Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

Maansadii C/Laahi Yuusuf:

    
    
    Maansadii C/Laahi Yuusuf:
    Abwaanka maansadan curiyey,maxamuud Xaashi, wuxuu  si aad ah ugu kuuro galay  sida
    uu u dhaqmo  macangaga keligii taliyaha ah ee C/Laahi Yuusuf oo in badanoo
    bulshada ka mid ahi soo saari laayihiin dhan loo raaco kuna wareersan yihiin
    hadalada is dhaafka ah ee colaadu ku ladhan tahay ee ka soo yeedhaya shakhsiyadan.
    Dadka qaarkii markay is yidhaahdeen sifeeya waxay ka tagi waayeen inay yidhaahdaan
    waa askari sida qoriga  wax loogu dilo uun la baray ,halka ay qaarna
    leeyihiin mayanee colaad iyo ciil ku raagay baa ka tan roon ,iyadoo ay qaar kalena
    ku dhawaaqayaan boqornimo la af ganbiyey ayuu soo if saarayaa.Abwaankani isagoo
    isticmaalaya maanso ayuu ka dhawaajiyey C/Laahi Yuusuf si uu umadan isugu
    sifeeyo , markaad dhuuxdo maansadan waxay si qurux badan kuugu tilmaamaysaa hab
    dhaqameedka dhabta ah iyo falalka aan qarsoomayn ee shakhsiyada C/Laahi Yuusuf ee
    laysku maandhaafsan yahay.
    
    
    Wuxuu yidhi:
    
    Marka hore duq baan ahay
    Duq gaboobay baan ahay
    Idinkaa daneeyee
    Derisnimo wax kuma falo
    Idinkaa damqanayee
    Gobanimo dan kama lihi
    Duqii iga horeeyaa
    Deriskaa I barayoo
    Nin  qabiil daneeyoo
    Kuba duula baan ahay
    Dadka reer woqooyiga
    Daraf iyo ilaa daan
    Damashii Hargeysiiyo
    Dakadii berbera iyo
    Burco dacaldeediyo
    Dila iyo sanaag bari
    Duqii iga horeeyaa
    Inta uu malyuun dilay
    Duudsiyey waxoodii
    Waxaan taana ugu daray
    Ducfo meesha timidoo
    Sifir uu u door yahay
    Madashiyo  cidlaan  diray
    Dir ayaan isaaq baday
    Ducfiga ina buubaa
    Gobolaysi ma u diray
    Darbi madaxa ma u sudhay
    Alla dawladsaniyaa
    Waagoo dilaaciyo
    Dayax soo baxaan ahey
    
    Sirta waan dadaayoo
    Dadku ima ogaadee
    Markii jeelka la ii diray
    Waxaa la iigu daabacay
    Deris lama ilaawaan
    Ducfi xabashiyaan ahey
    Axmaaraan dalbanayaa
    Degmadaan ka imi
    Iyo bari uma diraayeee
    Dekadii Kismaayiiyo;
    Xamar baa dul  dhigayaa
    Iyagaa dakadahiyo
    Xeebaha dalkeeniyo
    Duunyadeynu dhaqaniyo
    Dalka oo dhan maamuli
    Ana diiqa keligii
    Daakira ayaan noqon
    Waxaan taa ku darayaa
    Ama dumi is leeyahay
    Culimada dikridee
    Lagu hubo daliilkiyo
    Halka diinta lagu dhigo
    Alla dawladsaniyaa
    Waagoo dilaaaciyo
    Dayax soo baxaan ahey
    Ma nin iga danbeeyoo
    Dood odhan karaa jira
    
    Abwaanka xardhay Maansadan: Maxamuud Xaashi
    
    
Soo Bandhige :Fu,aad
              Bahda Mareegta Farshaxan

Copyright �2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.