa mugdiga xagga macanaha iyo mabaadii’da federaalka ah ee uu
“Idaajaa) qoraalkiisu ku garab maray. Wasiilada (dawga, qaabka) aan u
marayo naqdinta qoraalka “Idaajaa” waa wasiilad xaqiiqo (run, xog )
abbaaar ah oo aan shakhsi sinna uusan bar-tilmaameed u ahayn. Marna ma
aha ujeeddada qoraalkan in uu eed shakhsi ah la beegsado qoraaga. Hadii
si kale aan u dhigo waxaan oran karaa, afkaarta qoraalkiisa ayaan durayaa
oo asaga shakhsiyan ma durayo. Qaab-dhismeedka uu qoraalkan isugu xigana
waa sida tan:
B) Qeexiddii “Idaajaa” ee qalloocnayd
T) Qeexitaanka Qumman ee hannaanka Federaaliga ah
J) Fikradaha “Idaajaa” ee wax marin- habaabiya
X) Jawaabaha su’aalihii uu “Idaajaa” soo xigtay
KH)Gunnaanad
Qeexiddii “Idaajaa” ee Qalloocnayd
“Idaajaa” wuxuu qeexid kooban ka bixiyay hannaanka (nidaamka) federaaliga
ah, wuxuuna qoray sida tan: “federaalnimo (federaal system) waa hab
dhisme-dawladeed oo 2 dawladood iyo tiro ka badani ay ku bahoobaan”.
Waa runtii, waxaa shardi ah in la helo in ka badan labo heer dawladeed
(= more than one level of government). Dalalka federeeshinka ah qaarkood
sida wadanka India wuxuuba dastuurkooda aqoonsaday dawlado (xukuumado)
heer saddexaad ah sida dawladaha hoose (baladiyaadka, minishiimbiyada),
goleyaasha tuulooyinka, iwm. Laakin sida qaalibka ah ee aalaaba ka dhacda
wadamada federeeshinka ah, waxaa uu xukun-wadaag (shared rule) dhex maraa
dawlad dhexe oo federaal ah iyo wilaayado (gobollo, maamul goboleedyo,iwm
oo waxaa masalanba dawladda hoose abuura dawlad goboleedyada sida dalka
Australia ookale, oo dawladda federaalka ah iyo dawladaha heerka hoose
sida baladiyada (minishiimbiyada) wax awood qaybsi ah kama dhexeeyo oo
wixii adeegyo ah waxaa loo soo mariyaa dawlad goboleedyada. Bal u kuurgal
haddaad ku nooshahay Ameerikada Waqooyi: waxaa jira dawlad dhexe oo
federaali ah (level I) Wilaayad ama Province sida dalka Canada (Level II)
County (Level III). Marka dastuur ahaan labada hore ayaa awoodda qaybsaday
ee tan danbe waa abuurka Wilaayadda. Weligaa ma maqashay Counties Rights ?.
Laakiin waad maqli kartaa marka laga hadlayo murannada la xiriira tafsiirinta
dastuurka dalka Maraykanka mabd’a la yiraahdo “States Rights” ama xuquuqda
willayadaha marka ay isku dhacaan dawladda dhexe ee federaaliga ah iyo
gobollada oo mas’alado dastuuri ah u gudbiyaan Maxkamadda Sare ee dalka
Maraykanka.
Tubtii toosnayd intuu ka ambaday (ka lumay, ka habaabay) ayuu “Idaajaa”
wuxuu ku xijiyay oo uu qoray : “Xukuumaddaas ayaa mar walba gobannimada
amaba awoodda sare iska leh (sovereignty)” . Wuxuu ula jeedaa waxaa
siyaadada (Sovereignty) amaba awoodda ugu sarraysa iska leh dawladda
dhexe ee federaalka. Taas waa gef wayn, waxayna burinaysaa mabda’ gun-dhig
amaba aasaas u ah fikradda federaalka oo la’aantiisuna aan dal loogu yeeri
karin dal federaal ah.
Mabda’an waa mabda’a dhigaya in aysan marnaba jirin wax kala hoosayn
xagga maqaamka iyo darajada ah ee labada heer dawladeed (midda federaalka
ee dhexe iyo tan maamul goboleedyada). Macnuhu waxaa weeye “subordination)
ama kala sarrayna xagga maqaamka ah hadduu jiro dawlad federaal ma aha ee
waa federaal ku- sheeg. Ma ogtahay in Midowgii Soofiyeetka, Yuguslaafiyadi
i Hore ay ahaayeen dalal dastuurradoodu ay ku qornaayeen (ku dhignaayeen)
in ay federaal yihiin balse dhab ahaantii ay federaal ku sheeg ahaayeen?!.
Dawlad waxaa federaal loogu yeeraa marka ay labo xukuumadood sida dawlad
dhexe oo federaal ah iyo dawlad goboleedyo, iwm ay si wadajir oo is
barbar yaac ah ay mid waliba wixii uu dastuurkii u jideeyay ee lagu
heshiiyay ama awoodihii uu dastuurku u qoondeeyay aanay sinnaba dawladda
dhexe ee federaalka ah ugaga sarrayn qaybaha fedeeraalka oo haday soo
fara-gelisana ay maxkamad dastuuri ah furdaaminayso oo si qaanuuni ah oo
xeerka iyo sharciga dastuuriga ah waafaqsan lagu xalliyo oo dawladdii
garta lehna gartu raacdo. Mabda’an waa mabda’a loo yaqaanno (coordination).
Marka waa gef in uu “Idaajaa” qoro in ay hal xukuumad gobonnimada iyo
awoodda sare mar waliba ay iska leedahay.
Waxaa lagaa yaabaa in uu si khalad ah u fasirtay faqrad ka mid ah dastuurka
dalka Maraykanka oo loogu yeero (Supremacy Clause) oo dhigaya in hadii
sharci ay dawlad goboleed dejisay iyo sharci ku qoran dastuurka federaaliga
ah ay is-burinayaan oo ay is waafiqi waayaan, in sharciga federaalka uu
qaalib noqonayo oo uu ka sara marayo sharciga gobollada. Marka sarrayntu
waxay ku koobantahay oo keliya sarraynta sharciga dastuuriga oo loogu
yeero “Supreme Law” ee marnaba looma fasiran karo sida uu “Idaajaa” u
fasirtay oo ah in xukuumadda federaaliga ah ee dhexe ay mar waliba ka
sarrayso tan maamul goboleedyada, iwm. Mabda’a sarraynta sharciga
federaalku waa caado badanaa ay ku dhaqmaan dalalka federeeshinka ah
sida Xeerka Aasaasiga ah ee dalka Jarmalka ugu sarreeya ee loo yaqaanno
(Basic Law).
Wuxuu kaluu qoray “Idaajaa” kuwa kalena waxay leeyihiin awoodo xagga
sharci-dejinta iyo xagga maamulkaba isugu jira, kuse eg dhulka ay,
juqraafi ahaan, ku fadhido.”.
Waa run maamullada sida wilaayadaha, iwm waxay leeyihiin awoodo ku qotoma
kuna kooban deegaannada u cayiman oo ku eg dhulka ayaga hoos yimaadda.
(Geographical Jurisdiction). Awoodahaas waxay u kala baxaan kuwo gaar ah
(“Exclusive Jurisdiction”) ama sida dalka India looga yaqaanno ee (States
List) oo haddii uu dastuurku mar oggolaado aan sinnaba loola wadaagi karin
dawlad goboledyada, iwm. Tusaale ahaan hadii dastuurka lagu dhigo in
awoodaha maaraynta beeraha iyo webiyada dhex butaaca gobollada iyo
wax-barashada (tacliinta) ay yihiin awoodaha gaarka ah ee maamul
goboleedyada, awoodahaas waxay noqonayaan kuwo ay ka caagantahay (ka
reeban) dawladda dhexe ee federaalka oo aysan sinnaba usoo fara-gelin
karin, haday soo fara gelisana si dastuuri ah ayaa la iskaga cabin karaa.
Waxaa kaloo iyadana jira awoodo la wadaago oo si wadar ah uga dhexeeya
dawladda dhexe ee federaalka iyo xukuumadaha maamul goboleedyada. Tusaale
ahaan dembiyada (ijraamka) ayaa ka mid ah awoodaha la wadaago. Waxaa
tusaale ahaan loo soo qaadan karaa Xafiiska Wax-baarista ee Federaaliga
ah ee magaciisa loo soo gaabiyo FBI ee dalka Maraykanka ah. Hay’addan waa
hay’ad federaali ah oo aan soohdin amaba xuduud lahayn marka ay timaaddo
dembi baarista. Sidaa daraadeed dembiyada iyo wixii la halmaala waxaa ay
hoos iman karaan awoodaha la wadaago ee loo yaqaanno (“Concurrent
urisdiction”).
Qeexitaanka Qumman ee Hannaanka Federaaliga ah
KC Wheare oo ahaa caalim ku xeel-dheeraa qawaaniinta dastuuriga ah oo
aadna looga danbeeyo ayaa wuxuu u qeexay hannaanka (nidaamka, habka)
federaaliga ah sida tan:
Awoodaha dastuur federaali ah waxaa loo qaybiyaa dawlad dalka oo idil
ka wada dhaxaysa iyo dawlado ay leeyihiin qaybo dalka ka mid ah, ayadoo
dawlad waliba ay qaanuun ahaan (sharci, xeeer ahaan) ay u
madax-bannaantahay deegaannadii iyo awoodihii loo qoondeeyay. Dawladda
dalka oo dhan uu leeyahay waxay leedahay awoodaheeda u gaarka ah,
waxayna adeegsataa awoodaheeda ayadoon haba yaraatee aysan xakamaynaynin
qaybaha uu ka koobmo federaalku. Dawladaha ay leeyihiin qaybaha
federaalku waxay ayaguna sidaa ookale ay leeyhiin awoodo iyaga u gaar
ah, awoodahaasoo haba yaraatee aysan xakamaynin dawladda dhexe ee
federaalka ah. Golaha sharci dejinta ee dawladda dalka oo dhan ka
dhexaysa wuxuu leeyahay awoodo xaddidan oo kooban. Sidaa si la mid ah,
goleyaasha xeer dejinta ee dawlad gobolleedyada, ama gobolladuna waxay
leeyihiin awoodo xaddidan. Midna midka kale kama darajo ama maqaam
sareeyo: Labaduba (golaha sharci dejinta ee federaalka iyo goleyaasha
maamul goboleedyada) si is barbar yaac ah ayay hawlahooda isugu duwaan.
Dhanka kale dalalka leh hannaanka awoodda halka meel lagu mideeyo waxaa
awoodda iyo darjada ugu sarraysa iska leh golaha sharci dejinta ee ka
dhexeeya giddi ahaanba (gebi ahaanba, dhammaan) dalka. Golahan ayaana
fasax iyo rukhsadba hadduu doono ku bixiya in la abuuro goleyaal sharci
dejin ama inkale iyo in ay yeelan karaan awoodo iyo inkale, balse golaha
sharci dejinta ee dalka oo dhan ayaa awood iyo xaq sharciyeedba u leh in
uu ku kor xukmiyo oo uu iska laalo go’aammada ay gaareen. Darajo ahaan
golaha dalka oo dhan ayay ka hooseeyaan oo awaamirtiisuna fuliyaan.
KC WHEARE, Modern Constitutions (2nd edn 1966), p 19
Fikradaha “Idaajaa” ee wax marin- habaabiya
“Idaajaa” asagoo weli dhex jibaaxaya khaladaadkiisa ayaa wuxuu qoray:
“Waxa uu ka dhashaa dawlado, markaas ka horow, uu xiriir ‘konfederayshan’
ahi ka dhexeeyey, dabadeedna ku heshiiyey intii hore inay isaga soo
dhowaadaan; iyaga oo taas ka filaya cudud ciidan iyo tu’ dhaqaale inuu
hannaankaasi u keeno. Intii aysan isu iman, waa dawlado ay tu’ waliba
lahayd maamulkeeda u gaarka ah iyo soohdimo dhuleed oo awelba qeexnaa,
kuwa kalena ay la wadaagto”
Oraahdan “Idaajaa” (ma soo xigtay”) ee kor ku xusan waa mid runta ka fog.
Waayo dalalka maantadan aynu joogno lagu dhaqo nidaamka federaaliga oo
tiradoodu gaarayso 25 (dhammaantooda ma aha dalal madax-bannaan) marka
laga reebo kuwa la isku yiraahdo Federeeshinnada Klaasiikiga ah (asalka
ah) “Classic Federations” oo ay ka mid yihiin wadamada Maraykanka, Canada,
Switzerland, dhammaantoodu ma ahayn kuwo markay qaadanayeen nidaamka
federaaliga uu markoodii hore uu ka dhaxeeyay xiriir konfedereeshin ah
Confederation). Bal u fiirso dalka Nigeria. Dalka Nigeria wuxuu
federeeshin noqday sannadkii 1954-tii, lix (6) sannadood ka hor intuusan
madax-bannaanida qaadan.
Bal is waydii sida ay isu qaadi karaan bulsho uu gumaysi u taliyo oo aan
xitaa gaarin taqriirul masiir (aayo ka talin) iyo erayadan: “Intii aysan
isu iman, waa dawlado ay tu’ waliba lahayd maamulkeeda u gaarka ah iyo
soohdimo dhuleed oo awelba qeexnaa, kuwa kalena ay la wadaagto”. Sow
beentu ma qarxin?!
Gobolladii Nigeria ee fedeereeshinka noqday ma xiiriir Konfedereeshin
ah baa ka dhaxayn jiray?. India wilaayadaheeda ma xiriir konfedeereeshin
ah baa ka dhexeeyay?. Willaayadihii Malaysia ma xiriir konfedereeshin ah
baa ka dhaxeeyay?. Jawaabtu waa maya. Dalalka kor ku xusan waxay ahaayeen
kuwo uu isticmaar maamulo oo ka hor intaysan gaarin gobonnimadooda aan
hore u haysanin maamul iyo xuduud ay iyagu u madax-bannaanyihiin oo wax
xiriir ah oo konfedeereeshin ah haba yaraatee uusan dhex mari karin..
Dalka Germany waa loo yeelay nidaamka federaaliga ah oo quwadihii xukumayay
Germany Dagaalkii Labaad ka dib ayaa u abuuray Germany nidaamka
federaaliga ah sannadku markuu ahaa 1949-kii, inkastoo gobollada Jarmalka
qaarkood ay xiriir konfedereeshin ah oo aan waarin uu dhex maray sannadihii
1806, 1867 haddana Jamhuuriyaddii Federaalka ee sannadkii 1949-kii laga
abuuray Germany haba yaraatee wax raad ah ama xirriir ah kuma lahayn
xiriir konfedereeshin ah oo horay u jiray. Xitaa waxaa dhacda in dal
leh hannaanka dawladda midaysn uu u guuro nidaam federaali ah. Tusaale
ahaan dalka Belgium wuxuu ahaa dal leh awood dhexda ku urursan, balse
wixii ka danbeeyay sannadkii 1971-dii wuxuu si marxalad marxlad ah
(gobolaysi ayay ku billaabatay waxayna aakhirkii isugu soo biyo shubatay
federaal) ama waxa loogu yeero “Devolutionary Federalism”
Macno ahaan hannaanka konfedereeshinka (Confederation) waa xirrir ka
dhexeeya dalal ama gobollo kala madax bannaan oo markay doonaa kala tegi
kara. Waxaa xiriirka konfedereeshinka tusaale u ah ururrada caalamiga
sida ururkii ka horreeyay Qaramada Midoobay (Jimciyadda Quruumaha ka
Dhaxaysa, Ummadaha Midoobay) oo la oran jiray (League of Nations), Ururka
Qaramada Midoobay ee hadda jira, Midowga Yurub, Midowga Afrika, urur
goboleedka magaciisa loo soo gaabiyo IGAD iyo xiriirkii ka dhaxayn jiray
willaayadaha Maraykanka wixii ka horreeyay sannadkii 1789-kii oo uu
dastuurka federaaliga ahi ee uu dhaqan-galay oo uu ka dhaxeeyay wixii
loogu yeeri jiray “Articles of Confederation”. Waxaa kaloo taariikhiyan
hannaanka Konfedereeshinku lagu tusaaleeyaa Konfedereeshinka Switzerland
(Swiss Confederation). Waxaa xusid mudan in magaca rasmiga ah ee dalka
Switzerland uu weli yahay kii loogu yeeri jiray waayadii ay gobollada
Switzerland uu ka dhaxeeyay xiriirka Konfedereeshinka ah.
Waxaan shaki ku jirin in tusaalaha uu “Idaajaa” adeegsaday lagu dabiqi
karo ama uu ku koobanyahay oo keliya dawladaha la isku yiraahdo “Classic
Federations” oo hore loo soo xusay oo markoodii hore uu ka dhaxeeyay
xiiriirka Konfedereeshinka oo ayagu doortay in ay u gooraan midow kii
hore ka adag ama ka sii cillad yar. Masalan aan ka tusaale qaadanno sida
ku qoran araarta (hordhaca) dastuurka Maraykanka oo lagu qoray “More
Perfect Union” oo loola jeedo midow kaamil ah oo cilladihiisu ay yaryihiin.
Sida la wada ogsoonyahay xiriirkii Konfedereeshinka ahaa ee hore uga
dhaxayn jiray gobollada Maraykanka wuxuu ahaa mid cillad iyo nuqsaan wayn
uu ku jiray oo ay dawladduna tamar iyo taag darnayd oo ay xitaa awoodi
(tahli) kari wayday fulinta awoodihii ay Qodobbada Konfedereeshinku u
oggolaadeen, sidaa aawadeedna ay lagama maarmaan noqotay in la abuuro
midow xoog badan oo kii hore ka giigsan oo federaal ah. Marka in la
yiraahdo nidaamka federaaliga ah waa mid sidan si la mid ah uga wada
hirgalay dalalka federaaliga ah waa kaaf iyo kala dheeri, waana gef aan
la cafin karin, illeen wixii ka dhacay Maraykanka, Switzerland iyo Canada
caalamka federaalka ku dhaqma oo idil laguma sifayn karee.
Waxaa la tuhmi karaa in uu “Idaajaa” uga weecday taariikhda dhabta ah ee
hannaanka federaaliga ah si uu daliil ugu helo fikraddiisa. Waxaan shaki
ku jirin in uu si uu burhaan ugu helo fikraddiisa uu ku doodayo in
nidaamka federaaligu ay samaystaan ookeliya bulshooyinka uu hore uga
dhaxayn jiray xiriir Konfedereeshin ah oo sidaa li ajligeeda uu hannaanka
federaaligu noqonayo nidaam aan ku haboonayn Soomaalida maadaama uusan
hore uga dhaxayn jirin xiriir konfedereeshin ah oo aysan hore u yeelan
dawlado leh xuduudo cayiman oo kala qaybiya ka hor inta aysan qaadan
federaalka.
Fikraddan waa fikrad aan sal lahayn oo garab martay xaqiiqda dhabta ah
ee federaalga. Waayo shardi ma aha in ka hor inta uusan dal federaal
noqon in ay marka hore jiraan dawlado leh xuduud dhuleed cayiman oo uu
xirir Konfedereeshin ah ka dhexeeyo sida uu soo xigatay ama uu asagu qabo
“Idaaja” waxaa sida aalaaba dhacda marka uu dal qaadanayo nidaam federaali
ah la abuuraa Guddi Wayne Federaal ah (Federal Commission) oo si caqligal
ah (mandiqi ah) oo ay daacadnimo iyo hufnaan ay ku jirtyo u xadayn kara
qaybaha uu ka koobmayo dal federaal ah, ayadoo la tix-gelinayo juqraafi
bulshadeedka dalka iyo beelaha ama mujtamacaatka dabiiciga ah (“Natural
Communities”) . Masalan waa in la tix-geliyaa taabbagalnimada maamullada
la is raacinayo oo xisaabta lagu daro su’aasha ah ficil ahaan deegaannada
la is raacinayo hal maamul ma wadaagi karaan?. Iyo weliba shuruudihii kale
ee uu guddigu u arko munaasib. Dalal ka kooban shucuub iyo qabaa’il kala
isir (sinji, jinsi) ah oo ay ka dhaxayso aano iyo utun taariikhi ah ayay
guddiyada noocan ah u horseedeen nabad iyo xasillooni siyaasadeed ayadoon
dhiigna ku daadan. Bal dib u xusuuso sida uu dalka Koonfur Afrika uga
guuray nidaamkii midab takoorka ku dhisnaa, uuna u qaatay hannaanka
federaal u yaalka ah (Semi- federal) oo aan ahayn federaal buuxa
balse meel dhexaad ah. Si kale haddii loo dhigo waa hab muq-shabeel ah
oo isku barxa hannaanka federaaliga iyo kan awoodda urursan.
Arrimaha ku saabsan soohdimaha u dhexeeya qaybaha uu federaalku ka
koobanyahay waa mid aan ku ekayn dhibaatadeeda dalalka ku cusub qaadashada
nidaamka federaaliga ah. Xitaa dalalka lagu tilmaamo federeeshinnada
asalka ah ayay murannada (khilaafaadka) xuduudaha la xiriira ay ka dhacaan.
Ma is waydiisay sidii ay Switzerland ay ku xallisay murankii dastuuriga
haa ee dhacay ka dib markii sannadihii toddobaatameeyadii (70-dii) qaybo
ka mid bulshadii ku hoos noolayd kaantonka Geneva (Canton waxaa loogu
yeeraa qaybaha uu u qaybsanyahay federaal ahaan dalka Switzerland oo u
dhiganta wilaayad) ay dalbadeen in ka go’aan Geneva (ma aha in ay dalka
ka go’aan) oo ay abuurtaan Kaanton iyaga u gooni ah maadama Geneva ay ku
yihiin kuwa xagga afka (luqada) lagaga tirada badanyahay si ay markaa u
helaan Kaanton iyaga u gooni ah oo ay aqlabiyad ku noqon karaan. Waxaa
murankan lagu xalliyay si dastuuri ah (afti ayaa loo qaaday) waxaana
halkaas ka abuurmay Kaantonka la yiraahdo Jura oo laga dhax jeexay
Geneva.
Wuxuu kaluu “Idaajaa” qoray “Sidoo kale, waxay dawladdaasu yeelataa
xeerar tiro badan oo awoodda u qaybiya xukuumadda federaalka ah iyo
dawladaha federaalnimada isku bahaystay” . Waa run xeerar dawlad goboleedyo
iyo xeerar federaali ah ayaa jiraya laakiin kuma habooona in xiriirka ka
dhaxeeya qaybaha federaalku lagu sifeeyo erayga “isbahaysi” (taxaaluf, is
gaashaan-buuraysi, huwan). Maxaa yeelay dawlado kala madax-bannaan oo uu
ka dhaxeeyo xiriir Konfedereeshin ah ayaa samaysta isbahaysi, waana mabda’a
taariikhi ah marka la eego asalka Konfedereeshinka sida (League of States,
League of Nations, iwm). Marka sidaa daraadeeda luqawi ahaan laguma sifayn
karo xiriirka ka dhaxeeya qaybaha uu dal federaali ah ka koobmo mid si
“isbahaysi” ah ku samaysmay.
Wuxuu kaluu qoray “Idaajaa” “Federaalnimadu waa hab ka dhaqan-galay qaranimo
ka mid ah dunida hor-martay, ha yeeshee lagu guuldarraystay markii dalal
Afrika ka tirsani ay isku dayeen inay hirgeliyaan”.
Waa run in nidaamka federaaliga uu abuuray dhibaatooyin fara-badan oo
xitaa wadamada qaar uu u horseeday dagaal sokeeya. Ma is waydiisay doorka
(kaalinta, qaybta) uu nidaamka federaaliga ah uu ku lahaa dagaalkii sokeeya
ee dalka Maraykanka ee u dhaxeeyay Koonfurta iyo Waqooyiga ee dhacay intii
uu u dhaxaysay sannadihii (1861-1865)? Murannadii la xiriiray is adoonsiga
(is cabiidsiga) ka sokoow waxaa ugu waynaa sababaha dagaalka abuuray
talax-tag iyo muran ka dhashay sida loo kala fasirtay qodobbadii dastuurkii
federaaliga ahaa oo ay gobollada iyo xukuumadda federaaliga ahi ay ku
murmeen sida loo fasirayo oo xitaa gobollada qaar ay waxba kama jiraan ka
dhigeen qodobbada dastuurka qaarkood. Ma akhrisay “The Doctrine of
Nullification”?. Aakhirkii waxaa loo kala jabay gobollo federaal doon ah
iyo kuwo doonaya in dib loogu noqdo xiriirkii hore ee konfedereeshinka.
Maxaa ka dhacay Nigeria? Waxaa ka dhacay dagaal sokeeye ka dib markuu
dhashay tuhun ah in awoodihii dawladda dhexe ee federaalku ay qabillo gooni
ah gacanta ugu jirto iyo weliba muran dastuuri ah oo ka dhashay cidda
maamulaysa dakhliga dalka ka soo gala saliidda (batroolka). Ma gobollada
saliidda laga qodo ee ay ceelasha saliiddu ku yaallaan ayaa dakhligaas
maamulaya mise dawladda dhexe ee federaaliga ah? Taasoo aakhirkii keentay
in uu gobol goonni isu taago oo uu madax bannaani ku dhawaaqo taasoo
keentay in ciidamada federaalku ay fara-geliyaan oo ay xoogna ku
uquuniyaan si ay u soo celiyaan gobolka goonnida isu taagay. Waa dagaalkii
loogu magac daray Biafra War (1967-70).
Federeeshinka Malaysia waxa ka go’ay Singapore. Sidaa daraadeed murannada
dastuuriga ah iyo isku dhacyada uu keeni karo nidaamka federaalka waa mid
aan dahsoonayn oo la wada yaqaanno. Bal u fiirso taariikhda federeeshinka
ee India iyo sida ay sanadihii toddobaatameeyadii (1970-dii ay haweenaydii
Ra’isul wasaaraha xilligaas ahayd ay u laashay (si ku meel gaar ah u joojisay)
awoodihii wilaayadaha uu dastuurku siiyay oo ay dalkuna ku soo rogtay xukun
xaalad deg deg ah oo ay awoodihii willaayaduhuna ku wareejisay dawladda
midowga (Union Government). Waa waxa ay Hindidu ugu yeerto “President’s
Rule)- Xukunka Madaxweynaha oo sida uu dhigayo qodob ka mid dastuurka
India, in haddii wilaayadaha (gobollada) ay ku xad-gudbaan ama ay soo if
baxdo xaalad deg deg ah si ku meel gaar ah nidaamka federaaliga ihi loo
laalayo oo awoodihii gobolladu uu madax-weynuhu la wareegayo ilaa ay
xaaladdu caadi ku soo nqoto. Inkastoo ay arrintan jirto haddana Hindidu
marna kuma fekerin in ay hannaanka federeeshinka ah ka guuraan.
Marka waxaa cad oo aan daliil u baahnayn in dal waliba uu leeyahay wadci
(xaalad) u gooni ah oo aan si guud cillad dusha looga wada tuuri karin
nidaamka federaaliga ah. Dhacdooyin ka dhacay dalal fog fog in laga tusaalo
qaato mooyaane marnaba ma noqon karaan caqabado ku hor gudban dal waliba
oo raba in uu qaato nidaam federaali ah oo casri ah oo si miisaaman oo
loo miidaan dayay lagu dhisay ayadoo la tix-gelinayo qaab-dhismeedka
bulshada markaas qaadanaysa hanaanka federaalka ah. Isku soo wada duuboo
federaal dalalka qaar way ku guul-darraysteen qaarna way ku liibaaneen oo
nimco iyo naruuro xagga xasilloonida siyaasadeed ah ayay ku heleen taasoo
ay weli ku naalloonayaan. Meel haday masiibo ka dhacdo, taas macnaheedu
ma aha meel kasta ayay masiibo ku habsanaysaa. Weligaa ma is tiri horaa
la isu furaye weligaa ha guursan?! Federaal hadii hore loogu hoogay taas
micnaheedu ma aha Soomaalidu way ku hoogaysaa! Xaashaa Lillaah waxaa laga
yaabaa in uu Soomaaliya u horseedo xasillooni, baraare iyo is aamin heer
aran ah iyo gacaltooyo dabiici ah oo loo hayo qaran Soomaaliyeed, illeen
qaran gacan ku rimis ah oo macmal ah waa kii bulma oo baduugmee.
Bal eeg dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo ka kooban Imaarado xukun
wadaag federaali ah oo gaaraya 7 imaaradood sida uu ugu horumaray xagga
ganacsiga (tijaarada, baayac mushtariga), heerka nolosha marka loo
barbar-dhigo dalalka kale ee Jasiirad u yaasha Carbeed (Arabian Peninsula)
ee saliidda hodanka ku ah. Waxaa horumrkaas loo nisbayn karaa saliidda ka
sokoow madax-bannanida xagga siyaasadda iyo maamulkuba isugu jira ee ay
imaarad waliba haysato, kaasoo saamaxaya (oggolaanaya) in uu Imaaradaha
dhex maro baratan (tartan, loollan) fayo-qab ah (caafimaad qaba). Ka
tusaalo qaado sida Imaaradaha Dubai iyo Imaaradda Abu Dabi ay ugu tartamaan
xagga ganacsiga iyo maal-gashiga.
Marka la eego qaab-dhismeedka bulshadeed ee dalka Imaraaradka Carbeed,
waa mid dhinacyo badan ka shaabaha qaab-dhismeedka bulshadeed ee Soomaaliya.
Waa bulsho qabali ah (ahaan jirtay?); waa bulsho isku diin ah; waa bulsho
isku af ah; waa dal juqraafi ahaan baaxad yar oo dadka ku noolna Soomaalida
aad uga tiro yar; waa bulsho isku isir ah (ha xisaabin muhaajiriinta);
waa bulsho isku dhaqan ah; waa bulsho reer guuraa-nnimo ka soo unkatay.
Marka laga reebo saliidda waxaaba la orn karaa waa bulsho leh qaab-dhismeedka
bulshada Soomaalida.
Haddaan sii wado faagidda gefafka qoraalka “Idaaja” waxaan iminka la
tacaalayaa qaybtan uu sidan u qoray: “Waa hannaan ay bulshooyinka aqoonta
lihi hirgelin karaan, una baahan garaad siyaasadeed oo ilaalin kara
soohdimaha qaanuuniga ah ee ku qeexan xeerarka dawladaha federaalka xubnaha
ka ahi ay ku heshiiyeen. Dhinaca kale, waxaa loo baahan yahay inay noqdaan,
dhaqaale ahaan, dawlado isu dhowdhow oo mid waliba ay baahideeda dabooli
karto, welibana xukuumadda federaalka ah wax ku biiran karto”.
Yaa yiri bulshooyinka soo koraya yaysan soo waaridin (soo dhoofsanin-
(import) mu’assasaadka (institutions) kaaba qaab- dhismeedka dawladeed
sida nidaamka federaaliga ah ee loogu yeero “Mu’assasaadka la soo Waarido”
(“Institutional Imports)?.
Imisa hay’adood ee la xiriira qaab-dhismeedka dawladnimo ayaaa laga soo
waariday dunida hore u martay, laguna dabaqay dunida soo koraysa?
Sow marka laga reebo mu’assasaadka xagga dhaqanka iyo caadada (traditional
institutions) sida Boqor, Malaaq, Ugaas, Webar, Imaam, Suldaan, Garaad iyo
wixii la halmaala, mu’assasaadka ay ka midyihiin dawlad qaran, baarlamaan,
madax-weyne, raisul wasaare ma aha mua’ssasaad dunida hore u martay laga
soo waariday?. Dawlad Qaran (Nation State) ma Soomaali baa hal abuurkeeda
lahayd? Sow fikradda dawladda qaran kama unkan Yurub ayadoo bedeshay
dawladihii imbaraatuuriyadda ku dhisnaa (Empire States) iyo Dawlad
Magaaleed (City States) ? Sow fikradda dawlad qaran Soomaalidu kama soo
waaridin adduunka hore u maray si ay Soomaalidu ula jaan-qaaddo ummadaha
adduunka oo ay qaab beeleedkii uga guurto uguna gudubto marxalad cusub si
ay adduunka intiisa kale ula simanto? Bal idinkuba qiyaasa hadii aasaasayaashi
dhidibbada u aasay qarannimada Soomaaliya ay wagii qaranka la unkayay ka
biyo- diidi lahaayeen qaadashada hannaanka dawladnimada qaraanka ku dhisan
ayagoo dooddooda ku saleeynaya in aysan Soomaalidu hiddo iyo dhaqan toona
u lahayn dawladda qaranka (isirka) ku dhisan balse ay yihiin beelo iska
xoolo dhaqato ah (raacto, reer guuraa ah) oo aan lahayn garaadka iyo aqoonta
ku haboon nidaamkan ama ay tahay wax shisheeye (ajnabi) laga soo waariday
oo dunida hore u martay lagu dhaqo?!
Marka maxaa ku jaban haddii fikradda federaalka la soo waarido oo lagu
dabaqo Soomaaliya illeen fikradda dawladda qaranba waa la soo waaridee!?
Waxaaba laga yaabaa in haddii la soo waarido habka federaalku uu noqdo
dawo lagu dabiibo cudurka siyaasadeed ee Soomaalida haya. Haddaan sii
bidhaamiyo oo aan sii tusaaleeyo soo waarididda nidaamka federaaliga ah
waxaan xusayaa misaal (tusaale) aan hubo in uusan ku cusbayn “idaajaa”.
Sannadihii toddobaatameeyadii (1970-dii) markii farta lagu qorayo
f-Soomaaligu la rabay in la go’aamiyo ayaa waxaa ay dood ka taagnayd
arta Laatiinka iyo farta Carbeed midda xuruufaheeda loo isticmaalayo
af-Soomaaliga. Dood iyo is maan-diid dheer ka dib waxaa aakhirkii la
qaatay in xuruurfaha Laatiinka loo adeegsado qorista af-Soomaaliga.
Mar “idaajaa) wax laga waydiiyay in ay haboonayd in xuruufaha Laatiinku
loo adeegsado qorista af-Soomaaligu “idaajaa) wuxuu jawaabtiisa ku
tusaaleey sidan: “waxaan u isticmaalaynaa farta Laatiinka sida korontada”
oo uu ula jeedo isticmaalka xuruufaha Laatiinku ma wiiqayso
(ma dhaawacayso) dhaqanka iyo diinta sida ay tuhmayeen dadkii raacsanaa
isticmaalka xuruufaha Carbeed oo diinta loo dhaweeynayay.
Waxaa la yaab leh in uu “idaajaa” yiraahdo farta Laatiinka waxaan u
adeegsanaynaa sida korontada oo uu nidaamka federaaligana la yahay wax
qariib ah oo aan ku haboonayn Soomaalida asagoo u cuskanaya ku haboonaan
la’aanta Soomaalida ee federaaliyadda sababo aan cilmi iyo madiq toona
ku dhisnayn oo laab la-kac iyo caadifad ku salaysan.
Wuxuu kaluu “idaajaa” ku doodaya in “Dhinaca kale, waxaa loo baahan
yahay inay noqdaan, dhaqaale ahaan, dawlado isu dhowdhow oo mid waliba
ay baahideeda dabooli karto, welibana xukuumadda federaalka ah wax ku
biiran karto”.
Run ahaantii ma jiro dal xitaa hadduu yahayh mid awooddu meel ku wada
urursantahay ay deegaannada iyo qaybaha uu ka koobmo ay isku khayraad
iyo dhaqaale yihiin. Marka shardi ma aha in qaybaha uu ka koobmo
federaalka ay dhaqaale ahaan isla sinnaadaan. Dhibaatada la xiriirta
farqiqa heerka dhaqaalaha waxaa sid caadada ah ay dawladaha federaalka
ihi ay kula tacaalaan waxa loogu yeero “Deeqda Federaalig ah” (Federal
Grant) si loo kabo qaybaha dhaqaale ahaan dhutinaya ee federaalka ku jira
si ay ula saan qaadaan qaybaha dhaqaale ahaan isku filan.
Xitaa waxaa jira wax loogu yeero “Federaaliyad kala Daraf Dheer” “
Asymmetric Federalism” oo loola jeedo federal awood qaybsigiisu aan
isku saami ahayn oo gobollada, iwm si aan isla sinnayn awoodaha loogu
qaybiyo oo masalan haddii gobol uusan dhaqaale ahaan amaba siyaasad ahaan
aysan ku haboonayn awoodda aan la siinaynin awooddaas. Tusaale ahaan
federaallada adduunka ma jiro mid tirada dadka ku nool qaybihiisa ay
isla egyihiin, marka haddii gobol ay ku noolyihiin dad aad u badan ayaa
ayadoo aan laga weecanaynin mab’da’a sinnaanta qaybaha federaalka ayaa
haddana la tix-geliyaa xaaladaha dhaqaale, bulshadeed iyo siyaasadeed
ee gobolka. Bal u fiirso wilaayadaha Jamu iyo Kashmir ee India amaba
magaalooyinka Bonn iyo Bremen ee Germany.
Jawaabaha Su’aalahii uu “idaajaa soo Xigtay
“Maxaa diidaya dawlad federaal ahi inay Soomaaliya ka dhisanto?”
Jawaabta su’aashan oo “idaajaa” ka soo xigtay marxuumka uu xusay waxaa uu
nuxurkeedu yahay in uusan nidaamka federaaliga ihi ka hirgeli karin
Soomaaliya oo uusan miro-dhal noqonayn haddii lagu jujuubo mooyaane
maadaama ay Soomaalidu ay qabaa’il yihiin oo haddii xiriir qabiil lagu
dhisana magac kale oo aan federaal ahayn loo raadiyo, waa sida uu u
dhigaye.
Run ahaantii oraahdan waa mid aan loo aabba-yeelin. Waayo waxaa is waydiin
mudan federaaalku sidiisaaba yuu ka dhaxeeya? Ma wuxuu ka dhaxeeya dhulal
maran oo aan beni-aadanba ku noolayn oo leh soohdimo dhuleed oo keliya
mise wuxuu ka dhaxeeyaa dadka ku nool dhulka oo noqon kara dad ku kala
duwan xagga isirka, afka, diinta amaba qaab-dhismeedka buslhadeed oo
qabiil iyo reer-reer ku dhisan? .
Federaalka Switzerland iyo Belgium sow kama dhaxeeyo beelo luqad ku dhisan
(Linguistic Communities)?Sow dastuurkii Federaalka ee Maraykanka araar
(hor-dhac) loogama dhigin “Annaga oo ah shacb-weynaha Willaayadaha
Midoobay “We the People of the United States of America). Maxaa loo oran
waayay (We the United States Of America)?. Jawaabtu waxa weeye, axdiga
federaalka ah (The Federal Covenant) wuxuu dhex marayaa shacab oo ma dhex
maro gobollo juqraafi oo lama degaan ah.
Qodobka koowaad ee dastuurka dalka Belguim sow sida tan uma qorna?
“Belgium is a federal State, composed of Communities and Regions" oo
marka la Soomaaliyeeyo noqonaysa: Belgium waa dawlad federaal ah oo ka
kooban beelo (mujtamacaad) iyo gobollo.
Qaabka Federaalka ee Belgium wuxuu ku salaysanyahay beelo iyo gobollo.
Beeluhu waxaa awood loo siiyay in ay maamulaan arrimaha la xiriira hiddaha
iyo dhaqanka sida afka iyo tacliinta (wax-barashada). Halka gobolladuna
awood loo siiyay maaraynta arrimaha la xiriira horumarinta dhaqaalaha,
dalx-iiska,iwm iyo wixii arrin dhuleed ah.
Weligaa ma eegtay baasaboorka (dal ku galka) qof u dhashay dalka
Switzerland?. Waxaa ku shaabadaysan beesha uu ka soo jeedo (waa beel
afeed ee ma aha beel abtirsi) ee uu dhalashada ka haysto ee loogu yeero
“Commune of Origin”. Haddii qof shisheeye ah oo in muddo ah degganaa dalka
Switzerland uu damco in uu codsado dhalashada (jinsiyadda) Switzerland
waxaa shardi ah in marka hore uu dhalasho ka soo qaato beesha uu dhex
degganyahay , marka ay beesha uu dhex deggenyahay u oggolaato dhalashada
ayunbuu jinsiyadda Switzerland qaadan karaa.
Marka federaalku dhul keliya kuma dhisna ee waa mid beelo iyo mujtamacaad
ku dhisan. (“Guri ninkii dhisay baa ka wayn”)
Marka uu leeyahay “maxaa yeelay federaalisimku ma aha fikrad antarabooloji
(anthropological thought) oo dhalasho iyo abtirsiinyo ku socda. Waa fikri
qaanuuni ah oo degaan ku salaysan”. ‘ Maa qaanuunkii cuf-is-jiidadka
(Gravity) ee “Newton Law” baa? Jawaabtu waa maya federaalku ma laha xeer
cilmiyeed la mid ah xeerka fiisikada (Law of Physics) ee wuxuu leeyahay
sharci qiyaaseed ama “Criteria” sida in ay jiraan in ka badan labo heer
xukuumadeed; in uusan jirin kala maqaam sarrayn; in ay jirto
madax-bannaani siyaasadeed iyo mid xagga maaliyaddaba ah oo ay qayb
waliba ku fuliso awoodaha uu dastuurku u qoondeeyay.
Marka uu soo xiganayo in nidaamka federaaliga ah uusan ahayn mid fikrad
antarabooloji ku salaysan. Ma is waydiiyay federaalka sinjiga iyo isirka
ku dhisan (Ethnic Federalism)?. Sow cilmiga daraasaadka bulshooyinka
(anthropology) gundhig uma aha daraasaadka jinsiyadaha.
Waa khalad in uu “idaaja” xoogga saaro oo uu ku nuux-nuuxsado in deegaan
keliya uu gundhig u yahay nidaamka federaaliga ah oo uu iska indha-saabayo
qaab-dhismeedka bulshooyinka ku nool deegaannada, kuwaasoo noqon kara
shacab qabali ah oo beelo abtirsi ku dhisan ah (Soomaaliya) ama beelo af
ku dhisan (Switzerland iyo Belguim). Si kale haddii loo dhigo federaalku
wuxuu ku saleeysanyahay beel qaran (National Community).
Haddaba marka la eego qaab-dhismeedka bulshada Soomaalida iyo xaaladda
cakiran ee ay maanta Soomaalidu ku jirto waxaa la oran karaa federaalku
waa uu ku haboonyahay in ay tijaabiso oo lagu bilkeedo. Teeda kale
qaran-dhisku hoosta ayuu ka soo aasaasmaa oo ma aha in dawlad dhexe
Soomaalidu mar kale lagu juujuubo.Waa tan Soomaalidu ku maahmaahdo “Haani
guntay ka tolantaa”. Waxaa haboon in marka hore dib loo soo nooleeyo
kalsoonida mujtamaca Soomaalida oo la abuuro nidaam kalsooni dhisi kara.
Waxaa kaloo xusid mudan in nidaam kasta oo uu dal ku dhaqmo dib loo eegi
karo oo waxna laga bedeli karo, waxna lagu dari karo, illeen ma jiro
adduunku dastuur qodobbadiisa aan sinnaba wax looga bedeli Karin marka
laga reebo faqradaha loo yaqaanno faqradaha waara (Eternity Clause) ama
faqradaha wax xadeeya (Limitation Clause) oo laga helo dastuurrada dalaka
Jarmalka iyo India oo dhigaya in hannanka federaaligu aan sinnaba loo
bedeli karin ama in mabaadii’da dimuqraadiyadda aan laga tallaabsan karin,iwm.
“arrinta federaalnimada Soomaaliya waa maxay danaha uu shisheeyuhu ka
leeyahay”?Su’aashan labaad ee uu “idaajaa” ka soo xigtay isla marxuumka
waxaa la oran karaa waa mid xilligeedii laga soo gudbay. Waayo, Soomaalida
maanta ma aha tii waayadii “Dagaalkii Qaboobaa”. Soomaaliya mar bay ahayd
buqcad (goob) istraatiiji ah oo ay labadii quwadood ee Midowgii Soofiyeetka
iyo Maraykanka ay ku loollamaan (ku baratamaan, ku tartamaan) Laakiin wixii
ka danbeeyay dumiddii uu dumay Midowgii Soofiyeetka ee soo af-jaray
Dagaalkii Qaboobaa Soomaliyaa way wayday istraatiijyaddii ay lahayd. Ma
is tiri dagaalka sokeeye ee Soomaaliya sidan uma daba dheeraadeen ama maba
dhaceen hadduu weli socon lahaa Dagaalkii Qaboobaa?!. Ma ogtahay in
Soomaaliya loogu naanayso “Agoonkii Dagaalkii Qaboobaa (“Orphan of Cold
War”) maadaama ay gursadeen naasihii ay jaqaysay (waa deeqihii nooc waliba
lahaa ee dalka ku soo qulqulayay).
Haddii la yiraahdo waxaa Soomaaliya dano dhaqaale oo istraatiiji ah ka leh
Itoobiya oraah been ah ma aha. Shaki kuma jiro in ay Itoobiya dano dhaqaale
oo istraatiiji ah ka leedahay Soomaliya siiba wixii ka danbeeyay
goosashadii Eritrea oo ka dhigay Itoobiya dal bad-laawe ah. Waana wax la
fahmi karo. Balse sinna looma oran karo Itoobiya waxay isku qarinaysaa
muraayad qiiq ah waxayna adeegsanaysaa nidaamka federaaliga ah si qaybaha
federaalka Soomaalida ay u noqdaan kuwo awaamirteeda fuliya. Waayo halista
noocaas ah (haddayba jirto!) waxaa lagaga gaashaaman karaa qaab dastuuri
ah.
Waa waalli iyo dhimir beel oo marnaba lama qaadan karo in awoodaha
dastuuriga ee la siinayo gobollada, maamul goboleedyada,iwm la iska siiyo
qaybaha federaalka ayadoon laa abba-yeelin oo aan loo miidaan dayin
cawaaqibka ka iman kara. Waa in laga digtoonaada oo laga taxaddiraa
dul-duleellada dastuuriga ee laga huluulan karo. Tusaale ahaa sinnaba
u uma qummanaan karto in maamul goboleedyada awood loo siiyo in ay
mucaahado (heshiis) ama xiriir ganacsi la galaan dal shishiiye. Masalan
maamul goboleed bad iyo deked leh sinna sax uma aha inuu heshiis ganacsi
dal shisheeye. Sidaa aawadeed waxaa lama huraan ah in awoodaha keenaya
in uu maamul goboleed xiriir gooni ah oo noqon kara mid siyaasadeed iyo
mid ganacsiba uu la galo dal shisheeya. Waayo waa awoodo xasaasi ah oo
dhaawacaya wada jirka qarannimada oo aan marnaba gacanta loo gelin karin
maamul goboleedyada. Waayo waxaa jira awoodo markaad eegto wadamada ku
dhaqma federaaliyadda aan lagu aamini karin qaybaha federaalka. (“waraabe
lud laguma raro”).
Waxaa tusaale loo soo qaadan karaa dastuurka maraykanka oo awoodda
nidaaminta iyo sharciyaynta ganacsiga ka dhaxeeya gobollada ay iska
leedahay dawladda dhexe ee federaaliga ah oo aan lagu amini karin
gobollada .
“Kooxda soomaalida ah ee federaalnimada wadwaddaa waa tuma, maxayse uga
jeeddaa?
Su’aashan jawaabteedu ma fududa. Ileen waxaa meesha ku jirta yaa shicibka
Soomalida afti shacbi ah ka wada qaaday oo waydiiyay nidaamka federaaliga
raalli maka tiiin?. Ma idinku haboonyahay?. Balse waxaa hubanti ah in
uusan ahayn nidaamka federaaliga ihi mid ay shakhsiyaad xukun-doon ah oo
keliya ay hal-abuurkiisu leeyhiin. Waayo waxaa is waydiin mudan
shakhsiyaadka uu qoraalku sarbeebay halkay ku hooyadaan? Waxay ku
hooyadaan beelo ay xoog, juujuub iyo sharciyad waxay ku hogaamiyaanba ay
talo ku leeyhiin. Marka sow meesha kuma jirta in bulshada uu hogaamiye
koxeedka iyo wixii la halmaalaba ay ku hooyadaan ay u arkaan hannaanka
federaaliga ihi in uu yahay qaabka keliya ee ay ay kaga samatax-bbixi
karaan awood dhexe oo hal gacan ku urrsan oo laga Wada dheregsanyahay
cawaaqibkii ay reebtay oo haddii qaabkaas la waayana ay ka door-bidiyaan
in ay beelahooda iskaga hoos noolaadaan sidii ay weligoodaba ay ugu hoos
noolaayeen ka hor curashada dawladda qaran ee Soomalida?. Marka aad eegtid
kala googo’a Soomaalida ee maanta taagan iyo sida ay Soomalida u kala
didday waxaaba la oran karaa habka federaaliga ah waa habka keliya ee
dib u soo noolayn kara qarannimadii burburtay ahana kan keliya ee lagu
soo xero gelin karo qabaa’il aad mooddid in ay yihiin duur-joog marka ay
timaaddo u hogaansamidda awood dhexe oo ay adagtahay in la rabaayadeeyo.
Marka waxaa lagu doodi karaa in ay gef tahay in lagu sifeeyo nidaamka
federaaliga ah mid ku kooban hogaamiyeyaasha Soomaalida si ay jago iyo
mansab u abuurtaan. Waxaa laga yaabaa in dadka fikraddan qaba ay tuhmayaan
cilladaha lagu sifeeyo nidaamka federaaliga ee loo yaqaanno laban-laabmidda
xukuumadda “Duplication of Government) oo xafiisyo iyo jagooyin dawladeed
oo is-barbar yaacaya ay dalalka federaaliga ihi ay ka soo fufaan. Masalan,
madaxwayne (mid federaali ah, mid maamul goboleed). Gole baarlamaan oo
federaali ah (gole sharci dejin ee heer maamul goboleed). Gole wasirrro
maamul goboleed (gole wasiirro oo federaali ah (federal cabinet). Cilladaha
noocan ah haba yaraatee wax caqabad ah oo sidaa u buuran kuma ah nidaamka
federaaliga ah ee waa wax kallifaya habsami u socodka maamulka.
“Waa maxay hab-dhismeedka dawladeed ee Soomaaliya ay u baahan tahay?”
Waxaa hubaal ah in wadamada logu dhaqo nidaamka federaaliga ihi ay yihiin
dalal juqraafi ahaan aad u baaxad wayn. Waxaaba la oran karaa sababihii uga
waa-waynaa ee keenay unkashada iyo hal abuurka nidaamka federaaliga ah
waa kuwo salka ku haya kala fogaanshaha xagga masaafada juqraafi ee qaybaha
federaalku. Federaaligu waxaa la hal abuuray xilli ay is gaarsiinta
adduunku heer hoose maraysay. (Baabur, dayaarad, telefoon ma jirin).
Waana sababta keentay in federaalka casriga ah uu ka soo hanaqaado dalal
aad u baaxad wayn Sida Maraykanka, Canada, Australia oo sababo siyaasadeed
ka sokoow wadciga juqraafi ee dalalkan uu door ku lahaa qaadashada ay
qaateen qaab-xukunka federaaliga ah maadaama ay mujtamacaadku doonayeen
dawlad ayaga u dhow oo ay taladeedu leeyihiin. Doorka ay masaafada
juqraafi ku leedahay nidaamka federaaliga ihi waxaa lagu tusaalayn karaa
jasiirad ka baxsan dhul-waynaha Malaysiya ayaa waxaa loo oggolaaday awoodo
ka badan kuwa la siiyay qaybaha kale ee federaalka Malaysiya maadaama ay
gooni u go’antahay ayadoo la tix-gelinayo xaaladda juqraafi ee
jasiiraddaas.
Hase yeeshee waxaa iyadana aan marnaba meesha laga saari karin in uu
federaalku yahay wax siyaasad salka ku haya ee an ku salaysnayn oo keliya
juqraafi iyo kala fogaanshaha deegaannada ee waxaa xitaa qaatta dalal aad
u baaxad yar oo tirada dadka ku noolina ay yaryihiin sida Switzerland,
Usu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Belguim. Marka waxaa la oran karaa
nidaamka federaaligu waa mid ku haboon dal baaxad yar oo dadka ku noolina
ay yaryihiin sida Soomaaliya haddiiba qaab-dhismeedka bulshadiisu aanu u
cuntamayn nidaamka awooddu halka meel ay ku urursantahay.
Waa marag ma doonto in ay soomaalidu wadaagto waxyaalo badan oo ma-guuraan
ah oo ka dhigaya qarannimadeeda mid dabiici ah. Soomaalidu ma aha bulsho
aan is qaadi karin oo sida Soomaalidu tiraahdo “dab iyo dhagax ah” isku
ah. (“Dab iyo dhagax la iskuma dhuftee kala dhowraa”). Xaashaa Lilaahi!
Soomaaliidu waa beel qaran oo dabiici ah hal meel ka soo wada unkatay si
kastaba ha isku kala qayb-qaybiyeenne. Balse federaalku laguma sifayn
karo mid suulinaya wada dhalashada ma-guuraanka ah ee Soomalida. Bil-caks
Soomaalidu waa kuwo lagu tilmaami karo federaaliyiin dabiici ah (Natural
Federalists). Waayo waa bulsho ka hor isticmaarka (gumaysiaga) aan awood
dhexe ee guud ku hoos noolaan jirin oo madax-bannaani beeleedku ku
dheeryahay. Waa bulsho madax-bannaanida iyo qab-waynida shakhsiga ihi ku
sifoowday oo awood ka baxsan tan reerkooda ayba la tahay wax qariib ah oo
amar-diidayaal u badan.
Haddii lagu doodo Soomaaliya waxaa xal u ah isu-talis ama is-maamul hoosaad
ku dhisan maamulka (Administrative Autonomy)ee aan siyaasad ku dhisnayn,
waxaa aan daliil u baahnayn in maamul noocaas ah uusan waxba ka duwanayn
(ka geddisnayn) maamulladii xukuumadihii ka horreeyay dagaalka sokeeye.
Waayo is-maamul hoosaad waa qaab awood bixin ah ( xukun-wadaag) oo aan
lahayn damaanad dastuuri ah oo markii uu doono dib ula noqon karo
baarlamaanka dawladda dhexe, illeen awoodda ugu sarraysa ee siyaadada
waxaa mar waliba yeelanaya dawladda dhexe, awoodaha gobolladuna waxay
noqonayaan awoodo la soo dawarsaday (la soo baryay, la soo tuugsaday) oo
markay doonto dawladda dhexe diidi karto in ay bixiso ama hadday doonto
ceshan karto kuway hore u bixisay. Si kale haddii loo dhigo awoodaha
is-maamul goboleedyada waa kuwo gobollada lagu amaanaystay oo ay dawladda
dhexe xaq sharciyeed u leedahay halka hannaanka federaalkuna yahay
xukun-wadaah dhex mara labo libaax oo uu mid waliba qayb libaax qaadanayo.
In lagu misaalo xukun-wadaag federaali ah qaran-dumis ama ay ka dhigantahay
“qaabil raalii gelin” waa mid xaqiiqda dhabta ah ka fog oo iska
indha-tiraysa muxtawiyaadka (ingredients) ay bulshada Soomaalidu ka
koobantahay. Maxaa yeelay dal haddii dadka ku nooli ay yihiin dad xagga
isirka, diinta,iwm ku kala duwan sida dalka Koonfur Afrika sinnaba dabool
uma saari karo waaqica bulshadiisa, waana in uu tix-geliyaa wadcigisa
gaarka ah. Marka yaa dafiri kara (inkiri kara) in ay Soomaalidu ka kooban
tahay qabaa’il oo aan sinanaba loola bar-bar dhigi karin bulshooyinka ka
gudbay marxaladda reer-reerka ee loogu yeero “bulsho baahsan” (“Mass
Society”)?. Haddaba ayadoo la tix-gelinayo wadciga gaarka ah ee Soomaalida
ayaa waxaa roon in ay Soomaalidu abuurtaan dawlad googol-wayn oo aanay
qolana dareemayn in la xusulinayo. Haddii taa la waayana waxaa hubaal ah
in dawladdii la abuura ay noqonayso mid gogol yar (dawlad awooddu hal
meel isugu urursantahay) oo aysan dawladdaasu noqonayn mid wada deeqda oo
ku filan beelaha oo ay dhacayso-wayba dhacday- in beel waliba u hanqal-taag
to hanashada awoodda urursan (dawladda dhexe) oo sida gogol laga sameeyay
haragga (maqaarka) sagaarada ookale ay noqonayso (wayba noqotay) oo in la
iska kacsado mooyaane aan la kala durki karin (federaal waa lagu kala
durkaa). Soomaalidu waxay tiraahdaa “Gogol harag sagaaro laga sameeyay
iiga kac mooyaanne, iga durug ma laha”. waana runtii waxa ka dhacay
Soomaaliya oo markii awooddii qaranku laha lagu tagri-falay oo ay gogashu
yaraatay ay beelihii wax tabanayay abaabushteen ciidan jabhadeed beel ku
dhisan si ay gogasha uga kacsadaan qolooyinkii loo tiirinayay in ay
sed-bursadeen xukunka. Isku soo wada-duubo, waxaa lagu doodi karaa in
nidaamka fedederaaliga yahay googol-wayntii ay Soomalidu ku kala durki
lahayd, illeen awoodda iyo xukunka ayuu firdhiyaa hannaanka federaaliga
ah, wuxuuna ka hortag u yahay in ay beeluhu ku qamaamaan hanashada iyo ku
fariisiga gogoshan yar (awoodda dhexe ee urursan).
Gunnaanad
Qoraalkan wuxuu soo faagay oo uu iftiimiyay gefaf xagga macnaha iyo
mabaadii’duba la xiriira ee nidaamka federaaliga ah oo uu sababay qoraalka
“idaajaa” oo salka ku hayn karta ku talo- gal ama ku qotomi karta nuqsaan
la xiriira aqoon siyaasadeed aan muggeeda waynayn. Waa qoraal aan qabo in
hal-ku-dhegga (cinwaanka) uu u bixiyay iyo dulucda qoraalka aysan is
burinayaan oo aysan is waafaqayn. Waayo bar (nus ) ka mid ah qoraalkiisa
wuxuu ka koobnaa dhacdoooyin caadifad iyo laab lakac ku dhisan oo uu ku
faagayay cadaawad wakhtigeedii laga soo gudbay. Waxaa ku haboonayd in uu
xoogga saaro qaadaa-dhig iyo faaqidaad uu ku sameeyo nidaamka federaaliga
ah oo uu la tacaalo sida federaalku ugu haboonyahay ama sida uusan ugu
haboonayn bulshada Soomalida oo tix-raac iyo daliil ku dhisan. Sidaa
bil-caksigeeda ayuu “idaajaa” qoray oo wuxuu noo soo taxay silsilad dheer
oo taariikhi ah oo ku xoojinayo tuhunka iyo shakiga uu ka qabo cadowga
wirwirka iyo dhalanteedka ah (khiyaaliga ah) ee Itoobiya. Tuhunka Itoobiya
laga qabo waa mid marka loo kuur-galo lagu tilmaami karo mid laga
bad-badiyay oo la buun-buuniyay. Waa tuhun beenoowi kara marka la
lafa-guro xaaladaha bulshadeed, dhaqaale iyo siyaasadeed ee Itoobiyada
maanta jirta. Maxaa yeelay Itoobiyada maanta jirta ma aha tii Xabashidii
qarniyaal ka hor Soomaalida kula jirtay colaadda xagga diinta ah. Ma ah
mid taliskii “Dirge” ( Dirge waxaa loogu yeeri jiray taliskii Mingistu)
uu talada hayo. Itoobiyada maanta ma aha tii Imbaraatuurkii Amxaarada ee
dhul-ballaarsiga ku hamiyay ee Haile Selaassie uu ka taliyo. Haile
Selaassie wuxuu ahaa nin waayadii uu noolaa ku dhaqan aha, wuxuuna weligii
ku taamayay in uu la wareego dhammaan dhulalka ay Soomaalidu degto (horay
buu Galbeed ula wareegay) ee Geeska Afrika oo uu ka dhigo qayb ka mid ah
Imbraatuuriyaddii Amxaarada si la mid sidii uu ka yeelay Eritrea oo uu
dhulkeeda la wareegay sannadkii 1962-dii.
Itoobiyada maanta ma aha mid quwad wayn ah oo warshadaha (sancada) ku
horumartay oo awood dhaqaale iyo ciidanba u yeelan karta in ay liqdo
(dhunjiso) Soomaalida.
Itoobiyada maanta waa tii uu qoraa wax ka qora arrimaha wadaniyadda
(nationalism) ku tilmaamay (Prison House of Nations)-Guri xabsi ah oo ay
ummado ku taxaabanyihiin-. Wuxuu qoraha ula jeeday oraahdiisa in Itoobiya
ay tahay dawlad xoog, juujuub iyo muquunin ay dawladnimadeedu ku dhisantahay
oo ay halis joogto ah ugu jirto in ay si fudud u dunto. Waayo waxay ka
koobantahay qowmiyado kala jaad ah (kala nooc ah, kala duwan) oo wada
maleegaya (shir-qoolaya) (marka laga reebo kuwa wadajirka ka manaafacaaday)
sidii ay uga boodi lahaayeen gidaarka ( derbiga) xabsiga.
Marka, waxaa la oran karaan tuhunka iyo shakiga lala beegsanayo Itoobiya
waa mid aan ku fadhin sal caqli-gal ah oo lagu misaali karo qof hooskiisa
ka baqay. Bal u mar kale u fiirso xaaladda dhaqaale ee Itoobiyada maanta.
Itoobiyada maanta waxay meesha ugu hoosaysa kaga jirtaa liiska (taxda)
Warrbixinnada lagu cabbiro (qiyaaso) horumraka beni’aadamka (eeg oo akhri
Human Development Reports). Waa dalka adduunka ugu saboolsan (faqiirsan)
oo lagu garto muuqaallada, abaarta, macalusha iyo gaajada oo dadkiisu
quudin kari waayay.
Bal eeg sida dalka yar ee shalay ka qayb ahaa Itoobiya ee Eritrea uu iska
caabiyay Itoobiya markii ay labada dal isku dhaceen oo uu dhex maray
dagaal xagga xuduudda ah. Itoobiya dagaalkan xoog way ku soo af-jari
waysay, waxaana loo baahday ciidan caalami ah oo kala dhex gala labadan
dal. Ma Soomaliya oo qarannimadeedii soo ceshatay ayaa ka taag-darnaan
karta Eritrea oo aan iska caabin karin fara-gelin ay Itoobiya soo
fara-geliso qarannimadeed?. Jawaabtu waa maya.
80-ka Malyuun ee Itoobiyaanka ah ee uu “daajaa” soo xigtay ma is waydiiyay
imisaa muslim ka ah? Imisaa Oroomo ah?. Imisaa Cafar ah? Itoobiyada ay
qowmiyadda ugu tirada badani Aroomadu tahay miyay Soomaalidu halis u
aragtaa marka la oddoroso halista Itoobiya?.
Aroomada iyo Cafartuba waa dadka adduunka ugu dhow Soomaalida marka laga
eego dhinacyada isirka iyo afka oo xitaa lagu doodi karo in ayaga iyo
Soomaaliduba wada yihiin laamihii ama faracii geed wayn. Waxaa hubanti
ah in hadii Itoobiya laga abaabulo doorashooyin xalaal ah oo aan lagu
shuban oo ku dhisan dimuqraadiyad, xorriyad iyo hannaan doorasho oo aan
ahayn mid cod khasaariye ah ay talada iyo xukunk Itoobiya ka wareegayso
labada qowmiyadood ee Amxaarada iyo Tigreega ee taariikhiyan xukunka
kala dhaxlayay (hadda Tigreega ayaa dhaxaltooyada haysta) oo talada si
fara-maroorsi ah muddo qarniyaal ah si gooni gooni ah u kala haystay oo
ay awoodda ugu sarraysa ee fulinta gacanta u galayso qowmiyadaha leh
aqalabiyadda xagga tirada.
Waxaa ayaan darro ah in diidmada nidaamka federaaliga ah iyo ku haboonaan
la’aantaiisa ee Soomaalida uu “idaajaa” bud-dhige uga dhigo cabsi iyo
baqdin nafsaani ah iyo hebel baa sidaa yiri oo waayo doodaha noocaas
waxay gef ku tahay garaadka Soomaalida, maanka fayowna ma qaadan karo.
Ma Itoobiyaa awood Maraykan iyo mid u dhowba yeelan karta mustaqbalka
dhow? Ma is barbar-dhigga Itoobiya iyo Maraykanka, Mexico iyo Soomaaliya
ayaa ah tusaale loo miidaan dayay ah?
Gebegebadii iyo gunnaanadkii waxaa Soomaalida la haboon iny muraayad
isku eegaan oo aysan dal kale u eersan qaran dunkii ku dhacay. Waayo
Soomaaliyoo mid qur ah oo ah qaran walaalo ah sinna Itoobiyadan saboolka
ah ee taagta daaran uma moosi karto hirka iyo mawjadda qaranka Soomaalida
si kasta oo ay iskuga daydo (Eritrea ayay mucaarad iyo qaabab kale u
adeegsatay carqaladaynteeda balse way ku hungoowday). Soohdimaha
siyaasadeed (ma aha kuwo bulshadeed) ee ay askarta (ciidamada)
Itoobiyaanku ka soo tallaabaan wax waaraya ma aha ee waa sida
cayayaan-roobeedka ookale oo markuu roobku joogsado la arko ayagoo
dhulka tuban oo wada bakhtiyay.
Si kastaba arrintu ha haatee waaxaa la wada ogsoonyahay in badi dalalka
adduunka ee ay dagaallada sokeeye ka dhaceen ay dagaalladooda ka dib
abuurteen qaab-dawladeed u horseeday nimco iyo naruuro xagga siyaasadda
ah, waayo waxay ka cashar qaateen sababihii dhaliyay dagaalladooda ahliga.
Haddaba waxaa la oran karaa daagaalka sokeeye ee Soomaliya waa mid
dhaliyay fursad loogu guuri karo marxalad iyo waa cusub oo lagu dhisi
karo qaran cusub oo casri ah oo ay awoodaha dawladdu kala firdhisan yihiin
oo aanay qaybo ka mid ah bulshada Soomaaliduna isu arag in ay dulmanyihiin
oo ay ku jiraan xabsi-qarameed.
Maxamed Xaaji Caddoow
London, England
Email: mohamedadow@hotmail.com
|