Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Faarax Nuur  | 

  Hordhac

    Halkan waxaynu ku soo bandhigaynaa mahadhooyin, oo sida aanu jecelnahay u badnaan doonta mahadhooyinkii dadka ugu caansanaa ama leh mahadho la taaban karo oo saamayn ku leh nolosha Soomaliyeed ,kuwaasoo aynu had iyo jeer u soo qaadan karno inay tusaale u noqon karaan ummada,
Farah N/Qawdhan PART I   Dib U laabo



	Collaadda sokeeye ee maanta ka aloosan Somalia waa
	mid ab-soo-jireen ah oo aynu ka dhaxalnay awoowayaasheen.
	Beelo ood iyo abba wadaaga ayaa waa colloobay oo shaydaan
	ka dhex shaqeeyey mashaqooyin badanina ku kala dhex dhaceen.
	Qawdhan Ducaale oo deegaanka uu u dhashay ka maqnaa ayaa
	loo sheegay dagaal ka dhex qarxay beelaha Arab iyo Ciidagale
	oo uu sida warka loogu sheegay maalintaas Arabka lagaga bursaday.
	Qawdhan oo mashaqadan soo korodhay ka hadlaya kuna taamaya in
	ooddiisu libbaysatay ayaa bilaabay loollanka maanso ee isaga
	iyo Faarax Nuur dhexmaray. Wuxu yidhi Qawdhan :

	Waa taan ka jaamidey beryahan gabay jarayntiiye
	Jiilaalladii baan ka dhigay jir an irmaanayne
	Xaluunbaa jaleelado la ridey jali cusbeeyeene

	Janna-hele Cismaanoow tixdaan xalay ku soo jeeday
	Sidii Johorad noo timi warkii jaahayaga nuuray
	Jufnadaan? ka baalidey xalay jiibti kama seexan

	Jawaab waxan u naqay uumiyaha nagu jalaadaaya
	Jawaab kalana waa maansadan jilay xisaabteeda

	Jawaab waxan u naqay uumiyaha nagu jalaadaaya
	Jarka boodhley reer Sugullihii joogey lagu laaye
	jaarkii Burciyo laysla waa jinawgi Beereede

	Raggii Faraska juuna u lahaa kama jareeyaane
	Jeeraaradii baa Nugaal juudigii go'aye
	Jaanqii ka madhay Keenadiid jaraygay baaneene

	Jurmadoobahaa reer Qayaad Jabad ma buuxshaane
	Jibsin reer Barkadi, Cali Geri bay jibo ku laayeene
	Reer Samatar Jidhidii Afmeer kama jilbaystaane

	Reer Nuux ma kala joogsannine waa jidiid dhabahe
	Waatay ku kala jeel baxeen Juuba lays daraye
	Jamaliyana qaar baa is dilay jillibadeediye

	Wax Jabouti roobku dhex maray dhulu la jiitaaye
	Ma jeclayn kuwii Adari weyn joogey galabtiiye
	Dadkaba niman Waraabuu jug siin jiinka laga waaye
	Jir ba maaha geerida Isaaq nagu jidhaystaaye

	Jawaabtaa waxan u naqay uumiyii nagu jalaadaayey
	Jawaab kalena waa maansadaan jilay xisaabteeda
	Ma jameecadaa laga guntaday waa jihaad dhabahe

	Senge jookh leh heensaha miyaa jiidhka lagu taagey
	Ma raggaan jareexaynayey baa jiifka ledi waayey
	Ma jibboodey reer Ciisihii Jemelku caayaayey

	Juqda Dhadi miyaa loogu tegey jaahillada guurey
	Maarrihi u la jiifsaday miyaa jaaha lagu diiray
	Durba jooflihii Arab miyaa faras la jiidhsiiyey

	Jab ma moodey awrtii daruur bari ka soo jeedda
	Jaraad laguma faanee Ayaxa jeex ma le'ekaannay
	Meeshiyo Jaleeliyo Horo, yaa jaanta loo simaye

	Waxba yaan dagaalkii ku jirin jiidhay nimankiiye
	Waxba yaanan Rooblena ku jerin jiifad erigiiye
	kol hadday Jigjiga haybsadeen jimicyo ii qoorray

	Maantaba Jirdii loo dhisay iyo juuci loo celiye
	Suldaankii la jaakirey haddii laga Jawaab qaatay
	Jaraha dhiga Jirkuba waa ridaa jalaw kaliileede

	----Jawaabtii Faarax Nuur------

	Faarax Nuur wuxuu ahaa nin ilaah yaqaan ah oo aan daandaansiga
	aqoon balse markii uu gef iyo gardarro dareemo gaalleef-tiisa
	soofaysta.
	Faarax oo u jawaabaya Qawdhan Ducaale wuxu yidhi;

	Nairoobi inan joogsaday oo jiitay la i moodye
	Ragga gabayga arar jiidayaa haw jimimiceene
	Anba waw jawaab celin ninkay jibo ka yeeshaane

	Wallaahaan jaliilado la dhici jibin ka waaweyne
	Hadba juhulo ii soo baxdoo jar iska xooraaya
	Jalfadaan ilkaha kala dhacaa oo Jiidhi geliyaaye

	Dadka hadalku waa kala jiraa juunahaan nahaye
	Aniyo jaallahay baa naqaan jagada waaweyne
	Hadba johorad iga soo baxdaa lagu jalbeebtaaye

	Jidhaab aamu kii juuqyidhoow jootan baan ahaye
	Adiyo aabbahaa lagu jejebi Jamici Naareede
	Jannadii Raxmaan iyo ka qada jaahi Nebigiiye..(NNKH)

	Aakhiro halkii Juuc ah iyo Jeelka lagu geeye
	Jahannama tagaay faanka sow lagama jeel beelo
	Jufka Bari haddaad noogu timi jiir ma kugu taagnay

	Meeshiyo Jaleeliyo Horo yaad jimicsan weydeene
	Idinkoo jirraban xoolihii ma idin jiidhsiinnay
	Sideed jiib isaga soo hesheed xalay u soo jeeddey

	Bal jeeskiinna eeg mee ragaad Jalanqo moodeysey
	Goortay qardhaasaha jareen jagacdi yeedheysey
	Jabayeeyda naagaha qalbiga maydin kala jeexnay
	Jab la moodye Awrkii maxaa jarana kuu laabay

	Suldaankii la jaakimay hadmaa laga jawaab qaatay
	Goortaan jilbaha kuu dhigay een Jaraha kuu raacay
	Waxa JOOF leh gool iyo ninkii joomihii cunaye
	Jiidhka igu yaal waa raggaan jarayey waagiiye.
Dabkaan Shidi    Dib U laabo


             Farah N/Qawdhan

Part II

Qaybtii 1aad waxan ku soo sheegnay gabayadii ay is dhaafsadeen
Qawdhan Ducaale iyo Faarax Nuur, isagoo uu Qawdhan gabayga
bilaabay.
Jawaabtii Faarax Nuur ayaa rag deegaankiisa ahi saluugeen
markaasuu Faarax Nuur (Alla ha u naxariistee) tiriyey
gabaygan soo socda;

Dabkaan shidi dambaaburada bixi dogobta qiiqaabi
Dawaarka iska rogi liifada iyo feedhaha is daari
Dayaxa iyo Shamsada soo baxee diiqa noqon doona

Deris iyo laftiba reerahaan daadka xulin doono
Intaasi waa darroorine ma furin daaqadii weliye
Col la dumay halkiyo Ceel-Daraad, Doy ma laga keenay

Digniintii habeen iyo dharaar mayga demi weydey
Dawyada raggii layska raray dawrar ma ahaatay
Ma daruurnay maadhin degiyo dananka gaashaanka

Dad...goortaan cuskaday Dadab ma loo yaacay
sidii culay waxuun duraya oo daraf ka laynaysa
Daymada raggii naga firdhaday duurka ma u leexday

Kuwii dhalashadaydii dafiray dacar ma leefsiinnay
Caaqilo duleedkayga timi daahir ma u qaatay
Nimankii....ma iska soo dooxnay

Raggu hadduu dureertada sariyo duunka ka colloobo
Sow waxa dawada looga dhigay dil iyo caydh maaha
Sowtaan isugu kaa daree kaa dibbiray maaha

Dilku badaye reer Ciise Dhamal daalac ma i raacay
Dayax dhacay Warfaa sow guryuhu dulug mado maaha
Sidii Dibi xareer soo cabboo dooxadu u buuxdo

Xaluunbuu dinnaahyo ula yimi duulal baaba'aye
Malaa Daahir iyo Faarax baa dun u collowdeene
Ha ku digannin waa Qawdhanoow degelladiinniiye

Hadduu gabaygu kaa daacad yahay daawo gurigiinna
Kolkuu fuluhu dirrrtii ka tegey dalafku waa goore???
Geelaan Dawaariyo ku furay dixida Gaaroodi
Ee Dilin-dilcoodkii nirgaha dogobka loo seexshey

Ee aan baarqabkiisaan ku daray Doobta ku higgoodey
Een Maraqa dabada ugu xidhay qaalmihii dararay
Waa taa u diiddeen Gobdoon dooggi soo baxaye
Cara durreeya caawaba rag baa deyr ku meersadaye

Kalagooye   Dib U laabo

              
Faarax Nuur (Arab) Nimuu qaamudkiisii galay oo qalinka loo duugay jeeruu qarfooluhu nin weyn qadada wedaarsho waa qaafil jeer ay indhuu qac u yidhaahdaane qabkii weli ma dhigin Ciise Dhamal laysku qoonsadaye waa waxay qarqoor leeyihiin waxaan qoyaamayne haddaan nabadda loo wada qastiyin wayska qiil jabane waataa ragii qoomanaa qaar xabaal yahaye goor maad run uga qaadateen qaan yaraa dirirku qabbi hadalka lagu laankalaan qaar ka saamiciye waa lagu qiyaamaynayaa Arabka qaarow 'e bal qilaafka daya geeddigaa idin qaddaacaaya qayrada xagee lagu wadaa Qadow ka meeraysa qaandhaawahoodii maxaa qoriga loo siistay qaalmaha rasaatii maxaa logu wada quudhay qosol been ah fool wada qayaxan qiil aan garanaayo booraan afkii laga qafilay qabarna hooseeyo qunsur oodan shabag laysu qubay qoolad iyo xeelad qulaab iyo kulaab iyo lacaab laysu qarinaayo qiyaamada kobtaa daahir ah aan qun ugu soo jeedo doqon baa halkii lagu qatali qoorta soo dhigane maanaa miniyo lay qarshaa laygu qali doono qaafada Ismaaciil Jibriil qoonka Sacad Muuse Awalkaannu qaadhanka guud qayb wadaag noqone qaaliga Albaasaan ka dhigi qaadhka naylaha'e qajajuu ha dilo geelayaga qululka dayreede qooriga Afmeer iyo Si'Godan qodax ladii Tuurta Qar waraabe iyo goob intay karintu qoynaysay Qool Caday iyo Laan Dheer hakay qun uga soofaysay ka qammaadnay goolkiyo wankii qarada weynaaye qolqolkaan isaga muuqaniyo qayd la wada ooto qadhiidhka iyo daankaanu nahay qaranka Guuleede inaan haatan kala qaadanaa Qaadir soo rogaye qatadeenii kala laasanay iyo qulufkii shaydaane waaryaadha kala quusanaye qoomamo la'aada
Faarax Nuur Iyo Qawdhan(II)   Dib U laabo


  Faarax Nuur/ Qawdhan Ducaale
  Markii Faarax Nuur laba gabay isku xigsiiyey isagoo u
  jawaab celinaya Qawdhan Ducaale ayuu Qawdhan geeraarkan
  soo socda tiriyey isagoo aflagaadeynaya Arab isla markaana
  ku baanaya inuu guutooyin cid walba leh soo wato;
  Wuxu yidhi Qawdhan Ducaale;

  Saleebaan Gacalmoodoo
  Guuble ciidan ka dayoo
  Dadkiinnoon konton gaadhin
  Is gaafoorsha Dixaa oo
  Araboow gunbudhle
  Araboow gabable
  Gondaa hoose u weynee
  Marka aan ku gelaayo
  Isaxaaaqa galbeed
  isba waa Garxajis
  Ee gees hadaanan ka keenin

  Inkastoonnu is goyno
  Ama geel kala qaadno
  Gobdoon waa Dhamal Aadane
  Gees haddaanan ka keenin

  Awalkaa Garabkayga
  Gees haddaanan ka keenin

  ???gablamaaya
  Gees haddaanan ka keenin

  Cabdi Dheere gadh-xiira
  Gees haddaanan ka keenin
  Gurmadkooda bah Deylo
  Gees haddaanan ka keenin
  Gaashaanbuur iyo Yoonis
  Gees haddaanan ka keenin
  Garmadii laba Ciise
  Gees haddaanan ka keenin
  Dad aydnaan garanaynoo]
  Geedka Saynta leh kala yaalla
  Gees haddaanan ka keenin

  Golalweyn iyo Tuuyo
  Iyo nimankaa ku gadaamane
  U guddoomiyo jaamac
  Gees haddaanan ka keenin

  Gudabiirsiyo Ciisiyo
  Amxaarkii gurranaa iyo
  Gaaladii Cad caddaydba
  Annagaw gadh-wadeennoo
  Gobba waa shuqulkeede
  Gees haddaanan ka keenin

  Maalintaan ku gelaayo
  Sidii Suul-Gorayo
  Hadaannaan ku gammuudin
  Oo ninba geelu jiraayey
  Galabtaa ku carraabinoo
  Ku soo gaaggixinnin
  ......

  Jawaabtii Faarax Nuur

  Sidii Goodir Jeelayoo
  Galay Ceelka dhanaaniyo
  Carraduu gujinaayey
  Gadaalkii ku xorgoobey
  Geeraarkii igu baadey
  Maan gadoodka ka keeno

  Rag hadduu garramaayo
  Miduunbay u go'daaye
  Gef wixii nagu biiriyo
  Maan gedaafada reebo

  Saleebaan gacal mood
  Gaban baan ka ceshey
  Gubla ciidan ka dayna
  Gaban baan ka ceshey
  Xaggaan guuto ka keeni
  Gaban baan ka ceshey
  Awalkaa garabkayga
  Gaban baan ka ceshey
  Gobdoon waa Dhamal Aadan
  Gaban baan ka ceshey
  Gudabiirsiyo Ciisiyo
  Amxaarkii gurranaa iyo
  Gaaladii Cadcaddayd iyo
  Annagaw gadhwadeenoo
  Gobba waa shuqulkeedna
  Gaban baan ka ceshey

  Saleebaan gacal mood
  Gaban baan ka ceshee
  Anigaa gacal mooduu
  Gaashaankayla hayaaye
  Gacantaa midigtaada
  Hadaan geeriyi qaadin
  Layska goyn kari maayo

  Guubla ciidan ka dayna
  Gaban baan ka ceshee
  Intuu maydha guduudiyo
  Bullo guudka madow iyo
  Xamar geesale fuulayoo
  Wax intuu galgalaasay'
  Gorgorkii dhergiyayoo
  Geed madoobi ku reebay
  Geelu raacda u qaadayna
  Nin kale gudbi maayo

  Gobdoon waa Dhamal Aadan
  Gaban baan ka ceshayoo
  Maalintii Cilmi gaydhii
  Ina Geele Sharmaarke
  Macaas geeri noqdeenbaa
  Geelashoo wada daaqiyo
  Guryahoo isu muuqdiyo
  Abtirsiimada guudbaa
  Ilaahay kala gooyoo
  Anuu ii gurmadaayoo
  Gaashaankayla hayaa

  Awalkaa garabkaagana
  Maxaa kaaga gidhiisha

  Dad aynaan garanaynoo
  Geedka saynle yaaloo
  Gamaaryuuc la yidhaa iyo
  Niman kuu gabbanaayoo
  Guudka kaala shiraayiyo
  Cabdi-Dheere gal dooniyo
  Gabantii yaryarayd iyo
  Cantarbood gacal moodoo
  Gudabiirsiyo Ciisiyo
  Amxaarkii gurranaa iyo
  Gaaladii cadcaddayd iyo
  Gelimaysna u yeedhoo
  Gaalyohow gaalku korshey
  Anna yaanan ka guurin
  Adna yaadan ka gaabine
  Waynoo Gawdh iyo duuriyo
  Gumburaa dhinacoodee
  Ninkeennii la gumeeyo
  Ama geela la raacsho
  Ninkaasaa Gumbudhlee
  Guruc-neefka Ba iido?
  Idinkoo garbaweynoo
  Garbataydinku taaloo
  Gadhka saabka dhigaaya
  Haddaanan goonbiyaddayda
  Gawrac kuugu sukuumin
  Waa haddaanan gudnayn
Guhaan   Dib U laabo


  Faarax Nuur/ Ina Warfaa Suldaan

  Wiil dhallinyaro ah oo Ciidagale ah oo la odhan jirey Ina
  Warfaa Suldaan ayaa u gabyey Faarax Nuur.
  Wuxu yidhi Ina Warfaa Suldaan;
    Nabsi gudaya Geydhoow la arag goor la joogaba'e
  Guryahaaba lays daba degaa Gu' iyo Jiilaale
  Halkuu galo guddoonbaa u dhacay gaama-ruugyada'e

  Gunta kibirtay waagii horaa laga gol roonaaye
  inuu Arab garmaamiyo dagaal gelinba cayn keeno
  Iyo inaan geddaydii sankiyo dhegaha qaar gooyo

  Raabboow gaalkuu muu noo fasaxo guga waxaan yeelo
  Guulade iyo Guuleed Suldaan geesan kala roone
  Goodbuu ku dhaqay aabbahay gaanbiyoow farase

  Gadhkaagiyo gadhkiisaa sinnaa Goodiryow xumiyi
  Gal Billaawe iyo baad toshaa gaalka weysada'e
  Ganbo lama shaqaystee rugtaa ginigu noo yaalle
  ------------------------------------------------

  Faarax Nuur wuxu wiilkaa u tirshey laba tixood.
  Tixda hore waxay jawaab u tahay gabayga uu Ina
  Warfaa Suldaan tirshey. Gabayga danbe wuxu Faarax
  ku guhaamayaa wiilka isagoo uu siduu tilmaamay libaax
  la tegey Ina Warfaa Suldaan.

  Abtirsiinadiinnii guray oo waa gudboonnahaye
  Hadii godobtayada uumiyaha geedo loo mariyey
  Anna maan gufaacada ridoon gaaddanka u reebo

  Gildhigaanka maan liifadda iyo geliyo baaruudda
  Wixii naga gardaran Jeedal maan gawda kaga saaro
  Kob lagu giirtay meel lagu go'ay oy Geydho ololayso

  Gammaankana dhacsiga layska wado labada geesoodba
  Gorgorkuna hilbaha boobayoo guruxa soo saaray
  Weli Arab garmaamaha dagaal gucummo Aar yeeshay

  Oo geylamaayaadan arag goob awaara lehe
  Waxsaad garan Gorgor baad tahee guud -caddaadiga'e
  Gal Billaawe iyo waan tolaa gaalka weysada'e

  labaduba garaad-laawe yohow waa gob shuqulkeede
  Guunyadu haddii ay Baxdo oo gugu abaaroobo
  Gurboodkaan dhaliyo naagahaan gego ku deeqaaye

  Shir guddiya haddii reer tolkay gaar isugu meero
  Aniga iyo Toban loo gartaybaa guurtidaw baxa'e
  Oo weliba Geeraarka iyo Gabaygu ii dheere
  Halkuu nacasku iga gaabiyaan garan aqoon waayey

  Sidii roob intuu gaax tirsaday Guban ka soo hooray
  Ama gaaladii BeerDhiga oo geydh u diriraysa
  Ama Ramad nirgii laga guroo gubayo oon hayso

  Ama Siig dab lala gaadayoo Geli ku rooraaya
  Ama Aar intuu goonji cunay gelaya hawdkiisa
  Ama Micis godkii lagu shidoo gebi ka yeedhaysa

  Ma gam'ee habeenkii hurdada gawdu waa aniye
  Gadhka malawle Gawdh iyo Tayaag gurada Xaabaale
  Gabaahirtii duudka weyn? sii galgalanaysey

  Gumburkii Abaarso iyo Wadne iyo guban intii eegta
  Galgalaha Jaleelo iyo Hallaye, Gaafka Dararweyne
  Guntiga Shiisha meesha iyo Guguc gacan-Dhariiryaale

  Halka dhamasku hoos ugu go'o iyo Harada gaagaabaan
  Niman baa gadaaman oo intaa gaadh ku meersadaye
  Guga dhaw ha laga soo raree Qaalimmo u geeya
  Haddii kalese goolaaftankiyo guuxa naga daaya
  ------------------------------------------------

  Faarax intuu gabaygii ku noqday ayuu Wiilkii
  guhaamay isagoo isaga soo dhigay Libaax. Wiilkii
  Ina Warfaa Suldaan gabaygan ka dib Libaax Baa
  qaatay oo halkaasuu ku naf waayey;

  Gal-dad-liqa ul baa lagu dayaa laga danbeeyaaye
  Weligiinba ceel dawlis leh yaad dalaq tidhaahdaane
  Dubbo lagu mergado reer Aftaag waa dig siin jiraye
  Dirkii kula dhashiyo aabahaa kuguma daayeene
  Malaa midu Warfaa dayriyey oo daahan baa tahaye
  Aarkii Daboolaan ahay oon debedda joogayne
  Duddada geela wiilkaan sidii dawri kala boodi
  Ama Dooy Yaxaas uga dhacaa waa dad aakhiro'e

 

Hadduu Saakimi Waayo   Dib U laabo



  Faarax Nuur wuxuu dhashay wakhti lagu qiyaaso 1860s;
  waxaanu dhintay horaantii 1930s. Farah Nuur wuxuu
  kamid yahay gabyaaga waaweyn ee Somalida. Inkastoo
  Farah leeyahay qaar kamid ah gabayada u xasiisisan
  dhinaca qabiilka iyo dagaalada sokeeye, haddana
  waxaa uu leeyahay kuwo uu sulux iyo nabadgelyada
  kaga hadlaayo.

  Gabaygan waxa uu ku tilmaamayaa abwaanku xadka uu
  dulqaadku lee yahay ee bani aadamka loo samri karo.

  1. Rag sabaan ka sabaan baan,
  2. Samaantuun badiyaa.

  3. Haduu saakimi waayo,
  4. Sariiraan u dhigaa,
  5. Iska seexo idhaa.

  6. Haduu saakimi waayo na,
  7. Caanihii hasha Suub baan,
  8. Saddex goor u lisaa,
  9. Ku sarriigo idhaa.
  10.Haduu saakimi waayo,
  11. Sumalkii rugta joogay iyo,
  12. Sogobkaan u qalaa,

  13. Haduu saakimi waayo,
  14. Siirigii Cadmeed baan,
  15. Subaggawga badshaa,

  16. Haduu saakimi waayo,
  17. Gabadh suurad wanaagsan baan,
  18. Surrada ugu dhisaa.

  19. Haduu saakimi waayo,
  20. Xoolo gooni u soofiyo,
  21. Sadadaan ku ladhaa,
  22. Haduu saakimi waayo,
  23. Seeddow, mood iyo mood iyo,
  24. Salaantaan badiyaa.
  25. Haduu saakimi waayo
  26. Salaadaan lallabaa yoo
  27. Meydal seedo madow iyo
  28. Salligaan cuskadaa yoo
  29. Sulub eebo ku joogtaan
  30. Sarartaa ku dhuftaa
  31. Sambabkaan ka baxshaa
  32. Markaasuu sellimaa
Aakhiru Sabaan   Dib U laabo


	Gabaygan wuxu Abwaanku tiriyey waagii Gaaladii Yurub
	ka soo gooshtay ay geyiga Soomalida qaybsanaysay.
	Wuxu Abwaankii Waddaniga ahaa ee Faarax Nuur
	(Ilaah ha u naxariistee) ku guubaabinayaa Ummadda
	Soomaaliyeed in aan la aaminin Gaalka sidii uu Eebbe
	Inna faray. Wuxu abwaanku ku bilaabayaa in astaamihii
	Aakhiru-Samaanku ay ifafaalahoodii muuqdaan;

	Ingiriis Axmaariyo Talyaan wey akeekimiye
	Arligaa la kala boobayaa nin u itaal roone
	Anse ila ah aakhiru Sabaan iligyadiisiiye

	Orgigaa riyaha taadaxoo oodda faaliga e
	Waa duni hablihii loo ogaa aqalka diideene
	Anse ila ah aakhiru sabaan iligyadiisiiye

	Waa duni la kala iibsaday oon nala ogeysiine
	Waa duni akhyaartii go'day oo aaran soo hadhaye
	Waa duni ninkaad aamintaa kuu abees yahaye
	Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye

	Waa duni xaqii la arkayaa la arjumayaaye
	Waa duni Akhyaartii lahayd iib ku doon tahaye
	Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye

	Afka iyo adduunkaa hadloo oodan? sadarkiiye
	Ninka gacanta midig oodan tahay laga ilroonaaye
	Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye

	Nimanyahow bal daya xaajada lala aguugaayo
	Odayaashan loo yeedhay ee la anfac siinaayo
	Asxaabihii bayna yidhi gaal ha aaminine

	Haddaa niman Islaamiyo tihiin aadan faracdiisa
	Oo aydnaan Ilaahay ka go'in hayna oodina'e
	Hadduu Awrka dooxada ku furo eel kalaa xigiye
	Inaga Daaya yaynaan ku dhicin bahal Afkiisiiye

 

Googoos   Dib U laabo


Faarax Nuur
  Gabaygan wuxu abwaanku ugu caqli celinayey laba Qabiil
  oo Isaaq ah oo is afgaran waa ka dhex dhashay oo dagaal
  isugu qalab qaatay.

  Anaa mudan anaa midho, ku dheer lay hormarinaayo
  Waxa manaamuhu uu ka dhacay, maalintii hore eh
  Waxyar oo la maarayn karaa, madhiyey iiddoore
  Mid mataanta law duubantahay, oo meel kaciwaayey
  Magligaa dushiisa ah intuu, kor mirdhaabaayo
  Naftu way macaantahay, intaan lays mahoobbiyine
  Allow yaa rag waxa uu, maldahay maanta garansiiya
  Immikaan waxba idin, maqnayn labadii meeloodee?
  Koluun bay masuubadu, dhacdaa maanta kala hoyda

  CODSI: Fadlan Gabaydii Faarax nuur waxaad ka hayso
  noo soo tebi, siiba kuwan hoos ku qoran.

  1.
  Lix halkaa ku joogtaan dagaal laabta ka ogaada
  Luquntana haddii laydin jaro lugaha meermeersha
  Laqantooyo kaagama dartee laliya duulaanka
  Laarrigana ha daynina wixii lumaya yeelkiiye
  2.
  Kun la dirira idinkoo konton ah weydun kaafiye'e
  3.
  Namiimiyuhu warkuu sheegayaa nacas run moodaaye
  Ana nadartu wixii aan arkaan nacam idhaahdaa.
  Nin ku xiga naxliga kuu galaa nudayga kaa gooye
  Nugaalna an tagee reer Xirsow nacay agtiinniiye
  4.
  Haddaan Arab waxaa yeela iyo waano kala quustay
  Sow inaan dantay waarriyaa igu wanaag maahan
  5.
  Aduun waa waano iyo Haashimaw wariyo sheegsheege
  Arabna sidaan ka weynahay ayaan wax ugu sheegaaye
  Hadaan Arab waxaa yeela iyo waano kala quustay
  Sow inan danatay waarriyaa igu wanaag maaha
  6.
  Waraabaha candherley
  ka Cayn geela kulaayiyo
  Ka Carmaale dushiisa
  Arab kiisa cunaaba
  isaga weysugu cayn.

             
Dib U laabo
Soo bandhige: Fu,aad Sh. (Bahda Mareegta Farshaxan)
Xigasho: Mareegta Hoyga Suugaanta

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.