Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Farshaxan Hijaab Farshaxan

Bahda Farshaxan EMAIL ..

    
    Taariikhda Madaxweyne Daahir Riyaale
    
    Taariikhda waxbarasho iyo khibradeed ee Madaxweynaha cusub
    ee xilka loo dhaariyay Daahir Riyaale Kaahin waa sedan:
    
    Magaca Hooyadii: Aaddan Barre Samatar
    
    Wuxuu ku dhashay: Qul-u-jeed iyo Boon dhexdooda (Degmada
    Boorama), waxaanu dhashay: 1952-kii
    
    Wuxuu leeyahay Xaas iyo Carruur
    
    
    Waxbarashada
    
    1957-60: Wuxuu Malcaamad Qur’aan ka galay Qul-u-jeed
    
    1960-63: Dugsigiisii Hoose wuxuu ku qaatay Degaanka Qul-u-jeed
    
    1963-67: Dugsiga Dhexe wuxuu ka dhigtay Boorama, qoraal uu soo
             saarayna wuxuu ku sheegay inuu saddex sano dugsiga ka
             tegay oo uu haddana dib u bilaabay.
    
    1973-74: Wuxuu dhammaystay Dugsiga Sare ee Cammuud.
    
    1974-75: Wuxuu galay Dugsigii Tabobarka ee Xalane loo yaqaanay
              ee magaalada Muqdisho,
    
    1975: Wuxuu qaatay Kooras Sarkaal-nimo oo loogu tabobarayay
            Arrimaha Nabad-sugidda.
    
    
    Khibradda Shaqo:
    
    Wuxuu ka soo shaqeeyay Gobolka Nugaal ee Waqooyi-Bari Soomaaliya,
    iyo gobolada Sool, Sanaag iyo Waqooyi-Galbeed. Afar sannadood iyo
    badhna wuxuu ahaa madaxa laanta Socdaalka ee gobolka
    Waqooyi-Galbeed xilligii Taliskii Barre.
    
    1982-83: Wuxuu ahaa Xog-hayihii koowaad ee Safaaraddii
             Soomaaliya ee Jabuuti. Derejadii ugu dambaysay
             ee xagga ciidamada ee uu ka qaatay xukuumaddii
             Soomaaliyadii horena waxay ahayd Gaashaanle sare
             oo Ciidanka nabad-sugidda ah.
    
    1991: Wuxuu ka qaybgalay shirkii Burco ee lagaga dhawaaqay
           la soo noqoshada xorriyadda Somaliland.
    
    1991-92: Wuxuu Badhasaab ka ahaa Gobolka Awdal
    
    1992-97: Wuxuu ka soo shaqeeyay nabadaynta iyo isu-soo
             dhaweynta Beelaha Somaliland.
    
    1997: Wuxuu ka qaybgalay tartankii madaxtinimada dalka,
          waxaana loogu doortay shirweynihii Hargeysa inuu noqdo
          Madaxweyne ku xigeenka Somaliland
    
    
     

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.