"Habeenkii taariikhdu ahayd 16 - 17
Julaay 1989, mar ay saacadu ku beegnayd 1 habeenimo. Shan koofiyad cas ah
ayaa soo jabsaday gurigii aanu jiifnay. Waxan ahayn 5 rag ah iyo 4 dumar
ah. Afar nin oo ka mida shantii nin ee aan guriga ku jiifnay, oo uu ku
jiro ninkii guriga lahaa Cabdirisaaq Caydiid Maxamed, ayaa la duubay/qaaday.
Nin da' weyn oo curyaan ah kaasoo aan socon karayn ayaa laga tagay."
"Waxa naloo qaaday meel aan ku
qiyaasayo inay guriga u jirtay ilaa 30 talaabo halkaasi oo ay joogeen
ciidamo kale oo koofiyad cas ah kuwaasoo ku wareegsanaa dad kale oo meesha
lagu soo ururiyey. Ciidamadu waxay ku jeeniqaarnaayeen qoryaha AK. Dadka
ay koofiyad castu ku hareeraysnayd qaarkood way feedho qaawanaayeen. Dadka
meesha fadhiyey madaxoogu lugahooda ayuu ku hoos jiray. Waxan markaa
arkayey 3 gaadhi oo meesha taagnaa kuwaasi oo kala ahaa: 2 gawaadhida
xamuulka ah ee Paggazi loo yaqaan, iyo midkale oo Toyota ah kaasoo uu
saaran yahay qori Braun ah. Qaar askarta ka mida ayaa nagu garaacay
qoryihii ay siteen dabadooda. Waxba nalama waydiin. Waxa nala fadhiisiyey
meeshii dadka kale ay fadhiyeen. Mid askarta ka mida ayaa tirinayey dadka
markasta oo qaar cusub lagu soo biiriyo. Ugu dambayntii wuxu u sheegay
sarkaalkii watay in tirada dadku yihiin 47 qof."
"Waxa nalagu qaaday mid kamida labadii
Paggazi. Intaanu saarnayn gaadhiga xamuulka ah si isdabajooga ayaa naloo
garaacayey, iyadoo naloo cagajuglaynayey. Gaadhiga xamuulka ah
jembiyadiisa waxa saarnaa askartii na ilaalinaysay. Waxa naloo dhaqaajiyey
dhinaca Koonfurta Muqdisho. Waxa na daba socday laba gaadhi. Waxan u
leexanay dhinaca bada, anagoo si tartiib ah ugu daadagayna dhinaca biyaha
bada. Markani waxay ahayd markii aan garawsaday in nala tooganayo oo aan
xabsi naloo wadin. Nin da' weyn oo i agfadhiyey ayaa isna dareenkaa mid la
mida qabay."
"Sadexdii baabuur waxay istaageen meel
u dhow xeebta. Meel noogu beegnayd bariga waxa ka muuqday ciidii bada oo
si taal taal ah u tuulan. Askartii nala socotay waxay isku qaybsheen laba
kooxood: kooxi waxay isku xeereen baabuurkii xamuulka ahaa ee aan saarnayn,
kooxdii kalena waxay fuuleen ciidii tuulnayd. In yar kadib waxay ka soo
noqdeen ciidii tuulnayd waxaana naloo waday oo nala geeyey ciida tuulan
guudkeeda, waxaana amar nalagu siiyey in aanu fadhiisano. Intaa kadib koox
koox ayaa nalooga daadajiyey carada tuulan korkeeda iyadoo shan shan naloo
wadayo oo nala geynayo meel buurta hoosteeda ah. Waxan dareenay in nala
laynayo, hase yeeshee maanaan maqal wax ddhawaaq ah. Waxan bilownay
xushxush, qaarkayo ayaa ducaysanaya, qaar waa ashahaadanayaan 'Laa Ilaaha
illaLaahu,Muxamadan Rasuulullahi'....'Laa Ilaaha illaLaah'."
"Si isdabajoog ah ayaa naloogu
cagajuglayanayey, waxan maqlay rasaas. Waxa dadka ku jiray Xasan Nuur
Baaruud oon ka gartay. Waxan ahaa qofkii ugu dambeeyey shantii qof ee ugu
dambeeyey ee loo qaado buurta dhaadhaceeda. Waxa nala fadhiisiyey meel ku
beegan dhaadhaca iyadoo si isdabajoog ah naloo safay madaxayaguna
lugahayaga dhexdood ku jiro. Mid ka mida askartii ayaa amarka bixiyey
isagoo leh: Maxaad qabanaysaa oo aad sugaysaa? Fur rasaasta."
"Qaylo, oohin iyo humhum sakaraad ayaa
la isku daray. Laabta ayaan dhulka saaray anigoo ateero ku jira ilaa intii
rasaastu socotay. Hal xabo ayaa iga qabsatay meel ka hoosaysa garabkayga
bidix. Cabbaar kadib ayey rasaastii joogsatay. Askartii waxay gudogaleen
inay dadkii eegaan si ay u hubiyaan in dhamaantood naftu ka baxday. Qofkii
sii nool shan xabo ayey laabta kaga dhufanayeen si ay qudha uga qaadaan.
Kadib waxay bilaabeen inay gacmahooda maydka ku aasaan. Dhiig badan ayaa
igu qubtay oo badhkii ahaa dhiig aniga iga daatay badhkiina dadka igu dul
daatay dhiigoodii yahay. Waan gariirayey tiiyoo naxdin, argagax iyo cabsi
badan igu wada kulmeen. Askari baa i arkay markaasuu qaylyey oo uu yidhi 'kani
waa nool yahay'. Mid kale oo agjoogay ayaa yidhi 'waar ma noolee nafta
ayaa ku sii xarbiyeysa, gariirkii sakaraadka weeyaane inaga keen'. Ciid
baa la igu rogrogay, si fiicana iimay aasin waayo wey degdegsanaayeen."
"Askartii waxay fuuleen baabuurtoodii
wayna tageen. Meeshiibaan ka soo kacay, waxan eegay hareerahayga. Markaan
hubsaday in askartii ay gebi ahaantoodba muuqan ayaan dadkii la laayey
dhex jubaaxay si aan bal baadigoobo wax naftu weli ku sii jirto. Cid nooli
may jirin, qudhu 46 kii qofba waa ka baxday. Waxan u tukubay dhinaca bada
si aan iskaga maydho dhiiga iyo ciida jidhkayga ku dhegan."
"Qoraxdiibaa soo baxday, waxan u
dhaqaaqay dhinaca galbeedka. Waxan gaadhay degmada Jaziira mar ay saacadu
ku beegnayd ilaa 11 subaxnimo. Waxan ka codsaday nin bas waday in uu i
qaado wuuna iga aqbalay. Waxan markiiba soo gaadhay xaafadii aan deganaa
waxanan dadkii uga waramay wixii dhacay. Dumarkii guriga joogay markii aan
u waramay qaylo dheer ayey ku dhufteen waxayna baroorteen baroor tiiraanyo
badan. Dumarka waxa ka mid ahayd Faadumo-Amal oon u adeer ahaa oo uu qabay
Cabdirisaaq Caydiid "Carab Saqiir". Qayladii ayey xaafadihii
jiiraanka ahaa iyaguna maqleen kadibna ay isku soo baxeen. Markii ay
ogaadeen in dadkii xaafadaha laga raafay la laayey ayey xaafadihii baroor
iskuwada dareen. Anigoo markii horeba didsanaa waan xamili kari waayey
qaylada iyo baroorta tiiraanyada iyo quustu ku ladhan yihiin."
"Si aan la iigusoo raacain qaylada oon
mar kale la ii qaban ayaan dhar gashaday oon iska bedelay macawistii aan
guntanaa, kadibna aan uga baxay xaafdii. Waxan raacay bas waxaanan tagay
makhaayad la odhan jiray Cagaaran oon wax ka cuni jiray asxaabtaydana kula
sheekaysan jiray. Waxan la kulmay nin aanu qaraabo ahayn oo la odhan jiray
Cabdixaliil. Kadib markii aan uga waramay wixii dhacay ayuu i kexeeyey
iguna qariyey meel uu ku jiray. Dhawr saacadood kadib, saddex nin ayaa ii
yimid oo igu soo siyaartay gurigii aan isku qarinayey. Mid ka mida
saddexda nin ayaan iqiiney. Way iga tageen markii aan uga waramay wixii
dhacay. Wakhti aan ku qiyaasayo ilaa Saddexdii galabniumo, ayaa hadana
waxa isoo booqday 7 nin oo ay ku jiraan mid ka mida saddexdii hore iyo nin
janan ah oo dirays militeri iyo darajo ku lebisan. Waxay wateen gaadhi
Landcruiser ah. Mardambe ayaa la ii sheegay in jananku ahaa Jeneraal
Xuseen Xasan "Karaj". Dadka kale ee la socday qaar ka midi waxay
ahaayeen Cabdirisaaq Caydiid qaraabadiisii."
"Way i qaadeen waxayna i geeyeen
bartii xasuuqu ka dhacay si aan u tuso maydkii dadka lagu laayey Jaziira.
Waxay arkeen maydkii oo sidoodii u yaala, dabayshuna ciidii lagu rogay ka
qaaday oo hilbahoodii rasaasi googoysey. Markay ku arkeen indhahooda wixii
dhacay ayaanu dib u soo noqonay."
"Markii aanu ku soo noqonay Muqdisho
Jeneraal "Karaj" wuxu soo jeediyey in aanu u tagno Siyaad Barre
oon uga soo warano wixi dhacay. Nin ka mida nimankii kale ayaa figradan
diiday isagoo oo u muuqday inuu baqanayo, wuxuuna soo jeediyey in aanu u
tagno Janaraal Axmed Saleebaan Dafle oo isagu markaa ahaa Wasiirka
Arrimaha Gudaha."
"Waxa naloo sheegay in Janaraal Axmed
Dafle uu joogo Xarrunta Ciidamada Booliiska. Janaraal Karaj ayaa xarruntii
galay, intayadii kalena waxanu ku sugaynay dibeda. Waan baqanayey,
markaasaan isku dayey in aan baxsado. Haseyeeshee waxa isoo qabtay laba
askari oo Janaraal Karaj ilaaladiisa ahaa. Wax yar kadib ayaa la gudaha la
i geeyey. Waxa la ii geeyey Axmed Saleebaan iyo shan nin oo kale oo la
fadhiyey. Waxay igu yidhaahdeen waran oo bal sheeg siday wax u dhaceen.
Markii aan u waramay ayuu Axmed Saleebaan Jeneraal Booliska haystay ku
yidhi kaxee ninkan oo gurigaaga ha joogo. Haseyeeshee Janankii wuu diiday
wuxuna yidhi: 'gurigayga iyo gurigii lagala baxay waxba kuma kala duwana
ee adigu gurigaaga gee'. Axmed Saleebaan ayaa amar laba askari ku siiyey
in ay i kexeeyaan oo ay i geeyaan gurigiisa halkaana la igu ilaaliyo. Laba
bilood ayaan guriga Ina Saleebaan Dafle ku jiray. Mar mar ayey ii ogolaan
jireen in la isoo booqdo."
"Mudo markaan ku jiray guriga Axmed
Saleebaan Dafle waxa la ii qaaday guriga madaxtooyada halkaasi oo aah kula
kulmay shan nin oo iskugu kay sheegay in ay yihiin Guddida Baadhista
Jaziira oo uu Siyaad Barre aasaasay. Waxay ii sheegeen magacdoodii iyo
qabiilada ay ka dhasheen. Waxan imika sii xasuustaa keliya Jeneraal
Abuukar "Suley" oo ahaa Janan ciidamada ka tirsan."
"Waxay gudogaleen waraysigoodii
waxayna igu yidhaahdeen: 'sheeg wixii dhacay adoon baqanayn beena aan
sheegayn'. Waxan suaalay oon ku idhi: 'hadii ay run idinka tahay in aad
rabtaan inad ogaataan wixii dhacay maxaad u baadhi weydeen markuu meydku
yaalay banaanka?'. Iimay jawaabine way uun qosleen. Hadana waxay
yidhaahdeen: 'Waxaa iska ilow oo sheeg waxaad ogtahay', tiiyoonay iiga
jawaabin su'aashaan weydiiyey. Markaa kadib waxan uun u sheegay wixii
dhacay. Way qoranayeen, suaalona way i waydiiyeen waanan uga jawaabay."
"Intaa kabacdi waxa la ii qaaday
gurigii Axmed Saleebaan Dafle. Maalmo kadib ayaa hadana la ii qaaday
qasrigii Madaxtooyada si aan ula soo kulmo shantii nin. Waxay ii akhriyeen
wixii aan u sheegay oo daabacan. Kadibna waan u saxeexay. Hadana waxa la
igu ceshay gurigii Axmed Saleebaan Dafle."
"Axmed Saleebaan Dafle iyo
qaraabadiisu jimce kasta waxay tagi jireen Afgooye oo ay ku soo nasan
jireen, anigana waa la i kaxayn jiray. Intii guriga aan joogay asxaabtayda
ayaa guriga Ina Saleebaan Dafle igusoo siyaaran jiray waxayna ii
qorsheeyeen in la i saaro oon baxsado. Maalin Jimce ah ayey Axmed
Saleebaan iyo reerkiisii ay igu yidhaahdeen ina keen Afgooye ayeynu
aadaynaaye, hase yeeshee waxan ku idhi anigu maanta waan yara xanuusanayaa
oo waan iska jiifayaaye idinku iska taga. Gurigii ayaa la igaga tagay.
Waxa uun guriga ku hadhay aniga iyo askartii ilaalada ahayd. Wakhti ay
qoraxdu kulushahay oo ah saacatul-qaafuur ayaan dayrka ka booday tiiyoonay
askartu i arkayn. Waxan ordaba waxan soo gaadhay maqaaxi ay asxaabtaydu
joogeen. Halkii ayaabaan gaadhi ka raacay wuxuuna i geeyey Baladweyn. Laba
maalmood ayaan Baladweyn ku dhuumanayey, kadib waxa iga daba yimid gaadhi
kale oo la iisoo diyaariyey. Sidaasi ayaan ku imid xeradii Daroor ee
qoxootiga Somaliland degenaayeen."
Xigasho:http://www.angelfire.com/tn3/sdwo/news76.htm
http://www.angelfire.com/tn3/sdwo/Jaziira.htm