Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

Maxaa ka danbeeya Isticmaalka Palktalk Software?



Waxaa ku sugan Hidaha Soomaaliyeed in ay cawayn jireen iyagoo ku cawaynaya qaababka kala duwan ee madadaalo sida maanso, ciyaaro kala duwan , hal_xidhaale, amaba ka sheekayn waayo waayo, hadaba waxaad moodaa inuu dhaqankeena ku soo biiray qaab kaa ka duwan oo la adeegsanayo mareegta (Internet) sida MSN Messenger, Paltalk iwm..Sidaa darteed waxaa is waydiin leh ma laga helayaa faa'iidooyin la mid ah tii hore mise waa dhibaato inagu soo korodhay ..Ogoow akhristoow waxa waliba waa sida mindida oo wanaagna waa loo isticmaali karaa ,xumaana waa loo isticmaali karaa ..markaa aad baa loo soo dhawaynayaa fikradaada iyo sidaad u aragto . Halkan waxaanu ku soo gudbinaynaa gabay ka waramaya sida uu arkay tiriyaha gabaygu.



C/laahi Maxamed Haybe "Sogob"

Baalow Adigaa leh (Paltalk)

Meel aan barkimo qaadin, oo boqol ku haasowdo
Oo sida hudheel baaxad wayn, la iskusoo booqdo
Oo baashiraad iyo sallaan, lagula boobaayo
Nin bartaana kaba baaqsankarin, baloow adigaale

Hadba hadalka baabkii furma, eey bogasho kuu hayso
Inaad gacanta kor u baacisaa, laga bilaabaaye
Safka lagama boodee waxaad, kor u baqooshaaba
Halkaad beegsanaysiyo markaad, baarka sare gaadho
Waa loo badheedhaa halkii, kula balaadhnayde
Dumarkaaabay qaar baaanisaha, barro nadhaafeene
Barashada sinaantiyo xornimo, paaloow adigaale

Hadaad qolo bayaankeeda, iyo baaqa garan waydo
Biyo diidku uu furanyahee, adiga oon buuqin
Baabuurna adigoon kaxayn, bacadna dheemaalin
Qol kalaabad uga siibaxdaa, paloow adigaale

Bilis xaawalay iyo rag, waa kalama baydhaane
Cidlo lagama beermeen, hadii layska baal maro’e
Carmal baashaheedii wacnaa, boogi kala gaadhay
Oo beenta way necebtahee, barasho waayeele
Iyo qaar sidii geenyo ba’an, weli yar buubaala
Iyo qaar haduun baaluqoo, sheeko baranaaya
Gidigood rag waw baahanyee, paloow adigaale

Ragga qaar caruur badatay, iyo beel u talinaaya
Oo baddaha waawayn in badan, lacag ka baadhaayay
Iyo qaar haduun soo baxoo, barka fidhanaaya
Bartan aay ku wadda doodayaan, paloow adigaale

Qaar baadigoobkii cilmiga, wada bidaaraystay
Oo maadadii ay barteen, Bon ka dhaga haatan
Iyo qaar ba’daba aan aqoon, alufna aan boowsan
Meel aan laka buug sarayn, paloow adigaale

Bidhaantiisa ruux aanad arag, baydna kula joogin
Ood dunida baasheda kale, uga balwaynaayso
Boholyoowna kugu reebikaara, paalow adigaale

Bigta kamarada iyo luuqa, waa la isku baadhaaye
Nin waliba siduu doorbidaa, wow banaantahaye
Arimaha badh waan qarinayaa, paaloow adigaale


Cabdilahi sogob

Sogob70@hotmail.com

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.