Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

Hawl-galkii Lagula Baxay Col. C/Laahi Askar

    “
    
    Xusuusta Maalmihii Qadhaadhaa”
    Boobe Yuusuf Ducaale
    
    Bishii April 12-keedii 1983 oo ku beegnayd maanta oo kale, waxay dadweynaha Reer Hargeysa ku
    waabariisteen natiijada hawlgal si layaab ah uga fulay gudaha magaalada Hargeysa, habeennimadii 11-kii
    April ee isla sannadkaa oo xalay oo kale ahayd, kadib markii Xaruntii Rugta Saraakiisha ee qaybtii
    xoogga badnay ee 26aad lagala baxay Col. C/laahi Askar Barkhad oo ka mid ahaa, hoggaamiyayaashii caanka
    ahaa ururka SNM oo wakhtigaa dagaal hubaysan oo faraha lagaga gubtay kula jiray Taliskii Siyaad Barre,
    iyadoo ay Ciidamadii Siyaad Barre ee Hargeysa fadhiyay gacanta ku dhigeen Col. Cabdillaahi Askar, isagoo
    hawl-gal qarsoodi ah u yimid magaalada Hargeysa, kana soo galay fadhiisimadii Itoobiya ee ururka SNM.
    
    Galabnimadii 11 April, 1983-kii, Col. Cabdillaahi Askar, wuxuu laba-dible ugu xidhnaa qol yar oo ku
    dhexyaal Xayndaabka Miiskii Saraakiisha Taliskii 26aad, waxaana ku xeernaa Ciidamo xooggan oo ka tirsan
    Askartii 26aad, dhinaca kalena isla galabnimadaa waxa loo damaashaadayay Xuskii Maalinta Ciidankii la
    odhan jiray Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo sannadkasta loo dabaal-degi jiray 12 April. Sidaa darteed,
    galabnimadaa, Gen. Maxamed Xaashi Gaani oo ahaa Taliyihii Qaybtii 26aad, ayaa Xaflad ku waajahnayd 12
    April, ku qabtay Tiyaatarka Hargeysa, halkaas oo uu doonayay inuu dadweynaha horgeeyo Con. Cabdillaahi
    Askar, uguna bushaareeyo in gacanta lagu dhigay mid ka mid ah hogaamiyayaashii ugu waaweynaa Cadowgoodii
    SNM, isla markaana waxa qorshaysnayd in Saacado kadib Col. Askar loo duuliyo magaalada Muqdisho oo ahayd
    Xaruntii Taliskii Siyaad Barre, halkaana dhegta dhiigga loogu darro.
    
    Hase yeeshee, saacad ka hor oo ku beegnayd 5:30 markii Col. Cabdillaahi Askar la-geyn lahaa Tiyaatarka
    Hargeysa oo uu ku sugnaa Gen. Gaani, ayay 11 nin oo uu horkacayo Col. Ibraahim Ismaaciil (Koodbuur),
    xoog kagala baxeen Col. Cabdillaahi Askar qolkii uu ku xidhnaa, kadib markii ay hawl-gal culus oo ay ugu
    badheedheen ilaaladii xoogganayd ee ilaalinaysay Col. Cabdillaahi Askar ku ekeeyeen Rugtii Saraakiisha,
    halkaana ay albaabka ka jabiyeen, kadibna tuurta ku qaateen Col. Cabdillaahi Askar, taas oo ay isaga oo
    bed-qaba saacado kadib kala tallaabeen Xuduudka u dhexeeya Somaland iyo Itoobiya.
    
    Dhacdadaasi, waxay ahayd mid lama filaan ah oo saamayn kala duwan ku yeelatay ugu yaraan saddex dhinac
    oo kala ahaa; dadweynihii ku dhaqnaa magaalada Hargeysa iyo guud ahaanba dadweynihii ku dhaqnaa
    Goboladii Waqooyi, ururkii SNM iyo Ciidamadii Taliskii Siyaad Barre ee Hargeysa fadhiyay iyo guud
    ahaanba dawladdii Siyaad Barre.
    
    Dhacdadaasi, waxay Ciidamadii Siyaad Barre ee Hargeysa fadhiyay iyo guud ahaanba Taliskiisii ku noqotay
    Adhax-jab aan hore loo arag iyo dhirbaaxo kulul oo wefiga ka dhacday. Dhinaca ururkii SNM-na, waxay u
    ahayd guul aan hore loo arag, waxayna u soo jiiday Sumcad weyn oo Milateri iyo Siyaasadeed intaba. Sidoo
    kale, dadweynaha reer Hargeysa iyo guud ahaanba dadweynihii ku dhaqnaa Goboladii Waqooyi, waxay
    dhacdadaasi mar u ahayd farxad weyn, marna waxay u ahayd naxdin weyn, waayo? Mar waxay ogaayeen ama u
    caddayd in guusha SNM ka gaadhay Ciidamadii Siyaad Barre ee 26aad, iyaga loogu aari doono oo lagu samayn
    doono dil, xadhig iyo dhac. Marna, waxay ku faraxsanaayeen guushii la gaadhay.
    
    Col. Cabdillaahi Askar, waxa laga qabtay goor habeenimo ah meel u dhow Sinimoogii hore Hargeysa, iyadoo
    isaga iyo Cabdisalaan Turki ay u yimaaddeen hawl-ciidan, waxaana muddo saddex habeen ah oo uu ku xidhnaa
    Taliska Qaybta 26aad loo geystay Ciqaab Jidh-dil ah oo aad u adag.
    
    Hawlgalkaas Cabdillaahi lagula baxay waxa fuliyey 11 nin oo iska abaabulay gudaha magaalada Hargeysa,
    kuwaas oo mid mooyaane inta kale ay ka tirsanayd ciidankii Qaybtii 26-aad, waxayna ku hawlgaleen laba
    baabuur oo Landcruisers ah, waxayna ku hubaysnaayeen boobayaal fudud.
    
    11-kaa  dagaalyahan waxa hawlgalkii kaga dhintay laba nin, waxaase maanta ifka kaga nool saddex nin.
    
    “Maalmo aad u adag ayay ahaayeen,” ayuu yidhi Cabdillaahi Askar oo aanu khadka telefoonka kaga
    warraysanay dhacdadaas horraantii toddobaadkan isaga oo jooga magaalada Addis Ababa oo uu hadda ka yahay
    wakiilka Somaliland u fadhiya halkaas.
    
    “Waxay ahayd naf u dhexaysa nolol iyo dhimasho. Hadday toojar (Jidh-dil) tahay jidh-dilkii u xumaa baa
    la isoo mariyey dunida.
    
    Cabdillaahi Askar oo aan weydiiney dareenkiisu sida uu ahaa waqtigaas uu dilka u xidhnaa, waxa uu yidhi:
    “Haddaad I weydiisey dareenkaagu Siduu ahaa. Runtii dareenkaygu wuxuu ahaa wax yaab leh, mabaanan filayn
    inaan intaa ku jirayo. Waxaan mar kasta is lahaa aaway raggii aad wada socoteen, xillimaad ka baxaysaa…”
    Cabdillaahi oo ka jawaabeyey sida ay isu waafaqayaan dareenkiisa iyo deldelaaddii uu u xidhnaa, waxa uu
    yidhi: “Abadan, Mar kasta waxay ila ahayd rag baa iga dambeeyey, niman waxaanu ahayn naftood hurayaal
    ah, soo diyaar garoobey, waxaan is-lahaa waar raggii xaggay ku hadheen.”
    
    Aadan Maal Caqli oo ka mid ah saddexda dagaalyahan ee ka nool 11-kii nin ee la baxay Cabdillaahi Askar
    ayaa ka warramay sidii iyo qaabkii hawlgalku u dhacay, waxana uu ku bilaabay:
    
    “Bishii April 8-dii 1983kii ayaa meel sinimoogii hore waqooyi ka xigta saq dhexe Cabdillaahi Askar lagu
    qabtay. In Cabdillaahi la furtaa waxay ku dhalatay saaxiibadii oo qaarkood na halkan (Hargeysa) sii
    joogeen qaarna ay la socdeen. Fikradda soo-furashada markii ugu horreysey waxa annaga noola yimi
    Ibraahim Carab iyo Siciid Cabdi Yaasiin oo loo yaqaaney Bir-jeex”.
    
    Aadan Maal oo hawlgalka iyo tabaabushahoodii si faahfaahsan uga warramay waxa uu intaa ku daray oo
    sheegay in maalin maalmahaa ka mid ah iyaga oo fadhiya guri u dhow Birjeex ay go’aansadeen inay fiidka
    la baxaan Cabdillaahi Askar, laakiin ay u suurtageli weydey.
    
    “April 11-dee annaga oo ka soo qadayney hudheel ku yaallay xaafaddii Iftin ayaanu soo raacnay tagsiyo oo
    aanu nimid guri ku yaallay xeel Xabsiga Dhexe ee Hargeysa waqooyi- galbeed ka xiga. Waxa Guriga lahaa
    Ismaaciil Sh.Ibraahim Sh.Muuse Ducaale. Waxa noo qorshaysnaa inaanu hawlgalka ku dhaqaaqno Afarta
    galabnimo. Qolooyin ayaa naga habsaamay oo goor dambe noo yimi. Sidaas darteedm ayaanu hawlgalkii dib
    ugu diganay shanta galabnimo,” ayuu yidhi Maal.
    
    Sida ku cad Warbixin uu qoray guddi talisku waqtigaas oo baadhaysey cidii ku lug lahayd hawlgalka,
    Ismaaciil Sh.Ibraahim Sh.Muuse waxa guddigaasi kiiskiisa u gudbiyey Maxkamaddii Badbaadada, waxana
    nidaamkii Siyaad Barre ku toogtey magaalada Hargeysa 1984-kii isaga oo kaga aargudanaya hawlgalkii SNM
    ee Buuraha ee sanadkaas.
    
    Alle ha u naxariistee, Ismaaciil waxa la sheegay inuu xabado baastoolad ah ridey kadib markii
    Cabdillaahi Askar lala baxay. Waxa uu ka mid ahaa ganacsatadii sida weyn u taageertay hawlgalka, waxayna
    dad kale oo xogogaal ahi sheegeen in rasaastaa uu ridey ay ahayd yool habaabis.
    
    Aadan Maal isaga oo sii wada sheekadaas waxa uu sheegay in haddana ay suurgal noqon weydey inay shantii
    galabnimo hawlgalaan, sababta oo ah waxa is-beddeli jirey laba gaadh oo midkiiba yahay 22 askari, taas
    oo ka dhigeysey tirada markaas meesha ku sugan 44 askari, sidaas darteed, waxay goosteen in ay iska
    sugaan inta labada gaadh kala hagaagayaan si ay  22 askari uu ugu beegmaan.
    
    Isagoo halkaa ka sii ambaqaadaya wuxuu yidhi Aadan Maal: “Gurigii Jeelka dabadiisa ku yaalley ayaannu ka
    dhaqaaqnay. Dugsiga Sh.Baraawe galbeedkiisa ayaannu kaga soo dhacnay waddada (Laamiga xabsiga hor mara).
    Waa 5 iyo 25 miridh. Ku talagalku wuxuu ahaa inaanu marno waddada dhakhtarka ka dambaysa oo aanu ka soo
    laabno Sheekh Ibraahim Biliso halkii uu ku jiri jirey, kadibna aanu hor marno xerada Turubataariyada oo
    sidaa miiska Saraakiisha ku tagno.
    
    “Waxaannu u isu qaybinay laba kooxood oo midna afar tahay midna siddeed. Waxa hog gelayey gaadhiga
    siddeeddu saarnaayeen oo aan anigu ku jirey. Markii aanu Ibraahim Biliso meel u dhow marayney ayaannu
    ogaanay in baabuurkii afarta nin saarnaayeen naga hadhay. Halkii ayaannu ka soo noqonay. Annaga oo
    marayna meel aan ka fogeyn Xafiiskii nabadsugidda ee hore oo ah halka iminka wasaaradaha Arrimaha
    Dibadda iyo Dib-u-dejinta ku jiraan ayaanu aragnay baabuurkii oo taagan meel aan ka fogeyn guriga Edna
    Aadan ee cusbitaalka guud ka dambeeya. Dib baanu ugu soo noqonay, waanu riixney  arday meesha maraysayna
    waa ay nala riixday. Balse waanu kari weyney. Baabuurkii kale ayaanu ku jugeyney. Kii oo hashkadaynaya
    ayuu dhaqaaqy. Waddadii hore dabadeed, waanu ka leexanay oo waxaanu marnay tan madaxtooyada hor marta.
    Intii aanu baabuurka riixayney ayaa afartii saarnaa ee ku qornaa mid naga dhuuntay oo iska tegey.”
    
    “Markii uu baabuurkii oo hashkadaynayaa noo kacay ayaannu isagii nidhi na hor soco si aanu u ogaanno in
    uu is-taagay iyo in kale. Markii aanu gaadhney geerashka Ina Abu-site ayaannu baabuurkii saddexdu
    saarnaayeen dhaafnay oo hor gallay. Waxa aanu ku nidhi soo soco oo hawshaadii qabso. Waajibkoodu waxa uu
    ahaa inay albaabka shishe ee miiska ee galbeedk xiga ay istaagaan oo ay gaadhka halkaa jooga naga
    khaarajiyaan. Annaga oo siddeed ahayn-na waxay hawshayadu ahayd in aanu albaabka soke ee bariga soo xiga
    ka gallo oo gaadhka gudaha ku jira kala calaf-qaadno.”
    
    Halkan la joogaa ee lagu kala baxayaa waa miiska hortiisii. Waa halkii Cabdillaahi Askar ku xidhnaa.
    Kadib sidee ayay u hawshii u dhacday. Aadan Maal isaga oo taas ka jawaabaya wuxuu yidhi:
    
    “Waxa direyskii Ciidanka lebbisnaa Ibraahim Kood-buur iyo Ibraahim Carab oo aan derejo sidan.
    Ballantayadu waxa ay ahayd marka uu Ibraahin Kood-buur gaadhka ku yidhaahdo: ‘Waa Gaashaanle Ibraahim
    Kood-buur’, haddii ay socda yidhaahdaan-na in aanu nabad ku gallo haddii ay yidhaahdaan: ‘Nimankan dusha
    saarani waa maxay ama ay af-soomaali kale ku hadlaan-na’ baabuurku iska socda annaguna inta gaadhka ah
    ee halkaa taagan khaarajinno; baabuurkuna xawli dheer ku dhaqaaqo si uu u tiigsado gurigii Cabdillaahi
    Askar ku xidhnaa.”
    
    Sidii la filayey markii Ibraahim Kood-buur isu sheegay ayay gaadhkii ku yidhaahdeen ‘soco’, colkiina
    wuxuu ku guuleystey inuu si nabad ah ku galo miiska. Hase yeeshee, haddii ay jiiradii labaad ka laabteen
    ayaa gaadhkii xeradu ka shakiyeen.
    
    “Halkaa gooladda ah ee labaad-na gaadh kale ayaa joogay oo maxaabiis kale ilaalinayey. Kuwii na degdeg
    ayaanu u dhaafnay oo gaadhkaasi saraakiil meesha ku xidhnayd ayay ilaalinayeen. Waannu iska dhaafnay.
    Waxa aanu tagnay gurigii uu ku xidhnaa Cabdillaahi Askar oo albaabka kale ee laga baxo u dhowaa. Halkaa
    waxa ku sugnaa baabuurkii kale ee saddexdu saarnaayeen. Sidii ballantu ahayd waxay ku qaybayeen gaadhka
    halkaa jooga si aanu anagu uga baxno annagoo bed-qabna marka aanu hawshayada gudanno.
    
    “Haddaba, markaannu gudihii gallay, waxa nala kulmay Ciidan laba gaadh ah oo meesha fadhiyey. Baabuur
    yar oo Jiib ah oo qori saarnaana xagga midigta ayuu ka xigey, Jiib kalena waa uu ka dambeeyey. Laakiin
    Jiibka hore waxa uu soo xigay xagga guriga, intii saarnaydna meesha ayay iska taagtaagnaayeen, nasiib
    wanaag qoryahoodii ma ay haysan oo baabuurta ayay ka saarnaayeen. Xabbadda annaga ayaa ku bilownay oo ku
    hor furnay. Socodkii dheeraa ee baabuurka iyaga oo ka shakiyey ayay istaageen iyada oo qaarkood
    qoryahoodii haystaan. Iyaga oo taagan ayaannu baabuurka dheegga ugu qabanaya, isla markiibana xabbadda
    ayaannu ku bilownay annagoo baabuurkii aan kaba degin, boodisna waanu ku darnay. Markaa aanu ku soo
    boodnay nimankan qoryahayagaaba is-gaadhayey.
    
    “Nimankii gaadhka ahaa nin ka mid ayaa markiiba beerka dhigay meel dhir leh oo xas dhexdii ah kaasoo
    aanu moodayney inuu dhaawacan yahay oo xabadi ku dhacday. Ninkaasaa naga diley Alle ha u Naxariistee
    Biixi Xaaji Xasan, isla markaana xabado nagaga dhuftay baabuurkii. Ninkaa mooyaane intii kale ee gaadhka
    ahayd hal nin oo kale ayaa xabado ridey kaasoo ka mid ahaa kuwii albaabka taagnaa.
    
    “Ninkaas ayaa dhibaato noo geystey,” ayuu yidhi Aadan Maal. Waa uu sii waday isagoo ka warramaya siday
    hawshooda u sii wateen:
    
    “Siddeedayadii gudaha galay hawshu waa ay noo kala qaybsanayd. Ibraahin Kood-buur iyo Cabdisalaan Turki
    xilkoodu waxa uu ahaa in ay Cabdillaahi Askar qufulka ka jebiyaan oo ay soo qaadaan, waayo waxa na loo
    sheegay inuu lugaha iyo gacmahaba ka xidhan yahay. Darawalka oo baabuurka ka masuul ahaa oo aanay ahayn
    inuu ka dego, haddii uu ka dego oo uu hawlgalo-na aanu ka fogaan dhakhsona ugu soo noqdo. Waxa aanu ku
    soo hadhnay shan Mujaahid. Annaga na hawshayadu waxa ay ahayd khaarajinta gaadhka iyo ilaalinta Ibraahim
    Kood-buur, Cabdisalaan Turki iyo Cabdillaahi Askar. Shantayadii dagaalamaysey markiiba laba ayay ku
    dhacday, kuwaas oo ahaa Biixi Xaaji Xasan iyo Siciid. Waxa aanu ku soo hadhnay Saddex.
    
    ---------------------------------------------------
    Aadan Maal oo sidii hawl-galkaasi u dhacay uga
    waramay Boobe Yuusuf Ducaale oo ururiya Taariikhda, isaga oo sii amba-qaadaya sheekadii hawl-galkaas,
    waxa uu yidhi: “Shantayadii dagaalamaysay ee difaaca loo qaybiyay, markiiba laba ayay ku dhacday. Kuwaas
    oo kala ahaa; Biixi Xaaji Xasan iyo Siciid Birjeex. Waxaanu ku soo hadhnay saddex keliya, Siciid isagu
    dhaawacii gaadhigaba kalamuu soo degin. Biixise, waanu is-agtaagnayn oo bidixda ayuu iga xigay markii ay
    cuskatay, markaa kadib ayaan arkay Ninkii Biixi toogtay oo meel xas ah dhex rafanaya. Ninkii xaska dhex
    rafanayay, ayaan xabad ku riday. Inta uu dhaqaaqay, ayuu cadceed-galabeedii isku beegay oo dhinaceeda
    naga maray. Cadceedduna way sii dhacaysay oo way na-cawaraysay. Markaa ninkii iyo cadceedii, ayaa isku
    beegmay oo waxa igu adkaatay in ay indhahaygu qabtaan. Laakiin, haddana xabad baan ku riday oo aan ku
    dhuftay, balse inta uu dhacay ayuu haddana siqay. Mujaahid Maloosh iyo Ibraahim Carab, ayaa ka dabba
    wareegay, hase ahaatee waxa ka horyimid gaadhkii dibadda ee aanu u qaybinay gaadhkoodii kale ee dibadda,
    markaa kuwii ayay isla libdheen. Aniguna, waxaan u baydhay kuwii gaadiidka daaqadaha guryaha, si aan
    nalooga soo toogan. Baabuurkii saddexdu saarnaayeen, dibadda ayay hawshoodii ka soo bilaabeen, taasina
    waxay keentay in gaadhkoodii la soo eryado oo ay xaggayagii iyo gudaha ku soo yaacaan.”
    
    Halkaa markay arrintu maraysay, weli lama hayo Cabdillaahi Askar iyo halka uu ku xidhan yahay. Aadan
    Maal, wuxuu sheegay inuu markaas maqlayay Ibraahim Koodbuur oo ku musanaabayay “Waar ragga laayaay, waar
    ragga laayaay” wakhtigaas oo ay saddex albaab oo isku xigay ka baadhayeen Cabdillaahi Askar, isaga iyo
    Cabdisalaan Turki. “C/Salaan Turki, albaabkii bidixda xigay ayuu jabiyay, kadibna wuxuu yidhi kuma jiro,
    markaasaan ku idhi ‘waar ka midigta.. Waar ka midigta….’ Dabadeedna wuu ku orday oo gacanta ayuu ula
    tegay. Cabdillaahi Askar, markaa wuxuu bilaabay qaylo, waxaanu kor ugu dhawaaqay; ‘waar waykan…waar
    waykan..’ Malaha wuxuu maqlay, markii aanu islahayn kana kuma jiro, kana kuma jiro.”
    
    Aadan Maal, isaga oo ka sii sheekaynaya siday wax u dhaceen daqiiqadihii markaa ku xigay, wuxuu yidhi;
    “Dhawaaqii Cabdillaahi Askar kadib, Cabdisalaan Turki ayaa albaabkii gacanta ula tegay, Ibraahim
    Koodbuurna qoriga dabbadiisa ayuu ku dhuftay, markaasuu mar labaadna ku celiyay oo ku dhuftay. Waxa
    jabay albaabkii, dabadeedna Cabdillaahi Askar oo qaawan, ayaa isaga oo boodaya soo dhaafay. Kamuu
    xidhnayn lugaha, balse waxa uu ka xidhnaa gacmaha oo keliya, Nigis yarna wuu xidhnaa, waxaana ku yaallay
    nabaradii lagu dhuftay. Markii uu soo baxay ayaan is-hortaagay, aniga oo ka soo jeestay xagii daaqadaha,
    waxaanan ku idhi; ‘Waar Baabuurka fuul…. Waar baabuurka fuul..” balse anigii ayaabu iga shakiyay.
    Ibraahim iyo Cabdisalaan Turki oo uu soo dhaafay markii hore ayuu ku jeestay oo uu ku yidhi; ‘waar ma
    baabuurkaan fuullaa?’ Ibraahim Koodbuur, ayaa la-hadli waayay, markaas ayaan anigu ku idhi Ibraahim;
    ‘waar Ninka baabuurka fuul dheh’ dabadeedna Ibraahim, ayaa u ishaaray inuu baabuurka fuulo. Kadib, xagii
    baabuurka ayuu u dhaaqay oo dhinacii darawalka ayuu maray, dabadeed waxaan ku idhi; ‘dhinaca kale mar oo
    ka soo gal.’ Ibraahinna, gaadhigii ayuu fuulay oo shidhkii ayuu la galay. Aniga iyo Cabdisalaan Turki,
    waxaanu ku dhaqaaqnay Biixi X. Xasan oo dhaawacnaa. Dhawr goor, ayaa degdeg awgii baabuurku naga
    dhaqaaqay oo haddana joogsaday, oo haddana naga dhaqaaqay oo haddana joogsaday. Markaas baabuurkii in
    doorra ayuu naga goostay oo albaabkii laga baxayay ayuu ku dhowaaday, anaguna Biixi oo dhaawacan ayaanu
    daba sidnay. Markii dambe ayuu Biixi X. Xasan nagu yidhi; ‘waar anigu dhintaye, yaanu baabuurku idinka
    tegin.’ Sidaas ayaanu baabuurkii ku fuulnay, Biixi-na halkii baanu kaga tagnay oo naftu kaga baxday,
    nololna laguma soo gaadhin.
    
    Sidaas ayaanu ku ambabaxnay, anagoo baabuur keliya wadana. Albaabka galbeed ayaanu ka baxnay. Jidka Bari
    ka mara guriga Cabdillaahi Darawal imika ku jiro, ayaanu qaadnay, waxaanu u joogsanay saddexdii
    Baabuurka kale saarnaa oo soo ordayay. Cidi nama eryanayso markaas, wax naga sii yaacaya mooyaane.
    Dugsigii 1 July ee imika Jaamacadda Hargeysa loo yaqaano, ayaanu bari ka marnay, Masaajidka Isha Boorama
    ku yaallana dhinaca galbeed ayaanu ka marnay. Magaalo-qalooc oo ahayd Xeradii Ayaxa, ayaanu sii dhex
    jibaaxnay. Midig ayaanu u baydhnay oo dalcadda karasharka, dariiqa ka dillaaca ayaanu marnay. Markii
    aanu ka baxnay dalcaddaa, ayaa baabuurkii naga hashkadeeyay oo uu is-taagay. Waxaa naga horeysa xerro
    Ciidan degan yahay iyo xaruntii Gantaalaha, labadaa dhexdooda ayaanu ku suganahay. Cadceeddu, markaa
    liiqay sii dhigaysaa, oo way sii dhacaysaa. Waxay nala noqotay in aanu Ciidankaa, cadceedda sii dhacaysa
    isugu toosino, taas oo anaga na caawinaysay. Xerradaa markii aanu dhaafnay, ayaanu bidix u baydhnay. Mar
    kale, ayaa baabuurkii hashkadii bilaabay, anagoo marayna halka ay ku kala baydhaan waddada Madaarka
    tagta iyo ta ina naxar u soo leexata. Kucladii gaadhiga, ayaanu in shidaalla ku shubnay, nasiib-wanaag
    wuu noo dhaqaaqay, markii aanu ilaa boqol tallaabo soconay ayuu haddana joogsaday. Tallo, ayaa nagu
    caddaatay, haddana waxay nala noqotay in aanu wax is-weydiino oo aanu tashano. Intii aanu tashanaynay,
    ayay cadceeddu godkii gashay oo gabalkii noogu dhacay halkaa. Dabadeed Cabdisalaan Turki, ayaa soo
    jeediyay in Salaatul Shukri aanu tukano, sidaas darteed markiiba waanu tukanay. Markii aanu tukanay,
    ayaanu baabuurkii yar taataabanay oo uu noo dhaqaaqay.”
    
    Markaa kadib, waxay qoorsadeen waddada Habaas-weyn. Darfacle, goobta loo yaqaan markii ay dhaafeenna,
    gaadhiga ayay laydhkii u shiteen. Makhaayad ku taallay tuulada la yidhaahdo cunaaye ayay is-yar taageen,
    waxaanay halkaa ku waraysteen qaar ka mid ah dad deegaankaa deggenaa oo ay weydiiyeen, bal in waddada ay
    hayaan ay kala baydhayso inta aanay gaadhin Gunburaha Banka iyo in kale. Markaa waxay u sheegeen dadkii
    ay la kulmeen, in ay kala baydhayso inta aan la gaadhin Gunburaha. Meesha oo Keyn ahayd awgeed, waxay
    weydiisteen dadkii in raaciyo cid dal-aqoon ah. Dadkii waxay u qaateen in ay yihiin Niman Jaadlayaal ah,
    dabadeedna waxay ku dareen laba nin. Labadii Nin waxay ku simeen ilaa Gunburaha Banka, halkaasna waxa ka
    sii raacay Nin kale oo dal-mariye ah. Kadib, waxay cagta saareen Waddada Gumar u baxda, muddo yar markii
    ay hayeenna waxa u muuqday kaaha Laydhka gaadhi hor-goynayay oo ka soo baxa dhinaca Ballay-gubadle, una
    jeeday dhinaca gumareed, kaas oo ay markii dambe ogaadeen inuu ahaa Bee-bee Ciidamadii Faqashtu
    lahaayeen oo iyaga loo soo diray. Bee-bee-gu, wuxuu ku dhacay Xorfad, ciidankii saarnaana markii uu ku
    dhacay godka, ayaa midba meel ku duulay. Mid ka mid ah, wuxuu dusha kaga tuuray geed oo uu ka laad-
    laadiyay, mid kalena dhulka ayuu ku dhacay oo luqunta ayuu wax ka noqday. Intii ay shilkaa ku hawl-
    lanaayeen kooxdii Bee-beegu, ayaa Mujaahidiinta iyo gaadhigoodiina Xuduudda ka tallaabeen. Markaa ka
    hor, siduu sheegay Aadan Maal markii ay tuulada Gumar gaadheen, waxaa halkaa ku joojiyay Ciidankii
    Faqashta ee degganaa, hase yeeshee Ibraahim Koodbuur ayaa u sheegay in aanu nahay Koofiyad-castii qaybta
    26aad oo baadi-goobaysa baabuur lagala soo baxsaday, sidaas darteed wuxuu ku yidhi Ibraahim Koodbuur
    Ciidankii halkaa degganaa; ‘Wax baabuur ahi miyey idin dhaafeen?’ waxaanay ugu jawaabeen; “Maya.” Intaa
    kadibna, wuxuu Ibraahim faray Askartii in wixii baabuur ah ee ay arkaan ay joojiyaan, waxaanu u sheegay
    in aanu xagga Balli-cabbane u dhaafayno. Alla ha’u naxariistee, Ibraahim wuxuu markaa labisnaa Dirayskii
    Milateriga, taasina waxay u saamaxday inuu xeeshaa kala hortago askartii faqashta ee Tuuladaa joogtay.
    
    Sidaas ayay kaga dhaqaaqeen Gumar, markii ay in yar ka socdeenna, waxay u baydheen wado yar oo la yidhaa
    Wado-tuug oo Xarshin ku beegan, Caraancaray-na xagga galbeed ka marta. Markii ay u baxeen bug-cadda
    geed-gaabka Xarshimeed, ayaa Siciid oo dhaawac ahaa oo baabuurka saarnaa yidhi; ‘waar biyo I siiya, kol
    haddii aynu soo talownay.’ Reer Banka afkiisa yaallay, ayay markaa joogsadeen oo ay biyo weydiisteen.
    Wakhti ayay ku qaadatay intii ay biyahay sugayeen, markii loo keenay ee ay Siciid biyihii siiyeena ragii
    reerka joogay, ayaa u sheegay in haddii gabal dhaco aan Xarshin la-geli karin, weliba iyaga waxa u
    dheeraa oo ay siteen hub. Sidaas darteed taladii ayay qaateen, halkaas ayaanay ku negaadeen habeenkaa.
    Saacaddu markii ay ahayd 2:45-daqiiqo, ayaa dabadeed Siciid naftii ka baxday (Alla ha’u naxariistee).
    Subaxnimadii hore ayay tooseen, waxaanay damceen in ay dhaqaaqaan, iyadoo Meydkii Siciid gaadhiga u
    saaran yahay, hase ahaatee baabuurkii ayaa kici waayay, waxay arkeen in xabadi kaga taallo qasabadda
    Batroolka, markaas halkii xabaddu ka dhaawacday qasabadda ayay warqad ku duubeen, kadibna way riixeen
    gaadhigii, in yar dabadeedna wuu u istaadhmay. Abaaro lixdii subaxnimo ayay ka dhaqaaqeen goobtaa,
    wakhti yar kadibna waxay gaadheen magaalada Xarshin. Xaruntii SNM ee Xarshin ayay Meydkii Siciid ku
    rogeen, halkaasna waa lagu aasay. Sidaas ayaanay ku nabad-galeen xubnihii kale ee Mujaahidiinta ahaa oo
    ay ku galeen Itoobiya, intii dhimatay mooyaane.
    
    Hawl-galkaas layaabka leh, waxa uu fulay sannad kadib markii ururka SNM saldhigiisa milateri ka unkamay
    Itoobiya oo ku beegnayd, laba sannadood iyo lix maalmood kadib, markii ururka SNM lagaga dhawaaqay
    magaalada London ee dalka Ingiriiska (April 6, 1981). Hawl-galkaasi, wuxuu fure u noqday dhiirasho xoog
    leh oo dhalisay in ururku gaadho guulo is-dabba joogga. Mujaahidiintii hawl-galkaa fuliyay oo taariikhda
    Baal Dahab ah kaga jiraa, waxa maanta ka nool kow iyo tobankoodii, saddex Mujaahid. Magacyada 11-ka
    Mujaahid ee hawl-galkaa fuliyay, waxay kala yihiin:
    
    1.       Ibraahim Ismaaciil Maxamed (Koodbuur) oo ahaa Illaahay ha’u naxariistee hoggaamiyihii hawl-
    galkaa. Ibraahim Koodbuur, wuxuu ku geeriyooday markii dambe magaalada Rabaso oo ka tirsan Kilinka 5aad
    ee Itoobiya, sannadkii 1987-kii, waxaana la sheegay inuu u dhintay xannuunka Kaneecada.
    
    2.       Cabdisalaan Turki, wuxuu ahaa Mujaahidkii la socday Cabdillaahi Askar markii hore ee ay
    Hargeysa soo wada-galeen, hawl-galkana ay ku wada-jireen. Cabdisalaan Turki, wuxuu hadda ku nool yahay
    dalka Ingiriiska. Waxa lagu tilmaamaa C/salaan inuu ahaa Maskaxdii Khidadda hawl-galkaa.
    
    3.       Biixi Xaaji Xasan, Illaahay ha’u naxariistee isagu wuxuu ku dhintay Miiskii Saraakiisha, intii
    hawl-galku socday maalintaa April 11, 1983.
    
    4.       Siciid Birjeex, Alle ha’u naxariistee waxa isna la dilay intii hawl-galku ka socday Miiska
    Saraakiisha.
    
    5.       Siciid (Kur-libaax) Illaahay ha’u naxariistee wuxuu ku dhintay magaalada Berbera sannadkii
    1991-kii.
    
    6.       Axmed Xuseen Warsame (Maloosh), Illaahay ha’u naxariistee wuxuu ku geeriyooday magaalada
    Hargeysa, January 21, 2002.
    
    7.       Saleebaan Siciid (Saleebaan yare), Illaahay ha’u naxariistee wuxuu geeriyooday June 1988.
    
    8.       Aadan Maal Caqli, wuxuu isagu ka mid yahay Xubnaha weli nool, waxaanu ku nool yahay magaalada
    Hargeysa.
    
    9.       Maxamed Carab, waxa isna la sheegay inuu ku nool yahay Gobolka Sanaag.
    
    10.    Jaamac Maxamed Cali iyo
    
    11.    Axmed Ismaaciil Yuusuf, ayaa iyana ka mid ah Xubnaha Hoyday (intii dhimatay Illaahay naxariistii
    Janno ha siiyee).
    
    “Bishu waa April, Toban beriyo laba, Bandhig Ciidamadu isu soo baxeen, waxay baawariyo baaruud hayeen,
    badka soo dhigeen, Baa Askar lagala baxay.
    
    Waxa la yidhi Birjeex, waxa helay Badjeex. Badhbadhaadhnaydii, ba’ay baa xigtaa, boobow la yidhi.”
    
    Tixdaasi, waxay ka mid tahay Gabay uu hal-haleel u soo tuuray Abwaan Aadan Tarabi Jaamac, kadib markii
    Cabdillaahi Askar iyo colkii soo furtay ay gaadheen magaalada Xarshin ee Itoobiya.
    
    Maanta oo 19-sannadood laga joogo hawl-galkaas, waxa weli muuqata in aan si fiican looga wada
    dheregsanayn taariikhdii laabka lahayd ee dhacdaddaa, ama fikrado kala duwan iyo sheekooyin baahay laga
    kala haysto, taasna waxa u sababa ayaa la odhan karaa sadaradii taariikhda dhacdaddaa oo aan marnaba
    wada qorin dhammaanba dhinacyadii iyo halgamayaashii kale ee hawl-galkaas doorka weyn ka qaatay,
    la’aantoodna aanay wax badani suura-gal noqdeen. Sida uu qoraal-taariikheedka dhacdaddaa ku xusay Boobe
    Yuusuf Ducaale, hawl-galkii Birjeex waxa uu ahaa mid si weyn loo abaabulay, dhinacyo badanina ay ka
    qayb-qaateen, hase yeeshee 11-ka Mujaahid ee ku suntani ay ahaayeen intii muuqatay, inta dahsoonayd ee
    aan la ogeyna ay tiro badnaayeen. Waxa uu is-weydiiyay, cidda gaadiidka ugu deeqday? Cidii maal-gelisay?
    Cidii sahanka u ahayd? Intii kale ee war-qabtay iyo cidii xafidaysay Sirtooda ee lahayd guryihii ay
    fadhiisanayeen? Waxa uu u daayay daahfurka dhinacyadaas oo dhan taariikhda. Waxa iyana aan la xisaabin
    karin, inta u aanowday ee dhibaatadu ka soo gaadhay.
    
    Haddaba, Wargeyska Haatuf ayaa helay qaybo badan oo ka mid ah, dhinacyadaa dahsoonaa ee gacantii ugu
    weynayd ka geystay hawl-galkaas, isla markaana xog-wareysi kala yeeshay sidii ay uga qayb-qaateen hawl-
    galkaa iyo xaalado adag oo ay waajaheenba.
    
    -------------------------
    Waxa in badan la qoray ama laga sheekeeyey, qormooyinkii horena aynu kaga
    warranay ciidankii hawlgalkaa fulintiisa lahaa, guushii ay gaadheen iyo khasaarihii ay la kulmeen,
    kuwaas oo lagu tilmaamay garabkii daahirka ahaa ee dhacdada. Waxana muran ma doon ah oo la dareensan
    yahay in inay dahsoon tahay qayb weyn oo ah laftoodu geesiyaal door laxaad leh ka ciyaaray guushii 11-
    kii April 1983, taas oo soo hadal-qaadka dhacdadan taariikhiga ah la isku weydiiyo.
    
    Haddaba, wargeyska Haatuf ayaa intii uu ku gudajirey raad-raaca taariikhdan waqtigan oo aynu xusayno 19-
    guuradeedii waxa uu la kulmay xog-ogaal badan iyo ka qaybgalayaal ay ka mid yihiin; Yuusuf Cabdi
    Xandulle (Haliil) oo ah ninkii lahaa mid ka mid ah labadii gaadhi ee hawlgalka loo isticmaalay iyo Cali
    Kirix oo ka mid ahaa ganacsadayaashii ka qaybqaatay abaabulka hawlgalka, isla markaana walaalkii Cabdi
    Kirix uu lahaa gaadhiga labaad ee hawlgalka. Cabdi Kirix Alle ha u naxariistee waxa uu ku geeryoodey
    Hargeysa 1994kii.
    
    Yuusuf Cabdi Xandulle (Haliil) oo ahaa ganacsade Adhiile ah, haatanna ku nool magaalada Hargeysa oo uu
    deggan yahay waxa uu ugu badheedhay gacan-siinta hawlgalkaas khasaare dhaqaale iyo khatar nafeed oo
    laxaad leh. Yuusuf oo baabuurkiisu ahaa kii ay ku tallaabeen colkii hawlgalka fuliyey, kadib markii
    gaadhigii kale ka fadhiistay, waxa uu lafihiisa keliya kala baxay Hargeysa subaxnimadii 12/4/83, markii
    uu ogaadey in hawlgalkii lagu guuleystey isla markaana la qabqabanayo in alla intii loo tuhunsanaa inay
    ka ag-dhowaayeen. Hase yeeshee, waxa la aanadiisa loo qabqabtay dhawr iyo Toban qof oo ay ku jirtay
    ooridiisa oo markaa uur lahayd iyo hawlwadeennadiisii ganacsiga. Waxa ciidamadu jebiyeen xafiiskiisii
    ganacsiga oo ay gebi ahaanba ka rarteen wixii dukumenti iyo agab yaallay. Waxayna baylah ka heleen oo ay
    boobka ku caseeyeen xoolo gaadhaya ilaa 700 oo neef oo adhi ah oo uu maalmahaa ka iibsaday sayladda
    Hargeysa si uu u dhoofiyo iyo lacagta 1,800 oo neef oo adhi ah oo uu hore u dhoofiyey oo loogu soo
    shubay baanka.
    
    Yuusuf isaga oo ka warramaya sidii uu hawsha ku soo galay iyo wixii u la kulmay kadib waxa uu yidhi:
    
    “Anigoo sayladda Adhi ka iibsanaya 11/4/83 ayaa abbaaro 10:00 waxa iigu yimi Ibraahim Kood-buur, wuxuu
    igu yidhi raggeennii Madaxda ahaa ee xaggaa iyo Itoobiya ku maqnaa nin halkan yimi baa la qabtay, haddii
    aan galabta laga saarinna caawa tiyaatarka ayaa la geynayaa, dabadeed berrito diyaarad baa la saarayaa.
    Wixii Hargeysa, Berbera iyo Burco nin magac leh joogeyna waa la xaaqayaa. Markaa hawshaas baa jirtee
    gaadhiga I sii”.
    
    Haliil taas kuma qancin, waxana uu u qaatay in uu ku khiyaamaynayo oo uu Ibraahim doonayo inuu ku
    baxsado gaadhiga. Isaga oo sii wada sheekadaasna waxa uu yidhi:
    
    “Ku siin maayo ayaan ku idhi, haddaad wax run ah I taabsiisidna cidna kala tashan maayo ee waan ku
    siinayaa gaadhiga oo sidaa aad sheegayso ay tahay, haddiise sheekadiinii ay tahay oo aad doonayso
    baabuur aad ku baxsataan oo aad Itoobiya ku qabataanna anigu ma hayo.”
    
    Intii haddii ay is-weydaarsadeen ayaa Ibraahim Kood-buur ku yidhi “ina keen”. Waxay labadooda oo keli
    ahi kaxaysteen gaadhigii, waxana uu geeyey Miiskii Saraakiisha oo ahayd halkii uu ku xidhnaa Cabdillaahi
    Askar.
    
    “Markii aan gaadhigii joojiyey ayuu ka degey oo u tegey niman tuutihii Ameerikaanka xidhan oo wada laf
    weyn oo meesha gaadh ka ahaa. Inta uu la hadlay ayuu ku yidhi ‘sidaa hawsha u wada’. Markaa dabadeed
    waxaan xaqiiqsaday warkii uu I siiyey inuu run yahay,” ayuu yidhi Haliil. Waxana uu sii raaciyey;
    “markii aanu soo noqonay ayaan ku idhi waar adhiga aan dhammeeyee – oo 700 neef baan iibinayey
    maalintaas – 12-ka duhurnimo igu soo noqo. 12-kii buu ii yimi, gaadhigii baan siiyey. Lacag aan hayey oo
    Jeeg ahayd ayaan sarrif la weyney, nin kaalinta Cajab hayey ayaan So.Shs.5000 siiyey oo aan idhi So.Shs
    200,000 uun ii sarrif. Dabadeed waanu is-raacnay gurigeygii baanu u wada qada tagnay. Qori iyo
    Baastoolad-na gurigiisii baan ka soo qaadnay oo gurigeygaan dhigtay.
    
    “Intaa kadib, ninkii Ismaaciil Sh.Ibraahim la odhan jirey oo berigii horena baanka ka shaqayn jirey
    markii dambena ganacsade noqday ayuu is-kaaya tusay  (iskaaya baray) oo markii uu ii sheegay I gartay,
    dadkuna wuu kala baqanayoo iyadoo arrin la wada wado ayaa haddana dadku kala dhuumanayey. Ibraahim baanu
    markaa ballanay, gaadhigiina sidaas baan ugu wareejiyay, waxana uu yidhi ilaa 5:30 uun meesha kasoo war
    hela, Ismaaciil gaadhigiisii buu kaxaystay, aniguna gaadhi kale oo aan watey ayaan raacay sidaas ayaannu
    ku kala ambabaxnay, aniguna xaggaa iyo Dumbuluq baan u kacay oo dushaan ka wareegey.
    
    “Arrintii oo markaa uun dhacay oo arlada aan cidi joogin ayaan anigu soo noqday, lixdii iyo waxoogaa
    ayaan tegey xafiiskaygii oo ahaa fooqa Cawil Curyaan, gaadhigii baan halkaa kaga degey oo inamadii ku
    idhi orda oo gaadhiga ku soo xereeya geerashkii Ina Bootaan. Markii ay sidaa iiga dhaqaaqeen ayaa iyagii
    la qabtay, gaadhigii iyo labadii inanna la xidhay. Aniguna inta aan lugeeyey ayaan tegey halkii aanu
    Ismaaciil Sh.Ibraahim ku ballannay oo ahayd koonteenar u dhowaa fooqa Afqallooc ee badhtamaha suuqa iyo
    hudheelka Oryantalka, si haddii hawshu guuleysato iyo haddii kaleba aanu uga arrinsanno wixii aanu yeeli
    lahayn.”
    
    Laakiin, nasiib-darro, ballantii ma fulin, Saaxiibbadii hawlgalku isu-keenayna nolol dambe iskuma
    waraysan, waxayna waxa u dhaceen sidan:
    
    “Ismaaciil oo gaadhigii xawli baas ku eryaya ayuun baa isoo agmaray. Markii uu tiyaatarka in yar sidaa u
    yara dhaafay ayuu rasaas ridey, gaadhigii ayaan gartay, dabadeedna gurigeygii ayaan tegey,” ayuu yidhi
    Haliil.
    
    Alle ha u naxariistee, Ismaaciil Sh.Ibraahim Sh.Muuse Ducaale, sidaa ayaa lagu qabtay, isaga iyo Ina
    Cabdi Good oo ay hawlgalkaana kala qaybqaatay waxa toogasho lagu diley 1984-kii kadib SNM fulisey
    hawlgalkii Buuraha.
    
    Yuusuf Haliil-na markaa kadib waxa u muuqatay in talo dhabaqday, waxana uu bilaabay sidii uu naftiisa
    ula baxsan lahaa. Isaga oo ka sheekaynaya markii uu gurigiisa tegey iyo sidii uu yeelay, waxa uu yidhi:
    
    “12:00 habeennimo ayaa labadii nin ee gaadhigii aan ka degey lagu qabtay oo la sii daayey guriga igu soo
    garaaceen oo yidhaahdeen waar meesha ka bax waa lagu doon-doonayaaye. Sidii baan yeelay oo intaan
    gurigii ka guureeyey ayaan galay sandaqad ku taallay Jameecada, subaxnimadiina markii aan ogaadey in
    raggii oo dhan la qabqabtay ayaan lug kaga baxay magaalada. Meel la yidhaahdo Reydab oo Qool-caday bari
    ka yara xigta halkaasaa gaadhi la igaga daba keenay. Sidaasaan Itoobiya ku galay”.
    
    Haliil waxa uu socodkii ku galay Itoobiya, waxana uu sheegay in markiiba uu la hadlay nin Sucuudi ah oo
    uu adhiga u diri jirey, ninkaasina uu lacag u soo diray, taas oo uu sheegay inuu ciidamadii SNM ee
    markaa la ururinayey uga soo iibiyey 100 beer oo kabaha adadag ee ciidamada ah. Wuxuu dabadeed u
    tallaabay dhinaca Jabuuti, halkaas oo uu sheegay in xuduudka lagu qabtay, markii baasaboorkiisa la
    aqoonsaday. Hase yeeshee, waxa uu sheegay in markii uu saddex habeen ku xidhnaa meel god ah oo kulul ay
    u soo gurmadeen nin ganacsato waaweyn ahayd oo uu ka mid yahay ninka Madaxda ka ah Shirkadda Daallo
    Airlines, Colaad, Sidaana lagaga siidaayey.
    
    Haliil xaaskisa oo la qabtay 13/4/83, waxa lagu xidhay xeradii ciidankii Dhabar-jebinta loo yaqaanay oo
    dadka lagu ururinayey, waxase uu sheegayin uu isla habeenkiiba uu siidaayey Cabdillaahi Cadde oo hadda
    ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, waqtigaana ka tirsanaa saraakiishii Dhabar-jebinta, kadib markii
    uu xaaska haybsaday dabadeedna gartay.
    
    “Ilmihii habeenkaa caloosha ku jirey maanta waa nin weyn oo dugsiga sare dhigta,” ayuu yidhi Haliil,
    isaga oo Cabdillaahi Cadde ku ammaanaya siideynta uu xaaska u siidaayey.
    
    Sidoo kale, Cali Kirix oo Walaalkii Cabdi Kirix lahaa gaadhigii labaad ee hawlgalka ee isagu dhexda ku
    xumaaday, isla markaana kamid ahaa ganacsatadii gacanta weyn ku lahayd hawlgalka, ayaa isaguna Haatuf
    uga warramay sidii wax u dhaceen iyo doorkii ay ka qaateen abaabulka hawsha.
    
    “Rag wuxuu ka sheekeeyaa ba’iisa, dumar-na badhaadhahooda,” ayuu Cali ku bilaabay sheekada, isagoo
    xasuusanaya xaaladdii adkayd ee soo wajahday waqtigaas.
    
    Waxa uu sheegay in abaabulka hawlgalkaasi uu ahaa mid ay iska kaashadeen rag saraakiil ahaa oo ku jirey
    ciidamada iyo dowladdaba iyo ganacsatadii waaweynayd, kuwaas oo uu ku sifeeyey inay ahaayeen “ragga
    intii calool adayg lahayd”.
    
    Waxa uu sheegay in isaga iyo ganacsato kaleba arrinta lagu soo wargeliyey markii diyaar-garowgeeda la
    bilaabay, gaar ahaanna ay la soo xidhiidheen Alle ah u naxariisto dhammaantood’e Cabdi Kirix, Ismaaciil
    Sh.Ibraahim Sh.Muuse Ducaale iyo Ina Cabdi Good oo iyaga ay wada shaqaynayeen Ibraahim Kood-buur.
    
    “Waxa calool-adayg noo sameeyey nimankii kornaylada ahaa ee Ina Kood-buur Madaxda u ahaa . Markaa aniga
    iyo nin Muxumud Durraan la yidhaahdo waxa naloo diray inaanu soo ururrinno qoryo iyo rasaas. Wixii
    reeruhu haysteen iyo wax aanu ku darnayba waxaanu isu keenay siddeed qori iyo ilaa 1,000 xabadood oo
    rasaas ah,” ayuu yidhi Cali. Waxana uu raaciyey inay haddana bilaabeen inay iska ururiyaan lacag iyadoo
    intii markaa awoodaysey ninkiiba la saaray So.Shs.200,000.
    
    “Habeenkii ayaanu diyaarinay gaadhi aanu lahayn oo uu Cabdi Kirix lahaa ayaannu bixinay oo intaannu
    hagaajinay oo wax kasta aanu u dhammaynay ayaannu nidhi waa in kaa lagu qaadaa (Cabdillaahi) caawa,”
    ayuu yidhi.
    
    Intaa keliya kagama aanay hadhine, Cali waxa uu sheegay in raggaasi kadibna ay ka qaybqaateen xitaa
    hawlgalkii Ciidan ee lagula baxay Cabdillaahi.
    
    Oo sidee iyo qaabkee bay uga qaybqaateen?
    
    Xawligii uu Marxuum Ismaaciil gaadhigiisa ku dhexmariyey magaalada iyo kadib rasaastii uu ka ridey
    tiyaatarka agagaarkiisa halkaa oo waqtigaas uu Gaanni u fadhiyey in Cabdillaahi la keeno. Rasaastaas oo
    uu Haliil sheegay in aanay isku ogeyn, ayuu Cali isagu waxa uu ku tilmaamay mid u qorshaysnayd
    ganacsatadii iyo raggii kale ee caawinayey hawlgalka milateriga, looguna talagalay in lagu Yool
    habaabiyo Gaanni iyo ciidamadiisa oo waqtigaa goobta Ismaaciil ka ridey oo ahayd Tiyaatarka u fadhiyey
    in loogu keeno Cabdillaahi Askar oo Jidh iyo silic u dhammaaday si dadka loogu quusiyo.
    
    Cali isaga oo qorshahaa ka warramaya waxa uu yidhi: “Intaa dabadeed, waa la is-qaybiyey oo afar ilaa
    siddeed waddo ayaa loo qorsheeyey in lagu soof-daran habaabiyo. Ina Cabdi Good iyo Ina Sheekh Ibraahim
    waxa lagu qaybiyey waddadaa New Hargeysa ka baxda ee tiyaatarka inay xabado ka ridridaan. Cabdi Kirix
    iyo nin Gurey la yidhaahdo oo colkii jabhadda ka mid ahaa iyagana waxa lagu qaybiyey wadada idaacadda
    inay xabado ka ridridaan. Col kale oo badan oo uu ka mid ahaa ninka isaguna gaadhiga labaad lahaa
    (Yuusuf Cabdi Xandulle “Haliil”), iyagana waxa lagu qaybiyey  inay halkaa Shanta Maylka (Karin Huwan)
    agagaarkeeda xabado ka ridaan. Halka loogu talagalay inay ka baxaanna waxay ahayd Qudhaca Faarax Nuur”.
    
    Cali waxa uu sheegay in maqribnimadiiba Cabdi Kirix iyo raggii kale ee rasaasta ka ridayey wadada
    idaacaddu ay ku soo noqdeen, uguna bushaareeyeen in hawlgalkii najaxay Cabdillaahi Askarna lala baxay.
    
    Hase yeeshee, farxaddii iyo guushaasi ma noqon mid ay ku sii negaadeen Cali iyo raggii kale ee hawsha
    kula jirey, waxaana markaas uun u bilaabmay rafaad iyo dhibaato.
    
    “Aroornimadii ayay noogu darnayd markii la yidhi gaadhigiinnii Toyota-da ahaa ee Cabdi Kirix lahaa oo
    nin mayd ahi hoos yaallo ayaa meeshan yaalla!,” ayuu yidhi. Waxana uu raaciyey; “Niman askar ah baanu u
    dirnoo waxaanu nidhi soo eega wallaahi waa dhab bay yidhaahdeen”.
    
    Halkaa markay marayso Cali iyo eheladiisii markaa waxay bilaabeen inay tabaabusheeyaan Cabdi Kirix oo la
    doon-doonayey si ay ugala baxsadaan dil iyo xadhig. Waxa lagu daray Cabdi nin la yidhaahdo Muxumud
    Durraan si uu u tallaabiyo, laakiin nasiib darro, waxa la ogaadey in xuduudka oo dhan ay ciidamo joogaan
    oo lagu sugayo. Dib bay u soo noqdeen, aakhirkiinna waxa laga tallaabiyey Lawya-caddo xaduudka Jabuuti
    iyo Somaliland, iyadoo lagu isticmaalay kharash badan oo laaluush ah.
    
    Haddana, Cali iyadoo culayskaasi ka dhacay oo uu Cabdi tallaabiyey, welwel iyo rafaad weli uma dhammaan,
    waxana uu bartilmaameed u noqday baadhista iyo handadaaddii joogtada ahayd ee ciidamadii taliska.
    Waxaana dhibtaas hore kaga sii darnayd u yeedhista iyo ciidamada maalinkasta la dulkeenayey. Ilaa ugu
    dambayntii uu ku dhaqmay talo ay u soo jeediyeen laba nin oo CID-da ka tirsanaa oo nasteex u ahaa, taas
    oo ahayd inuu dhalleeceeyo tallaabista laba nin oo walaaladii ah (Yuusuf Kirix iyo Cabdi) oo SNM-ta ku
    biirtay, uuna u muujiyo inay yihiin fallaago isagana dayro ka ah. Taas oo ay ku qanceen saraakiishii
    talisku, kana fududaysay culayskii joogtada ahaa.
    
    ---------------------------
    Dad gaadhayay 12-qof oo loo qabqabtay falkaas, badankoodana loo aaneeyay
    Ganacsade Haliil, ayaa markii dambe oodda laga qaaday iyaga oo nabad qaba, marka laga reebo Marxuum
    Ismaaciil Sh. Ibraahim Sh. Muuse oo inkastoo intii falkaasi socday la qabtay, haddana loogu aaray
    khasaarihii Taliskii Barre loogu geystay, hawl-galkii buuraha loo yaqaanay ee dabayaaqadii sannadkii
    1984. marka la eego Cududdii Taliskii milateri ee gobolkan joogtay, iyo weliba arxan-daradii ay kula
    kacayeen Shacbiga, waxay is-weydiintu tahay sidee ayay u suuro-gashay in dadkii ka qayb-qaatay hawl-
    galkii Birjeex iyo kuwii gacanta ka geystaba ay baxsadaan, ama si dhibyar la-isaga sii daayo kuwii loo
    aaneeyay ee la-qabqabtay iyo kuwii raadku galayba?
    
    Iyada oo dad ka horeeyay kuwaas oo loo qabqabtay in ay lug ku lahaayeen, hawl-gal la doonayay in lagu
    dilo Gen. Gaani, ay sannado badan dil sugayaal ku ahaayeen Xabsiga. Marka laga yimaado in hawl-galku
    lama filaan iyo fir ka-nax ku noqday Taliskaa, SNM-na aan laga filayn awooddaa intaa le’eg, haddana waxa
    inta badan qayb ka qaadatay in arrintu koobnaato, Musuq-maasuq iyo boob laxaad lahaa oo ay Ciidamadu
    Faqashtu ku jeedeen sannadihii dambe. Sidoo kale, waxa iyana fursad ahayd oo qayb ka qaadatay arrinta,
    Ficiltan u dhexeeyay Ciidamadii kala duduwanaa ee Taliskaasi soo dhoobay Gobolka, sida ka dhadhamaysa
    qoraal ay soo saareen guddi uu taliskaasi u saaray in ay soo baadhaan, sababihii suura-gelayay in hawl-
    galkaasi dhaco, go’aan dacwadeedna ay ka soo saaraan. Qoraalkaasi, waxa uu muujinayaa in guddigaa ay ku
    adkaatay in ay helaan Bastooladii uu rasaasta ka riday Marxuum Ismaaciil Sh. Muuse oo ay Ciidankii
    qabtay lunsadeen.
    
    Sidoo kale, Cali Gurey oo ka mid ah Mujaahidiintii SNM ee weli nool, isla markaana ka mid ahaa xilligaa
    Aqoonyahanadii reer Hargeysa ee xogo-gaalka u ahaa Abaabulka hawl-galkaa, ayaa Haatuf u sheegay in
    markii uu ogaaday in gaadhigii Cabdi Kirix ee ka xumaaday Mujaahidiintii Hawl-galkaa fulisay, ay
    Ciidamadu heleen, wuxuu xusay inuu ka werwersanaa in raadka gaadhigu soo geli doono isaga iyo rag kale
    oo asxaabtiisa ahaaba. Sababtoo ah, wuxuu Cali Guray sheegay in gaadhigaas uu isaga laftiisu ku dhex
    wadan jiray magaalada Hargeysa gudaheeda, in badana lagu arkay isagoo wata wakhtigaa. Hase yeeshee, ayuu
    yidhi Cali; “Waxa la ii sheegay markii dambe in askarta lafteedu isku qabsadeen gaadhiga.” Wuxuu intaa
    ku daray Cali Guray oo uu yidhi; “Lama filaan iyo qaadan-waa ayay igu noqotay, markii aan Subaxdii
    xigtay maalintaa hawl-galku dhacay aan arkay, gaadhigii oo uu ku xaragoonayo Sarkaal tuutuhii melateriga
    xidhnaa. Wuxuu igaga horyimid waddada Cusbitaalka ka dambaysa, mise waaba gaadhigii oo lambarkiina ku
    xidhan yahay, kaas oo ahaa Soomaaliya – 33933.”
    
    Taliyihii Ciidanka Gen. Maxamed Xaashi Gaani oo wakhtigaa Siyaad Barre uga masuul ahaa Gobolka, una
    muuqday Madaxweyne kale oo gaar u maamusha gobolka, wuxuu isaga ku noqday hawl-galkii Birjeex jug weyn
    oo uu la-dakaamay. Waxaa qiyaasi kartaa, Masuulka inta uu cod-baahiyayaasha qaatay ku sayaxayay inuu
    gacanta ku hayo kii ugu weynaa Cadawgii ay is-hayeen ee inta uu Tiyaatarka goleeyay, dadkii isugu
    yeedhay si ay u arkaan Cabdillaahi Askar oo feedho qaawan, laba-dible-na u xidhan oo silic u dhammaaday.
    Isla markaana, saacadii uu eegayay in la keeno madasha uu waayay wixii uu sugayay. Runtii, muraaradilaac
    keliya ma aha ee miyir-beel ayay ku ahayd, kuna noqonaysay qofkii kale ee dhigiisa ah ee halkaa joogi
    lahaaba. Dad goob-joog ahaa, ayaa sheegay in markii lala baxay Cabdillaahi Askar, la waayay cid Gen.
    Gaani u sheegta wixii dhacay iyo in Ninkii lala baxayba, taasina waxay aakhirkii dareen gelisay Gaani
    laftiisa, markii sida la sheegay la gaadhay wakhtigii ay ballantu ahayd in askar la geeyo Tiyaatarka.
    
    Waxa taas u dheerayd Gen. Gaani oo iyana jugteeda lahayd, markii uu ka soo ifbaxay dhinaca Maxamed
    Siyaad Barre, Shaki ah in Gaani arrintaa wax ka oggaa. Sababta shakigaa Siyaad Barre gelisay, waxay
    ahayd sida la sheegay mid ka dhalatay, Gaani oo markii hore diiday amar ahaa inuu Askar u gudbiyo
    dhinaca Muqdisho, si Ciidamada iyo bulshada Muqdisho-ba loo tuso 12-kii April ee ahayd Maalintii
    Ciidamada loo dabaal-degayay. Hase yeeshee, wuxuu Gaani ku dooday in haddii cid la tusayo ay xaq u
    leeyihiin Ciidamadiisii Qaybtii 26aad ee gobolkan joogay in ay daawadaan Xuska April, maadaama ay iyaga
    guusha qabashadiisu ku suntanayd. Sidaa aawadeed, waxay taasi ka baajisay Askar in loo qaado magaalada
    Muqdisho, balse markii dambe ee arrintu u dhacday, sidii Illaahay ugu talo-galay, waxa la sheegay in
    Gaani laftiisu uu garan waayay si uu ugu sheego waxa dhacay Maxamed Siyaad Barre.
    
    Marka laga tago saamayntii uu hawl-galkaasi ku yeeshay Gen. Gaani iyo Ciidamadiisii, bal aynu u soo
    noqono qodobbada kale ee qormadan ku soo arooray ee la-xidhiidha hawl-galkaa.
    
    Doodaha iyo Faalooyinka ka hadhay hawl-galkaa ka sokow, maanta oo uu dalku xor ka yahay Taliskii
    Digtaatooriga ahaa ee xilligaa, waxa muuqata in midhadhkii ka hadhay dadkii sida tooska ah iyo sida
    dadban-ba uga qayb-qaatay hawl-galkaa, iyo agoontii ay ka tageen Mujaahidiin farabadaniba in ay ku dhex
    dayacan yihiin dalkooda hooyo, cid daryeelaysa ama danaynaysaaba aanay muuqanin, sida halgamayaashii
    kaleba. Tani, waxay dareen xannuun badan ku carisaa intii ku wayday qofkii uu jeclaa, ku laxaad beeshay
    ama ku waayay maalkii ay haysteen. Inkastoo, guud ahaanba uu halgankii hubaysnaa ee SNM ahaa, mid
    taariikhdiisa leh, haddana hawl-galkii Birjeex waxa lagu tilmaamaa inuu yahay mid ka mid ah, hawl-
    galadii taariikhda sida sugan u galay.
    
    Haddaba hawl-galkaa kadib, sidaynu horeba u soo xusnay, wuxuu Maamulkii Maxamed Siyaad magacaabay guddi
    dambi-baadhiseed oo ka kooban Shan xubnood, kuwaas oo kala ahaa; Gaashaanle Dhexe, Yuusuf Axmed Sareenle
    oo ahaa Taliyaha Qaybta Booliiska, isla markaana ahaa Gudoomiyaha guddigaa, Laba Xidigle C/rashiid
    Yaasiin (NSS), Laba Xidigle C/casiis X. Cilmi (NSS), 3-xadhigle Maxamed Ashkri Cigaal oo ka tirsanaa
    Ciidamadii Hangashta loo yaqaanay iyo 3-xadhigle Yuusuf C/laahi (Booliiska). Guddigaasi, geba-gebadii
    baadhistii ay sameeyeen waxay ka soo saareen qoraal ay ugu magac dareen “Gun-gaadhkii Dacwadii Dhacdadii
    11 April, 1983.” Qoraalkaas oo ay soo saareen 12/5/1983, dushana ay kaga dhufteen shaabad muujinaysa
    inuu yahay qoraalkaasi Sir culus, waxay ku yidhaahdeen guddigu oo ay ku bilaabeen sidan:
    
    “sida aad ula socoto, isla mar ahaantaasna aad tallaabadii ku haboon uga qaadaan, waxaanu halkan idiinku
    soo gudbinaynaa gun-gaadhka dacwadda ujeeddada kor ku xusan la xidhiidha, waana sidan hoos ku qoran:
    
    Ex. Gaashaanle dhexe, C/laahi Askar, waxa gacanta lagu dhigay bilowgii April 1983-kii, kadibna isagoo ku
    xidhan Miiska Saraakiisha Ciidanka X.D.S, ayaa lala baxay 11-kii April, abaaro 18:30-kii galabnimo.
    Haddaba, arrintaa taariikhdaa dhacday waxa baadhis lagu sameeyo ugu horaysay 28/4/83, guddiga
    baadhistuna markuu eegay dacwaddaa, wuxuu gartay in arrintu ka dhacday Qaybta 26aad ee X.D.S gudaheeda,
    dadka argagixisnimadaa sameeyayna ay yihiin isla Ciidanka Qaybta 26aad ee X.D.S ee Hargeysa.
    
    Guddigu, si uu baadhista u socodsiiyo wuxuu abaanduulaha Qaybta 26aad u qoray Warqad ay ku xusan yihiin
    in uu abaanduuluhu, tilmaamo cad ka soo siiyo guddiga lixda qoddob ee ku qoran waraaqda Guddiga (eeg
    lifaaqa koowaad), hase yeeshee abaanduulaha qaybta 26aad iyo colalkiisu may soo siin guddiga jawaabaha
    su’aalihii la weydiiyay, wax marag-muujin ah oo ay ku soo wareejiyeena ma jirin. Sidoo kale, guddigu
    wuxuu u soo gudbiyay Taliyaha Gaaska Labaad ee Qaybta 26aad, qoraal ku saabsan soo gudbinta caddaymo la-
    xidhiidha alaabooyin marag-muujin ah oo laga helay goobtii dambigu ka dhacay, hase ahaatee ilaa hadda
    aan gacanta guddiga la soo gelin. Waxaa kaloo jirta in aanu guddigu helin wax baadhista uu u tixraaco,
    sida warbixintii uu ka amba-qaadi lahaa, marag-muujin, Sawiro iyo raaddad kale oo baadhiseed iyo
    dekumenti waxtar u leh toona. Waxa qudha ee gacanta guddiga soo galayna uu yahay Warbixin lagu tilmaamay
    in laga qoray Ex. Gaashaanle dhexe, Eedaysane C/laahi Askar oo aan wax nuxur ah lahayn, si sharci ahna
    aan loogu aqoonsan karin warbixin laga qoray eedaysanahaa. Waxa kale oo guddiga loo soo gudbiyay,
    qoraalo laga helay eedaysanaha markii la fatashay oo aan baadhista waxtar u lahayn iyo koox
    eedaysanayaal lagu tilmaamay oo aanu arrimahooda mid-mid u qeexnay, kalana ah, sidan:
    
    1.Cali Jibriil Ibraahim (Tagsiile), waxa noo soo gudbisay Hangash, waxaana la sheegay inuu
    gaadhigiisa wadan jiray Gaashaanle Ibraahim Koodbuur.
    
    2.Yaasiin Xasan Jaamac (Ganacsade), waxa noo soo gudbiyay Hangash, waxaana la sheegay in ay
    adhiga wada iibsan jireen Yuusuf X. Cabdi Xandulle (Haliil), oo baabuur ammaano ku ahaana u gudbiyay Ina
    Koodbuur, baabuurkaas oo dambiga lagu galay.
    
    3.Soofe Beeg Jareex (Dilaal), waxa soo gudbiyay Hangash, waxaana la sheegay inuu adhiga u iibin
    jiray Haliil.
    
    4.Qaasim Cismaan Kaahin (Bakhaarle), waxa soo gudbisay Hangash, waxaana la sheegay inuu ahaa
    Xisaabiyaha Haliil.
    
    5.Xasan Faarax Askar (Ex. Shaqaale), waxa soo gudbisay Hangash, waxaana lagu soo eedeeyay inuu
    Haliil aqalkiisa tegay Subaxnimadii 12 April, 1983.
    
    6.Ibraahim Cismaan Qaalib “Fayax” (Ganacsade), waxa soo gudbisay Hangash, waxaana la sheegay inuu
    baabuurkiisa ammaanaysiin jiray Gaashaanle Ina Koodbuur.
    
    7.Cabdi Jaamac Nuur “Ina dhalaax” (Ganacsade), waxa soo gudbisay Hangash, waxaana la sheegay inuu
    baabuur uu leeyahay ku wargelinayay Haliil, saacado yar ka hor hawl-galka.
    
    8.Gaashaanle dhexe Ismaaciil Xaashi Madar.
    
    9. Laba-Xadhigle; Ismaaciil Xuseen Diiriye
    
    10.Laba-Xadhigle; Maxamed Xuseen Maxamed,
    
    [Saddex Nin oo ka tirsan Qaybta 26aad, uma hayno wax ceeb ah]
    
    11.Cawil Xirsi Cawaale, waxaanu dib ugu celinay NSS, kadib markii ay noo cadaatay in ay arrintiisu
    ku xidhiidhsan tahay Xabsiga Mandheera.
    
    12. Ismaaciil Sh. Ibraahim Sh. Muuse (Ganacsade), waxa la qabtay 14/4/83, isagoo lagu tuhmay inuu
    arrinta ku lug lahaa, maxaa yeelay? Saacad kadib, markii ay arrintu dhacday ayaa isaga oo bastoolad
    gacanta ku haysta, baabuurkana si xawli dheer ah magaalada ugu dhex wada ay soo qabteen Saraakiil Xoogga
    Dalka ka tirsani, dhibaatana kala kulmeen soo qabashadiisa, waxaanuna u haynaa eedayn ku filan, anaga oo
    u gudbinayna Maxkamadda Badbaadada Dalka.
    
    13.Cabdi Muuse Maxamed (Kirishboy), waxaa noo soo gudbiyay Saldhiga Booliska Hargeysa, laakiin dib
    ayaanu ugu celinay saldhigii, kadib markii ay noo caddaatay in lagu soo xidhay kiis batrool suuq-madow
    ah.
    
    Tallo-bixin
    1. Guddigu markuu arkay in goobta dambigu ka dhacay tahay, goob Ciidan,
    
    2. Guddigu markuu arkay in dambi fallayaashu ka tirsan yihiin X.D.S ee Qaybta 26aad.
    
    3. Guddigu markuu arkay in guddigii ka koobnaa Madaxda Hay’adaha Nabadgelyada Gobolka ee loo
    xilsaaray baadhista dacwadda inuu mid waliba ku mashquulsan yahay hawl-maalmeedkiisa caadiga ahaa,
    duruufo jira awgood.
    
    4. Guddigu markuu arkay in ay ku adag tahay dhex-galka iyo baadhista Q. 26aad oo dhammaan
    waxyaabahaasi khuseeyaan.
    
    Wuxuu go’aamiyay:
    
    1.  In Baadhista Dacwadda Guddigaasi ka joogsado, loona magacaabo guddi Wasaaradda Gaashaandhiga
    ka socda oo ka kooban Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Xeer-ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida iyo
    Hay’adda Nabadgelyada Gaashaandhiga (Hangash).
    
    2.  In eedaysanayaasha ku xusan lambarka 1aad ilaa lambarka 10aad oo guddiga ula muuqday in aan
    loo hayn eed ku filan oo Maxkamad lagu hor taagi karo, tuhunka loo hayaana aad u jilicsan yahay la sii
    daayo, haddii aan dambi kale loo haysan.”
    
    
    
    
    Xigasho: WWW.haatuf.net
    
    

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.