Dhaqankayaga Iyo Fankayaga In Jabuuti Laga Xukumo Ma Ogolin
"Dhaqankayaga Iyo Fankayaga In Jabuuti Laga Xukumo Ma Ogolin... Tiyaatarka..
Waxa Xiga Masjid Jaamaca," Ururka Fanaaniinta Ee Cawadhalad
Somaliland.Org � Hargeisa, Somaliland � 28 September, 2004
--------------------------------------------------------------------------------
Abwaannada waaweyn ee ku jira ururka Fannaaniinta Somaliland ee CAWADHALAD ayaa sheegay in aanay waxba
ka ogeyn heshiiska Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiisku la gaadhey nin la yidhaahdo Cumar Caydiid oo ay
ku wareejisey Tiyaatarkii Hargeysa, isla markaana ay ka soo horjeedaan in Fanka Somaliland loo wareejiyo
Jabuuti.
Abwaanada iyo Fannaaniinta oo ay ka mid yihiin Maxamed Aadan Dacar, Aadan Tarabi Jaamac oo ku magacdheer
[Tuug Tarabi] iyo Basbaas , waxay saxaafadda la hadleen shalay kadib markii uu xidhmay fadhigii Golaha
Wakiillada oo lagaga hadlayey mooshin ku saabsan khilaafka u dhexeeya wasaaradda iyo Fannaaniinta ee
ka aloosan Tiyaatarka. Waxayna ka cawdeen ciidanka Booliska oo ay sheegeen in ay maalin kasta hadidaad
iyo qori ula yimaaddaan, si ay uga saaraan dhismaha Tiyaatarka dunsan oo qayb ka mid ah uu deggan yahay
ururka Fannaaniintu.
"Gurigaas [Tiyaatarka] waxay wasaaraddu ka kiraysay Jabuuti, 15 sannadood, laakiin anagu waxaanu u
malaynaynaa in la kala iibsadey," sidaa waxa yidhi Abwaan Aadan Tarabi oo ka mid ah guddiga Fulinta
ee ururka Cawa-dhalad.
"Annagu haddaanu nahay ururka Cawadhalad, xaquuq baanu ku leenahay dowladda iyo dalka. Intay dowladdii
na daryeeli weydey oo na dayacday ayay kharaabaddii aanu eeganayney ee aanu islahayn mustaqbalka dhista
nagu soo weerartay," ayuu raaciyey.
Waxana uu sheegay in ay soo baxdo cidda ciidamada soo diraysa ee ka dambaysa, isaga oo ka digey in xoog
iyo qori caaradii loo adeegsado.
Sidoo kale, Abwaan Dacar oo ah hal-abuur, heesaa iyo jilaa weyn, ayaa sheegay in markii u horreyseyba
ay Fannaaniintu qayb ka qaateen dhismaha Tiyaatarka, riwaayaddii ugu horreysey ee lagu furayna uu isagu
lahaa.
"Dhaqankayaga iyo Fankayaga in Jabuuti loo wareejiyo ma ogolin," ayuu yidhi Dacar.
"Maanta waad aragtaan dadweynow Tiyaatarkii baa la wareejiyey, berritona waxa ku xiga Masjid Jaamaca
Hargeysa," ayuu raaciyey.
Oday Basbaas ayaa isaguna waxa uu sheegay in Fanka Somaliland uu lahaa laba weel oo midi ahayd Idaacadda
Radio Hargeysa, ka kalena uu ahaa Tiyaatarka. Waxana uu sheegay in Idaacaddii beri hore laga wareejiyey
Fannaaniinta, Tiyaatarkiinna hadda la doonayo in laga wareejiyo, taas oo uu sheegay in macnaheedu yahay
"la idiinma baahna".
Basbaas waxa uu hadalkiisa ku soo xidhay; "Shalay iima yeedhow, Berri iima baahdow, Ha I baranin
maantana". Waxana uu sheegay inay muddo badan aamusnaayeen oo la lahaa maxaad u hadli weydeen, isla
markaana ay iminka bilaabayaan inay hadlaan.
Cabdirisaaq M. Dubbad, Hargeysa.
somaliland.org
|