Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Xasan Sheekh Muumin | 

  Hordhac

    Halkan waxaynu ku soo bandhigaynaa mahadhooyin, oo sida aanu jecelnahay u badnaan doonta mahadhooyinkii dadka ugu caansanaa ama leh mahadho la taaban karo oo saamayn ku leh nolosha Soomaliyeed ,kuwaasoo aynu had iyo jeer u soo qaadan karno inay tusaale u noqon karaan ummada,
Qodob Su'aaloo    Dib U laabo




"Xasan Sheekh Muumin"

    Heestan magaceeda waxa la yidhaa "waa qodob su'aaloon",
    Waxa midhaheeda curiyay abwaankii weynaa  Xasan Sheekh Muumin.
    Cidii qaadi jirtay soo     tabiya haddaad haysaan.
  Heestan waxay ku bilaabantaa sidan :


Waa qaali nabadduye
Nin qumaati uleday Oo
qushigii u meelmaray

Idinkuba qiyaasoo
Haddii aan qalooc jirin
Miyaa qirilahaydeen

Waa qodob su'aaloon
Qofwaliba siday tahay
Haw qaato leeyahay

Soo saxa soona dhameeya





 
             
Dib U laabo
Gorayadu    Dib U laabo



goroyadu ilmaheeda
aroori bey dhigtaayoo
aboodigu ku laayaa
shimbirtuna aroosey
ila xidhoo madaw bey
ubadkeeda seexisaa
kala huran labaduye
edebtiyo aqoontiyo
asluubey isku dhaafeen
caqligii wanaagsani
itaal inuu ka roonyahay
baleegoo u fiirsadaa

ilka weynow maroodigu
aradaduu dhistaabaa
cadawgu ka ugaadhaa
aboorkuna dudumadaan
aragney buu dhistaayo
naftiisa ku ilaaliyaa
kala huran labaduye
edebtiyo aqoontiyo
asluubey isku dhaafeen
caqligii wanaagsani
itaal inuu ka roonyahay
baleegoo u fiirsadaa

ma ogtihiin sakaaradu
awaarahay qodaayoo
saaladeeda ku aastaa
libaaxuna ma asturee
ilinaduu ka arooraa
saaladiisa ku aragtaa
kala huran labaduye
edebtiyo aqoontiyo
asluubey isku dhaafeen
caqligii wanaagsani
itaal inuu ka roonyahay
baleegoo u fiirsadaa

 
             
Dib U laabo
Hubsiimo    Dib U laabo

(Abwaan, Xasan Sh.Muumin.)
(Laxanka, Axmed Cali Cigal.)

Inuu haad habeen kaco,
Heehaabo heegada
Hafiyaan dabayluhu
Hiddihiisa mahee

Hadimada u baaqdee
Kala hadashay samadee
Hoygii ka saartaa
U horseeday halistee!

Hablaha tii hanweynee
Hal-adag baan
Hallayn haybadeedee!
Haye fudud
Habeenkaan lahaabay haye
Hubsiinadu huuno
Habboonayd!

Jiilaal hawaawiray,
Halasaha kaliileed
Qof harraadan oo helay
Haan quruxsan oo hilan!

Ku haliilay oon hubin
Waxa hoosta kaga jira
Halaq cuni ku soobaxay
Haaraan fudaydkii

Hablaha tii hanweynee
Hal-adag baan
Hallayn haybadeedee!
Haye fudud
Habeenkaan lahaabay haye
Hubsiinadu habboonayd;

Naftu inay hillowdoy,
Hamidoo hawaawido
Higsataa waxaanay hayn
Waa himiladeedee!

Herkaay joogtaba
Hirkalaa u hillaacee
Hebed baa haween dilay!
Ragna heeryadii cune!

Hablaha tii hanweynee
Hal-adag baan
Hallayn haybadeedee!
Haye fudud
Habeenkaan lahaabay haye
Hubsiinadu huuno
Habboonayd;


             
Dib U laabo
Qodob Su'aaloo    Dib U laabo



             
Dib U laabo
Soo bandhige: Fu,aad Sh. (Bahda Mareegta Farshaxan)
Xigasho: Mareegta Hoyga Suugaanta

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.