Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Xasan Cilmi Diiriye(IHUN) | 23:29 | Saturday-April-17-20<10/font>

  Hordhac


   
Halkan waxaynu ku soo bandhigaynaa mahadhooyin, oo sida aanu jecelnahay u
badnaan doonta mahadhooyinkii dadka ugu caansanaa ama leh mahadho la
taaban karo  oo saamayn ku leh nolosha Soomaliyeed ,kuwaasoo
aynu had iyo jeer u soo qaadan karno inay  tusaale  u noqon karaan ummada,

Waan ka dhiidhiyey    Dib U laabo

Xasan Cilmi Diiriye, 1979.

Xasan Cilmi laba sannadood kadib markii gumaysiga laga xoroobay
Ayuu gabaygan soo socda oo uu ugu wan qalay “Waan ka dhiidhiyey”
Tiriyey,markaas oo ku beegan 1979kii.Waxa uu yidhi.

Haddii dhamacda jiilaal la furo,oogo dhabadkeeda
Dhagayaraha geel baa dhur suga,gu’ iyo dheeraade
Dhiin qarid biya ah wow dhintaa,laba dharaaroode
Isagoo dhambaalaqaynayoo,dhohondhohoo liita
Wuxu soo dhiyaaluu waddada,dhuunta ku hayaaba
Dudda waaga dhaxantoo qabow, weli dhulkoon diirin
Markuu cagaha soo dhigo halkii, laga dhiibilaayey

Dhiillada baroorta ah hadduu, dhab ugu eedaamo
Kii dhaqay ma dhiidhiibsade e, dhigay xamaantiiye
Dhiiftiyo harraadkuu la ciyey,uu ka dhididaaye
Dhaqsuu ceelka ugu dhaadhacaa, kaalinta u dheere
Darkuu maaxda uga dhaamiyaa, ugu dhaweeyaaye
Dhoobadiyo ciiddiyo intaan,dhababka la i saarin
Dhudhunkayga maal buu yidhaa,dheehan abidkaaye

Aniguna dhiggiisoo kalaan ,ugu dheererraaye
Dhayal iyo ciyaar laguma helin,dhooblahaan sudhaye
Dhabarkaan gu’yaal uga rarraa, on u dheelmadaaye
Dhaqdhaqaaq xornimodoon ahoo,dhiirran baw kacaye
Dhallinyaro naftoodii huray baa, dhaafay cududdiiye
Dharbaaxooyin baa loola tegey,Gaalka dhoorka lehe

Meeshiyo dhallaannimo xaqii, la iga dheereeyey
Waxan daba dhasleeyaba markaan, dhidibbada u taagey
Sida naag dhalmada gaaxisayoon, waaya laga dhiijin
Oo dhiriftay ubad dhaadhiyoo,dhaban markay weyday
Waxay dhafooshaba mar dhaw, curaddo loo dhiibay
Ka dhur sugay horaan ugu dhurmayo, waan dhunkanayaaye
Sideen ugu dhebcaalaa anon,maanku iga dhoofin

Calankaan dhadhaabaha u koray,dhib iyo haydaarta
Calankaan la dhaygagay wixii,dhiilla igu gaadhay
Calankaan dhaqaalaha naftiyo,dhuuni uga giigay
Dhalanteed ninkii moodayow,waan ka dhiidhiyaye
Dhagarteenna kala daa adoo, nabadda dhawrayoo
 

Qasiido   Dib U laabo



Xasan Cilmi Diiriye,,



Dhinaca kale ee abwaan Xasan Cilmi uu xoogga saaray intii uu noolaa waxa ka mida,
Qasaa’id Nebi ammaana iyo Alla bari uu tiriyey oo aad iyo aad loo jeclaysto.
Qasaa’idka ilaa imika abwaannadu tiriyeen
ee ku kaydsan Raadiyoga iyo Telefishanka Jabuuti kuwa Xasan baa ugu tayo sarreeya.
Qasaa’idkii af Carbeedka ahaa ayuu af Soomaali toos ugu tarjimay,ereyadii oo keliya
muu tarjimine Godkii Carabiga ahaa ayuu Soomaaliyeeyey.Intaan xasuusto toban
qasiidadood ayuu sidaa u tarjumay.Curintaasi waa  hibooyinka gaarka uu ahaa ee uu
kaga duwanaa abwaannada kale.Qasaa’idkaa iyo Alla bariga uu Xasan tiriyey oo fara
badan awgood baan mid ka soo qaadanaynaa,

Yaa Rabbi saalli calaa Muxamad
Nabiyunaa ashrafil anaami

Maareeyeheennu, Mustafe weeye
Maynuunka diintu, Mustafe weeye
Mukhliska dhaartay, Mustafe weeye
Muxubbo gaara,magac wanaagsan
Sharaf aan maydhmin, Maxamad baa leh

Macallinkeennu, Mustafe weeye
Malkada khayrku, Mustafe weeye
Maaxdii garaadku, Mustafe, weeye
Muxubbo gaara, magac wanaagsan
Sharaf aan maydhmin, Maxamad baa leh

Macallinkeennu, Mustafe weeye
Malkada khayrku, Mustafe weeye
Madax la dhawro, Mustafe weeye
Iftiinka muuqda, hillaaca miiqmay
Marinka toosan, Maxamad baa leh

Maamulaheennu, Mustafe weeye
Maahmaah-yaqaanku, Mustafe weeye
Maaxdii garaadku, Mustafe weeye
Maskax awood leh, miyir hoggaansha
Mabda’aan guurin, Maxamad baa leh

Mideeyeheennu, Mustafe weeye
Maganta-dhawre, Mustafe weeye
Muddeeca Eebbe, Mustafe weeye
Marti la sooro, muquuno buuxda
Oo maanka deeqda, Maxamad baa leh
Allaa mahad leh, macaan Jannaa leh
Socod maguugan, midiidin baa leh
Addoon macaashay, Mustafe weeye
Mug iyo qaayo, lagu mannaystay
Mataallo dhawra, Maxamad baa leh

Yaa Rabbi saalli caalaa Muxamad
Nabiyunaa ashrafil anaami.


Alla Bari   Dib U laabo



Xasan Cilmi Diiriye



Tani waa maanso Alla bari ah oo Xasan Cilmi ummadda Islaamka ugu sheegayo in
adduunyadu tahay mid laga guurayo oo laga sii socdo isla markaana loo sii
tabaabushaysto aakhiro oo lama huraantii ah.Maansada waxa uu ku soo gebagebaynayaa
duco ballaadhan oo uu Ilaahay ka baryayo in Muslimiinta uu geeyo aakhiro guryo
raaxo.Maansadan Alla bariga ahi xasuus gaara bay ii leedahay, waayo abwaan
Xasan Cilmi ayaa aniga iyo saaxiibkay Maxamad Ibraahim Kulmiye oo aannu
kawada tirsannahay RTD nagula dardaarmay, haddii ay tii Alla u timaaddo
oo uu naga horreeyo in maalintaa Raadiyooga iyo Telefiishanka laga siidaayo,
Ilaah mahaddii dardaarankii Xasan sidii baan u meel marinnay.
Maansadan godka uu ka tiriyey abwaanku waa God uu isagu ku soo kordhiyey
Godadkii horay looga tirin jirey maansada Soomaalida.
Maansadii oo dhanna waa tan



Garannoo adduun waa geeddiyoo
laga guuryeGuullow Allow
Aakhiro nagee guryo raaxo

Adigoo gefkiyo geerida ogsoon
Ka il gibidhso hana gelin dambiga
Kugu gana cadaabta gunteeda

Dadku waa gucliyo nin gaboobayoo
Gebax yidhi goobtaan la hurin
Sahayda u gurtoo u gu’tiriya

Gashi laguma bixin goonyaha dadkii
Laga guraye mawdkii gembiyey
Nimuu gaadayow ha is giijin

Moron gaabanoon meel gaadhsanayn
Lagu gama’ye gogoshii jannada
Guubaabiyo gurmad kiciya

Geel baan dhaqdiyo gabay aan
Wax tarin an ka gudubno,gar Alliyo
Axdiga adigoon ka gu’in gudo faralka

Goor iyo ayaan gaadiid u noqo werdiga
Gobo’le gawsaha ka tiri carrabka
U gaadan gefka ka cabso

Gebageba cidliyo gega madhan ha furin
Galab reerka goolkaaga shilis gaadiyo
Dhurwaa ha u geynin

Guutiyo col baa inna goobayee
Garo nacabka gunti xume Ibliis
Godob ha u dhintee guji wecelka

Gadantaye naf yahay naartood
Gashiyo Janna galacle u galgalo
Middii adi kuu gol roon ha garbadhine

Gaagaabsigiyo xanta loo guddiyey
Ha ku gubannin hilbo aanad geyin
Ha ku godin ilkaha sida garowga

Godobta iska eeg xumo haw gargaarin
Hana garabsan runtu yay gablamin
Gacalkeed ahaw qabo gacanta

Annagoo gardaran gocashada naftana
Garab taagan na gargaar Allow
Galladdaadu waa mid aan gudhine

Garannoo adduun waa geeddiyoo
Laga guurye Guullow Allow
Aakhiro na gee guryo raaxo,  Aamiin


Maansadii Siinley   Dib U laabo



Xasan Cilmi Diiriye



TANINA  WAA  SIINLLEYDII  XASAN CILMI DIIRIYE


Maansadan Siinley waxa uu Xasan tiriyey sannadkii 1973kii bishii Juulaay

Sannadkani intuu yahay
Iyo kii sidqee hore
Sahannada is jiidhiyo
Heesaha socdaalka ah
Ee siinka laga wado
Nimankii sameeyow
Horta idin salaannaye
Subax wacan ma toosteen?

Marka xiga sangaabtiyo
Magacani la saanyaday
Balaa idin su’aalee
Saxarladu ma gabadh baa ?

Kuwa sabanka joogiyo
Safka haatan soo kacay
Ma ta ugu sad roon baa?

Ma sindheer koraysoo
Sibir geenyo uguboo
Quruxdii Suleekhiyo
Nabi Yuusuf sidataa?

Ma abeer sigsiganoo
Soddon laba gu’dhaaftoo
Sararaha ka naaxdaa?

Ma duq samaha talisoo
Isaseegga necebiyo
Soddoh loo bogaa?

Ma sir hoosta socotoo
Inaad sare u qaaddaan
Dadka laga sandahayaa?

Ma siraad baxaayoo
Halka uu ku sugan yahay
Weli laga sokeeyaa?

Ma sareedo iyo maadh
Laga seexan waayoo
Ragba wada sugaayaa?

Ma siddeetan guuriyo
Suus iyo nuxuusiyo
Cudur soo sinqaayaa?

Ma sagaal jir curatoo
Ugu sidata geeloo
Candho saab la moodiyo
Samayuhu ku yaal baa?

Ma gu’soore baaqdoo
Sayrkii abaartii
Kala sooci waayaa?

Ma sabeen hallawdoo
Saddex beri maqnaydoo
Reer wada saboolii
Subax raadinaayaa?

Ma suldaaro iyo been
Doqon lagu sabaayiyo
Sawir lala hadlaayaa?

Ma rag soofka maansada
Seeraha u yaalliyo
Marikeedi seegoo
Summad doorshay gabaygaa?

Xaajadu silloonaa
Soomaali oo idl
Salaw bay ku kicisee
Sanqadhaha baxaayiyo
Sooyaanku waa maxay?

Ma sac baa idiin dhalay?
Dibi laga sidkaayoo
Salowga u shidaysaan

Waxba yaanan sii wadin
Sawraxanka dooddee
Suugaanta dheeriyo
Kaftan laga sargooyoo
Kala soocan mooyee
Anigoon murtida saarin
Seedahana gaadhsiin
Sigib tiray warkaygii
Waanan saadinaayaa
Haddaan seeftu igu dhicin
Inaan sugo jawaabtee
Sidan ararta loo simay
Anse aan la kala sixin
Surgimaha iswada sudhan
Waan saluugay anuguye
Sifihiyo ujeeddada
Ma na siin karaysaan


Alla Bari   Dib U laabo



Xasan Cilmi Diiriye,



    WAA  DEELEEYDII  XASAN  CILMI  DIIRIYE

    (DURKIYEE AN DHAAFEE)  1980kii

Deeq loo bogaa iyo
Dahab weeye barashadu
Dirir soo hillaaciyo
Derbi lagu caweeyiyo
Damal weeye barashadu

Dayax kuu iftiimiyo
Duhur weeye barashadu
Waana derejo qaaliya

Indho kala dednaa bay
Daahyada ka fayddaa
Debno kala xidhnaa bay
Dusha uga adeegtaa
Dabeed way is-gaadhaan
Haasaawe dihin iyo
Xigmad lagu daleeyey
Isku daadsadaanoo
Dunta loo adkeeyaa
Innaguna duqaydaay
Derisnaye ma doodnaa
Mise waan ka daynaa?

Durkiyee an dhaafee
Deelleeyda koowaad
Duco-qabaha noo furay
Ma dulmin ma duudsiyin
Ma derderina sheekada
Duud iyo xubno u yeel
Docda kama dhawaaqine
Duddaduu ka joogsaday
Ma degdegin Hadraawiye
Daa’imo sideedii
Maansada u daaddihi
Dhegtu xaraf ay diiddiyo
Deel qaafna kuma darin

Ma dabrina Idaajaa
Arartii daboollayd
Iyo dabaqadduu dhigay
Mid na deeqday weeyaan
Waana dux iyo iidaan

Marka la isku kiin daro
Dawgaad bannayseen
Cilmigii digtoorkiyo
Diirad buu ka dhigan yahay
Dib markaad u raacdana
Dhexduu deri ka leeyahay
Dooddiinnu waa qaran
Waa dawlad calankeed
Dusha way ka siman tahay
Kolna waa dig iyo deleb
Quruq baad dalayseen
Xaradh baad ku duugteen
Iyo midab la daawado
Waanay dacalla rogan tahay

Afartaa dabrimada leh
Waxaan baasha kaga daray

Diric xoolo badan iyo
Ruuxii danleey ahi
Dab ma wada kulaalaan?
Geesiga nin dooriyo
Hayb-dalaska liitaa
Dab ma wada lulaalaan?

Gaarida digtoon iyo
Doqon rayska jiiftaa
Dab ma wada kulaalaan?

Dirigdirigta baqalkiyo
Sange orodka dawdabay
Dab ma wada kulaalaan?

Digirii nin haystiyo
Ka debbaray tacliintee
Furka looga qalin-daray
Dab ma wada kulaalaan

Qaamuus da’weynoo
Taariikhihii dumay
Laga daawan karo
Buugga shalay la daabacay
Dab ma wada kulaalaan?
Durkiyee an dhaafee

Dulucdiyo ujeeddada
Darka loo silsilay iyo
Halka loo dan leeyahay
Ma ku soo dindimiyaa?

Nin dardaarmay baa yidhi
Waxay dumiso mooyee
Dugsi ma leh qabyaaladi

Waa dogob la shidayoo
Danbas lagu hadoodilay
Dhamacina ku dedan tahay

Waa sun iyo deebaaq
Iyo dacar qadhaadhoo
Daacuun ku ladhan yahay
Waa cudur digaafoo
Degellada ku baahoo
Daashaday Afrikada
Diric lagu goblamay iyo
Inta geesi loo dilay
Daafida ka badatee
Sow lagama daaloo
Saw lagama daaddego?
Ma dariiqo Nebi iyo
Diintii Islaamkaa?
Duco lagu barbaariyo
Ma dardaaran oday baa?
Ma diyaafad iyo soor
Baahida daryeeshaa?

Isku soo dabbaaloo
Inta daallin iyo tuug
Docda ugu shirayaan
Dawadeeda lama helo
Durkiyee an dhaafee

Bahshii dikhawdee
Duuftee la jiidee
Loo saaray dibaddee
Ina habar-dugaagiyo
Lagu sooray dacawada
Ninka dani ka haysaa
Ha u digigixoodee
Hadalkeeda iga daa
Durkiyee an dhaafee

Sida baarqab dayreed
Rati geela lagu daray
Oo diiray miciyada
Doobtana ruxaayoo
Dardar iyo hafeef qaba
Dawankaad maqlaysaa
Waa doorin curatiyo
Darartii abwaankee
Ha dabbaalin sheekada
Geestii ay doontaba
Ha u dulundulcootee
Qoobkeeda sii daa

Dood waliba xeesheed
Waana lga dmbeeyaa
Gu’darrooray daadkii
Isagaa dammiin ka ah
Nin waliba damiirkii
Waana baro ku daabacan
Maskaxiba dareenkeed
Haku daaqdo weeyaan
Durduriyo itaalkeed
Aniguna kanaan degay.


Alla Bari   Dib U laabo



Xasan Cilmi Diiriye,





Alla Bari   Dib U laabo



Xasan Cilmi Diiriye",





             
Dib U laabo
Soo bandhige: Fu,aad Sh. (Bahda Mareegta Farshaxan)
Xigasho: Mareegta Kaydka Suugaanta

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.