Waar! hoy! dadkaygoow
Laba daan dhexdoodiyo
Dalqo bahal qof galayoo
Dirqi iyo tu fool adag
Debedda ugu soo baxay
Halkii shalayto lagu dilay
Ma dareemi waayee
Durba miyaa iloowdeen
Duunyadiinii dhacantiyo
In dadkiinii maqanyahay
Ibraahim Saleebaan "Gadhle"
(Ilaahay ha u naxariisto)
Taariikhdu waa hagaha kaliya ee sugan tilmaama ummad kasta.Sidaa darteed mar walba in
la xaqiijiyo oo la ururiyaa waa xilalka ugu waaweyn ee ummad kasta iskeed u saaran.Ummada
reer Soomaaliland ka dib markay iyagoo danta guud ee qawmiyada Soomaaliyeed eegaya
ay lixdankii doorbideen isku keenida qawmiyada Soomaaliyeed ayey horseed u noqdeen isku
darsadkii British Somaliland iyo Italian Somalia.
Taariikh da’ weynoo, Degmadeenu leedahay,
Aan idiin dul-xaadshee, Lixdankii dadkaygoow,
Markaad Dawladnimadii, Diiqada u bixiseen,
Degdegsiinyo mooyee, Doqonniimo ma ahayn,
Manaydaan denbaabine, Shanta kala dab-raacdaa,
Dermo qudha ah u gogosheen, Isku-duubnideenniyo,
Daacad baw horseeddeen, Geeluba hadduu dido,
Duq baa loo hoggaanshaa,
Ibraahim Saleebaan "Gadhle"
(Ilaahay ha u naxariisto)
Hase yeeshee markii maamuladii kala danbeeyey si danta guud ka durugsan ugu hal
maaleen kheyraadkii,deeqdii iyo nidaamkii dawladnimo laheyd ayaa waxaa soo baxay
in si bani'aadnimada ka durugsan oo ah dhac,boob iyo dil loogu abaal guday ummadii
xoriyadeedii danta guud u hurtay ,bal u fiirso hadalada mid ka mid ah muumuladii
lixdankii:
the Interior Minister at that time, Mr.Abdirazak Haji Hussein, arrived in Hargeisa
and made a speech in which he reportedly said the following: "I was not thinking
that so many people live in Hargeisa”."Ma aan moodayninin in waxan oo dad ihi
Hargeisa u soo hoydaan". And "You were only one region in the past and we made
you two regions". "Maxaad la qaylinaysaan hal gobol ayaad aheydeen, hadana
waxaan idinka dhignay laba Gobol".
Paper:Somaliland State Formation
by: Mohamed-Rashiid Sh.Hassan
Waa hadalo aan qaban meesha laakiin ka turjumaysa garaadka shakhhsiga isticmaalay.
Ilaa xiligaasi ummada reer Soomaliland way dareemeen dulmiga lagu hayo waxaana si fiican
looga garan karaa kacdoonkii saraakiishii reer Soomaliland ee hormoodka ka ahaa
Ilaahay ha u naxariistee "Xasan Keyd Cabdule Walanwal".Sidoo kale suugaan ahaana in loo
caqli celiyo maamulkaa waa laysku dayey hadaladan baa ka turjumaya dareenkii ummada
reer Soomaliland :
Dowlad so gashay ma'ehine danteena laba diiday.
Dunjigii Barlamaankow. Dakadii Xamar baa leh,
Berbera daadku ha qaado, dooni yaaney ku leexan,
Makhirkoos ha duloobo, duqeyddii barlamaankay
labadaa kala daayaa
C/Laahi Suldaan "Timacade"
(Ilaahay ha u naxariisto)
Dareenka ku ladhan kacdoonku si joogto ah ayuu u jiray ilaa xiligaa ha kala duwanaado
qaabka loo soo bandhiyee.
Hadaba markii adeegii guud ee ummada reer Soomaliland dhulka galay , dhinaca koonfureed ee
Soomaaliyana si hagar la'aaneed u isticmaalaysay hantidii la wada lahaa ayaa dadkii u dhashay
Soomaliland goosteen inay iyagu ummadooda wax u qabtaan kol hadaan maamulka Xamar waxba ka
imaneyn.Waxay samaysteen urur la yidhaa "UFO" oo u adeegaya danaha guud kuna bilaabeen dibu-dhiskii
dhakhtarka magaalada Hargeysa,Hase yeeshee maamulkii keligii taliska ahaa ee jiray waagaasi
waxay tani ku noqotay hagardaamo ,wuxuuna kaga jawaabey inuu xidhxidho dhalinyaradaasi.
Ardeydii dugsiyada sare,dhexe iyo hoose ayaa isku duubni kaga jawaabey falcelintan maamulka
kaligii talisku ku curyaaminayey waxtarka waxaanay adeegsadeen dhagaxa hub ahaan maalintii
ay bisha Febraayo aheyd 20ka,1982,o aheyd maalintii maxkamada la soo saarayey
dhalinyrada UFO.Waxaa mucjiso weyn ah in ardeyda halgameysay ee hub ahaan u sidatey dhagaxa
halka maamulkii afweynu adeegsanayeen dhamaan hubkii ummada qori,beebee,dubaabad,jiib iwm
uu ardeydaa kaga geeriyooday maalintaa ardey kaliyii waa " Barre Hagi Elmi Ahmed" oo ka mid
ahaa ardeydii ka baxdey dugsiga hoose/dhexe ee Biyo Dhacay1.
Halkan waxaanu ku soo gudbinaynaa maqaaladii laga qoray dhacdadaa si aynu u xusno oo loo
dareemo halka ay kaga jirtay halgankii xaq u dirirka ummada reer Soomaaliland,waxaana
xusid mudan ardeydii gadooday ee tustay maamulkii afweyne ,morgan,gaani iwm in aanay
u dul qaadaneyn dulmiga lagu hayo dalka iyo gar darada dadka layskaga xidhxidhayo:
1-Xuskii Dhagaxtuur ee 2003dii
2-Dhagaxtuur ma been baa?, Boobe Yuusuf
3-Bare-Ardeygii ku dhintay, Dr.Jama Muse
1-Akhri qoraalka gaarka u ah ee loo hibeeyey Bare Xaaji Cilmi(IHUN)
"Tribute to an unknown martyr" by Dr.Jama Muse Jama
Soo Bandhige: Fu'aad Sh.
Bahda Mareegta Farshaxan
Http://www.farshaxan.com