Haatuf news, Hargeysa, 21 januari 2003 - Haddii aan dib u jaleeco sannadihii sideetanadii ee ina soo
maray, waxa wakhtigaa noloshayda aad u saameeyay xadgudubkii foosha xumaa ee taliskii Siyaad Barre ku
hayay Xuquuqda aadamaha. Saamayntaas oo aan qabo in dad badan oo Soomaali ahi ay ila qabeen, hase
ahaatee anigu qof ahaan waxaan ka mid ahaa kuwii aanu qadarku dhigin goobihii ay waxaasi ka dhacayeen oo
mudadaas dalka waan ka maqnaa, iyada oo aan ku noollaa dibadda, mana jirto cid ka mid ah qoyska aan ka
dhashay oo lagu dilay ama ku laxaad beeshay halisihii xasuuqii ay dawladii markaa jirtay ku gaalaa
bixisay Somaliland oo wakhtigaas ka tirsanayd Soomaaliya. Wallow aniga xilligaas nasiibku iga
maqnaysiiyay, waxa haddana waajib ahayd in dunida lala socodsiiyo, culays caalamiyana la saaro sidii loo
joojin lahaa facaa’ilkii dhiilada lahaa ee dhacayay, waxaanse xilligaas nasiib u yeeshay oo arrintanina
ku soo beegantay aniga oo markaa shaqo ka bilaabay ururka magaciisa la yidhaahdo "African Watch" oo
xuquuqda aadamaha u doodda fadhigiisuna yahay dalka Maraykanka, kaas oo aan madax ka noqday. Taas oo ii
saamaxday in aan amuurtaas ka hadlo kaalintaydana ka geysto soo bandhigeeda.
Xilligaas waxaan qoray buugga aniga igu dheer ee la magac baxay "A Government At A War With Its Own
People: Testimonies About The Killings And The Conflict In The North." Buuggaas oo lagu daabacay
magaalada New York ee dalka Maraykanka bishii Jeenawari ee 1990-kii, marka magaciisa Af Soomaali loo
beddelana macnihiisu wuxuu noqonayaa "Dawladda Dadkeeda Dagaalka Kula Jirta: Cadaymo ka marag-kacaya
dilka iyo hirdanka colaadeed ee ka socda Waqooyiga."
Buugana waxaan qoray kadib markii aan baadhitaan iyo xuuraan ku sameeyay xoggo iyo wareysiyo aan la
yeeshay dad isugu jira rag, dumar iyo dhallaanba oo ka mid ahaa dadkii ka soo firxaday gumaadkii
Taliskii Siyaad Barre, kuwaas oo aan kula kulmay Djabuuti iyo Dalka Britain, inkastoo ay noo suurtoobi
weyday in aanu wareysiyo la yeelano qaxootigii ku noollaa xeryaha Itoobiya, kadib markii ay dawladdii
wakhtigaa dalkaasi ka jirtay fasax noo siin weyday.
Waxay igu qaadatay billo dhan in aan dhegaysto dadkii dalka ka soo qaxay ee aan wareysiyada la yeeshay,
iyada oo warbixintoodii si cad uga marag-kacayso in uu jiray olole si habaysan loo soo abaabulay oo lagu
tirtirayay gebi ahaanba dadka ka soo jeedda Isaaqa, taas oo run ahaantii aan lagaga bogan karin maqaal
keliya, hase yeeshee buugga kor ku xusan oo markii u horeysay ee uu soo baxay hadda laga joogo 12
sannadood, waxa kelifay in aan maanta dib u soo xigto isaga oo lagu soo hadal qaaday saaxadda Siyaasadda
ee dalka.
Haddaba, macluumaadka uu buuggaasi xambaarsanaa, sawirkii ka soo baxay wuxuu ahaa sidan:
Iyada oo loo tirinayo in ay taageersan yihiin ururkii SNM, waxa dadka Isaaqa ah mudadii u dhexeysay
1981-1990-kii laga hor joogsaday dhammaanba waxay nololi ahayd, iyadoo lagula dhaqmay facaa’il joogto ah
oo bani’aadamnimadooda ka baxsan oo ay ka mid ahaayeen dil, xadhig, jidh-dil, garsoor cadaalad-darro ku
dhisan, dhac iyo boob hantidoodii iyo dhulkoodii loo geysto, dhaqdhaqaaqii oo laga xayiro iyo xoriyatul
qawlkii oo loo diido.
Waxa jirtay Istaaritijiyad lagu karaamo dilayo dadka, qoyska iyo dhaqankana lagu burburinayo. Waxa lala
dagaalamayay ganacsigooda, isla markaana waxaa joogto looga dhigay bandoo iyo koontaroolo lagu
horjoogsanayo.
Sidoo kale, waxa si ula-kac ah loo laayey ragooda yaryar iyo waaweynba. Waxa la kufsaday dumarkooda.
Waxaa loo isticmaalay miinooyinka qarxa, taas oo la qarxiyay berkadahooda, isla markaana waxaa dhulka
loogu aasay miinooyin galaaftay dad iyo xoolaba.
Dabayaaqadii bishii May 1988-kii, ururka SNM waxa uu soo weeraray magaalooyinka Hargeysa iyo Burco,
laakiin wakhtigaa kadib waxa bilaabmay dagaal fool-xun oo lagu xasuuqayo dadka rayidka ah ee abtirsiimo
ahaan ka soo jeeda Isaaqa, taasina waxay keentay in ay dadku ka qaxo guryahoodii, una qaxaan dhinacaa
Itoobiya, halkaas oo ay qaxooti ahaan u magan galeen, iyaga oo ku sugan nolol silic ah.
Ciidamadii Siyaad Barre halkii ay la dagaalami lahaayeen ciidamadii SNM-ta, waxay hubkoodii ku jeediyeen
dadkii maatada ahaa ee aan is-difaaci karayn, iyadoo loo malaynayo in ay ujeedadu ahayd in la doonayay
in ay SNM-tu dagaalka kaga mashquusho dhibaatadii iyo halaagii loo gaysanayay dadka rayidka ah.
Weerarkii ay ciidamadii Siyaad Barre u geysanayeen dadkii rayidka ahaa, waxa uu ahaa mid aan tudhaale
lahayn, taas oo la duminayay guryaha, isla markaana dayuurado lala daba-galayay dadkii firxadka ahaa ee
ka cararay magaalooyinkii lagu duqaynayay Diyaaradaha iyo Madaafiicda, taas oo ay ku dhinteen kumanaan
dad ah oo isugu jira rag, dumar iyo carruur.
Dhagarihii badnaa ee laga galay bina’aadamnimada ma ahayn kuwo uun Siyaad Barre keli u ah, laakiin waxa
kala qaybqaatay rag kale, sida; Maxamed Cali Samatar, Maxamed Xaashi Gaani, Maxamed Siciid Xirsi
(Morgan) oo isagu ilaa hadda gacanta kula jira burburka Soomaaliya, halka uu Cali Samatar-na deggan
yahay dalka Maraykanka, isaga oo ku sugan nolol fiican.
Sidoo kale qaar kalena, waxay hadda ku sugan yihiin Somaliland, iyagoo weliba xilal sar-sare ka haya.
Ragga dembiyada loo haysto, waxa ka mid ah Madaxweyne Daahir Rayaale oo wakhtigaa madax ka ahaa laanta
NSS-ta ee Berbera, iyadoo ay NSS-tu ahayd hay’ad awood badan, aadna looga baqo.
Madaxweyne Rayaale, waxa uu ka mid yahay ragga magacoodu ku qoran yahay buugga magaciisu yahay (Dawladda
Dadkeeda Dagaalka Kula Jirta) oo soo baxay bishii Jeenaweri 1990-kii. Inkasta oo aanay SNM-tu weerarin
magaalada Berbera 1988-kii, haddana magaalada waxa ka dhacay xasuuqyadii ugu xummaa, iyadoo duqay iyo
rag ganacsato ah oo badan loo taxaabay xabsiga, kadib markii ay SNM-tu soo weerartay Burco iyo Hargeysa,
waxaana dadkaa loo gudbiyay Muqdisho intii u dhexeysay 27-kii May ilaa 1-dii Juun, laakiin muddo yar
kadib waxaa magaalada Berbera ka bilaabmay xasuuq waxashnimo ah oo aan noociisa hore loo arag, taas oo
dadka la gawracayay kadibna xabad qudha lagaga jarayay, waxaana si isdaba-joog ah u dhacay falal xasuuq
ah oo ay kuwa ugu xummi bishii Juun 1988-kii ka dhaceen goobo ay ka mid yihiin Burco-Sheekh (Xaafad
Berber ka mid ah), halkaas oo dad gaadhayey ilaa 500 (Shan boqol) oo qof lagu laayay, iyadoo dadkaa
markii la laynayay laysugu xidhxidhay 30-qof ilaa 40-qof. Dadka la xasuuqay, waxa ka mid ahaa dad ka
kala yimid tuullooyinka Miyiga iyo magaalooyinka Burco iyo Hargeysa, kuwaas oo u soo xoogsi tegay
dekedda Berbera. Sidoo kale waxa dadka la xasuuqay ka mid ahaa rag laga soo tarxiilay Sucuudi Carabiya.
Daahir Rayaale, maadama uu ahaa Taliyihii NSS-ta Berbera, masuuliyad weyn oo toos ah ayuu ku yeelanayaa
wixii ku dhacay dadkaa iyo halkii ay ku dambeeyeen, iyadoo dad goob-joog ah oo hadda nool oo aan 1989-
kii ku waraystay Djabuuti ay xasuusan yihiin masuuliyaddii Daahir Rayaale. Dadkaa waxaa ka mid ahaa,
C/fataax Cabdillaahi Jire oo aan bishii Ogost 1989-kii ku waraystay magaalada Djabuuti. C/fataax oo
wakhtigaa ahaa 14 jir oo aan wax ka weydiiyay wixii dhacay, wuxuu yidhi; "Maalin maalmaha ka mid ah
badhtamihii bishii Ogost (1989), warshad barafka samaysa oo aanu lahayn, waxa noogu yimid Madaxa laanta
NSS-ta Berbera Daahir Rayaale, wuxuuna kaxeeyay aabahay, waxa kale oo la xidhay nin da’ ah oo ka mid
ahaa waashmaanadii Wershadda oo magaciisa la odhan Faarax Bidde Geedi. Waxaa labadoodaba lagu xidhay
saldhigga Booliiska Berbera, iyadoo lagu eedeeyay in ay ka sheekaysanayeen in ay suurta-gal tahay in ay
SNM-tu soo gasho Berbera."
Run ahaantii Madaxweyne Daahir Rayaale, keligii kuma aha dadka xilalka sare ee siyaasiga ah ka qabtay
Somaliland ee ay weli caalamatul su’aal saaran tahay hab-dhaqankoodii xuquuqda aadamuhu, laakiin waxa
jira qaar badan oo Isaaq ah oo ka tirsanaa Hay’adihii cadaadiska ee dawladii Siyaad Barre, sida; NSS-ta
iyo Hangashtaba. Raggaas oo iyaguna ay maanta qaarkood xillal muhiim ah ka hayaan Somaliland, sida; NSS-
ta (Sirdoonka) Somaliland ee dib loo sameeyay 1995-kii iyo CID-da, iyadoo dadkii ay jidh-dileen,
basaaseen, baadhistana ku sameeyeen iyo kuwii ay dadkoodii laayeen ay koleyba wakhtiga ay doonto ha
ahaatee ay maalin maalmaha ka mid ah ka hadli doonaan wixii loo geystay. Hase yeeshee arrintani ma aha
mid ku salaysan Qabiil ama Beel gaar ahi u suntan tahay, laakiin waa arrin khusaysa shakhsiyad gaar ah
oo masuuliyad ku lahaa cadaalad-darradii weynayd ee dhacday.
Haddaba, shakhsiyaadka eedahaa loo haysto ama Isaaq ama cid kale ha ahaadeene, waxaa xaq loogu leeyahay
in ay ka jawaabaan wixii ay ku geysteen awood fullineed ama awood siyaasadeed, waxaana xisbiyada ay
raggaasi ka mid yihiin waajib ku ah in ay eedahaa loo jeediyay ku sameeyaan baadhitaan qoto dheer oo
deggen, isla markaana jawaab ka soo celiyaan arrintaa.
Saddexda Xisbi ee doorashada soo socota ku loolamaya oo ah; UDUB, KULMIYE iyo UCID, waxa ku waajib ah in
aanu musharaxnimo iska daayoo xubin ka noqon qofkasta oo ku xadgudbay xuquuqda aadamaha.
Ilaa maalmihii ina dhaafay ee ay eedaymaha buuggan ku xusani noqdeen mowduuca dadku ka doodo, waxa jiray
shakhsiyaad lagu wareystay TV-ga oo ka mara-kacay in Mudane Rayaale uu dad badbaadiyay, haddana taas
macnaheedu maaha in ay ka baraxayso falal lagu eedaynayo inuu gaystay, iyadoo ay weliba arrinta Mudane
Rayaale ay xilligan yeelanayso ahmiyad gaar ah, maadaama uu doorashada soo socota u sharaxan yahay
Madaxweynimada Somaliland.
Sida la ogsoon yahay xilka Madaxweyne-nimo ee uu Mudane Rayaale hadda hayo kuma iman doorasho dadweyne,
laakiinse maanta waxay dadku awood u leeyihiin in ay doortaan qofka ay rabaan, haddiise uu Daahir
Rayaale ku guulaysto doorashadan oo uu talada dalka sii hayo shan sannadood, waxay taasi cadaalad seeg
ku noqonaysaa dadkii dhibaatada loo geystay, maadaama la ogyahay Jariimadihii xasuuqa ee dalka ka dhacay
in ay yihiin sababihii keenay in ay Somaliland la soo noqoto Madaxbannaanideeda, waxa markaa lagama
maarmaan ah inuu hogaamiyaha ummaddani noqdo mid ay gacmihiisu nadiif ka yihiin dunuubtii dadka laga
galay.
Su’aasha lays weydiin karaa, waxay tahay maxay muddadaa dheer u qaadatay in hadda uun arrintaa laga
hadlo, laakiin marka su’aashaa laga jawaabayo go’aankii nabadaynta beelaha Somaliland ee shirkii Burco
May 1991-kii, ayaa shiiqiyay go’aankii kale ee isla shirkaa ka soo baxay ee ahaa in daba-gal lagu
sameeyo dadkii dhagaraha geystay oo iyaga oo Maxkamad la soo taago, taas oo loo magacaabay guddi gaar
ah.
Sidoo kale, waxa iyana arrintaa samayn ku yeelatay qalalaasihii iyo dagaaladii ehliga ahaa ee dalka ka
dhacay, taas oo keentay in ay arrintaasi noqotay mid dib loo dhigto. Sidaa darteed, haddii uu maanta
musharax yahay nin eeddo loo haystaa ma aha arrin laga aamusi karo, haddii kale waxay noqonaysaa in
kumanaankii dhintay, guryihii dumay iyo dadkii baro-kacay ee qaxootiga noqday ay noqdaan arrimo gar iyo
mag la’aan ku dhacay oo aan cidna laga xaq marin doonin.
Raaqiya C/laahi Oomaar
Xigasho:Haatuf News