Maxamed Ibraahim Warsame(Hadraawi)waa hal-abuur maanseed,
oo dabuuubta maansadiisa kala soo dhex baxay dhudhubo
shareeran iyo dhadhaaabo shuban dhexdood.Maansadiisu waa
dawan, baaq, hodan, xigmad, murti iyo qaylo dhaan xilliga
argagixiso jirto. Hadraawi wuxuu maansada ku kala furaa
aqoontiisa cilmiyeed iyo kartidiisa hal abuurnimo.
Wuxuu ugu hiiliyaa ninka laga gar daran yahay iyo ninka
la dulmiyayo.Wuxuu Hadraawi la jaalyahay dadka maxaysatada
ah, kuwa aan marnaba ka tegen hidahooda,iyo dhaqankooda,
wuxuu kaloo la jaal yahay dadka diinta u dooda iyo cilmiga
wax barashada.Hadraawi wuxuu ku lid yahay oo ka soo horjeedaa
dadka-dadka dulmiya, booba,dhaca, yasa,xaqira, dadka is
waaweyneeya, dhaqankooda tuura, muslimnimadooda ka taga.
Hadraawi hal-abuurnimadiisu waa iftiinka xilliga mugdigu
saameeyo umadda, waa ileyska lagu hirto marka dulmigu uu xaqa
hadheeyo,waa mid ka talisa aayaha ummada Somaliyeed, waa kala
hagga ummada Somaliyeed, xagkasta oo la eego, hadday tahay laba
jacayl lagu kala furdaaminayo iyo laba dagaallagu kala
dhaqaajinayo,laba gar loogu naqayo, laba wax qaybsanaysa oo
loogu kala saami tuurayo, qof wax dulmiyaya oo loo sheegayo waxa
uu qaldaayo,dhinnac kasta oo ummadu ka jilic san tahay
hal-abuurnimadiisu way ka soo gashay. Waxa Hadraawi yahay
qarnigan aynu joogno ninka keliya ee Somali u siman aan marnaba
ka talin in uu hal abuurnimadiisa ku caayo reer, kun dulmiyo
dad, ku yaso ama xaqiro qof ama dad.Hadraawi waa ninka keliya
ee Somali soo maray ee aan weli lagu arag isagoo qof ama dad
ku maagaya maanso ama gabay,marka laga reebo keligii taliyihii
Maxamed Siyaad Barre,Hadraawi waa ninka keliya ee abwaanimadiisa
loogu saxeesayo in uu yahay waddani, waa ninka keliya ee
suugaantiisa aan aan laga helin iin ama qalooc, waa ninka keliya
ee la odhan karo waa abwaan, hal abuur, suugaan yahan ah,
Hadraawi waa nin illaahay hibo u siiyey hal-abuurnimada,
abwaanimada,Magaca Hadraawi wuxuu kula baxay, isagoo aad
u yar oo Cadan malcaamad ku dhiganaya, ayaa macalinkiisii
oo nin carab ahaa ayaa wuxuu arkay isagoo caruurtii quraanka
dhiganaysay jeediyey oo sheeko caruureed uu miyiga ku soo bartay
uga sheekaynaya,caruurtaas oo carabta ku dhalaytay xiisaynaysana
sheeko caruureedda, ayaa macalinkii maalin maalmaha ka mid ah
wuxuu isi soo daba taagay Hadraawiyoo caruurtii laga doonayey
inay wax akhriyaan sheeko caruureed dabada u haya. Macalinkiisii
ayaa inta uu dhenged dabada u qabtay ku yidhi.(inama anta hadrun)
Intaas oo carabiya macnaheeduna yahay waxaad tahay mid hadal badan
Dadku kala ayaan roon
Ama kala aqoon dheer
Ama kala asluub weyn
Hadaan eed la doonayn
Ama deeq Illaahay
Asaraar ka taagnayn
Dadku eexo kaa gelin
Inan yahay la'aantaa
Dumar lama abuureen
Gabadh lama ammaaneen
Jacayl looma ooyeen
Geed beer udgoon iyo
Ku dhex-yaal ugbaadoo
Ubax iyo man fuulaay
Ulihii madheedhkee
Iimey ku yaalliyo
Ilo wada xareedoo
Nafta lagu illaawaay
Dayaxoo iftiimoo
Arladoo dhan gadhoo
Afar iyo tobnaadaay
Qorraxdoo aroortii
Dhulka soo abbaartoo
Sagal iid dhex joogtaay
Waxaad tahay adduunyada
Dhexda udubka haystoo
Xejiyoo adkeeyoo
Af-gobaadsan maayoo
Qurux lama amaahdee
Ashkir geenyo ugubey
Adhaxdiyo laf-dhabartiyo
Sanbabbada agtoodiyo
Ililaha halbowlaha
Eebaa ku mudanoo
Arrintii cuslaatoo
Naftu aammusnaantii
Iimaansan weydoo
Amaleey jacaylkii
Soo dhaafyey uurkoo
Afku haysan waayoo
Goortaan ogaadee
Arammidu dillaacdaan
Ooddii ka leexshee
Axdi jaba abaal luma
Kaa eegi maayee
Igadh iyo maqaarkeed
Innagoo ahaannaan
Hadalkii ku ururshee
Adiguna dheh aammiin
Anuun baa hooyadaa ah
Dib U laabo
Wuxuu yidhi:
Hunguri calafbaa xukuma
Hantina dhaqanbaa shushuba
Dadkana hiddihiisa guud
Wixii la hayaa dhexyaal
Xaq iyo u-hal-buuxintiisa
Habboonkiyo waalid tiisa
Hilbiyo ku-arooridooda
Siduu uga hawl yaraysto
Halmaan laga yeeli maayo
Hawiyo tumashoy dhashayda
Ka daa gacan-haadiskaaga
Barbaar hanaqaad ku leexday
Duciyo habaar qaadan waayey
Cir iyo heeguu noqdaa
Hadhaysa dhul aan aqoone
Hoygii madhan wiilashiisa
Haween dumar baa ka sheegta
Hablaha kacaybaa u yeedha
Haldhaa jecel baa u qaybsan
Inaan hadlo maan sugaynin
Baxnaanana maan horjoogsan
Hubsiinana maan illaawin
Hoggeediyo xaajadayda
Dareenka haloosigiisa
Hugiisa inaan ka qaado
Hayaanka fogaaday baa leh
Markaan cidla hiil ka waayey
Naftayda halaanhalkeeda
Waxaan huri waayey sheego
Haantii lulatay dhegayso
Hoobaanta agtaada taalla
Hadiinadu baadi weeye
Hashii korisaa u ciillan
Qofaad halab-saariddiisa
Daryeelka horseedadiisa
Dedaallada heensihiisa
Habeenna ka seexan weydey
Ku meel maray heegantaada
Markuu hagar kuu banneeyo
Dharaar ku haleeli waayo
Hortaada waxaa yimaadda
Sidaad ugu heellanayde
Harraad iyo waa kalkiise
Hillaac baxayow dhegayso
Siday talo kaaga hoostay
Calooshu intay ku hoysey
Hiyigu ku baxnaaninaayey
Horraadka intaad jaqsiisay
Dhabtaydu intay ku haysey
Intaad huwanayd taftayda
Hobeeya hobey hobeyda
Intaan dusha kuugu heesay
Intaan hanad kuugu yeedhay
Hawraaraha kugu ammaanay
Intaan hubin kuu xambaaray
Dartaa u hoggaansanaaday
Hadhuubada aan ku siiyey
Habniin adigoo ku diidey
Intaan hambo kuu daboolay
Hammuun iyo gaajo qaatay
Adoo haqab-beel ku seexday
Intaan hurdo kuu illaaway
Ilaashay hareerahaaga
Hungaa i xasuusinaysa
Hayaydana meel shishaa leh
Hiloga naftaa aloosan
Kashaa hinqanaysa goorba'an
Hankaa i waraysanaaya
Tolow hebel mee ku foogan
Aniyo hirashaa is weyney
Higsiga noloshaa adkaaday
Adduun iyo haybsigiisa
Hangool li'idaan ku daayey
Waxaan ku hagaagi waayey
Dhankaad ku hagaagsanayde
Adoo ka hanweyn xaggayga
Qof kuugu hanweyn dantiisa
Cid aad ku hallaysay mooyi!
Halyeynnimadaada sheelan
Habawgiyo dhiirintiisa
Ayaan halis kuu tusayne
Intaan kugu hawlo-daaley
Intaan kugu hoodo-sheegtay
Intaan hebla' kuugu faanay
Hilaado fog bay lahayde
Inaan hafarkaaga qaato
Sidaad ku heshaa da' weyne
Adiyo habigaaga mooyi!
Habaaska inaad cantuugto
Adoo hanadaan ka dooratay
Xaggayga hibaan ku saaray
Anigu ku habaari maayo
Huqbaase ku raadinaysa
Hibaaq xalan maad ahayne
Hufnaanta dhibtii abuurtay
Inaanay hadhayn yiqiinso!
Hawaala adduun rabbaa og
Dadkuna kala hoodo weeye
Haddeer iyo tii haddeer
Hadhow iyo tii hadhow
Hoosiyo sare tii ku raacda
Anuunbaa hooyadaaya.
Arag Maqal
Dib U laabo
Ergaduu farriintiyo
Ku adkekeyey heestee
Egmadaanu kulanoo
Looxii ilhaankaamkaan
Sida uurku baalaha
Indhahayga saaroo
Warku waa ammaanee
Adna Maxamed Moogow
Aakhiro halkay tahay
Cabdi Qays ogeysii
Ayaadaha Qur'aankiyo
Araxmaan sidey tidhi
Hadalkii Illaahay
Ruuxuu Islaamii
Sida uu aqoonsaday
Waa ooman hawdoo
Waa guri abeesoo
Adeg weeye hoosoo
Abataq ku yaaloo
Waa iil madow oo
Rabbigay adoomaha
Kaga aar gutaayoo
Waxa laga arooraa
Irridaha xabaashoo
Anban maayo ruuxii
Qabri lagu adkeeyaa
Marna oogadeeniyo
Waa oosha guudkoo
Waa beer udgoon iyo
Duni wada ilaysoo
Waa ceel irmaan iyo
Togag wada ordaayiyo
Ilo wada xareedoo
Lagu oon baxaayoo
Naftu eegmo sugashada
Ashqaraar ka qaadoo
Toddobaatan ooryood
Lala aqal galaayoo
Rabbigay addoomaha
Ku abaal marshaayoo
Dhibta lagu ilaawaa
Afhayaha barbaartow
Ababshaha dhallaankow
Taliyaha abwaankow
Aabaha jacaylkow
Adigaan ogeyn baan
Uurkaaga baadhoo
Ula jeeddadaadaan
Ka arkaa dhul dheeroo
Arrintaadu Qaysow
Af gobaadsi weeyee
Aakhiro Cabdow
Way aasan tahay
Iilkay jirtaa
Aakhiro Cabdow
Anbatoo luntoo
Ururkiyo laxaa
Awrkii cirkay
Ku ag-xidhantahee
Dadku yuu ku eedayn
Ha dhex gelin ammuuraha
Isha xidho afkana dhawr
Arag maqal warkana ood.
Araweelo
Dib U laabo
Ooshu waa halkeedii
Cirku waa engegan yahay
Naxariisi kama iman
Dhulku waa arradan yahay
Oogadiisu damac ma leh
Waa abaar dad qalata ah
Waa sabaan la adhax jabay
Ma aloosna geedkii
Afti baana sii tiil
Dadna waa ogsoonaa
Anna baanahaygii
Ku adkaysan waayee
Sow iimahaygiyo
Alabkayga lama baran
Olol-reenka hibashada
Uugaanka baxayaa
Ma naftii asqowdaa
Mar labaad arrumisoo
Agabtii xidhxidhatoo
Awrkeedu raran yahay
Ma awaalihiibaa?
Asmadiyo xanuunkiyo
Aynfaadku saarraa
Ma abaabulkii baa?
Oohowda waallaa
Ma dabkaan afuufee
Aasee bakhtiiyaa
Ololkiisu baxayaa?
Kalgacaylku aafiyo
Urugiyo dhib badanaa
Kasha nugul ka adakaa
Soo aarey nabarkii
Ma alwadey sidii geel
Edeg madhan ma deydeyey
Sida bahal ma oogsadey
Ma illaday kabtii jaan
Ma ku jiitey awdalan
Ma arooryadii baa?
Waabayda udugga leh
Idin laygu shidi jirey
Abbaartayda saakana
Ma adeeridii baa?
Sidaan aar libaax ahay
Araggaygu didin jirey
Arraweelo dumareey
Arrimaha dhexdeenna ah
Asaraari maayee
Igu tidhi "ha ii iman"
Anna waan hubaayoo
Inaan uurka kaa jaro
Afar iyo shan goor baan
Axdi kuugu qaadoo
Misna oofin waayee
Isma ogiye goormaan
Tolow aqalka soo galay?
Ma naftii ku eeddeed
Obocdeeda karisee
Ishu kaaga fagantaan
Usha kaaga reebaan
Igdhayee sabaayee
Uubaale geeyeen
Meelaanay kaa arag
Ku ilaalinaayaa
Soo jiidhay ooddii
Ma adaahidii baa?
Addinkaaga hoos taal
Aburkiyo xarraankiyo
Orka iyo mashxaraddiyo
Alalaaska baxayaa
Ma ujeeddadaasaa?
Ma addoonsigeeda?
Ajar kuugu sugan yahay?
Arxanlaay karkabaddiyo
Araggaygu murugiyo
Yaanu umal ku saaqoo
Anfariir ku geliyiyo
Kugu noqon af kala qaad
Arrintayda gabadh yahay
Nin ambaday ka soo qaad
Naftan oonku shidayee
Deyn weydey ololkaa
Amankaaga dhalisee
Abhin iyo tusaaliyo
Ergo waaya hadashiyo
Imisaan karaankay
La cuskaday aqoonta?
Ma waxaanan odhannoon
Ka illaawey baa jira?
Hadday diiddey amarkii
Ka irdhowdey taladii
Oggolaatay dala'siga
Eelka maanigaa dhigay?
Indhahaagu kululaa
Eebadaadu toganaa
Warmahaagu adakaa
Arammida ku haysiyo
Aanadaadu weynaa
Yaad ka aarsanaysaa
Ma nin aabbahaa diley?
Nin astaamahaagiyo
Quruxdaada oog iyo
Ubax dharan ku sheegoo
Ammaantaada koobaa
Eed beeli waayee
Erey tuurleh ruuxii
Afka kaa yidhaahdiyo
Utin nimaad ku leedahay
Waa maxay abaalkii?
Sow ma tihid ilayskiyo
Iidaanka noloshiyo
Iimaanka lahashada
Sidaan kaaga oolaa?
Immisaan ku jiri baaq
Heestii ukulidiyo
Cabashiyo abla-ablayn?
Xeerkii Islaamkiyo
Wixii Eebbahay faray
Olloggayga godobtiyo
Aanfada ka doortoow
Aabi loo badheedhiyo
Ansax maaha digashadu
Yaan inkaari kugu dhicin
Ashqaraarka kibirkiyo
Yaanay iiddu kula tegin
Ha ku tuman aleelaha
Ha afduubin xaajada
Isirkeeda doon doon
Ka ummuli tusaalaha
Alif macallin weydii
Bal abuurta dunidiyo
Shalay iyo awaasheed
Aashaa dib ugu noqo
Bal oddoros hilaadaha
Bal malee wax iman kara
Berritiyo ayaamaha
Ifafaale daymood
Bal iskaa ka sheekee
Wixi aadmi soo maray
Taariikhda uur baadh
Ugub maaha jamashadu
Ma ishaaran keligey
Kalgacaylku waa oday
Asalkiisu waa geed
Ab abkii lammaanaa
Nabar oof wareemuu
La abloobo mooyee
Abidkii ma qaran jabo
Gabadh yahay addduunyada
Waxaa loo agaasimay
Aayatiinka dhaqashada
Agan maaha gamashiday
Ma idlaan hankeedii
Gabno ibo kuryowdoo
Ablo lagala quustoo
Maaha laga inaabsaday
Weli way irmaan tahay
Waa aroos toddoba baxay
Oori weeye qurux badan
Waa ammaano dhaxal gala
Aayadaa ka soo degey
Rabbi baa aqoolkiyo
Abyiddeeda labadaba
Ka afeeftay beri hore
Duminteeda ma oggola
Haddaad siibto udubbada
Soo dhaafto Alamtara
Miyaan eedda keligaa
Cidi kuugu imanayn?
Maadigaa awoodda leh
Taladiyo ummuuruhu
Ma sidaad u aragtaa?
Ma Illaahay baan jirin
Ula-jeeddadaydii
Arar baan ku lumiyoo
Warka waan agmarayoo
Irbad baan ku qalayee
Uus-miirka dulucdiyo
Amba-qaadka geeddiga
Waxaan guurti ku egmadey
Hadalkana ku urursaday
Irrid waliba kuu furan
Haddaan iisho gabadh yahay
Marna waa ayaankaa
Marna waa itaalkaa
Sheekadayda iib gee
Aahdayda faallee
Arladoo dhan gaadhsii
Unuunkaygu waa hibo
Kuma haysto aakhiro.
Axadii
Dib U laabo
Waa lay addimey
Axaddii sidaan
Kuu eegayee
Araggeeda taan
Ku il-doogsadaay
Ma illawsan tahay
Axdigaad martiyo
Meeshaad I tidhi
Waan imanayaa.
Immisaad farriin
Ergo soo dirtood
Oontiyo biyaha
Hurdo aawaday
Uga soommanayd
Eed layga keeniyo
Midna amar Illaahay
Kuma aad maqnaanine
Adigayska baaqdee
Haddaad I tidhaahdo iman maayo
Ma aadeen halkaad ogsooneyd
Anigaa isla hadloo
Mar waxaan idhaahdaa
Ku illaawi maysoo
Way imanne sii joog
Mar waxaan idhaahdaa
Axdigaydin dhigateen
Kola oofin maysee
Samir Eebbe qaadoo
Ka fogow agteedaan
Uurkayga geliyaa.
Arimada jacayl baa
I hogaaminaysoo
Misna kuma adkaystoo
Kama hoydo aydoo
Naftu olol ma deysee.
Indhaaga habeenkii
Ku ilaalinaayoo
Dhammideed addunyada
Afarteeda waaxood
Hadba gees u eegee
Aammusnow habeenkii
Ug baadka iyo dooggaa
Tiiraanyo ooyoo
Idilkood xiddigahaa
Afar qaaday socodkoo
Ubax baan guroo
Soo ururiyoo
Amranow golii
Ooddii madhnayd
Ku ag daadiyoon
Ku ilaa xidhoon
Weheshada idhee
Eedaanka diiggoo
Oogsadey salaadiyo
Waagoo iftiimaan
Keligey inaan ahay
Asaraar ka saaroon
Addimada cuskadayoon
Dib u soo arooree
Qof ammaano lumiyoo
Iibsadey xilkeedii
Samo uguma aaye
Aan kala war haynaan
Ku afgooyey heestee
Maxay adiga kula tahay?
Baaq
Dib U laabo
Adigoon cirka u bixin
Ama boodin leexada
Ama badaha waaweyn
Nafta aan ku biimayn
Baariis adaan tegin
Ama Boon ka sheekayn
Barashada dalkaagaa
Horta laga bogtaayoo
Beryo laysku hawlaa
Dhulku baaxad sooriyo
Banan miidhan weeyaan
Ama waa bus iyo oon
Ninka buug ku haystow
Beentaada weeyaan
Balcad Jawhar Shalanbood
Barakada Qoryooley
Waxa canab bislaadee
Baydhabi u gaar tahay
Boosaaso iyo Beer
Bixin-Duule Laaleys
Biyo Guure Kalabaydh
Beeraha Wajaalee
Lagu reebay baahida
Baardheere iyo Jilib
Waa boqol kun oo mayl
Dhulka lagu badhaadhee
Beeyadu ku taallee
Badar lagu abuuree
Lagu ridey bariiskee
Balka lagu tallaalee
Muuskiyo babaygii
Barkadeen xareeddoo
Waxa taa ka sii badan
Dhulka bari samaadkee
Beeshaannu daaqdee
Barta aynu dhaqannaa
Barqo dhereg ka joogtee
Iyadoo barwaaqo ah
Balliyada xareeddii
Ku bariisanaysoo
Bidix midig dhan loo dayo
Barigiyo galbeedkaba
Waaberi cadceedii
Soo saartey baallaha
Bilcilkiyo maraagii
Shinbiruhu bulxamayaan
Indhihii basaasow
Boorame ma aragteen?
Ma ogtahay barbaareey
Heesaha Barawn tumo
Adigaan bogga u lulin
Beerrey Kabeebey
Bismillaahi Saylici
Hana-haybsantii bari
Batar iyo Wareegtaa
Kuu baadi soocee.
Ma ogtahay barbaarreey
Qalabkana bud dhumucliyo
Waran iyo billaawaa
Kuu baadi soocee
Ma ogtahay barbaarreey
Barshin iyo darfooley
Bayluuli xaradhlaa
Kuu baadi soocee
Ma ogtahay barbaarreey
Waxa loo buseelaa
Ama qurux ku caan baxay
Ama laysku baantaa
Ama lagu bogsoodaa
Kal bugtaa ku faydaa
Kugu deeqa baashaal
Guri bila ku magac dheer
Hablaheenna bilicdiyo
Biligiyo il-waadka leh
Bilcantii shisheeya ah
Ninka beegsanaayow
Waxaan kaaga baqayaa
Inaad baadi noqotee
Cidla baylah keligaa
Yaanu bahalku kaa helin
Isu buri geyaankaa
Barta gogoshu kuu taal
Bahda lagama maarmaan
Bud-dhiggaaga koowaad
Baaqaygu waa kaas.
Barabaraale
Dib U laabo
Iyadoon bartiro jirin
Wax la yidhi lixlaha biig
Haddii Baashe lagu dilo
Marka qaybta laga baxo
Boolaynta laga dhigo
Shaxda booli-tuugiyo
Sharci boob ah lagu wado
Afar turub nin barashada
Ka bogtaa ku gacan gala
Baandheeyaa weligii
Wax ku beela qaabkaas
Waxa adag ka bowsadey
Isagaana badin kara
Shaashowdey bilicdii
Ban martoo la garan waa
Badhxantoo la maydhaan
Waxa lagu balllaysimay
Indho buuryo-goyseed.
Buurrantu muuniyo
Barkhad kaydsan maahee
Barar taws ah weeyaan
Bugtadiyo xanuunkuna
Haddaan baadhay waa ciil
Bahalow shabeelow
Hooy bara baraalow
Waaryaa nin buureed
Bulsho waxay ku leedahay
Beri waxaan ogsoonaa
Adigoon ka soo bixin
Casha boholaheedoo
Dhirta baaxad-weynta ah
Baarkeeda seexdee
Maqlay inad bannaanniyo
Timi badhaha hawdkoo
Bulbullow libaaxii
Boqortooyadiisii
Duhur ugu badheedhoo
Burjigii ka furatoo
Bili qaadi weydee
Beelahanagtaadaan
Kaa soo bariidshoo
Budulkay la soo galay
Barkintaad ku jiiftee
Waxba baadi xoolaad
Beryahaas ma kulanteen?
Bahalow Shabeellow
Hoy bara baraalow
Waaryaa nin buureed
Bulsho waxay ku leedahay
Beri waxan ogsoonaa
Adigoo baruurtiyo
Cunin bulad Ammaankoo
Riyahaaga baadhee
Bishan iyo bisheedii
Boqol iyo lag baa maqan
Wanankii Ba-Ceeblee
Badhi iyo leg goormaa
Boholyowgu kuu galay?
Balse waxa la yaab dhalay
Nin barwaaqo haystoo
Ka engegan badhaadhee
Bishmahaagu Caarrow
Maxay kuu basaaseen
Ma buskaad is-marisaa?
Bahalow Shabeellow
Hoy bara baraalow
Waaryaa nin buureed
Bulsho waxay ku leedahay
Dadka baylahdiisiyo
Baloolleyda tebiska ah
Koromada berdaa-le'eg
Iyo dibida beyga leh
Barbarriiji weligaa
Tarab tarab u boqol goo
Isku biirso liqanyada
Isku baano yeelkaa
Balse waxa la yaab dhalay
Barta aad ku qalatiyo
Baradaaada caydha ah
Raqi kama cidhaantee
Ma laftaad burbursaa.
Bahalow Shabeellow
Hoy bara baraalow
Waaryaa nin buureed
Bulsho waxay ku leedahay
Badda iyo nafleydii
Balliyada ku noolayd
Bogan waaye jiifkoo
Wadnahaa babbanayoo
Beerkaa legdamayee
Xaggay bayr ka yeesheen
Biyahana ma joogtaa?
Bahalow Shabeellow
Hoy bara baraalow
Waaryaa nin buureed
Bulsho waxay ku leedahay
Maxaa haadda buubtiyo
Baqayaha daruuraha
Balwadiisu noqoteen
Wax la baratamaa jirin
Ama booddo lagu qaban
Baqdintaada awgeed
Bogga uga qadhqadhayaan
Miyaad baalal leedahay?
Bahalow Shabeellow
Hoy bara baraalow
Waaryaa nin buureed
Bulsho waxay ku leedahay
Bari iyo Galbeedow
Haddaad baahdey aashaa
Qalwo bogox ku leedahay
Bidixdana ku furan tahay
Midigntana badhkaa yaal
Nin boqol ku tala-galay
Dhankee kaaga baydhaa?
Dhinaceed u badan tahay?
Barbarkee ka maqan tahay?
Bismillaahi yaahuu-
Degelyohow barkuma-taal
Bulsho waxay ku leedahay
Bisiq iyo xangeyiyo
Banji iyo dharkayniyo
Bilcilkaaga hawliyo
Dhirta boocda mooyee
Tolow baad la daaqiyo
Miyaan cawsna kaa bixin?
Degelyoho barkuma-taal
Bulsho waxay ku leedahay
Beertaadu hoog iyo
Bacad iyo habaas iyo
Bacow iyo qaniin iyo
Badso io shirqool iyo
Burso iyo khiyaaniyo
Beeraadka samihiyo
U buseelka godobtiyio
Boqon goynta nabaddiyo
Booraanta jarankiyo
Boholaha asaydiyo
Cabsi iyo ma been baa?
Biyaheedu dhiig iyo
Xinjir bururinteediyo
Ma baroorta dumarkaa?
Balka iyo sabuulkuna
Ma banbaane ololiyo
Waran iyo billaawiyo
Baaruudda huguntiyo
Birta lagu idlaadaa?
Baaq baaqu daab iyo
Bishil iyo ma soofaa?
Waxa lagu bislaystiyo
Badarkeedu dhimashiyo
Baga iyo ku digashiyo
Ma busaarad dhegalaa?
Bahalow Shabeellow
Hoy bara baraalow
Waaryaa nin buureed
Bulsho waxay ku leedahay
Beryahaagan ka horow
Bahda habar-dugaag yahay
Marka ay biciidkiyo
Koran buuran loogtaan
Inta boodhku qariyaa
Waxba yay badhkoodiyo
Helin bawdo hiliblee
Kolay biixii ruugaan
Marka biidhi-qaatiyo
Qawluhu is-boobaan
mid afkii ka buux samay
wax ka bililiqaystaan
badanaa ma qadi jirin
raqda baallaheediyo
badka kama maqnaan jirin
saw tan Buulalleydii
ku bakhtiday ag-taadii.
Burrusow Dameerow
Biyo ceel ma keenow
Hadba dhaan ku biirow
Beelaha aroorka ah
Iska daba boqoolow
Bulsho waxay ku leedahay
Geela baadi soocdiyo
Sumaddiyo birqaabka leh
Boodaanta wada xidhan
Meeyey baarqabkiisii
Baqal looma tu'iyee
Yaa baacso kugu yidhi?
Beeraad
Dib U laabo
Aan baab tusaala ah
Ku bireeyo heestee
Waxa iga ballaysina
Bismillaahi waa kow
Cabdiyow ba'lagu yidhi
Beertii jacaykow
Haddii siinki buuq iyo
Badhax iyo cindiid dhalay
Kaftankeenna balliyo
Ba'ba aan u rogannee
Waynoo baloolley
Lugta bidix ka jaamee
Barni iyo Saluugliyo
Basradii Hargaysiyo
Burco Saxarladeediyo
Cabdiyow ma beenayn
Ballankii Suleekhee
Sed bursiinyo doon baa
Beled-weyn I geysoo
Badhidaan leggeedii
Is lahaa ku biirsoo
Waxaan buuxi leeyahay
Haantii barwaaqee
Bi'I waaye Qaysow
Hawshayda kala quban
Xilka aan u baydnahay
Barashada xusuusta leh
Ha ka dhigin bar kuma taal
Ana baadi hadaftoo
Iska badalli roortiyo
Hayga dhigin nin biya-dhacay
Sheekada bu'deediyo
Baaceeda sii raac
Gunta hoos u sii baadh
I baxnaani saaxiib
Ruuxaad ba'iisiyo
Iintiisa baratee
Bedenkiyo calooshiyo
Kuu baadha feedhaha
Boogtiisa Qaysow
Lama sii banneeyoo
Bacda lagama jeexee
I banbaani saaxiib
Beerlula warkeediyo
Buundada korkeediyo
Baaxaa deggaygiyo
Kalgacaylka beermiyo
Taliyaha I badhi-furay
Berigaas wixii dhacay
Bandhiggii nin joogow
Sheekada ka bogatoo
Uma baahnid faallee
Adiguba barbaartiyo
Bulshadaad la socotoo
Barbar baad ka saarayd
Baabuurka dhoofoo
Batarkiyo ciyaartaba
Adigaa ka boodee
Cabdiyow baroortuba
Ka badh weeye meydkee
Beybeysigaagiyo
Beeraadka iga daa.
Ragna biime weeyee
Taladii bir lagu jaro
Hadday baydu furatoo
Xadhkaheedu buubaan
Lama baraq nuglaadoo
Bishmahaaga Qaysow
Baqe lama qaniinee
Waxa loo badheedhaa
Biyo dhiijinteedee
Haddaad bayr ka leedahay
Biyo jira kashaadiyo
Buro adiga kugu taal
Boholiina lagu dhacay
Ma bir baynu xidhannaa.
Iska booqi maayoo
Bulxanka iyo qayladu
Wax bilaasha maahee
Beesheenna weyn baan
Ku baxaan baxaayoo
Hadba dhinac ka booqdaa
Hablaheenna biligiyo
Bilic lagu majeertee
Loo soohay baarkaa
Timahaa ka badannoo
Iyagaan bad iyo webi
Ugu baaqayaayoo
Anna biligta laafyaha
Baxsanaanta jaahaan
Ku baarugaayoo
Hadba tii I baabtee
Boholyow I gelisaan
Kalgacaylka Boodhari
Ku bariidiyaayoo
Boogaha jacaylkaan
Siiyaa badhkeedee
Waxa kuu bushaara ah
Berritana Jamaamiyo
Baar-Dheere iga eeg
Ido boqol kun gaadhoo
Barqanaaya doog baan
Hadba baal u rogayaa
Bahalaha ka rebayaa
Barkan maayo gacantoo
Baashaali maayee
Cabdiyow bal ila soco
Aan baab gunaanada
Ku bisleeyo heestee
Waadigan ba'iyo siin
Labadaba bilkeedee
Anna baadi doonkiyo
Budulkaan ku joogaa
Belo waa danbaysaa
Ha is boobin saaxiib.
Baladweyn
Dib U laabo
Bi'i waa jacaylow
Boodhari inuu diley
Been baan u haystee
Bi'i waa jacaylow
Boog aan la dhayinoo
Cidi baanan karino
Beerkiyo wadnaa iyo
Bogga kaaga taalliyo
Inuu yahay bir caashaqu
Been baan u haystee
Webigoo butaacoo
Beeraha waraabshoo
Dhulka baadku jiifoo
Dhirta ubaxu buuxshoo
Canabkii bislaadoo
Badarkiyo galleydii
Laga tuuray baalkoo
Bulladiyo ciyaaraha
Lagu waa bariistoo
Beeluhu gu' joogaan
Sow beri-samaadkii
Beled Weyne maan tegin
Dhanka bari magaalada
Sow boqorad joogtoo
Biyo dahab la moodoo
Cilicdii haweenkiyo
Bili loo dhameeyoo
Timo boqonta joogoo
Baal gorey la moodoo
Baarkana casaankii
Bidix midig is gaadhoo
Bul-cad lagu xiddeeyoo
Badh ku xeexanaysoo
Barkanaysa qaaroo
Huwanaysa baaloo
Igu beertay lahashoon
U buseelay maan baran
Sow goor barqa ahoo
Bishu ay siddeed tahay
Aniga iyo Beer luli
Isku maannu soo bixin
Sow bariidadaydii
Iyo bedashadeedii
Buundada ciyaartee
Beled Weyn ku taallee
Biyo lulata guudkood
Badhtankeeda maahayn
Sow bixiso weeyee
Ballan maanu dhiganoo
Beeri joog imay odhan
Sow bayd go'aygii
Layguma bushaareyn
"maantaa la baxayaa
bulshadii imay odhan"
Sow waa bastey oo
Socod beegsan maayee
Ina baaja caawoo
I baxnaansha maan odhan
Sow taliye baasoo
Ba'anoo war-moogii
Taydii ma beenayn
Sow badiba kooxdii
Goortay badheedhee
Baabuurki fuulleen
Anna baal kamaan korin
Boholyow daraaddii
Sow baraq nuglaantii
Belo lagu ducaystiyo
Baryo kumaan maqnaynoo
"Biri may xumaatoo
batroolka daadshoo
ka wadaa bukoodoo
bogsan waayo" maan odhan
Sow beriga waagiyo
Barqo kulul dhexdoodii
Geed baaxad weynoo
Dherer iyo ballaadh-loo
La yidhaahdo Baaroo
Bilig dheer hirkiisii
Ma bidhaan sanaynoo
Bulxankiisa yeedhiyo
Ma maqlaynin baaqii
Sow baaxad soorii
Iyo laba boglayntii
Maan noqon bestey oo
Bacadkii ma dheelliman
Sow galab-baqoolkii
Annagoo barwaaqiyo
Meel baadle joognoo
Tumanayna Beerrey
Sow maan baraarugin
Riyo beena weeyee
Sow baalla daymii
Baabuur lalaahyood
Haad baalle mooddoo
Fananaaya buur dheer
Isma odhan ka boodoo
Nafta sow ma biimayn
Nin Banaadir joogoo
Beled-Weyn la haystoo
Waxaan ahay la baabee
Sow baadi doonkii
Weli baafi maan ihi
Beled-Weyn Allahayow
Ka dhig xiro badhaadheed
Beerlula Allahayow
Belaayada hareer mari
Beled-Weyn Allahayow
Ka dhig guri barwaaqeed
Beerlula Allahayow
Beryo samo ku noolee
Beled-Weyn Allahayow
Ka dhig beerta raaxada
Beerlula Allahayow
Ka barii wax yeellada.
Bulsho
Dib U laabo
Talooy go'an baydahaa
Xujooy taran bedenbedkaa
Hawooy balaggaa furfuran
Sengow dhimay badalligaa
Biddoow camalkaa ku sheeg
Badeey adigana muggaa
Hirkaagiyo baaxaddii
Buraashad miyaan ku dhuray
Ballaadhkiyo mowjaddii
Bilaale miyaan dardaray
Shantaa hore bidix lisee
Caroog kulul baa balwadey
Babtiisii baa la naxay
Dad baa isu soo bulladay
Dhankee babbisadu jirtaa
Baquhu yuu saaran yahay
Ninkee boholaha Xargaga
Balbalo u daboolan tahay
Bulshaale wad buu sidaa
Bahdoon buu maaggan yahay
Ul boocuu ugu tukubay
Berdaa lagu kala negaa
Dhexdoodii buu ka baxay
Dhammaa beydbeydsigii
Ban weyn baa layska helay
Fallaadhuhu gun iyo baar
Bartii shiishkay hayaan
Biciidkuna wuu arkaa
Xaggeese la beegsadaa
Badbaado miyay dhacdaa
Belaaydu yaab lahaa
Wax bay buun buunisaa
Nin jeeday bararisaa
Shantaana ballaysinkii dheh
Bulshoy adigaa milga leh
Ninkii boojimo ku yidhi
Shalaad barataannu nidhi
Bayluulida haw furfurin
Bariidana kaama geyo
Ninkii ballankaaga qaaday
Ka baaqday xilkaad u dhiibtay
Ka baydhay ujeedadaada
Ku boobay adoo sabool ah
Ku wiirsaday baaba'aaga
Adoo bogan waayey taada
Ninkii u buseelay raaxo
Huwaday bulbushii libaaxa
Buruudkiyo shaashka qaatay
U booday cirkaa dusheenna
Bilkeeday laboontidiisa
Buurtuu koray waarin mayso
Heddiisana baajin mayso
Kub iyo bawduu ka jabi
Shantaana umal fool bashiishtay
Berdaanka xusuusta ii dheh
Bulshooy adigay boqraday
Beerkayga adaa gogladey
Bogeyga adaa huwadey
wadnaha adigaa barkaday
bishmaha adigaa furfura
Markii lagu bililiqaysto
Markii baaqagu yeedho
Ayaan boholyoow gabyaa
Dareenku baraarugaa
Bulshooy adigay boqrday
Adaa bili igu shakalay
Baruudka adaygu xidhay
Haddaan ahay wiil bir kulul
Burjiga adigaa iska leh
Badheedhka adaa i faray
Dagaalka adaa i baday
Belaayo haddaanay dhicin
Dantaada haddaan la bi'in
Haddaan baradaadu guban
Miyaynu is baran lahayn
Haddaan wanka badhida weyn
Baraarkana loo qalqalin
Ninkii cunay booligaaga
Haddaan buro loogu darin
Saboolka haddan la badin
Haddaan boqol ruux la korin
Dhulkii beeraha lahaa
Haddaan basanbaas ka dhicin
Bal iyo xaab laga idlayn
Dadkii qabay berisamaadka
Haddaan badhax loo shubshubin
Barwaaqadu tuugsi noqon
Haddaan badar loo kaltamay
Biyaha sixin looga dhigin
Basaasta ninkii huwaday
Badhaadhnay haddaanu oran
Naftiisana been ku furan
Miyaynu is baran lahayn
Haddaan waa kuu beryaa
Bayuur iyo ummal ku tarin
Haddaan berritiyo sed maqan
Bushaara lagaaga dhigin
Baxnaanadu kugu adkaan
Haddaan sida Baar-caddaa
Baloolliyo badowyaley
Naftaadu ku ciil belbelin
Qabiilka haddaan la bilin
Haddaan boodhka laga tuntumin
Haddaan is bahaysigeenna
is biirsiga wada-jirkaaga
Budh iyo xoog lagu furfurin
Bartaada haddaan la dhicin
Bukaanka haddaan la nicin
Haddaan bogso lagu daweyn
Miyaynu is baran lahayn
Barbaarta haddaan la layn
Billaawuhu dhiig matagin
Ninkii ku bud dhigi lahaa
Haddaan baqayuhu ka lalin
Halyeyga badbaadadaada
Haddaan bahaluhu ku shirin
Haddaan bir ma geydadaada
rasaas loo berentensiin
Waraabuhu baan ka dhigan
Baroorta qofkii lahaa
Haddaanu u rogan bil-khayr
Belaayo xijaab ka dhigan
Wixii hadhay baylahdaada
Haddaan buntukh loogu talin
xanuun lagu baraq nuglayn
Nin bayr lihi salow ku gelin
Miyaynu is baran lahayn
Basaas iyo oon dartii
Haddaan dhulku baali noqon
Haddaan sida bagagidii
Banaadir indhuu ka nixin
Bariiso haddaan la qixin
Boqoolku is daba taxnaan
Bugaan bugtu gelin Xijaas
Badroolka haddaan la yu'an
Hablihii boqorkiyo dhacalaha
Baftada lagu wada yiqiin
Haddaan baxsadkooda dheer
Baxreyn laga soo qab qaban
Haddaan boqorrada Carbeed
Amiirada baalka xidhan
Kun jeer baryo loogu tegin
Miyaynu is baran lahayn
Haddaan bari ina qalayn
Haddaan bogox ina fantayn
Beelahaa ageheenna yaal
Haddaynaan buro ku noqon
Tukii baallaha caddaa
Adduunyadu baadideenna
Bannaanada kaga xeroon
Boogteenniyo dhaawaceenna
Haddaan baga laynna odhan
Ceel Walwaaleed
Dib U laabo
Wahe dhalashadaadaan
Farxad waalan gaadhoo
Weedhkiyo dabaylaha
Ama weriyahaagii
Goortaan waraystaa
Werwer ii dhammaadoo
Wahab layga qaadoo
Lugtu weerar mooyee
Wahsigii illowdoo
Wadar iga lib-haysaan
Wiil curad sidiisaan
Wanan kuu bireeyoo
Waayeel duceeyaan
Wacayoo u yeedhee
Walqashaadii maadaa
Cunay waaxyaheedii?
Weger iyo ka waaweyn
Tani waa ka waasacan
Hadday ceel Walwaaleed
Ku go'aan wadaamuhu
Waan-waani dhacantee
Wadnahaan farta ku hayaa.
Inkastaanu weydeyn
Waranlaha ilaashaa
Waadaasha xooluhu
Iyadaa waraabaha
Wehelkeeda mooddoo
Woohowda diiddee,
Waddo halaq nin moog baa
Waabay ka leefee,
Wed hadday ka nooshahay
Waageed ha gaadhoo
Waxaraaha raacdaan
Wakhti kuugu simayee
Goormaad wadaadkiyo
Weliyada sidoodii
Ii waaninaysaa
Wacdi ii furaysaa
Werdi ii rogeysaa
Weger iyo ka waaweyn
Tani waa ka waasacan
Hadday ceel Walwaaleed
Ku go'aan wadaamuhu
Waan-waani dhacantee
Wadnahaan farta ku hayaa.
Isla-weyn qabkeedaa
Wiyil aan jaraysnayn
Ugu wadha maqaarkoo
Lugta webi u geliyee,
Haddaan weel gun laga tolin
Waayaha adduunyada
Xog-ogaal la weydiin
Ruuxii gu'kaa weyn
Lagu odhan wax ii sheeg
Taladaadu wiilooy
Dalab waayi maysoo
Qofna waari maayee
Mudanaha walaalkaa
Haddii weerar lagu dilo
Isha lalama waabtee
Weerkiyo baroorta
Dadka lala wadaagaa.
Weger iyo ka waaweyn
Tani waa ka waasacan
Hadday ceel Walwaaleed
Ku go'aan wadaamuhu
Waan-waani dhacantee
Wadnahaan farta ku hayaa.
Cajeb
Dib U laabo
Cajebey cajiibeey
Cawo iyo ayaaneey
Caqligaad xadaysaa
Caku barashadaadii
Iyo caabuqaagee
Sida faras cag fududoo
Cadda-horor yaqaannoo
Gulufkiyo colaadaha
Ninka lihi cad-goostaa
Raggu kuu cugtamayaa
Anna caashaqaagaan
Hadba weel u culayaa
Cimri-dherer hadhkaagaan
Riyo kula caweeyaa.
Dhulka oo cagaaroo
Cosobkii dul-saarraa
Isagaan car-jabin weli
Cabbanaan daraaddeed
Ciidda hoose raantiyo
Kula ciiray fooddoon
Cagta meel la saaroo
La cuskado lahaynoo
Calcalyada xareeddii
Halka godan cuslaysiyo
Fiid-cawl horraantii
Cirka oo daruuruhu
Midab wada cillaaniyo
Ku dhigeen canjiidaha
Xilli ay cadceeddii
Dhar cashmiira xidhan tahay
Sagal caasha saaraad
La wadaagtey caanoo
Haddaan caawo kale jirin
Cidi kaama garateen
Geed cal iyo buur dheer
Carro-hodan ku yaalloo
Cokanoo irmaanoo
Dhirta kale ka caynoo
Cimilada agtiisiyo
Rugtu qurux ku caan tahay
Dusha sare caleentii
Laamaha is-celisoo
Hoobaan casuus lihi
Cartamayso dhinacyada
Ubaxuna tin iyo cidhib
Kaga dhigay cabbaadhyada
Shimbiraha ka ciyayaa
Intay heeso curiyeen
Isku camal wareereen
Dabadeeto carashada
Markii laysku cayn go'ay
Isu ciidan doonteen
Halcabbaara goortay
Isu calan walleeyeen
Cadho kala maqnaayeen
Cadcaadiigsi geedkii
Ciddiyaha ku qariyeen
Codka luuqda heestiyo
Carrabkoodu kala tegay
Carcaraha is daba maray
Cudur jirey ku baaba'ay
Dhallin caana diiddoo
Guryihii ka caagtiyo
Cadraddiyo barbaartii
Sida goob ciyaareed
Ugu soo carraabeen
Calaf waa halkiisee
Hadallada cawayskaas
Ku calmaday u badan tahay
Carshigaa nasahan baad
Biyo wada cabteenoo
Haddaan lay cadaabayn
Rabbi ii cadhoonayn
Dadku in ku caashaqo
Madowgiyo caddaankuba
Ku caleemo saaraan
Sow kuma canaanteen.
Daalacan
Dib U laabo
Maansadani waa maansadii labaad ee
silsilladda Deelley ee uu Gaariye
Bilaabay.
wuxu yidhi Hadraawina:
Ma da'furin ogaalkay
Xaska dabada maan gelin
derejada ilhaamkiyo
hibadii dalaysnayd
uma dhiibin duudduub
Weli Dalawadaydii
Doobigeedi may dhimin
Dibu-dhigasho mooyee
Wax is doorshey may dhicin
Afartaa xan durugtiyo
Danni jira wax sheeggii
rag hadduu dagaal galo
Danta guud xilkeediyo
U dareero fuullaan
Ashkir deeddan badiyaan
xakamaha la doontaa
Duullaanka kama hadho
gaarriyoow dugaalkiyo
Shaxda Delebka taallee
Daawashiyo cayaarba leh
Sirmaqabe ku diirsaday
Aniguna hog baan degey
Digba waa digteedee
Deelleydu waa laba
Afartaasi waa duud
Arrin wadata diirkeed
Dulmar gabaygu lee yahay
marka dooddu kulushahay
daldaloollo muuqdaan
Doogashada qabiilkiyo
Dacar iyo ladh soo kaco
Nabaradu dillaacaan
dadku kala qaloodaan
Marka dhidar ku daadego
Booraan dahsoonoo
Hilbo laga diqoodoo
Damac-beelay yaalliin
Dabadeedna uuskiyo
Duufkiyo xumaystii
debedda ula soo baxo
Dadku shaamareeraan
Neecaw delleganoo
Doorsoontay uriyaan
Waxan ahay dareenkii
Noqon jirey daruurtee
Sidii roobka di'i jirey
Dalka wada dhammayn jiray
Indhaweyto daaf iyo
Cudur daansha socodoo
Duulduulay baa jirey
Daacuunse maahee
Asal-tira-ma doorshuhu
Duraygay abuureen
Ma og tahay nin doorkiyo
Inta neceb dir soocee
Derejeysa qarankiyo
Durdurrada aqoontiyo
Qalinkiyo Dawaadiyo
Deelleyda curatiyo
Innagaa ka daba tegi
Durbaankay tuntumayaan
Dawankaynu sidannaa
sida danaba u baab'in
Dugsadaha qabiilkiyo
Dib-ka-naaxa shaac baxay
Diga-rogashadeennii
Iyo dawladnimadii
Dib inay u celiyaan
Qorshahayga kuma darin
Nin kastaa ha duudsiyo
Ama dala'si haw xado
Ama duurka haw xulo
Ama dabinno haw dhigo
ama duhur ha weeraro
Ama damac ha dhaafsado
Gobannimadu waa degel
Dayax iyo iftiin nool
Dumimeyso weligeed
Anigaa dabka u sida
Dal-jirkeedi baan ahay
ninka xagal-ka-daaciyo
Goldaloola iga hela
Isaga iyo digtoonkii
Anigiyo dagnaantay
Taariikhdu duuggeed
Diiwaanka qarankiyo
Wixii deyn cad ii qoran
Dirirtiyo rogaalkay
Dahabka iyo maartiyo
lacag aan Dur wadannoo
Laba daabac sidatiyo
Dalaga iyo beeraha
dacalada Shabeelliyo
webiyada dugsaniyiyo
Danbarsada labeentiyo
Dirirradu habaaskiyo
Dusha sare ka maydhaan
Daarahan casuustaleh
Kolba midab la doortiyo
Diibka lagu mariimee
Shanta Datsun yaalliin
Hanti aan dal dheer iyo
laga keenin dibadaa
Karti iyo dedaaliyo
dardar lagula soo bixin
Duullaanna loo gelin
Duco waalid soo hoyn
Carshigana ka soo degin
Deeqdaa la yaabka leh
Ninka weel darsanayee
digashada saboolkiyo
Ku darsaday badheedhaha
Miyaan eedi daba ool
Godobtiisu dedanaa
Bulshadeenu waa duul
Daacad iyo xishood badan
Dun xariira weeyaan
Cidna uma darraadaan
Dar Allay ku dhaqantaa
Dareen waw dhegweyn tahay
Ogow doqonse maahee
Qofka maamul dalabliyo
Dabbaal-joogto hoosiyo
Dibindaabyo ugu maqan
Degdeg uma tilmaamaan
Nabar kulama duulaan
Dib bay ugu muddaystaan
Dulmigiisu waw kayd
Afartaa dun quruxliyo
Diillimaha Biciidkiyo
Dildilaha farshaxankiyo
sida delebka ma dhigay
Mid kalaase ii dihin
weli dooddu ii furan
Maansadan dabayshiyo
Duufaan sidiisii
Dalandool u socotee
Dalladii qabiilkiyo
Xidhan waranki deyllaa
Laga furay daboolkii
lagu gado dukaamada
Miyaan xeer dabbaaliyo
Sharci laba-dibleeyiyo
Dar u qaybsan loo hayn
Toloow daaya yaa yidhi
Duumadan xanuunka leh
Kuwa luuqda daba dhigay
Denbi miyaanu qabanayn
Dulucdiyo ujeeddada
Runta aan u daadego
Ducda hadalku waa hee
Inta gaajo doob tahay
Derbi tahay laxaad weyn
Dufan-jecesha ururtiyo
Dibna-leeftatarantee
Doorka maanta soo baxay
Dabatadu sad roon tahay
waxa yaal daldalayaan
Danyartiyo saboolkuna
Diingaraaro jiifaan
Dadku kala sarreeyaan
In qabiilku dabar-go'
Ama dumo ha eegina
Cilmi diidayaa jira
Deegaanta noloshiyo
Darantiyo samaantana
Ninkii doonayoow taas
Daw loo maraa jira
Umad yahay daryeelkaa
isku duubnidaa iyo
Adigiyo dedaalkaa
Dawadaadu waa taas
Dhan hadday ka debecdana
Gabbalkaa dam weeyaan
Ma dardaaran baa hadhay
Deexashada tusaalaha
Ama talada deeqda ah
Miyaad dood ka leedahay
Geenyadaydi Daalacan
Dabar saari maayee
Dibso aan idhaahdoo
Dagagara ayaamee
Sulmakii darbane mee
Dalandaliska Naylaha
Doonnanteenan boqorka leh
Deelleyda baaqa ah
Darka laaska beeshiyo
Duunyadu isugu timi
Dalbashada wadaantiyo
Adaa doojinteediyo
Haya dawliskeedoo
Dulqulaalka xanankiyo
Dogobkiyo Huuddiyo
Waxa tahay Bir-daaqeen
Ardaydiisa dooddiyo
deeqsiiya hadalkee
Sangahaagi Doolaal
mar labaad ha dananee
majaraha u sii daa
Sheekadu ha durugtee
Dawi Maxamed Xaashoow
Aniguna ku dayashada
Haddaan dayro kaa dhigo
Anaa daawadii furay
Waa innoo dantaas guud
Deelka-xeel-la'aaneed
Carrab dalab-la'aaneed
Daalo
Dib U laabo
Daaloo korkeedii
Figta iyo daruuruhu
Isku soo durkeenoo
Ceeryaamo daahii
Ku dallaalimaysoo
Dirir gaaxdey mirayoo
Todobaad ku da'ayoo
Danabkiyo hilllaacii
Isu daba mareenoo
Onkodkuna dayaankii
Dhulka dakharo yeeloo
Casar gaaban daadkiyo
Durduradu kulmeenoo
Isku soo darmeenoo
Isla dulundulceeyeen
Jarar moosa dumiyeen
Hadba daw samaysteen
Shinbiruhu mar duuleen
Marna soo degeenoo
Damaloo dhan qariyeen
Dananka iyo foorida
Darandoori heeseen
Dayaxiyo cadceedduna
Dacallada ka joogaan
Isha daawanaysaa
Kola daali maysee
Bal aan daaha aan rogey
Halal kale ku sii daro
Dal ahaanna waa gobol
Dullo iyo baannanba leh
Badna way la deris thay
Duni weeye cimiladu
Dardarteeda dhigatoo
Waxa loogu daray taas
Inta qurux u damac roon
Cirku dooba kama dhigo
Degmo weeye hodanoo
Dooxooyin madhaxliyo
Deegaan ma guurtiyo
Ilo wada darrooriyo
Doog aan is dhalan rogin
Dayib geed la magic baxay
Dahab hoosta yaallaa
Dalag looga dhigayoo
Cudur kama dilaacoo
Dulin kama abuurmoo
Dabar-gooye kama dhicin
Waa degel qabow oo
Qorrax diib is marisoo
Jidhka aan damqayn baa
Loo soo deldelayoo
Dadku kuma gabooboo
Nimankii Darwiishkii
Kula jiray dagaalkoo
Weli doob la moodaa
Birta daabka haystoo
Gala duullinmaadkoo
Iyagaa dorraatiyo
Taariikhda duuga ah
Dhul fog looga doontaa
Duunyadiisu waa geel
Daran iyo tigaad cuna
Ido deexda lagu dhaqo
Ardo lagu dabbaal dego
Carro weeye dihinoo
Dirka magac ugaadheed
Lagu soo dareershoo
Farow iyo dibtaag baa
Derrimaha ku fara badan
Cawl-aan didaynoo
Cidi aanay dilinoo
Qofna aanu dabannoo
Dibindaabyo aragoo
Dannigii ka ba'ay baa
Dugsanaysa xoolaha
Dad ahaanna waa qaran
Waa duul is wada dhalay
Qalo iyo dir sooc ma leh
Dab dhexdooda kama huro
Weligood ma diriraan
Isma doca-doceeyaan
Dumar kama baroortaan
Dooxatiyo wereentiyo
Budhcad duusha kuma maqal
Daandaansi ma oggola
Xumo uma dulqaataan
Nabaddana ma diidaan
Deeq kuma masuugaan
Doodna waa yaqaanniin
Diricyaa ka kacay badan
Damdamtiyo mashxaraddiyo
Sacabkana ma daayaan
Danna kama fogaadaan
Nin dabali wadatoo
Waxaan ahay dalxiis iyo
Doolaalo keentoo
Deg-deg baa I soo galay
Dibna waan u kacayaa
Dunta gabaygu leeyahay
Kama xulan hal-doorkii
Dulucdiina kama bogan
Balse daymo halacsiga
Kolley doorkan manta ah
Halkaas aan ku dagagaro
Daahyalay
Dib U laabo
Ka dib markii silsidladi caanka ahayd ee Deelley oodaha
jabsatay, nidaamkii dalka ka talin jirey wuxuu si
toos ah iyo si dadban labadaba isugu dayey inuu
silsiladaas wedka iyo waabeeyada ku noqotay u helo
talo iyo xeel uu ku joojiyo ama farsamooyin
uu ku kala daadiyo Markuu sina ugu guulaysan waayey
ku talo-galkiisii ee ku hungoobay qorshayaashii ka hor tagga
Deelley ayuu 8-dii Maarso 1980, Xuskii Ururka Haweenka, Golaha
Murtida iyo Maddadaalada ka hanjabay Jananku,(Siyaad Barre)
kuna dhaartay in ragga Deelley hormuudka ka ah ee tiriya ama
maamulaya la layn doono, qaar kalena la xidhxidhi doono.
Heestan Daahyaley oo soo baxday 11-kii Maarso 1980, waxay ka
jawaabeysey go'aankaa doqonka ah waxayna nidaamkaa u sheegaysaa
in go'aanka shacbiga Somaliyeed beeninayo go'aankiisaas.
Daalacan warkeedii
Iyo faraskii Doolaal
Dalan-doolka maansada
Dar-dartiyo wacdarihii
Sida danab u laba dhacay
Dadku maqalyey shaalle.
Dedda kaca rogaalkiyo
Daahyaley car-caraaheed
Maantana dinaahyaha
Dayax Weerar baa sida
Gaarriyow ku soo durug
Malmalkiyo dab-qaadkii
Iyo weliba deebaaq
Dabray oo haddana furay
Misna daah kalaan rogey
Deelley wankeed qalan
Daaheedu waa furan
Hibashada dareen kacay
Degmadeenna beer-qaad
Sida daadka maanshee
Hal-abuurku duunkiyo
Dhul damqaday ka faalloo
Ninba garashadiis direy
Darka cagaha soo geli
Sii durugtay sheekadu
Dumarkiina soo biir
Rag darmaano soo fuul
Ragna dalawadiisii
Iyo doobigii keen
Ragna deer-cadkiisoo
Baar-baq dooblyayaa wado
Bandhigii ku soo daa
Nin dameero soo horay
Yaan la odhan denbuu galay
Billay duunyadiis tahay
Waxes iga dardaarana
Ninka daaqasanaayow
Dafac laa gosheediyo
Dixda hayska joogtee
Yaanay nagu dannaaniyin
Ama geela naga didin
Nirgo daaddah baradaa
Derrimaha madheedhka leh
Sida digirin jiifee
Yaanay naga danbaabidhin
Doqon yahay masayrkiyo
Danni lagu abuuree
Deeqdii Illaahay
Deelqaaf ka mudataay
Adigiyo dangaladaa
Da'kastaydin qooqdaan
Waxa aydin dihataan
Daratiyo ma caal baa?
Maansada dunteediyo
Waxa lagu dir-soocdaa
Degelkiyo dhirteedee
Heellada ma danadiyo
Dibowgaa ka gurataan?
Murtidiinnu dakhariyo
Dalab iyo lanlaamiyo
Daldaloolo badanaa?
Ma dareere miirtiyo
Duddun bahal galeenaa?
Dardartii aftahankiyo
Dilladii farshaxankiyo
Dux abwaan ma sidatoo
Diiftii saboolkiyo
Daal baa ka muuqdee
Gabaygaba ma ducashiyo
Dawersaa ku keentaan?
Mise dagan ma dhaaftiyo
Duul baa ka gadataan?
Dhul dellegan ka soo xada
Mise luuq dahsoon iyo
Suuqa doqon ma garatiyo
Ku-dhacdaa ka dayataan?
Marka geel dar loo horo
Diin maxawgu heestaan?
Haddii reerku lama dego
Meel daaq ka dheer yahay
Degel oomman furan yahay
Dadka guriga joogiyo
Waxay duunyo haystaan
Diihaalka wada qabo
Daruurana ka hooraan
Meel durugsan goortaas
Maxaa daanka oo qudha
Ula doogsin carartaan?
Gudin-yahay dulbaaxdiyo
Dufan lagu afeeyee
Dareenkeedu laaciyo
Milicsiga ku deexdee
Danbarsiga cadceediyo
Dabayoodka luunka leh
Weligeed ku darartaa
Maxaad doodad beeshiyo
Danta qaranku leeyahay
Dusduskaaga foofkiyo
Damac uga hor marisaa?
Noloshaba ma dirashiyo
Damqashada calooshiyo
Dalqadaa ka barateen?
Midha-Daray raggiinaa
Duudduub ku liqayow
Kolley geedka duuggiyo
Taariikh la daastiyo
Laga diirto magac hadha
Sida diirta xagatoo
Dadnimada arradisee
Dib maxaa u dhigateen
Duniduba ma maantaa?
Dab cunaannu idin nidhi
Maansadu dan guud iyo
Dalka hanashadiisiyo
Dadka wada-jirkiisiyo
Dawna way ku socotaa
Dawladnimou samafala
In kastoo dirkeediyo
Dulucdeedu saas tahay
Misna loo dardaar weri
Ka hor yimi nin diiddani
Deri iyo u yeel tuur
Dunjigeeda maydhaan
Xistegeedu daba gure
Dibinada shirqoolka ah
Inta boholo loo dedey
Kaga gudubtey daanshood
Digashadu ma saamayn
Dhibta waw dul leedahay
Dibin daabyo hoosiyo
Dabra, weerar caabbiya
Duullaanna waw hadhay
Dibso aan nidhaahnoo
Ha dekaanto mooyee
Dabarkeeda geenyada
Geedkee ka diirraa
Qorshahaba laguma darin
Doc wareenka sheelka ah
Iyo saymo dawdilan
Kuma dagato maansadu
Xinka way ku darartaa
Kulka way u dirantaaa
Dabka way ku carataa
Haddii jeedal lagu dayo
Deeddankay ku badisaa
Dakharada la yeeliyo
Hubka lagula daalee
Ha ku debecdo lagu wado
Dardar bay ka qaadaa
Haddii dayro laga dhigo
Derejaabay tolataa
Calan bay deldelataa
Haddii seyga laga dilo
Doqon geesigeedii
Ninka daray billaawaha
I dumaal tidhaahdoo
Dakanada illowdoo
Danka kale u durugtoo
Diga-rogata maahee
Timahaabay dabataa
Dunta waxay ku xidhataa
Wiil dardaarankeed qaba
Magaciis Dulmane yahay
Duqa dhalay sabool yahay
Danyar hooyadiis tahay
Inta xeerka dumisyo
Deni waa ka garanuug
Dacwadayda Ciinow
Dire dire umaan tiring
Deel-qaaf ka xeel dheer
Uma jeeddo daw dhaaf
Daandaansi kama wado
Ka da'weyni ruuxaas
Derejiyo xil-qaadkeed
Nin u dudaya maan ihi
Damac wayga xaaraan
Dilla gabay ku faankiyo
Doqonniino hadalkiyo
I dayaay wax kum falo
Maba lihi dareenkaas
Waxa qalinka igu diray
Dadku way tirsanayaa
Deyna waa ka maqan yahay
Dana jirena waan ahay
Danyartiyo saboolkiyo
Anigiyo doc-wadhantuna
Isku digato miihine
Daawaannu leenahay
Diilalyada cuslaysiyo
Daalaa-dhacoodaan
Aniguna damqanayaa
Xaq haddaan ku daakiro
Ma deyrkii Maakaan gubey?
Danbarkiyo karuurkiyo
Caanaha durduurta ah
Dadku haw sinnaadeen
Haddii laygu dilo taas
Taariikhdu duugeed
Dirirrada sidkod go'ay
Door-roone haw hadho
Dibna mooyi saw noqon
Dal Allee Dharkaynow
Haddaad maanta dagan tahay
Ninka duunyo kaa wada
Afka kama daboosheen
Maxaad deelka maansada
Dacar iyo dhunkaal iyo
Duumo uga arkaysaa?
Maxaad uga didaysaa?
Uga dhigi wax kuu daran.
Armay doorba kuu tahay.
Haddaan waawey roob da'ay
Dayra-dhaafka jiilaal
Guri laga dugaashado
Aqal laba deryaala ah
Dadabtiisu nooshahay
Celin kara daroorraha
Docaha iyo raartiyo
Dhan kastaba ka dalab tiran
Ummadduna dugsoonkaas
Dermo qaran ku jiifaan
Bulshadoo dar hoogiyo
Taalla dooxa geerida
Hadii daad u soo galo
Miyaan waayey deelkiyo
Dareensiinta dhiillada
Duunyo waa la foofshaa
Daaqna waa la geeyaa
Doorna waa ilaashaa
Isha daymadeediyo
Digta luuqdu waw wehel
Duhurkaa la ururshaa
Tiro lagu dabbaalaa
Dabadeed la hooyaa
Kol hadday dareeraan
Deegaanta raacaan
Dildilaan ku goosmaan
Wax daryeela waayaan
Daaha hiimammowga ah
Maqal daaqda lagu tebo
Cawa-daran la raad guro
Dibjirtaye ma been baa?
Shilna wayna daan-weyn
Demmanaanta kama foga
Xoolaha dayacanta ah
Inuu daayo mooyee
Kam durugsanaan karo
Doon-doonisteediyo
Day-dayashadeeduna
Darayada libaaxiyo
Ninka damalka ka hadhsaday
Deleb waw gudboon tahay
Haddaan waayey doobkii
Xilka doonnantiisa ah
Dayrada u noqon laa
Danyar habaqlaheeddii
Duddo habalku kala tago
Miyaan waayey deelkiyo
Daba socodka qaylada
Hayin sida dadweynaha
Dalaggiyo dhaqaalaha
Duuggiyo wixii nool
Haddii layska dabo galo
Hadduu aar dalaafiyo
Arko belo ku soo diran
Nafta dawdab roorka ah
Daran doorri orodkiyo
Durdurada ka buuxsado
Maatada derderan iyo
Deli iyo jar kala dhaco
Dooggaan la maarayn
Dibna looga soo kaban
Didmadiisu keentee
Haddaan waayey dabarkii
Dhacdo lagu daweeyoo
Lagu dagagaraa jirin
Miyaan waayey doohdiyo
Doobirtii la odhan jirey?
Danta guud mudnaanteed
Gobonnimo daryeelkeed
Damaciyo hankaygii
Haddaan waayey dawgaan
Is lahaa ha lagu dego
Berri degel ma dhaafaan
Dadka wada jirkiisiyo
Isku duubnidiisii
Lagu doorshey reer reer
Kala daadsan laga dhigay
Mus duleedku xanan yahay
Qarannimadu dagan tahay
Gudahana dab kaga kacay
Dawankiyo carooggiyo
Miyaan waayey Daalacan
Sengehayga Doolaal
Ama faras dirkiisa ah
Dayax-weerar oo kale?
Ragga daawadii furay
Ama daacaddi jaray
Ama qaranka duudsiyey
Hantidii dadweynaha
Dacallada ka buuxsadey
Dalku eed ku leeyahay
Rag la deydeyaayoo
Dedan oo qarsoonoo
Damacooda xeel iyo
Ku darsaday tab hoosoo
Wixii deyn ku soo baxa
Berri diidi karayoo
Dufankiyo karriinkii
Iska duugey maahee
Sida buurta Daalood
Dal fog bay ka muuqdaan
Diricaasi waa kuma?
Dawdar weeye shalay jirey
Durba sawkan jeedladay
Dhistay aqallo daah weyn
Tolow duubka yaw xidhay
Hadmuu tobanka doonyood
Dekedaha ku soo xidhay
Hadmuu dunida gaarkeed
Intuu daawashaw tegey
Demesh iy wixii yiil
Sida daad u soo rogey?
Kaftankaas dareenka leh
Danyartaa ku heestee
Dadka maanigaa baray
Derejada hummaaga ah
Magacyada dul-saarka ah
Dorraad soo gadaal baxay
Maxaa laygu digayaa?
Dooddaa aan ku soo xidho
Bi'I waaye deylooy
Adna darayga hays dhigin
Xaajadu dalluun iyo
Dalow bay ka lulataa
Ha ka tuurin daaddeys
Anna hay dardaar werin
Deelleyna aan faro
Duco iyo sidii roon
Dawgaagu waa sahan
Dadku waa abbaartaa
Isku dira bahdeediyo
Kala dila ha noqonnine
Isku dara ha lagu dhaho
Nin xumaa daneeyoo
Waxa jira damqanayee
Yaanu xagal ka daac iyo
Gol daloolo kaa helin
Xidho duubka nabadeed
Daacaddiyo runtaba sheeg
Daaraanta magacaw
Cadowgaagu duurkiyo
Hadduu doogga cawskiyo
Dareemada ka badan yahay
Adiguna dab baad tahay
Digo shidan hadduu yahay
Adna daad socdaad tahay
Damal adag hadduu yahay
Adna danab dhacaad tahay
Baaruudda duushiyo
Dubbe culus hadduu yahay
Derbi soo ceshaad tahay
Mugdi lagu dayoobiyo
Gudcur dama' hadduu yahay
Qorrax duluca furatiyo
Dayax buuxsamaad tahay
Hadduu aw dillaaliyo
Qalin duurre faashiyo
Yahay fiqi dammiinana
Cilmi durugsan baad tahay
Dulin dhiigga miirtiyo
Dulmi hilan hadduu yahay
Xaq dillaacay baad tahay
Nin qabiil daftiisiyo
Sita daramalkiisoo
Ku dan qaba hadduu yahay
Qaran dawladaad tahay
Hadday daana daaniy
Dawliil ku heesaan
Waxyi soo degaad tahay
Inta dunidu raarkiyo
Deyrka hoose leedahay
Qof dulmani ku nool yahay
Ilays daaran baad tahay
Wed jiraana kuma dilo
Anigana bir danantiyo
Dabran iyo melmelan iyo
Deldelaad ha lay sudho
Duuggaygu waa adi
Dabahuwan
Dib U laabo
1. markay dani meeday tidhi
2. maxaan talo meel ka deyey
3. markaay dani maaha tidhi
4. weydiiyey qof meel ka deyey
5. markay dani maaha tidhi
6. ku laabtay halkaan ka deyey
7. markay dani maaha tidhi
8. ka sii deyey meel la deyey
9. Maxay doqoniiino tidhi
10. ruuxaan jirin raad ku doon
11. intaan isku duubay been
12. ka buuxsaday labada dacal
13 maxay runi daadi tidhi
14. maxaaan arrin dawlis dheer
15. ma diidoo la soo qoqoray
16. ku daabacan baal madow
17. ku daawaday meel madow
18. wax aan duluc sii ridnayn
19. indhuhu ku daraandareen
20. Maxaan dogob beer is idhi
21. daruuro u soo sasabay
22. daryeelka ku maal is idhi
23. biyuhu uga sii dareen
24. Wax aan degdeg jeer ku liqay
25. maxay shishe ii damqeen
26. kashayda dalooshadeen
27. muxuu hadba shay dellegan
28. dareensigu soo tuf yidhi
29. Ummuuraha duur xulka ah
30. duunkayga maxaan qodqoday
31. weydiiyey su'aal da'weyn
32. dibnuhu iga aamuseen
33. Dal xiiska maxaan bilqaday
34. maxaan farax deeddankii
35. maxaan sida daad jirfaday
36. maxaan hadba daaf qulqulay
37. maxaan hadba deex susumay
38. maxaan deli jeer ka dhacay
39. maxay jarar soo dedelan
40. doolaaladu fuul i tidhi
41. dushooda markaan u baxay
42. ha soo degin laygu yidhi
43. Maxaan dihin weel la galay
44. ku dayga maxaan ummuur
45. daboolka ka qaad is idhi
46. cabsidu iska daa i tidhi
47. indhuhu dib u soo noqdeen
48. Maxaan dhilay doog lingaxan
49. hal daahan maxaan furfuray
50. inaan dib u sii xidhxidho
51. garaadku ku daalay yidhi
52. Maxaan dardaraa habeen
53. anoo daba jooga raad
54. dedaalku i soo xidhxidhay
55. dakaanka anoo jiljilan
56. muxuu dayax soo mirkacay
57. degaan kale ii furfuray
58. dayaan igu soo gilgilay
59. Maxaan qoday doox sal weyn
60. maxaan helay deeq mug weyn
61. wax uu dad jeclaan lahaa
62. u waayey wax soo daldala
63. Wakhtigu boqol doocsanaa
64. dersuu kugu beerayaa
65. durduur kugu siinayaa
66. dardaaran adoo qabuu
67. dagaal kugu beerayaa
68. dil buu kugu oogayaa
69. markaad deldelaad gashuu
70. haddana kugu diidayaa
71. dorraato wuxuu ka yidhi
72. intuu ku diruu haddana
73. dabbaal kugu sheegayaa
74. Rugaha dunidaa busho ah
75. indhaha deyayaa xujo ah
76. docaa laga eegayaaa
77. deymaa lagu eegayaa
78 danaa laga eegayaa
79. u daana cid baa taqaan
80. ka daana cid baa taqaan
81. ta doora Rabbaa yaqaan
82. ka dooro adaa yaqaan
83. dildilo rogan baad tihiin
84. sidaad isu doorisaan
85. ayaad isu doorataan
86 markay dihatay dhul tahay
87 markay dihatay dhir tahay
88 markay duhur tiigsi tahay
89. ayay dalandool caddahay
90. duf bay ku sarbeeban tahay
91. dabay ku aleelan tahay
92. lafiba diirkeed qodnayd
93. Dal iyo magac bay lahayd
94. dad iyo mudan bay lahayd
95. duunyiyo mahad bay lahayd
96. diin iyo dhaqan bay lahayd
97. duug iyo dhaxal bay lahayd
98. dan iyo tacab lahayd
99. dedaal xejiyey lahayd
100. xadhkiyo dabar bay lahayd
101. aqoon durugtay lahayd
102. xil daacada bay lahayd
103. duleed jiratay lahayd
104 duggaal hanatay lahayd
105 daw iyo marin bay lahayd
106. dareer taxan bay lahayd
107. dardaaran cad bay lahayd
108. dabool adag bay lahayd
109. digtooni horey lahayd
110. dabaylo hadday ruxaan
111. durbaan weriyey lahayd
112. awaal deyis bay lahayd
113. dawiyo kabashay lahayd
114. xidhiidh degsan bay lahayd
115. dagaag sharafay lahayd
116. duciyo nabad bay lahayd
117. caqiibo danbay lahayd
118. han iyo dugsashay lahayd
119. deeq iyo hirashay lahayd
120. duddiyo gacal bay lahayd
121. dareen xidid bay lahayd
122. xormiyo deris bay lahayd
123.dul iyo magan bay lahayd
124. xishood dedan bay lahayd
125.dux iyo soddoh bay lahayd
126. dumaashi dhan bay lahayd
127. dad kala guran bay lahayd
128. rag iyo dumar bay lahayd
129. nin door taliyey lahayd
130. marwiyo degel bay lahayd
131. duq iyo garashay lahayd
132. haween darbban bay lahayd
133. barbaar diran bay lahayd
134. habliyo dardaray lahayd
135. halyey diriray lahayd
136. darmaan boqran bay lahayd
137. duud iyo oday bay lahayd
138. da' weyn iyo da' dhexay lahayd
139. da'aad yaryar bay lahayd
140. is daadihin bay lahayd
141. deryaale cad bay lahayd
142. dalaandaliyey lahayd
143. horweyn dalmaray lahayd
144. irmaan dararey lahayd
145. hal iyo dalawey lahayd
146. wan dool culus bay lahayd
147. sal iyo daab bay lahayd
148. dallaayad saray lahayd
149. shishiiyo duluc bay lahayd
150. wixii dumey bay lahayd
151. Iskuuladu waa dayeyn
152. dammiinnimaday dhigaan
153. dartay uma soo lug go'in
154. duruustu falkay tiqiin
155. daktoor cadoway sideen
156. digrii nacabey sideen
157. xaq bay garba duubayeen
158. Diintay gibil saarayeen
159. waxay dedayeen amuur
160. dhibteedu dib iigu tiil
161. waxay docfaruurayeen
162. dedaal abid soo taxnaa
163. Xafiisyadu waa dullayn
164. dulmay ka horseed yihiin
165. dikteetarraday dhalaan
166. direyska wedkay tolaan
167. dardaaran shishay qabeen
168. dalkay shil u loogayeen
169. dadkay u shidhaynayeen
170. dardaar werin meel u tiil
171. nin bay u danaynayeen
172. dugaagnimaday dhalaan
173. indhaha dannigay dhalaan
174. intii daran bay dhalaan
175. xadhkaha doqonkay tidcaan
176. naftay damac raaciyaan
177. wax bay daba qaadayaan
178. qofkii biyo diid yaqaan
179. darleefyey ninkay baraan
180. sagaashan dabeecadood
181. hadday kol ku soo degaan
182. diihaal iyo saar gumeed
183. ma aamino deeq ka weyn
184. inay laba duul dhintaan
185. Dukaamadu waa nuxuus
186. sun iyo dacar bay hayaan
187. daraandariyey hayaan
188. dareen xagatay hayaan
189. dalaaqda Tusmay hayaan
190. waxay demesh soo rogeen
191. waxay diric raarayaan
192. durraaxad u heesayaan
193. waxa lagu doonayaa
194. wax aanan u daafad hayn
195. waxaan diro lay carree
196. wax soo degay lay cusbee
197. ka dooro intaan lahaa
198. ka sii dar intaan lahaa
199. ku sii dil ayuu lahaa
200. ninkii digashada badnaa
201. Daaruhu tayo waa ka gaal
202. dulmay taran leeyihiin
203. bar duunyo ah waa ka caydh
204. waxay ku dul nool yihiin
205. nin daaqsada xoolo nool
206. dubbaha fakhrigay tumaan
207. waxay derbi jiifiyeen
208. barbaarkiyo doobka nool
209. carwada dibjirkay dhalaan
210. hadday kugu soo durkaan
211. ducaa laga hoos galaa
212. maxay damal weyn shiteen
213. maxay qudhac deebiyeen
214. waxay dab sudheen dhirtii
215. dhulkay midab dooriyeen
216. bal eeg degelkii hufnaa
217. bir iyo waxa daasad yaal
218. bal eega dalkii xalaa
219. waxay lafo daadiyeen
220. Shil baa dunidii ka dhacay
221. daacuun halisaa ku fiday
222. duufaan simay baa la tegay
223. doofaarrada aan gudnayn
224. diinlaawaha gaalku dhalay
225. maxay dulin faafiyeen
226. maxay samo duudsiyeen
227. maxay godob daaqsadeen
228. maxay denbi xoogsadeen
229. maxay dabar soo xardheen
230. maxay dabin soo shaqleen
231. danbeed maran soo asleen
232. Waxay dumiyeen aqoon
233. ilaa dura soo taxnayd
234. waxay damiyeen ilays
235. u daaran qof meel lahaa
236. waxay kala daadiyeen
237. daryeel isu dheelli tiran
238. naf daahira bay legdeen
239. docdeeda xun dhiiriyeen
240. dan bay canlabeebiyeen
241. dawgeedu xidhiidhsanaa
242. waxay iga soo duween
243. jidkaan isku daawan jiray
244. waxay dibad yaaliyeen
245. nin tiisa u door ahaa
246. in loo dawaray rabeen
247. da'diisa nimaan baryeen
248. waxay ka dhigeen dadkii
249. af iyo labadiisa daan
250. duugii ubadkay cuneen
251. wixii jiray bay dubteen
252. dusuud madhan bay dhigeen
253. halkii beri doobi yiil
254. waxay danbas tuumiyeen
255. rugtii digo loo yiqiin
256. duxdii noloshay tireen
257. waxay debciyeen naftii
258. waxay dacwadheen hankii
259. waxay isku soo dareen
260. dadkii kala caagganaa
261. intii gabadh diib lahayd
262. daf iyo kaman baa la tegay
263. dhulkii darrimaha lahaa
264. deegaantiyo baadku yiil
265. dabaylo cas baa ka kacay
266. dorraatiyo guulihii
267. dallaallimadii dhisnayd
268. wixii dalag meersanaa
269. daaduun qaxay baa ka dhacay
270. wixii duluglaa ka nool
271. dibnuhu dhubbad qaadayeen
272. Dagaalku sal buu lahaa
273. daad soo jabay baan intaas
274. gacmaha ku dabbaal lahaa
275. anigu dirir maan hanbayn
276. doodayduna may hinnayn
277. hub baa lagu diidanaa
278. waxay igu soo dabreen
279. halkay ila doonayeen
280. aniyo debad baanu nahay
281. cidlaan dildillaamayaa
282. daleel madhan baan tubnahay
283. sas iyo dala'asaan qabaa
284. dareen dhidar baan gashaday
285. dugaag falan baan qorrahay
286. daaraantuna way fogtahay
287. duullaankuna waa sidii
288. Haddaad liqday daacadii
289. adaa damacow yaqaan
290. sidaad uga dayn baxdee
292. ku sii dar tu kaa daran
293. Cilmigan dib u heego dhaca
294. cilmigan dul ka xaadiska ah
295. cilmigan sam dawdarka ah
296. caqligu ka daboolanyahay
297. bukaankiyo daafka qaba
298. gumaysigu diin u yahay
299. Ilaah lagu diidan yahay
300. Islaam la dagaalka ah
301. Danaysigu weel u yahay
302. dirsoocu u aabe yahay
303. daandaansigu guul u yahay
304. dabkiyo wada hawsarka ah
305. dilkiyo wada dhiig cabka ah
306. duullaankiyo boobka jecel
307. cilmigan dalandoolka badan
308. Damiirku ka meydka yahay
309. khaansiirkiyo duufka cuna
310. dillaalkiyo tuugga dhala
311. daydaygiyo jeelka qaba
312. wanaaggu ka dayro yahay
313. xumaantu u doorantahay
314. dadkiyo simay xoolihii
315. raggiyo dumarkii furfuray
316. intuu dumarkii is baday
317. raggii dumar qaar ka dhigay
318. af-duubkiyo qoolka taxan
319. Run baa lagu daahayaa
320. Dijaal korayaa qaarsoon
321. Dalaal iyo been madow
322. ninkii run ku doonayow
323. abuurtu dumaal miyaa
324. ma duur iska beermay baa
325. ma baadi dibbootey baa
326. dabaylo xagaa miyaa
327. ma doonni hallawsan baa
328. dusheedu ma goob jin baa
329. durbbaan iyo jaas miyaa
330. dawliil iyo quus miyaa
331. ma buur lagu daalayaa
332. ma boog damaqdaa wadnaha
333. ma doonis calool bugtaa
334. nin tiisu u diirantahay
335. ma suu u dullaynayaa
336. ma shay laga daawadaa
337. garaadka nin daymo dhow
338. ma Daarwin siduu yidhaa
339. daayeer nin ka soo farcamay
340. ma suu u dareemayaa
341. miyaanay dastuur lahayn
342. kitaab iyo diin lahayn
343. miyaan laga sii danbayn
344. sidii daraygii miyaa
345. midhii daraygii miyaa
346. duudduub ku liq yaa ku yidhi
347. Nin diidey inaad run tahay
348. ku dooday inaanad jirin
349. Rabbow dunidaada bilan
350. dunteeda ma sheegi karo
351. Daayeerka waxaa ka yimi
352. waxaan dad habboon ahayn
353. innagu dir kalaynu nahay
354. duudkii Nebigaynu nahay
355. deeqdii Rabbi baynu nahay
356. xil iyo derejaynu nahay
357. dar loo buriyaynu nahay
358. ka sii daray baynu nahay
359. Ilaah ka durkaynu nahay
360. Islaam dilan baynu nahay
361. dugaag u dhacaynu nahay
362. ka daatay muskaynu nahay
363. Ibleys didsadaynu nahay
364. doofaarada aan gudnayn
365. u doortay runtaynu nahay
366. xaqay garbba duubayaan
367. ku diirsanayaynu nahay
368. diin laawaha gaalku dhalay
369. ku dayday ayaynu nahay
370. dayeysan ayaynu nahay
371. Sidee duni loogu lumay
372. maxaa dad ku soo lug go'ay
373. maxaa ku hungoobey duul
374. diihaal kula soo dhex dhacay
375. maxay duluc guud martaa
376. maxay dersi yeedhisaa
377. maxay nin u deexataa
378. Iadnaan ugu duur xushaa
379. hadhow xagal daacisaa
380. maxaa degdeg wiil ku yimi
381. dusheeda ku foos burburay
382. jid uu nin ku daaqay ciin
383. maxay dabadiis dhigtaa
384. nin aan ka danbbayn karayn
385. maxay doqon loogataa
386. maxay laqan dooxataa
387. maxay danab liicisaa
388. maxay dabar liilisaa
389. maxay dildillaacisaa
390. ammuur kuu dabool lahayd
391. maxay digdig soo xidhaa
392. maxay sado daadisaa
393. maxay amar duulisaa
394. maxay dardar loodisaa
395. maxay diric quusisaa
396. maxay kibir daalisaa
397. maxay damac beenisaa
398. maxay nin dabbaal yaqaan
399. dalluun ku waraabisaa
400. maxay daldaloolisaa
401. deeqdeeda hadhuub lahaa
402. maxay lur u sii dirtaa
403. ku sii dar ninkii yaqaan
404. maxay dab ku sii shiddaa
405. ninkaanay daweyn karayn
406. Adduunyadu waa daryeel
407. daryeelka wixii ku nool
408. dad bay magantiisa tahay
409. dardaaran cad baa ka yaal
410. daymiyo garashay rabtaa
411. hog loo dayo bay rabtaa
412. Runteeda qofkii duwaa
413. xaquu kaga dayro yahay
414. dawgeeda haddaan la marin
415. daliil rabbi looga dhigin
416. deynkeeda waxaad guddaa
417. mar aanad u daafad hayn
418. ninkii dabinkeeda gala
419. dib bay u xusuusisaa
420. digniino horoo badnaa
421. Abuurtu dahaysanaa
422. sir iyo duluc raaranaa
423. daabkeedu aroorsanaa
424. degaandeg ballaadhanaa
425. dawgeedu aloosanaa
426. rugaanrugo durugsanaa
427. muggeedu daruuranaa
428. dijaallada soo if baxay
429. weelkay darayaan yaraa
430. damiinka waxaa ka dhigay
431. amuurahan daalka badan
432. siday u dul cararayaan
433. kashii demman bay legdaan
434. siday wax u duufsadaan
435 daliil uma si hayaan
436. Hubkooda dayaanka dheer
437. markay darandoorriyaan
438. cid bay ku dullaynayaan
439. cabsay dad ku beerayaan
440. korkeena inay degaan
441. dusheenna ka soo hadlaan
442. waxay ugu duur xulaan
443. kasheenna inay darbaan
444. hankeenna inay dilaan
445. jidkeenna inay duwaan
446 dawaafka is dhaafayaa
447 duullaanka cirkee socdaa
448. dedaal iyo maaha guul
449. daryeel kuma baadhayaan
450. wanaag kuma doonayaan
451. inay cilmi daalacshaan
452. aqoonta ku sii durkaan
453. wixii dedan qaawiyaan
454. dantoodu ka sii gun dheer
455. rugaa dirir saaranyahay
456. waxay u docaynayaan
457. dayaxa u hadhaynayaan
458. dagaar u cagaynayaan
459. inay run ku duudsiyaan
460. xaqiiqada daahsudhaan
461. adduunyada dooriyaan
462. iyagu u daliil noqdaan
463. Nin diidey Inaad Run tahay
464. ku dooday inaanad jirin
465. Rabbow dunidaada bilan
466. ammaan kuma daaqi karo
467. Haddaan Runi diiddanayn
468. haweeney dumaal ku timi
469. waxay derejeyn lahayd
470. inay gabadh doonnan
471. diddii hungurow diddii
472. kal daaf hagayaay diddii
473. dhegaade danow diddii
474. dareenka bukow diddii
475. adduunyadu maaha dool
476. dijaallada soo if baxay
477. haddaanay war deeqa hayn
478. sidaan u dayaaba waa
479. docdaan u kacaaba waa
480. dushaydiyo hoostu waa
481. Daliil iyo waa Yiqiin
482. Dallaallimadeeda guud
483. siday u dalaysantahay
484. siday u degmaysantahay
485. siday u duggaashantahay
486. siday u dalleensantahay
487. siday u dammiin caddahay
488. siday u dareersantahay
489. sidaanay u daadsanayn
490. da'deeda la yaabka weyn
491. siday uga duug la'dahay
492. siday dalandool u tahay
493. siday u dekeysantahay
494. siday u taqaan didmada
495. siday u dareen la'dahay
496. siday u daryeelantahay
497. siday u darbbaysantahay
498. siday u daraandaraan
499. siday uga dayriyaan
500. siday laba duul u tahay
501. siday laba deeq u tahay
502. siday degel degel u tahay
503. siday degel qudha u tahay
504. hal doorba hal doorka kale
505 siduu ula daawa yahay
506 amuurahan laysku dabay
507. dawaarahan laysa sudhay
508. sidii deleb loo dhigdgigay
509. wadaagahan laysu diray
510. lammaanahan laysku daray
511. hadday is daboolayaan
512. ilaah dejiyaan maqnayn
513. Cadceedu dorraad ma dhalan
514. kulkeeda dawaa ku shuban
515. if keeda Run baa ku duxan
516. dayuxu marin buu hayaa
517. xil loo diray buu hayaa
518. daw buu ku aroorsanyahay
519. dilluu ku hoggaansanyahay
520. dooggiyo dhirtu maaha baad
521. caleen iyo ma aha daaq
522. kasii duluc dheer intaas
523. waxaa ku dareersan nuur
524. Run bay ku dalaysantahay
525. Wadduur culus baa ku taal
526. daymaan lagu faaqidayn
527. dareen akhriyaan la hayn
528. indhaha damac baa hor yaal
529. waxaan Dahab meel ka gelin
530. waxaan magac doollar sidan
531. diinnaar iyo lacag ahayn
532. yaqiin kama sii dayaan
533. damiirku hadduu qallalo
534. hadduu dufan raadis yahay
535. daliilka hortiisa yaal
536. waxaa kaga beegan daah
537. dadkuna badi waa sidaas
538. dakano gacal bay qabaan
539. dagaal ramataynoqdeen
540. dabrrayn iyo weerar bay
541. Runtii kaga duuban tahay
542. Xaqiiqada daahir ka ah
543. dulmay kaga hoos jiraan
544. abuurta ma daawadaan
545. denbay kala boobayaan
546. dushooda ma eegayaan
547. dux bay kaga fooraraan
548. si bay u dar jiidhayaan
549. dunuunuc bukay liqeen
550. dalqay wax ku eegayaan
551. dil bay u hamuumayaan
552. dibnay la haliilayaan
553. dedaal ma haleelayaan
554. daryeel ma hanbbaynayaan
555. dardaaran ma dhuuxayaan
556. digniin ma dhabaynayaan
557. dharaar kama doodayaan
558. halkay ku dambbaynayaan
559. dayow kama toosayaan
560. Wax diiddo markay jirtaa
561. wax doonkuna meel mar yahay
562. naftana dabar baa xaslada
563. dibsooduna waa ammaan
564. digtooni haddaan la hayn
565. dagnaaniba way jirtaa
566. dannaani miyuu xunyahay
567. markaan danan loo maqlayn
568. xilkii dadnimay rabaan
569. xuquuq dadnimay rabaan
570. naf daallina bay rabaan
571. inaan dulmigeedu qaban
572. dawgii noloshay rabaan
573. inay shar ku daydayaan
574. xumaan qof ku daalayaa
575. wanaag damaciis hayaa
576. dammiinka halkii ahayd
577. siday uga soo durkeen
578. miyay dib u soo noqdeen
579. siday u duleed baxeen
580. ayay u dabayshadeen
581. waxay dumiyeen Runtii
582. waxay u dumeen Runtii
583. markay dumiyeen Runtii
584. nin daacad hoggeeda qoday
585. miyuu ka danbaynayaa
586. intuu bahalaha dugsado
587. intuu Dubur hawd ka xulo
588. ayuu qofku doonayaa
589. dugaaggu inaanu cunin
590. Naftiisa qofkii dulmiyey
591. deyrkaaga Rabbow ka baxay
592. muxuu halis daaqayaa
593. Addoonku Rabbow ma dayo
594. deeqdaada intuu hantiyo
595. duntii maqan buu tebaa
596. wax uu degdeg kaaga filay
597. haddaanay ku soo dul quban
598. cadhuu la dakaamayaa
599. dibnuhu baryaday karaan
600. daryeel kama mahad ceshaan
601. jiilaal la darbbaysanyahay
602. diihaal iyo gaajo kulul
603. haddii beri roob ka da'o
604. qof doogey markaas illow
605. siduu u ducayn yiqiin
606. xusuusba ka sii durduri
607. Nin duunyadu mool ku tahay
608. dadkiisuna maansha yahay
609. ayaa misna kuugu duda
610. waxaanu u daafad hayn
611. qofkaad shar u diiddan tahay
612. u doortay si kahyr ku jiro
613. ayaa misna kuugu duda
614. waxaad uga daacad tahay
615. Sifaadkaa deyr ma xidho
616. dareenku ma gaadhi karo
617. garaadku ma duubi karo
618. dibnuhu ma macnayn karaan
619. qof doonay inuu dhex galo
620. ku daaley ma dhaafi karo
621. Dunjiga khalqigaagu yahay
622. haddii gelin laysu dumo
623. raggiyo dumar laysu guro
624. jinkiyo insi laysku daro
625. hadday ku dedaal galaan
626. intay dardartoodu tahay
627. hadday orod dooddiyaan
628. hadday fadal deeddamaan
629. muggood daranddoorriyaan
630. haddii badda loo dardaro
631. dawaad milan looga dhigo
632. dureemada loo qorqoro
633. waxay ku danbaynayaan
634. inay dib u soo gurtaan
635. Astaamaha dawladnimo
636. markay derejiyo Run tahay
637. Adaan cidi kaaga dayan
638. In daalacan Baad taqaan
639. intii dedan Baad ogtahay
640. horraysana Waad digtaa
641. dambaysana Waad sugtaa
642. intii daran baad kartaa
643. in doora rabbaad u tahay
644. dulleynna Adaa ku filan
645. daryeella Adaa ku faxan
646. Sidaad damacdaaba fudud
647. dardaar werintaada guud
648. Adaa naxariis ku daray
649. dannina boqor baad ka tahay
650. dayrona Hodan Baad ka Tahay
651. denbina Dhaafaad u Tahay
652. dulqaadna Allaad u Tahay
653. baryana Deeqlaad u Tahay
654. Adaan talo kaa degdegin
655. dorraato wax kuu ekaa
656. Adaan dib u qoomamayn
657. Adoo isla doonay laba
658. Adaan midi kaa durkayn
659. Adaan waxba kaa dibjirin
660. Adaan damac fuushanayn
661. Adaan waxba daba orddayn
662. Aday dani kuu dhantahay
663. Adaan xagal daac lahayn,
664. wixii hadhay baa dellegan
665. daalaa dhacu waw astaan
666. waxaa doqonniino badan
667. intuu dadba kow ka yahay
668. waxaan dalab waayi karin
669. intuu durey hoog ku yahay
670. hadduu dib qallooc yaryahay
671. naftuu damqayaan is bixin
672. sidii dudurkaan socdaa
673. sibaan u durdurinayaa
674. hortayduna waa derderan
675. hareeruhu waa deldelan
676. gaadashuna waa damdaman
677. aboor iyo waa dundumo
678. Dhadhaaba xidh baan tognahay
679. darmaan falan baan sudhnahay
680. dameero jin baan intaa
681. dib uun ugu guurayaa
682. shax baan degayaa hog hogan
683. hog baan ka ilduufayaa
684. wadaamo dugeed ayaan
685. darroor ka gufaynayaa
686. qabyaan ku dul meerayaa
687. iyadu daldalool ku nool
688. markaan gudin daab u helo
689. ayuu dumayaa habeen
690. dab baan dab cunsiinayaa
691. dab baan ku bakhtiinayaa
692. ummuur dedan baan haddana
693. dabool kale saarayaa
694. bar baan kula doodayaa
695. Bad aan bado daalin karin
696. naf baan isla doonayaa
697. is diiddo dhexdeeda taal
698. duunkayga baqaa ku jira
699. dareen cabsiyaygu badan
700. hadduu dacaw meel ka ciyo
701. didmaan isla boodayaa
702. malyuun dakhar baan qabaa
703. doogtooda ma ciidmi karo
704. waxaan ahay ruux u dagan
705. cadaawiyo duullan baas
706. kal dooxani way habtaa
707. dardaaran haddii la faro
708. digniintu hadday caddahay
709. dammiinku ma dhuuxi karo
710. dorraad ma xasuusan karo
711. waxaan dibindaabyo falay
712. shalay kama daacad noqon
713. dantayda wixii ahaa
714. haddeerra si dawgu yahay
715. dib baan ka illaawayaa
716. dad baan ahayoo Rabbow
717. kolley denbi way ag yaal
718. hawiyo damac baa i sida
719. hiyiga falan baa i dira
720. dareenka xun baa i shidan
721. ta ii daran baan jeclahay
722. kas baan ahay daymo dhow
723. kal baan ahay doonis badan
724. inaan dumey maan ogayn
725. inaan degey maan arkayn
726. dermaan Run ku goobayaa
727. dabaylo ibleys wataan
728. sidii qori daad la tegey
729. wed baan dul sabbaynayaa
730. intii dabin ii xidhxidhan
731. intii belo ii dahsoon
732. intii dalag loogu dhaco
733. dalluumaha ii qarsoon
734. Rabbow debecaaga saar
735. Miisaanku doc buu jiraa
736. docdii halistuu jiruu !!!
737. intaan dawan laysu tumin
738. dayaanku intuu negyahay
739. intay belo deyrantahay
740. intay weli duur xul tahay
741. duulduulka ku kooban tahay
742. hadday tahay maalin daran
743. ka sii daran baa jirtee
744. intay weli doobir tahay
745. dib iyo noqoshaan rabaa
746. dan iyo nolol baan rabaa
747. dawiyo nabad baan rabaa
748. xill daahira baan rabaa
749. naftayda inaan u diro
750. wax uu dugsadaan rabaa
751. hankayga inaan ku dayo
752. dagaal xaq ah baan rabaa
753. deeqdaada Inaan ku helo
754. damiir xalan baan rabaa
755. deynkaaga inaan ku gudo
756. Rabbow ifka nooga door
757. dedaalkana noo rumee
758. Rabbow danbbe noo ogow
759. wixii tegey duudsi yeel
760. Rabbow dunidaada weyn
761. dabaylo fayow ku xeer
762. intii dulin baas dhex taal
763. Rabbow digo xaadh ku fiiq
764. Rabbow magac dawladeed
765. intaan dugsan layn yiqiin
766. rabow dumi waa hungee
767. distuurrada baadilka ah
768. intaan xaqa daafacayn
769. ka reeb dambas waab dhex yaal
770. Rabbow dalka kaanu nahay
771. intii degel muumin yaal
772. wanaag ku dallaallimee
773. Islaamka kusoo dabbaal
774. waxay ku dulloobayaan
775. Dijaallada soo if baxay
776. qof deymo leh haw shidhayn
777. Haweenkuna waa duggaal
778. deeqdaada badh bay yihiin
779. waxaa lagu daaqayaa
780. siday u dul leeyihiin
781. shar daalacan baa jiree
782. iyagu dedan bay dhasheen
783. dunuubta ninkay badhxaan
784. Rabbow ducadayda sii
785. samaa dumar noogu dhiib
786. raggana dummaddooda saar
787. waxay dumiyeen Rabbow
788. haddaanay xumaanta deyn
789. Rabbow dalandoolka dhow
790. shil noo dihin maalintaas
791. Rabbow naga sii dabool
792. hortaadana noo dalee
793. degaankana nooga yeel
794. daryeelku halkuu Run yahay
795. haddaanay dir sooc lahayn
796. falkaagu u daw bannayn
797. cibaadadu waa ku daal
798. Badbaado qof doonayow
799. kashaada dareen ku beer
800. dareenka samaa ku beer
801. indhaha dib u soo muslimi
802. Illaahay dartiis ku eeg
803. daliilka hortaada yaal
Daalalay
Dib U laabo
Marka hore dad baan ahay
dad dad reebay baan ahay
dunji dhalan rogtaan ahay
hadba fadal durkaan ahay
Nabi dooran baan ahay
han dareersan baan ahay
hiyi durugsan baan ahay
da'da'deed u talisoo
ugu damac fog baan ahay
Dunidaannu wada naal
Noloshaannu deris nahay
Dalandoolka geeddiga
Dan qudhaan u jeedaa
Haddii taas mid lagu daro
Ama daadku halis yahay
Iinta mudan wax doorshaan
Inta daran u leeyahay
Dab waxa ku guban kara
Intuu daaro mooyee
Nimaan xeel ku damin Karin
Docse aniga way wehel
Iyo dulucda guulaha
Intaan daw ku laalla.
Daray waarayaan ahay
Duufaanku ima lulo
Dulin hoose ima galo
Dardaraale ina rido
Digdig beena kuma ruqo
Cirka danab ka soo dhacay
Deli igama raarrido
Kuma dumo tab iyo xeel
Dibin daabyo mooyee
Digaxaadhku ima tiro
Nin danaystay ima tebo
Nin darjiidhay kama naxo
Nin u go'ay daraadday
Isba garey daraadday
In dalleemo lagu huro
Nin dushayda ku xajiyey
Iska daansha daanshoo
Siduu iigu diran yahay
Ayuu iigu dagan yahay
Nin Dagaar fog iga koray
Anaa daaf u soo roga
Marna waxaan dammiintaa
Nin dil iigu xidhan geed
Danni kuma tallaabsado
Wax dahsoona uma tago
Demmanida shil kama dhigo
Ma aqaanno digashada
Haddaan lay dardaar werin
Dib waxaan u dhigan karo
Degdegeeda kuma qalo
Waxaan daadshey baa jira
Intaan daastey baa badan
Daymadaydu waa gelin
Duur-xulkaygu waa seben
Dul-qaadkaygu waa guun
Digniintaydu waa boqol
Diidmadaydu waa kow
Hadday daahdo waa labo
Dardartiisa gaarka ah
Qofna iguma deeqee
Dalabtaanan moogeyn
Inaan dayro lagu mudan
Qofna xagal ka daaciyo
Dal-daloolka kuma naco
Nin la yimi dedaalkiis
Anigaa wax ugu dara
Marna waxaan daboolaa
Xubnihiisa derida leh
Dedda kaca hayaan dheer
Nin dekaanka ila lumay
Inaan soo duwaan furan
Hadduu daal la kala dhaco
Dul la saaro kuma gabo
Uma dudu karaankiyo
Waxaan daafad loo hayn
Doqonkana anaa xila
Si aan dawga uga xidho
Waracana anaa dira
Si daddaabba lagu furo
Damacana anaa dhiga
Halka dabinku ii yaal
Ninka daacad igu nacay
Duudsigayga kuma helo
Wuxuu doonayee baas.
Ninka ii darraadow
Anba waw darsanayaa
Dibin-daabyadaadee
Tirtirsiga ha iga deyn
Carrab dananka laasima
Wacdi dowdab lagu yidhi
Ninka ii dudubiyow
Kuma deexdo hadalkee
Wax kaloon daneeyoon
Ku damqado ma haysaa?
Duni aanan weli maqal
Nin I daawisiiyow
Kuma arag daraandaro
Midabbada dalxiiskiyo
Ku dalaysan dheehee
Dux la'aanta gadantee
Wax intaas ka door roon
La dugsado ma haysaa?
Waxaan daanka soo marin
Dalqadaaba celisee
Wax dareenku iga jiro
Ninka ii dardarayow
Taas dameero loo sheeg
Dirxi iima dhuuntee
Midho daray nin jecelow
Ku liq adigu duuduub
Ninka dayday kaga dhacay
Dad intuu u xilan jirey
Noloshiisu duug ma leh
Bad daruuran baan ahay
Laygama dabbaashee
Ninka doonidaydii
Kala degey halkiisow
Anba doonnidaadii
Kala degey hankaygii
Damdamtiyo shirqoollada
Dirashada dhufaannada
Shaxda dalagta lawlaban
Waa laygu dagayaa
Xadhig qoob la duulaa
marba lay debcinayaa
nin I deydeyaayow
dhuka qaar ha iga deyin
nin dorraad ogsoonaa
halkii Daado lala maray
jidh dubaaxi maayee
nin gar iigu dudayow
dermno haygu kala bixin
duhur lays hor-joogaa
la'I deedafeeyoo
duqaydiyo wax garadkii
dhulka ugu da'weyneyd
dunbukh baan u dhiiboo
meyd bay dul yaallee
miyaan geedka damalka
dooyaysan karayaa.
Naxariisi kuma duxin
Dhegihii dorraatee
Hadday ii daloolaan
Damqashaa ku dhalisee
Dayo toobad laga filo
Denbigeedu ma oggola
Dawliilka hadalkay
Nin qabow ku durataa
Wax u dihin shar baa jira
Shacigeeda dura baxay
Dawadaydu kuma taal
Da'day maanta joogtana
Haddii loo kitaab dayo
Waxay daaqdo mooyee
Waxay deeqdo lama cuno
Malaa waa duqawdee
Haddii layska deyn laa
Dulmigay ku tarantoo
Dacawooyinkaa badan
Boqol baa ku daba jira!
Intuu daalac leeyahay
Ninka doonan karayaa
Dacwad qoro ma liqi karo.
Marka deelba deel cuno
Anaa tayda diirtee
Toban daawo lala galo
Derejiyo xil lagu taxo
Ama duunyo lagu qubo
Uma korin darmaantee
Waxaan duullan u cuskaday.
Inaan duug ku hubin karo
Madal iyo shir ila da'a
Inaan dood ka odhan karo
Inaan daahan garan karo
Dibnahayga bari karo
In la diidi karo yeel
Anigiyo dedaalkay
Inaan door ka filan karo
Anoo doogsin cararkii
La durduriyey haamaha
Inaan roob I daba maray
Ufadiisu igu digan
Debeciyo is dhigashada
Haddaan duulo halabsiga
Inaan hoos u degi karo
Dersi qudha ka dhigo laba
Dakharrada kol igu dhacay
Misna inaanay doog noqon
Ilaa daayin igu shidan
Daribtayda malabka leh
In dugaaggu nici karo
Inaan doogistaydiyo
Danahayga labadaba
Nin direyska igu qaba
Dummaddiisa lagu xidhin
Dad inaanu kala noqon
Dangalooyin kala jira
Si la dayaba aayaha
Dur u tuuran maayee
Dufan iyo nin jecelow
Rido adigu daabaca
Laba duni ku kala mudan
Doqonkaba u kala mida
Waxaan doortay taydee
Dirgan waaga hurisada
Maqashaa is dadabtoo
Dalanbaabi noqotee
Dib u guuri maayee
Nin da' furay kalkiisow
Dalka waan aqaannaa
Bahal iga da'weynoo
Dad cunii ma joogee
Ma didee hargoolow
Haygu tumin durbaannada
Iyo daasadaa madhan
Talo duubka lafa furay
Degdeggana wax lagu faray
Iyadaa durduro falan
Sebenkay derderan tahay
Xadhko lagu dabbaaliyo
Qabashiyo diddii ma leh
Dib waxay ka noqotaba
Below doorkan maanta ah
Adaan daacad kuu ahay
Haddii laygu kaa diro
Digashaan ka dhigayaa
Adna diid nin kula faqay
Samana waysu dihinnahay
Gabadh ii dambaysoo
Ii doonnan weeyaan
Waxaan dayday leeyahay
Degmo lagu aroosiyo
Gole lagu dabbaal dego.
Dibno iima gooyaan
Dakanooyinkaygee
Laba daw mid iga xidhan
Iga dayrsan nacasnimo
Iga deyran lahashadu
Iga duuban googoos
Boholyowna iga dedan.
Ha is deyso qiil ma leh
Dushaa layska eegtaa
Dib baa laysu eedaa
Haba diillin badatee
Shaxi duud u kala rogan
Siba deleb u kala guran
Weligaa ha igu degin
Godka daraya qoolka leh
Daran doorri nabarrada
Xagga hore u dalandali
Ha durduuratee sii
Ha is daashatee lali
Ha is daasatee hubi
Dadna wada dad maahee
Dalladaa habeenkiyo
Danbas buu huwanayee
Sawnigii rag kala diray
Kuwa dayrta iyo guga
Sida diinka sugayow
Anaa daaqa cawskoo
Ku higsada daruurtee
Ka hadh-gala diraacaha.
Nimaan diiftu saarrayn
Dusha sare ka qolof dhicin
Dubatadu ku shaacnayn
Nimaan daawa shiillayn
Ama degel ku sheellayn
Ama dibad ku sheegnayn
Daymadaydu suurayn
Waxa loogu digayaa
Dohdu Waamo maahee
Dirir baa ka socotee
Firdhisada iskaga durug
Marka dirir gabaabsiyo
Isma dayada dhiifta leh
Iyo duraha jiilaal
Dayawgiyo kulka is wada
Doorsoonka garashada
Daaddduunka nugukiyo
Doc ku dhiidhigeediyo
Dar-wisiisigeediyo
Dambabeera ruqankiyo
Daabaan u jedankiyo
Duul duuka Jaahweyn
Anigaa ka doogoo
Weligay danbeeyee
Dhulka deexda dharabka leh
Nin dallaallimaystow
Dad anaa ku hadhayee
Dhanka kale u diga rogo
Anoo daaya mooyee
Godobteyda daah iyo
Dadab yaa ku xidhi kara?
Anoo daadsha mooyee
Dabka yayga dhiga kara?
Haddaan doohba lay barin
Dibso yaa I odhan kara?
Rag dagaal isugu yimi
Haddaan guuli kala dirin
Ama duubi wada jabin
Isma dooda dhuuxdee
Marka dhaylo dubantee
Digsi xanan kulkaan bado
Iska rogo daboolkee
Fadhi dagagar yeeshaan
Garan dooca hadalkee
Debci qori hay faro.
Dirirtaan dhanna u dhicin
Dillo aan cuskanoo
Dabar ugu badheedhaa
Docna ima hor-taallee
Waxaan dani I yeelsiin
Is dugaashan maynoo
Dalqad baa ka taallee
Ilaa laysu dayn baxo
Waa duurxul nabadduye
Anigoo wax dili kara
Duco qaadan maayoo
Nolol kuma dardaarmee
Haba diirran oloshoo
Danba haw gilgilatee
Aaway dawladdii Xamar?
Duqri may maqlaysaa
Daratiyo kud iyo caal
Durey iyo kul iyo daaf
Waxaad duumo hidisiyo
Waxaad hayso daacuun
Annagaa daweynee
Dabaq qudha isugu gee
Ha ka tegin duruustey
Rag isaga danbeeyeen
Isku soo daroo keen
Cirka sare badh soo dumi
Waxaad hayso soo daa!
Dala'siga xanuunka leh
Dadnimaa ka dhalatee
Nolol aan ku dirirree
Darxumooyin nagu fala
Aan doombir qodonnee
Durdurada si naga dhaha
Dhirta aanu daaqnee
Guba dalagga beeraha
Dekedoo dhan naga xidha
Aan diinka qalannee
Cagta mariya duunyada
Aan direyska jamannee
Dirka maradu leedahay
Duni yaanay nagu hadhin
Marka salabku deeddamo
Daran doorri laba dhaco
Ardadaa dillaantee
Dadku haysu boodee
Ku dalbada hubka is wada
Dawersaad ku dhaqantaa
Dixda dhagaxa yaalliyo
Dogob aan ku furannoo
Farsamooyin dayannee
Keen dabaabadii hadhay
Cabsi iyo dardaan iyo
Dacwad iyo baroor iyo
Dugey yeedhi maysoo
Hengel waa la daayee
Ha mashxarado dumarkuye
Deldelaadda boqol boqol
Kala daran isugu xidha
Dacartaa ku shidantee
Ha darrooro hilibkuye
Daldaloosha xididdada
Marka toban la dooxaba
Annagaa kun dihannoo
Badhba diir u gelinnee
Dubta beerka caydiga
Dunqulaalka madagtiyo
Xololaddada ka daba hura
Annagaa ku daarroo
Qaybo degel gufeynoo
Duni kale abuurree
Duddun waayi maynee,
Idinkaa wax dumiyee
Daari yaanay taagnaan
Idinkaa degdegayoo
Nafta doojinaayoo
Diihaal la sahayee
Dux halkaad ku aragtaan
Dardarsada wadaamaha
Isku lura daldalashada
Docolkiyo hareeriga
Annagaa ka diirree
Furta dahabka ooryaha
Iyo duluca gaarida
Diriciyo malkhamadaha
Kala baxa dukaannada
Inta lagu dekeeyiyo
Inta lagu dingiigsado
Inta daabac lagu dhigo
In durraaxad lagu simo
Adaa dawladee guro
Anna weliba deeqdaas
Waxaan kuugu darayaa
Inta igu dul-saarka ah
Marka ay dibbootee
Nin hagraday ka daryshee
Dugsi looga leexdaan
Daba geli aqaannaa
Markay ciinka daaqdaan
Dabka ugu xiddigiyaa
Nin dumaala baan ahay
Degel fule ka bara kacay
Nin ku diirsadaan ahay
Maalintay u daran tahay
Marka daawad lala tago
Nin didsani iskaga hadho
Annagaa ku dirirnoo
Halka daranku dhicinoo
Sida loogu dabar go'ay
Deelley ka tirinnee
Nin debcow dhan uga guro
Dibadda iyo gudahaba
Dacallada hor iyo gees
Doc kastaba adoo jiga
Isu baydh dad-qalatow
Isku daya kas iyo maag
Inaad xeesha dalabta leh
Igu laba dibleysaan
Isku duuba qorigiyo
Birtaan daabka haystiyo
Midigtayda daalacan
Rabbi derejadiisiyo
Deeqdiisa culus iyo
Diintaan ku dhaartay
Culimada ducaysiyo
Lagu hubo daliilkee
Digrigaan ku dhaabtay
Xilka dawlanimadiyo
Dalka iyo shinkiisiyo
Dad leh baan ku dhaabtay
Dooddigii Mandheeree
Laga qaxay dayaankiyo
Darban baan ku dhaabtay
Dhabbad iyo Gal-dogob iyo
Digtii warayaal iyo
Duman baan ku dhaabtay
Birjeex deedankeedii
Laga diday kulkeediyo
Degsan baan ku dhaabtay
Lixle damacyadiisii
Diric Ina Saleebaan
Duxan baan ku dhaabtay
Ifku Xaamud daariyo
Khaliif doorrankiisiyo
Digan baan ku dhaabtay
Hurre doonnantiisii
Gurey Ina Dawaarriyo
Dar kalaan ku dhaabtay
Islow dara-digiisii
Danab Aadan Shiiniyo
Dadban baan ku dhaabtay
Karuur duur-xulkiisii
Iyo damalki Koosaar
Dedan baan ku dhaabtay
Dil-dillaanka dhiiggiyo
Inta nacabku dooxee
Dahan baan ku dhaabtay
Inta daahya dhagartiyo
Ku xidh-xidhan dalluuntee
Dabran baan ku dhaabtay
Dalan-doolka caydhiyo
Dingaraarka mudankiyo
Dibjirkaan ku dhaabtay
Inta cadowgu dayrshee
Dibadaha u hoyatee
Dulman baan ku dhaabtay
Aqallada daloolee
Doolaabo huruddee
Dansan baan ku dhaabtay
Garashada dareenkiyo
Inta laga dab-qaatee
I dirtaan ku dhaabtay
Dacar iyo ladh jiifiyo
Inta doogta kicisee
Damaqdaan ku dhaabtay
Dhulka hanad ka duuliyo
Duriyaan ku geydee
Daalacaan ku dhaabtay
Dar-daraa barbaartiyo
Inta dirirta geydee
Diran baan ku dhaabtay
Dedda-ruxanka maankiyo
Daaraanta godobtiyo
Dunbukhaan ku dhaabtay
Doodaha sinnaantiyo
Dimuqraadinimadiyo
Daacadaan ku dhaabtay
Deebaanka noloshiyo
Diiwaanka nabaddiyo
Duuggaan ku dhaabtay
Dil-dillaaca waagiyo
Dabka iyio cadceeddiyo
Dayaxaan ku dhaabtay
Qalinkiyo dawaaddiyo
Dugsiyada aqoontiyo
Dawankaan ku dhaabtay
Dalawada la maaliyo
Daableyda gudintiyo
Doobigaan ku dhaabtay
Darka iyo wadaantiyo
Inta doojinaysiyo
Dawliskaan ku dhaabtay
Digirtiyo galleydiyo
Durdurrada waraabshiyo
Dibigaan ku dhaabtay
Inta dhididku deeqee
Dan xalaala jiratiyo
Dubbahaan ku dhaabtay
Da'da soo kacaysee
Dummaddayda xilatee
Dagan baan ku dhaabtay
Hirka Daalalleydiyo
Dersan iyo Rashiid iyo
Duculdaan ku dhaabtay
Inta diib is marisiyo
Naxariista dunidiyo
Dumarkaan ku dhaabtay
Dab haddaan hunqaacdiyo
Haddaad daacdo dhabataba
Haddaad adigu doontiyo
Haddaad adigu diiddaba
Haddaad ii darraatiyo
Haddaad ii ducaysaba
Haddaad maato dabatiyo
Haddaad doobta lalisaba
Haddaad doolli noqotyo
Haddaad daasas fagataba
Haddaad geelal didisiyo
Haddaad dylo shabisaba
Haddaad faan dudubsiyo
Haddaad been daldalataba
Haddaad kaara ducatiyo
Haddaad geeri dihataba
Haddaad dooddi oroddiyo
Haddaad deeddan socotaba
Haddaad soo durdurisiyo
Haddaad xeel la durugtaba
Haddaad waalli duushiyo
Haddaad maan ku dirirtaba
Haddaad daad faruurtiyo
Haddaad soo da'fanataba
Haddaad duusho kicisiyo
Haddaad dawri carisaba
Haddaad dawga xidhatiyo
Haddaad deyr is marisaba
Haddaad buur la deristiyo
Haddaad dooxyo qodataba
Haddaad doobir shidatiyo
Haddaad diina taxataba
Hadduu dhiigu daatiyo
Hadday xaydhi dixataba
Hadday guushu degatiyo
Hadday daahyo rogataba
Hadday qaanso debecdiyo
Hadday shiish dellegantaba
Hadday Daylo curatiyo
Hadday deero tebisaba
Adoo dool dhaqaaqiyo
Adoo data mooyee
Damac waa halkiisii
Dabna waa dabkiisii
Dusdukay ku dheregtee
Haddaan daalku dheeraan
Gabbal baas u dumin nabad
Nin dalleensi lagu cunay
Haddaan guuto loo dilin
Dakharkiiba toban noqon
Nin kastoo dun iga qaba
Haddaan daab-cad lala dhicin
Jannnada durduurta ah
Haddaan daadku soo qubin
Aqalada derbiga dheer
Haddaan daaqad laga gelin
Ninka dabin ka boodka ah
Haddaan diirad lagu helin
Haddaan duubka gogoshiyo
Lagu dhuuman dalowyada
Haddaan shaashka derejada
Dallacaada laga nixin
Dal Allay u kibirtee
Haddaan iilka lagu degin
Haddaan meydku duurkiyo
Derrimaha ka fara badan
Sanqadhaa dabayshiyo
Haddaan fiinta laga didin
Fadhigay ku daaqdee
Haddaan soodhku dalandalin
Halka doobi lala maro
Haddaan raacdo daba gurin
Dacfalaanka mahaddiyo
Dardarsiga barwaaqada
Iyo doosha subbaga leh
Haddaan laysu dacarayn
Inta daran intaw daran
Haddan duulal lagu falin
Haddaan deebta gumuciyo
Lagu guban dabkaan shido
Duhur laysla wada jiro
Haddaan guusha lay deyn
Alley-lehe docdaydii
Ha Goblamo dad weynuhu.
Daryeel
Dib U laabo
Markaan daafta hoosiyo
arko daymo-bogashada
ararha la daadshiyo
dhirta lagu daleeyiyo
waxa buuro daah wayn
lagu daabay ciidiyo
bado laba dibleeyaa
ishu damac i gelisaa.
Markaan daawashada guud
dayixiyo cadceediyo
dildilaanka fadadkiyo
onkodkiyo dayaankiyo
danab laba dhacaayiyo
dardaraa hilaaciyo
arko hogol darroortaa
runtu igu duxdaayoo
derejada Ilaahay
dib usoo xasuustaa.
Haddaan doogga cawskiyo
deegaantu saarayn
dhulku duug ma yeesheen
dihaal mareebeen
qofna kuma daneysteen
Rabiyow dushiisoo,
dunidaada eebow
adigoon cid dirranbaad
todobaad ku dadabtoo
iyaddoo dambarisoo
sida doonan gabadheed
inta timaha loo dabey
dunta lugu afmeershaa
laga furey daboolkoo
dalagkaad ku beertaa
ninba weel darsanayaa.
Inkastuu qof diintiyo
dar illaahey jecel yahey
labadaan af yeeshaa
koley waa dambaabaa
hadduu kaa abaal daro
dadka kaad u roon-tahey
adigaa dul qaatee,
Rabiyow hanugu dumin
cirka duudka weynoo,
Rabiyow aannu nala degin
dhulkan aanu daaqnaa,
Rabiyow hannugu didin
bahalaha derderanoo,
Rabiyow hanugu dirin
dabeylaha cartamayoo,
Rabiyow hanugu dirin
duufanadaadoo,
Rabiyow hanugu darrin
durdurada rogmanayoo
Daad xoor hanaga dhigin.
Rabow duunyo nool baan
ka awoow dugsanayoo
dibnaheygu caaniyo
dux baruurleh mooyee
uma baran wax doorshee,
Rabiyoow diraaciyo
jiilaal dab-kululoo
dibad joogta cowshiyo
dabar gooya xoolaha
Dibirtooda naga hay
Raboow roobka deyrtiyo
guga doogsintiisiyo
Dirirada xareedaa
dacalada hanaga marinee.
Rabow duumadaadiyo
inta cuduro duushee
Docwareenka feedhaha,
sambadada dalooshiyo
Dacuun hanugu ridin.
Rabiyow dagaaliyo
dabley gaatamaysiyo
doofaarro badan baa
musduleedka joogee
kuwa diidey nabadiyo
belo laga ducaystiyo
manaxaan hanoo dagin
duulaan hanagu jebin.
Rabow dowladnimaduna
kuma iman dalxiisoo
doorroonayaal baa
u daldaley naftoodoo
dumar baa hugoodiyo
dahabkii u iibshoo
Doondoonisteedii
dhiig baa ku daatee,
Rabow dawlad curatoo
ubadkeeda deeqdoo
dakhrada bogsiisiyo
dawa la isku baantiyo
ka dhig malabka doocaan.
Rabiyow dirkeygii
gobolaa dambeeyoo
u dib jirey caddaawoo
darrayada gumeystuhu
daran-doori lagu dayey
rabiyow ka soo daa
Dibin-daabyadoodoo
shanta dagal isu keen.
Rabiyo dadkaygana
danwadaag isjeceloo
darjaysa qarankiyo
bulsho laga dabqaatoo
Carro Edeg ku dayatiyo
ka dhig ul iyo diirkeed.
Rabiyow dugaalkiyo
dugsi waa dhul hooyee
dibad ruux u sahan tegey
duli waayi maayee!!
nin da'diisa tuugoo
dawarsadey asaagii
doqoniimo weeyee!
dalkayaga Ilaahow
dheregiyo daryeel iyo
Wax nadeeqa nagu sii.
Rabow doodda akhiro
marka ay durbaankiyo
dawanadu is dhaafaan
dadku kuu yimaadaan
deryka soo fadhiistaan
rabiyow hanagu darin
inta aad ku digatee
u dareerta Naartoo
labadaada daraarood
rabiyow ta door roon
Kuwa dagaya naga yeel
Amiin Allahayow
Amiin Allahayow!!!
Dayn maayo Heesta
Dib U laabo
Laabtu way hugmanaysaa
Afku way hud-hudayaa
Hadal buu I leeyahay
Anna waan hor joogaa.
Wax la hado shil bay roon
Wax la helo lib bay mudan
Wax la huro naf baw culus
Wax la hubo wed baa jira
Senge hoohadaa baxay
Habaqlaa ka daba tegey
Inkastay habaaskiyo
Ka dhergeen huq iyo ciil
Hafashada asqoobeen
Boqol jeer hungoobeen
Weli way handanayaan.
Ma hillaabni laan-deyr
Ma hagoogni waabay
Hagar-daamo kuma jiro
Hurin diiddey nabaddiyo
Wadar ii heshiisoo
Huminaysa dhagar baa
Hubku iigu tuman yahay
Sacabkiyo haloosiga
Hogolaha ku soo degey
Haradiyo jidhaamaha
Waxan hooyi-waalaha
Ugu shubay hadhuubbada
Dadku inu hamuuntiyo
Kaga baxo harraadkee
Hilin kale in lala maro
Ama hawdka lala xulo
Haanraawe daba galo
Foolaadka kala hadho
Hororradu bakhtiistaan
Hiyigayga kuma jirin
Hiirtaanyo lagu dhacay
Haaraanku fara badey
Higil iyo faq dheeraa
Huradadii la deyi waa
Habar wacasho lays gurey
Hebel hebel canbaaree
Hebel kale ka marag dhigey
Nin hayaanka beeshiyo
Danta guud ku hawshoon
Hafarkiisa lagu dhaqan
Hilbo ceedhin lagu waab
Ninba harag u saynsaab
Hataq madaxa loo geli
Hoosaaso lagu qaley
Beladiila halabsaday
Hugunkeedu dami-waa
Nin hinaasay deyn-waa
Hibashada qumbacashada
Hengeshiina furi-waa
Hor Allaa la tegayaa
Wax hanbaysta baan idhi
Garta hubiya baan idhi
Runta lagama hiishee
Xaqa halacsadaan idhi
Hawraarsan laga waa
Haye way ku adag tahay
Wax hallaaba mooyee
Wax hagaaga ma oggola
Qaska way horseedaan
Xanta waw hiloobaan
Guusha ay hufnaantiyo
Si haboon ku waayaan
Xisti bay ku hooyaan
Hunguraa wax lumiyee
Hawadoodu kama foga
Haasaasa maalmeed
Murtidoodu huubiyo
Hal-dhac bay u badan tahay
Ma karaan higgaadiyo
Halxidhaale toolmoon
Haamaha gun-dheerta ah
Hilaygiyo lingaxa sudhan
Ma helaan sarbeebtiyo
Isha hoga-tusaalaha
Sugaanta hodanka ah
Hindisaha aloolka leh
Ereyada hal-doorka ah
Hab kalay u weriyaan
Hawraar nin tiriyoo
Hanaqaada ma oggola
Ninka hooto-dhegaley
Nabar hoos ka tuuroo
Dadban igu halgaadow
Hangaraarac baan ahay
Lugo habay hal iyo laba
Kuma hadho tummaatida
Dabka aydin huriseen
Hakin maayo socotada
Hoogaansigaygiyo
Hebednimada guudkiyo
Hayal-samida muuqiyo
Haaheyda malabka leh
Ha ku dagan sabaalaha
Hayin aan la raranoo
Lagu qaadin heeryoo
La hoggaansan baan ahay
Hamrashada asaaggey
Hooyaday iguma dhalin
Fula-guulka harawsiga
Hanjabaadda kuma dido
Hataqaha si dalagta ah
Haadaanta kuma jabo
Dabin haad ka roor dhigay
Yaan hilaaddu kaa lumin
Halla waa ogeysiis
Inta hoogga dacarta ah
Ku halaan-halaysaay
Hunbanida is gurataay
Ladhka soo hinqanayow
Nin haadaafa lama odhan
Haybta nolosho kaa xidhan
Nin habsadayna kama tegin
Himilada adduunyada
Nin la hago xil kama dhicin
Aniguna hed mooyee
Inta hibada Eebbiyo
Hawraarta maansadu
I hareera yaalliin
Hal-abuurku ila jiro
Hiyigaygu nool-yahay
Hammigaygu shidan yahay
Hanku igu lammaan yahay
Waxa aan higsanayaa
Dhul of iiga hirayaan
Haasaawe furan yahay
Qodob laga hadlaa jiro
DEYN MAAYO HEESAHA
Hollashada mijiiraha
Nin hannaanka gabayada
Hanan waayey naaskow
Hashu waa ammaanee
Haaneedka sii daa
Hogga aad daboosheen
Halistaa maleegteen
Shilka aad habayseen
Habbisada falkiinniyo
Isla hela awaytida
Habaarkiinnu ima karo
Debed Yaal
Dib U laabo
Deelley karaankeed
Inkastaanay duuduub
Demmanaha wax ugu odhan
Hadalkana u duur xulin
Ama daaqsin geel marin
Doc qudhay shifeysee
Dhanka kale ma daaweyn
Nin sharaystay kuma duxin
Dhego debecsan kama helin
Ma hirgelin dabuubtii
Dooddiina lama garan
Ama waa la dala'sadey
Lama baanan doogtii
Dakharkiina lama dhayin
Wuu sii darsanayaa
Daldalookii sii korodh
Daba-keenna faalkii
Ku dayow xiddigiskii
Dugtey xeegadiisii
Dildillaaca maraddii
Wax la sii daneeyo
La dugsado ka weynaa
Misna deylo bixisada
Dhaw dhawdu kama degin
Gaarriyow dabuubtiyo
La dardaarankeenii
Doolaalo dheeraan
Dira dire ka soo qaad
Dabaqyada dhunkaasha ah
Ninkii duubi kala baxay
Durba soo rogaal celi
Dooraalayaashii
Weli ways dalbanayaan
Damac iyo hungurigii
Sii durug hankoodii
Darka laysu mari waa
Xaajada delleganta ah
Weli dawliskeedii
Dandan buu ku dhacayaa
Qalinkiyo dawaaddii
Weli ways dul-yaalliin
Dul-fiqaarna lama dhigin
Qubanaha la duudsiyey
Isagana dagaal faran
Daanyeerku laan buu
Weli dacalka haystaa
Bahal ceedhin deyn waa
Anna waxa la ii diray
Daaraanta godobtoo
Nabarrada damqanayaan
Hadba dacar ku noolayn
Ilaa daayin abidkay
Dawankaan ruxruxayaa
Falla waan ku darayaa
Marka doobi buuxsamo
Intaan deebshey gaawaha
Danbarsaday irmaantaas
Adigaa hal-doorkiyo
Suugaanta derida leh
Dir ku kala kexeeyoo
Midba dara-dhigiisiyo
Dhirta looga diiriyo
Dillo ugu abtiriyoo
Dantu waxay u magan tahay
Darka fayl is dhaafiyo
Daran-doorri shubidee
Inta aynu dirirtiyo
Dood wadaagga leenahay
Dabra celinta xeeshiyo
Shax dalaynta togoshada
Hindisaha godkaan dego
Ku danbee Rashiidow
Jire waa ii duufaa
Jarta haygu sii deyn
Intaan deebshey gaawaha
Danbarsaday irmaantaas
Wax la yidhi nin dooloo
Beryo dibada meeroo
Dani baajin weydaa
Caal waa dib ugu kacay
Degelkuu cid ku ogaa
Fadalkiyo durduradii
Wuxuu dacal ka soo galay
Dooryaanle waagii
Didibkii la oollaa
Daaqsin buu ka halacsaday
Dayr-dhaaf nin jiilaal
Shitay dogobbo waaweyn
Waxa duunka hoosiyo
Damaciisu kula faqay
Ninkaas daartay xaabada
Wax u dagamsan baa jira
Lugihii degdegayuu
U duwadey dhankiisii
Isla doonasho Illaah
Doobku waa walaakii
Waa ninkuu dad iyo maal
Dummaddiisa kaga tegey
Durba laysku soo bood
Degdeg laysu gacan qaad
Wuxu yidhi "bal soo durug"
Hadalkana I deeqsii
Marmar baan daraaddiin
Degdeggiyo kalgacalada
Odhan jirey ma duushaa
Meel bay dalooshoo
Dal tabyaa I haysee
Duni waa ku dhaqannoo
Dareen lagama waayee
Degmadii ma nabad baa?
"wuxuu yidhi Dareen ma leh"
degmadana shil kama dhicin
dadna waa fayow yahay
kuye "dooddigaygii
dardartaan u yeellaa
imminkaan debcinayaa"
ninba dabada meel saar
warku sii dabayl raac
laysu daaddeg toyashada
Wuxu yidhi "hal ii daran
Goreygii dufka lahaa
Ma rakaatay doobtii
Shinbiraha ma didiyaa?
Wuxuu yidhi "ku daayaa"
Maxaa daarey buu yidhi?
Wuxu yidhin "dabaalkii
Lafii Daabbad qaarkood
Sow duleedka kama helin
Duf ku bexe wedkiisii
Doqonniino gurayaa
Nacasnimo daldalayaa
Dabadeeto eedyaa".
Wuxuu yidhi dul-badanii
"doonnidii la raran jirey
ma nafbaa ka daydeen
mise wuu dibboodoo
dugaag caydha baa helay?
Kuye "daayinkiisii
Denbi dhaaf ha siiyee
Sawti duugti loo qalay
Ducadii adoogeen"
Wuxuu yidhi "duqeennii
Degta inagu sidi jirey
Isaguna ma dubuq yidhi?"
Kuye "seben ummulo doox
Dabayaaqadiisii
Intii aan duqduba hoyan
Dabra weerar nagu dhacay
Duullaan ku dhimayaa."
Wuxuu yidhi "ma Daadana?
Kuye "daad la orodyaa
Daaddeys ka xooryaa
Intaan danabadaaddii
Ubadkiyo durriyaddii
Dahrigaaga laga jaray
Subax keliya duudduub
Lagu darin xabaalaha"
Wuxu yidhi "dabayshaday
Dayaxay madoobaa
Gabbalkay dam weeyaan
Da'yartii cuddoonayd
Iyagana docdoodii
Ma daleel bannaan baa?
Kuye "duumo xaaqdaa
Intaan Dahabadaadii
Duulal raacay loo tiring
Iyagana ka daba gee
Wixii aakhiraw degey"
Kuye "Dahabadaydii
Iyaduna ma duug baa
Maxaa loogu daw-galay?"
Ma dumaashiday baa?
Kuye "waaban daalee
Sawtii Duleedow
Daandaansi keentee
Jin dagaagay maagtee
Aqalkii ka dumisee
Lagu helay danbiga culus
Sawtii la doorshee
Dalandoolli laga dhigay
Intaan xoolo dabar go'in
Duugowyey xiisii
Dirga waayey hadalkii
Indhuhuna is daydaye
Wuxuu yidhi "dad yaa hadhay?
Maxaa duunyo weli nool?
Kuye "duunyadeennii
Daratiyo kud weydii
Dadna waa anoo qudha".
Duleedoo aqoonsaday
Inaan guul danbaysoo
Lagu diirsadaa hadhin
Ayaa daymo murugo ah
Dibno jiitamaayiyo
Deelqaaf ku yidhi ciil
Danab iyo warjaaf iyo
Daacuun ku kala goo!!!
Reerkan daaha loo rogey
Dubbihii Illaahay
Darandoorri ugu dhacay
Dam daguugan laga dhigay
Miyaad guul darraystow
Nabad iyo dardaan iyo
Igu tidhi dereen ma leh
Waxa duur-xulkaagani
Kaa daarran yahay sheeg!
Dibadyaal kal adakaa
Naxariisi kuma duxin
Jidh dareen umaba dhalan
Damqashada walaalkii
Weji duban ku baabi'I
Af daboolan kula hadal
Ma degdegin jawaabtii
Docdan iyo docdaas dhawr
Dib xasuusta ugu noqoy
Mirashada ku sii daah
Dabkii xaabo saarsaar
Madax diiran baaqbaaq
Taataabey dakharrada
Qosol buu ku yara daray
Wayska dagagar jiifee
Deexashuu la soo kacay.
Wuxu yidhi "degmadayada
Dugsi keliya baa jira
Diric keliya baa dhiga
Dersi baanu baranaa
Dulliga iyo beentiyo
Doqonniimo faankiyo
Qoqobkiyo dirsociyo
Ducadiyo yaboohdiyo
Inta laga diqoodiyo
Dawersigu ka kow yahay
Digashadu u mudan tahay
Marka qalin daraalaha
Dilla sheega la cuskado
Intixaanka loo dego
Ka dul dhiga jawaabtiyo
Doorkiyo wax-garadkaaa
Inta daadataa u badan"
Wuxu yidhi "degmadayada
Dibnahaa la cunayaa
Qosolkaa la deexdaa
Adigoo il dabayaa
Dadku inaanay kaa garan
Misna lagu dedaalaa
Marka aad Duleedow
Sidaad doonto weydaad
Sidaad diiddey yeeshaa"
Wuxu yidhi "degmadayada
Si dareenka garashadu
Aanu nooga noqon duug
Dawrigaan hayin ahayn
Ma dagmaha indha qaba
Tiisa waw daboollaa
Waanu daadahaynaa
Wuxu daymo boganlaa
Dulmar bay ku gaadhaan.
Ka dheguu daloolaan
Daba gala wixii dhacay
Xanta durugsan heli kara
Dooca waw gufaynaa
Deeqsiinta hadalkana
Farahaannu dirannaa
Iyagaa ka door roon
Dibno sheega godobaha
Hayska dagamsanaatee
Yeedhow dam weeyaan"
Wuxuu yidhi "degamadayada
Roobabkiii ka di'I jirey
Dirirradu ma baahaan
Dalka uma sinnaadaan
Annagaa daruuraha
Deebaanka haynnoo
Meeshaanu doonnaa
Lagu soo dabbaalaa
Dooxaannu seerraa
Deyr ooda marinaa
Hogolaha darrooraa
Marka ay ku daataan
Deegaan ka saaraan
Waxa doog ka soo baxa
Yaa daaqa ma og tahay?
Inta duunyo dhaqatadu
Docol ruug tidhaahdee
Markay xaabka daaftiyo
Inta dacaydu gaadhiyo
Daab gaabta laastaan
Dhirta hoose diirtaan
Xoolaha dar-leefka ah
Jeenyaha dul-saaree
Laamaha duxleyda ah
Damac fuul ku goostee
Daamankaan wax sii marin
Dira waxay haleelaan
Gawsaha dalqada ku leh"
Wuxuu yidhi "degmadayada
Ninka ragga daryeelkiis
Ama duubka sharafkiyo
Derejada la siiyaa
Dabar iyo nac weeyaan
Darbbo waw ma dhaafaan
Deldelaaddu xeer ma leh
Kol haddaan xaq lagu dilin
Denbi meesha kama dhicin
Deero deero ma hirddiyin
Sama diidna loo qaad
Meydka waw baroor diiq
Dumarkana hugoodiyo
Diibkoodu waa weer
Dacar bay ku dhaashtaan"
Wuxu yidhi " degmadaydu
Boobka way la dirirtaa
In la duro garsoorkiyo
In la dumiyo ma oggola
Badi waxay danaysaa
Dadku inay sinnaadaan
Kefedaha dalooliyo
Miisaanka dalabta leh
Waxa laysu dacal sudhay
Dibindaabyo maahee
Waa daryeel sida u yaal
Danyar loogu tala galay
Si aan laysu daba gurin
Dulmiguna xaqa u cunin
Dayaxaannu awdnaa
Qorraxdaannu daahnaa
Nuurkaannu damiinaa
Mugdigaannu daarnaa
Dabadeeto fulinaa
Sharcigii dalka u yiil
Cir da'furay habeenkii
Dallad baa la qaataa"
Wuxuu yidhi " degmadayada
Dahab baaanu shiillaa
Lafta dhagax dixeedkiyo
Bir-lab aan dubnixinoo
Dabcin baannu shiidnaa
Derbiyaannu fanannaa
Daaraannu taagnaa
Digir iyo galley iyo
Dalag baanu keennaa
Daacaddaannu beerraa
In yar oo dalxiiskiyo
Weriyaha dan-fulintiyo
Marti daansha socotiyo
Ragaan lo darraan Karin
Lagu dararsho mooyee
Isku dubnideedaa
Dekedaha la geeyaa
Duniday u dhooftaa
Dulmigaannu gadannaa
Dibadaha ka keennaa
Waa daba qabsiye garo.
Qabqabtiyo durbaannada
Daran doorri dhacayaa
Diihaal ma reebaan
Dayac beel ma haynee
Dundumaanu maydhnaa
Sida ogaxda diinkaa
Daymadu na korisaa"
Wuxu yidhi "degmadayada
Cudurrada dillaacee
Aayaadka diintiyo
Dadku uu Quraankiyo
Daa'inkay ka magan galay
Waaba lagu ducaystaa
Haddaannaan dagaal ridin
Ama ciidan soo dumin
Dawliil ku naalloon
Ama duul xeryo u goyn
Ama keenin daacuun
Ama daadad soo rogin
Webiyada durdurayaa
Jiilaal wax naga dilin
Daba-dheer na salabayn
Diigaanyo nagu dhaban
Miyaa daasadaa madhan
Dirham noogu dhacayaa?
Wuxuu yidhi "degmadayada
Ruuxii la duugaa
Marka laga dareeruu
Dardar soo ceshaayoo
Dib u soo dhashaayoo
Durba loo mashxaradaa"
Wuxu yidhi " degmadayada
Dadku waxay la yaabaan
Dan quntaa u fara badan"
Wuxu yidhi " degmadayada
Dibida iyo weylaha
Waxa dhala dameeraha"
Wuxu yidhi " degmadayada
Waxa jira Duleedow
Habar doobir kululoo
Dhererkana Dijaal le'eg
Dadabkiyo ballaadhkana
Dhirta daray ka xoog weyn
Dhakadana il dooftoon
Dawo Karin ku leedahay
Mar inay wax dihatoo
Ubad daaddahaysay
Si kastaba u doontoo
Markay ciil dellegantee
Toddobaatan dayrood
Dedan iyo si daalacan
Nafta damac u gelisee
Baryadii ka daashaa
Rabbi deeqsi weeyee
Ducadeedi ka aqbalay"
Da'baa wiil gurracanoo
Falanoo derderanoo
Denbi iyo xasarad badan
Curad guri danbaysana ah
Dirqi iyo si fool adag
Hoosteeda laga deyey"
Iyadoo ha dagantii
Digta qalabka reenka leh
Kaga dannaninaysoo
Demman guulaheedii
U dabbaal degeysaa
Suul-Cayn durduriyoo
Dubur buu ka xulay Hawd"
Damdamtiyo ciilkii
Dib waxaan u dhici Karin
Duqdu sow khalaawaha
Wax kastaba iskuma deyin
Dulucana umay xidhan
Kolba daw shixnadan bay
Sanqadhaha docdeeda ah
Hadba ruux la duushaa
Markay dayma bogashada
Weji dadabka quusta ah
Isha daawisiisay
Qofkaan duud carrale noqon
Daad xoor ku tuurtaa"
Illaa maalintii dura
Sidii bay Duleedow
Xaajadu dudduuc iyo
Deji iyo dul gee tahay"
Ninkii dalawadiisii
Duhur geed ka seexdee
Dib jiree habeenkii
Bahaluhu durduurteen
Dildillaaca waaberi
Dalag dalagta raacdada
Ku dul dhacay raqdeedii
Runta Magan is diidsii
Indhahana dib ula noqoy
Ruuxeeda doon doon
Dad kaleeto weydii
Wuxu yidhi " degmadayada
Danbbar laguma maalee
Dar-xumaa ka oloshoo
Dalawadu nin moogow
May gabin dadkeedee
Waxa loogu daw galay
Ninaan daawo xidhinoo
Ilaa dalan-dalkiisii
Doofaaro dhiqi jirey
Duluglaha is haystiyo
Dibiyada herdamayaa
Dixda ay ku shaxayaan
Waxa damashi weyneyd
Dhirta looga dabar jaray
Durba haysu muuqdeen
Kibir haysu dooxeen
Dacawaa basaastoo
Dufan looga shubayaa
Dooh doohdu waa been
Nin dalaafsan baa yidhi
Waxay daarran tahay waa
Isku didi ibleysow
Mid ahaan duxdiisiyo
Daribtiisa noo loog
Degelkaad xusaysaa
Ma dal buu ka weyn yahay.
Naf adaa u dudayee
Afka sow ma hadal deyn
Kuye "daba-likaalow
Alleylehe dad baa ba'ay
Waxaan doogsin cararkii
Diihaal la orodkii
Habeenkoo dalool tegey
Socodkiyo dawaafkii
Didmo caymadkaygii
Deli iyo jar kala dhacay
Wixii doox rogmanayaa
Igu daray badweyntee
Daad-xoorta iga dhigay
Dalo iyo dir-soor iyo
Waxaan diif la golongolay
Dalan dool u yeellaa
Daalaa dhacaygii
Rugtaan soo duggaashadey
Miyaa ii darraatoon
Ugu imi dardaar werin
Maantana degaankay
Ma Dagaar u guur baa
Iyo diillintii Gurey?
Wuxu yidhi "Duleedow
Dilalyada ku haysaa
Amba iima dihinoo
Intii ay dabayluhu
Hadba meel deleeliyo
Daaddeys ku dhigayeen
Wixii daad mahiigaan
Dal shisheeye kugu furay
Dabataan ku noolaa
Dhaxan baan dugsanayoo
Anba dayro ku ahaa
Dibadyaalla kula baxay
Dooyeysigaygiyo
Dunqulaalka hoosiyo
Digsigaan babbinayaa
Gacma daalis weeye
Dux inaanan kala bixin
Malaa daawashada guud
Dunjigaygu kugu filan
Haddaad diidday maandhow
Bal ninkaad u tahay deni
Iyo xaaji soo degey
Saadaasha kugu daray
Isna tiisa daymood
Ninkii duurka caydha ah
Duufaan ku soo ridey
Halkuu daalac heli laa
Markii dayn ku sii go'ay
Intuu duubi quusiyo
Dib u liqay candhuuftii
Dirri-xaradh ku hawshoo
Wuxuu yidhi " dulmanidaa
Misna gacan degganidaa
Aaway dawladnimadii
Iyo doorarkeeddii
Ma dad baan arlada jirin
Ma nin baa daraaddii
U daddaaba xidhantiin
Caku aaran dubatada
Iyo dooxatada baas
Dabar maad u goysaan
Xadhig maa u diirtaan
Dibso maa tidhaahdaan
Colka wadhaf ku daydaan
Nafta deeq u bixisaan"
Wuxu yidhi " degmadayadu
Dareen way ka siman tahay
Doogna way gudboon tahay
Doorna waw midowdaa
Libna way ku dirirtaa
Xilla way daryeeshaa
Daba gelisyadiisiyo
Dad-qal way ka adag tahay
Danna way wadaagtaa
Duddadaa u kala rogan
Mana kala dab qaataan
Dadab baa ku kala xidhan
Kala durugsanaantiyo
Digadana nin baa shiday
Dawaduu ku huriyaa
Rag inay ku damiyaan
Dannigoodu farayaa
Gaas bay ku darayaan
Meel daad u baahnayd"
Waxes jira Duleedow
Dibirrooti kulul baa
Dingaraaradiisii
Xaska lagula daatee
Dakharrada la geystoo
Waa daanno culusoo
Rag iskaga danbeeyaa"
Malaa wayla durugtee
Aan soo dabbaalee
Tartan laba ku dirireen
Dahab loogu beretamey
In la seexsho dacawada
Danta laga lahaa waa
Inuu diinku guul helo
Dulmarkiyo ujeeddadu
Dadka waxay baraysaa
In dedaalku wacan yahay
Dhanna dulucda sheekada
Duur-xul baa ku yara jira
Iyo dala'si laga wado
Duqu inaanu dheerayn
Sida loogu daran yahay
Iyadoo ka diimmoon
Dayo moog habaarkaas
Awgiis ma daaree
Isna duubka hibada ah
Doomaarta cawskiyo
Daristuu ka jecel yahay.
Doqonniimo lama dhayo
Hedna lama daweyn karo
Dadka aad ka dhalatiyo
Dalka aad u dhalatiyo
Nin la yidhi danta u tali
Hadan laga dabqaatiyo
Diric iyo fariid noqo
Dibin daabyo ku ogow
Duco iyo xusuus iyo
Duug aad ka dhaxashide
Xilka daacad ugu hay
Ha dullayne gaadhsii
Meeshay daraaddeed
U galeen dagaakii
Diiftiyo kulka lahaa
Dib u dhaca ka maaree
Dumar iyo rag hawl geli
Kartidooda deeqsii
Derjow sugnaatoo
Guul baa u dagatee
Alla doori saw kaa
Darka jiidhay Maaweel!
Waxaan dooddi kaga baxay
Hdalkana ku daa idhi
Nin dab liqay Rashiidow
Dhuxul buu ka daacaa
Ma darmaanta booddee
Didday baan u jeedaa?
Ma daliilka muuqdiyo
Dhamac hoos ka darartoo
Is dallaallimaysiyo
Danbas baan aqaannaa?
Halka Deyr wakhtigu dhigo
Dib baa looga sheekayn
Kaddaraa u magac bixin
Dhahar
Dib U laabo
Dhamme Maxamed Xaashow
Ina Xaashi Dhamacow
Dhaadmada dareenkiyo
Dhacdada iyo waayaha
Ninka ila dhadhamiyow
Jiilaalku dheeraa
Dhulka xaabki ka idlaa
Dhalma deys cirkii noqoy
Dabka dherigii saarraa
Dhagxantii bislayn waa
Inkastoo dhir xoogliyo
Dhamac yaab leh lagu shiday
Ma dhadhaab nuglaadoo
Sida dhaylo suulkiyo
Lagu goosto dhooshoo
Hilib laga dhishaa jira.
Dhamme Maxamed Xaashow
Ina Xaashi Dhamacow
Dhahar waa ninkiisii
Garashadu dhibtiisiyo
Dhaawaciisa weeyaan
Dhalanteedka beentiyo
Dhaymihiisu waa faan
Shilka dhacay ma moogee
Isagiyo dhanqalantada
Dhacantaa u kala rogan
Wuxu yidhi "dhibaa jira
Dadku baahi dhigatoo
Lafahooda dhuuxdiyo
Dhugatay la jiifaan
Arrin aan dhegeystoo
I dhacaysa maahee
Waxa aad dhafoorkiyo
Dhabannada la haysaan
Maqashay ka dhegalee
Hadday tahay dhismaa guud
Ka dardaarmay dhawr jeer,
Hadal kuma dhabcaalayn
Dharaartiyo habeenkii
Dhawaaqaygu ma hakado
Waxa weliba ii dheer
Dhanbaalkiyo wareegtadu
Weligood is may dhimin
Annaa guusha dhaliyee
Dadka wada dhergaan idhi
Waxa hadha dhigtaan idhi
Dhux-dhux iyo faq hoosiyo
Dhagar qabe ha joogee
Weli ruux dhammaysoo
I dhalliila maan arag
Dhugashada kormeerkiyo
Dhaabaddiyo fagaaraha
Dadku sacab is dhaafiyo
Dhag-dhag iyo mashxarad bay
Igu soo dhoweeyaan
Dhan kastaba magaalada
Inta ay sar dheer iyo
Dhabbo iyo jid leedahay
Waxa dheeh farshaxan iyo
Sawir wada dhalaaliyo
Waxa iigu dhigan faan
Dhaayihiinu ha arkaan
Dhug u yeesha maansada
Dhubbad-qaadka heesaha
Abwaan dhaartay suu yidhi
Miyaa ruux I dhaamoo
Lay dhaafsho haysaan?
Dhallinyariyo waayeel
Dhabba aan u hadallee
Haddaan dhigo xilkaan sido
Yaa u dhiibanaysaan?
Dhamme Maxamed Xaashow
Ina Xaashi Dhamacow
Kolley buuxsan dhiilkii
Toban saniyo dheeraad
Lagu dhurayey ciilkoo
Lugtu jeeni dhaaftee
Dhaadashada ma sugan tahay
Dhumuc iyo ma xoog baa?
Dhillowyahankan geedkii
Lagu beeray dhiiggiyo
Dheecaanka wadhatada
Dhexda tolow iskaga maray
Dhirta maw abtiriyaa
Sida dhalashadeediyo
Dhaqankeedu kala yahay?
Mise wuxuu ka dhigan yahay
Habartii mar dhooftee
Doonnidu la dhacantee
Badda dheelligeediyo
Dhaxantiyo dabaylaha
Dhawawalan ka qaaddee
Iyadooy dhaqaaliyo
Nafba kala dhaqaaqeen
Ka dib dhawr ayaamood
Salka dhigatay ciiddee
Dhulow kaama kaco tidhi.
Dhamme Maxamed Xaashow
Ina Xaashi Dhamacow
Cashaday dhaharatee
Geelu dhimo hadhuubkee
Dhaqayiyo galoof yahay
Rag ka dhoofa baa jira
Dhamac yo hannaan iyo
Saddex dhaqan wadaagtoo
Isu dheelli tirantaa
Dhuuni lagu bislaystaa
Gaarriyow dhardhaarada
Kol haddii mid laga dhigo
Rag dhuyaala baa jira
Maalintay dhanaan tahay
Rag dhirbaaxo guudheed
Inta ay ku dhaashtaan
Xiddigaha is-dhalan roga
U dhufaanan baa jira
Inta qaran dhiskiisiyo
Dhidibkiisu taagnaa
Dheeraad nin dooniyo
Nin ku dhega xaaqiisoo
Dhacsanaayey baa jirey
Dhederbiga colaaddiyo
Rag hadduu dhabiiltamo
Fule dhimashadiisaa
Dhawr jeer noqnoqotee
Wax la yidhi dharaartaas
Ninkii dhiirran geeridu
Isagay la dhalatee
Hasha dhaxal wareegtiyo
Dheeha furashadeedana
Keligeen dhunkaashiyo
Dhugtan kama go'aynee
Haddii laysu jilib dhigo
Kumanyaal dhigeenoo
Waxba dhawrsanaynoo
Sida awrka dhaameel
Dhoomuhu gubeenoo
Dhibta kula wadaagoo
Isu dhaarsan baa jira
Dhamme Maxamed Xaashow
Ina Xaashi Dhamacow
Dhidarkuba xabaalaha
Kuma dhaadhaceenoo
Kuma dhiirradeen ruux
Celinkara dhawaaqee
Kolkuu meydka dhiilliyo
Dhaqdhaqaaq ka waayuu
Hore ugu dhowaadaa
Dhinacyadiyo feedhaha
Muruqyada ka dheegtaa
Kol hadduu dhawaaqii
Dhicisoobey gabaydii
Dheg ka maqal ha joogee
Lumay dhaqan galkiisii
Sheekadu Dheg-Dheer iyo
Dhoor-doolis noqotee
Gaarriyow dhammaadkiyo
Dhakhso mawgu gudubnaa
Bulbullahan dhabacashada
Ku madhsaday dhallaankii
Lafta dhabarka ka habsadey
Waayuhu dhirbaaxeen
Dhaadhaada taahiyo
Dhuun-yeedhis mooyee
Sida kale u tamar dhigay
Beri buu dhinbiil iyo
Dhuxul daba ka kululaa
Weli lagaga dhawrsado
Xaajadu ha dhabaqdee
Dhabba maw abbaarnaa
Dadka dhiillo culus iyo
Dhakafaar ma gelinaa
Wedka maw dhadhaminaa
Dhagar maw badheedhnaa?
Durdur
Dib U laabo
Maansaba dir bay leedihiyo daabac gooniyahe
Ninba wuxuu ka doontaa halkuu gaar u daaqsado e
Dadka uma gudboonee ragbay duuunyadiis tahaye
Deebaanka ruuxii hayaa lagaga daydaaye
Kani waa dux iyo sooryo iyo malabka doocaane
Waa dood macaanoo nin ragu lagu daweeyaaye
Waa gabay da'weynoo sannado dabaqu saarraaye
Waa doog Massaarriyo ku yaal Doollo iyo Hawde
Waa damal hadh weynoo midhaa daafta soo dhigaye
Waa ceel dad liqahoon fudayd loogu daadegine
Waa danan Ganaanoo fatahay dirirta cawleede
Waa dayr Shabeelloo dhulkiyo doojey beeraha'e
Waa daad rogmadey oo hadhsaday dooxadii Herer'e
Waa duhur Togdheeroo hugmoo kiciyey duufaane
Waa doonbir lagu oon bixiyo daran Nugaaleede
Waa Haro Digeedoo biyuhu dhinac ka daateene
Waa geed Dayibahoo ka baxay sabarka Daaloode
Waa doobi xoorliyo karuur lagu durduurtaaye
Waa deer-cad geeloo rintiyo dahabta qaalmoode
Waa faras dakano raadiyo duullimaad galaye
Waa geesi ciil dirirayoo doog haruu qabaye
Waa gabadh da'deed joogta oo guudka loo dabaye
Waa daraya-muuskiyo dhaclaha Daadi xidhataaye
Durdur weeye laga dhaansadaa daayin abidkiiye
Waa gabay dihnaayoo wax badan ibo daboollaaye
Waa gabay duqii aabihii dayro ka ahaaye
Waa gabay dorraatiyo ogaa dakharradeediiye
Waa gabay durbaankiila tumay diif la soo kacaye
Waa gabay ku diirsaday markuu waagu daalacaye
Waa gabay dagaar iyo ka yimi diillintii Guraye
Waa gabay dushaa sare jiroo caawa soo degaye
Afartaa daleeyey waxaan dib ugu soo laabtay
Toban iga dardaarana hadduu hadal wax daaweyne
Ninka caawa loo dadab dhigow maqal dabuutayda
Diktoorkaan u maahmaahayow hadalku yuu duulin
Baribaa dadkuba qaawanaa dibad ku noolaaye
Ooy daaqayeen cawska iyo darista geedaha e
Dareemada marbay ugu koreen duudka buuraha e
Dalanbaabi iyo guuldariyo dooga cunidiida
Danbaa galisay inay raadiyaan nolol ka door roone
Dugsi iyo markii ay heleen dab i iftiimaaya
Duunyadiyo markii ay dhaqdeen bahaladii duurka
Ugaadhiyo markii ay dabteen deeradiyo cawsha
Beeraha markii ay degeen orodki may dayne
Damacbaa hogaanka u qabtoo door labaad raraye
Daar iyo markii ay dhisteen aqalo daah wayn leh
Markab aan dagayn iyo markii doonyo lagu dhoofay
Sabarayn dabaashiyo markii qalab lasii daayay
Nin waliba markuu daadsadee kibir la daanshooday
Yaa niman dalxiis ugu keceen meel dusheena ahe
Sawaariikh dilaantiyo rag baa guudka loo diraye
Duhur kaliya bay sii socdeen daala may arage
Dayaxay habeenkoo badh tagay degel fadhiisteen
Maantana dhulkii sii durugsan baa dirirka muuqdaane
Dabagaabahaa lagu socdaa awrka doobta lehe
Daalaa-dhac adigoo ahoo cudur ka soo doogey
Nin tunkiisa daawaday hadduu kuu dardaar weriyo
Libta looma daayee ushaa lagu dillaacshaaye
Innagiyo nin dahab sheegtayoo qubaya Doollaarka
In dagaalku labadeenna yahay dib u xusuusnaada
Afartaa daleeyaye waxaan dib ugu soo laabtay
Toban igadigniinaan ninkii dagan ogeysiine
Ninka caawa loo dadab dhigow maqal dabuubtayda
Diktoorkaan u maahmaahayow hadalku yuu duulin
Dibnaheeda waxa dhaafayee gelaya daankeeda
Yey qodoni eexaysataa dux u taqaannaaye
Ma og tahay ninkii doora baa hadalku deeqaaye
Ma og tahay sursuur daahan baa dabinku yaalaaye
Ma og tahay dalluun baa ka qodan doox hortaada ahe
Ma og tahay xadhkaa dadsan aan lana dareemeyne
Ma og tahay inaad door heshaan lagula doonayne
Ma og tahay tag kula doodayoo kuu dan laa jire'e
Ma og tahay shisheeyuhu nin dagan waa kuwii dila'e
Ma og tahay digtoonaan la'aan dacar inaan leeftay?
Diga-rogadka maanta ah gacmuhu ways dugsanayaane
Dawgaad banaysaa ka kale deylo soo marine
Degelkaad furtaa baa ka kale deyr u soo jariye
Dabka aad shiddaa baa kale saari dogob weyne
Wadaantaad dar keentaa ka kale laaska soo dariye
Dagaalkaad gashaabaa ka kale duub u soo xidhane
Derejada laguu dhiibey iyo guusha kugu deyran
Ma og tahay dallaallimada waa kugu deyeynaaye
Caleemaha ninkii daadiyow dan iyo xeeshaada
Ma og tahay nin daastow inaad dib ugu aayeyso
Afartaa daleeyaye waxaan dib ugu soo laabtay
Toban uu dalkii sheegtayuu daw u leeyahaye
Ninka caawa loo dadab dhigay maqal dabuubtayda
Diktoorkaan u maahmaahayow hadalku yuu duulin
Wuxu yidhi badh baa dibad ku maqan degelladaydiiye
Cadaawuhu haddaan dooh la odhan dib uma laabmaane
Shisheeyuhu dux buu iga heloo laygu soo durugye
Dahab iyo batrool aan dhalaa daaha loo furaye
Derrimaha madheedhka leh halkuu daaqi jirey geelu
Doogaygu meeshuu ku yiil waa la duud